Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa badashay go’aankeeda ku aadanaa cidda ay u sharaxeyso Doorashada dhawaan ka dhaceyso Galmudug. Ra’isulwasaare Kheyre iyo dowladda oo markii hore la sheegay inay gadaal ka riixayeen Cabdulaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada oo kasoo jeedo Beesha Duduble ayaa hadda wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inuu isbadal weyn ku imaaday go’aankaas. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa isku raacay ugu dambeyn in musharaxooda Galmudug uu noqdo Wasiir Axmed Cabdi Qoor Qoor maadaama ay qasab tahay in la qanciyo Beesha Saleebaan oo ka gadoodsan in looga baxay ballan ku aadan inay Cadaado noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna magaalada ka dhacdo Doorashada Maamulkaas. Qoor Qoor ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta ay ku tashato Nabad iyo Nolol isla markaasna laf dhabar u ah ololaha ay ka wado Galmudug ayey isku raacday inuu noqdo musharaxooda . Qoor Qoor oo kasoo jeedo Cadaado ayaa wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmayaa Xildhibaanada ay isku Beesha yihiin oo ay ugu horeeyaan XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir kuwaas oo ku sugan Cadaado isla markaasna meel ku xirtay Odayaasha Cadaado kuwaas oo qorshuhu yahay inay gebi ahaanba qaadacaan inay doorasho ka dhacdo Cadaado. Qoor Qoor iyo Xildhibaano kale ayaa shalay awoodi waayey inay Odayaasha Cadaado ka dhaadhacsiiyaan inay kulan la qaataan Ra’isulwasaare Kheyre, waxayna odayaasha ku xiran yihiin Xildhibaanada mucaaradka. Ra’isulwasaare Kheyre oo Cadaado kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Cadaado ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyaan Doorashada Galmudug balse waxay u sheegeen in go’aanka Cadaado ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ayna macquul aheyn inay daba maraan. Dhibaatada ugu weyn ee uu Qoor Qoor la kulmi doono ayaa ah inuu taageero ka waayo Odayaasha Cadaado kuwaas oo u arko inuu yahay nin ku shaqeeyo rabitaanka Dowladda isla markaasna aysan uga fadhin inuu u doodo Maqaamka Cadaado. XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir ayaa ku dhagan go’aankooda ah inay Cadaado hesho maqaamkeeda waxayna taas ka saaciday inay gacanta ku qabtaan Odayaasha Cadaado oo iyaga ay dabiiciyanba ka go’an tahay inay Cadaado maqaam hesho ayna marnaba gorgorton ka geli doonin arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadii xalay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dib u dhiska iyo iskaashiga dadweynaha. Kheyre oo maalmahan ku sugnaan doona magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciidamada ee magaaladaasi, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo Galmudug ah. Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo ku sugan waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi. Xasan Cali Kheyre ayaa maalmahan dambe wuxuu socdaal ku marayey deegaannada Galmudug, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/wareysi-caliceyn-gaalkacyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waxyeello soo gaarsiiyey dad rayid ah. Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in Miinadan ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo halkaasi marayey. Gaariga ay miinadan la kacday ayaa ahaa sida la sheegay Homey, shalay subax caano ka qaadday degmada Dhoobaley, balse soo noqonkoodii ayeey miinadan haleeshay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey Shan ruux oo shacab ah, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse Al-shabaab ayaa inta badan miinooyinka sidan oo kale ah ku aaso waddooyinka ay adeegsadaan ciidanka dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (SMN) – Shirka amniga Caasimadda oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan saraakiisha dhanka laamaha amniga iyo sidoo kale xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Intii socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo baaritaanada ka socda magaalada Muqdisho. Gabagabadii shirka ayaa waxaa mas’uuliuyiintii ka qeyb galay ay soo saareen amaro culus oo la xariira amniga Caasimadda, waxaana ay isku raaceen: In mas’uuliyiinta wata ilaalada hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin askartooda dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya. In milkiilayaasha gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda. Guddoomiiyaha maamulka gobolka, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyay muhiimada shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3 View the full article
  5. Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka. Xoghayaha naadiga dowladda hoose xamar Maxamed Cumar Xaashi Muhaa ayaa sharxaad ka bixinaya wax maamulka kooxda ku dhaliyay in ay bilaawaa barnaamijka iyo faa’ida ugu jirta Muqdisho City Club. Maxamed Jeylaani Ajeelow waxa uu ka mid ahaa laacibiintii u soo ciyaartay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminka waxa uu ka mid yahay macalimiinta naadiga waxa aad bogaadiyay barnaamijka dhisidda da’yarta,isagoo sheegay waqtigooda in aysan jirin fursadaha nuucaan oo kale.isagoo dhalinyarada fursadaha helay kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu faa’ideestaan waqtigooda iyo waxa la barayo. Ciise Cabdiqaadir Ibaarihim oo ah kabtanka Muqdisho City Club kuna hadalay magaca ciyaaryahanada kooxda ayaa dhalinta kusoo biirtay mashuuracan u jeediyay hadalo bogaadin ah wuxuuna kula dardaarmay in si wanaagsan ugu faa’ideestaan casharada ay siinayaan macalimiintooda si ay noqdaan jiilka badili lahaa iyaga. Gudoomiyaha tageerayasha naadiga Muqdisho City Club Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa u mahad celiyay maamulka kooxdiisa fikraha wanaagsan ay markasta soo bandhigaan ka taageero ahaan ay diyaar u yihiin doorkooda ka qeyb qaadashada horomainta dhisidda da’yartan. Maxamed Axmed Iimaan oo ka mid ah dhallinyarada ka faa’ideesanaya diyaarinta da’yarta M.C.ayaa sheegay in ay kag’antahay in heer wacan ka gaaro kubbadda cagta kuna haminayo in tariikho ka sameeyo ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika. Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir kana mid ah mas’uuliyeenta kooxda Muqdisho City Club ayaa sheegay tan iyo marikii ay bilaawayeen fikradan ay kasoo baxeen tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo iminka qeyb ka ah naadiga dowladda hoose iminka ay rajaynayaan in ay ka helaan kuwo kale oo badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhisidda Da’yarta Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo howlgallada ka socda gobolka Banaadir. Shirka oo haa mid xasaasi ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha qaabilsan amniga, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyey shirkan, iyadoo intiisa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo falalka liddiga ku ah nabad galyada iyo weerarada Al-Shabaab. Sidoo kale intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Caasimada, kuwaas oo ka faa faahiyey weeraradii shalay ka dhacay magaalada Caasimada ah Muqdisho iyo sidii looga hortagay. Intaasi kadib dhinacyada ka qeyb galayey shirkani ayaa isku raacay go’aanno culus oo wax looga qabanayo amniga, waxaana ka mid ah qodobada la’isku raacay: In ilaalada gaarka ah ee mas’uuliyiinta hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya. In gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda. Guddoomiye Yariisow oo la hadlay Warbaahinta shirka marka uu soo idlaaday ayaa ka warbixiyay go’aannada ka soo baxay, waxaana ay sheegay in ay dhaqan gelin doonaan. Shirkan oo ah mid joogta ah ayaa ku soo aadaya, xilli shalay weerar toos ah iyo qarax uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana weerarka masuuliyaddiisa dhabarka u ritay Al-Shabaab, kaas oo ay ku sheegteen, kuna dhaawacmeen askar iyo dad shacab ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3
  7. Dhoobley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in qaraxa ay ku dhinteen dad rayid ah xalay uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay gaari siday Caano oo ay la socdeen dadkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kalen oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaarigaasi. Lama oga sababta loo beesaday gaarigan, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo Miino waddadaasi kula eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka howlgallo ka waday ciidamada huwanta, iyaga oo weeraro kala kulamayay Al-Shabaabh. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz. Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga,ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga. Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.”Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri wasiir Sadiiq.Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaalada socda ee la xiriira harumarinta shaqaalaha ,taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta qaranka,waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa. “Farriinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in qarankan loogu shaqeeyo sidii uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq. Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uu inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya. Ambassador,Mehmet Yılmaz ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna marka u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed. Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay wasaaradda,waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso,waxaana wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim ah u ah wasaaradda,howlaheedinna ay si joogta ah u socdaan. View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-090719.mp3 View the full article
  10. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) commanders ended their three-day meeting in Mogadishu on Monday featuring further enhance coordination with the Somali security forces to implement the transition plan. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay booqashadii uu magaalada Garowe ku tahay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrumaha Soomaaliya James Swan. UNSOM ayaa shaacisay in booqashadani ay aheyd tii ugu horreysay ee James Swan ku tagay meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay xilkaasi. Sidoo kale UNSON ayaa sababta uu Puntland ku doortay inuu ku bilaabo safarkiisa ku sheegtay inay tahay maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliya, islamarkaana hormarao ka gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. “Waxa uu u doortay Garowe in booqashadiisii ugu horeysay ay noqoto ayaa ah iyadoo Puntland ay tahay Maamul goboleedka ugu horeeyay ee laga dhiso Soomaaliya sanadkii 1998dii,isla markaana hogaamiyaasheeda ay door weyn ka ciyaarayaan horumarka dhinaca federalka ee socda.”ayaa lagu yiri qoraalka. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo yeeshay kulan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Sidoo kale kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday xiisada dagaal u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoona James Swan labada dhinac uu ugu baaqday in wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal, si looga gaabsado in markale ay dagaalamaan. “Waxaan ku faraxsanahay booqashada Puntland waxaana aan la qaatay wadahadal miro dhal ah Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah maamulkiisa. Waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan. Shalay ayey aheyd markii ay Puntland si diiran u soo dhaweysay wafdigani ka socday QM, kaas oo uu hoggaaminayey Ambassador James Swan.
