-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
On this day in history on June 08, 2007 my country and my people lost a great man: the first President of Somalia, Aden Abdulle Osman, who was elected on 1st of June 1960 when British and Italian Somali territories joined to create the Somalia Republic. On July 06, 1967 Adan Abdulle Osman was defeated in election by Abdirashid Ali Shermarke, his former Prime Minister. His term as president ended on July 6, 1967. President Adan accepted his loss graciously, making history as the first head of state in Africa to peacefully hand over power who was democratically elected and he never wanted to run again for the highest position of the country. President Adan Abdulle Osman spent his later years on his farm near Janale town, in Lower Shabelle Region of Somalia. By the time of the (SYL) Somali youth league mission accomplishment and the country gained its independence and unity in 1st june and 26 July 1960, Adan Abdulle Osman had attained widespread prominence as a nationalist figure. In short order, he was elected the country’s first President. He remained in office from June 01, 1960 up to July 06 1967. Unfortunately, in 1990 a civil war was started in the country and anti government rebels, Adan Abdulle Osman along with former Minister of Information Ismail Jim’ale Osoble, former Minister of Education Hassan Ali Mire, and about 120 other Somali politicians signed a manifest expressing concern over the violence and advocating for reconciliation. Adan Abdulle Osman was born in Baladweyne town of Hiiraan region of central Somalia on December 9, 1908. He was ninety-nine years old and he died in Nairobi hospital after being in a COMA!. The first time Somalia’s People heard the death of President Adan Abdulle Osman, the Transitional Federal Government TFG, led by former President of Somalia Col. Abdullahi Yusuf Ahmed, declared 21 days of national memorial service, and issued a statement that President Adan Abdulle Osman would receive a state funeral. It also renamed Mogadishu International Airport to Aden Adde International Airport in his honor. His family had stated that President Osman wished to see Somalia achieve peace and stability and become a peaceful state. By: Mohamed Abdullahi Ahmed @mometov mometto2000@gmail.com Mogadishu, Somalia.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan kuwa Booliska. Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho oo ah Bar Koontarool oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya. Iska hor imaadka ayaa imaaday kadib markii ay Ciidamada Booliska isku qabsadeyn lacag baad ah oo laga qaado Baabuurta Dadweynaha oo halkaas ka sameystay Busteejo laga raro gawaarida. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhaawacmay laba arday oo marayey Isgoyska. labada arday ayaa midkood wuxuu ka dhaawacmay madaxa halka mid kalana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa. Labadii Askari ee is rasaaseeyey ayaa lasoo sheegayaa in lagu xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan kadib markii ay dacwo ka gudbiyeen gaadiidleyda. Sidoo kale rasaasta ay is dhaafsanayeen Ciidamadaan ayaa waxay dhibaato u geysatay gawaaridii halkaas ku sugnaa oo qaarkood ay ka daateen muraayadaha kadib rasaas ku dhacday. Gaadiidleyda oo tagay Saldhigga Degmada Hodan ayaa loo ballan qaaday in loo sameyn doono Miraayadaha Gawaaridooda. Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda ayaa lacago ka qaado Gawaarida ka dhex shaqeeya Goobaha kala wareegga oo noqotay Busteejo Gaadiidka Dadweynaha laga raro. Sarakiisha Ciidamada Booliska ayaa weli xal u heli la’ inay joojiyaan baadda ay ciidamada Booliska ku hayaan Gawaarida isticmaasho jidadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Galabnimo khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 6/6/2019 waxaan si kadis ah uga war-helay -anigoo daalacnaya bartayda aan ku leeyahay Fecebook-ga- in Dr.Ibraahim Qaasim Faarax (Bur-Saliid) loo taxaabay xabsi ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhacdadaas lama filaan bay igu noqotay, waxaa wer wer igu abuuray xarigga saaxiibkey Ibraahim Bur-saliid, oo ah aqoonyahan bareer u hadla markuu falanqeynayo arimaha siyaasadda dalkiisa hooyo ee Soomaaliya; amaba kuwa aan dariska nahay. Waxaan labadii maalmood ee tagay ka fakarayay maxaad u qaban kartaa saaxiibkaa Ibraahim Bur-saliid? Tollow! dhambaal aan qoraa maciin iyo taageero ma u noqon karaa dadaallada loogu jiro in Bur-Saliid xorriyaddiisa dib u helo! Waxaan arinkaa rog rogaba, waxaan wada hadalnnay saaxiibkey Faysal Cabdi Rooble, wuxuu igu dhiiri-galiyay in aan dhambaal ka qoro xabsi-u-taxaabidda Ibraahim Bur-Saliid. Wuxuu xoojiyay fikirkaygii ahaa in qoraalada loogu dooddayo Ibraahim Bur-Saliid la badiyo, aniguna waxaan bahda qalinlayda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qalinkooda ugu hiiliyaan walaalkood Dr.Ibraahim Bur-saliid, waa tuu Sallaan Carabay yiri : Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara’e! Waa kuma Dr. Ibraahim Bur-saliid? Dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi, waxaa suurowda in aysan aqoon durugsan u lahayn Dr.Ibraahim Bur-saliid, waxaan jeclaystay in aan si kooban uga warbixiyo “Bur-saliid” oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxna ku bartay dalkiisa hooyo, ee Soomaaliya. Wuxuu ku koray kuna hanaqaaday magaalada Kismaayo, dugsigiisii hoose, dhexe, iyo kii sareba kaga baxay isla magaalada Kismaayo. Wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, isagoo dhigtay Culuumta Siyaasadda, qaran-jabkii ka dib, wuxuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Kenya, ma niyad jabin, dibadna uma dhoofin, ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii isagoo darajada labaad ee “Master’s Degree” ilaa shahaadada “PhD” ka diyaariyay jaamacadda “Nairobi University” dabadeedna, Jaamacadda Nairobi ka noqday bare wax ka dhiga kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo xiriirka dibadda, isagoo muddo 8 sano ka ahaa jamacaddaas macallin -ay ardaydu iyo jaamacadduba- ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayaan. Iminka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad la-talin oo uu isagu lahaa “consultancy firm”. Maxaan ku bartay “Bur-Saliid”?! Horraantii sannaddii 2016-kii ayaan is barannay Ibraahim Bur-Saliid, waxaan dhawr jeer ka wada qayb-qaadannay -aniga iyo isaga iyo Dr.Cabdiwahaab Cabdi Samad- doodda Jimcaha ee idaacadda BBC-da, laanta AfSoomaliga. Waxaan ku bartay Bur-Saliid in uu ahaa waddani difaaca danaha umadda Soomaaliyeed, geesi aan ishiisu libiqsan, dooddaa dhiirran, ruux waxbadan ka akhriyay taariikhda iyo sida ay siyaasaddu u fal-gasho. Waxaan kaloo ku bartay – muddadii aan saaxibada ahayn- in uu ahaa ruux bareer u hadla, oo wuxuu aaminsanyahay aan qarsan, markay dhinaca siyaasadda arintu gashana, wuxuu ka aaminsanaa siyaasaddu in ayan ahayn humaag iyo boor-isku-qaris; balse ay tahay: run sheeg iyo daah-furnaan, waa halka uu jeclaa -dadka Soomaali siyaasadda u matalaa- in ay fahmaan, mabda’aasna ku dhaqmaan. Muxuu xabsiga ku mutaystay Bur-saliid ?! Subaxnimadii Jicmada -maalintii xigtay xariggiisii- ayaa waxaa maxkamad la soo taagay Bur-Saliid iyo saddex ninoo kale oo aanan garanayn. Maxkamaddu waxay ku eedaysay afartuba in ay yihiin argagixiso. Saddexda nin oo kale anigu wax aqoona uma