Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhowaad saacad ka hor soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameysay, waxaana la sheegayaa inay gaarayeen in ka badan shan dagaalame. Tirada dadka ku dhintay ayaa iyana si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa ku jira dad isugu jira Wariyeyaal, Ergooyin, gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo lagu magacaabayay Hodan Naaleeye iyo seygeeda oo Wasiir hore ka soo noqday Jubbaland. Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin sodomeeyo, waxaa la filayaa in qaarkood loo soo qaado magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka ku yaalla Kismaayo, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa ee ay ku qaadaan Kismaayo, iyadoo weerarkan ku soo aaday xilli magaalada isu diyaarineyso doorashooyinka Jubbalan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inuu sii kordhayo culayska dowladda UK lagu saarayo sidii ay u aqoonsan laheyd Somaliland, xili uu dhowaan golaha deegaanka Birmingham uu ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday dal madax banaan. Shabakadda MediaMax Network, ayaa waxay xaqiijisay in xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyada waaweyn ee UK ay warqad wadajir ah u qoreen Raysul Wasaraha UK Mrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt, taasi oo ay ku boorinayeen inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax bannaan. Shabakada ayaa waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28-kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawladdo la soo doortay oo baadi-goob ugu jiray sidii ay u heli lahaayen ictiraaf caalamiya. Sidoo kale waxay ka dhawaajisey in Wakiilka Somaliland ee UK, Ayaan Maxamuud Cashuur inay si weyn u amaantay Golaha Deegaanka Birmingham, isla markaana si shucuur leh ugu mahad-celisay Golaha. Shabakada ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu isaguna si weyn ugu mahad-celiyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, isagoona talabadaasi ku sifeeyay Madaxweynuhu mid geesinimo leh oo uu Golahu qaaday, taasi oo sii dhiirigelineysa qadiyada aqoonsi raadiska Somaliland. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  3. Kismaayo (PP) ─ Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Al-shabaab ay shalay gellinkii dambe ku qaadeen Hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo aad u fara badan. Inta la ogyahay weerarkaas oo socday muddo 10-saac ka badan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan soddomeeyo qof, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka guud ee Kismaayo. Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira wariyeyaal, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasoo hoteelkaas ku sugnaa xilliga weerarku dhacayay. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in magaalada xalay oo dhan laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo u dhexeysay ciidanka Jubbaland iyo xoogaggii weeraray hoteelkaas, kuwaasoo loo maleynayo in gabi ahaan la dilay. Ururka Al-shababa ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, waxayna qaar ka mid ah warbaahintooda ku sheegeen inay hawlgalkoodaas ku dileen dad ay ku jiraan ajaanib, sidoo kalena ay muddo dheer maamulayeen hoteelkaas oo ku yaalla bartamaha Kismaayo. Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cas-caseey ayaa ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaana dagganaa dad badan oo qurbaha kasoo laabtay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana ka socday xilliga la weeraray shir ay lahaayeen xubno ka tirsan Jubbaland, Dowladda Somalia iyo Waxgarad ka soo jeeda Jubbooyinka. Dhanka kale, Weerarkaan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynayaasha Somalia iyo Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kuwaasoo sheegay in Al-shabaab ay doonayso inay dhibaatooyin u geysato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Ugu dambeyn, Xaaladda Kismaayo ayaa weli kacsan, waxaana hoteelka ku jira ciidammo badan oo kuwa amniga ah, kuwaasoo diiday inay cid kale u gudbto gudaha hoteelka inta laga xaqiijinayo amnigiisa. PUNTLAND POST The post Weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo lasoo af-jaray iyo khasaarihii ka dhashay oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Cas-casey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, sidoo kalena ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa amray hay’ada amniga inay sare u qaadaan sugida ammaanka. Sidoo kale wuxuu xukuumadda Soomaaliya faray in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka dowlad goboleedka Jubbaland inay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee maamulkaaasi. Weerarkan oo ay sheegteen Al-Shabaab ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo, iyadoona rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka la weeraray. In ka badan 10 Qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Hodan Naaleeyee iyo Sayigeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, kaas oo ka soo mid noqday Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli uu socda howlgal lagu soo afjarayo weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo ku sugan magaaalada Madrid ee xarunta waddanka Spain ayaa halkaasi kaga qeyb-galay shir ku saabsan Qorshaha Maal-gelinta adkaysiga magaalooyinka ee (Resilience investment planning). Shirka oo uu soo qaban-qaabiyay Baanka Adduunka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday 26 magaalo oo ku yaalla Qaaradaha dunida waxaana dalka Soomaaliya ku matalayey caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaalada Muqdisho. Duqa caasimadda Garoowe ayaa shirkaasi ku soo bandhigay Qorshayaasha horumarineed ee ka socda magaalada Garoowe iyo meelaha mashaariicda cusub u baahan ee ay doonayaan in laga taageero. Baanka Aduunka ayaa ku amaanay maamulka caasimadda Caasimadda Garoowe Nidaamkooda hufnaanta isla-xisaabtanka iyo Dahfurnaanta ku dhisan isla markaasna wuxuu ballan qaaday inay Mashaaric Waxter leh Ka fulin-doonan Garoowe. Geba-gabadii shirka ayaa maamullada Garoowe iyo Muqdisho waxay gudbiyeen mashruuc biyaha Lagaga maaraynayo magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ( (Drainage Network System)kaasoo ku kacaya in ka badan 200 Milyan. PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo ka qeyb-gashay shirka Maal-gelinta magaalooyinka dunida ee Madrid appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayuo (Caasimadda Online) – Rasaas ayaa wali ka socota Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ku dhawaad 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa iyo Weerarka lagu qaaday Hoteelka, waxaana wali dagaal ka socdaa Gudaha Hoteelka. Madaxda maamulka Jubbaland qaarkood ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka, islamarkaana Saacaddaha soo socda lasoo Afjari doono. Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka. Wararka ayaa sheegayo in weerarka lasoo afgaray balse weli ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay. Weerarkaan ayaa noqday midkii ugu horreeyey oo noociisa ah oo Kismaayo ka dhacay tan iyo markii uu madaxweyne Jubbaland ka noqday Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Shipping companies sailing through the waters around the Gulf in the Middle East are being urged to avoid using private armed security guards onboard as the risk of escalation in the region rises, industry associations say. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu,--Two years after the prolonged 2016/2017 drought destroyed livelihoods and displaced almost one million Somalis - but also triggered a massive and successful scale-up in humanitarian response to avert famine, severe climatic conditions, combined with other persistent drivers of humanitarian crisis - armed conflict, protracted and continued displacement and a spike in evictions of internally displaced persons Source: Hiiraan Online
  9. Hodan Nalayeh, a Somali-Canadian journalist who built a career telling uplifting stories of the Somali community, has died in a hotel attack in Somalia, according to local media. Source: Hiiraan Online
  10. US officials say an American man accused of sexually molesting girls at a Bomet orphanage he founded with a church's help has been arrested. Source: Hiiraan Online
