-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – 14 Bishii May ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Xarunta Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho xilligaas oo raashin loogu qeybinayey dad masaakiin ah, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiray Dhimasho, Dhaawac iyo burbur ku yimid Xarunta. Tan iyo waqtigaas waxaa socday baaritaan ku aadan cidda ka dambeysay qaraxaas ee Al-Shabaab u fududeysay inay fuliso. Waxaa Shaqaalaha iyo madaxda Degmada Warta Nabadda ka jiray guux ku aadan inuu Qaraxaas fududeeyey qof ka tirsan Degmada sida uu Shabakadda Caasimadda Online u sheegay Mas’uul ka tirsan Degmada. Hey’adda Nabadsugidda ayaa bilowday baaritaan ku aadan qaraxaas, waxaana Qalabka GPRS lagu xiray qaar ka tirsan madaxda iyo Shaqaalaha Degmada oo uu soo galay tuhun aad u weyn. Maalmo kadib waxaa lagu helay inuu qaraxaas ka dambeeyey madaxa Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda Maxamed Dheere oo taleefoonkiisa laga dhageystay isagoo oo Al-Shabaab la shaqeenayo. Ciidamada Alpha Group ayaa weerar qorsheysan ku qaaday gurigiisa, waxaana lasoo xiray isaga, Xaaskiisa iyo dad kale oo guriga kula noolaa. Baaritaan dheer kadib iyo caddeymo la hor dhigay Maxamed Dheere ayaa qirtay inuu isaga ka dambeeyey qaraxaas isla markaasna uu Al-Shabaab u fududeeyey. Maxamed Dheere ayaa la ogaaday inuu Koontaroolada Ciidamada Dowladda ee Degmada Wardhiigley kasoo gudbiyey gaarigaan isla markaasna uu lacag siiyey askari ka tirsan Dowladda si uu usoo fasaxo Baabuurka qaraxa siday. Maxamed Dheere ayaa gaarigaan kasoo galay Dhanka Tookiyo, wuxuuna ahaa ninkii hagayey, Sidoo kale cadaadis badan oo la saaray kadib ayuu sheegay inuu jiro gaari kale oo qarax lagu diyaariyey oo yaalo gurigiisa. Waxaa mar kale gurigiisa gaaray qaar ka tirsan Ciidamada Al-pha Group oo ku guuleystay inay qaraxa ka furaan gaariga yaalay Guriga Maxamed Dheere oo nuuciisa ahaa Allion inkastoo aan aan weli la ogaan halka la doonayey in lagu weeraro. Gurigiisa ayaa waxaa laga soo helay hub farabadan iyo waxyaabaha qarxa, waxayna madaxda Degmada Warta Nabadda ku noqotay mid lala yaabo maadaama aan marnaba ninkaan looga shakin inuu wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab. Dhanka kale wuxuu qirtay inuu ka dambeeyey dilkii degmada loogu geystay Guddoomiyihii hore ee Dhallinyarada Degmada Warta Nabadda oo la dilay hal sano ka hor. Ninkaan ahaa madaxda Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda ayaa daganaa meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Degmada. Maxamed Dheere ayaa hadda ku jiro gacanta Nabadsugidda, inkastoo aan weli la caddeyn in la sii daayey dadkii lala soo xiray iyo in kale. Wuxuu beel ahaan kasoo jeedaa Fiqishini oo ah beel kamid ah beelaha dega gobolada waqooyi siiba deegaanka SSC Waxayna ku abtirsadaan Cayr/ Habargidir/ Mogadishu Clan, Fiqishini waa naaneys magaca saxda ah waa Fiqi cumar Ayaanle Cayr. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa abaalmarin u balanqaaday ciidan la sheegay iney fashiliyeen weerar lagu waday inuu ka dhaco bar kontorool oo ku taallo KM4 dhanka Airportiga Aden Cadde. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Koox aan la aqoonsan ayaa Kayse Maxamed Cawaale oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland dhagax ku dilay, halka ay laba askari oo askari oo kalena dhaawac ugu gaysteen dhagaxa. Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Fiqi Ayuub oo ku yaalla waqooyiga magaalada Burco mana cadda sababta keentay in kooxdani weerarto booliska laakiin, waxa jira warar sheegaya in ay jiraan shirkado halkaasi ka baadha macdan ay iska hor yimaaddaan dadka degaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Werwerkii iga hayey Soomaaliya wuu iga hadhay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan ku kalsoon nahay inuu gaashaanka u daruuri karo wiilasha ka taliya Villa Soomaaliya oo adduunyada kaga qadhaabta aqoonsiga rahmaadda ku ah maamulka Muqdisho ee hor iyo dabo-diidka ah 28kii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaan aaminsanahay inuu sutida u qaban karo dood fool-ka fool ah oo ay iskaga horyimaaddaan Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo), waxana libinta Madaxweyne Biixi ka keeni karo wadahadallo Somaliland la gasho Soomaaliya laga suurayn karaa feejignaanta uu cod dheer beesha caalamka ugu dareensiiyey sida uu uga calool weydsan yahay dhexdhexaadnimada dalka Turkiga oo gogosha wadahadalka dhigay, kaasoo Madaxweynaha Somaliland kashifay inuu taageero firfircoon u yahay dhinaca Soomaaliya. Sidaa