-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland. Agaasimaah waaxda imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) oo ka warbixiyay imtixaanka Form Four-ka ayaa sheegay in imtixaanka loo diyaariyay 5005 kun oo arday balse aysan gelin oo ka maqnaayeen 31 arday oo keliya halka ay dhaceen 82 arday iyadoo ay ku baaseen 4893 arday. Agaasimaha ayaa sheegay in sixitaanka imtixaanka oo ay ka qeyb-qaateen 200 oo macallin uu soo bilowday 20-June islamarkaana uu socday mudda 10 maalmood ah isagoo soo dhammaaday 30-June kadibna lagu soo wareejiyay guddiga imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada oo hubin ku samaynay mudda 10 maalmood oo kale. Axmed Saahid ayaa tilmaamay in sixidda imtixaanka Puntland uu maro hannaan adag oo lagu xaqiijiyo hufnaanta imtixaanka taasi oo keentay in wakhti badan wasaaraddu ku bixiso sixidda iyo hubinta imtixaanka. Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada Baarlamanka Puntland Cali axmed Dhahar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weerar boro-bagaandho ah ku soo qaaday imtixaanka Puntland si uu u fashiliyo balse taasi ay u socon wayday. Cali Dhahar ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay tallaabo ka qaadi wayday wasiir Goodax oo boro-bagaandho ku soo qaaday imtixaanka Puntland kadib markii uu isagub ku fashilmay imtixaankii guud ee dalka. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa isna halkaasi kaga dhawaaqay 10-ka arday ee sannadkan ugu sarraysa imtixaaanka shahaadiga fasalada 4-aad ee dugsiyada sare isagoo hambalyo u diray dhammaan ardayda iyo waalidiintooda. Wasiirka aya digniin adag u diray qaar kamid ah dugsiyada Waxbarashada Puntlnd oo uu sheegay in ay hoosayso tayadooda dhanka waxbaridda arday isagoo ku hanjabay in aqoonsiga lagala noqon doono haddii aysan kor u qaadi tayadooda. Halkaan hoose ka eeg 10-arday ee ugu sarreeya PUNTLAND POST The post Warbixin: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
A senior Somali military commander says the troops have launched a massive operation against Al-Shabaab militants in Bakool region, south of the country. The commander of the Army infantry division, General Odowa Yusuf Rageh told the state media that they have pushed Al-Shabaab out of two areas near Hudur, the region’s capital during the operation. Recently, Somali and AU forces intensified pressure on the Al-Qaeda-linked group as part of efforts to regain control of the entire country which is set to hold first one person, one vote polls in 2020-2021. Al-Shabaab has been driven out of Mogadishu in 2011, but, the militants still capable of staging attacks in the government-controlled areas in Somalia. View the full article
-
The Federal Government of Somalia has said that its position regarding the maritime border dispute with Kenya has not changed. The development comes after a section of the media reported that the government has changed its position regarding the maritime dispute that is before the International Court of Justice. “We unequivocally deny the fake news reported by some media outlets indicating a change of the position of the Federal Government of Somalia regarding the [maritime border] case that is before the International Court of Justice,” the director of communication of Somalia’s Presidency, Abdinur Mohamed Ahmed, said in a statement. “The Office of the Attorney General has begun an investigation into the sources of this fake news” Kenya and Somalia are embroiled in a dispute over the ownership of a narrow triangle in the Indian Ocean, about 100,000 square, that supposedly has large deposits of oil and gas. Relations between the two countries have been frosty of late after Kenya accused Somalia of auctioning off oil blocks in the disputed area. Somalia has denied the accusations. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray magaallo Xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wafdiga uu hoggaaminayo Lafta Gareen oo isugu jiro xildhibaano iyo wasiiro ayaa ka soo ambabaxay degmada Xudur oo ay ka soo qaaday diyaarad uu leeyahay UN-ka. Madaxweyne Lagta Gareen iyo xubnaha la socda waxaa halkaasi lu soo dhaweeyey maamulka gobolka Shabeelaha Hoose , kan degmada Marka iyo qeybaha bulshada. