-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawladu waxa ay qiimo ku leedahay dadkeega oo ah kuwa dhistay ee doortay ee cashuur bixiyaha ah ee u hogaansan awaamiirta qaranka in ay u ilaaliso rabitaankooga , xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda iyo waliba raaligalintooda . Aduunku waxa uu ku qiimeeyaa dawladaha sida ay dadkooda u ixtiraamaan isugu wadaan danahooga uguna shaqeynayaan , waxii ay dhigteena u ixtiraamayaan ugana go’an tahay in ay ka midho dhaliyaan himilada iyo hiigsiga umadooda. Haddaba maalinta lagaa helo qaybsanaan iyo in la kala aamin baxo waa maalinta aad ugu nugushahay in cidwaliba danaheega kaa dhex fushato oo jiritaankaaga khatar la galiyo. Maanta waxa muuqata in loo kala dheeraynayo aduunka iyo daneeyayaasha doorashada somaliland oo dhaqaale badan inagu bixiya oo aynu ku qabsano doorashooyinka , cidina danaha gudahaaga ma soo farogalin karto ilaa adigu ay kaa muuqato gol-daloolooyin sida ; in aanad shuruucdii iyo waxii aad dhigatay ilaalin , sida in aanad ixtiraamin dadkii dawladnimada lahaa iyo rabitaankooga iyo xuquuqahooga . Xuquuqda doorashada iyo in wakhtigeeda la ilaaliya oo laga shaqeeyo xil wayna la iska saaraa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu weyn ee lagu qiimeeyo dalalka oo waxa la eegaa xasiloonaanta iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi leeyahay hadii ay tahay cid ku taageeraysa iyo cid ku maalgashanaysa ama aad wada galaysaan heshiisyo mandaqadeed iyo qaar caalamiba. Maanta somaliland wax badan oo sumcad ahaan iyo qaran ahaan kor inoo qaadi lahaa inaga ayey inagu xidhan yihiin in aynu isku tashano oo hagar baxno hawlaha muhiimka ah ee qaran ahaan inoo yaalla oo aynaan cid kale ka sugin ee aynu soo celino iskaashigii iyo kalsoonidii gudaheena. Markaa waxa wanaagsan in aynu eegno danaha dalkeena iyo dadkeena ee aynaan eegin danaheena siyaasiga ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ka hor imanaya kuwa umadeenu doonayso, waana in ay inta masuuliyadaha umada u haysaa iska bilowdaa oo aanay kuraasida jeclaysan hadii ay guurti tahay , hadii ay gole wakiilo tahay , hadii ay gole deegaan yihiin , hadii ay komishan doorasho yihiin , hadii ay xisbiyo siyaasadeed yihiin iyo hadii ay xukuumada talada haysa tahayba. Waar dalka iyo dadka ha loo tudho Bilahi Calayk Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Tell : +252634241005 Image Qaran News
-
Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaratay Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Xeerkaan ayaa ah mid quseeya mabaadii’da iyo hanaanka ay u dhacayaan doorashooinka dowlad-gobaledyada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya . Xeerkaan ayaa waxa uu ka soo baxay wafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka Soomaaliya Cabdi maxamed Sabriye. Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaarada Arimaha Gudaha XFS oo soo saaratay Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-habeen-25052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay qaabka uu noqonayo habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada, iyadoo lasoo saaray hab raaca guud ee doorashooyinka. Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada, islamarkaana waxa ay sheegtay in maamul goboleedyadda laga doonaayo in ay raacaan Wadada Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Habraacaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan maamulada Jubbaland iyo Galmudug ay dhawaan ka dhici doonaan doorashooyinka madaxtinimada maamuladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inaan wax horumar ah laga gaadhin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta uu saddexdii biloodba mar u gudbiyo golaha ammaanka ee ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu kaga hadlay kulankii bishii February dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi ku balan qaaday inuu la shaqayn doono dawladda Muqdisho. Warbixintiisa wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yidhi “20 kii Februrary madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu wada hadal kula yeesha Addis Ababa Raysal Wasaare Axmed, halkaas oo madaxwayne Biixi ku ballan qaaday inuu madaxwaynaha Somaliland ahaan uu ku xoojinayo xidhiidh wada shaqayneed oo uu la yeesho dawladda Federaalka Somaliya.” Ayuu ku yidhi xoghayaha guud warbixintiisa, waxaanu intaas raaciyay “Dawladda federaalka ahi waxay soo saartay qoraal ay ku soo dhowaynayso. Inkasta oo aanu jirin wax horumar ah oo laga sameeyey wada hadalka Somalia iyo Somaliland, hadana waxa jira tiro daneeyayaal caalami ah oo soo bandhigay taageerada wada hadalka.” Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa kale oo uu warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay kaga hadlay ku xad-gudubka xorriyada hadalka oo uu sheegay inay ka sii socoto Somaliland, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku xidheen saxafiyiin kala duwan, “iyo Xayiraad ay maxkamad Somalialnd ahi saartay mid ka mid ah warbaahinta.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud, isagoo u jeeday wargeyska Foore ee ay maxkamadda gobalka Hargeysa xayirtay, ka dib markii ay xukuumadu dacwaysay. Warbixinta uu xoghayaha guud u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dhinaca Somaliland waxay ahayd mid aad u kooban, iyadoo aanay warbixinta ka muuqanin xaaladda cakiran ee ka dhex taagan xisbiyada Somaliland ee ku saabsan qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo deegaank Geeska Qaran News
-
Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyn ay shalay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari ayna ku dhinteen saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Taliska ayaa xaqiijiyay in aan dadka tayidka ah wax khasaare ah ka soo gaarin duqeynta halkaasi ka dhacday balse wixii macluumaad dheeriya daabici doonaan wakhtiga ku habboon. Militariga Maraykanka ayaa sannadkan kordhiyay duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ee gobolka Bari (Puntland). PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay habraaca ay Villa Somalia u samaysay doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland oo ka kooban 27 qodob. Habraacaasi waxaa kamid ah in natiijada rasmiga ah ee doorashooyinka ka dhacaya Galmudug iyo Jubaland ay ku dhawaaqayso wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo soo saartay habraaca doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka degmada Bosaso ayaa si wanaagsan uga hawl galay dhinaca Nadaafada magaalada iyo waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Bosaaso . Waddooyinka magaalada ayaa waxaa lagu [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heerka kalsooni la’aanta garsoorka Soomaaliya ayaa wali aad u hooseeya waxayna qoysas badan ay cabasho ka qabaan qaabka loo dhigay dacwado madani ah oo la geeyay hey’adaha garsoorka Soomaaliya. Kalsooni darada garsoorka iyo awood yaraantooda ku aadan fulinta go’aanada ay gaaraan waxay sababaan in dad badan oo xal ka waayay garsoorka dowladda ay u dawcad tagaan maxkamadaha Al-Shabaab oo midda ugu dhaw ay ku taalo gobalka Shabeellada Hoose. Dadka dhibka ugu badan qaba waxaa kamid ah qoysaska danyarta ah oo aan heysan lacag arimahooda ku xalistaan, waxaana dhacda in dad badan loo awood sheegto ayadoo la adeegsanayo shaati dowladeed iyo mid qabiil, halka qaar kalane kiisaskooda dacwadaha lagu fur furo lacago la siiyo garsoorka Soomaaliya. Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay kumanaan dollar ku badalatay kiis kufsi ah oo ay go’aan ka gaartay Maxkamadda gobalka Banaadir. Falkaan oo dhacay bartamaha sanadkii hore ayaa loo geestay gabar kamid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool gobalka Banaadir da’deedana lagu sheegay 14-15 sano jir. Gabadhaan oo habeen luntay ayaa waxaa ka xeeyay oo gurigiisa geeyay wiil darawal ka ahaa mid kamid ah gaadiidka BL-ka ee magaalada Muqdisho, waxa uuna qiraal ku qirtay in uu ugu galmooday si xoog ah waxaana lagu xukumay 6 sano oo xarag ah iyo shan kun oo dollar oo magdhow ah sida ay go’aamisay Maxkamadda Gobalka Banaadir. Racfaan ay qaateen qoyska wiilka wax kufsaday ayaa lagu sii daayay iyadoo la sheegay in aysan