Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed will visit Khartoum on Friday to mediate between Sudan’s military rulers and an opposition alliance over a transition to democracy, a diplomatic source at the Ethiopian embassy in Khartoum said. Source: Hiiraan Online
  2. Supporters display signs, while community members question the fairness of the former Minneapolis police officer's trial.KSTP Source: Hiiraan Online
  3. Two Canadian women have been kidnapped in Ghana by unidentified gunmen in the country's second largest city, Kumasi. Source: Hiiraan Online
  4. WASHINGTON (Reuters) - The United States has decided to stop accepting any additional Turkish pilots who planned to come to the United States to train on F-35 fighter jets, U.S. officials say, in a clear sign of the escalating dispute over Ankara’s plans to purchase Russian air defenses. Source: Hiiraan Online
  5. The African Union (AU) suspended Sudan on Thursday, demanding a "civilian-led transitional authority" to resolve an entrenched and bloody crisis. Source: Hiiraan Online
  6. Kyle Lowry of the Toronto Raptors argues with Warriors minority investor and billionaire Mark Stevens. GETTY Source: Hiiraan Online
  7. The construction of the Ambouli Friendship Dam in Djibouti is largely completed, Turkey's Ministry of Agriculture and Forestry said in a statement. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad u dhalleeceeyey warqad kasoo baxday ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo lagu mamnuucay qashin la sheegay in lagu shubi jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Warqadda ayaa lagu sheegay in ay soo baxday kaddib markii ay kordheen walaaca laga qabo qashinka ku sii kordhaya gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana warqaddan lagu amray Wasaaradda Gaadiidka, Amisom iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda in ay u hoggaansamaan. Hoos ka aqriso qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay facebook oo uu ku dhaliilay Khadar. Hoggaanka talada haya inta badan dadku waxay ka fishaan fogaan arag, hal abuur siyaasadeed iyo karti arrimaha murugsan lagu xaliyo. Markaad isku eegto mushkiladaha gudaha iyo kuwa debeda ee dalkeena haysta, aadna dhagaysto fariintii uu Madaxweynuhu munaasabada Ciidii shacabka u jeediyey iyo qoraalkan uu raysalwasaare xiggeenka koowaad kaga hadlayo hawlo qashin qaadis, iyadoo ay jiraan hay’ado badan oo ka xigsan kara, waxaa kugu soo dhacaya halkii uu Cismaan Askari (AUN) lahaa “Maskaxdaa laga abaaroo bayee Ninka ugu il dheerbaa, dadka ugu ayaan daran Waxaan lala arkayn baa, isaga uun u muuqdee “.
  9. MADAXWEYNE GOBOL : MAGAC KHALDAN Magaca Madaxweyne gobol waa mid lagu khaldamay marki la sameynaayay eray bixinta maamul goboleedyada. Waana arrinta horseeday inay madaxda gobollada ku dhegaan meeshi ay qabsadaan. Ma jiro mid oggol in booska laga beddelo oo qof kale loo doorto, waa haddii waxa dhacaya doorasho lagu sheegi karo. Bal aan meelo kala duwan ka fiirino xaaladaha ay ku sugan yihiin Madaxda Gobollada AXMED MADOOBE – JUBALAND Siduu ku yimid booska waa la ogaa iyo doowrki uu ku lahaa M/weyne Xasan Sheikh oo marxalado kala duwan ka soo maray dhidib u aasida Jubaland iyo dhibaatooyinki ka jiray: Maanta waxaa la filaayay inuu M/weyne Axmad Madoobe salligiisa ka laalaabto Kismaayo uu isaga tago kana towba keeno wixi gefaf ka dhacay