Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hosted by Edmonton's former poet laureate, Ahmed 'Knowmadic' Ali, Orality features two local nationally recognized poets, Titilope Sonuga and Ian Keteku. Source: Hiiraan Online
  2. Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob. Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland. Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa. Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha kala gaaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
  3. Corruption Day by Transparency International in partnership with Afrobarometer, reveals that more than half of all citizens surveyed in 35 African countries think corruption is getting worse in their country. Fifty-nine per cent of people think their government is doing badly at tackling corruption. Source: Hiiraan Online
  4. NAIROBI -- Senegal has been selected to stage the Basketball Without Borders (BWB) Africa 2019 tournament, which will take place from July 28-31 in Dakar Source: Hiiraan Online
  5. Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, hit back at Fox News host Tucker Carlson on Wednesday, after he claimed she hated the U.S. in a segment the night before. She called the three-minute video an example of "white racist supremacist rhetoric." Source: Hiiraan Online
  6. KAMPALA,-- The Federation of Uganda Football Association (FUFA) on Wednesday appointed Abdallah Mubiru as the caretaker coach of the national team. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada Muqdisho Kaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka. Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah. 1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab. 2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab. Qaraxyada ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho. Sidoo kale waa goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. The Iranians manning their Third Khordad missile battery might have wondered if their system could bring down an American on June 20 when they got orders to fire at a target miles away over the Gulf of Oman. Iran had been watching the drone since it left an air base just after midnight. It was a big target, a sophisticated American drone known as a RQ-4A Global Hawk worth more than $100 million. With a wingspan of 13 meters and weighing 12 tons, it looked more like a private jet than a drone. Source: Hiiraan Online
  9. ISTANBUL (Reuters) - Turkey called on the United States on Wednesday to avoid steps harmful to bilateral relations after the U.S. State Department spokeswoman reiterated Ankara would face “real and negative consequences” for acquiring Russian S-400 defense systems. Source: Hiiraan Online
  10. A taxi driver was the alleged organiser behind a plot to import £500,000 worth of a banned stimulant seized in Belfast, the High Court has heard. Source: Hiiraan Online
  11. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka weecday maqaamkii uu maamulkooda ugu soo dhoweyn lahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo. C/raxmaan Dhabanacad, wasiirka wasaaradda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore ay doonayeen in Ra’iisul wasaaraha usoo dhoweeyaan si hab maamuus ah, balse qorshahaasi uu meesha ka saareen Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa. Wuxuu sheegay wasiirka, in xubno wasiirro ah loogu soo diray Gaalkacyo si ay usoo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha, balse ay dhacday arrin taas ka duwan. Markii ay la hadleen wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayuu tilmaamay in aysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse rabaan oo kaliya iney la hadlaan dad meel isugu yimid. “Waxaan u diyaarinnay waxgaradkii iyo mas’uuliyiinta si uu madaxtooyada ugula hadlo, balse wuxuu la kulmay dhallinyaro diyaarsanaa, waxayna noo sheegeen ineysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse ay rabaan iney dad banaanbaxaya la hadlaan” ayuu yiri wasiirka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gelinkii dambe ee shalay wuxuu u gudbay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu kula hadlay dadweyne badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo safar shaqo ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo uu dalbaday in uu dhanka Puntland u soo gudbo balse la isku fahmi-waayay habkii loo soo dhoweyn lahaa kadib markii Ra’iisul wasaaruhu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay Puntland u diyaarisay uuna sheegay in uu u socdo dhalinyaro loogu sii diyaariyay waqooyiga Gaalkacyo si uu khudbad ugu jeediyo. Mudane Dhabancad ayaa intaasi raaciyay in kulamo kala duwan kadib la isla gartay in Ra’iisul wasaaraha lagu soo dhoweeyo waqooyiga Gaalkacyo islamarkaana loo sameeyay jadwal uu kula kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada waooyiga Gaalkacyo oo ay u horreeyaan isimada Dhaqanka isagoo caddeeyay in taasna uu mar kale baal-maray Ra’iisul wasaaruhu. Dhabancad ayaa raalli-gelin siiyay isimadii iyo madax-dhaqameedkii kale oo uu sheegay in ay sii diyaar-garooben la kulanka Ra’iisul wasaaraha balse uu tix-gelin waayay ixtiraamka ay mudan yihiin. Sidoo kale wuxuu warbaahinta u soo bandhigay jadwalkii loo diyaariyay soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha oo sida ka muuqata ay ku jirto la kulanka isimada ku sugan waqooyiga Gaalkacyo. Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad: Khayre waa nin aysan ka muuqan mas’uuliyad Ra’iisul wasaaranimo appeared first on Puntland Post.