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana si wadajir ah u sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in Madaxweynuhu kulamo uu ka bilaabo halkaasi, isagoo u kuur geli doono xaaladda deegaanka. Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) booqdo Marka, tan iyo markii loo doorta xilkaasi. Marka oo ah magaallo qadiimi ah ayaa waxaa in muddo ah go’doon ku hayay Al-Shabaab, inkastoo hadda meelaha ugu badan laga saaray. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Waxaan jeclahay inaan faallo yar ku darsado maqaal kooban oo lagu qoray Puntland Post taariikhdu markey ahayd Juun 6, 2019, kaas oo ka hadlaayey waxtarka ay lahaan karto in Jaamacadaha Puntland gaar ahaan iyo kuwa Soomaliya guud ahaan wada shaqayn iyo xiriir wanaagsan la yeeshaan tacliinta sare ee dalka Talyaaniga. Sida qoraalka Puntland Post lagu xusay, Talyaanigu wuxuu la lahaa Soomaaliya taariikh dheer oo heerar iyo wajiyo kala duwaan soo martay. Waxaan ka xusayaa oo keliya ah arrinta kor ku xusan, maqaalkuna ka hadlay: waa tan waxbarasho, gaar ahaan tacliinta sare (higher education). Jaamacaddii ummada Soomaaliyeed (JUS) oo ahayd tan keliya ee dalka ka jirtay, waxaa hirgeliyey dawladda Talyaaniga inteeda badan (marka laga reebo Kulliyaddii Lafoole). Dawladda Talyaanigu waxay runtii gelisay dadaal badan si ay JUS u taabo gasho. Waana hirgashay; inkastoo Soomaliduna dadaal badan gelisay arrintaas. Waxaa xusid mudan in bilowgii JUS inta badan khubaradii wax ka dhigijiray ay ahaayeen bare sareyaal Talyaani ah, kuwaas oo ahaa macalimiintii waxa ka dhigijiray Jaamacadaha Talyaaniga. Waqtiyadii dambe waxaa soo batay macalimiin Soomaali ah (uuna badnaa ardaydii ka qalin jebisay JUS) oo Talyaanigu tababarkooda qayb libaax ka qaatay. Kulliyad walba oo ka tirsaneyd JUS waxay ku xirnayd kulliyad kale oo ku taal dalka Talyaaniga oo xiriir dhaw la lahayd. Xiriirkaas oo wax badan ka tari jiray tayeynta kulliyad kasta oo ka mid ahayd JUS. Waxyaabaha wax ku oolka ah oo dawladda Talyaanigu qaban jirtay waxaa ka mid ahaa: Deeq waxbarasho oo la siin jiray macalimiinta JUS iyo dadka ka shaqeeya shaybaarada, qalabeynta shaybaarada wax lagu baaro dhinaca cilmi baarista ee laamaha kala duwan ee cilmiyada sayniska iyo farsamada, Waxa kale oo gacan ka geysan jireen maalgelinta cilmi bariista ka socota Jaamacadda. Haddaba, burburkii iyo dhibaatadii dalka ka dhacday ka dib, maxaa Talyaaniga looga diiday? Maadaama uu yahay dalka keliya oo Soomaalida si fiican u yaqaan, wax badana ka saaciday, gaar ahaan dhinaca tacliinta sare. Waqtiyadii hore, xiriirka xitaa siyaasadeed ee Talyaaniga iyo Soomaaliya waa fiicnaa; maanta dawlado kale ayaa saamayn ku leh arrimaha Soomaalida. Waxaad moodaa in Soomaalidu qabri la jeceshshay wixii taariikh hore ahaa!! Sidee tixraac laáan taariikheed ummadi waayaha wax uga baran kartaa? Waxaan ku soo koobaya qoraalkaan in ay fikrad wanaagsan tahay in Jaamacadaha Puntland ay xiriir la yeeshaan tacliinta sare ee Talyaaniga, dawladduna arrintaas qayb ka qaadato. Aqoonta cilmiyeed iyo farsamo ee Talyaanigu waxaa lagu tiriyaa kuwa heerka sare ee dunida. Xiriir dhexmara jaamacadaha Puntland iyo kuwa Talyaaniga wuxuu qayb fiican ka qaadan karaa kobcinta iyo tayeynta tacliinta sare ee dalka. Mahadsanidiin Dr. Ahmed M. Osman wuxuu ka mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummada Soomaliyeed (JUS); imminkana wuxuu bare sare ka yahay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Bosaaso (UOHS). The post Falcelin: Jaamacadaha Puntland iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ka dhabeeyey go’aankiisii ahaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug lagu qabanayo magaa;ada Duusamareeb xarunta gobolka Galgaduud. Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Sawirrada halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo dhawaan la qabanayo. Shirkaasi ayaa ka dhici doono goob gaar ah oo loo diyaariyey, islamarkaana ay si wadajir uga qeyb qaateen Madaxda Galmudug iyo Ganacsatada maamulkaasi. Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadd Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa booqday halkaasi, isaga oo u mahadceliyay dhinacyadii isku howlay. “Waxaan kormeeray xarunta Shiirkole oo ah goobta loo diyaariyey in lagu qabto shirka Dib-U-Hshiisiinta bulshada reer Galmudug ee ka furmi doona Dhuusamareeb. Waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo dhinacyo badan leh,Maamulka Galmudug iyo ganacsatadii diyaarisay waxaan leeyahay waajib qaran ayaad gudateen” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Faarax wehliye. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo weli Odayaasha Cadaado ka biyo diidan yihiin in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada lagu qabto magaalada Dhuusamareeb. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay u iclaamiyey in gogasha shirka iyo doorashaduba lagu qabanayo halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo ka tirsanaa saraakiisha Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inuu isku soo dhiibay. Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in ninkani uu ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla markaana ka dagaallami jiray Gobolka Shabeellaha hoose. Korneyl Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in Xuseen Xasan Cambeer, ay ka danbeysay inuu isa soo dhiibo markii uu go,aan saday inuu ka soo tago , taasna ay suuro gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Sudan: Put Justice Up Front Set Independent Inquiry into Protester Killings, Abuse NAIROBI, Kenya, July 10, 2019/ — Sudanese leaders should facilitate the establishment and cooperate with the work of an effective international investigation into the killings of and abuses against protesters since December 2018, Human Rights Watch said today. On July 5, 2019, a coalition of opposition groups and the Transitional Military Council, which took power on April 11 when former president Omar al-Bashir was ousted from power, signed a power-sharing deal that paves the way for a transitional government. “With hundreds killed and many more injured, the Sudanese people are entitled to demand answers and justice,” said Jehanne Henry, associate Africa director at Human Rights Watch. “A credible, independent investigation into all the horrific abuses against protesters over the past six months needs to be a priority for Sudan’s new leaders.” Under the July 5 deal, a new sovereign council consisting of five military representatives, five civilians, and another civilian agreed upon by both parties will share power for a transitional period of just over three years. A military commander is to hold the presidency for the first 21 months, followed by a civilian for 18 months, followed by elections. Protests in Sudan started in December, calling for the fall of al-Bashir, who was president for almost 30 years and who is wanted by the International Criminal Court for atrocities in Darfur. Local groupsmonitoring casualties, including the opposition doctors’ union, estimated that over 100 people were killed during the protest period up to the time when al-Bashir was ousted. Since the military council’s April takeover, the Rapid Support Forces have risen to prominence and participated in or led most crackdowns on protesters. The unit is commanded by the military council’s deputy, Mohamed Hamdan Dagalo – “Hemeti” – who is known for his unit’s abuses in Darfur, Southern Kordofan, and Blue Nile. In June alone, government forces including the Rapid Support Forces killed over 130 protesters. The single deadliest day was June 3, when government forces led by RSF opened fire on protesters and burned down their sit-in camp. Video evidence shows the heavy deployment of security forces using heavy gunfire, and many victims of gunshot wounds. Local monitors reported that 128 people were killed in that attack. Witnesses, including many victims, provided to Human Rights Watch accounts of soldiers arbitrarily arresting and beating protesters. Local monitors reported that troops raped many protesters or threatened them with rape. On June 30, when tens of thousands of Sudanese marched calling for a transition to civilian rule, government forces again used deadly force to break up