lihi, Ibraahin-na waxaan ku difaacayaa waa aqoontaan isaga u leeyahay.! Fal-dambiyeedkiisu wuxuu hor-yaalaa maxkamad, xeer-dheerayaasha dhinaca qaanunkuna waxay yiraahdaan eedaysanuhu waa dembi laawe ilaa tuhunku cadaado “accused is innocent until proven guilty”. Xariggaa Bur-Saliid” wuxuu ku soo beegmay xilli ay dowladda Kenya u miciyo-lisanayso Soomaalida, waxay faafisay liis dheer oo ah Soomaali ay dalkeeda ka mamnuucday, xawaaladihii bay qaarkood kala noqotay aqolaanshihii hawl-gal. Waxay muujisay colaad dhinaca Soomaalida xukuumad iyo shacabba. Xarigaan lagula kacay “Bur-Saliid” waxaa loo fahmi karaa cabburin ay Kenya kula kacayso aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah, ama cadaadis Kenya ku saarayso xukuumadda Soomaaliyeed oo la xiriira kiiskii badda ee Maxkamadda Caddaaladda dunida hor-yaal. Tuhunka aqoonyahan “Bur-Saliid” dowladda Kenya ku tuhuntayse -oo ah argagixiso- waa mid culus, erayga argagixisana wuxuu noqday mid dhinac walbaale ah, qaadan kara in ka badan hal macne. Halgamaagii weeynaa ee koonfur Africa Nelson Mandela wuxuu xusuus-qorkiisii “long wolk to freedom” markii la tarjumana noqonaya “ Socdaalkaygii dheeraa ee xoriyadda” ku sheegay sidaan: “ shalay waxay igu sheegayeen argagixiso, maantana markii xabsiga layga soo daayay waxay igu soo dhaweeyeen ubaxyo, waxay ku tilmaamaan kuwa dalkooda u halgamaa oo difaacaa argagixiso.” Waxaan is iri malaha Kenya waxay ugu tilmaantay “Bur-Saliid” argagaxiso waa mowqifkiisii waddaniyadeed, dal jecaylkii uu muujiyay, aftahamadiisii iyo ra’yigiisii tolmoonaa markay arrintu u weecato dhinaca difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboon? Xukuumadda iminka Soomaali talada u haysaa, waxay ka gaabisay difaaca danaha dalka ee dhinaca xiriirka dibadda. Waxay si jilicsan ula tacaamusha gefafka is-daba-joogga ah, ee kaga imanaya dowladaha aan dariska nahay. Ilaa hadda wax talaabo ah kama ayan qaadin waxa lagula kacay, duulimaadyadii tooska ahaa baa la joojiyay, xawaaladihii baa la xiray qaarkood, Soomaalidii baa la cabburiyay, welina ma ayan qaadin xukuumaddu tilaabo ku habboon tacadiyada dhinaca diblumaasiyadeed ee lagula kacay. Arrinka saaxiibkay Ibraahim Bur-Saliidse waxaan u arkaa in ay tahay: ninkii walaalkii loo xiiirow! adna soo qoyso! Waxaa suuragal ah, in ay xigi karto tilaabadaan kuwa kaloo ka sii daran, oo lagu cabburinayo hal-doorka Soomaaliyeed; si xukuumadda cadaaddis loo saaro, arinkaanna waxaa ila gudboon in xukuumadda Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah galiso sidii wax looga qaban lahaa, loogana hortagi lahaa falal noocaanoo kale ah in lagula kaco hal-doorka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ilaa iminka wuxuu dhawrayaa xukuumaddiisu waxay ka qabatay xiriirka sii xumaanaya dalka aan dariska nahay ee kenya. Fal-celis la’aanta xukuumadda federalka ahna waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in xukuumadani danaha Soomaaliyeed ku badalatay doorashada soo socota ee dhici doonta 2021-ka iyo waxqabadkii laga sugayay ee ay ka gaabisay sida sugida Amniga, u adeega shacbiga Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha. Gunnaanadkii, waxaan saaxiibkay Ibraahim Bur-saliid ugu duceeynayaa ducadii nabigeenii suubanaa ee Yuusuf Bin Yacquub ugu duceeyay dadka xiran; taaso ahayd: ilaahayow u jilci quluubta kuwa naxariista badan, waxaan Eebbe saaxiibkay u baryayaa in sii deyntiisa ay u kacaan soomaalida weli damiirkoodu noolyahay. Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) Email: ashkir2009@live.com Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland. The post IBRAAHIM BUR-SALIID- AQOONYAHAN AAN XARIG MUDNAYN! appeared first on Puntland Post.
