-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya. Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan. Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-10072019.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay dhisme uu ugu magac daray Hoyga nabadadda Magaalada Gaalkacyo. Kheyre oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, ayaa maamulada magaalada Gaalkacyo ku amaanay sida looga gudbay colaadii hala keyday magaaladaas, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya. “Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya oo mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”, Ayuu yiri Khayre. Munaasabadda Dhagax dhigga oo ka dhacday Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay labada guddoomiye ee Gobalka Mudug, Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada oo kala timid Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ayaa sheegay in guriga Hoyga nabadda Gaalkacyo uu saldhig u noqnayo Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah, si sare loogu qaado yiri is-dhex galka Bulshada Gobolka Mudug oo mudo dheer kala xirnaay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Burco)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ku dhex maray meel 45Km Bari kaga toosan Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Jabhaddii Kornayl Caarre iyo Ciidan ka tirsan Kuwa Qaranka Somaliland. Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo wakhti badan socday khasaare baahsan la gaadhsiiyay jabhaddii kornayl caarre, Wararka qaar ayaa sheegay gaadiid illa saddex ka kooban oo laga qabsaday iyo maxaabiis illaa 15 tiradooda lagu sheegay waxaana wararki ugu dambeeyay na soo gaadhay uu sheegayaa in jahbadaasi kala firdhatay islamarkaana ay ku raadjoogaan Ciidamada Qaranku. Jahaddan ayaa sida la sheegay markii ay dagaalka ka gaashay deegaanka Karamaan oo beelo walaalo ahi isku dileen aanay dib ugu noqon halkii ay kasoo ruqaansatay ee Qardho ee maamulka Puntland oo ay fadhiisin ku lahayeen waxanay iskugu dayeen inay fadhiisimo ka samaystaan buuralayda Ceerigaabo bari kaga toosan. Source
-
(SLT-Berlin)-Waxa Markii saddexaad Kamaradaha Adduunka ka soo muuqatay Rayal-wasaaraha Dalka Jarmalka oo iyadoo taagan Jidhkeedu ruxmayo, sida Qof Kurbanaya. Kamaradaha Warbaahinta ayaa qabtay Angela Merkel oo Jidhkeedu wada dubaaxinayo, xilli iyada iyo Raysal-wasaaraha Finland oo booqasho ku tagay Berlin ay si wada jir ah Salaan uga qaadanayeen Ciidammada, Arbacada Maanta. Waa Markii saddexaad ay muddo bil gudaheed ah sidan oo kale iyadoo taagan uu jidhkeedu Gariir sameeyo, taasi oo shaki gelinaysa Xaaladdeeda Caafimaad Raysal-wasaaraha Dalka Jarmalka. Angela Merkel oo da’deedu tahay 64 Jir ayaa Markii koowaad ee jidhkeedu Ruxankan oo kale sameeyo Warbaahintu waydiisay Xaaladdeeda Caafimaad, waxay sheegtay inay fiican tahay, wax werwer ahina aanu jirin. Ruxanka Taxanaha noqday ee ku imanaya jidhka Raysal-wasaaraha ayaan waxba Caafimaadkeeda dul ahaaneed ku keenin, sida uu sheegay Wargeyska daily Mail. Merkel ayaa hore u sheegtay inay siyaasadda ka fadhiisanayso marka ay dhamaysato muddo xileedkeeda oo ku eg Sannadka 2021. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka qayb qaataan dajinta wararka dhiilada ah iyo xakamaynta faafinta wararka kordhinaya dhibaato kasta oo dalka waxyeelaysa. Suxufiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta waxaan ugu baaqaynaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyigalanayo bulshada sidii ay Nabada u ilaashan lahaayeen, isla markaana uga hortagi lahaayeen cid kasta oo qayb ka ah colaadaha soo noqnoqda ee goboladda qaarkood ku dhex maraa deegaanada qaarkood. Ururka SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka iyo waxgaradka kala duwan ee Somaliland inay masuuliyad culus iska saaraan xalinta iyo soo af-jarida khilaafaadka Qabaliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee jira. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay waxka qabato. Waxa uu sheegay in haatan ay mareyso in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana Ergadii isaga soo dooratay ay ka mid yihiin kuwa ay u yeereen Al-Shabaab. “Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale. Hadalka Xildhibaan Afaraale ayaa kusoo aadaya xilli horay loo dilay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab. Hadlkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Dhagayso-Xildhibaan-sheegay-in-Ergadii-soo-dooratay-u-yeereen-Al-Shabaab-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya. Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan. Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyay PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-London)-Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey inay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kadib markii la dusiyay errayo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu adeegsaday. War uu soo saaray Darroch ayuu ku yidhi “Inkastoo aanu booskeyga shaqo uu ku eg-yahay illaa iyo laga gaadho dhammaadka sannadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.” Darroch, waxa uu ahaa dibmulaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016. Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan fadhiyin islamarkaasina aan laheyn wax xirfad ah. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay Hoyga nabadadda Magaalada Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dedaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya. “Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Munaasabadda Dhagax dhigga oo ay ka qeyb galeen guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qaybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo. Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqnaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Khayre Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya midaysan Gaalkacyo nabad ahna waaa Soomaaliya nabad ah appeared first on Puntland Post.
