-
Content Count
214,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The newly appointed UN envoy in Somalia on Wednesday lauded the critical role played by the African Union troops in ongoing efforts to stabilize Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Cabdirashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa la dejiyey xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Janan uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka raadineyso albaab ay ka gasho, xilli ay aad isku khilaafsan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa horey u diiday in dowladda federaalka ah ay wax kaalin ama korjoogto ah ku yeelato doorashada madaxweynaha Jubaland. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu habeenimadii Arbacadda Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafe Cumar. Deni iyo Mustafa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socda isla markaana yeeshay kulan gaar ah kaasi oo ay dibad joog ka ahayd warbaahinta ayaa shirka kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ugu horeyntii, hogaamiyaha dowlada Puntland ayaa tilmaamay in ay lafa gureen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Puntland-Itoobiya iyo iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo ganacsiga. “Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Deni. Inkasta oo lagu casuumay, haddana Mr Jamaaludiin oo kamid ahaa madaxdii ugu horeysay ee u soo hambalyeysan Deni markii la doortay, ma uusan kasoo muuqan xafladii caleemo saarka. “Waan ku faraxsanahay in Jamaaludiin isku aragno Garowe, xiligii caleemo saarka ayuu dalka uga maqnaa safar, isaga oo ahaa safiiradii iyo madaxdii ugu horeysay ee i soo hambalyeysay,” ayuu daba dhigay. Wuxuu daba dhigay: “Safiirka oo aan rumeysanahay in uu yahay qofkii ugu mudnaa xilkan wax badana qabtay mudada uu [xafiiska] joogo waxaan rajeynayaa in uu muddo badan kusoo noqon doono halkan [Garowe]”. Geesta kale, danjiraha ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay xoojin doonto wadashaqeynta iyo xiriirka safaarada uu madaxda ka yahay la leedahay xukuumada Puntland. Balse ujeedada ugu weyn ee safarkiisa shaqo ee magaala madaxda dowladda Puntland ayuu ku qeexay in ay ahayd qiimeyn uu ku sameynayey shaqada Qunsulyadda Itoobiya ee Garowe. “Waxaan golaha wasiirada Puntland aan kawada fariisanay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ahaa ee mudan in la xoojiyo. Iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo amniga,” ayuu hadalkiisa hoosta ka xariiqay. Ugu dambeyntii, Jamaaludiin oo Soomaali-Itoobiyaan ah ayaa bogaadiyey wax-qabadka xukuumada Deni mudada bilooyinka ah ee ay shaqeyneyso sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’addaha dowladda. “Safaarad ahaan iyo Qunsulyada halkan waanu xoojin doonaa wadashaqeynta iyo xiriirka nagala dhaxeysa Puntland, waana ka mahad-celinayaan soo dhaweynta diiran,” ayuu xusay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa shalay socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hor yimid munaasibadii loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 59-aad ee 26-kii June. Mustafe Shiine ayaa sheegay inuusan qabin in loo dabaal-dego maalintaasi, isagoona xusey inay jirin wax ay Somaliland ugu dabaal-degto munaasibadaasi. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Somaliland ay ku hungoowday midowgii Somaliweyn, kaasi oo uu ku tilmaamay kuwo uun gumaysi diir madow oo aanay u qudh-qudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii ay reer Somaliland xiligaasi waday. Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Waxaa loo dabaaldegay sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay maalintaynu qaadanay calankii aan toddobaad bixin ee aynu 4 maalmood kadib, geynay Muqdisho. Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in aanay jirin waxaynu u dabaaldegnaa maalintan, keliya waxa aynu xusi karaynaa in ay bulshada reer Somaliland halgan dheer oo mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba leh, kadib aynu ku guuleysanay inaynu gumeysigii cadaa ee Boqortooyada Ingiriiska ahaa uu inaga tegay, balse aynaan hanan oo maalmo uun kadib, aynu tuurnay, iyadoo ay Ina qaaday jibadii ahayd Somaliweyn. 30 sano kadib, ayaa lagu soo dhiciyay dhiig, kadib markii lagu hungoobay dadkii aynu isku muuqa iyo afka ahayn ee ay ina dagtay walaalnimadoodu, kuwaasi oo ahaa uun gumaysi diir madow oo aanay u qudhqudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii waday reer Somaliland. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa habeenkaa oo aan anaguna London ku xusi doono aan anigu u aqaan inuu yahay mid laga dhaxlay cashar nololeed oo aanay ummadda reer Somaliland marnaba dib ugu dhici doonin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed is a very lucky man. He has survived three attempts to kill or overthrow him in the past year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar___Qubanaha-26062019-GG.mp3 View the full article