inti uun jiray maamulkiisa Nasiib darro, weli waa soo taagan yahay wuxuuna u muuqdaa maanta inuu diyaar u yahay in dowladda Somaliya ay dunto ama Kenya dalka oo dhan ama Jubada Hoose ay la wareegto. Axmad Madoobe cid uu wax u oggol yahay ma jirto, waxaana ka muuqata inuu diyaar u yahay dagaal lagu wada hoobto si aysan doorasho uga dhicin gobolka Jubaland. AXMED DUCAALE GEELLE XAAF – GALMUDUG Xaaf waxay ka mareysaa mel ka xun tan heysata Axmad Madoobe. Wuxuu abaabulayaa kulan ay isugu yimaadiin Madaxweynayaasha gobollada oo dhan, haddii laga ajiibo wicitaanka uu isugu keenayo Madaxda Gobollada. Tafaasiil fara badan ee isaga ku saabsan wxaad ka heli kartaa maqaalkii ahaa DHAMBAAL KU SOCDA AXMAD XAAF. Xaaf wuxuu ku fadhiyaa laan geedkeedi soo dhacay, isagoo mooda inuu meel dheer saaran yahay oon la soo gaari Karin. Ma dareemin weli inuu dhulka soo dhacay uusan meelna saarneyn, cid badbaadi kartana aysan muuqan. Madaxda Ahlu Sunnah iyagaa iskood u yaaban, waxna uma tari karaan haddii ay haddii ay toban jeer doortaan. Madaxweynayaasha uu isugu yeeray nin waliba tiisaa heysata, isutagoodana waxba ma kordhin karo inuu wax halleeyo mooyee. Waxaa jirta xikmad Carabi ah oo dheheysa MAN YARAA NAFSAHO QABLA AN YARAHU NAAS LAM YARAHU NAAS oo micnaheedu yahay NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN. Meesha ay wax ka khaldan yihiin waa inaysan jirin dowlad dhexe oo awood leh oo dareemi karta awooda uu dustuurku siinaayo. Haddaba, waxaan iga talo ah in dib loogu naqdo qab-dhismeedka dowlad goboleedka, lana soo saaro tilmaan-shaqo ( job description) qeexaya awoodaiyo cidda soo dooran karta oon ahayn barlamaan ku-sheeg ay igayu soo xuleen iyo guddiyo aan wax awood ah ku lahayn maamulka gobolka kuwaasoo shacabka laga soo xulay isuna beddeli doona barlamaan. Shariif Xasan oo ahaa ninka ugu khatarsan xagga isdaba mariska soona xulay barlamaanka Koofur-Galbeed si ay u doortaan, balse Ayaan darro ka daba timid, kaddib markii awood isaga ka weyn uusan wax ka diidi Karin ay kula talisay inuu isaga tago intey gtoori tahay, waana qaatay taladi isagoo hercad ka dhoofay boqortooyadi uu dhistay. Damaca madaxweynayaasha gobollada waxaa xoojinaya karti darrada dowladda dhexe oon weli awood u lahayn inay ka hadasho dhibaatooyinka ka heysta xiriirka gobollada, waayoo waxay adeegsataa dad aan aqoon waafiya u lahayn maul dal weyn oo Somaliya oo kale ah. Waa xukuumad aan ka hadli Karin si tifaftiran howlaha kala dhexeeya madaxda gobollada iyo xuduuda ay cid waliba dhaafi Karin, waa haddii cid garaadkeedu gaarsiisan yahay dalka loo doorto. Xukuumadda manta jirta waxay ka cabsanaayaan xataa inay ka dhiidhiyaan kana jawaabaan tallaabooyinka is-xigxiga ee ku saleysan daan-daansiga Kenya iyo falalka gurracan ay caadeysatay, kaddib markii ay weysay cid iska celisa. Waryaa Farmaajo iyo Kheyre u raadiya cid kala talisa hab-dhaqanka diplomasiyeed iyo maamulka danaha dalka Somaliya oo maraaya marxaladi ugu xumeyd ee dal gaaro, marka laga reebo dagaalki sokeeye. Intaa oo dhan waxaa ka sii khatarsan inay madaxdweynaha iyo R/wasaaraha ay iyagu isla fiican yihiin oo isu heysta inay dalka meel fiican gaarsiiyeen. Waryaa u sheega inuu soo socda Fu’aad Shongole uu khubadihiisi ka billaabi raboo masaajidka Bakaraha oo xoog looga saaray xilligi Sheikh Shariif. