-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Balanbal (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safaro nabadeed kusoo kala bixinayey deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu safarkiisa kusoo gabagabeeyo Magaalada Dhuusaamreeb oo uu Xalay kusoo noqday. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa safaro dhulka ah kusoo kala bixiyey deegaano badan oo ka tirsan Galmudug sida: Dhuusamareeb, Cadaado, Cabudwaaq iyo Xeraale. Qaar ka tirsan Beelaha dago deegaanada Galmudug ayaa Ra’isulwasaare Khere ku eedeeyey inuusan u cadaalad falin booqashada uu ku sameenayey deegaanada Galmudug isla markaasna ay jiraan deegaano uu iska indha tiray inuu tago. Qaar ka tirsan Odayaasha Degmada Balanbal oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay inuu Ra’isulwasaaraha iska indha tiray inuu booqasho ku yimaado Degmada Balanbal oo ay hoos tagaan Xiraale iyo Guriceel. Odayaasha ayaa Ra’isulwasaaraha ku eedeeyey inuu booqday Xeraale isla markaasna uu si ula kac ah uga soo gudbay Degmada Balanbal oo qiyaastii 10km u jirto Xeraale. Odayaasha ayaa sheegay inuu safarka Ra’isulwasaaruhu ahaa mid lagu doonayey inu lagu soo dhiso Galmudug lagu wada qanacsan yahay balse uu arrintaas si cad u garab maray markii uu isku qalday Cabudwaaq iyo Balanbal sida ay hadalka u dhigeen odaayasha dhaqanka ee la hadlay Caasimadda Online. Ra’isulwasaaraha ayaa lagu eedeeyey inuu soo garab maray Balanbal iyo Guriceel isla markaasna ay arrintaas tahay mid aan la aqbali karin sida ay sheegeyn odayaasha oo qabo inay markii horeba dowladda Soomaaliya godob ka gashay Degmadaas oo u muuqato inay qariirad ahaan xataa mugdi sii galeyso oo ku darsoomi rabto Itoobiya. Odayaasha ayaa ku doodayo in Degmadaan ay tahay mid qadiimo ah oo la sameeyey sanadkii 1978 ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha ahmiyad siiyo uuna booqasho ku imaado halkaas. Odayaasha ayaa tilmaamay in Balanbal iyo deegaanada hoostago ay ka taagnaayeen colaado soo dhex maray Beelaha ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha safar ku tago si la isugu soo dhaweeyo Beelaha isla markaasna ay qeyb weyn ka qaataan dhismaha Galmudug dhameystiran. Magaalada Guriceel ayaa qorshaha ugu jirtay inuu Ra’isuwlasaaraha booqasho ku tago inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuusan tagin balse marnaba qorshaha Kheyre ee Safarka Galmudug kuma jirin Balanbal iyadoo aan la ogeyn sababta uu Kheyre isaga indha tiray inuu halkaas booqasho ku tago. Ugu dambeyntii waxaa jiro deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo uusan Ra’isulwasaare Kheyre tagin sida Hobyo, Gaalkacyo iyo qaar kale oo ku jiro gacanta Al-Shabaab sida deegaanada uu Ra’isulwasaaraha kasoo jeedo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shir ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Harti Waqooyi oo maanta, 30/06/2019, ku qabsoomay Hudheelka Cali Jirde, Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay Baaqa Harti Waqooyi kaasoo ka tarjumaya tabashada Beesha ee sida ay sheegeen soo jiitamaysay muddo aad u dheer oo ay kala dhaxleen xukuumadahii kala danbeeyay ee JSL. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro hore, xubno door ah oo ka socday Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, odayaal dhaqan, ganacsato iyo aqoonyahanno, waxaa hoggaaminayay Dr. Cali Khaliif Galaydh, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo Mudane Axmed Xaaji Cali Cadane Wasiirkii Gashaandhigga ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ahaana Guddoomiyaha ugu horreeyay ee Komishanka Doorashooyinka ee suurta-geliyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee ka qabsoomay Somaliland. Baaqa Beesha Harti Waqooyi, isagoo dhammaystiran waxaa uu u dhignaa sidatan; ” Mudada u dhexeysay 24/03/2019 ilaa 26/6/2019, Beesha Harti Waqooyi waxaa ay ku kulantay shirar teel teel ah. Haddaba, Guddiga Farsamo ee Harti Waqooyi iyagoo la kaashaday waxgaradka Beesha, dal iyo