-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Gabiley)-Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayarkooda Maxamed Amiin oo khilaaf xooglihi ka dhex aloosan yahay ayaa shalay isku shubay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanadani markii ay kasoo baxeen shirkii Wasaaradda, waxa uu muran xooglihi dhex mara Wasiir Maxamed kaahin iyo Maayar Maxamed Amiin kadib markii uu wasiirku ku amray inuu Maayarku ogolaado in Codka Kalsoonidda loo qaado, xildhibaanadana uu u ogolaado inay hoolka Shirarka Dawlada Hoose ee Gabiley fadhiistaan. Maayarka ayaa Wasiirka u sheegay inuu fulinayo awaamiir uu sheegay inay uga timid dhinaca Madaxtooyadda oo uu sheegay inaanay raali ka ahayn muranka Golaha ka taagan iyo in fadhiyo buuq keenaya la sameeyo, waxaana arintaasi aad uga cadhooday Wasiirka, isagoo markii dambe nidar ku galay sida ay sheegeen in fadhigaasi qabsoomi doono. Wasiirka ayaa sido kale u sheegay Xildhibaanadan inuu gudi arintani la socota Maanta soo saarayo . Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka oo aad u faraxsan ayaa Shalay iskugu yimid Huteelka Imperial ee Magaaladda Hargeysa islamarkaana isku boorinayay inaan wax fur fur ah lagu samayn ee ay ka midaysnaadaan qadiyadii ay ku wada socdeen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa ka digtay Ayax kasoo hayaamay dalka Yemen oo halis gelin kara dalagyada ku yaalla beeraha Somaliland. Madaxa Xafiiska Ayaxa iyo Cayayaanada iskaga gudba xuduudaha ee Wasaarada Beeraha Somaliland ayaa ka warramay arrintan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalkSoomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegay Xuseen Xasan Cambeer. Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus. Xuseen Xasan Cambeer ayaa la sheegay inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Abaanduulaha guutadda 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa soo kordhayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda Soomaaliya, taas oo loo sababeynayo howlgallada xoogan ee ka socda gobollada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kula kulmay magaalada Washington, DC, kuwaas oo la sheegay inay ka wadahadleen amniga gacanka Carabta, xidhiidhka dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya iyo arimo kale. Amiirka Qatar ayaa booqashadan uu maanta ku tagay dalka Maraykanka waxa ay ku soo beegmaysaa xili ay xiisadi u dhaxayso Iran iyo Maraykanka iyo xili ay taagan tahay xayiraadii dalalka carabtu ay ku soo rogeen dalka Qatar. Kulankan ayaa sidoo kale day maalin ka dib markii Amiirku uu wadahadal uu la yeeshay siihayaha xoghayaha difaaca Maraykanka Mark Esper oo ay ku kulmeen xarunta gaashaandhiga ee Pentagon-ka, oo casho loogu sameeyey halkaasi ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Xoghayaha Maaliyada Steven Mnuchin, iyo Madaxweyne Trump oo laftigiisu uu joogay halkaasi. Hadal uu ka jeediyey Cashadaasi ayuu amiirka Qatar uu sheegay in booqashadiisan Maraykanka ay labada dal arimo badan ay isku waydaarsadeen iyo iyagoo u dabaaldegaya xidhiidhkooda dhaqaale ee qaangaadhka ah. “Qatar iyo Maraykanku waa saaxiib iyo gaashaanbuur. Waxa aanu sii wadaynaa inaanu sii adkayno oo sii joogtayno xidhiidhada labada dhinac ee Milatariga iyo Amaanka ku saabsan.” Ayuu yidhi Amiirka dalka Qatar. Hase yeeshee waxa jira qorshayaal dalka Maraykanku uu ku doonayo inuu diyaaradaha dagaalka iyo hub kale uu ka iibiyo dalka Qatar, waxaana arimahani ay ku soo beegmayaan xili xiisad xumi ay u dhaxayso maraykanka iyo Iran , halka Qatar laftigeeda culays weyni uu ka haysto saaxiibadeeda xidhiidhka u jaray oo cir iyo dhulba xayiraad ka saaray dalka Qatar. Source
-