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Dawladda Deegaanka Soomaalida xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaysa qiso xanuun badan oo dadka layaab ku noqonaysa, taas oo ay ka sheekaynayaan dadkii jeelasha lagu guray ee sida ba’an loo dhibaateeyey. Dadka ayaa qofkii la doono la xidhayey, ka la doono la dilayey, kan la doonana lala wareegayey hantidiisa, taas oo ay dheerayd kursiga dumarka iyo carruurta, iyadoo ay waxaas oo dhan samaynayaeen masuuliyiin iyo ciidamada u gaarka ahaa Cabdi Iley. Ciidamada gaarka ah ee Deegaanka iyo Kooxdii HEEGO ayaa waxay ka shaqayn jireen jaajuuska iyo raadinta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada ee Facebook, taas oo keeni jirtay in qof aan waxba galabsan jeelka loo taxaabo iyadoo loo nisbaynayo in qof ay ehel ama qaraabo yihiin uu Facebook soo dhigay farriin aanu jeclaysanin nidaamkii xilligaas ee waqtigan jeelka ku jira. Qisooyinka yaabka leh ee soo baxay waxa ka mid ah, in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Cumar uu bartiisa Facebook ku qoray hees ay qaaddo fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige, taas oo keentay in ciidamo ordaya ay ugu yimaaddeen goobtii uu ka shaqaynayey oo ay xabsiga u dhaadhiciyeen, iyadoo lagu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah. Muddadii uu Cabdiwali ku jiray Jeelka, waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan, waxaana uu goob joog iyo markhaatiba ka yahay dad si arxan darro ah loogula dhaqmayey gudaha Jeel Ogaadeen, kuwaas oo uu isaguba ka mid ahaa. Cabdiwali oo ah xirfadle caafimaad oo ku noolaa xilligii la xidhay degmada Gallaadi ee Gobolka Doollo, waxaana ay ciidamadii soo qabtay waydiiyeen ujeedaddada uu ka leeyahay heesta uu bartiisa Facebook ku qoray, ka hor intii aan lagu ridin xukun 15 sannadood ah. Dhibbahan oo dhawaan ka warramay dhibaatooyinkii uu la kulmay intii uu jeelka ku jiray, ayaa waxa uu tilmaamay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu ku kici jiray Xasan Dheere oo ahaa madaxii Jeel Ogaadeen oo dhawaan laga soo qabtay Somaliya, kuna jira gacanta DDS. Cabdiwali oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Degmada Gallaadi ee gobolka Doolo ayaa layga soo xidhay. Waxaan ahaa xirfadle caafimaad, waxaana layga soo qabtay santarkaygii. Waxa laygu soo eedeeyey aragti xumo, waxa laygu yidhi facebook-gaaga ayaad ku qortay hees ay Khadra Daahir qaaddo tuduc ka mid ah oo tidhaahda: “Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Maxaad ka waddaa baa laygu yidhi? Kiiskaygu halkaas ayuu kasoo bilaabmay. Kaddib waxa lay keenay Wardheer, waxaana la igu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah, kaddibna waxa la iisoo dhaadhiciyey Jeel Ogaadeen.” Heesta Cudurka Kaa Gala Fardaha, waxa midhaheeda sameeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), waxaanay ka mid ahayd riwaayaddii la odhan jiray ‘Nin Illaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo.”, waxaana uu abwaanku ku darsaday riwaayaddaas oo uu sameeyey Abwaan Xasan Kayd. Laxanka waxa saaray Aweys Abokor Nuur Goobbe, waxaana ku luuqaysay fannaanadda codka macaan ee Khadra Daahir Cige. Akhriso heesta oo dhamaystiran: Cudurka kaa gala fardaha Haddii laga gubo dameer Dawada lama gaadhayoo Anoon weli kuu ged bixin Geed dheer bay saaran tahay God-dhowgiyo gawraciyo Aan goorino xaalka tagay Gartana aan kala lahayn Ayaan gogol kula hurdaa Gantaashana waa qabaa Martina guulaan u ahay Qof go’ay iyo roob galbeed Midkoodna hadduu galbado Gadaal uma soo noqdee Go’aankii hore u daayoo Ayaamahan gaabiska ah Horaadkaan godol lahaa Hadday iga gaagaxsheen Iyana waxaan kaga gudbaa Gobeeya liicoo ha jabin Gantaashana waa qabaa Martina guulaan u ahay. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Somaliland sheegay inuu saaray gobolka Sanaag. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-Shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yiri “Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Karaash. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Somaliland uu taageero kooxda Al-Alshabaab oo uu ku tilmaamay cadaw Soomaaliyeed. ”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Riyadh (Caasimadda Online) – Dood kala duwan ayaa ka dhalatay in la arkay Bishii Shawaal isla markaasna waxaa arrintaas isku khilaafay qaar ka tirsan Dowladaha Islaamka. Dowladda Sacuudiga ayaa kamid ah Dowladihii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in la arkay Bishii Shawaal, waxaana kadib ku raacay Dowladaha Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo dhammaantood u dabaadagay Ciidda Maalintii Talaadada aheyd. Sidoo kale Dowladaha go’aankooda badalay ee markii dambe Sacuudiga ku khilaafay in Talaadadii aheyd Ciid waxaa kamid ahaa Dowladda Liibiya oo soo saartay laba go’aan oo ku saabsanaa Ciidda inkastoo midkii dambe uu ahaa in Maalintii Talaadada aheyd la dhameystiro Soonka halka ay ciideyn Maalintii Arbacada aheyd. Sidoo kale Dowladaha Ciiday Arbacadii waxaa kamid ah Malaysia iyo Indonesia kadib markii ay sheegeyn inaan la arkin Dhalashada Bishii Shawaal ayna Soonka dhameystirayaal Maalintii Talaadda aheyd. Haddaba Ciiddii kadib waxaa soo baxay dood culus oo ku saabsan inay Sacuudiga ku qaldantay in Maalintii Talaadada ay aheyd ciid sidaas darteedna ay Hal Bilyaar iyo 6 Malyan oo Lacagta Sacuudiga Kafaaro gud ay uga bixineyso Shacabka Sacuudiga maadama ay afurisay Maalin Soon aheyd. Meelaha lagu faafiyey warkaan ayaa waxay soo xiganayeen Maxamed Al-Najmi oo xubin ka ah Dalladda Fuqahada Islaamka ee Dowladda Sacuudia kaasoo la sheegay inuu wareysi dhanka Taleefoonka ah siiyey Talafishinka Al-Carabiya, waxaana la xaqiijiyey inay arrintaas tahay been abuur kadib baaritaan lagu sameeyey warbixinadii ka baxay Telefishinkaas oo laga waayey warbixin ka hadleyso arrintaan. Sidoo kale Dadka faafinayey arrintaan ayaa soo xiginayey qoraal ay sheegeyn inay Baraha Bulshada kusoo qortay Hey’adda Cirbixiyeenka ee Magaalada Jeddah balse markii dib loo fiiriyey Baraha Bulshada ee hey’adda sida Facebook iyo Twitter labadaba waa laga waayey qoraal ku sabaabsan arrinta la faafiyey. Arrintaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay faafinayaan Kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan kuwaas oo dagaal kula jiro Dowladda Sacuudiga. Been abuurkaan ayaa kusoo aadeyo Xilli Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha Xarameynka Maxamed Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud uu Talaadadii Xaramka kula dukaday Ciidul Fidriga Muslimiin badan oo isugu yimid Xaramka iyo hareerihiisa. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  13. Xubnahas Ayaa Waxaa Ka Mid ah Madaxda Ugu Sareesa Dalka,Wasiiro,Xildhibaano iyo Shaqsiyaad Dowlada Ka Taageero Bartooda Facebooga. Hor Dhaca Caawa Shaqsiyaadka Kenya Ay Soo Bandhigtayna Waxaa Kamid Ah:- 1. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 2. RW Xasan Cali Qeyre 3. G.Barlamanka Maxamed Mursal 4. G.1 aad Muudey 5. G2 aad Mahad Cawad 6. G.G.Banadir Eng Yariisow 7. G.Amniga Maxamed Tuulah 8. W.Qorsheynta Jamaal 9. W.Dhalinyarada Mama Qadiija 10. W.Maliyada Ducale Beyle 11. Madaxweynha K.Galbeed Cabdicasis Lafta Garen 12. Madaxweynha Hirshabele Maxamed Waare 13. Agasimaha NISA Fahad Yaasiin 14. Taliyaha Boliska G.Banadir Sadaq John 15. Safiirkii Kenya Maxamuud Tarsan 16. RW Kuxigenka Mahdi Guuleed 17. Siyaasi Salad Cali Jeele 18. Siyaasi Cali Maxamed Geedi 19. Siyaasi Cali Yare Cali 20. Siyaasi Ambassador Owliyo 21. Duqbilow Kablow Faarax 22. W.Dulista Hawada Maxamed Oomaar 23. W.Waxbarashada Cabdullahi Godax Bare 24. W.Amniga Qaranka Wasiir Islow 25. Xildhibaan Mustafa Dhuxulow 26. Xildhibaan Xuseen Iidow 27. Xildhibaan Cayaar Jecel 28. Madaxweyne Kuxigenki Galmudug Xaashi Carabey 29. G.Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir 30. Sheeq Cali Wajiis 31. Sheeq Nuur Baaruud Gurxan 32. Sheeq Bashiir Axmed Salaad 33. Sheeq Kenyawi 34. Marwada 1aad Dalka Saynab 35. Dr Axmed Cali Daahir 36. Xildhibaan Cabdishakuur Gaal eri 37. Xildhibaan Sagal Biixi. Qaran News
  14. Cajiibka taariikhda! Taariikhdii hore Somaalida ama geeska africaba waxaa ku jirtay kenya oo haysata dhul soomaaliyeed (NFD) ka dibna Somaliya dhulkaas waxay kaga tanaasushay heshiis markhaatiyo lahaa. Taariikhda Cusub ee hadda qoristeedu Socoto waxay dhigaysaa Dawlada Kenya oo ay Somaliya ka haysato dhul ay lahaan jirtay( maaha xuduuda badda ee muranku ka taaganyahay) Kenya waxay sheeganaysaa qaybo badan oo ka mid ah gobalada jubooyinka. Arrintan waxay kusoo beegmaysaa waqti ay Itoobiya soo saartay khariidad (map) ay Somaliya ka maqantahay iyo qorshaha Abiy Ahmed ee midaynta Somaliya iyo Itoobiya! Waqti sanado badan laga joogo waxaan balaf ku maqlijiray hadalhayn odhanaysay Somaliya waa laga saarayaa khariida aduunka oo saxaafada qaar si hoose uga hadli jireen! Intaa markaan isugeeyo ee aan ku daro tafaraaquqa iyo talo-xumada somaalida maanta waxa ii soo baxaysa natiijo werwer leh. Meelo badan oo bcaalamka ah oo uu ku jiro geeska Africa waxa ka socota DIB-U-QORID TAARIIKHEED( Rewriting The History) arrintan oo keeni karta in wax wayni iska bedelaan nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka qaar, isbedelkaas oo saamaytiisu noqon karto mid togan iyo taban labada. Waxayna ku xidhantahay quruun kastaa sida ay u maal-gashato mustabalkeeda, firfircoonidooda iyo feejignaantooda. Waa NINBA TACABKII TOGOW KAA MAAL. NINKII SEEXDUU SICII DIBI DHALAYAA! Sahaminta Aayaha Somalida ee waqtiga dheer sidee kuula muuqdaa? Mohamed Hussein ( Samadoon). Qaran News
  15. Ma Awoodno inuu Fashilmo Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Qaranku , Waana Muhiim in Baadhis Buuxda lagu Sameeyo ! Asalaamu Calaykum Dedaal aad u badan iyo wada-hadalo wakhti aad u dheer qaatay oo Habeen iyo Maalinba laga shaqaynayay ka dib waxaa Allah Mahadii ahayd in Baanka Aduunka iyo Xukuumada Somaliland ay Magaalada Nayroobi ku kala Saxeexdaan 29kii July 2016 kii Heshiis uu Baanka Aduunku ku Maalgelinayo Toban Milyan oo Doolar dib u habaynta Shaqaalaha Dalka Somaliland si kor loogu qaadayo tayada aqooneed iyo xirfadeed ee Shaqaalaha dowladda, gaar ahaana ay Qabta Koowaad ee Mashruucaasi ay ka faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo dowli ah, kadibna loo gudbi doono Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee kale. Hawsha Mashruucan oo aanu marar kala duwan u tagnay Magaalada Nayroobi waxa Masuuliyiinta hawshan ka qayb qaatay ka mid ahaa Dr. Sacad Cali Shire oo xiligaas joogay Wasaarada Arrimaha Debeda, Gudoomiyihii hore ee Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlihii hore ee Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Aniga oo waagaas ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil. Mashruucaasi waxa Daahfurkiisii si rasmi ah loogu qabtay Hoteelka Ambassador 23kii bishii November 2018. Waxaana uu ahaa Guul usoo hoyatay Qaranka oo loogu talo galay inuu socdo Muddo Shan Sanadood ah. Waxaana loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada ee loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda sidoo kalana xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan. Sidoo kale waxa Qorshaha Mashruucan qayb ka ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xuquuqda Shaqaala iyo Daryeelkooda oo ah mid Mudnaan iyo Muhiimad weyn leh si loo hubiyo Xaqa iyo Xuquuqda ay Shaqaalaha Dawladu ku leeyihiin Qarankooda iyo Daryeelkooda marka ay hawlgabka noqdaan ee ay shaqada ka fadhiistaan. Waxa kale oo xusid mudan in Barnaamujkan ay qorshayaashiisa ugu waaweyn ee kale ay ka mid tahay sifaynta iyo soo Afjarida waxa loo yaqaan Caaglaha “ghost workers” oo ah shaqaale magac u yaal ah oo ku jira Liiska Shaqaalaha Dawlada ee lagu lagac qaato balse aan ahayn shaqaale meel ka shaqeeya. Hadaba Mashruucan loo yaqaan dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada ” Civil Service Reform Project” waa mid qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka oo ay muhiim tahay in la hubiyo inuu u socdo sidii loogu talo-galay lagana hor tago oo laga ilaaliyo in wax madmadow ahi uu soo galo si aynaan u lumin Sumcada iyo is Aaminka u dhexeeya Xukuumada iyo Baanka Aduunka Waxaa aad ii werwer geliyay baadhitaanka ay sameeyeen Warbaahinta loo yaqaan Somaliland Chronicle oo tilmaamaysa in lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolar ay ku baxday wax lagu Tilmaamay la Taliyayaal reer Kenya ah. Aniga oo sharaf iyo Xushmad u haya Masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa, isla markaasna kalsooni buuxda ku qaba in ay Xukuumadu baadhis buuxda ku samayn doonto Mashruucan ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan Xukuumadu ku dhiirri geliyo in la dedejiyo baadhista Eedaha dul hoganaya Mashruucan si aanu u fashilmin Barnaamujkaas qiimaha weyn ugu fadhiya Qaranka. Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  16. NAIROBI (HOL) - Somali government has reiterated that it did not put on sale blocks belonging to Kenya as the diplomatic raw between Somalia and Kenya escalates over maritime boundary. Source: Hiiraan Online
  17. waxaan halkan anigoo ah garaad barkhad xaaji cabdi tacsii tiiraanyo leh u dirayaa afhayeenka guud ee xusbiga wadanni ” garyaqaan barkhad Jamac Xirsi Batuun iyo walaalahay cabdi mahdi .hodan mahdi iyo khadra cabdi qaray iyo dhamaan qaraabadii iyo eheliyadii ay ka geeriyotay anigoo ka tacsiyadeynaya geeridaa ku timid habaryartay luul cayuun kariyee kuna geeriyotay magaalada hargaysa goordhaweyd waxaan dhamantod leehyahay ilaahay samiir iyo iiimaan saadaqa allah ha inaga wadasiiyoo dhamaan qoyska iyo qaraabadii iyo ehelkeeda . hooya na ilahaay naxariistii janoo fardowsa allah ha ka warabiyoo aaaamiin aaamiin aaamiin Source