-
Arar: Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay soo martay marxalo kala duwan waxaana soo xukumay dowlado rayid ah iyo dowlad militeri ah. Hab-dhaqanka siyaasadeed iyo midka maamul ee Dalka wuxuu intiisa badan ka soo jeedaa Dowladahaas ka hanaqaaday Dalka intii u dhaxeysay 1960kii – 1991kii; Saraakiisha Dowladda ee maanta leh waayo-aragnimo dowladeed waxay intooda badan soo shaqeeyeen ama ka soo minguursadeen xilliyadaas oo uu nidaamka xukunka dalku ahaa nidaam ay awoodda siyaasadeed iyo mida maamul ku uruursan tahay gacanta (Unitary System) Dowladda Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, Garwadeenka Siyaasadeed ee metalayay qeybaha bulshada Soomaaliyeed waxay 2004tii markii ugu horreysay ka wada hadleen sida ugu maangalsan ee loo soo celin karo qarannimadii iyo nidaam dowladeed oo isku hayn kara Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo kala irdhoobay siyaasad ahaan iyo deegaan ahaanba. Ugu dambeyntii, waxaa la isla qaatay in la dhiso nidaam Federaal ah iyada oo la dhisay dowlad ku meel gaar ahayd taas oo waajibkeeda koowaad uu ahaa sidii loo heli lahaa Dastuur dhammeystiran oo ku saleysan nidaam federaal ah. Nasiibwanaag, hawlihii baaxadda lahaa ee sameynta Dastuur ku meel gaar ah ayaa dhammeystirmay 1dii Agoosto 2012 xilligaas ayeyna Dowladii ka baxay kummeelgaarnimadii. Isla markiiba, waxaa bilowday in la hirgeliyo nidaamka federaalka ee dastuurku xeeriyey waxaana dhismay intii lagu gudo jiray muddo xileedkii koowaad (2012 – 2016) ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhammaan Dowlad Goboleedyada hadda jira kuwaas oo ku soo biiray ama xubno ka noqday Dowladda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.1aad (1) iyo Qod.48aad (1) ee Dastuurka KMG ah. Hadaba Dastuurka Federaalka ee kummeelgaarka ah waxa uu abuuray labo heer dowladeed oo kala madaxbannaan, mid kastaana uu leeyahay kaalin qeexan iyo hannaan dowladeed oo uu ku shaqeeyo, waxa uuna u kala qeexay dastuurka kummeelgaarka ahi sida soo socota: Awoodaha U Gaarka Ah Dowlada Federaalka: Xukuumadda Federaalka waxa uu Dastuurka kummeelgaarka ah si gaar ah ugu xilsaaray sida uu xeerinayo Qod.54aad awooda maareynta arrimaha soo socda: 1. Arrimaha Dibadda oo ay Xukuumaddu Federaalku leedahay awooda jaangoynta siyaasada Arrimaha Dibadda ee Dalka, iyada keliya ayaana ku mateleysaa Qaranka fagaareyaasha caalamiga ah iyo kuwa goboleed. 2. Difaaca Qaranka oo ay si gaar ah ugu xilsaaran tahay Xukuumadda Federaalka in ay dhisto Ciidamo Qaran oo suga nabadda, gobonnimada iyo ammaanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo badbaadinta shacabka iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidamada amniga oo ay ku jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, Nabadsugidda, Ciidanka Booliska, iyo Ciidamada Asluubta sida ku qeexan 126aad (1) ee Dastuurka kummeelgaarka ah ah. 3. Jinsiyadda iyo Socdaalka oo awoodda iyo mas’uuliyaddeeda ay si gaar ah u yeelanayso Xukuumadda Federaalka, waxa ayna dejineysaa siyaasada lagu maareynayo dhaqdhaqaaqa iyo aqoonsiga muwaadiniinta iyo ajaanibta iyada oo abuureysa baro cayiman oo laga soo galo Dalka kana hortageysa soo galootiga ku soo galaya Dalka si sharcidarro ah. 4. Siyaasada Lacagta taas oo ay Xukuumadda Federaalka dejineyso siyaasadda guud ee lacagta dalka iyada oo diiradda saaraysa la dagaallanka sicir bararka (qiimo dhaca lacagta) iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha shilin Soomaaliga. Sidoo kale, siyaasadda lacagta waxaa xiriir toos ah la leh kobcinta dhaqaalaha Dalka iyo siyaasadaha lagu horumarinayo maalgashiga iyo waxsoosaarka. Haddaba, intaas waa awoodaha ay Xukuumadda Federaalka sida gaarka ah oo qeexan ay ugu xilsaaran tahay ayna tahay in ay awooddeeda isugu geyso oo ay dhisto hay’ado tayo leh oo ka shaqeeyaa fulinta awoodahaas gaarka ah taas oo u suurtogelineysa in ay xaqiijiso ilaalinta midnimmada & madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Awoodaha U Gaarka Ah Dowlad Goboleedka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay si gaar ah u leeyihiin awoodaha uu siinayo Dastuurka Federaalka iyo Dastuuradooda iyada oo Dastuurka Dowlad Goboleedka la waafajinayo Dastuurka Federaalka si waafaqsan Qod.120aad iyo Qod.121aad. Haddaba, Dowlad Goboleedyada waxay leeyihiin awoodaha ay ugu muhiimsan yihiin: 1. Dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee maamulada dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waana awood u gaar ah dowlad goboleedka waxaana lagu nidaaminayaa si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo 120aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah, wax faragelin ahna kuma laha hay’ad ka mid ah hay’adaha Xukuumada Federaalka sida Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo kuwo kaleba ee Dowlada Federaalka. 2. Ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta iyo dhawrista xasiloonida iyo ammaanka deegaanadooda iyaga oo adeegsanaya ciidamadooda boliiska kaligood ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka sida ku cad 126aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah. 3. Bixinta adeegyada dowladeed ee bulshada sida Caafimaadka & Waxbarashada & adeegyada la xiriira Biyaha, Beeraha, Xannaanada xoolaha, Daaqa iyo deegaanka dabiiciga ah, La dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka, xiriirinta hoggaanka dhaqanka iyo horumarinta xeerdhaqanka Soomaaliyeed, xiriirinta culimada diinta, iyo arrimaha dhallinyarada sida ku cad 52aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah. Sidaas darteed, sida uu kala qeexayo Dastuurka Federaalka kummeelgaarka ah awoodaha labada heer ee nidaamka Federaalka Dalka, ma jiro qodob dastuuri ah ama heshiis siyaasadeed oo u ogolaanaya Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka in ay hagto ama go’aan ku yeelato arrimaha la xiriira soo xulista xubnaha goleyaasha sharcidejinta iyo doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka. Balse, waxaa lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira doorashooyinka goleyaasha sharcidejinta iyo madaxda dowlad goboleedyada sida ku cad nuxurka Qod.120aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah kaas oo awoodahaas si gaar u siiyay Dastuurada Dowlad Goboleedyada, si qeexana ugu ogolaanaya Dowlad Goboleedyada in ay iyagu dhistaan goleyaashooda fulinta iyo xeer dejinta si waafaqsan dastuurada dowlad Goboleedyada ama sida ay ku heshiiyaan bulshada deegaanka. Awoodaha Wada Xaajoodka U Baahan: Dastuurka Federaalka kummeelgaarka ah waxa uu sidoo kale u ogolaanayaa mid kasta oo ka mid ah xukuumaddaha labada heer ee Federaalka in ay yeelato awoodo kale laakiin dhammaan awoodahaas waxay ku xiran yihiin wada xaajood iyo iskaashi dhab ah oo ay wada yeeshaan Madaxda labada heer dowladeed ama maamul. Markaasna waxa uu heer kasta oo dowladeed uu ku khasban yahay in uu aqoonsado awoodaha heerka kale kulana shaqeeyo nuxurka Qod.50 aad iyo Qod.51aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah. Hadaba, Dastuurka kummeelgaarka ah waxa uu si kooban u tilmaamayaa in arrimaha soo socdo ay u baahan yihiin wada xaajoodka labada heer dowladeed: Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah sida ku cad 44aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah. Mabaadii’da guud ee Maaliyadda Dalka si waafaqsan 122aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah. Heshiisyda ku saabsan habka iskaashiga labada heer sida uu tilmaamayo52aad (2) ee Dastuurka Kummeelgaarka ah. Awoodaha siyaasadeed oo ku uu ku jiro dhaqaale qaybsiga sida uu xeerinayo 54aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah. Isla Xisaabtanka Labada Heer Ee Federaalka: Nidaamka Federaalka ah wuxuu ku dhisan yahay mabaadii dhaqangal ka ah dalalka ku dhaqma nidaamka Federaalka waxaana ka mid ah mabda’a