Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Todobaadkii dhowaa yabaq ayaa ka soo yeeray heshiiskii amniga ee ka dhexeeyay Ahlu-Suna iyo Dowladda Dhexe. Bishii July 2, 2019 Dowladda Federalka Soomaaliyeed (DFS) ayaa si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii Ahlu-Suna ee gobollada dhexe. Isla maalintaas, qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay taageeradii la siin jiray Soomaaliya. Maraykanka waxuu gargaar raashin iyo shidaal siin jirtay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), taas oo la joojiyay December 2017, kadib markii hoggaanada – maaliyadda, saadka iyo ciidanka ay ku fashilmayn xisaab celin macquul ah, (Reuters – Dec. 14, 2017). Tallabada Maraykanka waxay muujisay kalsoonida ay deeq bixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka, ee ka dhashay hirgelinta dib u habeynta iyo diiwaan gelinta lagu xaqiijiyay tirada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Dowladda Federalka iyo madaxda Ahlu-Suna ayaa ku heshiiyey in caasimadda Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliyeed ay ka dhacdo doorashada, isla markaasna ciidamada deeganka iyo kuwa federalka ay si wadajir ah u sugaan amniga xilliga shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorashada. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka asagoo aan waqti ka lumin, ayuu howlgeliyay Guddiga Isku-dhafka Ciidamada, si loo billaabo hab-raaca diiwan gelinta askarta. Hase yeeshee, war wuxuu ka dhashay habka diiwaan gelinta saraakiisha Ahlu-Suna. Sida muuqata, Dowladda Federalka waxaa u qorsheysan in dhammaan saraakiish maliishiyaadka (Ahlu-Suna iyo maamul-goboleedyadaba) dib-u-qiimeyn lagu sameeyo inta aan loo aqoonsan darajooyinkooda. Badanaa saraakiishaas, waxaa darajo lagu siiyay ayagoo aan soo marin kuliyad leyli sargaal amase mid hoggaan. Taas waxay khasbaysaa “in dib loo qiimeyo aqoontooda guud, xirfadooda ciidanimo iyo hoggaankooda maamul” ayuu yiri sargaal hore ciidamada uga tirsanaan jiray. Hadafkaas, ayaa dib u dhac ku riday diiwaan gelintii saraakiisha Ahlu Suna, waana arrinta saldhiga u ah gadoodka iyo yabaqa ka soo yeeray Dhuusamareeb. Inkastoo tabta ay u dhaqmeen ay la mid tahay tii taliyeyaashii ku naaxay xuquuqda “askarta cirfiidka,” haddana, kuwa Ahlu-Suna waxay filayeen inay ku badbaadsan doonaan darajoyinkooda. Tan iyo bishii Maarso 2019, ciidamada Soomaaliyeed waxay mushaarkooda u helayeen si joogta ah oo aan kala go’ lahayn, walow laysku dayay in la carqaladeeyo nidaamka diiwan gelinta iyo dib u habeynta mushaar-u-dirida askarta. Tira koobkii ciidamada XDS ee wajigii 1aad, wuxuu xaqiijiyay in tirada rasmiga ahee Ciidanku tahay 16,000 (Lix & toban kun) oo askari. Halkaas, waxaa laga helay in ciidamadii u diiwan gashnaa dowladda ay seddax meelood meel ahaayen askar aan jirin (askar cirfiid). Labadii sanadood ee ugu dambeysay, ciidamadda XDS waxaa laga lunsaday lacagdhan 28,080,000 doolar oo iskugu jirta mushaar, guno iyo raashin, haddana ilaa iyo hadda lama hayo cid loo horgeyay maxkamad (Jamhuriyadda – March 27, 2019). Caqabadahaas iyo kuwa la mid ah ayaa maanta ka taagan wajiga 2aad, oo ah diiwaan gelinta maliishiyada maamul-goboleedyada iyo jameecooyinka diinta. Waxaase cajiib leh, in dowladda ay dardargelisay mushaarka ciidamadii Ahlu-Suna ee dhawaanta la diiwaan geliyay, kuwaas oo si lama filaan ah loogu soo shubay xisaabaadkooda bangiyada. Tallaabadaas, waxay wax weyn ka bedeshay: (1) Gorgortanka hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Ahlu-Suna kula jireen dowladda; (2) Jeebka qoysaska askarta la qarameyay, dhaqaalaha suuqa iyo ganacsatada Dhuusamareeb; (3) Ishortaagii dib-u-dhiska hay’addaha dowladnimada – gobolka iyo qarankaba. Sideedaba, isbedel ma aha wax sahlan, haddana waxaa muuqata in dunida ay ku ammaanayso ka gorgortan la’aanta Dowladda Federalka Soomaaliyeed dib-u-habaynta ciidamada. Maqaal lagu daabacay wakaalada warfaafinta Fransiiska ayaa qiray, in Soomaaliya ayadoo go’doosan ay u dhaqaaqday dib-u-habeyn ciidankeeda, mushaarkoodana si joogta ah loo siiyo (AFP News – July 26, 2019). Sir ma aha, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’addaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta, ciidamadana kama hufneen arrintaas. Tallaabada tan xigtaa, ee Dowladda Federalka laga sugayo ayaa ah diiwaan gelinta ciidamada maamul-goboleedyada haatan mushaar looga qaato dowladda dhexe, si loo xaqiijiyo tiradooda loona soo afjaro hanjabaadaha iyo marmarsiiyada hoggaamiyeyaasha miliishiyadda iyo madaxda maamul-goboleedyada. W/Q: Cabdulqadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay. Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay. Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga Soomaaliya. Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow, oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug isaga laga soo doortay. Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay. View the full article