jirin wax dambi ah uu galay oo cadeymo loo waayay ayadoo qoyska dhibka loo geestay ay heestaan warqadda cadeynta CID iyo Isbitaalka Madiina iyo sidoo kale warqad qoraal ah oo uu kufsiga ku qirtay ninkii geestay kana hor cadeeyay Maxkamadda gobalka Banaadir. Waalidinta gabadha la kufsaday ayaa Caasimada Online u sheegay kiiska markii la geeyay Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir qoyska laga dalbaday in ay arintaan ka haraan waxaana loo keenay lacag dhan 400$ balse ay diideen. Qoysaka ayaa maalmo kadib lagu wargeliyay go’aanka Maxkamadda Racfaanka oo ah in dambi lagu waayay ninkii xukunka kufsiga ee uu qirtay cadeynna loo helay lagu riday waxayna ku noqotay uur ku taalo xanuun badan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in lacag qaaraan ah oo laga soo aruuriyay qabiilka wiilka kufsiga geestay in arintaan lagu kala fur furay waxaana lagu qiyaasayaa lacagta ku baxday ku dhawaad 15 kun oo dollar. Hoos ka arag warqadda qiraalka ah ninka kufsiga geestay iyo xukunkii hore ee Maxkamadda Gobalka ku riday eedeysanaha la sii daayay ee gabadha kufsaday. Waan qarinay magaca dhibanaha la kufsaday, si aan sharafteeda u dhowrno, sida uu qabo xeerka saxaafadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni ayaa kala diray garsoorayaashii maxkamadda darajada Koowaad iyo maxkamadda rafcaanka gobolka Mudug iyo sidoo kale xafiiskii xeer-ilaalinta gobolkaasi. Madaxweynaha ayaa si ku meel gaar ah guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Mudug u magacaabay Maxamed Maxamuud Jaamac oo ahaa garsoorihii maxkamadda darajada koowaad ee degmada Xarfo. Afhayeenka xukuumadda Jaamac Dabaraani ayaa akhrinaya PUNTLAND POST The post Garsoorayaashii maxkamadaha gobolka Mudug oo la kala diray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa la sheegay inay howlgal gaar ah ka sameeyeen magaalada Muqdisho ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya. NISA ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish. Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ku sugnaa degmada Howlwadaag, waxaana la qabtay shalay sida qoraalka NISA lagu sheegay, iyadoo aan la shaacin magaciisa iyo waxa uu xil ahaan hayay. “Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS. Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ma bixin faah faahin intaasi ka dheeri ah, iyadoo sheegtay iney sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish. Marar badan ayaa hay’adda Nisa waxay shaacisay qoraalada ay ku sheegayaan inay qabteen saraakiisa Kooxda Al Shabaab aha Daacish, iyadoo aysan baaritaano warbaahinta lala wadaagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jeddah (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Koonfur Africa ayaa la filayaa inuu dhawaan u amba baxo dalka Sacuudiga oo wajahayo xaalad adag kadib Cadaadis xoog leh oo kaga imaaday Xuutiyiinta Yeman iyo Dalka Iiraan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uga qeyb galayo shir degdeg ah oo Boqorka Sacuudiga uu isugu yeeray Madaxda Carabta iyo kuwa Khaliijka, kaas oo looga hadlayo weeraradii u dambeeyay ee Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga iyo Imaaraadka. Safarka Madaxweyne Farmaajo ku joogo Koofur Afrika ayaa maalmo qaadan doona, kaddib marka uu maanta ka qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa, waxaana la sheegay inta laga gaarayo 30-ka bishan May uu ku sugnaanayo Koofur Afrika, kaddibna uu uga gudbi doono magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukarama. Kooxda Xuutiyeenta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa dagaal kula jirta wada isbahaysiga ah ee taagaara Dowlada Yaman oo ay ka midyihiin wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxa ayna dhawaan Gantaalo ku tuureen Sucuudiga. Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa duqeymo waaweyn ka fuliyey gudaha dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey isku daygii ay ku doonayey inay ku duqeeyaan Magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarama. Xulafada Sacuudiga oo ay ugu horeyso Imaaraadka Carabta ayaa weeraro toos ah iyo kuwa siyaasadeed ku qaaday wadamo Islaam ah oo ay ugu horeyso Qatar iyo Yeman, sidoo kalana waxya hadda daansaansi ku hayaan dalka Iiraan oo dagaal kula jiro Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inaan wax horumar ah laga gaadhin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta uu saddexdii biloodba mar u gudbiyo golaha ammaanka ee ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu kaga hadlay kulankii bishii February dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi ku balan qaaday inuu la shaqayn doono dawladda Muqdisho. Warbixintiisa wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yidhi “20 kii Februrary madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu wada hadal kula yeesha Addis Ababa Raysal Wasaare Axmed, halkaas oo madaxwayne Biixi ku ballan qaaday inuu madaxwaynaha Somaliland ahaan uu ku xoojinayo xidhiidh wada shaqayneed oo uu la yeesho dawladda Federaalka Somaliya.” Ayuu ku yidhi xoghayaha guud warbixintiisa, waxaanu intaas raaciyay “Dawladda federaalka ahi waxay soo saartay qoraal ay ku soo dhowaynayso. Inkasta oo aanu jirin wax horumar ah oo laga sameeyey wada hadalka Somalia iyo Somaliland, hadana waxa jira tiro daneeyayaal caalami ah oo soo bandhigay taageerada wada hadalka.” Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa kale oo uu warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay kaga hadlay ku xad-gudubka xorriyada hadalka oo uu sheegay inay ka sii socoto Somaliland, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku xidheen saxafiyiin kala duwan, “iyo Xayiraad ay maxkamad Somalialnd ahi saartay mid ka mid ah warbaahinta.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud, isagoo u jeeday wargeyska Foore ee ay maxkamadda gobalka Hargeysa xayirtay, ka dib markii ay xukuumadu dacwaysay. Warbixinta uu xoghayaha guud u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dhinaca Somaliland waxay ahayd mid aad u kooban, iyadoo aanay warbixinta ka muuqanin xaaladda cakiran ee ka dhex taagan xisbiyada Somaliland ee ku saabsan qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay inaanu jirin socdaal uu Madaxweynaha Kenya Uhuyrru Kenyatta ku imanayo Somaliland oo ay xukuumadda Somaliland ogtahay. Toddobaadkan waxa baraha bulshada aad loogu baahiyay qoraal uu bartiis twitterka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falanqeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweynaha Kenya isna iman doono Somaliland inta aanu sannadkani dhammaanin. Wasiir arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika arrintan weydiiyay ayaa ku jawaabay “Horta inaga iyo Kenya, xidhiidh fiicna baa hadda inoo dhexeeya, waliba xidhiidhka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xidhiidhkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xidhiidh dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan, Madaxweynaha Kenyana dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman kara, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo Madaxweynaha Kenya uu Somaliland ku imanayo oo aanu ognahay ma jiro.” Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta magacaabay guddi qaabilsan dib u-habaynta hay’daha dowladda Puntland ee gobolka Mudug. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddiga dib u-habaynta hay’adaha dowladda ee gobolka Mudug oo ka kooban 8 xubnood kana ka kala tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland. Halkaan ka eeg dikreetada PUNTLAND POST The post Deni oo magacaabay guddiga dib u-habaynta hay’daha dowladda ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo. Kulanka warbaahinta iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland oo la hadlay weriyayaasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xirfadda warbaahinta, waxaa uu u beyaamiyey dhallinyarada qaabka ugu sahlan oo ay uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka dhanwalba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in wabaahintu tahay tiir kamid ah tiirarka dhisa dalkooda, dhan amni, dhan siyaasadda, dhan bilic iyo inay qayb ka noqdaan sidii looga gudbilahaa xaaladda uu hadda dalku ku jiro. Aniisa Cabdalla Axmed oo kamid ahayd weriyayaashii Madaxweynuhu la kulmay ayaa faahfaahin ka bixisay arrimihii muhiim ka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadlay. “Madaxweynuhu kulan dheer uu la qaatay wariyaasha waxaa uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danaha dalkooda oo ay qayb ka noqdaan horumarka kala duwan ee ka socda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug” Ayay tiri weriye Aniisa Cabdalla Axmed PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post. -