  18. (SLT-Hargaysa)Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa xaqiijiyey in madaxweyaha somaliland uu xilkii wasaarada qorshaynta si ku meelgaadh ah ugu wakiishay wasiir Sacad Cali Shire ka dib markii wasiirkii wasaaradaasi xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa. Talaabadaasi oo dibada u soo baxday ayaa guux ka dhex dhalisay bulshada iyada oo si weyn laysku waydiinayo doorka iyo waajibaadka uu leeyahay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, kaas oo sharcigu u ogolaanayo inuu ku sime ka yahay wasaarada marka uu wasiirku ka maqan yahay dalka. Hadaba boqor Axmed Iimaan Warsame oo ay isku deegaan yihiin wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa jawaab ka bixiyey talaabada la sheegay in madaxweyne Muuse qaaday, waxaanu yidhi “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa wasiir ku xigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka, iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yidhi laguma aaminayo inuu ku sime noqdo somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo.”ayuu yidhi boqor Axmed Ugaas Iimaan oo la hadlday eryaltv. Sidoo kale boqor Axmed Ugaas Iimaan ayaa iscasilaad ugu baaqay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni “Wasiir ku xigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo.” Dhinaca kale dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in go’aanka uu madaxweyne Muuse Biixi sida ku meelgaadhka ah ugu wakiishay xilkii wasaarada qorshaynta wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire ay tahay kalsooni daro uu ka qabo masuulka uu u magacaabay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay caburin ku heyso shacabka Muqdisho. Waxgaradka waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda. Waxa ay sheegeen in magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybood oo ay adag tahay in la iska kala gudbo, maadaama inta badan ay xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho. Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in haweenka badan ay ku umuleen Wadooyinka islamarkaana aysan wax naxariis ah ka helin dowladda Soomaaliya oo sii xirtay Wadooyinka. Odayaasha ayaa sheegay in dowladda Farmaajo ay magaalada ku maamuleyso kali-talisnimo, sidaas darteed la joogo xilligii la iska dhicin lahaa. Mid ka mid ah ka qeyb galayeyaasha ayaa warbaahinta u aqriyay war kasoo baxay kulankii odayaasha dhaqanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Odoyaasha-dhaqanka-ee-Muqdisho-ayaa-dowladda-federalka-ku-eedeeyey-in-nolosha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Hargaysa kusoo rogay gobolka Sanaag [...] Source
  21. PRESS RELEASE Sudan: Remove Rapid Support Forces from Khartoum streets immediately Since 3 June, media outlets have widely reported attacks on protestors with live ammunition, teargas, whips and sticks by the RSF paramilitary officers across Sudan LONDON, United Kingdom, June 6, 2019/ — Following the suspension of Sudan from the African Union after the Rapid Support Forces (RSF) led the horrific slaughter of more than 100 peaceful protestors over the past three days, Amnesty International’s Secretary General Kumi Naidoo said: “The Transitional Military Council of Sudan must immediately withdraw all members of the Rapid Support