  3. The mayor of Somalia's capital Mogadishu has died of wounds sustained in a suicide attack inside his office last month. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti madax-dhaqameed ah uu hoggaaminayey guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Muqdisho oo ka qabsoomay xalay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa hoggaanka dhaqanka beeha Muqdisho madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo burcad-badeednimo ugu xirnaa Somaliland , kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhowaan cafis u fidiyay. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa isla maanta oo jimco ah odoyaasha ku wareejiyay 19-kii maxbuus ee madaxweynaha Somaliland cafiyay waxaana ay u ambabaxeen koonfurta magaalada Gaalkacyo. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Somaliland oo maxaabiis ku wareejisay odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska 1-da Agoosyto ee Garoowe lagu qabtay ayaa mar kale faahfaahiyay shaqada guddiga Kumeel gaarka ah ee Guddoonka Aqalka hoose Baarlamanka Soomaaliya u magacaabay Soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddoomiyaha khudbaddiisa kaga hadlay arrimo kale oo ku saabsan khilaadka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka iyo arrimaha masiiriga ah ee wata-tashiga u baahan oo labada dhinac aysan weli ka heshiin. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Khudbadda Mursal ma u muaqata in uu Villa Somalia ka hiiliyay? appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Mudane Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Mogadishu Clan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey. Madaxda dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ayaa maantaba u ambo baxay magaalada Muqdisho iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey. Maxaabiista la cafiyey ayaa muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka
  7. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay xuska 1-da Agoosto waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Nidaamka Federaalismka. Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Abshir Bukhaari: Puntland waxay kaalin mugleh ka soo qaadatay dib u soo noolaynta dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta war ka soo saray geerida Eng. Yariisow. Gudoomiyaha ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Hoos ka aqriso qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Gudoomiyuhu “Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Mogadishu Mayor Dies After Being Injured In Suicide Attack May Allah Grant Him Jannah, the Mayor of Mogadishu, Somalia, Abdirahman Omar Osman, “Eng. Yariisow” has died in Doha, Qatar, as a result of severe injuries received in a deadly suicide blast at his offices last week. Eng. Yariisow, along with several other officials were the victims of an attack claimed by the Al-Shabab group targeting the recently appointed UN Special Envoy, Ambassador James Swan. The envoy left the meeting with the Mayor ahead of schedule and as a result survived the assassination attempt. Despite the heroic efforts by doctors and surgeons in Mogadishu and Doha, Mayor Yariisow succumbed to his injuries. Family members were at his bedside. Qarannews.com Qaran News
  10. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee maamulkaasi. Sarakiisha ayuu faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno ragii geystay falalkii amniga lidka ku ahaa ee ka dhacay Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in cadaaladda lasoo taago cid walba oo ku lug-lahayd weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee isbuucii hore. Wakiilka UN-ka u fadhiya Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in falalka noocaasi oo kale ah loo baahan yahay in ay u midoobaan shacabka Soomaaliya. Dowladda ayaa shaacisay in ay baaritaan ku waddo qaraxan, waxayna balanqaaday in ay natiijada lasoo wadaagi doonto dadweynaha. James Swan, ayaa dhanka kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Eng Yariisow, duqii hore Muqdisho ahaanna gudoomiyihii gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa shalay wuxuu ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawac kasoo gaarey falkaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabti ah laga soo dejiyo magaala madaxda waddanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u magacowday Aaska Injineer Yariisow, kaasi oo la rajeynayo in si maamuus sare ah loo duugo. View the full article