  12. Authorities in Pakistan say counterterrorism forces have arrested a man who funding for al-Qaeda militants under the cover of a non-governmental organization. Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ay ku dhinteen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu qabsaday gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Gaariga ayaa xilliga qaraxu haleelay marayay nawaaxiga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gaariga uu siday Caano uu ka soo qaado tuulooyin hoos yimaada degmadaasi. Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxani ay waxyeelada ka soo gaartay dadkaasi Rayidka ah. Lama oga waxa loo beesaday gaarigaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dhabaha qaraxyo Miino u galiya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla halkaasi. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Jubbaland, waxaana inta badan weeraro ay ka fuliya gudaha maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  14. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii. “Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay UNSOM. War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay, in Mr Swan uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay shaqada hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka hayaan degaannada Puntland oo isugu jira kaalmada banii’aadanimo ee xaaladaha deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee mudada dhexe iyo mudada fog, waxaana lagu xusay in hawlgallada Qaramada Midoobay iyo sanduuqyadeeda maal-gelinta ay gacan ka geysteen dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda Puntland iyo sarreynta sharciga. “Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu soo qaaday xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, taasi oo ay shalay ka wada-hadleen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana sida war-saxaafadeedka ku cad uu Mr Swan walaac ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee ka aloosan Sool iyo Sanaag, isagoo madaxda Puntland iyo Somaliland ku boorriyay in ay xal u raadiyaan khilaafkaasi. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Puntland ku amaantay sida ay dowladnimada uga hirgelisay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaadka soo socdo u safri doono Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Sida illo lagu kalsoonan karo ay xaqiijinayaan Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Kulanka labada Madaxweyne ku dhex mari doono Adis Ababa ayaa waxaa gadaal ka riixeyso Dowladda Mareykan oo dooneysa in arrinta muranka badda labada dal wada hadal ka galaan. Dowladda Mareykanka ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeyo labada dowladood, wuxuuna Safiirka Mareykanka u fadhiyo Kenya ku baaqay in miiska wada hadalka la fadhiisto. Safarka uu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde ku imaaday Muqdisho ayaa hor dhac u ahaa kulanka labada Mas’uul waxaana la sheegay Inuu Shiddo farriin soo gaarsiiyey Madaxweyne Farmaajo. Sida illo wareedyo rasmi ah xaqiijiyeen farriinta uu Axmed Shidde kasoo qaaday Abiy Ahmed ee uu soo gaarsiisay Farmaajo ayaa ujeedkeeda ugu weyn wuxuu ahaa dadaalada uu labada dal ka dhex wado iyo sidii wajiga labaad ee kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qaban lahaa. Kulanka Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu Adis Ababa ka dhaco 13-ka bishaan oo ku beegan Sabtida soo socoto. Lama ogo go’aanka uu Farmaajo qaadan doono marka uu la kulmo Uhuru Kenyatta, balse falanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in cadaadis xoog leh lagu hayo Farmaajo ayna macquul tahay inuu madaxweynaha aqbalo go’aanka lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac isla markaasna la joojiyo dacwadda taalo maxkamadda ICJ. Inuu jiro wadahadal dhex mari doono labada dhinac iyo in kiiska Dacwadda la xirayo ayaa hadal heynteeda waxay socotay muddo badan, waxaana siyaasiyiinta sheegay inay wadahadalo u socdaan Soomaaliya iyo Kenya kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka digay inay dowladda aqbasho wadahadalkaas taasoo sabab u noqon karto inay Soomaaliya lumiso badeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. They could be your Uber driver or the security guard at a local airport. The elderly neighbor living next door or the operator of the neighborhood ice cream shop. They came to the United States from all corners of the globe -- Somalia, Rwanda, El Salvador, the Balkans, Germany, Iraq -- claiming to have been persecuted. In reality, they were the persecutors. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia and Kenya should avoid descending into a diplomatic row over their maritime boarder dispute in the Indian Ocean, according to a former leader. Source: Hiiraan Online