dibedba, waxaa ay si qotto dheer u lafo-gureen danahooda guud, duruufaha ku gedaaman Goboladooda, iyo masiirka Beeshooda. Guddigu, waxaa uu si cad u qiimeeyay siyaasadda xukuumaadda Madaxweeyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana uu si adag uga dooday dabaylaha ka dhacaya Geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karaan. Sidoo kale, waxaa uu is kor taagay isbedellada siyaasadaha degaamaysan (Geopolitics) ee ka aloosan Geeska kuwaasoo horseedi kara in ay dhalan-rogaan dhaqan-dhaqaalaha, nabadda iyo siyaasadda Geeska Afrika. Haddaba; Guddiga Farsamo ee Beesha Harti Waqooyi; · Markii ay aqoonsadeen khayraadka badan ee ceegaaga degaanadooda, sida tamarta shidaalka, macdnaha kala duwan, cimilada degaanadooda ee ku habboon xoolaha nool, kalluunka, beeraha, duurjoogta iyo dalxiiska; Guddidu waxaa ay garowsadeen in ay Beeshu ka gaabisay saami ku qaadashada tirada dadkeeda, bedka degaamadeeda, istaratajiydda dhulkeeda, iyo khayraadka goboladeeda taasoo la gaadhay xilliggii lagu xisaabtami lahaa, laguna intifaaci lahaa iyagoo Beesha ku la taliye in laga hawl galo maalgashiga iyo horumarintii dhulkooda; · Markii ay arkeen sida shacabka Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool uga gows qabsaday gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ka biyo-diiday saamiga looga qoondeeyay qaranka, duudsiga ragaaday, iyo sida ula kaca ah ee xukuumadahii kala danbeeyay u dhalan rogeen sooyaalkii, miisaankii iyo astaamahii Somaaliland; · Markii ay ogaadeen sida ay u adag tahay helitaanka Somaaliland dhammaystiran iyadoo aan la soo sugin xuduudaha dalka taasoo aan suurtagal ahayn haddii aan la helin cadaalad, saami qaybsi iyo xaqsoor ay ku qancaan shacabka Harti Waqooyi ee ku teedsan soohdimaha Bari ee Somaaliland; Sidaa Awgeed, Guddigu waxaa uu soo gudbinaynaa aragtida iyo baaqa Beesha Harti Waqooyi annagoo ku rajo weyn in uu ka tarjumo tabashada Beesha, danta Somaaliland iyo hanashada xukuumad iyo maamul loo dhan yahay oo lagu heli karo dal nabad ah, dad walaalo ah, sinnaan, horumar iyo Qaran la jaan qaada waa’ga cusub. BAAQA HARTI WAQOOYI 1) Si loo xaqiijiyo cadaalad iyo awood qaybsi sugan, waxaa aan u soo jeedinaynaa Xukuumadda in ay fuliso heshiiskii distuuriga ahaa ee Xukuumadda JSL iyo Maamulka Khaatumo, Caynabo, October 2017. Heshiisku waxaa uu xal dhab ah u yahay daaweynta tabashada ka jirta Gobolada iyo Beelaha Darfaha. 2) In la soo dedejiyo saami qaybsi ay ku qancaan Beelahu. Runtii, meelmarinta qoddobada masiiriga ah, waxaa ay saldhig u noqon doonaan dhismaha qaran iyo xukuumad hanata kalsoonida shacabka. Fulinta qoddobadaas waxaa ay sahli doonaan in si toos ah maamulka hoos loogu daadejiyo Gobolada iyo Degmooyinka Beesha Harti Waqooyi, taasoo suurtogelin doonta isdiiwaan gelin dhammaystiran iyo hirgelinta doorashooyin xalaal ah oo ka qabsooma dalka. 3) Si loo taabbo-geliyo maamul daadejin dhab ah, waxaa shardi ah in loo cuskado tiirarka bud-dhigga u ah sida, 1. Go’aan Daadejin (Political devolution), iyo 2. Maamul Daadejin, (Administrative decentralization). Degma kasta waa in ay hesho maamul-daadejin buuxda, isku-tashi, iyo saamiga uga qorshaysan Miisaaniyadda Qaranka sida ku cad Qorshaha 2aad ee Qaranka (2017-2022) ee qorsheynta, odoroska iyo diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. 4) Inta laga gaadhayo meelmarinta qoddobada kor ku xusan, Madaxweynaha JSL waxaa aan u soo jeedinaynaa in uu si degdeg ah ugu dhiirrato fulinta saami ay Beeshu ku qanacdo ee dhinacyada Golaha Xukuumadda, Maamulka, Hay’adaha, Horumarka, Safaaradaha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Qaranka. 5) Waxaa aan ku talinaynaa in dib loo soo nooleeyo wada-hadalada iyo kullamada Odayaasha Dhaqan, Culimada iyo Aqoonyahannada Gobolada Bari ee dib u dhaco ka jiro, taasoo keeni doonta xoojinta iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, horumarinta, ganacsiga iyo siyaasadda. 