-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
For roughly two years, the United States has been warning the Turkish government against receiving a huge Russian missile defense system. Washington has made clear that, were that to happen, it would have no choice but to impose sanctions that could further cripple the Turkish economy, restrict Turkey’s role in NATO and forever alter the U.S.-Turkey alliance. This week, Turkey called our bluff, and the Russian equipment is arriving in Turkey. The problem for Turkey, though, is that the Trump administration wasn’t bluffing. Source: Hiiraan Online
-
France has denied breaching a UN arms embargo after four of its anti-tank missiles were found on a base loyal to a rogue Libyan general. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka. “Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xidhiidhka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah. Qaran News
-
Suldaanka guud ee subeer Awal suldaan xasan suldan Abdilahi suldaan Abdirahman isaga ayaa xaq u leh caleemo saarka Beesha dhexdeeda inuu caleemo saaro W/Q Ahmed ismail Sida aynu ognahay beesha subeer awal,waxay leedahay suldaan guud oo metela dhammaan beesha qurbo joog iyo qolol joogba waana suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan suldaan diiriye garaad cabdalle garaad boon garaad Hadaba waxa beryahan baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyey ama tvyada rag waaweyn oo suldaan xasan suldan cabdilahi ku fadeexadaynaya karamadiisana ku wiiqaya sheegayana inuu caleemo saaray ugaas aan loo dhamayn caleemo saarka ugaaska guud ee yaasif isaxaq sacad muuse waa loo dhamaa suldaan xasana waa suldankii guud ee subeer awal isagana xaq u leh inuu markuu ku qanco talada odayasha cuqaasha waxgaradka beesha ugaaska caleemo saraysa inu sidaas ku ansixiyo xaqna isagaa u leh oday kale ama qof kale oon beesha caleemo saraysa ahayna inuu kala tashado Hadaba waxa maalmahan saxafada aad ugu so noqnoqday suldan baclayaal iyagu iskood isku caleemo saray kana haysan kalsooni suldaanka guud ee subeer awal inay tv yada la so fadhistaan fadeexado Waxaan u shegaynaya fadexad tvyada la la so fadhistaa fadeexad tvyada lala so fadhiistay leedahay waar toloow colka joooji Reerkan sacad muuse waxan u malaynaa 100 sano ee nimcada inuu ka baxayo oo uu colaad sokeeyo dhexdiisa ka hurinayo suldaanka guud ee subeer awal hadii shaashaynta laga daynwaayo sacad muuse anaga dagaalka ka dhex ridayna waa in loo hogaansama saldanada so jireenka ah ka ogalan mayno cid aan la fac ahayn saldanada oo wax ka sheegta dagaal banu ka xignaa reerka saldanada subeer awal haya hadaanu nahay ee reer axmed cabdalle na dagaalama ayaanu odhanaynaa oo difaaca sharafta saldanadiina suldankiinana garab istaaga nacaska miidhani ku magac raadsanayo Dhacdooyinkan soo noqnoqonaya lagu wiiqayo sharafta suldaan xasan oo ah arrin ugub ku ah maqaamka saldanadaha soomaliland iyo maamuska iyo qaddarinta ay ku leeyihiin bulshada u cugatay xilkan culus. HADABA arinkan raga suldamada isku sheegaya ee uu ka mid ka yahay suldaan isku sheega besha rer shirdoon Suldan isku sheega beesha reer cabane ee ay tvyada la fadhiyaan suldaan xasan suldaan guud maaha oo halkaad joogteen suldaan xasan inuu ku abtirsano suldaan mudoo 300 oo sano ahna awoowyashii ay hayeen subeer awalna u talinayeen arinkaas waa arin la iskaga daba iman doono Waana arin xadgudub ku ah saldanada subeer awal oo ah mid taariikh fac wayn ku leh geeska kuna dhisan xadaarad iyo ilbaxnimo guun ah. Kana hor imnaysa jiritaanka saldanada guunka ee subeer awal Waxaan cambaaraynayaa suldaanka waraabe u taagga ah ee tvyada la fadhiya suldan xasan suldaan nooma ah waxaan leeyahay adiga iska daayee Awoowyasheen buu suldaan xasan suldaan u yahay iska daayo kuwa nool ama kuwa dhalan doneee Fadeexada nimankaasi la wareegayan waxaan leeyahay cida ku hawlan arrinkaas ugu baaqaya inay faraha kala baxaan khalkhal gelinta iyo been abuurka ay mujtamaca la dhex wareegayaan oo ah mid sharciga iyo kala dambaynta baalmarsan soomaali waxay tidhaahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah Suldaanka guud ee beeshu waa suldaan xasan oo qiimo ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana ay beeshu kalsooni ku qabto waxaana mudan in la xushmeeyo suldaanka waana shakhsi samo ka talis ah oo bulshada isku xidhkeeda ka taliya,nabada iyo amniga qarankana door muhiim ah ka qaata. Waxaan ku so gunaanadayaa in la ilaaliyo sharafta saldanada subeer awal Ahmed ismail Hargeisa,somaliland Axmedismail029@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-___-Qumanaha-11072019-Okay.mp3 View the full article