daraadeed, waxa uu dalbaday in xeerbeegti caalami ah goob-joog ka noqdaan miiska wadahadalka, sidoo kalena la helo dal ka madax-bannaan arrimaha siyaasadda Soomaalida oo dhexdhexaadiye u noqda labada dhinac. Madaxwexweynaha Somaliland waxa uu muddo laba sanno ku dhow oo uu xilka hayey fagaareyaal badan kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan madaxda xilligan majaraha u haya maamulka duruufaha madow hadheeyeen ee Muqdisho, taas oo ka muujinaysa sida uu ula socdo dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed iyo dhagaraha ay u maleegayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabinnada siyaasadeed ee ay dibadaha uga maleegayaan. Waxa kaloo marag-ma-doon ah in waayo-aragnimo ahaan madaxweyne Muuse Biixi aad uga khirbad iyo xogogaalsan yahay dhiggiisa Soomaaliya oo ah dhallinyaro qurbo-joog camal doon ka faa’iidaystay waddan nidaamkiisa maamul iyo dawladnimo la mid yahay odhaahda tidhaa, “Madax Geel Ninkii Qaadaaba Dhig!” waxana taas u daliil ah sida ballanqaadyadii Farmaajo u noqdeen qaar sida xumbada u gudhay oo xataa taageerayaashiisii aanay maanta ku niyadsamayn hoggaamintiisa oo uga sii dartay dhiriqdii siyaasadeed iyo amni-darro ee ka jirtay Soomaaliya. Dadka qaar ayaa ku af-gobaadsada in Farmaajo aannu u jawaabin naqdiga Madaxweynaha Somaliland marar badan warbaahinta uga jeediyey, kuwaas oo ku dooda in uu yareystay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxay u muuqataa inuu yaqiinsaday inaannu xilligan gaadhin waqtigii uu u jawaabi lahaa Somaliland oo marka uu dibadda u baxo si joogto ah beesha caalamku ugu xujayso inay Somaliland ku dhisatantay, iskuna bixisay cashuurta dadkeedu u huraan, iyagana looga baahan yahay inay la yimaaddaan jidkii ay kaga kaaftoomi lahaayeen qaadhaanka shisheeye ee dawladnimadoodu ku tiirsan tahay. Sidoo kale, waxa daruuri ah in madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu la yimaaddaan qorshe ay maamulka Muqdisho kula tartanto diblomaasiyadda arrimaha dibadda si ay furfurto qufullada dawladda taagta daran ee Soomaaliya isku dayday inay Somaliland kaga xidho dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba. Waxa madaxweynaheenna looga fadhiya inuu ciyaaro xeelad kasta oo uu ku sii adkeyn karo in Itoobiya iimaansato iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland, kuna qanciyo masaalixda dhaqaale iyo maalgashi ee ay wadaagi karaan labada dal oo ka duulaya hindisaha “isdhexgalka ganacsiga” ee uu wado Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed. Waxa kaloo xukuumadda Somaliland lagu shirrabi doonaa sida ay awoodda u dul-dhigto inay cilaaqaad siyaasadeed, ganacsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalka Eritrea oo ah mid ka soo miiraabay go’doonkii siyaasadeed oo uu ku jiray muddo tobanaan sannadood ka badan, kaas oo muujiyey hunguriga ka haya inay xidhiidh lugo adag ku taagan la yeesho Somaliland oo ah qaran ay dhow ula socdeen taabbogalkiisii oo duruufo is shabbahaa mataaneeyeen. Ugu dambeyn, waan ka bogsaday welwelkii iga hayn karay in maamulka Muqdisho carqalad ku noqdo Somaliland tan iyo markii shacabku codkooda si xor ah ugu doorteen madaxweyne Muuse oo ah ruug-caddaa furfuri kara dagaallada dahsoon ee Farmaajo u maleegi karo Jamhuuriyadda Somaliland. Qore Cumar Maxamed Faarax cumarmfaarax@hotmail.com Source
-
Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ay ku mideysan yihiin ee Puntland (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame oo shalay hadal u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa mudanayaasha ku boorriyay in ay dib u-eegis ku sameeyaan shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyeen golayaashii ka horreeyay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in golayaashii hore ee Puntland ay meel-mariyeen, shuruuc aad u fara badan oo ay maal-gelisay Beesha Caalamka, balse aan waxba ka dhaqan-gelin, isagoo u soo jeediyay golaha wakiilada haatan jooga in ay dib ugu noqdaan arrimaha keenay in shuruucdaasi shaqeyn waydo. Faysal Qaran ayaa tilmaamay in golaha wakiilada Puntland lagu qiimayn doono, sida ay uga shaqeysiiyaan shuruucda iyo xeerka u degsan Puntland oo uu sheegay in badankooda aan lagu dhaqmin oo khaanado lagu riday. Dhinaca kale, xukuumadda Puntland ayuu ku waaniyay, in ay la’tashiyo la samayso heerarka kala duwan ee bulshada Puntland, si ay u hesho talada toosan ee wax dhisaysa,islamarkaana ay u wada-socdaan dowladda iyo shacabka. PUNTLAND POST The post Faysal Qaran oo soo bandhigay qodobka keliya ee lagu qiimayn doono Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ayaa