ismaamulka madaxabannaan (Dowlad Goboleedka – Self-Rule) iyo mabda’a maamulka la wada leeyahay (Dowladda Federaalka – Shared-Rule). Maadaama labada heer dowladeed ama maamul ay yihiin kuwo garbo siman ah marka laga fiiriyo awoodo iyo mas’uuliyado badan oo aan la kala qeexin, ayuu Dastuurka kummeelgaarka ahi waxa uu siiyey kaalinta isku haynta (Ilaalinta Nidaamka Federaalka) labada heer dowladeed Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga ayaana la xisaabtan ku leh Dowladda Federaalka isaga oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada xaga sharcidejinta iyo korjoogteynta sida ay qeexayaan Qod.61aad (3), Qod.71aad iyo Qod.77aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah kuwaas oo si cad u dhigaya in Aqalka Sare uu matelayo danaha Dowlad Goboleedyada isla markaasna uu kula xisaabtamayo Xukuumadda Federaalka. Gebogebadii, waxa waajib dastuuri ah in Xukuumadda Federaalku iyo Dowlad Goboleedyadu ay si joogto ah u yeeshaan wadashaqeyn iyo iskaashi dhow sida ay xeerinayaan Qod.50aad iyo Qod.51aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah. W/Q: Abshir Maxamed Axmed. AFEEF: Qormadani waa fikrad aniga ii gaar ah kumana metelo Aqalka Sare iyo Guddoonkiisa, waxaan rajeynayaa in Qormadan ay waxtar u yeelan doonto dhammaan inta dooneysa in ay fahmaan awoodaha dastuuriga ah ee ay kala leeyihiin Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeysyada The Nation iyo the East African ee Kenya ayaa sheegay in Itoobiya ay wafdi u kala dirtay Kenya iyo Soomaaliya si xal loogu helo muranka dhul-badeedka u dhexeeya labada dal. Maqaalka wargeyska The Nation ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Soomalida iyo kuwa Kenya uu ka soo xigtay in Abiy Axmed, oo haatan ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, uu shir u qaban doono labada madaxweyne; Uhuru Kenyatta iyo Maxamad Cabdullahi Farmajo, in kastoo aysan weli arrintan xaqiijin labada madaxweyne. Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dowladda Madaxweyne Farmajo ay beenisay inuu wax isbaddel ah ku yimid mowqifkeedii ku aaddanaa dacwadda maxkamadda caddaaladda dunida ee ICJ. Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayuu Wargeyska sheegay inuu ka soo xigtay in Dr Abiy uu in badan isku dayay inuu xalliyo khilaafka labada dhinac, haatanna waxaa ku soo biiray culeysyo arrintan la xiriira oo ka imaanaya Maraykanka iyo Britain. Igad ayaa sheegtay inay ka casbi qabto in muranka badda uu curyaamiyo dagaalka ka dhanka ah argegixisada iyo burcad-badeedda. Itoobiya, oo dano ka leh xeebaha Soomaaliya, isla markaana iskaashi dhanka ammaanka ah kula jirto Kenya, ayay wargeysyadu sheegayan inay ku adkeysanayso in arrintan la xalliyo. Wargeysyada ayaa sheegay in Nairobi aysan caddeyn karin warka sheegaya in Soomaaliya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska badda, iyadoo sheegtay in ilaa haatan aysan helin wax war ah oo rasmi ah oo arrintaasi ku saabsan. “Arrintan waa inaan xaqiijinnaa,” ayuu Wargeyska The Nation ka soo xigtay xog-haya joogtada ah wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Kenya iyo Soomaaliya waxaa labaduba culays lagu saarayaa ayuu wargeyska leeyahay in arrintan lagu xalliyo dibedda maxkamadda. Haddii Dr Abiy uu ku guuleysto dadaalladiisa, waxay u badan tahay, in kiiska dib loo dhigo, iyadoo fursad la siinayo in labada dal ay sameeyaan guddiyo arrinta falanqeeya, ayay wargeysyada sheegeen. Si dib loogu dhiigo kiiska, waxay u baahan tahay in labada dal ay si wada jir ah warqad u qoraan maxkamadda ICJ, oo codsi ay gudbiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay arrinta la xiriirta safarka ay warbaahinta dalalka dariska qoreen ee la xiriira socdaal lagu wado in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu 13-ka bishan ku tagayo magaalada Adis Ababa si uu ula kulmo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jirto dhex-dhexaadin uu wado ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo haatan ah guddoomiyaha IGAD, arrimaha miiska saaran ayaa lagu sheegay in xiriirkii si caadi ah loo soo celiyo iyo in wada hadal lagu dhammeeyo kiiskii badda. Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay Villa Somalia si ay xog fiican uga hesho inuu jiro safarka madaxweynaha iyo arrimahaas oo dhan, laakin mas’uuliyiintii nala hadlay waa ay ka gaabsadeen wax faahfaahin ah, waxaa ay sidoo kale dhex mareen “Haa” iyo “Maya”. Wixii safarkan la xiriira kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hada xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale. Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Midowga Europe Ambassador Martinez, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada. “Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland soo dhoweynta, Wafdiga Midowga Europe ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Europe fulinayo iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo. Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. Halkaan ka daawo shirkooda jaraa’id PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Ergayga Midow-ga Europe ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan, oo maanta ka hadlayay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardeyda dhameystay dugsiyada sare ee deegaanda Puntland, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay fagalin ku heyso waxbarashada Puntland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay siyaasadeysay soo saarista shahaadooyinka ardayda ka qalin jabisay dugsiyada sare sanadkaan, waxaa uuna xusay in arrintaas ay tahay wax nasiib darro ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Arrintaas shahaadada ee federaalka wali wax xal lama gaarin, waana la siyaasadeeyay oo bulshada Puntland waa ay ogtahay, 5000 oo arday oo ku noool Puntland in la siyaasadeeyo shahaadooyinkooda waa wax aad looga xumaado”. Sidoo kale wasiir Cabdullahi ayaa xusay in Puntland marwaliba ay ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan, siyaasad ahaan iyo waliba waxqabad ahaan. “ Waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan, waxqabad iyo siyaasad ahaanba, annagu diyaarbaan u nahay inaan kala shaqeyno wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka wixii ay nooga baahato” Dhankale wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in wada shaqeynta dowladda federaalka ay la leedahay Puntland ay aad u liidato, waxa uuna ugu baaqay in madaxda wasaaradda waxbarashada federaalka iyo kuwa Puntland sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo arrintaan. ”Mushkiladda jirta waxaa weeyaan wax wada shaqeyn ah oo dhankaas nooga imaaneysa majirto, waxaan ugu baaqayaa madaxda federaalka iyo kuwa Puntland waxaan ka codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xaliyo arrintaan” Ugu danbeyn wasiirka Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ardayda u sheegay in shahadada Puntland ay diyaar tahay, waxaa uuna rajo ka muujiyay in sida ugu dhow ay u heli doonaan midda dowladda federaalka isaga oo yiri “waxaan ardayda ugu bishaaraynayaa midda Puntland waa diyaar taasna waxaan rajaynaynaa in ay xalisanto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Dhoob ee ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal beeleed xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland. Dagaalka oo weli socda ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira gurma u imaanaya labada dhinac. llaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu dagaalkana ku soo beegmay xilli ay Somaliland gobolka ku soo rogtay bandow. labada dhinac ayaa isku haya maamulka gobadala Sool iyo Sanaag, waxaana in badan ku soo laab laabtay dagaalo u dhaxeeyo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland. Wararka oo faahfaahsan kala soco, Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