6) In la abuuro hay’ad ama hay’addo ay ku dhan yahay shacabka Gobolada Bari si looga wada shaqeeyo samofalka iyo horumarinta Gobolada Bari. Hay’addu waxaa ay ka qayb qaadan doontaa nabadaynta, diyaarinta iyo fulinta mashaariicda gurmad, kuwa horumarineed, soo jiidashada maalgashi, fududaynta ganacsi iyo sidii goboladaas looga samato-bixin lahaa go’doominta caalami ee xilligan saaran. 7) Waxaa aan walaac ka muujinaynaa duruufaha cusub ee ku soo kordhay Bariga Sanaag taasoo loo aanaynayo siyaasadaha gurracan ee xukuumaddu ku maamulayso Gobolka, sidaa awgeed waxaa aan kula talinaynaa xukuumadda in ay la tashato waayeelka iyo waxgarada degaankaa. 8) Waxaa muuqata baahi weyn oo loo qabo shirweyne waxgaradka Beesha Harti Waqooyi kaga tashadaan aayahooda. Sidaa darteed, iyadoo lala kaashanayo Isimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha, waxaa aan soo sheegi doonaa muddaynta iyo madasha Shirka Beesha Harti Waqooyi oo ku qabsoomi doona degaamada Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool. 9) Waxaa aan ugu baaqaynaa Beelaha Somaaliland iyo Xukuumadda JSL in laga wada shaqeeyo Nabadda, Isxurmaynta, Wada-tashiga, Wax-wada-lahaanshaha, iyo Horumarka taasoo ah tubta keliya oo aan ku wada gaadhi karno QARAN taabbagal ah oo ka mid noqdo Bulshada Caalamka. Allah Ha innagu Toosiyo Tawfiiqda “ Qaran News
-
WasiirkawasaaradaBeerahaooxilkiisiiqaadikari la, oo la liicliicayashaqadiisiinadayacantahay.Qalinlkii .Maxamed Cali Ibraahin Wisiiradashaqada loo igmadaawaxaweeyi in mas,uuliyadaka saran qarankaiyoumadawadankaasikunooluuxilkii loo doortay u qaadosidiilooguigmadaysidaasinabulshadukulaxisaabtanto . Hadabaqarankan Somaliland gaarahaandawladamuusebiixiwaxadhacday in dadkiiugutayadaxumaauuusooxulodawladiisawaxanamarkhaatikuugu ah in wasaaradahaqaarlaguaaminiwaayowasiiradii loo magacaabaydabadeednawasiira kale ay mas uulkasiinoqdaansidawasaaradaqorshayntaqarankaoo la hoosgeeyaywasaaradamaaliyada . Hadababulshooywaxadayacanhadawasaaradiibeerahawasiirkeediinawaamagacuyaal wax shaqo ah oobulshada Somaliland wasaaradaabeeruhu ay u ahaysaanamabajirtohabayaraatee Waxankujirnaawakhtigiiroobkaee wax beerasha da wax qorsha ah oowasaaradabeeruhu u haysaana ma jirtoumada Somaliland wacyigaliniyo wax tar midnameel ay kudanbayasaywasaaradiibeeruhunahabayaraatee ma jirtohadabamudanemadaxwaynebulshada Somaliland waxaykuudooratay in wax kabadashowaayaheega nolo leed . 1. Waxadbalanqaaday in 30 % aad wax soosaarkabeerahaaadkor u qaadidoontosanadkauguhoreeyasanadkiinawaansoodhaafnay wax isbadal ah lagamaaragsanadkiiuguhoreeyayhoosudhac moo yee . 2. Sanadkalabadoo ah sanadkaaankujirnowaxadbalanqaaday in aadgaadhsiindoonto wax sooraarkadalka 50% waanasanadkanaankujirno wax dhaqdhaqaaq ah iyo wax is badal ah midnalagaamahayo . 3. Wakhtikasiidanbeeyanawarkisabareeblagaamanafadhiilaaaadraacdotalaabooyinkanhooskuqoran . Fiirogaar ah 1. Waa in aad wax k abadashawasaaradabeerahaiyocidaaad u igmatayamaaad u magacawday 2. Waa in aadsamaysaa la xisaabtanbuuxaoosaliyobaar ah umadasomalilandnakuqanac san tahay 3. Ta sadexaadoo ah in aadwasaaradahoosgaysowasaarad kale marhadiiwasiirkiiaad u magacaw day xilkiisiigabayadigunaaadwaxabakaqabankariwayday . Qalinlkii .Maxamed Cali Ibraahin Qaran News
-
(SLT-Khartoum)-Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isa-soo dhoobay wadooyinka caasimada Khartoum iyo meelo kale. Dibadbaxan xoogan ayay ujeedadiisu ay tahay in cadaadis lagu saaro milatariga xukuma dalkaasi inay talada ku wareejiyaan dawladd rayid ah iyo in ay cadaalad helaan dad tiro badan oo dhibane u ah awood u adeegsiga milatariga dalkaasi. Dibadbaxana la iclaamiyey ee “millions march”, ayaa noqonaya kii ugu dadka badnaa tan iyo intii 3-dii June lagu laayey dibadbaxa dad tiradoodu ka badan tahay 100 qof xili ay rasaas u adeegsadeen ciidamada milatarigu dibadbaxayaal ku sugnaa meel dibada ka ah xarunta milatariga ee magaalada Khartoum. Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa wakhti xaadirkan sheegaya in Milatariga iyo Bileyska rabshadaha ka hortagaa ay u adeegsanayaan dibadbaxayaasha sunta ilmada ka keenta dadka, waxaana la sheegaya in meelaha qaar laga maqlayo rasaas loo adeegsanayo dadka dibadbaxaya. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa burburisay laba diyaarad oo nooca loo yaqaan Drones-ka oo kooxda xuutiyiinta Yemen ee taageerada milLatari ka helaya Iiraan ay ku weerareen Dalka Sacuudiga. Diyaarada koowaad ayaa bartilmaameed-keedu ahaa gobolka Jizan halka mida labaad ay ku wajahneyd deegaano ku yaalla gobolka Casiir. Turki Al-Maaliki oo ah afhayeenka isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SPA in diyaaradahan aysan wax qasaaro ah Geysan. Tv-ga ku hadla afkaa xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa sabtidii shalay xilli danbe tabiyay in diyaaradahan ay ku weerareen garoomada diyaaradaha ee ku yaalla magaalooyinka Apha iyo Jizaan. Tani ayaa imaaneysa iyadoo kooxda Xutiyiinta ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada diyaaradaha oo ay ku qaadayaan dalka Sacuudiga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho. Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Soo dhaweynta kadib, waxaa loo galbiyey dhanka Madaxtooyada qaranka oo uu kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxyaabaha wada hadalladii ay yeesheen diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dardargelin lahaa dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan. Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka Qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka. Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo golaha shacabka. Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay. Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka horta binta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-30062019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya oo u muuqato in looga guulsan rabo Dacwadda Badda ee taalo maxkamadda ICJ taasoo kala dhaxeyso Somalia ayaa maalin kasta soo bandhigeyso warbixino iyo waxyaabo muujinayo inay heysato guuldaro. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa markaan soo badhigtay cidda kaga hiilineyso Dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso ayna taas qabaan walaac weyn, Waxay sheegtay in hey’ado ganacsi oo wadamo kale ka tirsan ay Soomaaliya la safteen iyagoo fiirinayo faa’idada ay ka helki doonaan xuduuda muranka ay Kenya gelisay oo laga helay shidaal badan. Wasiirka ayaa sheegtay inay arrintaas sii hurineyso xiisadda labada dalka ka dhaxeyso loona baahan yahay in arrintaan loo wajaho qaab diplomaasiyadeed oo ay nabad ku jirto. Hadalka ay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ka jeedisay Machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London waxay ka dhawaajisay inay Kenya soo jeedisay codsi ku aadan in hab siyaasadeed lagu xaliyo Muranka, inta laga door-bidi lahaa in Maxkamadda ICJ lagu kala baxo. Waxay kaloo tilmaamay in Khilaafka Muranka Badda uu horseedi karo inay dowladaha Gobalka joojiyaan in diirada la saaro La-dagaalanka Alshabaab iyo Burcadda Badda, waa sida ay hadalka u dhigtay. Monica ma ayaan xusin magacyada hey’adaha ay ku eedeysay inay hurinayaan xiisadda Somalia iyo Kenya balse kaliya waxay sheegtay inay yihiin hey’ado iyo shirkado ajaanib ah. Waxaa laga yaabaa inuu xiriir ka dhaxeeyo hadalka hadda kasoo yeeray Monica midkii hore oo ahaa inay Kenya dacwad cabasho ah ka gubineyso Norway iyo Ingiriiska oo ay ku eedeysay inay la safteen Soomaaliya. Toddobaadkii la soo dhaafay, Kenya waxaa loo doortay Guddoomiyaha Kooxda Isla-xiriirka ee Burcadda ka qowleysata Xeebaha ka baxsan Somalia, waxayna magacaabistaasi ku soo beegantay iyadoo ay Kenya sheeganayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gelinkii hore ee Sabtidii shalay waxaa qasriga madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ay ku jiraan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Kulankan oo ka dhashay hadalkii uu madaxweyne Biixi ka