-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waraaq wareegto ah oo ku saabsan wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxayna Xubnaha guddiga ka kooban yihiin lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa guddiga looga dhigay Guddoomiye Xubnaha guddiga uu magacaabay Madaxweynaha ayaa kala ah 1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil 2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) 3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) 4- Dr Cali Siciid Fiqi 5-S/G: Axmed Jaamac Muuse 6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Musuq Maasuq Dul Hoganaya Wasaaradda Waxbarashada Somalialand+ Hanti Dhawrka Oo Galalafay Iyo Arimo Xasaasiya Oo La Ogaaday Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan. Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Wargeyska Foore heshay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda. Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay. Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda. Wararka uu Foore ka helnay wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda. Warar Dambe La Soco. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug. Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Idaacadda Goobjoog , in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh. Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug. “Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo” Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Xasuuqan waxaynu odhan karnaa waxaa loo fuliyay si ula kac ah, maadaama ay dawladdii Soomaaliya ku beegtay sannad ka dib markii ay bilowday burburinta magaalada Hargeysa oo ahayd 17.7.1988. Hoos ka akhriso sidii ay maalintaas wax u dhaceen oo uu ka waramaayo Cumar Muuse, iyo waliba magacyada shuhadadaas reer Somaliland ee lagu xasuuqay xeebta jasiira. “Waxay ahayd 17-kii July ee 1989-dii, markii ay guriga noogu soo galeen shan Askari anaga oo hurudna ilaa Kowdii Habeenimo, waxaanay nagu khasbeen Askartaasi inaanu Guriga Alba abkiisa ka furno, waxaana ka furay Albaabka nin la odhanjiay C/risaaq Caydiid, gurigii ayey soo ga leen, markaa anigu waxaan galay meel Xamaam ahayd oo Alaab guriga lagu rinjiyeynayey ay yaale en, waxaanay baadheen Gurigii oo dadkii ayey wada kiciyeen, markaas ayaan is idhi bal eeg waxa ay nimankani samaynayaan, markaas ayaan Lugta ku dhuftay Daasad meesha taalay, markii ay sh anqadhii maqleena waxay igu yidhaahdeen dibedda u soo bax, dibedda ayaan u soo baxay oo dha maantayo intayadii guriga joogtay waxay isugu kaaya keeneen Guriga Daaradiisa, markaa waxaan u Guriga ku joognay Shan Nin iyo Afar Dumar ah, waxa nagu jiray Ilmo yar iyo Oday weyn, Odaygii waxay yidhaahdeen inaga daaya ma socon karayee Dumarka ha u wehel yeelee, waxaanay na gee yeen meel aan Guriga waxba ka fogeyn oo ay dad badan ku ururiyeen, dadkaasina waxay u fadhiy een layn layn oo waxa ku jiray dad Feedho qaawan oo ay ku wareegsan yihiin Askar badani, waxaa iyaguna meesha taagnaa laba gaadhi oo midi yahay kuwa xamuulka ee ciidamada iyo mid yar oo nooca barawnka loo yaqaano ah oo uu Qori saaran yahay. Askarta qaarkood waxay dadka ka soo ururinayeen Xaafadaha oo ay ka keenayeen, markaa Ask artu dadka way laynayaan oo Laag ayey la dhacayaan, dadka meesha la isugu keenayna waxay madaxa kula jiraan Labada Jilib dhexdooda, anagana sidii oo kale ayey noo fadhiisiyeen, markaas ayuu Taliyihii ku yidhi Askartii waa imisa, waxa uu ku yidhi waa 57 Taliye, saara gaadhiga ayuu ku yidhi, Gaadhigii ayaa nala saaray oo dhinaca Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey noola dhaq aaqeen. markii uu Magaaladii ka baxay ayuu Gaadhigii wadadii ka baydhay oo uu maray meel Raf ah, dadka gaadhiga saaran markaa waxaan fadhiyin Ilmo yar oo gacan ka jaban oo aan ku qiyaas ay da’diisa ilaa 17-jir, waxaa markaa i ag fadhiya Oday weyn oo ilaa 80-jir