-
Academics from Cardiff University are visiting Somaliland to develop research collaborations on some of the country’s most pressing issues. The Cardiff-Somaliland Working Group was set up to forge closer links between members of the Somaliland community in the city, academic staff and the Government of Somaliland. During the week-long trip, experts from a variety of disciplines across the university are exploring how their research can help the country as it rebuilds and recovers from civil war. Cardiff, which was a major port for coal exportation in the 19th and early 20th centuries has strong historical links with Somaliland. Thanks to the pioneer Somali seaman who worked and then settled in the city, the Welsh capital is now home to one of the largest and most established Somali communities in the UK. The partnership project stemmed from research which was led by Dr Richard Gale, Dr Andrew Williams and Ali Abdi, in collaboration with Cardiff’s Somali community and funded by the University’s Community Gateway programme. Dr Gale, based at the School of Geography and Planning, said: “We cannot underestimate the contribution the Somali population have made to the Cardiff we see today. Our research, which was carried out collaboratively with the community, aimed to understand this rich history further and has now led to important links being made with the country of Somaliland. We are looking forward to meeting with the Government there to explore how the University can assist them in developing a prosperous, sustainable economy.” A number of areas will be discussed and investigated during the trip. Professor John Pickett from the School of Chemistry will be meeting with discussing pest control and the health of livestock. Dr Rhys Jones from the School of Biosciences will be considering how cultivating certain plant species could sustain agricultural livelihoods. Dr Richard Gale and Nasir Adam from the School of Geography and Planning will be investigating how their research can assist with urban livelihoods and youth employment. Members of the University’s Water Research Institute will be offering expertise on water sustainability. Health education and women’s health, as well as forestry and environment are also issues that will be explored. Nasir Adam, who is doing his PhD on the Somali community in Cardiff, said: “The Somaliland community is one the oldest communities here in Wales and as Welsh Somalilander I truly believe that this is a timely piece of research both among Somali diaspora here in Cardiff and Somaliland. “Until now, robust research has been limited; it will not only have a huge impact on the diaspora community here in Wales, but it will also have a fundamental impact in understanding needs of young people in Somaliland. Most importantly the research will cement sustainable partnership with civil societies, non-government organisations, youth organisations and academic institutions.” Cardiff University Vice-Chancellor Professor Colin Riordan commended the aims of the project. “As Somaliland consolidates its path to reconstruction, it presents a powerful example of hope and recovery to many other societies, particularly those emerging from civil war. These are challenges in which Cardiff University is keen and well-placed to assist. “I look forward to the opportunities this partnering project creates for future dialogue and cooperation.” Welsh Government Minister for International Relations Eluned Morgan said: “The progress of the project, which focuses on assisting the Somaliland Government to achieve a number of its UN Sustainable Development Goals with funding from the Global Challenges Research Fund, will build on the strong diaspora ties that continue to connect the Cardiff community with Somaliland. “I am excited by the prospect of this project and the benefits it will bring to the people of Wales and Somaliland.” Cardiff university Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in caawa ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duulaanka oo la sheegay in uu ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah, wallow illaa iyo haatan aanan la ogeyn khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. Saraakiisha ciidanka xooga illaa iyo haatan kama aysan hadlin iska hor-imaadka oo la tibaaxay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna ay socotay in muddo ah. Sikastaba ha ahaatee, Buulo Mareer oo Koonfur Bari kaga taala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