sheegay in askarta ku guuleystay in ay qabtaan ninkii la socday gaarigii shalay ku qarxay meel ku dhow isgoyska Lambar 4 uu abaalgud siinayo. Ra’isalwasaaraha oo booqday labadii goob ee shalay qaraxyadu ka dhaceen ayaa la kulmay taliyayaasha baraha koontaroollada ee Magaalada Muqdisho waxaana uu wax ka weydiiyay qaabka ay u sugaan ammaanka. Weerarkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof oo kale kuwaas oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggii weerarradaas qeybta ka ahaa gacanta lagu dhigay islamarkaana isaga oo dhaawac ah la qabtay. Ugu dambeyn Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee had iyo jeer u taagan sugida amniga dalka iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada. Haddaba, maamulka Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga. Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga dalka inay gacan-bir ah ku qabtaan cid walba oo ka qaybgalaysa kicinta bulshada, isla markaana ay hor-keenaan sharciga si looga abaal-mariyo dambiyada uu dambiilahaas ku kacay. Haddaba, AKHRISO: Bayaanka arrintan ku saabsan ee kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland PUNTLAND POST The post Jubbaland oo digniin u dirtay dadka ku lugta leh kicinta bulshada iyo khal-khalinta amniga appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Burundi)-Sare u kac weyn ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo shidaalka gaar ahaan dalalka ku yaalla bariga Afrika. Arintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan. Laba markab oo laga leeyahay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu weeraray meel u dhow xeebaha Iiraan iyo Imaaraadka taasi oo iyadana qeyb ka ah Arintaan. Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay falkaan dowlada Iiraan. Xukuumadda Washington ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay dhoofinta shidaalka waxaana ay ku hanjabtay dalkii la macaamila in uu muteysan doono xayiraad Dhaqaale. Kaalimaha lagu iibiyo shidaalka ee bariga ee dalalka bariga Afrika ayaa sare u qaaday qiimaha lagu iibiyo shidaalka, iyadoo ay cabasho ka muujiyeen gaadiidleydu. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre ayaa xalay kormeeray goobihii Qaraxyada khasaaraha geystay ay ka dhaceen shalay ee Muqdisho, isagoo dhiirri-gelin u sameeyay ciidammo uu sheegay inay qaraxyadaas ka hor-tageen. Kheyre ayaa la kulmay qaar ka mid ah askartii ku sugneyd koontoroolladii ay qaraxyada ka dhaceen, isagoo uga mahad-celiyay sida ay uga hor-tageen in qaraxyadaas lala beegsado goobihii ay Al-shabaab la damacsanaayeen. Sidoo kale, RW Somalia ayaa sheegay inay hayaan abaal-marin loogu talo-galay ciidamada si loogu dhiirri-geliyo hawsha ay shacbaka soomaaliyeed u hayaan, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ciidamada iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda Qaranku ka war-qabaan dadaalka wanaagsan ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan, lana abaal-marinayo ciidamada amniga ee isku hor-gudbay weerarrada lasoo maleegay, dhiiggoodana u huray in dadka Soomaaliyeed ay ka badbaadiyaan dhibaatada. “Ciidamadii ka hor-tagay qaraxyada waxaan leeyahay geesiyaal ayaa tihiin, waxaana naga go’an inaan abaal-marinno cid walba oo gacan ku lahayd inay fashiliyaan qaraxyadaas ay cadowgu soo abaabulaan,” ayuu yiri Khayre oo la hadlayay tiro askar ah. Ugu dambeyn, Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Somalia ee had iyo jeer u taagan sugidda amniga dalka iyo ka caasimadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khayre oo booqday goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen ballan-qaadna u sameeyay ciidanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-London)-Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska. Hal qof ayaa lagu dilay weerar dhacay saacadihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan inay noqoneyso dilkii Saddexaad. Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in habeenimadii xalay nin 30 jir ahaa lagu dilay agagaarka daarta Tower Hamlets ee bariga London. Khaarijinta ninkaan ayaa ku soo aadeysa saacado kadib markii laba qof lagu toogtay magaalada. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan sidii looga jawaabi lahaa falal danbiyeedyada ku sii kordhaya caasimada UK. Budhcada geysaneysa dilalka ayaa badi adeegsanaya toori, waxaana ay arintaan walaac ku abuurtay shacabka magaalada London. Source
-