protests. Witnesses told Human Rights Watch that Rapid Support Forces soldiers shot at them as they crossed a bridge. “We lay on the ground and I could see people were shot and being carried to a nearby hospital,” recalled one 29-year-old protester. Video evidence from that day shows security forces opening fire on and beating peaceful protesters as well as attacking patients and health workers at a hospital in Khartoum. Local monitors said that at least 11 people were killed, including 3 young men whose slain bodies were found by residents on a street in Omdurman following the protests. Military council officials have previously promised to investigate violence against protesters. On June 21, Hemeti announced the arrest of several soldiers he called infiltrators who are accused of attacking protesters on June 3, but he did not reveal their identities, as the military investigations are ongoing. On June 29, an official leading a governmental commission of inquiry urged members of the public to come forward between July 6 and 10 to provide their accounts of abuses. The July 5 power sharing deal also includes an investigation into the violence, including on June 3, media reported. Any investigation should include all abuses against protesters since December, when the government began attacking protesters, Human Rights Watch said. Previous government investigations into protester killings in September 2013, when security forces killed more than 170 people, most in Khartoum, have not led to justice for the victims. Given Sudan’s poor record on accountability for human rights abuses across the country, its leaders should cooperate with international and regional entities to assist in any efforts toward accountability, Human Rights Watch said. “Sudan’s leaders should show they are serious about justice by facilitating an international, independent investigation to assess the full scale of abuses and identify those responsible,” Henry said. “Sudan should cooperate with the UN’s Human Rights Council, currently in session, and with the African Commission on Human and People’s Rights to ensure that credible investigations are carried out as soon as possible. Distributed by APO Group on behalf of Human Rights Watch (HRW). SOURCE Human Rights Watch (HRW) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ayaa maanta xabsiga ka sii deysay Guddoomiyaha dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhame, kadib muddo 71-maalmood ah oo uu ku xirnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa Guddoomiye Dhamme ayey Ciidamada Booliska Somaliland kasoo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa waqti duhurnimo ah, kadib markii uu bartiisa Facebook uu soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu kaga soo horjeedo xaaladii deg-dega ahayd ee Madaxweyne Biixi uu ku soo rogay saddex degmo oo ka mid ah Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha oo sii deyntiisa kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si sharciga waafaqsaneyn loo soo xirey, isla markaana ay Boolisku ay ku kaceen wax aan u wanaagsaneyn sumcada iyo sharafta Somaliland. Dhamme ayaa si weyn ugu mahad-naqay dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntiisa, isagoona ka dhawaajiyey in sii deyntiisu ay daba socotay dadaalo badan oo ay sameeyen Mas’uuliyiinta xisbiga uu ka tirsanyahay ee Waddani. Maxamed Sadiiq Dhame, ayaa sidoo kale xusey inay xukuumadu dul qaad u yeelato dadweynaha dhaliilaha u soo jeediya oo aysan u adeegsan awood dowladeed. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Abaaro 7-Subaxnimo ee saaka ayaa bandoo lagu soo rogay Magaalooyin ay ka mid tahay Ceel Afweyn Waxaana gabi ahaanba lagu daadiyay Ciidamo hub iyo tikniko ku gaashaaman. Dad ku sugan Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa noo xaqiijiyay bandooda waxaana ay noo sheegeen in la joojiyay dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka iyadoo sidoo kalena ay ciidan wadaa baadhitaan xoogleh. Arrintan ayaa daba socota dagaal dhiig badani ku daatay oo labadii maalmood ee u dambeeyay deegamaasi ku dhex maray maleeshiyo hubaysan oo ka kala tirsan beelo walaalo ah oo deegaamaasi wada dega. Source