  18. Somali militant group al-Shabab has executed 18 people since Wednesday, an unprecedented rate of executions for the group, which is under pressure from U.S. airstrikes. Source: Hiiraan Online
  19. Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacmeen dagaallo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada-deggan ayaa soo bilowday maalin ka hor balse sida la sheegayo waxaa xooggiisu dhacay isniintii shalay oo dagaalku ku fiday degaanno horleh islamarkaana labada malayshiya-beeleed ay isu adeegsadeen hubka culus. Dad kala duwan oo ku sugan tuulooyin ka tirsan Ceel Afweyn ayaa soo sheegay in dagaalkii Isniintii shalay halkaasi ka dhacay uu khasaare badan gaarsiiyay xoola-dhaqatada miyiga iyo bulshada ku nool tuulooyinka hoos yimaada Ceel Afweyn iyo Dararweyn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sanaag. Qaar kamid ah degaannada lagu dagaallamay ayaa la soo sheegayaa in uu ka bilowday bara-kac baahsan iyadoo dadka rayidka ah ay u baxsanayaan tuulooyinka ka fog dhulkaasi dagaalku ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay. Sidoo kale gurmadka ay helayaan labada malayshiya-beeleed ayaa sii xoogaysanaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan. Dhinaca kale Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in ay ka gaabisay joojinta dhiiga shacabka ee isku qubanaya balse xukuumadda ayaan weli ka hadlin dagalkaasi. PUNTLAND POST The post Dagaalkii Ceel Afweyn oo sii xoogaystay dhimashada iyo dhaawaca oo ka badan 50 ruux appeared first on Puntland Post.
  20. DESPITE the risks posed by deadly routes across the Mediterranean, unscrupulous agents facilitating the movement of migrants and hostile legislation by European government, African nationals continue streaming into Europe in search of greener pastures. Source: Hiiraan Online
  21. Local officials rolled out a vision for an “African village” in Cedar-Riverside last month, but not all neighborhood residents agree the project is best for the community. Source: Hiiraan Online
  22. Amazon's annual Prime Day is just around the corner, and as has been the case with previous Prime Days, some of the retail giant's workers will be going on strike during the event to protest their poor working conditions. Source: Hiiraan Online
  23. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) commanders ended their three-day meeting in Mogadishu on Monday featuring further enhance coordination with the Somali security forces to implement the transition plan. Source: Hiiraan Online
  24. Wilfried Zaha secured a 1-0 win over Mali for Ivory Coast with a late goal in their Africa Cup of Nations last-16 clash in Suez while Tunisia also advanced with a penalty shootout victory against Ghana – and are in the quarter-finals despite having drawn all four of their matches so far. Source: Hiiraan Online
  25. Gaalkac (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah shalay gelinkii dambe uga ambabaxay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxaa ay kulamo ka wadaan Gudaha Magalada Gaalkacyo,iyaga oo la kulmay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug. Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Gaalkacyo, iyaga oo kala hadli doona tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo dhismaha Galmudug mideysan. Shalay Odayaasha dhaqanka degamada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa diiday in ay la kulman Ra’iisul wasaare Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo saakay gaaray Cadaado. Odayaasha ayaa la sheegay in ay iska diideen lakulanka Ra’iisul wasaaraha waxa ayna ku eedeeyeen in uu uga baxay balan hore oo ay sheegeen in lagaleen haatana aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii ay la galeen. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa intaas ka dib la kulmay siyaasiyiinta deegaanka waxa uuna ka codsaday in la taageero qorshihiisa Galmudug sidoo kalena lala kulan siiyo odayaasha balse siyaasiyiinta ayaa u sheegay Ra’iisul wasaare Khayre in talada reer Cadaado ay ka go,do odayaasha dhaqanka. Balse waxaan weli la ogaan Karin in Odayaasha Dhaqanka Magalada Gaalkacyo ay dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la kulmi doonaan,waxaana Warar soo baxayay ay sheegayeen in Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo ay shuruud uga dhigeen la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu ka warsugo kulan 10-k Bishaan ay Gaalkacyo ku yeelanayaan Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Mudug. Xaalada Maamulka Galmuudg ayaa weli waxaa ay u muuqataa mid aan hagaagin,waxaana jira tabashooyin ay qabaan Beelaha qaar ee dega deegaanada Galmudug,waxaase xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku guuleystay in Ciidamadii Ahlusunna la qarameeyo kuna biiraan kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com