Forces from policing and law enforcement anywhere in Sudan and especially in Khartoum. They must be ordered off the streets and confined to their barracks in the interests of public safety. “What we have witnessed in the past three days is horrific and barbaric. The senseless killing of protestors must be stopped immediately, and those responsible for the bloodbath, including at command level, must be held fully accountable for their dreadful actions,” said Kumi Naidoo. Amnesty International is also calling for the immediate unblocking of the internet and social media to allow the people of Sudan access to information and the opportunity to exercise their freedom of expression. Background Since 3 June, media outlets have widely reported attacks on protestors with live ammunition, teargas, whips and sticks by the RSF paramilitary officers across Sudan. According to the Central Committee of Medical Doctors, more than 100 people have been killed and hundreds more injured. The security forces tried to conceal their acts by dumping dead bodies weighted with bricks in the River Nile, 40 of which are reported to have floated back to the surface, according to the doctors’ committee. Hundreds of people have been arrested and detained in the past three days, including recently returned opposition leader Yassir Saeed Arman, whose whereabouts are unknown. Yassir, who is the deputy chairperson of Sudan’s People Liberation Movement-North (SPLM-N) and was one of the SPLM lead negotiators during the Comprehensive Peace Agreement that ended the war between the north and south of Sudan in 2005, has an unwarranted death sentence hanging over his head. He must be released immediately and unconditionally. Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International. SOURCE Amnesty International Qaran News
  22. (SLT-Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga ayaa isku bedal ku sameeyay qaar kamid ah agaasime waxeedyada Wasaaradda sida Lagu Sheegay war-murtiyadeed Ka Soo baxay Wasiirka kaas u dhignaa sidan . Source
  23. Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso ” Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qalinkii A/rahman Fidhinle UK Source
  24. Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah , Jiif oo jaq , waa koox xanjo meel uun ugu dhegan tahay oo kormeera baraha bulshada ,waxaana la dhahaa jiif oo jaq . Joog oo jaq , waa koox ka tirsan hawl-wadeenadda iyo saraakiisha xilalka haysa , kuwaasoo maraqa muufadu isugu jirto . Jiidoo jaq , waa koox iyagu danley ah oo mashaariic iyo shaxaad kale waxay helaanba marmar wax soo gaadhaan , kuwaas na waxaa la dhahaa jiidoo jaq . Jiidhoo jaq , waa koox miidayaha ka qaylisa oo marka ay waxoogaa buuqaanba ku qadhaab doonta sidaan u jiidhay ma arkaysay kuwaasna waxaa la dhahaa jiidh oo jaq . Jamoo jaq , kooxdani waa koox mucaashiqiina , oo muxubo awgeed iska qiiraysan sidaa darteed waxa la dhahaa jamoo jaq . Jaboo jaq , kooxdanina waa koox ku guuldaraysatay in ay meelnaba kasoo galaan xukuumadda iyo albaabadeeda ,hadana weli ka dhursugaya , kuwaasna waxa la dhahaa jaboo jaq . Juud oo jaq , kooxdani waa koox muxaafidka qudhiisu ka maarmay oo aan dan iyo muraad cidina ka lahayn iyana is og laakiin weli isku dhedhejinaya , kuwaasna waxa la yidhaahdaa juud oo jaq .Muxaafidka maantu waa 7 jaad , barasho wanaagsan W/Q: Ahmed Nour Guruje Source