(SLT-Tunisia)-Tahriibayaal laga soo badbaadiyey Biyaha Caalamiga ee ka baxsan Xeebta dalkaasi 15-maalmood ka hor ayaa la sheegay inay weli ku xayiran yihiin badda gudaheeda. Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay inay Dowladda Suudaan ku gacan sayreen inay u fasaxaan doonidaasi inay ku soo xidhato Dekedda u dhow. Dooni laga leeyhaay dalka Masar oo lagu magacaabo Mardive 601 ayaa la sheegay inay 75 Tahriibayaal ah ka soo badbaadiyeen Xeebta Koonfureed ee dalka Tunisia, iyadoo ay doonida ilaa bishii hore ee May 31-dii taagnayd meel ku dhow Dekedda Zarzis ee Koonfurta dalkaasi. Milkiilayaasha Doonida ayaa la sheegay inay ilaa iyo hataan Tahriibayaasha siiyaan cunto iyo biyo. Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan 32 carruur aan lala soconin ka mid yihiin Tahriibayaasha dul saaran doonidaasi, iyadoo 9 u dhalatay dalka Masar iyo mid u dhashay dalka Moroko danaynayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Source
-
(SLT-Kenya)-Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidammada ciidamada Kenya ayaa ku dhintay, kaddib marki baabuur ay la socdeen maanta miino lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidammada la weeraray ay ka tageen magaalada Wajeer iyaga oo kusii jeeday deegaanka Konton. Lama oga tirada saxda ah ee saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay, balse warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in loo maleynayo in weerarka lagu dilay 13 askari. Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa habeen hore lagu afduubtay ilaa sadex ka tirsanaa ciidanka keydka Kenya, kuwaasoo ay afduubteen maleeshiyo ka tirsan Al Shabab. Ma ahan marki ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan booliska iyo millatariga Kenya lagu weeraro deegaanada dhaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Source
-
(SLT-Baqdaad)-Xukuumada Washington ayaa muddo 90 maalmood ah ku kordhisay Gas-ka dowlada Ciraaq uga yimaada wadanka Iiraan. Ciraaq ayaa sii wadi doonta in Gas-ka ah ka keensato wadanka ay daris wadaaga yihiin sida ay xaqiijiyeen laba sargaal oo ka tirsan xukuumada Baqdaad. Mas’uuliyiintaan oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay sabtida shalay in arintaan ay timid kadib markii wadahadal dhexmaray Mareykanka iyo Citaaq. Dhanka kale qeybo ka mid dalkaan carbeed ayaa ku sii tiirsanaan doona adeega korontada ee dalka Iiraan. Ciraaq ayaa Gas-ka dabiiciga ah wuxuu uga yimaadaa Iiraan iyadoo laba dal uu u dhaxeeyo xidhiidh ganacsi iyo iskaashi dhanka Amniga. Sargaal kale ayaa laga soo xigtay in heshiiskaan uu yimid kadib markii ay khadka taleefanka wadahadal uu ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ciraaq Aadil Abdi Mahdi iyo xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo. Maamulka madaxweyne Trump ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo shidaalka Iiraan ay u iibgeyso Dibeda. Source
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa xalay howlgallo ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Balse howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen hor Gaalkacyo lagu dilay Sagaal qof oo dad rayid ahaa, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi’s Intriguing Ad-hoc Press Conference The Somaliland President Muse Bihi Abdi held an ad-hoc press conference with members of the media in Hargeisa, in which he made several key comments. The President who, along with the minister of Education, visited one of Hargeisa’s secondary schools, where students were sitting for this years’ national examinations. Speaking to media, President Muse Bihi Abdi stated ” that we need to focus on the development the nation is making, our economy is growing, our education system is growing and our capabilities as a government and as a nation are growing” When asked about the situation in Eastern Sanaag and the continued incursions by the Puntland administration, the President stated ” the main issues in that area is one of community. You have two cousins, one works for Somaliland and the other for Puntland. The Somalilanders in that part of the country are true patriots, but, we need to resolve the issue of the settlements and grievances in a peaceful manner, and we are doing all we can to do that” Responding to the question of the alleged spate of political detentions, President Muse Bihi, remarked that ” there is no question of political detentions, but, if you break the law, whether as a politician, journalist, physician, entrepreneur, or an ordinary civilian, then you must answer to the laws of the country”. The President also commented on the matter of prospective meetings of two communities in Togdher region. President Muse Bihi stated that ” Somaliland’s communities