(SLT-Tehran)-Askar ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Azarbaijan ee dhaca waqooyi galbeed ee dalka Iiraan. War saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidanka kacaanka ayaa lagu xaqiijiyay in gaadhi ay saarnaayeen ciidanka lagu qarax lagula eegtay afaafka hore ee laga galo magaalada Piranshahr. Askarta geeriyootay ayaa ka tirsanaa guutada ku sugan xerada Xamza Sayyid Al-Shuhadaa. Dhanka kale ciidanka sirdoonka ayaa wada baadhitaanada la xidhiidha weerarkaan waxaana heegan guud la galiyay laamaha Amniga. Badhasaabka gobolka Piranshahr Cali Tarabi ayaa waxyar ka hor dhankiisa sheegay in dagaal u dhaxeeya koox dabley ah iyo laamaha amniga lagu dilay sadex askari oo ka tirsanaa ciidanka Kacaanka Iiraan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya uu Kufsi u geystay gabar 9 sano jir ah oo ku sugneyd degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Gabadhan oo ka timid Dugsi Qur’aan ayaa la sheegay inuu afduubtay askarigaasi, kuna Kufsaday guri ku yaalla ka soo horjeeda xarunta maamulka degmada Raage Ceelle. Qaar ka mid ah ehellada gabadhaasi yar oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey Kufsiga, waxaana ay sheegeen in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay gabadhooda. Ehellada ayaa tilmaamay in askariga geystay falkan uu galay xarunta degmada, islamarkaana illaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigon. Sidoo kale Waalidiinta gabadha yar ayaa maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha oo xaalad adag ku jirta loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdeeda caafimaad. Dhacdadan ayaa waxa ay aad ah u taabtay dadka deegaanka oo si aad ah uga xumaaday falkaasi argagaxa leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaalla dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah. Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba. Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii March, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xidhay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha. “Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tidhi Nicki Minaj. Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in ayna ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July. Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira. Source
-
Waxaa si rasmi ah u shaqo bilaabay Suuqa Salama Market oo ah meel aad si nabad ah wax uga iibsan karto adigana aad u dhigan karto alaabta aad rabto inaad iska iibiso. Salama Market waa suuq ganacsi oo ku fududeynaya in ad wax raqiis ah oo cusub ama celis ah ka iibsato ama aad adigu isaga ibiso si xor ah oo free ah. Suuqaan wuxuu kuu fududneynaa inaad wixi aad doonayso laga iibsado, si online ah oo dhib yar gurigaaga adigoo jooga ama goobtaada shaqo. Wixi faahfaahin ah kala xirira milkilaha Salama Market Abdikadir Sheikh Tel +46739915854 whatsap ama viber. Madoonaysa inaad iska iibiso gaarigaaga haddaba uma baahnid qof ku dulaalo oo ku dhiig miirta hadaba soo gasho alaabtaada suuqa Salaama Market. Halkkaan hoose ka booqo Website-ka Suuqaan. https://salamamarket.com/
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga waddanka Imaaraatiga ayaa sida qorshaysan Khamiista berriya dib ugu soo laaban doona magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo 26-kii June ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa safarkiisa debadda ka bilaabay waddanka Djibouti oo uu 27-june kaga qeyb-galay xuska Munaasabadda xornimada Jamhuuriyadda Djibouti isagoo halkaasi kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa. Mudane Axmed Karaash ayaa waddanka Djibouti uga sii gudbay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta halkaasi oo uu 3-dii bishan Julay ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraatiga iyo xubno ka socday ganacsatada waddankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi debadda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Taliyaha Taliska Wadajirka ee Milliteriga Maraykanka, Jeneral Joseef Dunford ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha Isbahaysi Milliteri oo badbaadiya Maraakiibta Ganacsi ee ka gudba Xeebaha ka baxsan dalalka Iiraan iyo Yemen, xilli ay Maraakiibta shidaalka weeraro kala kulmeen baddaasi. Waxa uu tilmaamay inay Qorshahaasi u gudbiyeen dalalka saaxiibaadda ee Gobalka ee doonaya sugidda Ammaanka Biyaha Gacanka Bershiya iyo Badda u dhexeysa Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika. Jeneral Joseef Dunford waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen Qorshaha Isbahaysiga Cusub, lana filayo in lagu dhawaaqo isbuucyo gudahooda dalalka doonaya inay ku soo biiraan Isbahaysigaasi. Source
-