-
Guban View: Pandering to clan identity undermines democracy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland has a serious clan identity crisis. It was revealed during the 2017 presidential election result; some of the electorate still believe that the election was rigged despite international observers declaring it to be a free and fair. But the most serious challenge Source: Hiiraan Online -
Nairobi (Caasimada Online) – Muddo 48 saac gudahooda ayaa waxaa Xudduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ku dhintay ugu yaraan 5 qof waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo kale kuwaas oo dhamaantood ah dad shacab ah. Dadkaan ayaa ku dhintay miinooyin dhulka la geliyay oo ku qarxay Gaadiid ay saarnaayeen, waxayna u badan Haweenka Soomaaliyeed ee ka ganacsada Gudaha Kenya kuwaas oo daggan gudaha Soomaaliya. Haweenkaan ayaa ah kuwa ka ganacsada Caanaha iyo Qoraha la shito waxayna isaga gudbiyaan Soomaalida Waqooyi bari iyo Soomaalida Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose. Saraakiisa amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Kenya ay miinooyin badan ay ku aastay masaafo dheer oo isku xirta Xudduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose. Waxaa socda dedaalo dadka Soomaaliyeed loogu wargelinayo in aysan gaadiid ku marin Xudduuda labada dal maadaama ay buuxaan miinooyin badan oo ay ku aaseen Ciidamada Kenya. Militariga Kenya ayaa sheegay in Miinooyinkaan ay isaga difaacayso Al-Shabaab-ka soo gala gudaha dalkooda. Arintaan ayaa loo arkaa in ay halis ku tahay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed oo daggan gudaha Kenya, gaar ahaan Gobalka Waqooyi Bari iyo Soomaalida dagan gudaha dalka. Kenya oo Soomaaliya kula jirta muran dhanka Badda ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay tacadiyada iyo dhibaatada ay u geestaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda iyo kuwa ka gudba Xudduuda Soomaaliya ee gala gudaha Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Somaliland: Waddani Youth Spokesperson Released After Fine Paid The Spokesperson for the Youth wing of Waddani National Party, Mohamed Sadik Abdillahi “Dhamme” has been released from prison after a fine was paid in lieu of his sentence. The Waddani Youth spokesperson was convicted of incitement by the Marodi Jeh Regional Court and sentenced to six months in prison. After more than two months in remand awaiting trail, his remaining time was substituted for a fine paid by his party. After his release from jail, speaking to the media, Mohamed “Dhamme” thanked the members of his legal team, the members of his party and all the Somalilanders who had advocated for his release. The court conviction still stands, and unless there is a presidential pardon or an appeals victory to clear his record, Mohamed “Dhamme” could be excluded from any governmental office in a future Waddani administration. Qarannews.com Qaran News
-
Somaliland: Turbulent Demonstrations In Burao & Erigavo Turbulent and violent demonstrations rocked the city of Burao in Togdher and the town Erigavo in Sanaag, yesterday. The demonstrates who were mainly youngsters came out into the streets to protest the recent inter-community clashes in El-Afweine which cost the lives of at least 20 people. The demonstration in Burao which was quickly brought under control by the Somaliland Police Forces, was confined to mainly the western sections of the city and led to minor damages to stores and other commercial locations. No one was fatality injured in the clashes, although several people were taken to hospital for treatment. However, the clashes in Erigavo were much more serious. Although there has been no reports of any fatalities in the city, there were an exchange of fire between remnants of the militia led by the renegade former Somaliland officer, Caare and the Somaliland Defence Forces on the outskirts of the town. There are reports that in the hamlet of Doob, 45 east of Erigavo, the Somaliland Defence Forces were able to repel the militia and capture many of it’s members and their equipment. These demonstrations come at a time Somaliland has made significant diplomatic successes and it is quite clear that they are being instigated from outside the country in order to put the nation in a bad light. Our sources indicate that the recent lifting of the curfew in Sanaag appears to have emboldened the renegade Caare militia, who are no match for the Somaliland Defence Forces, but can nevertheless, cause insecurity in the region. The issue of the inter-community conflict in El-Afweine had appeared to have been resolved, after an accord between the two relevant communities which included the exchange of compensation. But, it is quite evident outside forces and their fellow travelers are still causing trouble in the district. The inability of the administration of President Muse Bihi Abdi, and in particular, the Somaliland Home ministry to bring these matter to a peaceful conclusion is a cause for concern. Qarannews.com Qaran News