-
Wanlaweyn (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Beeleed maanta ka dhacay degmada Wanlweyn ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay ilaa shan Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sida la sheegay dagaalka ayaa salka ku haya dilal la xariira Aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
-
Balcad (SMN) – Waxaa maanta Koronto la’aan xoogan ay ka jirtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in gabi ahaanba la jaray Korontadii degmadaasi. Arrintan ayaa timid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay shirkad bixisa Korontada iyo maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeeelaha DHexe. Dad dadka Shacabka ayaa haatan cabasho weyn ka muujinaya Koronto la’antaasi oo ku yeelatay saameyn xoogan. Balcad waa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN ) – Waxaa M/Muqdisho si aad ah ugu sii yaraanaya isticmaalka Gaari Gacanka oo ay Qoysas badan ku tiirsan tahay noloshooda. Arrimahan ayey Gaari Gacanleydu u sababeeyeen in Bajaajtu ka saartay Suuqa, islamarkaana haatan ay soo wajahday shaqo la’aan xoogan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-bixin-sofesane-gaar-gacan_1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha shaqaalaha Adduunka. Safarkan uu Wasiirku ku tagaya Magaalada Geneva ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka socda Ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha Soomaaliya, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan baahiyaha shaqo ee Dalka ka jira. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo heer Madaxweyne ah kana kala socda Dalalka caalamka, ayaa lagu wadaa inuu Wasiir Warfaa ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta Dalka iyo sidii looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaaddiniinta. Wasiirka ayaa sababta ay ahmiyadda u siinayaan qodobbadaasi ku ku sheegay in la xalliyo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in Dhallinyarada shaqooyin loo abuuro. “Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi Dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin Lacagta xubin-nimada ee Ururka oo Sanad walba looga baahanyahay inay bixiyaan Dowladaha , waxaan codsannay in maaddama Dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in Lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq. Wasiirka ayaa sheegay inuu dedaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd Ururka shaqaalaha adduunka, wuxuuna inta ku daray inuu kulan doceedyo la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya Bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan Dalka. Shir weynaha shaqaalaha adduunka ayaa Geneva ka furmaya Tobanka June, wuxuu soconaya illaa 21 -da Bishan,iyadoo shir weynaha shaqaalaha Adduunka uu u dabaal-deggayo Sannad-guurradii Boqolaad. Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka Dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda Gacanta iyo sidii arrinta ay Dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu booqasho ku tegi doonaa Magaalada Bonn ee Dalka Jarmalka. Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii Dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo Iskuulkii farsamadda Gacanta ee Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa Machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii Dalkeenna ay si wada-jir ah ugu dhisi lahaayeen, iyagoo xoogga saarayo waxyaabaha ka dhaxeeya Bulshada. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kagu soo warramayaa in maanta ay ka taagan tahay gmagaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xiisadani ayaa u dhexeyso mas’uul ku wada sugan Baladweyne, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Arrintan waxa ay timid, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Hiiraan ka leeyahay dano gaar ah, kuna tagri falayo dhaqaalaha gobolkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in isku dhacyo ay ka dhacaan halkaasi. View the full article
-
Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay. Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka. “Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey dedaalada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka sida kumeel gaarka ah loo dhisay iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyaan guud ahaan wadada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka appeared first on Puntland Post.