have every right to meet and discuss issues pertaining to their relationship and the state of the nation. I am certain all Somaliland communities meet to discuss peace and the positive steps we need to take”. In his impromptu press conference, President Muse Bihi declared ” we need to resolve the issues in El-Afwien, even though the administration has invested time, material and extensive effort, the government needs the support of the community elders to find a resolution to the situation “. Finally, when the President was asked about his previous comments to the late President Mohamed Ibrahim Egal, concerning the composition of the core members of that administration, that they all came from the same community, President Muse Bihi replied “the circumstances between then and know are completely different..at that time Somaliland was in the midst of an armed internal conflict, today the nation is at peace and my administration is inclusive and all the Somaliland communities are well represented”. The ad-hoc press conference by the Somaliland President Muse Bihi Abdi has already generated extensive analysis, but one matter that was not mentioned was the state of preparedness for the prospective parliament and local council elections scheduled for less than six months time. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Senatorada golaha aqalka sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in Senatoradu ay kaga doodaan dib u eegis lagu sameynayo xeer hoosaadka golahaasi. Xeerkan ayaa waxaa golaha horkeenay, si ay ugu biiriyaan aragtidooda, una ansixiyaan guddiga xeer hoosaadka ee aqalka sare. Sidoo kale xeerkan ayaa goluhu waxa ay soo marsiiyeen akhrintii labaad, iyadoona saddexaad la marsiinayo maanta, si loo meel mariyo. Golaha aqalka sare ayaa ku howlan dadajinta hindise sharciyeedyo dhowr ah oo horyaalla, kuwaas oo muhiim u ah dadka iyo dalka. View the full article
-
Click here Qaran News
-
Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay; dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah. “Hadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaa” ayuu yiri Garlibaax. Siyaasiga ayaa sidoo kale bodaadiyay, qodob la xiriiray dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa sida, dib u-hawlgelinta dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, hirgelinta marso Kalluumaysi oo laga dhisayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha garoonka diyaraadaha Gaalkacyo iyo laami-saarista jidka Dangoroyo iyo Eyl. Balse, dhinaca kale wuxuu wal-wal ka muujiyay, sababta madaxweynuhu Baarlamanka iyo shacabka Puntland ugu faahfaahin waayay, heshiis uu sheegay in xukuumaddu la gashay shirkado kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo shatiyo loo siiyay in ay gurtaan kalluunka xeebaha Puntland sida uu hadalka u dhigay Garlibaax. “Madaxweynaha sooma hadal qaadin heshiiskii shacabka welwelka ku abuuray ee ahaa keenista shirkadaha Kaluumeysiga ee China kaasoo laga filayey inuu faahfaahin Ka bixiyo” ayuu sii raaciyay siyaasi Garlibaax oo ka digaya heshiiskaasi. PUNTLAND POST The post Garlibaax oo ka shifay heshiis Puntland la gashay maraakiib jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa xalaY kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa si gar ah booqasho ugu tagay goobihii shalay ay ka dhaceen qaraxyada ee Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiro kormeerkan R/wasaare Khayre waxa uu la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Koontarooladaasi oo uu ka xog wareystay, sida ay wax u dhaceen. Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerada iyo qaraxyada ay Al Shabaab ka geystaan Caasimadda. Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana kan ugu khasaaraha badan uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Halgan (Caasimadda Online) – Kooxda Macaawisley ee Al-shabaab kula dagaallanta qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sheegtay in Nin ajannabi ah oo u dagaallamayay AL-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ayaa sheegay in dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Waxaa ay sheegeen in Ninka Ajannabiga ah uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegay Maxamed. Degaankii lagu dagaallamay ayaa waxaa ku sugan AL-shabaab waxaana saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ay sheegtay in halkaas ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A Somali immigrant struggles to grasp his child’s imprisonment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-16062019.mp3 View the full article