President of Djibouti Ismail Omar Guelleh hailed Saudi Arabia’s hosting of the Gulf, Arab and Islamic summits, saying it stems from its sense of duty towards the region. He told Asharq Al-Awsat: “The summits will bolster security and stability given the critical situation in the region.” He hoped that the Islamic summit would yield decisions that would help resolve crises and maintain unity and solidarity between Islamic states. “Saudi Arabia is the leader of the Arab world and Muslims. Any assault against it targets the Arab and Muslim nations,” he declared. The summits, he continued, are being held at time of instability in Yemen, Syria, Libya, Iraq, Algeria, Sudan and Somalia. He also noted Israeli violations in the Palestinian territories and the growing extremist and terrorist threats in the world. These challenges demand massive efforts, especially in wake of last week’s sabotage operation off the coast of Fujairah in the United Arab Emirates, Guelleh said. “We condemn in the strongest terms the sabotage operation off Fujairah,” he added. Commenting on the security threats in the Arabian Gulf, Red Sea and Ban al-Mandeb Strait, he strongly condemned any threat to international marine navigation and international peace and security. Asked about the Iranian threat in the region and the targeting of Saudi Arabia with drones, he replied: “Saudi Arabia is the leader of Arabs and Muslims… We reiterate our condemnation of the recent drone attack against oil pumping stations in the Kingdom, as well as the failed ballistic missile attack that targeted the holy city of Makkah.” These assaults are dangerous threats to the security of the region and energy supplies, he added. “We renew our absolute solidarity with Saudi Arabia’s government and people in confronting them.” Guelleh also urged international solidarity to confront these criminal acts. On ties between Saudi Arabia and Djibouti, he said that they date back to Djibouti’s independence in 1977. Riyadh played a major role in ensuring this independence. “The fraternal historic ties between us are based on trust, understanding and high coordination on all levels,” he noted. “This consequently lead to common ground on several regional and international issues.” Moreover, he said that ties between Saudi Arabia and Djibouti witnessed a “qualitative leap” in wake of his latest visit to the Kingdom. “Relations between us are growing stronger every day,” Guelleh remarked. “I am in constant contact with Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz and Crown Prince Mohammed bin Salman, Deputy Prime Minister and Ministers of Defense.” On developments in Sudan, he stated: “Throughout history, we have expressed solidarity with Khartoum and continue to do so based on the strength of relations that bind us.” He highlighted that Djibouti has played an honorable role in sponsoring peace deals and reconciliations in the Horn of Africa. He cited its efforts in bringing together Sudanese rivals in 1999, which culminated in easing tensions that existed at the time. Guelleh said that Djibouti was closely following the ongoing developments in Sudan and is completely prepared to exert all possible efforts to ensure its stability and interests. On relations with Eritrea after the Saudi-led reconciliation, he remarked that the deal helped restore ties with its neighbor and rebuild trust between them. He hoped that the reconciliation would be crowned with the demarcation of the border between them. Source: Asharq Al-Awsat