ah, waxa uu igu yidhi odaygii waxaan u malaynayaa in la ina laynayo, waxa markaa ooyey Wiilkii yaraa, waxa nala geeyey meel Badda Xeeligeeda ah oo Baabuurtii ayaa nalaga soo rogay, waxay noo kexeeyeen Koox Koox oo waxay na fuushiiyeen meel Buur ah, markaa waxay anaga na maqashiinayaan waar Jeelka Alb aabada u fura si aanaan uga yaacin, anigu waxaan ka mid ahaa Shantii ugu dambeeyey ee la soo dhaqaajiyey hadana Buurtii ayey dhinaca kale nooga daadejiyeen oo meel Dix ah ayey na geeyeen, waxay noo qaybiyeen kooxo Shan shan ah, markaas ayey noo cadaatay in nala laynayo. Laakiin wax aanu sa mayn karnaa ma jirto, Askarta na wada iyo anagu waanu is leegnahay tiro ahaan, Askartii ayaa nalagu xeeray iyaga oo Qoryahooda la diyaar ah, kii hogaamiyaha ahaa ayaa ku yidhi Taliyihii Tali ye way soo dhamaadeen, markaas ayuu ku yidhi dee Xabadda ku fura maxaad sugaysaan. sidii ay aanay Xabadii noogu fureen, Qof walibana Qaylo ayuu bilaabay, markii ay Rasaastii in badan soco tay ee ay dadkii Qaylinayey wada Aamuseen ayey joojiyeen oo ay Qofka sii dhaqdhaqaaqaya ayey tooganayeen, markaa aniga (Cumar Muuse Mire) dhabarka ayey igaga dhacday oo way i jiidhays ay oo imay dhex galin. Markaa Askartii ayaa soo dhex galay maydadkii oo midba mid ayuu jiiday oo ka ay ka dareemaan inuu sii nool yahay ayey Xabad ku dhufanayeen, markaas ayuu ku yidhi kii hogaaminayey Ciida ku roga aniga oo maqlaya, markaas ayuu Askari lugta igu dhegey aniga oo gariiraya naxdintii, waxa uu ku yidhi Taliye kani wuu nool yahay oo aniga Rasaastii ayaa iga dhamaataye ila eeg, waxa uu ku yidhi waar mayd baanad arage wuu dubaaxinayaaye ma noola, markaa meel yara kala dheer ayey ahayd meesha aan ku dhacay oo ciidii ayuu igu rogay, markaa dhinac ayaan ka neefsanayaa, waxa an Xidhnaa Macawis iyo Garan aan ku soo toosay oo garankii Xabadii ayaa googoysay, waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay Dhiigii iyo wixii igu masaxmay, markaa xaga Magaalada Muqdisho ayaan u soo cararay, oo markaa ilaa 30-km ii jirtay, ilaa lixdii ayaan ka imid meeshii oo Magaaladana waxaan imid 12-kii maalinimo ayaan soo galay gurigii la iga qaaday habeni madii, waxaa la igu yidhi waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaadaye, waxaan ku idhi aniga ayuunbaa ka nool dadkii waa la laayey, markaa dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay ka dib anigu waan ka baxsaday oo yaan lagugu arkin ayaan is idhi, waxaan tagay Hudheel Cagaaran la odhan jiray ayaan tagey, Inan aanu is garanayno ayaan halkaas ka helay oo la odhan jiray Cabdi Khaalif Dhaga-weel, waxa uu igu yidhi waar waa la idin xidh xidhaybaa la yidh iye miyaa la idin soo daayey, waar maye aniga ayaa dadkii ka nool baan ku idhi oo waxaa lagu laayey Xeebta Jazeera, waxa uu i geeyey Guri oo Nabarkiina waxa uu iga maryey Dawo, markaas ayaa la isla hadlay, ka dibna waxa gurigii yimid nin la yidhaahdo Maxamed Geedi Shagaxle ALLA ha u naxariistee, markaa waa la i waraystay wixii dhacayna waan u sheegay, markii uu gurigii ku noq dayna waxa soo raacay nin Sarkaal ahaa halkii ayeyna iigu yimaadeen, markaa waxaa la socday rag aan garanayo, aniga oo yara seexday ayaan ku toosay nin Askari ah oo i dul taagan, waxaa nuu igu yidhi ma adigaa ka soo hadhay dad la laayey, waxaan ku idhi haayoo aniga ayaa ka soo hadhay, waxa uu igu yidhi haddii ay been tahay waxa aad sheegaysaa Baaskooladaas ayaan shan laabta kaaga dhufanayaa, ina mari ayuu igu yidhi oo Gaadhi Lankuruusel ah ayaanu raacnay anaga oo ilaa todoba ah, meeshii maydka ayaan geeyey oo dib ayaanu u soo noqonay manaanaan wada hadlin, markii aanu ku soo dhowaanay Isteeshinkii Batroolka ayuu igu yidhi Siyaad Barre ayeynu u tegeynaa oo aynu ku odhanaynaa maxaa dakan loo laayey, markaa nin Baylood ahaa oo la odhan jitay Axmed Maxamuud ,oo nala socday ayaa ku yidhi waar u tagi mayno, hadii aynu cid u tageyno waxaynu u