Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka. “Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-11072019.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu aad uga tiiraanyeeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka. “Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia and two international agencies on Thursday launched a program to boost education opportunities for children and youth impacted by ongoing crises in Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Ceerigaaabo (Caasimadda Online) – Wuxuu shalay dagaal culus dhex maray Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caarre iyo Ciidamada Maamulka Somaliland. Dagaalkaas oo ahaa mid aan waxba la isku reeban isla markaasna ay ciidamada Somaliland soo weerareen fariisimo ay lahaayeen Jabhadaas oo ku yaal deegaanada biya gaduud iyo dhoob ee bariga gobolka Sanaag ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro xoog leh oo labada dhinac soo kala gaaray. Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob. Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland. Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa. Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre. Xaaladda Magaalada Ceerigaaabo ayaa Maanta aheyd mid dagan kadib rabshado iyo banaanbaxyo ka dhacay Magaaladaas. Xiisadda Gobolka Sanaag ayaa mareyso meel xasaasi ah, waxaana socdo qorshooyin ay wadaan ciidamada Jabhadda Caarre. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku heysto deegaan ahaan cidda uu Gobolka Sanaag hoos tago waxayna labada dhinac wadaan kala jiidasho dhanka Odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Gobolkaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. Ahmed Farah Gedi, 55, is one of the people living with disabilities in Kulmiye camp, Beledweyne. He was previously a proud provider for his family but for the past one year, half of his body has been paralysed. He and his family now depend on food handouts they get from their neighbours in the camp. Source: Hiiraan Online
  7. Somalia’s northern self-declared breakaway region of Somaliland has sent massive reinforcements to areas around Erigavo town in the disputed Sanaag region. The state forces were deployed in the city’s outskirts to quell anti-government protests by local residents demanding self-determination, according to the sources. Reports from the region indicate that heavy fighting broke out after Somaliland forces attacked Col Aare fighters as they were traveling in a convoy near the Dhoob area on Wednesday. Three Somaliland soldiers and one fighter of Col Aare were killed in heavy fighting in Sanaag region on Wednesday, local sources said. View the full article
  8. July 11, 2018 N&N Concept Note on Federal Election 2020 boils down to removing the carpet under the feet of leaders of the Federal Member [...] Source
  9. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu ka tiiraanyeysanyahay colaadda u dhexaysa labada beelood ee mar kale ka soo cusboonaatay, degaanka Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday colaaddaas, isagoo dadkii ku dhaawacmayna Ilaahay uga baryey in uu u boogo dhayo “Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo”. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka. “Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”. Mudane Farmaajo ayaa xasuusiyay dadka degaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Waa in degdeg loo joojiyaa dirirta sokeeye ee ka socota Ceel-Afweyn appeared first on Puntland Post.
  10. Somali Foreign Affairs and International Cooperation Minister, Ahmed Isse Awad has dismissed maritime talks between his country and neighboring Kenya. Ambassador Awad rejected media reports that indicate planned meeting between the leaders of the two countries in the Ethiopian capital, Addis Ababa next week. While speaking during an interview with BBC foreign minister said the circulated news on the meeting between President, Mohamed Abdullahi Farmajo and his Kenyan counterpart, Uhuru Kenyatta is fake news. Kenyan media has extensively reported what it described as an effort by Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed Ali to bring the two regional leaders into the negotiation table to resolve difference over a maritime border dispute. Somali President Communication’s director, Abdinur Mohamed Ahmed earlier on Tuesday dismissed a tweet by BBC Journalist suggesting breakthrough on settling the water dispute in out of court. The diplomatic ties between the two neighboring states have deteriorated after Somalia took the case to the International Court of Justice for hearing, Kenya wants to end stalemate out of court, but Somalia has rejected any attempt to resolve the case out of court. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaacbaxay Khilaaf weyn oo u dhaxeeya Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed. Khilaafkan ayaa ka dhashay dhismaha iyo aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha ee Soomaaliya. Warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda sare 6dii Bishan july ayuu ku casuumay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka in uu 17ka July, Hotelka Jaziira uga qeybgalo shir soconayo afar Cesho oo looga tashanayo dhismaha Mac-hadka Garsoorka Dalka. Laba Maalmood kaddib Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa magacaabay Guddiga diyaarinaya Imtixaanka Garsoorenimo iyo Kaaliyenimo, waxaana uu sameeyay Guddoomiye iyo xubnaha Guddiga. 10kii Bishan ayuu Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka ka soo jawaabay Warqaddii casuumadda ka tashiga aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo Kaaliyayaasha,waxaana uu Warqaddiisa ku sheegay in diyaarinta sharciga Mac-hadkaas ay waddo wasaaradda meel gabo-gabo ah uu marayo sharciyanna uu Mac-hadku hoostago Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka. Arrintan ayaa u muuqata tartan dhinaca awoodda ah oo u dhaxeeya Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.