jeediyey xuskii 26 ka Juun, oo uu kaga dhawaaqay in uu maalinta sabtida ee 29 ka bisha kulan la qaadan doono madaxda xisbiyada, kuna ballanqaaday in la soo gebagebayn doono khilaafka u dhexeeya. Laakiin xogaha uu wargeyska GEESKA AFRIKA helayo ayaa sheegaya in kulanku aanu noqon sidii laga filayey mid isfaham intii hore ka fiican ka dhex abuura xisbiyada siyaasadda iyo madaxweynaha. Taas beddelkeedana uu fadhigii hore ee kulanku ku dhammaaday midho la’aan. Wararku waa ay shegaayaan in bilowgii kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi martida ku wargeliyey in sababta uu kulankan ugu baaqay ay ka dhalatay faham uu ka qaatay khudbaddii uu guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde ka jeediyey madasha oo muujinayey dabacsanaan iyo in la is fahmi karo. Madaxweyne Biixi waxa uu masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka dalbaday in ay ka soo tanaasulaan go’aanka ah in imika la beddelo komishanka lana kordhiyo, isaguna uu ogolaanayo dalabkooda ah in xubnaha komishanka ay xisbiyadu si is le’eg u soo magacaabaan. Isaga oo sheegay in aan waqtigan arrintaas qiil sharci ah loo heli Karin, sidaas awgeed uu ku talinayo in doorashada sidan lagu galo, doorashada kaddibna la diyaariyo habkii sharci ahaan ay ku suurtageli lahayd in xisbiyadu ay xubnaha komishanka doorashooyinka si siman u qaybsadaan. Soojeedinta madaxweynaha ayaa la sheegay in ay bilowgii guux iyo xiisad aan kulayl ka dhex abuurtay kulanka, laakiin guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu dadaal adag u galay in aanu kulanku burburin. Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in isfaham iyo heshiis arrintan laga gaadho, isaga oo dhinacyada ku bararujiyey in beesha caalamku ay ka war sugayso heshiis ay gaadhaan, iyo in dareenka beesha caalamku qabtaa uu yahay in hoos loo eego guud tabashada xisbiyada mucaaradka ee la xidhiidha doorashada. Wararka ka agdhowaa kulanka ee uu Geeska Afrika helayo qaar ka mid ah ayaa sheegaya in Guddoomiye Faysal uu madaxweynaha ka dalbaday in uu markan isagu tanaasul la yimaaddo, oo uu ogolaado in Komishanka hadda labada xubnood lagu daro, isaga oo ugu soo hoga tusaaleeyey tanaasulaadkii ay madaxweyneyaashii ka horreeyey sameeyeen xilliyadan oo kale. Xisbiga WADDANI iyo madaxweyne Biixi ayaa uu warku sheegayaa in ay labadooduba ku adkaysteen mawqifyadoodii hore, iyada oo uu mid kastaa kan kale ka dalbanayo in uu tanaasulo. Taasina ay keentay in kulankani uu ku dhammaado natiijo la’aan. Inkasta oo ay dhinacyadu isku fahmeen in aan kulanka loo aqoonsan in uu burburay, balse la sii wado wadahadallada iyo doodda. Waxaana kulan labaad loo ballamay toddobada fiidnnimo ee Caawa. Iyo in ergada tiradeeda lagu soo koobo laba xubnood oo xisbi kasta ah iyo madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa kulanka ku wehelinayey, ku xigeenka madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga, guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, xoghayaha guud ee xisbiga mudane Xasan Siciid, maareeyaha hay’adda Qaranka ee qaxoontiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Xinif, iyo mudane Cabdicasiis Samaale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga. Xisbiga UCID waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe kulankan ku wehelinayey, murashax ku xigeenkii xisbiga Mudane Axmed Cabdi Muuse(Abyan), xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo ku-xigeenka xoghayaha guud mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax). Masuuliyiinta uu hoggaaminayey guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI mudane Cabdiqaadir Jirde ee kulankan ka qaybgalay, waxaa iyagana ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga mudane Xirsi, xoghayaha guud mudane Khadar, xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, Mudane Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiin kale. Geeska Afrika Source
-