Held captive by gun-toting smugglers at a warehouse in southern Libya, newlywed Somali refugee Maryam* was taken from her husband Ahmed* and raped — repeatedly — over several months. Only when she became pregnant was she returned to him. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Saddex ruux oo laba kamida ay askar yihiin ayaa ku geeriyootay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho markii uu dul-maray mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Midowga Afrika. Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, baabuurta ciidamada AMISOM ayaa goobta ka dhaqaaqay kadib markii ay falkaasi ay geysteen, iyagga oo aanan daqiiqado xitaa meesha ay dhibta ku geysteen ku hakan. Balse mas’uuliyiinta maamulka degaanka Lafoole ee ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa tilmaamay in ay joojiyeen gaadiidka, isla markaana ay ka qaadeen telafoono lagala xiriiro marka loo baahdo. Taliska AMISOM illaa iyo haatan kama uusan hadlin dhacdadan oo kusoo beegmeysa iyada oo ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay xoogaga nabad-ilaalinta u jooga dalka ay shacabka iyo askarta kula kacayaan. View the full article
-
Hal-buurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI oo taageero ka helayey hay’adda ADRA Somalia, ayaa magaalada Garoowe tababar 4 maalmood soconayay usoo gabagabeeyey 30 suxufi oo isaga kala yimid dhammaan gobollada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya. Muddadii tabarkaani socday ayaa waxaa lagu bartay ilaalinta carruurta iyo qaabka loo tebiyo ama loo weriyo sheekooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira carruurta, iyada oo la raacayo hab tebineedka waafaqsan anshaxa saxaafadda iyo kan caalamiga ah ee xaquuqda carruurta. Si goonni ah waxaa diiradda loo saaray intii tababarku socdey casharro oo la xiriira guud ahaan dhawridda guud ahaan xaquuqada aadanada, mabaadi’da caalamiga ah ee werinta sheekooyinka carruurta iyada oo la ilaalinayo ilmaha, dadka dhibbanayaasha ah, dadka mahadhada qaba iyo anshaxa caalamiga ah iyo kan dalka u deggan ee saxaafadda. Gabagabadii tababarka waxaa ka hadashay madaxa waaxda jinsiga iyo xaquuqda aadanaha Faadumo Maxamed, waxa ayna mahadcelin kadib kula dartaarantay suxufiyiinta tababarku usoo dhammaaday in wixii ay barteen dib ugu celiyaan xarumihii warbaahineed ee ay ka socdeen. “Inaad dabakhdaan oo ku dhaqanteen casharradii aad halkaan ka barateen, waxa ay faa’iido weyn u tahay naftiinna iyo xarumihii warbaahineed ee aad ka socoteen waxaana idiin fududdaan doonta inaan isbeddel ku samaysaan qaab tebineedkiini la xiriiray werinta sheekooyinka iyo wararka la xiriira carruunta dhibaataysan” ayay tir Faadumo Maxamed oo la hadlaysey suxufiyiinta tababarka qaadatay. Faadumo ayaa intaas ku dartay “Ururka Hal Abuurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI waxaa uu dadaal weyn u gelayaa sidii loo samayn lahaa aqoon kororsiyo iyo tababarro faa’iido u leh korna loogu qaadayo aqoonta iyo tayada suxufiga ah gaar ahaan haweenka warbaahinta ku jira, si bulshada loogu tebiyo barnaamijyo iyo sheekooyin faaii’do leh”. Ugu dambeyn Faadumo waxa ay u mahadcelisey dhammaan suxufiyiintii kasoo qayb galay tababarka, gaar ahaan weriyayaashii meelaha fog fog uga soo safray si ay uga faaiidaystaan tababarkaas. Halkaan hoose ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post WIMI oo tababbar Garoowe ugu soo gabagabeyey 30 suxufi appeared first on Puntland Post.
-
Supermajors Royal Dutch Shell and ExxonMobil last week signed a settlement letter with the Federal Government of Somalia regarding drilling blocks under force majeure, Kallanish Energy learns. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka dawladda Hoose ee degmada Jariiban ayaa xariga ka jaray mashruuc biyo galin loogu samaynayay degmada Jariiban. Xaflada ayaa ka dhacday hoolka Jaamacada Jariiba, waxaana [...] Source
-
(SLT- Gambia)-Madaxweynihii hore ee Gambia Yahya Jammeh ayaa lagu eedeeyay kufsi uu u gaystay dumar u dhashay dalkaasi intii uu hayay Tallada. War saxaafadeed ka soo baxay arbacada maanta ah hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa lagu sheegay in Jameh uu galmo la sameeyay dhowr hablood intii u dhaxeysay sanadihii 1996-dii ilaa 2017-da. Hoggaamiyihii hore ee Gambia ayaa hore loogu eedeyay falal dilal ah, balse waa markii ugu horeysay oo loo soo jeediyo eedo la xidhiidha Kufsi. Reed Brody oo u qaabilsan Human Rights Watch ayaa sheegay in Jameh dumarka uu u isticmaali jiray sida xoola uu isagu Leeyahay. Brody ayaa intaa ku daray in kufsiga iyo galmada ay tahay xadgudub bani, Aadanino Yaxya Jameh-na uusan sharciga ka weyneyn. Siyaasigaan ayaa si masaafuris ah ugu nool dalka Equatorial Guinea kadib markii looga itaal roonaaday doorashadii 2016-ka ka dhacday Gambia. Source
-
Popular Contributors