  11. A failed regional coup in Ethiopia has exposed rare divisions in the alliance that has dominated the country for three decades, with two of the four ethnic parties that form the ruling coalition trading insults in a public feud. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka ka soo qayb galay kalankaasi ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay iyadoo habeena inuu la kulmo bulshada magaalada, kalana xaajoodo nabadgelyada, horumarka iyo xasiloonida Boosaaso, waxa uu xusay in Boosaaso amni tahay, horumar ka socdo, intaasina ay ku hagaagayso wada-shaqaynta shacabka iyo dowladda. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda cashuurta ayaa xusay in ay qayb muhiima ka tahay cashuur bixintu dhismaha dowladnimada, Isla markaana uu xurmo gaar ah leeyahay cashuur-bixiyuhu, waxa uu ku booriyey shacabka reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso inay bixiyaan cashuurta si dalka loo horumariyo Logan shaqeeyo amnigiisa. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa masuuliyiinta iyo shacabka gobolka Bari ku booriyey inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida, nabadgelyada iyo horumarka gobolkooda, si cadawga ku Dhexjira gacan bir ah loogu qabto, taasna ay sahli karto ku xidhnaanta lambarada laamaha amniga ay isticmalaan hadba sida loo dhaqangeliyo. Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xalay La Kulmay Bulshada Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. A Russian plane carrying the first components of the S-400 surface-to-air defense system landed in Turkey on Friday, in a move that is opposed by the Pentagon and could damage Turkey’s relationship with the United States and other NATO allies. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri Madaxweynaha Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland. Mudane Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee kismaayo appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixiso ee shalay lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin. Ciidamada amaanka ayuu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  16. Muuse Biixi Oo Arin Layaab leh Sameeyay+Macsuumad Qado & Qosolka Ku Duugan. Madaxweyne Biixi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay Macsuumad Qado ah oo la isku arkay taasi oo kulan siisay Odayaal kasoo kala jeeda Jufooyinka Somaliland Oo dhan, kuwaasi oo illa heer Gobol iskaga yimid. Qisada layaabka leh ee meesha kujirta ayaa ah inaanay is ogayn odayaasha madashani lagu macsuumay, waxaanay beel walba dhankeeda u filanaysay oo ay u qarsanahay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynuhu, balse waxa ay arini timid markii ay gurigiisa ay iskugu yimaadeen Wajiyo badan oo caan ah oo kasoo kala jeeda beelaha Somaliland. Tusaale ahaan waxa suuqa soo gaadhay saacado ka hor intaanay Macsuumadu furmin ee aan guriga la tagin inuu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo qado ah u sameeyay Odayaasha Beesha degta Gobolka Saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay. Sikastaba ha noqotee, Ujeedada Qadadan maanta uu Sameeyay Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay mid loogu ducaynayay Arooska wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi oo Todobaadkan ka dhacday Dalka Jabuuti. Qaran News
  17. Sacuudiga Oo Markab 20-Kun Oo Neef Oo Adhi Ah Siday Dib Ugusoo Celiyay Dekedda Berbera+Shuruud uu ku xidhay Markab u rarnaa Ganacsatada reer Somaliland oo labaatan Kun oo Neef oo adhi ah geeyay Dalka Sacuudiga ayaa dib loogu soo celiyay Dekedda Berbera ee Somaliland kadib sida la sheegay markii la weydiiyay ee laga waayay Warqadii Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya. Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV-FAHAD ayaa Wararka Shabakadda Foore helaysaa sheegayaa inuu maalin saddexaadii ka baxay Dekeda Berbera isagoo 20- kun oo Neef oo adhi ah sida, islamarkaana markii uu gaadhay Dalka Sacuudiga la waydiiyay Warqaddi Caafimaadka Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Soomaaliya, markii laga waayayna waxa amar lagu siiyay inuu xoolaha ku celiyay halkii uu kasoo qaaday ee Berbera. Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekeda Berbera. Arintan ayaa fajiciso ku noqotay Ganacsatadii Xoolahan lasoo celiyay Lahaa, waxaanay markabkan saaka Wasaaradda Beeraha Iyo Xoolaha ee Sacuudigu u soo jartay Warqaddii soo celinta, iyadoo sida lanoo xaqiijiyay uu markabkaasi iyo adhigii uu siday ay kusoo jeedaan Dekeda Berbera. Sidoo kale waxa uu caawa walaacii ugu cuslaa soo food saaray Ganacsatada Boqolaal Kun oo neef oo adhi ah oo ku xeraysan Maxjaradda Dekedda Berbera kuwaasi oo u diyaarsanaa in iyagana loo raro dhinaca Dalka Sacuudiga. Majiro wax war ah oo rasmi ah oo Markabkan ku saabsan oo Kasoo baxay dhinaca Somaliland. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay taageero kala duwan ka heshaa dalal oo badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca Milatariga ka taageero Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo la hadlay Shabelle ayaa bixiyay xog badan oo ku saabsan taageerada ay siiyaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo). Mr Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanka Soomaaliya uu ka taageero dhinacyo ka mid ay tahay Sirdoonka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan unugyo guur-guura oo ay iyagu taageeraan, kuwaas oo baadi gooba xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Waxa kale uu carabka ku adkeeyay in ay kala shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka, sidii looga hortagi lahaa weeraradaay Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyada ay ka geystaan gudaha Caasimadda. Dowladda Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo lagu qiyaaso 500 illaa 800, kuwaas oo caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu khasaaraha badan ka soo gaaro dadka rayidka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Kulankii Amiirka Qadar iyo Trump oo wadnaha jaray Sacuudiga iyo Imaaraadka Soo dhaweyntii weyneyd oo uu Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani kala kulmay Dowladda Mareykanka ayaa caddeyn buuxda u noqotay inuu buray go’doonkii ay Qatar geliyeen Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta sida uu qoray Wargeyska The Times Khamiistii Shalay aheyd. Tifaftiraha Wargeyska ee dhanka Bariga Dhexe Richard Spencer ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Qatar kala saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo aad u badan oo ay kamid tahay in Qatar laga iibiyo hubka Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa Dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay saaxiib dhow oo ay leedahay Washington sida uu hadalka u dhigay. ” Dadka Qatar waxay maalgelin xoog leh ku sameysteen dalkeena, waxay abuureen shaqooyin badan iyagoo lacago badan ku iibsaday saanado Militari oo ay kamid yihiin Diyaaradaha dagaalka” ayuu yidhi Trump. Dowladda Mareykanka ayaa Qadar ku amaantay sida ay uga qeyb qaadato la dagaalanka argagixisad, waxayna midaan meesha ka saartay doodii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ahaa inay Qadar maalgeliso argagixisada sidaasna ay go’doon ku geliyeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa salaadadii lasoo dhaafay aqalka cad kusoo dhaweeyey boqorka Qadar, waxayna kala saxiixdeen heshiisyo waaweyn oo kusaabsan iskaashi dhexmara labada dhinac. Kulanka dhex maray Trump iyo Sheikh Tamim ayaa caddaynaya horumarka diplomaasiyadeed oo ay gaadheyso Qadar xilli 2017 ay go’doon dhan walba ah saareen qaar ka tirsan dowladaha Carabta oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladaha go’doonka geliyey Qatar ayaa kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn waxayna sabab uga dhigeen inay Qadar taageerto Argagixisada inkastoo ay Qadar arrintaas si weyn u beenisay ayna sheegtay inay dowladahaan rabaan inay meel uga dhacaan madax banaanida Qadar. Qaran News
  20. weriye oo Reer Laascaanooda oo ku geeriyootey Qaraxii kismaayo Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey). Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd wariye madaxbanaan oo aasaastay Integration TV. Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxanka. Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, kuna dhawaaqay in ay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka 2020. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan lasoo Afjaray Khilaafkii labadda Aqal, islamarkaana loo diyaar yahay u shaqeynta Umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in howlaha Sharci dejinta ay yihiin qabyo hadii aysan wada shaqeyn labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in dhibaato badan lala kulmay intii uu Khilaafku ka dhaxeeyay labadda Aqal. Waxaa uu sheegay in hadda ay dardar galin doonaan howlaha Sharci dejinta gaar ahaan howlaha doorashooyinka iyo Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) deeply mourns the deaths of two journalists following a car bomb that went off in a popular hotel in Somalia's port city of Kismayo where political figures and traditional elders were meeting. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa si Adag u Camaareeyey Weerarkii Argagixisada ee caawa lagu qaadey Hotel ku yaal Kismaayo. Madaxweyne Dani wuxuu Shacabka [...] Source