  13. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa ka hadashay socdaalkii shalay uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyre uu ku tagay qaybta waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo isaga oo aan fasax ka qaadan maamulkaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka ayaa waxaa ka dhashay khilaaf iyo kala qeybsanaan Puntland dhexdeeda ah kadib markii madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo. So kastaba, Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni. Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland ayaa ku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen. “hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay. Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre. Si kastaba, xafiiska Kheyre ayaa laga soo xigtay inaysan jirin hab maamuus uu dhinac maray ra’iisul wasaaraha balse waxa la isku hayo ay tahay in Kheyre uu buriyey diidmadii Deni ee ahaa inuu Gaalkacyo booqdo isaga oo si hoose ula xiriiray saraakiil ciidan. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, koox hubeysan ayaa xalay halkaasi ku dilay labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka. Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo. Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay, mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay. Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka labadan wiil ayaa sheegtay inay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Soomaaliya. War lagu baahiyey idaacadda Andulus ee Al-Shabaab, ayaa kooxdan waxay magacyada labada wiil ku kala sheegtay Ismaaciil Bootaan Kheyre iyo Cabdi Jareer. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay labaduba ka tirsanaayeen Nabad sugidda qeybta dharcadda ee aan ku labisneed dharka ay caanka ku yihiin ciidamada dowladda, balse ma jirto cid xaqiijin karta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay odayaal iyo waxgarad ka socda Beesha Direed kuwaas oo cabasho ka ah dilal ay Ciidamada dowladda Soomaaliya u geesteen dad Shacab ah oo beeshaasi ka tirsan. Dilkii ugu dambeeyay ee loo geesto qof ka soo jeeda Beesha Direed ayaa waxa uu ahaa Allah ha u naxariistee wiil dhalinyaro ah oo maalmo ka hor Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay magaalada Muqdisho kadib markii ay biyo gaarsiisay Mooto Bajaaj uu wade ka ahaa. Marxuumka la dilay ee Bajaajlaha ahaa ayaa la dhashay mid kamid ah Ilaalada Gaar-ka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo fududeeyay in Madaxweynaha ay la kulmaan dadka uu ka soo jeedo walaalkiis oo si bareer ah loo dilay. “Mudane Madaxweyne tan iyo markii aad xilka qabatay Ciidamada Dowladda magaalada Muqdisho oo kaliya waxay nooga dileen 9 qof, midna cadaalad ma helin sababta ayaa u baahanahay” ayuu yiri mid kamid ah dhaqanka Beesha Direed oo kamid ahaa dadkii Madaxweynaha la kulmay, sida ay noo sheegeen xubno joogay kulanka “Maanta waxaan kuugu nimid inaa helno dadkii ka dambeeyay dilka 9 qof oo beesha ah ama inaa annaga raadsano oo aad berri mas’uul ka noqotid wixii dhaco” ayuu lagu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday odayaashii Beesha Direed ee kulanka la qaatay in la siiyo muddo kooban si uu kulan ula qaato saraakiisha amaanka oo arintaan gacanta ku haaya. Inta badan dilalka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa jirin wax tilaabo ah oo laga qaado waxaana jira walaac ay qabaan qaar kamid ah dadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/BAr___Qubanaha-10072019-OK.mp3 View the full article
  17. Jarra Teklay Yohannes had had just settled down on the floor of his office in Awoday – a small, carpeted room with belongings scattered around - when a young boy popped his head round the metal door. "Someone is missing at their post," he said. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii uu bilowday iska hor imaadka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somaliland kaasoo ka dhacay Gobolka Sanaag waxaa isisoo tarayey Ciidamada, Ugaasyada iyo madaxda kasoo goosanayey Maamulka Somaliland kuwaas oo kusoo biirayey Puntland. Waxaa socdo loolan adag oo ku aadan sidii loo kala jiidan lahaa Garaadada Beelaha halkaas daga si uu maamul kasta ugu awood bato Gobolkaas. Waxaa socdo olole culus oo ay wado Somaliland kaasoo ay ku dooneyso inay ku abuurto odayaal dhaqameedyo cusub si loo carqaladeeyo odayaashii soo jireenka ahaa, waxaana howsha inteed badan wado ganacsato taageersan shirkado ka howlgala Puntland oo laga leeyahay maamulkaas. Arrintaan ayaa waxaa looga gol leeyahay sidii loo kala furfuri lahaa beelaha Sanaag ee ay ku dheertahay qadiyada Puntland sida Garaad C/llaahi Cali Ciid. Odayaal dhaqameedyo ka tirsan deegaanka Sanaag ayaa ku eedeenaya Cali Maxamuud Xasan (Cali laangare) oo madax ka