(SLT-Qudus)-Israel ayaa xidhay, isla markaana su’aalo ka waydiinaysa Wasiir Falastiini ah arrimo la xidhiidha magaalada Qudus ama Jerusalem, sida ay sheegeen bileyska Israel. Wasiirka Falastiiniga ah ayaa ah Fadi al-Hadami oo Falastiin u qaabilsan arimaha Qudus, waxaana loo xidhay arimo la xidhiidha Qudus, sida uu sheegay Afhayeen Bileyska u hadlay oo la yidhaa Micky Rosenfeld oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku waramay in ciidamada bileyska Israel ay al-Hadami ka soo xidheen gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus saacadihii hore ee maanta, kadib raadin badan oo ay u galeen gurigiisa. Xadhiga Wasiir Fadi al-Hadami ayaa imanaya kadib markii isaga oo uu la socdo Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Pinera uu socdaal ku tagay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada barakaysan ee Qudus ku yaala. Sidoo kale ilo wareedo kale ayaa sheegaya in shan nin oo Falastiiniyiin ah iyagana laga soo xidhay Qudus iyo meelaha ku dhaw-dhaw ee Bethlehem iyo Koonfurta Hebron oo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed. Dadka la xidhay ayaa warbaahinta Falastiiniyiintu ay xaqiijiyeen inay ku jiraan Haydar iyo Alaa Dirbas, kuwaas oo laga soo xidhay Cusbitaalka Maqasid Hospital oo ku yaala Bariga Qudusta la haysto iyo Ihab Saeed oo isagana laga soo xidhay deegaan ku dhaw Qudus. Dawlada Israel ayaan iyadu ilaa hada faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta ragaasi loo soo xidhay. Source
-
(SLT-London)-Haweenay 26 jir ah, oo lagu qiyaasay in sideed bilood ay xaamilo ahayd (uur lahayd) ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday Midi, sida ay sheegeen ciidamada bileyska ee dalka Ingiriiska ee Metroplitan Police. Police officers at the scene in Raymead Avenue, Thornton Heath, Croydon where a women who was around eight months pregnant was stabbed to death. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Sunday June 30, 2019. See PA story POLICE Croydon. Photo credit should read: Kirsty O’Connor/PA Wire Kiiskan lagu weeraray haweenaydan ayaa noqonaya falkii ugu dambeeyey ee Mindi loo adeegsaday ee dhaca saacadihii la soo dhaafay, waxaana markii dambe magaceeda lagu xaqiijiyey haweenaydan la dilay inay tahay Kelly Mary Fauvrelle taas oo ku dhimatay Thornaton Heath, oo ku taala Koonfurta London. Hase yeeshee hanaanka dagdaga ah oo lagaga soo saaray ilmihii yaraa ee caloosha ku jiray ayaa hada ku jira xaalad adag cusbitaalka gudihiisa kadib markii hooyadii ay noqotay dhibanihii u dambeeyey ee dabiyada midida ee maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalada London. “Tani waa dhacdo naxdin badan in hooyo sidaa u da’yar ay nolosheeda waydo ilmaheedii yaraana uu xaalad adag uu ku sugan yahay,” sidaasi waxa yidhi Madaxa Baadhista Mick Norman oo warbaahinta la hadlay. Falkan foosha xun ayay ciidamada Bileyska ee Metropolitan Police ay sheegeen in loo xidhay nin 29-jir ah, kaas oo looga shakisan yahay dilkaasi waxaanu wakhtixaadiran ku jiraa xabsi. Inkastoo bileysku ay markii hore xidheen nin 37 jir ah balse markii dambe ayaa damaanad lagu sii daayey waxaana ku socda baadhis. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warqad furan toos ugu diray Madaxweynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inuu kala diro Goleyaasha Deegaannada Dalka. Warqaddan furan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn waxa loogu dhaliilay Shaqada Goleyaasha deegaanka, waxaana lagu sheegay in aanay waajibkoodii uga soo bixin sidii la rabay. UCID waxa kale oo uu Warqadda furan ee uu u diray Madaxweynaha ku sheegay in sababaha ay Marmarka qaarkood u garab istaagaan Xukuumaddiisu in aanay ahayn inay ku qanacsan yihiin siday wax u socdaan. Halkan Hoose ka akhriso Warqadda Furan Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa ka hadlay go’aan ay xukuumadu xayiraadii kaga qaaday qaar ka mid ah hay’addaha warbaahinta oo u xayirnaa. Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Solja ayaa lagu soo bandhigay sida ay Solja u aragto talaabada ay xukuumadu qaaday, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- War-saxaafadeed sii Daynta labada Telefishan Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, wuxuu soo dhawaynayaa sii daynta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu ugu fasaxday labada Telefishan ee Eryal iyo Horyaal inay dib dalka uga shaqaystaan, iyadoo marka hore ku xayirtay Amar ka soo baxay wasaaraddaasi. Sidoo kale, Ururka SOLJA, waxa uu taageersan yahay talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo inay warbaahinta Somaliland si xor ah uga shaqayso dalka, isla markaana lagu xaliyo wixii khaladaad ah ee jira kulamada noocan oo kale ah ee ay wasaaradda iyo warbaahinta wax laa tirsanayaa yeeshaan. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha warbaahituba inay dhawraan shuruucda dalka isla markaana dhinac kastaa ku dhaqmo waxa dhiniciisa kaga aadan in uu ixtiraamo, maadaama ay dhinac walba masuuliyaddi saaran tahay. SOLJA, waxay mar walba diyaar u tahay inay ilaaliso inaanu dhinac na ku xad-gudbin Dastuurka dalka u yaala iyo xeerka saxaafadda, kuwaas oo dhinacyada ku waajibinaya inay dhawraan Danta guud ee Qaranka. Xadhiga iyo sii daynta aan loo marin nidaam sharci ah oo ay caadaystaan labada dhinac waxay keenaysaa mar walba inay taagnaato qaylo-dhaanta u dhaxaysa labada dhinac, taasoo sumcad xumo ku ah haybada Dalka iyo madax banaanida saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka Qarankani ku Caano-maalay ee aynu kaga duwanahay Wadamo badan. Ururka SOLJA, waxa uu kula talinayaa Xukuumadda Somaliland inay la timaado siyaasad ay ku horumarinayso Saxaafadda Somaliland, isla markaana taageertaa wax kasta oo lau horumarinayo Mihnada Saxaafadda. ugu danbayn, Ururka SOLJA, waxa uu usoo jeedinayaa Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku keenaya horumarka Dalka iyo Higsiga Qaranka Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Source
-
Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Ra’isulwasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum ayaa la baxsatay lacag Malaayiin Dollar ah. Marwadaan oo lagu magacaabo Amiir Haya Bintu Xuseen oo ay isku aabe yihiin Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Xuseen Bin Dalaala ayaa la sheegay inay la baxsatay lacag 40 Malyan oo Dollar. Amiirad Haya Bintu Xuseen ayaa la sheegay inay horey usii wadatay laba carruur oo ay u dhashay Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum waxayna iska dhiibtay dalka Jarmalka oo ka tirsan Yurub. Labada carruur oo ay Amiiradaan la baxsatay ayaa kala ahaa wiil 7 jir ah iyo gabar jiray 11 jir, waxayna magangalyo waydiisatay Dalka Jarmalka. Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa laga soo wariyey inay sheegtay inay dooneyso abuuritaanka nolol iyo jawi ka duwan midkii ay horey ugu jirtay sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast. Haweeneydaasi oo markii ugu war dambaysay bishii hore lagu arkay meel Fagaare dadweyne, ayaa la sheegay inay Jarmalka ka codsatay Magangelyo, lana oggolaaday codsigeeda. Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa diiday codsi kaga yimid seygeeda Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum oo ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan iyada iyo ilmaha ay u dhashay. Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast arrintaan ayaa waxaa laga yaabaa inay abuurto xiisad diplomaasiyadeed oo dhexeyso dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka. Amiirada ayaa la sheegay inay hadda ku dhuumaneyso qeybo kamid ah Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London, iyadoo hawada ka saartay dhammaan barihii bulshada oo ay isticmaali jirtay. Baxashada amiiradaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay markii uu seygeeda oo ay is guursadeen 15 sano ah uu diiday inuu furo inkastoo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay khilaafka labada lamaane. Caasimada Online Xafiiska Dubai caasimada@live.com
-