-
Soomaalidu marka ay jaaha soo jiidashsda leh tilmaamayaan waxa ay odhan jireen hebel ama heblaayo “jinni” buu leeyahay ama leedahay. Haweenka ku welfey ee qabatimay is marinta kiimikada dubka mudhxisa waxa aad mooddaa caag caag, waayo waxa sii dhimanaya ama dhintey dareenkii dubka. Irbadda marka qofka aadmiga ah lagu mudo waxa uu xanuunka dareemaa marka irbaddu dubka ama maqaarka sare taabato, marka se ay jidhka hore u gasho dareenka xunuunku waa uu dhammaadaa. Halka aadmigu ka nool yahay waa dubkaas sare, waana ta dhakhaatiirtu tidhaa marka qof gubtey loo keeno haddii uu qaylinayo “rejo ayuu leeyahay oo dubkii baa nool ee ha werwerina”, haddii uu aamusan yahay waa ka yidhaa “rejo uma laabna ee iska daaya”, waayo maqaarkii baa aya dabku dhaafay oo dhintay. Aqoontan waxa ayay culimada caafimaadku ogaadeen qarnigii hore ee aynu dhowaan sagootinney. 1400 sannadood ka hor ayaa Alle Qur’aanka inoogu sheegay in marka qofka la cadaabayo in marka uu kulaylka dareemo ba dib loogu abuuro dub kale oo cusub si uu kulaylka u sii dsreemo. Dubka qiimahaas leh in cayasyir loo mudhxiyaa marna waxa ay noqon kartaa jaahilnimo, mar kalena waa kalsooni darro. Nus qarni ku dhowaad ayay caadadan foosha xun ee halista ahi dhulkeenna taallaa oo ay hadda si ba’an ugu baahdey, guri kasta u gashay. Hobollada Djibouti ayaa 1980-aadkii, iyaga dhaqankaas silloon ka digaya ku heeshay: Jaah ka faanto Jidh ka kooke! Wax kasta oo asalkiisii laga dooriyaa waxa uu u ekaadaa wax kale oo aanu ahayn. Geenyada Madoow iyo geenyooyinka kale ee la aragtida ahi waxa ay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan. Mohamed Bashe Xaaji Xasan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka u furmay Guddiga joogtada ayaa waxaa Shir guddoominay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiga joogta ah. Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa ee Maagaalada Muqdisho. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la badii asbuuc oo u dambeysay Fasax ku jiraya waxaana loo fasaxay 10 ka dambe ee Ramadaan,waxaana Guduga joogtada ah ka arinsanayaan sidii dib loogu furilahaa. Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaan dhowr xeer oo ay u soo gudbiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan kulan la qaatay Gudoonka labada Gole ee barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in dadajiyaan sharciyada horyaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Saaka Al Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Af Urur ee gobolkaasi. War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay si nabdoon ku qabsadeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada maamulka Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Dagaalyahannada Al Shabaab baaritaano xoogan ay ka sameeyeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Carmo ee isla gobolka Bari Af Urur oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa ku yaalla Buuraleyda Golis, waxaana uu 30 KM u jiraa Laamiga dheer ee soo gala magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Xaaladda ayaa haatan kacan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Bari. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-08062019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Mas’uul sare oo ka tirsanaa Xukuumadda kadib markii uu ku biiray Xisbi Siyaasadeed. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Xasan Canshuur ayaa xilkii ka qaaday Cali Ibraahim (Cali Shaam) oo kamid ahaa Guddiga Madaxa banaan ee Isgaarsiinta Qaranka . Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa baahisay warka ku saabsan in xil ka qaadis lagu sameeyey Mas’uulkaan, iyadoo sheegtay inay heyso waraaqda xilka looga qaaday oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Canshuur. Cali Ibraahim (Shaam) ayaa la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Horusocod, waxaana lagu arkay Liiska Xisbigaas. Mas’uulka xilka laga qaaday illaa hadda ma uusan ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kalana wasaaradda weli si rasmi ah uma soo bandhigin waraaqda xilka looga qaaday. Guddiga madaxa banaan ee Isgaasiinta Qaranka ayaa waxaa dhistay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana ka hor imaaday qaar ka tirsan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unknown assailants have shot and killed a local district official in Jowhar town, located some 90 kilometers northwest of Mogadishu, the Somali capital, witnesses said. Abdirashid Haji, the deputy administrator of Gambole village in Middle Shabelle region was gunned down inside the city by men armed with pistols who managed to escape the scene. HirShabelle stat security forces have sealed off the shooting site and launched an investigation into the murder as the killers are on the run. There was no claim of responsibility for the assassination, however, local police pointed the finger of blame at Al-Shabaab, the Somalia-based Al-Al-Qaida-linked militant group. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Nin da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dhacayay Dabaq ku yaalla degmada Xamar weyne, isagoo hurdayay. Ninkan ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacyay uu Qarway ama Sasay, waxaana saaka aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu degenaa oo ku dhow Hotelka Muna. Waaxda Gurmadka deg-deg ee gobolka Banaadir ayaa u soo gurmatay oo ugu dambeyn halkaasi ka qaadeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jidhkiisa ka mid ah. Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen. Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco. Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen baraha bulshada. Source
-
(SLT-Falastiin)-Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay maamulka Falastiiniyiinta ee aan lacagta badan haysan ee hadana la ogaaday in wasiirradii hore ee xukuumaddu si qarsoodi ah mushaharka iskugu kordhiyeen 67%. Waraaqo sir ah oo soo baxay ayaa muujiyey in mushaharkooda oo ahaa 3000 oo doolar ay sannadkii 2017-kii korodhsadeen oo ka dhigteen 5000 oo doolar. Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadda Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa sheegay in falka noocaas ahi aanu “caqli gal ahayn dadkana ka cadhaysiiyey” iyada oo Falastiiniyiintu la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale. Waxaanu intaa ku daray in ra’isal wasaare Maxamed Ishtaayeh aqbalay in hab dhaqankaa la joojiyo. Ishtaayeh oo qudhiisu ah dhaqaaleyahan ayaa xilka la wareegay bishii Abriil, waxaanu amar ku bixiyey in la baadho arintaa, inta uu socdona wasiirada la siin doono kala badh mushaharkooda. Waraysi uu siiyey wargeyska New York Times Arbacadii ayuu Ishtaayeh kaga dayriyey duurfaha adag ee maaliyadeed ee haysta oo uu yidhi “xaaladdu burbur bay qarka u saarantahay” waxaana dhici karta in xukuumaddu musalafto bisha Juulaay ama Ogost. Culayska maaliyadeed ee haystaa wuxu ka sii daray bishii Feeberwari markii xawillaada cashuuraha ee Israel u ururiso Maamulka Falastiiniyiinta ay isku khilaafeen. Israel ayaa sheegtay in ay hakinayso oo aanay u soo daynayn 139 milyan oo doolar, lacagtaas oo u dhiganta bay tidhi dhaqaalihii Maamulka Falastiiniyiintu siiyey sannadkii 2018 qoysaska Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Israel ama la dilay iyaga oo weerarro ku qaadaya. Waxaanay saraakiisha Israel sheegeen in lacagtaasi dhiirri geliso argagixisada, laakiin Maamulka Falastiiniyiintu wuxu ku adkaystay in ay tahay daryeel bulsho oo la siiyo ehelada maxaabiista iyo “shuhadada”. Ishtaayeh ayaa oo arinta ka dardaar weriyey ayaa sheegay hadii Maamulka Falastiiniyiinta maaliyad la’aani ku habsato in ay ciidamada nabadgelyada ee ka hawl gala Daanta Galbeed ee la haysto ay ku kala diri doonaan fasax bilaa mushahar ah. Ra’isal wasaaruhu waxa kale oo uu dhaleeceeyey isku dayada cadaadiska “baqe ku maalka” ah ee la saarayo hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta si wadaxaajoodyada dib ugu bilaabaan ka hor inta aanu furmin shirka mudada dheer la sugayey ee dib loogu bilaabayo geedi socodka nabadda Bariga Dhexe. Sannadkii 2018-kii ayaa Maraykanku jaray taageeradii uu tooska u siinayey Falastiiniyiinta iyo