  12. Halkan ka daawo Khudbadda madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya PUNTLAND POST The post Dr. Faroole oo sheegay in uu Firimbi ku yeerin doono Xukuumadda Deni haddii ay ka gaabiso shaqadii loo doortay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta lagu guda jiro maalmaha baroor-diiqa ee Eng Yariisow. Jenaraal Maxamed Xuseen Madaale, oo ku hadlayey afka taliyaha guud ee bileyska, ayaa shaaciyey in ciidamada la geliyay heegan sarre. Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay lasoo wadaagan taliska waxyaabaha ay ka shakiyaan si looga hortago kahor inta aysan waxyeelo sababin. Dhinaca kale, Mr Madaale ayaa wuxuu sheegay in isaga oo wakiil ka ah taliyaha Booliska uu tacsi u dirayo qoyska marxuumka. Sikastaba ha ahaatee, maalinta berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in meydka marxuum Eng Yariisow la keeno magaaladda Muqdisho. View the full article
  14. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabadda ay dowladda Federaalka kula wareegtay amniga Dhuusamareeb, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa munaasabaddaasi ka sheegay in howlaha dib u-heshiisiinta Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan. Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa isna halkaasi ka shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si buuxda ula wareegtay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxa Golaha xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan , ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka amniga sugaya wixii ka soo hara ciidamada kale la gayn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. Dr Cabdiraxmaan Cadullaahi Baaddiyow oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay sugidda Amniga Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- African Union and United Nations envoys in Somalia have mourned the death of Mogadishu mayor Abdirahman Omar Osman, who on Thursday died from injuries sustained in a suicide bomb attack on July 24, saying increased attacks will not derail efforts to stabilize the country. Source: Hiiraan Online
  16. Kismaayo (SMN) – Iyadoo qaban-qaabo loogu jiro sidii ay doorasho uga dhici lahayd degaanada maamulka Jubalanad ayaa waxaa jira dhinacyo iska soo horjeeda oo aragtiyo kala duwan ka qaba hanaanka loogu diyaar-garoobayo doorashadaasi. Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo Jubbaland ayaa qirsan in Axmad Madoobe, madaxweynaha maamulkaasi uu u xusul duubayo soo noqoshada mar kale, arintaas darteedna u wax kasta u samayn karo. Arimaha tuhunka badan dhaliyey ayaa ah qaraxyada iyo dilal qorshaysan ee ka dhacaya Kismaayo, kuwaaso dad qaar ay la yaaban yihiin waxa kusoo beegay xiligan aadka xasaasiga u ah. Nabadoon Badal Jaamac Xirsi Badal Laangare oo kamid ah Waxgaradka ku sugan Magaalada Muqdisho, deegaan ahaana ku abtirsada Jubaland ayaa saluug badan ka qaba sida doorashada loo maamulayo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiso arimahan. Kismaayo waxaa ku sugan Murashaxiin badan oo ku tartamaya kursiga Madaxweynaha Jubalanad, kuwaaso cabsi badan ka qaba in uu faragalin ku sameeyo doorashada Madaxweynaha uu waqtiga kasii dhacayo ee Axmed Madoobe. View the full article
  17. Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. View the full article
  18. Halkaan hoose ka daawo Khudbadda madaxweyne Deni oo uu dhinacyo badan uga hadlay PUNTLAND POST The post Deni: Waxaan xoogga saaraynaa in gobollada Sool Sanaag iyo Cayn ay helaan difaac iyo daryeel dhinac kasta ah appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-02082019.mp3 View the full article
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Maamulkaasi Jubbaland. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb. Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana Amniga Gudaha ay la wareegi doonaan Ciidamo Gaar ah oo Dowlada DFS u diyaarisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online ayaa 31-kii July shaacisay in kooxda Ahlu-Sunna ay ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagaya Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen. Shir Jaraa’id oo goor dhow ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wada jir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada. Wasiirka amniga Ducaale oo isna goobta ka hadlay ayaa Ku dhawaaqay In dowladda Soomaliya mas’uul ka tahay ammaanka magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Shaakir ayaa isna sheegay in ay ugu mahad celinayaan dowladda faderaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso dismaha maamulka Galmudug. “Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb waxaa loo saari doonaa banaanka magaalada, waxaana amniga gudaha la wareegaya ciidamo gaar ah oo dowlada faderaalka Soomaaliya u diyaarisey amamanka doorashadda” ayuu yiri madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Shaakir. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com