-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Federal government of Somalia has started efforts to kickoff reconciliation conference to bring together various political groups in Galmudug state ahead of planned regional elections. The office of the Prime Minister through the Interior Ministry has named twelve-member technical committee on Wednesday to spearhead the process. They include ten men and two women. Statement from the Ministry of Interior, federal affairs and reconciliation said the government has decided to put in place a technical committee considering various challenges facing the state. “Following consultation with the members of the both upper and the lower house of parliament from the Galmudug state, traditional elders while considering the upcoming elections and the security challenges, the ministry has decided to establish a committee to work towards reconciliation meeting.” The statement said. The statement from the Ministry of Interior further said official from the ministry will closely work with the organizing committee on achieving the groundbreaking reconciliation conference scheduled in Dhusamareb, the administrative capital of the state. The main task of the committee will be bringing together various delegates from communities residing in the state while working towards the realization of a long-lasting solution on contentious issues surrounding political-cultural difference in the area. View the full article
-
(SLT-London)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK ayaa ammaanay tallaabadii Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ay ku aqoonsadeen dhawaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane Stephen Doughty wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriisku, waxaanu xildhibaanku bartiisa Twitterka ku baahiyey inuu fursad u helay inuu bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham isla markaana uu baarlamaanka UK ku booriyey inay ku soo biiraan Magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlet oo hore u soo jeediyey in la ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu Baarlamaanka Ingiriiska ka sheegay in qurba jooga Somaliland ee ku nool UK ay taageero ka geysteen horumarka iyo ganacsiga Somaliland. Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart ayaa isna fadhigaas ka xaqiijiyey in qurbajooga Somaliland ee UK ay si xoogle ugu ololeeyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay inay ka hawlgalaan sidii Somaliland u xakameyn laheyd Gudniinka fircooniga ah. Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska wuxuu xusay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ay dalkooda ka saacidaan sidii ay u geyn lahaayeen khubarro gacan ka geysata mashaariic ka socda Somaliland. Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waa markii labaad ee Xildhibaan Stephen Doughty uu muddo laba bilood gudahood ah Baarlamaanka Ingiriiska ku soo hadal qaado Qaddiyadda JSL. Cumar Maxamed Faarax Source
-
(SLT-Masar)-Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay. Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shalay weerareen koox dad ah oo ku sugnaa Degmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay hore u afduubteen. Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar. Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi. Source
-
(SLT-London)-Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabadh yar oo Soomaali ah ayaa ka dhacay magaalada London. Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay. Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay. Boodhadhka ay mudaharaadeyaasha siteen ayaa lagu qoray erayo caddaalad loogu raadinayo Shukri Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa iskugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha UK. Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boodhadh uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka. Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah. Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday. Source
-