Somali government forces were reported to have retaken a key area in the country’s Middle Shabelle region following a military operation against the militants-held positions. A senior military officer told Radio Shabelle by phone that the SNA troops backed by African Union peacekeepers rolled into Madah-Isse village, located in the outskirts of Jowhar, the region’s administrative capital on Sunday. Al-Shabaab said its fighters retreated from the location after a brief confrontation with government soldiers moved from military bases in Qalimow town and Ceelka Geelow, all situated in the same region. In a separate incident, the militants attacked Bariire area, about 65 Kilometers southwest of Mogadishu, and engaged in a heavy gunfight with the Somali troops, according to local residents. There was no immediate confirmation of the casualties as a result of the attack and the prior takeover of the fresh village. View the full article
-
A high court in Somalia’s northeastern regional state has upheld the death sentence of three men convicted of raping, mutilating and killing of a teenager early this year. Abdifatah Abdirahman Warsame, Abdisala Abdirahman Warsame and Abdishakur Mohamed last May sentence death for the rape and murder of Aisha Ilyas. The second-degree court has today announced that the ruling of the first-degree court fair and justice saying the men committed the heinous crime. After the ruling of the court, the lawyers of defendants have confirmed that they will seek an appeal to the third-degree court which reach the final decision of the court. Aisha was abducted from a market in Galkayo town in February. Her body was discovered the next morning and a post-mortem found that she had been strangled to death after being gang-raped. The atrocity led to street protests as well as an angry reaction on social media with calls for the Puntland government to take action. The ruling is extremely significant – rape cases in Puntland are usually settled out of court, following the intervention of traditional elders who force the perpetrator and survivor to marry some cases. View the full article
-
Puntland oo canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno Somaliland maamulka Puntland ayaa canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno Gudaha Somailand. War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa lagu sheegay in badeecadaha daruuriga ah ee laga soo geliyo dhanka Somaliland laga qaadi doono Canshuur 100%. War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in waxyaabaha daruuriga ah ay kamid tahay Agabyada muhiimka u ah Nolosha dadka, Shidaalka Gadiidka iyo Gaaska Diyaaradaha. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in badeecadaha aan daruuriga aheyn laga qaadi doono canshuur 200% . Wasaaradda ayaa Badeecadaha aan daruuriga aheyn ku sheegtay inay kamid yihiin: Qalabka xafiisyada, guwa Guryaha iyo Qalabka Korontada. Waraaqdaan Wasaaradda kasoo baxday ayaa waxaa ogeysiis ahaan loogu diray madaxtooyada Puntland, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xisaabiyaha guud ee Maamulkaas. Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kusoo aadayo kadib markii Somaliland ay canshuur dhaaf xoog leh u sameysay Konteenarada kasoo dago Dekadda Berbera oo ay qaarkood leeyihiin ganacsato kasoo jeedo Puntland oo halkaas ganacsigooda kasoo dajista. Puntland ayaa ka cabsatay canshuur dhaafka ay Somailand u sameysay ganacstada wax kasoo dajista Dekadda Berbera inuu saameyn ku yeesho wax soo saarka Dekadda Boosaaso inkastoo aysan Dekadda Boosaaso laheyn Qeybta Konteenarada. Canshuur dhaafka ay sameysay Somaliland ayaa buuq iyo khilaafka dhex abuuray ganacstada reer Puntland oo qaarkood ay go’aan ku gaadheen inay Dekadda Berbera u wareegaan, waana go’aanka keenay inay Puntland canshuur xad dhaaf ah kusoo rogto ganacsiga kasoo gala dhanka Somaliland. Halkan ka akhri wareegtada rasmiga ah oo dhameystiran:- Qaran News
-
Qaran News