  12. Shirkii Golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta oo uu guddoominayey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laga shaaciyay in Puntland ay diyaar-garowgii u dambeeyay ugu jirto munaasabad lagu soo dhoweynayo shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines oo duullimaadyo caalamiya ka bilaabi doonta garoomada Puntland. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo Golaha warbixin ka siiyay soo dhoweynta dullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in munaasabad soo dhoweyn ah loo qaban doono shirkadda oo duullimaadyo joogta ah Puntland ka bilaabi doonta 15-bishan Julay 2019. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in horumarin lagu sameeyay garoomada Caalamiga ah ee Puntland gaar ahaanna dhinacyada bilicda amniga iyo hab-maamuuska waxaana wasaaraddu xustay in duullimyaado kale oo caalamiya ay dhowaan ka bilaaban doonaan garoomada Puntland. Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa dood dheer kadib ansixiyay xeerka maaraynta dhulka magaalooyinka Puntland oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland. Af-hayeenka madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa faahfaahiyay dhammaan qodobii shirka looga hadlay PUNTLAND POST The post Puntland oo soo dhoweynaysa duullimaadyo caalamiya appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta xaflad sagootin ah Iskuulka Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho loogu sameeyey Arday ka qalin jabisay Iskuulkaasi. Ardaydan oo kor u dhaafeysay 500 oo Arday ayaa waxa ay isugu jireen Gabdho iyo Wiilal, kuwaas oo sanadkan ka qalin bedashay Dugsiyada Hoyga Xamar. Waa dufcaddii 15-aad ee ka baxda Hoyga Xamar oo xarumo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay maamulka, macalimiiinta Hoyga Xamar, Arday, Waalidiin iyo marti sharaf kale. Wariyaha Shabelle Mahad Maxamed Cabdiraxmaan (Mutawakil) oo ka qeyb galay xafladaasi ayaa ka diyaariyey Warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya & Mas’uuliyiin kale, ayaa Maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey waxaa ay kusoo bandhigeen, Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad iyo hub ay wateen. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ragaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka gobolka Banaadir uu hubka iyo Ragii lasoo qabtayba ku wareejiyay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in mamulka gobolku uu dagaal iyo daba gal xoogan ku hayo kooxaha Burcadda ah ee dadka ku dhibaateeya gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in maamulka iyo hey’adaha Amnigu ay talaabo ka qaadi doonaan, sidoo kalana qofkii ka daba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, met on Wednesday in London with the State Minister for Foreign and Commonwealth Office of the United Kingdom, Harriett Baldwin. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdosho (SMN) – Ciidanka ammaanka ayaa maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah, kuwaas oo Dadka Rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray. Raggan oo markii lasoo qabanayay ku Hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto. Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir. “Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata Shacabka loo gudbinayo Maxkamada Ciidanka si aan Shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi, iyadoona uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday. Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawacmeen 7 kale. Sidoo kale kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Bariire ee isla gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku ekeeyeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ma cadda illaa haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo la xariira weeraradaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-11072019.mp3 View the full article
  19. Kismaayo (Caasimadda Online) – Shir ay taageerayaasha Axmed Madoobe ee Beesha Kuumade ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda Jubbaland, Doorashooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha shirkaasi ka qeyb galay ayaa dad ka kala yimid dunida dacaladeeda ayaa lagu eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland, isla markaana la diidsiiyey xaqii ay ku lahayd dowaldda federaalka, iyadoo mas’uuliyiintii uga midka ahaa dowladda denbiyo lagu soo oogay, weliba ay bannaan yihiin xilalkaasi. Waxay Baadil ku tilmaameen qoralkii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee habraaca doorashada Jubbaland, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa qas abuur lagu khalkhal gelinayo nabadda Jubbaland. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Kuumade ay isku raacday inuu musharaxeeda kaliya ee doorashada Jubbaland uu yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana loo mahad celiyey Puntland oo ka hor timid faragelinta dowladda Federaalka. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. This is a question many Somalis ask each other whenever a certain politician brings up the status of Mogadishu in a federal Somalia. Yesterday Abdulqadir Osoble, a Somali MP from Mogadishu, delivered an impassioned speech. He said they will convene a consultative conference on the status of Mogadishu. “We cannot accept the use of text messages or tweets for the appointment or sacking of a Mogadishu governor” he added. Osoble, who ran for the Somali presidency in 2012 and 2017, warned against what he describes as efforts to resurrect the Somali Revolutionary Socialist Party. Osoble particularly took issue with Patriotic Forces, a non-governmental group of activists in Mogadishu. A Mogadishu thoroughfare Osoble said that the former military government with heavy weapons failed to impose its will on people. It did not bother him that the current occupant of Villa Somali is related to the late military leader, Barre, clanwise. What makes Osoble’s remarks different from remarks made by other politicians is that he toned down the rhetoric on the ownership of the capital city, “in which people from all Somalia’s clans live.” This extension of ownership rights is a clever trick. Governor of Mogadishu and district chairmen belong to the same clan as Osoble’s . His call would carry more weight if MPs from other Somali clans were present at the meeting to ram home the message that Mogadishu is a capital city for all and that no clan has the privilege claim Mogadishu as a stronghold. The Draft Constitution does limit the role of Mogadishu to that of a seat for the Federal Government. If Mogadishu gains a federal status— meaning a clan or a consortium of clans will decide who become a governor— then it will have to lose the capital city status. Osoble and his friends cannot have their cake and it too. © PUNTLAND POST 2019 Send comments to: pp@puntlandpost.com The post Who Owns Mogadishu? appeared first on Puntland Post.
  21. Ciyaartooyda xulka qaranka dalka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda Cagta bishii April 2019. Macallin Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah tababarayaasha farsamada xiriirka kubbadda cagta ayaa sheegaya in qalabanka uu wax badan ka badali karo badqabka iyo horomarka ciyaarahanada xulka. Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa iyagana soo dhaweeyay qalabkan casriga ah iyagoo madaxada xiriirka kubbadda cagta kaga mahad celiyay da’daalka iyo horomarka ay la garab taaganyihiin. Sadde bilood ka hor ayay aheyd markii waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubaddda cagta ay bilaaweeen isticmaalka Gps,hadaba maxaa iska baday heerka garsoorka Soomaaliya maxayse ku kala duwanyihiin ciyaaryahanada iyo garsooryaasha marka ay isticmaalayaan qalabkan waxaa sharxaada ka bixina madxada tababarka garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta tababare Cabdi Cabdulle Baasaale. Kubbadda cagta iminka waxa ay noqotay xisaab ku dhisan maskax talaabdan waxa ay kor u qaadaysaa yoolkeena horomarinta kobaca iyo yadadeelada dhallinyarada matalaysa Ocean Starts waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Macllin Bashor Hayford. Inkastoo qalabkan casriga uu xiriirka kubadda cagta ka her geliyay caasimada Muqdisho madaxa tababarka garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Cabdulle Baasaale waxa uu Goobjoog u sheegay in aaladan ay gaarsiindoonaan xiriirka kubbadda cagta maamul goboleedyada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalabkan Casriga Ah Ee Lagu Ogaanayo Heerka Tababarka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo Laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso kadib sarfar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey Jalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019. “Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo weftigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis”. “Aniga iyo wefti aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noo soo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul”. Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi. PUNTLAND POST The post Madaxwene Ku-xigeenka Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay appeared first on Puntland Post.
  23. Sawir laga soo qaaday gaariga la weeraray Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacntay kadib markii koox hubaysan ay duhurnimadii shalay jidka u galeen gaari siday oo marayey meel u dhexaysa tuulada Gaxandhaale iyo degaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug. Gaariga la weeraray oo ay saarnaayeen dad xoola-dhaqato ah ayaa sida la sheegayo ka yimid dhanka tuulada Gaxandhaale waxaana uu ku socday degaanka Saaxo balse kooxda hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca koonfurta Mudug ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ula dhacay maatadii gaariga saarneyd oo ay ku jiraan haween iyo carruur sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen. Dadka degaanka ayaa sheegay in dadka gaariga saarnaa 5 ruux kamid ah isla goobta ku geeriyoodeen halka saddex kalena meesha laga qaaday iyagoo dhaawacyo culus qaba. dhinaca kale kooxdii dadka laayay ayaa goobta ka baxsaday. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad ka yimid Galmudug oo dad shacab ah ku laayay gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.