tageynaa ina Saleeban Dafle oo haddii kale inagana waa la ina laynayaa, sidii ayaan ku raacay oo waxaanu u tagnay Ina Saleebaan Dafle, waxaa markaa ugu tagnay halkaas niman bada n oo Saraakiil ah oo xataa uu Siyaad Barre ku jiray, ka dib anigu waan cararay oo Gurigii ayaan dib ugu noqday, waxay ku yidhaahden waa maxay dadka 56-ka Qof ah ee Xeebta Jasiira lagu laayey, ee uu Qofka kali ahi ka baxay ee aanu wadnaa, waxay ku yidhaahdeen soo galiya aanu aragnee, markaa dibedda ayaa la iga daydayey oo waa la i waayey, waxaa la igaga daba yimid Gurigii, waxa la igu celiyey Madaxtooyadii Somalia, waxa la yidhi, wax ha laga qoro oo sidii ay wax u dheceen h alaga qoro, waxa la ii geeyey nin dambi baadhe ah oo aan muddo la joogay markii dambena waan iskaga baxsaday oo Balli-Gubadle ayaan imid, halkaas ayey Radio Halgan igu waraysatay, kadibna waxaan la xidhiidhay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International”. magacyada dadkii la xasuuqay 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qaran News
-
The killing of Mahad Abdullah Nur, the soft-spoken business executive, has robbed one of the successful business empires in Dar es Salaam city of its brightest minds. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo. mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha. Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon
-
Balcad (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari rakaab ah oo xalay lagu rasaaseeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa la sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu marayey deegaanka Xaanshooley ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu si xawli ah ku dhaafay bar koontarool, halka kuwa kale ay ku warramayaan in raggaasi ay aheeyeen Burcad dooneysay inay dhacaan rakaabka saarnaa gaarigaasi. Sida la sheegay darawalka ayaa ka biyo diiday inuu istaago, iyadoona ay rasaas xoogan ku fureen kooxahaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay illaa afar qof, iyadoona ay ku dhaawacameen labo kale, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey. Weli ma jirto cid ka hadashay dhacdadaasi, balse waxaa haatan dadkii ku dhaawacmay falkaasi lagu dabiibayaa xarumo ku yaalla degmada Balacad ee Shabeelaha Dhexe. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed khasaaro geystay oo saaka ka dhacay deegaanka Caliyaale ee isla gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wxaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 2 Qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo shirarka aan ogolaanshaha ka haysan maamulkiisa ee lagu qabto gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Mudug in ay joojiyaan wixii shirar ah oo aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Mudug. “waxaa la farayaa dhammaan guddoomiyeyaasha Degmooyinka inaan hoteellada magaalooyinka lagu qabankarin wax shir ayadoon ogolaansho laga haysan maamulka gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka. Go’aankan ayaa la qaatay kadib markii la arkay baahida loo qabo sugidda amniga gobolka iyo ilaalinta sharciga si looga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dowliga ah sida qoraalka ku cad. “Ayadoo laga duulayo baanhida loo qabo sugidda nabadgelyada gboolka, iyo fulinta sharciga, waxaa lagama maar maan ah in laga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dawliga ah” ayuu sii raaciyay. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland: Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay shirarka aan ogolaanshaha ka haysan gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha. Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka. View the full article
-
Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya uu soo qabtay askar la sheegay inay dhaceen Qaad, kadibna ay ku gacan seereen ciidamo kale, taas oo sababtay inay wada dagaalamaan ciidamadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaaalkan ku dhintay illaa labo Askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaalkii soo qabtay ciidamada dhaca geystay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale warar kuala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Labar Lixdan iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi. Al-Shabaab oo dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 5 ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidnaka dowladda oo la xariira qaraxaasi. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle. Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
A delegation led by the United Nations special representatives for Somalia and the head of United Nations assistance mission in the country, James Swan has reached the city of Jowhar, the administrative capital of Hirshabelle state of Somalia. Ambassador Swan and his delegation are expected to hold talks with Hirsballe state officials led by a regional leader, Mohamed Abdi Ware. The United Nations Secretary-General António Guterres special representatives paid a similar visit to Garowe and Kismayo where he held talks with regional leaders on various topics including upcoming elections in Jubaland and stability in Puntland. Former US ambassador to Djibouti and Congo was appointed by Antonio Guterres as his representatives to Somalia on May this year after Mogadishu dismissed former South African diplomat, Nicholas Haysom on persona non-gratta accusing him of interfering in domestic affairs. View the full article
-
Jubaland state forces were reported to have detained a leading Somali traditional elder in the coastal city of Kismayo, the regional capital of Lower Jubba on Wednesday. Suldan Mohamed Osman Yusuf known as [Kuyow] was arrested at the city’s police station with no charges, according to local residents, who spoke to Radio Shabelle over the phone. President Ahmed Madobe has been blamed for being behind the detention of the famous clan chief in order to replace him with another elder for picking the next lawmakers. The arrest of the elder comes as Jubaland is set to hold parliamentary and presidential elections next month despite accusations of irregularities committing by current leadership. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-17072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii watay gaariga ee ku qarxiyey albaabka Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo, kaasoo furay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu dilay dadka badan. Wareysi caadiyan Alshabaab ka qaado dadka is-miidaamiyeyaasha ah ayaa laga sii daayey Idaacadda Alshabab ee Andalus, wuxuuna ninkan oo ka mid ahaa is-qarxiyeyaasha diayarsan ee Alshabaab ka hadlay taariikhdiisa iyo halka uu kasoo jeedo. Is-miidaamiyahan waxaa lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamed Deeq Cali oo loo yiqiin (Muscab Fadhi Koow), wuxuuna kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada WARDEY oo dega gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay inuu Alshabaab ku biiray isagoo yar oo aan qaan gaarin. Waxaa kaloo la sheegay in wiilkan aabihii Maxamed Deeq uu ka mid yahay Alshabaab, isagoo falka uu sameeyay u arka mid uu Alle ugu dhowaanayo oo uu janno ku helayo. Shalay ayey ahayd markii ay Alsahbaab shaacisay hoggaamiyihii weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo oo iska kasoo jeeday Beesha Eelaay ee degta Gobollada Bay iyo Bakool. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo ah tababraha kooxda Dekedda horayna usoo noqday ciyaaryahan heer koox ilaa heer qaran ayaa guul waaweyn ka gaaray dhinaca kubbadda cagta,Yuu waqtigiisa macallinimo waxa uu ku guulaystay shan jeer oo horyaalka Soomaaliya iyo 2 jeer oo Somali Super Cup,isagoo u kala qaaday kooxaha kala ah Elman iyo Dekedda,inkastoo Dekedda u qaaday saddex sano oo xariir ah sanadihii 2016-2019 Cabdullahi Bashiir Kuwaataro oo ah xoghayaha naadiga Dekedda ayaa si weyn u amaanay macallin Yuusuf Cali Nuur,isagoo ku tilmaamay in uu ka shaqeeyo wadajir kooxeed iyo in saaxiib la yahay hanashada koobabka. Qof kasta oo ku jira shaqooyinka caadiga ee ay qabtaan aadanaha waxa uu lee yahay qof uu ku daysado ama afka qalaad lagu dhaho (Role model),balse tababare Yuu ayaa Goobjoog u sheegay waagii uu ciyaaryahanka ahaa in iminka uu yahay macalin in ku daysan jiray kubbadda iyo falsada macallinka reer France Zidane. Taageerayaasha kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa inta aan loo magacaabin Yuusuf Cali Nuur xilka tababarnimo ee kooxdooda sanadii 2016 aad ugu mahad celiyay maamulkooda sababtan waxa ay ku sheegeen in ay heleen tababare qibrad wanaagsan saaxiibna la ah hanashada koobabka dalka. Gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa ay macallin Yuu-Cali ku tilmaameen tababare aad u dagan oo badanaa aan ka qaylinin ciyaartooyda kooxdiisa,balse isaga ayaa markale waxa uu Goobjoog u sheegay in uu arintaas ay iskag mid yihiin macallinka kooxda Real Madrid Zinedine Yazid Zidane. Mahad Maxamed Xaaji waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanada ay saaxiibada dhaw yihiin tababare Yuu-Cali waxa Goobjoog ugu waramay Yuu in uu yahay qof ay kaga go’antahay in horomarka ka sameeyo kooxda uu hogaaminayo,isagoo Dekedda saddex jeer farta ka saaray horyaalka Somalia Premier League 2016-2019. Ka dib markii ay kooxda Dekedda ku guulaystay saddex jeer oo xariir ah hanashada horyaalka Soomaliya,sidoo kalane kaalin wanaagsan ay kasoo gashay tartamadii ay ka qeybgashay gudaha waxaa baraha bulshada iyo guud ahaan gobolada dalka ay ku yeelatay taageerayaal xoogan,iyagoo si weyn u amaanay shaqadii ay qabteen Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan,Inkastoo Sheekadan Aan Diyaarinay Inta Aysan Dekedda Qaadan Horyaalkeedii 3-aad ee Somalia Premier League W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
A witness says at least one civilian was wounded when a bomb fitted into a vehicle detonated in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday morning. The explosion occurred outside Waberi police station along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital, the scene of frequent car bombings by the Al-Qaeda-linked Al-Shabab group. There was no immediate claim of responsibility for the attack which comes as police set up additional checkpoints in the seaside city to enforce the security. The UN-backed Somali government is facing security challenges as it is battling Al-Shabab militants with the help of African Union forces [AMISOM] for a decade. View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has honored selected members of the police force for their excellent public service in a colorful event held in the capital, Mogadishu on Tuesday. The officers mainly from the police stations in Banadir administration were decorated with various ranks in the occasion attended by the senior government officials led the Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Gulled. The commander of the Banadir police department, Sadaq Mahamed Omar was promoted to brigadier general while his deputy, Mohamud Abdikadir hajji was accorded, colonel. Speaking during the ceremony the Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Gulled said the decorated officers played a key part in securing the city from terror attacks. The Somali police chief, General Bashir Abdi Mohamed confirmed that more than 500 officers will be promoted to various ranks in the police force within this year. On his part, the Mayor of the Mogadishu who also doubles up as the governor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman praised the force for their sleepless night to maintain order saying their hard work will be recognized by the government. The Somali police force which is recuperating from effects of the civil strife in the country is undergoing rigorous reforms to improve its services. View the full article