-
Source
-
Ciidanka ammaanka ayaa Maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix nin oo Burcad ah, kuwaas oo dadka rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray. Raggan oo markii lasoo qabanayay ku hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadda ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto. Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir. “Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata shacabka loo gudbinayo maxkamadda ciidanka si aan shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri guddoomiye Yariisoow. Guddoomiyaha ayaa sheegay in qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Sida laga soo xigtay Hay’adda NISA, howlgal ay Ciidamada Amnigu ka fuliyeen duleedka Muqdisho ayaa waxa ay ku soo qabteen 2 Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab iyo Hubkooda, Warkaan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay maleegayeen Dilal ka dhan ah Shacabka. Sidooo kale dadka lagu qabtay Howlgalkaan ayey sheegeen in ay ka mid ahaan 2 Howlwadeen oo ka tirsan Shirkad Ganacsi kuwaas oo aan la xusin sababta xarigooda. Dhinaca kale, Lama shaacin Waqtiga uu dhacay Howlgalka iyo halka sida Rasmiga ah looga fuliyay. NISA oo Qoraal Kooban oo arrintaan ay uga hadleyso ku faafisay Barteeda Twitter ayaa waxaa ka muuqday Sawirro Bastoolado la rumeysan yahay in ay yihiin Hubka Howlgalkaasi ay ku qabteen. Hoos Ka Daawo Qoraalka iyo Sawirrada ay NISA uga hadashay howlgalkooda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka ay golohu yeesheen ayaa looga hadlay sharciga difaaca qaranka iyo siyaasadda daryeelka bulshada oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha difaaca iyo shaqada. Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee dalka, howl-gallada laamaha amnigu ay ku baacsanayaan kooxaha nabad diidka ah iyo qorshaha dardar gelinta sugidda amniga. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu socday shirku waxa uu golaha warbixin ka siiyay socdaal ay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ku tageen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka oo isugu jiray xubna ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno ka socda labada gole. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo. Kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay bulshada ayaa looga hadlay xoojinta nabad gelydada iyo isdhex galka Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo ka shaqeynta guud ahaan horumarka deegaanka. Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaan dhinacyada uu maanta kulanka kula qaatay Gaalkacyo ku bogaadiyay hannaanka wanaagsan ee xasilinta magaalada ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda Midnimada, wadajirka iyo adkeynta amaanka. Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool. View the full article
-
15 muwaadin oo u dhashay Kenya oo lagu adoonsado Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 15 Nin oo Kalluumeysato Kenyaan ah xoog lagu kaxeystay islamarkaana u shaqeeyaan Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Soomaaliya. Guddiga Kalluumeysatada Kenya ayaa sheegay in Shan iyo Tobanka Nin gacanta lagu dhigay, si qasab ahna lagu shaqaaleeysiiyay iyaga oo aan la siinin wax lacag ah. Betty Makena, oo ka mid ah Guddi u dooda xuquuqda Kalluumeysatada Kenya ayaa sheegay in kooxda Doonta saaran ee Soomaalida ah ay hubeysanyihiin islamarkaana sida addoonta oo kale ugu shaqeystaan Kalluumeysatada Kenyaanka ah. Mr Betty, ayaa sheegay in shaqaalaha Kenyaanka ah ay ku jiraan halis looba baahanyahay in la soo badbaadiyo isaga oo ugu baaqay dowladda Kenya in ay qaaddo tallaabo lagu badbaadinayo. Wuxuu intaas kusii daray in muwaadiniintaan lagu shaqeysto saacado badan Maalintii haddii ay diidaan loo adeegsado cabsi gelin, maadaama dadka ku shaqeysto ay hubeysan yihiin. Ma’uusan sheegin halka lagu hayo, meesha laga qabsaday iyo waqtiga la qabsaday toona,hayeeshee waxaa uu warbaahinta Kenya u xaqiijiyay dhacdadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