-
(SLT-Gabiley)-Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayarkooda Maxamed Amiin oo khilaaf xooglihi ka dhex aloosan yahay ayaa shalay isku shubay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanadani markii ay kasoo baxeen shirkii Wasaaradda, waxa uu muran xooglihi dhex mara Wasiir Maxamed kaahin iyo Maayar Maxamed Amiin kadib markii uu wasiirku ku amray inuu Maayarku ogolaado in Codka Kalsoonidda loo qaado, xildhibaanadana uu u ogolaado inay hoolka Shirarka Dawlada Hoose ee Gabiley fadhiistaan. Maayarka ayaa Wasiirka u sheegay inuu fulinayo awaamiir uu sheegay inay uga timid dhinaca Madaxtooyadda oo uu sheegay inaanay raali ka ahayn muranka Golaha ka taagan iyo in fadhiyo buuq keenaya la sameeyo, waxaana arintaasi aad uga cadhooday Wasiirka, isagoo markii dambe nidar ku galay sida ay sheegeen in fadhigaasi qabsoomi doono. Wasiirka ayaa sido kale u sheegay Xildhibaanadan inuu gudi arintani la socota Maanta soo saarayo . Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka oo aad u faraxsan ayaa Shalay iskugu yimid Huteelka Imperial ee Magaaladda Hargeysa islamarkaana isku boorinayay inaan wax fur fur ah lagu samayn ee ay ka midaysnaadaan qadiyadii ay ku wada socdeen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa ka digtay Ayax kasoo hayaamay dalka Yemen oo halis gelin kara dalagyada ku yaalla beeraha Somaliland. Madaxa Xafiiska Ayaxa iyo Cayayaanada iskaga gudba xuduudaha ee Wasaarada Beeraha Somaliland ayaa ka warramay arrintan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalkSoomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegay Xuseen Xasan Cambeer. Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus. Xuseen Xasan Cambeer ayaa la sheegay inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Abaanduulaha guutadda 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa soo kordhayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda Soomaaliya, taas oo loo sababeynayo howlgallada xoogan ee ka socda gobollada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kula kulmay magaalada Washington, DC, kuwaas oo la sheegay inay ka wadahadleen amniga gacanka Carabta, xidhiidhka dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya iyo arimo kale. Amiirka Qatar ayaa booqashadan uu maanta ku tagay dalka Maraykanka waxa ay ku soo beegmaysaa xili ay xiisadi u dhaxayso Iran iyo Maraykanka iyo xili ay taagan tahay xayiraadii dalalka carabtu ay ku soo rogeen dalka Qatar. Kulankan ayaa sidoo kale day maalin ka dib markii Amiirku uu wadahadal uu la yeeshay siihayaha xoghayaha difaaca Maraykanka Mark Esper oo ay ku kulmeen xarunta gaashaandhiga ee Pentagon-ka, oo casho loogu sameeyey halkaasi ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Xoghayaha Maaliyada Steven Mnuchin, iyo Madaxweyne Trump oo laftigiisu uu joogay halkaasi. Hadal uu ka jeediyey Cashadaasi ayuu amiirka Qatar uu sheegay in booqashadiisan Maraykanka ay labada dal arimo badan ay isku waydaarsadeen iyo iyagoo u dabaaldegaya xidhiidhkooda dhaqaale ee qaangaadhka ah. “Qatar iyo Maraykanku waa saaxiib iyo gaashaanbuur. Waxa aanu sii wadaynaa inaanu sii adkayno oo sii joogtayno xidhiidhada labada dhinac ee Milatariga iyo Amaanka ku saabsan.” Ayuu yidhi Amiirka dalka Qatar. Hase yeeshee waxa jira qorshayaal dalka Maraykanku uu ku doonayo inuu diyaaradaha dagaalka iyo hub kale uu ka iibiyo dalka Qatar, waxaana arimahani ay ku soo beegmayaan xili xiisad xumi ay u dhaxayso maraykanka iyo Iran , halka Qatar laftigeeda culays weyni uu ka haysto saaxiibadeeda xidhiidhka u jaray oo cir iyo dhulba xayiraad ka saaray dalka Qatar. Source
-
