Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland: President Muse Bihi Receives EU Envoy President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, received today the new European Union Envoy to Somaliland and Somalia, Ambassador Nicolás Berlanga Martinez. The President welcomed the new envoy to Somaliland and the region. Both parties discussed areas of mutual interests, including good governance, democratic elections, security, development and the plight of migrants in the Horn of Africa. The issue of the upcoming parliamentary and local elections in Somaliland scheduled for December 12, 2019 and the EU’s funding of these elections were extensively discussed. The progress of EU funded projects in Somaliland were also among the topics discussed in the meeting between President Muse Bihi Abdi and the EU envoy, Nicolas Berlanga Martinez. Qarannews.com Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Arbacadii wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Ugu horeyn, taliyahii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Adimral Faarax Qare oo Idaacadda Goobjoog kala hadlay sharci ahaanta madaxweyne inuu shaqo u diro xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ah hey’ad ka madaxbannaan fulinta ayaa difaacay tilaabadaas, isaga oo intaasi raaciyey in ay tahay “ad hoc committee” ama guddi qabanaya shaqo gaar ah, waqti gaaban, howshuudana xadidan tahay, sidaasi darteedna uu madaxweynaha xaq u leeyahay inuu sidaasi sameeyo. Dad badan ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay khibradda guddigan la magacaabay iyo kartidooda ku aadan ka miro dhalinta wada hadallada iyo midnimo lala gaaro mar kale Somaliland. Haddaba, Wax Ka Baro, Taariikhda Shakhsiyaadka uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo: Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiyaha guddiga, waxaa oday da’a ah, waxaa uu 1964-tii ahaa tarjubaanka baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo afaf badan wax ku qori jiray ilaa markii dambe xukuumaddii Cali Maxamed Geedi ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo ka noqday wasiirka arrimaha dibadda, hadda waxaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Dadka qaar ayaa ku dhaliilo go’aanno uu horay uga qaaday siyaasadda iyo shakhsiyadiisa. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), Waa nin da’ ah, waxaa uu soo noqday Komandos, Taliyaha guul-wadeyaasha, Safiirka Soomaaliya ee dalalka Masar, Sacuudiga iyo Djibouti, waxaa kale uu noqday wasiiru-dowle, markii ay dowladdii Maxamed Siyaad dhaceysay waxaa uu ahaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaa kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa isna lagu dhaliilaa in aanu aheyn qof adag, oo dhiifoon. Maxaa Kale Oo Aan Ka Naqaanaa Dadka Guddigan Ku Jira: Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) : Waxaa uu dhashay 1954, waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaa uu wax ku soo bartay jaamacadda Odesa ee Ukrain, waxaa uu Macalin ka ahaa Jaamacadda Gaheyr, kadib markii dambe waa goostay waxaa uuna Jaamacadda Magel ka diyaariyey cilmiga taariikhda PhD ayuu heystaa. Waxaa lagu dhaliilay iney ku yar tahay khibradda diblomaasiyadda iyo wada hadalka. Dr.Cali Siciid Fiqi: Waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Faransiiska, Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, February 16, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah ka dhigay agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaa uu ka soo shaqeeyey UNESCO iyo ururo kale, Bare ayuu ka noqday University of Palermo, Italy, waa uu PhD ka qaaday Leipzig University. Waxaa lagu dhaliilay fudeyd iyo xanaaq. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse: Waxaa uu PhD ka heystaa cilmiga ciidanka, waa waayo arag, soo bartay istaraatiijiyadda, 1987-dii waxaa uu soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade. Isaga iyo ninka dambe waxaan la ogeyn iney saameyn doonto ka tirsanaanta ciidanka iyo haddii ay geysteen wax caburin ah xilligii ay ahaayeen taliyeyaasha ciidamada booliiska. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli): Waa shakhsi muddo ku soo jiray siyaasadda, waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda iyo sidoo kale duulista hawada Soomaaliya, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka mid noqday xildhibaannada golaha shacabka. Waxaa isna lagu dhaliilay go’aanno badan uu ka qaatay siyaasadda arrimaha dibadda gaar ahaan dhanka Itoobiya. Ugu dambeyntii, Shakhsiyaadkan uu hadda xulay madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka duwan da’a ahaan iyo aqoon ahaanba kuwii ay Somaliland diiday iney hor fariisato March 2015-kii, lamana oga sida ay uga fal-celin-doonaan, laakin khubaro la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ku taliyey in marka hore ay haboon yahay in laga wada hadlo “wada hadalka”, lagana bilaabo wax la isku raacsan yahay, oo siyaasadda aan lagu bilaabin. Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo afduubtay Doorashada Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay socdaalkii Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Guinea iyo xidhiidhka xumaaday ee Guinea iyo Soomaaliya iyo weliba saamaynta uu ku yeelanayo Somaliland. Xildhibaan Liz Mclnnes oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Ingiriiska Harriet Baldwin waxay weydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa bal in dawladda Ingiriisku wax qiimayn ah ku samaysay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Guinea ee xumaaday iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland. Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Ingiriisku wuu ka war qabaa xiisada la soo weriyay ee Guinea iyo Soomaaliya. Labada wadan iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Kama war qabno wax saamayn ah oo uu xidhiidhkaasi ku yeelanayo Somaliland. Siyaasadda Ingiriiska ayaa ah in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaadhaan xal waara oo la xidhidha mustaqbalkooda. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada hadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.” Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Beledweyne (SMN) – Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay. Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan. Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda. Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee DFS Amb; Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa Maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka waxay Xafiiskiisa kula yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan ; Baashe Yuusuf Axmed. Inta uu kulanka socday ayaa waxay madaxda Wasaaraddu halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo siddii loo heli lahaa nidaam caddaaladdeed oo dhammeystiran. Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka ay hore la tashiyo ugala soo sameeyeen Maamul-gobaleedyada Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray Dalka, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay qorshahaas ku soo koobeen Saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga. Waaxda maal-gashiga ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa iyaguna waxay halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiirri-gelin looggu sameyn lahaa maal-gashadayaal Dalka ka hir-geliya maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee Dalka, waxaana ay Guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo diyaarinta ku dhaqanka sharciga si maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiirran karaan Dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo maal-gashiga ee Dalka, waxaanu intaa raaciyay in qorshaha horumarinta Qaranka uu ahmiyad weyn u leeyahay bahda Garsoorka, taas oo uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabaan sidii horumarin looggu sameyn lahaa, isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyin ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan . View the full article
  7. Kismaayo (SMN) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo badhigay jadwalka diiwaan galinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland. Dhanka kale guddiga ayaa soo saarey Xeerka iyo Shuruudaha looga baahayahay Musharraxiinta u tartamaya Xilka Madaxwaynaha Jubbaland. Hoos ka Akhriso Tusmada Jadwalka Diiwaan galinta iyo shuruudaha Musharixiinta. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Gef siyaasadeed ku tilmaantay Guddi ka kooban lix xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo Madaxweynaha Soomaaliya u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay inaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhacaynin illaa Soomaaliya garwaaqsato in Midnimadii Soomaaliya burburtay 1991-kii. War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina wuxuu dhigayaa inaan cadowga loo caban ee layska celiyo. Qodobkiisa labaadna wuxuu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxaana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.” Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya. Source
  10. Somaliland ayaa jawaab kasoo saartay guddi wada hadal uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo. Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo, war qoraal ah oo ay Soomaaliland soo saartay ayaa lagu yiri. Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: 1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo. 2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga. Goobooj News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-18072019.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ku eedeysay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu colaad gaara u hayo beesha Sanaag, isagoo u diidan awood qeybsigii ay xaqa u lahayd. Iyadoo Warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayay sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo yahay qof qabyaaalad yaqaan, isagoo hortaagan muddo 2 sano iyo bar ah xilkii safiir ee ay lahayd Beesha Sanaag, waxayna caddeyn u soo qaadatay inuu Beeshiisa u magacaabay laba safiir, halka uu beesha Sanaag u diidan yahay xilkeedii. Senator Samiira waxay Soomaalida u sheegtay inay been tahay inuusan Farmaajo aqoon qabiil, waxayna caddeysay in dhibaatadda dalka ka jira iyo faragelinta maamul Goboleedyada ku socota uu wado Maxamed C/llaahi Farmaajo. “Madaxweyne waxaad ogaataa in lagaa waayey wixii laguu qabay, Soomaali oo dhanna waa kugu hungowday.., ma doonayo in Somaliland iyo Somalia ay heshiiso, waxayna ka muuqataa Guddiga uu magacaabay, Puntland faragelin ayuu ku sameeyay, mana rabin in sidaas qurxoon wax u dhacaan..” ayey tiri Senator Samiira. Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo afduubtay Doorashada Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Boosaaso waxaa maanta lagu xiray saddex xubnood oo ka tirsan Guddiga dhismaha wadada bartamaha magaaladaas. Maamulaha Amal Bank, Bososo Xubnaha la xiray ayaa kala ah maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray xubnahan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay tahay lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay ku wargelisay guddigaas in dib loo celiyo lacagta ka timi Federaalka oo la soo marsiiyay Amal Bank Boosaaso, balse arrintaas ay qaadadeen gudiga gacanta ku haya dhismaha wadada. Dowladda Federaalka ayaa horey lacago ugu deeqday dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Garowe iyo Gaalkacyo, taas oo la soo mariyay gudiyadii gacanta ku hayay. Xiriirka Puntland iyo Federaalka ayaan wanaagsanayn, hadana hay’adaha Puntland iyo kuwa Federaalka waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn. PUNTLAND POST The post Guddi waddo dhisme oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  14. Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay. Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan. Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda. Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab,gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo xoghayaha guud ee xiriirka Soomaalliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa magaalada Qaahir ee dalka Masar kaga qeyb galay doorashada xubanaha guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika,waxaana sidoo kale madashan ku sugnaa madax ka socotay FIFA. Gudoomiyaha X.K.Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday xubnaha cusub ee guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa (The Council for East and Central Africa Football Associations). “Alx waa ku faraxsanahay guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo isna kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin guusha uu gaaray mudane Cabdiqani Saciid Carab minka ay ka tilmaamanyihiin xiriirada kale ee qaarada Afrika marka laga eego geedi socoda iyo horomarka kubbadda cagta Sooomaaliya. Wafidga ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya daawashada ciyaarta u danbeesa tartanka African Cup of Nation oo ay kama dambeestiisa wada dheeli doonaan xulalka Senegal iyo Algeria. “Ka qeygalka dhacdooyinka oo kale ka xariir ahaan waxa ay inoo tahay in aan wax badan ka barano,si aan u gaarno guul waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta dalkeena,guusha uu gaaray guddoomiye Cabdiqani Saciid waxa ay sharaf iyo horomar u tahay kubbadda cagta Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed. Si kastaba Madaxda xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maal maha soo aadan kusoo laabanaya dalka,iyagoo la hadli doona wabaahinta ciyaaraha gudaha waxayna ka warbixindoonaan guulaha la gaaray iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo socda. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa War kasoo saartay Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo xil saaraay Wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo. Warka Somaliland ayaa siddaan u qornaa: Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: 1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo. 2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Russia is ready to sell its super-maneuverable Sukhoi Su-35 fighter jets to Turkey, head of the Russian state conglomerate Rostec said Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Dozens of British politicians, including the Labour Party's leader, Jeremy Corbyn, and Mayor Sadiq Khan of London, are among those to sign an open letter expressing solidarity with Rep. Ilhan Omar and the three other US congresswomen targeted by President Donald Trump in recent days. Source: Hiiraan Online
  19. Drought-hit families in a village in Dhobley, in southern Somalia’s Lower Juba region, are faced with a stark choice between buying water and sending their children to school. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowlada Uganda ayaa ku dhawaad 2,000 oo askari usoo diraysa Soomaaliya kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay gudaha dalka Uganda. Ciidamada tababrkan loo soo gabagabeeyay ayaa tiro ahaan gaaraya 1,828 askari iyagoona qayb ka noqon doona hawlgalka midowga afrika ee Amisom. Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi, oo lahadladay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay ugutaan waajibaadkooda shaqo. “Waxaad ka tageesaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi. Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dar daarmay in ay ciidamada tababarka loosoo gaba gabeeyay ay u shaqeeyaan si ay ku jirto Wadaniyad iyo Akhlaal. Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka. Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa lagu waday in guud ahaan dalka ay iskaga baxaan markii lagaaro horaanta sanadka 2021 iyadoona sidoo kale qorshuhu ahaa inta ka horeyso waqtigaasi in ciidamada nabad ilaalinta midowga ee Amisom loo dhimo si tartiib tartiib ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com