ah xarun shirkadeed oo caan ah inuu qaban qaabinayo caleemo saar ka dhici rabo Miyiga Xiingalool, si loo badalo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo isagu aaminsan in Sanaag ay kamid tahay Puntland. Garaadka cusub ee la doonayo in halkaas lagu caleemo saar ayaa la sheegay inay wadato Somaliland oo iyadana ku adkeesaneyso in Gobolka Sanaag kamid yahay deegaanada Somaliland. Isinka lagu caleemo saari rabo Miyiga Xiingalool ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Jaamac Qaroof oo ahna nin caan ka ah magaalada Boosaaso. Waxay kale oo odayaasha qaarkood ku eedeenayaan suldaanka cusub in Somaliland u wakiilan doonto hubaynta kooxaha nabad diidka ah iyo khalkhal abuurid ka shaqayn doono isaga oo shaatiga isinnimada ka faa’iidaysanaya.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday oo maalmahanba ku sugnaa Galmudug ayaa galabta tagay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan Puntland, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay, balse dhanka kale dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni. Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland aya aku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay. Khayre oo la hadlayay kumannaan qof oo ku soo dhoweeyay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka aan la kala dhex geli karin, hadalkaas oo u muqday farriin ku socotay Madaxweyne Deni. Maamulka Puntaland ee Gaalkacyo oo shir jaraa’id qabtay caawa ayaa sheegay in Ra’iisul Wsaaaruhu uu baal maray hab-maamuuskii ay ugu talagaleen, kadib markii uu dib ugu soo laabtay caawa Koofurta Gaalkacyo. Hadalka kasoo yeeray maamulka Gaalkacyo oo ku xiran madaxweyne Deni ayaa loo arkay mid si dadban loogu sheegayey in Kheyre uu magaalada iska soo galay iyada oo madaxweyne Deni uu arrintan diidanaa. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  20. Wararka caawa laga helayo xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa, ayaa sheegaya koox hubeysan ay halkaasi ku dileen labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka. Ismaaciil iyo Maxamed, oo ah labada marxuun ayaa waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo. Lama oga sababta dilka, Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, ka hor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux ee la dilay. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Gaalkacyo (SMN) – Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada. Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug. “Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan karin. Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada. “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, Ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. View the full article
  22. Ciidamada amaanka ayaa caawa magaalada Burco si buuxda gacanta ugu haya kadib markii maanta kowdii duhurnimo uu magaalada ka bilaabmay mudaharaad balaadhan oo lagu diidanaa colaada ka soo cusboonaatay deegaanka Ceelafweyn. Waxa maanta magaalada ka dhacay intii uu mudaharaadku socday boob loo gaystay dukaanada magaalada qaarkood iyo meherado ganacsi, waxa sidoo kale la jajabiyay baabuur xoogaaa ah, waxana ay dadkii mudaharaadaayay oo dhalinyaro u badnaa ay gubayeen taayiro iyaga oo ciidanka booliskana shiidaayay. Mudaharaadkani oo caawa makhribkii istaagay waxa uu wariyaha qarannews, xagaasi uga soo waramayaa uu sheegayaa in laba qof ay ku dhaawacmeen xagaasi, mana jirtto cid ku dhimatay mudaharaadkaasi maanta. Maamulka gobolka ayaa iyaguna gabi ahaanba beeniyay in magaalada ay wax mudaharaad ahi ay ka dhaceen. Waxana dadka la gudboon in ay is dajiyaan oo aan sharciga gacanta lagu qaadan, laguna dhaqmo dastuurka iyo kala danbayta dalka u taala. Qaran News
  23. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka. Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka. Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta. Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya. Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa laba ruux ku dishay xaafadda suuqa xoolaha, degmadda Heliwaa ee magaaladda Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa shaaca ka qaadey in labadda qof lagu dhex-toogtey goob ay ku sugnaayeen oo ah Stuudiyo. Mid kamid ah labada shaqsi ee la khaarijiyey oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa la sheegay in uu lahaa mehradaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ee falka geystay ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamadda ammaanka ayaa durba tegay halkaasi, iyaga oo sameeyay howlgalo aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqabtey. Ma jirto sidoo kale koox dusha saaratay mas’uuliyadda dilkan oo aysan sidoo kale laamaha amniga weli wax war ah aysan kasoo saarin. View the full article