(SLT-Tehran)-Askar ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Azarbaijan ee dhaca waqooyi galbeed ee dalka Iiraan. War saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidanka kacaanka ayaa lagu xaqiijiyay in gaadhi ay saarnaayeen ciidanka lagu qarax lagula eegtay afaafka hore ee laga galo magaalada Piranshahr. Askarta geeriyootay ayaa ka tirsanaa guutada ku sugan xerada Xamza Sayyid Al-Shuhadaa. Dhanka kale ciidanka sirdoonka ayaa wada baadhitaanada la xidhiidha weerarkaan waxaana heegan guud la galiyay laamaha Amniga. Badhasaabka gobolka Piranshahr Cali Tarabi ayaa waxyar ka hor dhankiisa sheegay in dagaal u dhaxeeya koox dabley ah iyo laamaha amniga lagu dilay sadex askari oo ka tirsanaa ciidanka Kacaanka Iiraan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya uu Kufsi u geystay gabar 9 sano jir ah oo ku sugneyd degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Gabadhan oo ka timid Dugsi Qur’aan ayaa la sheegay inuu afduubtay askarigaasi, kuna Kufsaday guri ku yaalla ka soo horjeeda xarunta maamulka degmada Raage Ceelle. Qaar ka mid ah ehellada gabadhaasi yar oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey Kufsiga, waxaana ay sheegeen in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay gabadhooda. Ehellada ayaa tilmaamay in askariga geystay falkan uu galay xarunta degmada, islamarkaana illaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigon. Sidoo kale Waalidiinta gabadha yar ayaa maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha oo xaalad adag ku jirta loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdeeda caafimaad. Dhacdadan ayaa waxa ay aad ah u taabtay dadka deegaanka oo si aad ah uga xumaaday falkaasi argagaxa leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaalla dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah. Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba. Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii March, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xidhay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha. “Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tidhi Nicki Minaj. Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in ayna ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July. Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira. Source
-
Waxaa si rasmi ah u shaqo bilaabay Suuqa Salama Market oo ah meel aad si nabad ah wax uga iibsan karto adigana aad u dhigan karto alaabta aad rabto inaad iska iibiso. Salama Market waa suuq ganacsi oo ku fududeynaya in ad wax raqiis ah oo cusub ama celis ah ka iibsato ama aad adigu isaga ibiso si xor ah oo free ah. Suuqaan wuxuu kuu fududneynaa inaad wixi aad doonayso laga iibsado, si online ah oo dhib yar gurigaaga adigoo jooga ama goobtaada shaqo. Wixi faahfaahin ah kala xirira milkilaha Salama Market Abdikadir Sheikh Tel +46739915854 whatsap ama viber. Madoonaysa inaad iska iibiso gaarigaaga haddaba uma baahnid qof ku dulaalo oo ku dhiig miirta hadaba soo gasho alaabtaada suuqa Salaama Market. Halkkaan hoose ka booqo Website-ka Suuqaan. https://salamamarket.com/
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga waddanka Imaaraatiga ayaa sida qorshaysan Khamiista berriya dib ugu soo laaban doona magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo 26-kii June ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa safarkiisa debadda ka bilaabay waddanka Djibouti oo uu 27-june kaga qeyb-galay xuska Munaasabadda xornimada Jamhuuriyadda Djibouti isagoo halkaasi kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa. Mudane Axmed Karaash ayaa waddanka Djibouti uga sii gudbay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta halkaasi oo uu 3-dii bishan Julay ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraatiga iyo xubno ka socday ganacsatada waddankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi debadda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Taliyaha Taliska Wadajirka ee Milliteriga Maraykanka, Jeneral Joseef Dunford ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha Isbahaysi Milliteri oo badbaadiya Maraakiibta Ganacsi ee ka gudba Xeebaha ka baxsan dalalka Iiraan iyo Yemen, xilli ay Maraakiibta shidaalka weeraro kala kulmeen baddaasi. Waxa uu tilmaamay inay Qorshahaasi u gudbiyeen dalalka saaxiibaadda ee Gobalka ee doonaya sugidda Ammaanka Biyaha Gacanka Bershiya iyo Badda u dhexeysa Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika. Jeneral Joseef Dunford waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen Qorshaha Isbahaysiga Cusub, lana filayo in lagu dhawaaqo isbuucyo gudahooda dalalka doonaya inay ku soo biiraan Isbahaysigaasi. Source
-
Popular Contributors