-
Xiriika kubadda cagta dalka ayaa da’daal iyo juhdi ku bixinaya dhisidda horomarka kooxaha iyo ciyaartooyda xulka qaranka ee wadamada dibada ugu qeybgalaya tartamada heer naadi iyo heer qaran si shacabka Soomaaliyeed loogu soo hooyo natiijooyin aad u wanaagsan oo guul iyo horomar u ah Soomaaliya. Mudo dheer ka dib Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku guulaystay in laga qeyb galo tartamadda Caf Champain League,Arab League,Caf Confederation iyo Cecafa Kigama Cup 2019. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa Goobjoog u sheegay in ay arinta ay ku timid da’daalka ay bixiyeen madaxda xiriirka kubbadda cagta. Kooxda kubbadda cagta Dekedda oo sanadkii 3-aad oo xariir ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier League ayaa sanadkan ka qeybagalsa ciyaaraha Caf Champian League guddoomiyaha naadiga Dekedda Cabdullahi Faarax Cusmaan oo tartamada dibada ka qeybgalay,isagoo ciyaaryahan ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay kooxdiisa ka maamul ahaan ay arinta kaga mahad celinayaan madaxda X.K.Cagta wadanka. Naadiga ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa aheyd kooxdii ugu horeesay sanada 2019 ka qeybgasha ciyaaraha dibada waxaana ciyaartooyda Heegan ay ka qeybgaleen tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Abuukar Islaw Xasan oo ah guddoomiyaha warbaahinta X.K.Cagta ayaa bogaadinaya dhallinyarada ka qeybgalaysa tartamada dibadda,isagoo shacabka kula dardaarmay in ay taageeraan kooxaha iyo xulalalka aadayda ciyaaraha jaamacada carabta iyo kuwa qaarada Afrika. Geesta kale kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa iyagana qeyb ka ah tartanka Caf Confederation waxayna u noqaysaa markii 1-aad ay magaca caasimada ku mataalan Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa taageerayaasha kooxdiisa u balanqaaday in ay u soo hooydoonaan natiijooyin ay ku farxaan jamaahiirta naadiga caasimada. Xidigaha Kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed oo iyagana sanadkan kaalinta 2aad ku dhameestay horyaalka Somalia Premier Leaague ayaa aadaya ciyaaraha jaamacada carabta waxaana Horseed ay u noqonaysaa in ay dib ugu soo laabtaan saaxada ciyaaraha Afrika iyo carabta. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa naadiyada ka qeybgalaya tartamada kala duwan ee dibada kula dardaarmay in aysan is dhigin oo ay ilaaliyan sharafta Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxaha Ka Qeyb galaya Tarmada Dibada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kooxo hubeysan oo shacab ku laayey gobolka Shabeelaha Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad rayid ah uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Dadkan oo la socday gaari rakaab ah ayaa la rasaaseeyey, xilli ay marayeen tuulada Xaanshooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sida ay wararku sheegayaan dhacdadan aya timid, kadib markii Darawalka uu ka biyo diiday inuu istaago, taas oo sababtay in rasaas lagu furo gaarigaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay falkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay ayaa kala ahaa 2 Qof oo dumar ah iyo 2 rag ah, kuwaas oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkan ay ahaayeen Burcad dooneysay inay dhacaan dadkaasi. Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo la xariira dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah. 13-kii bishan ayey aheyd markii nawaaxiga degmada Cadale ee isla gobolkan lagu rasaaseeyey gaari ay la socdeen shacab, laguna dilay ku dhawaad 5 qof. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