(SLT-Pakistan)-Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ayaa ku amartay dowlada Pakistaan inay u ogolaato qunsuliyada Hindiya inay la kulanto Kulbhushan Jadhav oo lagu helay in uu howlo basaasnimo ah u Joogay dalka Pakistaan. Garsooraha Maxkamada ICJ Cabdiqawi Axmed Yusuf oo gaadhay xukunka Arbacadii shalay ayaa dhanka kale diiday dalab ka yimid Hindiya oo ahaa in meesha laga saaro xukunka ay Maxkamada millatari ee Pakistaan ku riday Jadhav. Maxkamadda ayaa dhanka kale amartay in dib loo dhigo waqtiga xukunka dilka ah iyada oo ku saleysay in Pakistaan ay ku xadgudubtay xuquuqda ay u laheyd qunsuliyada Hindiya inay doodo Muwaadinkeeda. Dhanka kale dowlada Pakistaan ayaa meesha ka saartay eeda ah inay diiday in ninkaan uu helo qareeno u dooda maadaama uu galay fal argagixiso oo ka dhan ah Jiritaanka Pakistaan. Garsoori Cabdiqawi ayaa sheegay in sharciga heshiiskii Viena qodobka 36-aad ee xiriir wanaaga uu muujinayo in arintaan ay ku dabaqeen si loo wadahadlo ka hor inta aan xukunka la Gaarin. ICJ ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Hindiya ay xaq u leeyihiin in xabsiga ay ku soo booqdaan Mr Jadhav. Xukunkaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaana uu u hanbalyeeyay Maxakamada ICJ kadib qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Dhanka kale wasaarada arimaha dibada ee Pakistaan ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabta sheegtay in Kulbhushan Jadhav oo ah sargaal ka tirsan milatariga Hindiya uu dalkooda ku soo galay isaga oo aan wadan ogolaanshaha dal ku Galka. Pakistaan ayaa intaa raacisay in Jadhav uu watay aqoonsi been abuur ah oo ku qoran yahay magaca ah Xuseen Mubaarak Patel. Xukuumada Islamabad ayaa intaa raacisay in la daweyn doono Jadhav oo dowlada Delhi ay sheegtay in uu xanuunsan yahay, balse uu xidhnaan Doono. Kulbhushan Jadhav ayaa lagu eedeeyay in uu mas,uul ka ahaa weeraro dhiig badan ku daatay oo ka dhacay dalka Pakistaan, iyadoo natiijada laga dhaclay ay aheyd in uu agoon ka dhigay caruur aad u yar yar, halka sidoo kale ee carmalo ku noqdeen dumar Badan. Sargaalkaan oo horay uga mid ahaa milatariga Hindiya ayaa bishii March ee sanadkii 2016-kii ciidanka amniga Pakistaan waxay ku xireen gobolka Balochistan. Bishii April ee sanadkii 2017-dii ayaa maxkamad Millatari oo ku taal dalka Pakistaan waxay ku xukuntay dil toogasho, balse Hindiya ayaa dacwad u gudbisay maxkamada cadaalada ee ICJ waxaana ay xukunkaan ku sheegtay mid aan cadaalad Aheyn. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka warbixinayey kulan uu shalay la qaatay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swam ayaa sheegay inuu u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda Itoobiya. Waare ayaa tilmaamay in dacwadda ay gudbisay HirShabelle ay la xariirto Webiga Shabelle ee mara deegaanada maamulkaasi. Wuxuu carabka ku duftay in Itoobiya ay xirato Webiga marka uu biyo yareeyo, islamarkaana ay soo deyso marka uu buuxsamo , taas oo keenta in fatahaad ay ka dhacdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelah Dhexe. Madaxweyne Waare ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaasi iyo kuwa kale oo ka jira HirShabelle uu hordhigay James Swam, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan wax laga qabto arrimahaasi. Dhinaca kale waxa uu shaaciyey inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo siyaasadda. Ugu dambeyn wuxuu xusay in ay isla garteen in la qabto wada-hadallo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT- Kyoto)-Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, ku-dhawaad 40 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii uu saaka dab ka kacay Dhismo Istuudiyo lagu sameeyo Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee (Cartoons) oo ku yaalla magaalada Kyoto ee dalkaasi. Boliska waxay sheegeen in Nin 41-jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey Dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban 3 Dabaq. Ninka lagu tuhunsan yahay inuu bilaabay dabka ka kacay dhismahaasi waxa uu ka mid noqday 40-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen Cisbitaalladda, si loogu soo daaweeyo. Warbaahinta dalkaasi waxay Booliska ka soo xigteen in 10 qof oo mayd ah laga helay Dabaqa 2-aad ee Dhismaha. Abaarihii 10-kii iyo badhkii subaxnimo ee saaka Xilliga dalka Japan ayuu dabku ka kacay Dhismo Istuudiyaha oo ay leedahay Shirkadda farsameeysa Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee Kyoto Animation Company. Source
-
(SLT-Moscow)-NATO ayaa isku diyaarinaysa duni ay ka buuxaan Gantaalada dalka Ruushka iyadoo waqtiga heshiiskaan ku saabsana uu cararayo Heshiiskan oo ay Mareykanka iyo Ruushka galeen 1987 ayaa mamnuucaya gantaalada nooca riddada dhexe iyo kuwa riddada gaaban. Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay Ruushk in uu u hogaansamo heshiiska ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ah 2 bisha August. Waxuu sheegay in arrintaan ay tahay mid halis ah isla markaana gantaalada xambaari kara madaxyada Nucliyeerka ay daqiiqado yar ku gaari karaan magaalooyin ku yaala wadamada Yurub. Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa carabka ku adkeeyay in ay adagtahay in in la ogaado gentaaladaan,wuxuuna intaa ku daray in Nato ay si xikmadeysan isaga difaaci doontaa talaabadaan iyadoon indhaha ka qarsan doonin waxa uu Ruushku sameeynayo oo ay ka mid yihiin in madafiicda goobta ay daabulaan saldhigyo militari oo ku dhaw dalalka Yurub. Soo gaaridda gantaalada difaaca hawada ee Ruushka ka iibiyay dalka Turkiga ayaa loo arkaa khatar weyn islamarkana waxay arrintan khilaaf ka dhex abuurtay Mareykanka iyo Turkiga. Mareykanka ayaa sheegay in uu joojin doono in uu Ruushko ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee nooca F-35 . Xogyaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay bahwadaag muhiim ah marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro kooxda IS, ee gudaha dalalka Ciraaq Suuriya . Waxaa intaa ku daray in NATO ay tagaeerayso dadaalada xalka loogu raadinayo arrintan. Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in uu ku dhiiragaliyay qaar badan oo ka mid ah xubnaha NATO xaqiiqda ah in ay kordhiyaan miisaaniyadda difaacooda kadib markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu baaqay in ay arrintaas sameeyaan. Sawirrka hadda muuqda ayaa ka wanaagsan sida uu xaalku ahaa dhowr sano ka hor ayuu yiri Xoghayaha NATO. Sidoo kale waxaa uu farta ku fiiqay in Mareykanku kordhiyay joogitaanka Militarigiisa ee Yurub taasina ay tahay wax laga walaaco . Xoghayaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg Waxaa uu sheegay in uusna faahfaahin ka bixin doonin fara galinta NATO ee arrimaha nucliyerka iyo halka ay hubkeeda u daabuli doonto. Source
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magacawday guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u heshiisiinta ee Galmudug. Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku magacaabay guddiga oo 12 xubnood ka kooban. Halkaan hoose ka akhriso magacaabista guddigan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka wadaan ciidamada ammaanka magaaladaasi. Howlgalkaan ayaa daba socda kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay, Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa ku faafay xaafadaha qaar ee magaaladaasi, waxaana ay raadinayaad raggii dilkaasi ka dambeeyay. Inkastoo aanay jirin faah faahin laga bixiyey howlgalkan, ayaa hadane waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo ganacsigii ka jiray Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa xilala cusub u magacaabay mas’uuliyiin dhowr ah, kadib wareegto uu soo saaray. Wareegtada ayaa sidan u qorneyd: Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo ( Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xidig ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay u afduuban tahay habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu uu ka shaqeynayo kaliya sidii markale loo soo dooraan lahaa. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa ku baaqay in waddadii saxda aheyd lagu soo celiyo doorashada, haddii kale natiijada ka soo baxda ay ka hor imaan doonaan. Madaxweynaha Jubbaland oo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkani ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo culeys uga imaanaya dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bishan Augusto ee soo socoto ayaa la filayaa in doorashada lagu qabto magaalada Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu la yeeshay ergayga Qaramada Midoobay oo uu shalay kula kulmay Jowjar, caasimadda maamulkaasi. Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaadey in uu wakiilka kala xaajoodey arrimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo siyaasada dalka. Mr Waare ayaa daboolka ka qaadey in ay sidoo kale isla soo qaadeen James Swan qodobo ay kamid yihiin xaaladaha abaareed ee ka jira maamulkaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in uu sidoo kale u sheegay Swan in xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka uu wanaagsan yahay. Hogaamiyaha maamul goboleedkaasi ayaa tilmaamay in sidoo kale wakiilka UN-ka u gudbiyey cabasho ka dhan ah Itoobiya oo ku aadan webbiga Shabelle. Wada hadalo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ayuu xusay in uu u soo jeediyey wakiilka in ay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeyso qaban-qaabiso. Webbiga Shabelle oo gobolada uu dalka ka maro ay kamid yihiin degaanada HirShabelle ayaa waxaa dhibaato ku qaba shacabka maadaama xiliyadda qaarkood ay Itoobiya joojiso biyaha ka yimaada webbigaasi. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale magaacabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhanka kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Dilka oo la sheegay in ay geysteen kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in lagu khaarijiyey Suldan Cabdullaahi Cabdiraxmaan. Marxuumka ayaa kamid ahaa Salaadiinta ugu caansan Gaalkacyo qaybta uu ka armiyo maamul goboleedka Galmudug. Ciidamada ammaanka oo howlgalo la sameeyay ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan dableyda oo goobta ka baxsatay. Mudooyinkii dambe dilalka lagu beegsanayo odayaasha dhaqanka ayaa kusoo badanayey qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. Guddigan Caawa la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood. Hadaba Halka Hoose ka Akhriso Magacaabista Guddiga Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-18072019.mp3 View the full article