qaadhaankii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiinyihiinta ee UNRWA. Go’aannadaasna wuxu Maraykanku qaatay markii Maamulka Falastiiniyiintu xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey hakiyey, taas oo uu kaga falcelinayey go’aankii Madaxweyne Trump magaalada Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo madaxda Israel ee uu safaaradda Maraykanka kaga raray magaalada Tel Aviv. Hase yeeshee ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsan wadaxaajoodyada caalamiga ah, Jason Greenblatt, ayaa ganafka ku dhuftay dayrada Ishtaayeh ee ah duruufta maaliyadeed ee haysata Maamulka Falastiiniyiinta. Source
-
Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, sida FBga. Wararka hablahan oo sumcada qaranka Somaliland aad ugu xun, ayaa ah in lagu xidhay Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay markii hore inay maandooriye cabeen, kadib, markii ay tacadi iyo iyadoo loo diiday waxay xuquuq lahaayeenoo dhan aan la siin, si lama filaan looga sii daayay xabsiga. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iyo hadda ka hadal sababta xadhiga hablahan,iyadoo ay muddo bil ku dhawaad ah warka xadhiga habalahani uu haystay warbaahinta iyo fagaarayaasha laysku dhaafsado xogaha ee social media ha. Dhabahaantii waa waajib saaran xukuumadda Muuse Biixi inuu wax ka qabto talaabooyinka sumcad dilista ah ee dalkeena u ekaysiinaaya meel lagu tacadiyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo aynu ognahay in tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweynaha muddada koobani xilkiisii uga hadhsan tahay in ay xabsiyo muteen dad dalkan u dhashay oo qaarkood markii muddo xabsiyada lagu hayay layska sii daayay, qaar la masaafuriyay,halka in badan oo kalena ay wakhtigan xabsiyada ugu jiraan oo keliya fikir ay cabireen. Tacadiyada xuquuqiga ah ee ay xukuumaddani ku kacayso ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadu ay ka fiirsanayaan sidii ay ula sii shaqayn lahaayeen Somaliland, iyadoo sida laga soo xigtay Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya arrimaha Soomaalida Nayroobi uu soo hadal qaaday haddii xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka bedeli weydo hawlahan in ay ku soo rogi doonaan xayiraad xagga socdaalka ah. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa xukuumadda looga fadhiyaa inay cadeeyaan sababta hablahaa loo xidhay, haddii la waayo wax cad oo lagu xabisayna waa in madaxweynuhu tallaabo ka qaadaa cidii xadhigooda ka danbeysay, si loo ilaaliyo sumcada qaranka Somaliland uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah,sidoo kalena ooda laga qaadaa maxaabiista ra’yigooda u xidhan oo dhan. Mustafe Ciise (Mustafe Shiine)Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, Qaran News
-
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in garoonkan uu noqon doono midkii ugu horreeyey ee degmadaasi oo waliba si wanaagsan loo dhisi doono. Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono garoonkaasi. “Waxaan dhagax-dhignay garoonka diyaaradaha Ceel-waaq oo noqon doona kii ugu horreeyey, waxaana jecelnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku dhisno” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan dambe wuxuu socod ku marayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in wax badan ay ka qabteen amniga guud ee magaalada Gaalkacyo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, C/weli Jaamac Barre oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in maalmihii uu madaxweyne Xaaf ku sugnaa Gaalkacyo ka shaqeeyey arrimo badan. Wuxuu tilmaamay agaasimaha in ciidamada ammaanka Galmudug io sidoo kale kuwa isku dhafka ah ay ka shaqeeyeen sidii shacabka Gaalkacyo nabad ugu seexan lahaayeen. “Wax badan ayaa u qabsoomay madaxweynaha, sidaad ogtahay xukuumadda Xaaf waxaa ka go’an wax ka qabashada ammaanka, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay in Gaalkacyo uu xasiliyo” ayuu yiri C/weli. Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amni ahaan soo hagaageysay, in kastoo mararka qaar magaalada ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com