-
Muqidsho ( Caasimada Online) – Wakiilka gaarka aha ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Ergeyga ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaaro xal siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda. James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay si ay u xoojiso howlaheeda HirShabelle ay ku yeelaneyso maamulkaasi xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi. Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: The 30th Anniversary Of The Execution Of 56 Civilians At Jazira Beech On July 17th, 1989, presidential military forces, known as red berets, led by a Colonel Ibrahim Ali Barre, Canjeh, cordoned off an area in the Medina district of Mogadishu. The residents of the area where questioned, made to produce identification documents and those who hailed from Somaliland were forced on to army trucks. These civilians who were selected on community basis came, predominantly, from the Isaaq community, however, other northerners from the Awdal Clan and Sool clan communities were are also included, just because of their accents and demeanour. Out of the hundreds detained, 57 unlucky men were taken to an isolated area of the popular Jazira beach on the outskirts of Mogadishu. Upon their arrival on the beach, the men were forced off the trucks, lined up and summarily gunned down with automatic weapons fire. Luckily, one of the men, Omar Muse Mire, survived and hid among the corpses until the perpetrators left. Such was the haste of the soldiers to leave the scene of the massacre, they neglected to check for any survivors that may report this heinous crime. The survivor made his way to the home of Ahmed Saleban Abdalle, “Daffle”, member of the Supreme Council of the Revolutionary regime and the son-in-law of the late dictator Mohamed Siyad Barre. Unable to comprehend that such an action took place, Ahmed Saleban, asked the then Somali Police Commissioner, Ahmed Jama Muse, to investigate the matter. The Police Commissioner and other senior officials were taken to the scene of the massacre by the sole survivor, Omar Muse Mire, only to discover the hastily covered remains of 56 victims. The victims were government civil servants, university lecturers, students, businessmen, sportsmen and artists. It was later determined that the massacre took place as a retaliation for the assassination of a Somali military officer in Hargeisa, who hailed from the Marehan community and was a close relative of Colonel Canjeh, the late dictator Siyad Barre and the current head of the federal administration in Mogadishu, Mohamed Abdillahi “Farmaajo”. In the thirty years since the massacre, none of the perpetrators have been brought to Justice and no official inquiry held or an official explanation given of the massacre. Just a few months later, the regime of the late dictator, Mohamed Siyad Barre fell and the Somali Republic became defunct. Events in Somalia since that massacre on Jazira Beech thirty years ago, with the countless deaths of civilians by internal conflicts, invasions by foreign forces, terrorism and other disasters, seem to put matters in perspective. However, the arbitrary nature of the massacre of civilians in the otherwise then peaceful Somali capital began the slippery road to ruin. Qarannews.com Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. “waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan ee ku nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa muddooyinkaan waxaa laga waayey saaxadda siyaasadda, iyadoo lagu eedeeyey inuu lacag ka qaatay Dowladda Soomaaliya isla markaasna uu isaga baxay arrimaha Galmudug. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU) has called on Somali leaders to foster peace and reconciliation as part of efforts to development the country. Source: Hiiraan Online
-
The UN mission in Somalia has honored soldiers of United Nations Guard Units (UNGU) for distinguished service in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