(SLT- Manchester)-Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baadhayaan sida ay u geeriyootay gabadh yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas, waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester. Shukri Cabdi, oo 14 jir ahayd ayaa geerideeda aad looga naxay, waxaana waalidkeed ay soo bandhigeen shakiga ay ka qabaan in ayna gabadhooda ku dhicin wabiga balse lagu riday. Booliska ayaa sheegay in aanay jirin arrintaa, waxaana billowgii horaba ay muujiyeen sida ay uga cagajiidayaan baadhitaano lagu sameeyo kiiska, balse cadaadis kaga yimid bulshada ayaa qasbay in booliska uu shaaca ka qaado baadhitaano dheeraad ah oo lagu sameynayo geerida gabadha yar. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dhibta ugu weyn ee ka taagan deegaanno ka mid ah Jubbaland ay tahay xaalufka lagu hayo dhirta. Wuxuu sheegay in dhulka uu nabaad guuray, taasina ay ugu wacan tahay qof Soomaaliyeed oo jaraya geedihii si dhuxul uu uga shito. Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in shaqsiyaadka xaalufka ku haya deegaanka loola dagaallamo sida Al-shabaabka oo kale. “Xaaluf badan baa deegaankan ku dhacay, waxa ugu badan ee xaalufka ayaa ah dhirta la jaro ee dhuxusha laga jaro..xitaa roobkii wuu yaraaday, maanta waad aragtaan waxa ku dhacay, waxaan rabnaa inaan la wada dagaallanno kulligeen kuwa xaalufka wada, aan u aragno qofka geedka goynaya inuu qof Soomaaliyeed goynayo” Deegaannada Jubbaland ayaa ah meesha ugu badan ee la sheego iney ka jirto xaalufinta dhirta, iyadoo dhirta la jaro laga dhigo dhuxul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Waaxda maaliyada ee dalka Mareykanka cunaqabateyn ku soo rogtay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Lubnaan. Mareykanka ayaa ku eedeeyay Mudanayaashan inay qeyb ka yihiin isku xidhka millatariga Lubnaan iyo dagaal-yahanada Xisbullah. Amin Sheciiri iyo Maxamed Xasan Racad ayaa dowlada Mareykanka sheegtay in xubnahaan xilalka ay hayaan si khaldan ugu taageereen kooxda oo Mareykanka hore ugu daray liiska Argagixisada. Laba xubnood oo ayaa 10 sanno ka tirsan baarlamaanka Lubnaan. Dowlada Mareykanka ayaa 50 xubnood oo ka tirsan Ururka Xisbullah cunaqabateyn ku soo rogtay tan iyo sanadkii 2017-da. Source
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulankoodii 25-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyadoo kulankan ka mid yahay kuwa caadiga ah ee xildhibaannadu yeeshaan. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Duulista hawada ee rayidka iyo sidoo kale akhrinta Saddexaad ee xisaab xirka sanadka 2017. Sabatidii Todobaadkan, xildhibaannada golaha shacabka ayaa meelmariyey xeerka Saxaafadda, kaasi oo wax ka bedal lagu sameeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku filay Saddex ruux, kuwaasi oo la sheegay ineyka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood2 28,Oct sanadkii 2017. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu yiri: Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey. “Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen. Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dhamaystiran, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug. Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin. Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Xudur (SMN) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Generaal Odowaa ayaa sheegay inay si dardar leh ay ku socdaan howlgalladaasi oo uu jeedkoodu ku sheegay in Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidadamada dowladdu ay ku qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo uu ka xusay deegaanada Mooragaabey iyo Ceel La Helay oo ka tirsan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Jimcaale-1.mp3 View the full article
-
Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si adag u dhaliilay siyaasada gudaha ee xukuumada Muuse Biixi. Inj. Faysal ayaa sheegay in xisbiga UCID uu dabada ka riixayey heshiisyadii ay Kulmiye wada-galeen ee ku aadanaa qabsoomida doorashooyinka, isagoo xusay in Madaxweyne Biixi uu hor-taagan yahay inay doorashooyinkaas ka qabsoomaan Somaliland. Sidoo kale, Waraabe ayaa ka dhawaajiyay in xukuumada Muuse Biixi ay gebi ahaan ku fashilantay siyaasadii gudaha, isla markaana ay Somaliland wajahi doonto hoggan-xumo baahsan. Guddoomiyaha UCID, ayaa intaas ku daray in dadaalada ay xukuumada Biixi kawado dibadda ay uga mudan tahay inay hagaajiso siyaasaddeeda gudaha oo ku tilmaamay mid gabi ahaan joosatay. “Ma socoto, loomana jeedo doorasho inay qabsoonto, midii deegaanka waad arkaysaan, iyadoo sharci ku fadhiyin ayay shaqeynayaan, waa aanan horay u arag innagu. Doorashadii wakiilladana ma socoto, annaga UCID ahaan baa dabada-ka-riixayna, balse xukuumaddu uma jeeddo, Waddani baa diiday oo yiri guddiga doorashada la kala saaro, taasina xal ma noqonayso, sidoo kale mar-marsiyona ma noqonayso, xilkuna wuxuu saaran yahay xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi,” ayuu Faysal ku sheegay hadalkiisa. Dhanka kale, guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dadaallada ay waddo xukuumadda Biixi aanay waxba ka jiri doonin, hadidi ay shaqeyn waydo siyaasadda gudaha, waayo maamul wuxuu ka socdo waa gudaha ee kama socdo dibadda. “Shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa in hawlihii xukuumadda ay gabi ahaan istaageen, waxaana sabab u ah taas madaxdii xukuumadda oo aan u soo jeedin ay wax ka qabtaan siyaasadda gudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Faysal Cali Waraabe. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa uga digay Muuse Biixi inuu dib u dhigo doorashooyinka oo uu waqtigooga ku qabto, isagoo xusay haddii ay doorashooyinkaas qabsoomi waayaan uu mugdi galayo maamulka guud ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Faysal Cali Waraabe oo maamulka Muuse Biixi u jeediyay dhaliil, soona saaray Digniin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Islaam] ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo, isagoo sheegay in dhirta deegaannadaas lagu hayo xaalufin ba’an. Axmed Madoobe ayaa xusay in sababta ugu badan ee xaalufinta dhirta ay tahay iyadoo loo bedelo dhuxul, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dhirta la jarayo si aanu deegaanka ugu dhicin xaaluf sababa dhibaatooyin kale oo aan hadda loo jeedin. “Xaaluf ba’an ayaa deegaanka ku dhacay, waxaana sabab u ahaa dhirta oo la jarayo iyo dhuxusha, taasoo keentay inuu roobku yaraadu, waayo halkan dhul roob buu ahaa oo ay ku noolaayeen jireen maroodiga iyo duur-joogta kale,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku baaqay in laga wada-hortago kuwa dhirta xaalufinta ku haya, wuxuuna la barbar dhigay Al-shabaab oo uu xusay inay dagaal adag kula jiraan, kuwa dhirta jarana ay dagaal la mdi ah la geli doonaan. “Waxaa loo baahan yahay inaan u midowno kuwa dhirta jaraya ee dhuxusha u bedelayo, sida aan ugu midownay kooxda Al-shabaab oo kale,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo hadalladiisa ay ka muuqatay caro. Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in qofka dhirta jaraya loo arko sidii qof jaraya risiqa qof kale oo Soomaali ah, wuxuuna xusay in dhuxusha ay dhibaato weyn ku tahay dadka iyo deegaanka, ayna doonayana inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay dhirta dhuxul u bedesho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkan jeediyay isagoo booqsaho gaar ah ku maraya deegaanka Cabdalla-biroole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana booqashadan loo arkay inay qayb ka tahay ololihiisa doorashada dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo. Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaraya hadallo horay loo sheegay oo ahaa inuu isagu qayb ka yahay dhirta loo bedelayo dhuxusha uuna dekedda Kismaayo ka dhoofiyo dhuxul fara badan oo loo ganacsi geeyo dalalka Khaliijka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay la dirirayaan kuwa dhirta u beddela dhuxusha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyey inay heleen xog cusub oo sheegeysa in Al-Shabaab gudaha dalkaasi ay la galeen walxaha qarxa. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay abaabulayaan weeraro hor leh oo ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la qorsheynayo in weeraradaasi ay dhacaan midkood July ama August ee sanadkan. Laamaha amniga, gaar ahaa sirdoonka Kenya ayaa intaasi ky daray in weeraradaasi lala damacsan yahay goobaha Dalxiiska ama meelaha ay dadka ku badan yihiin ee dalkaasi. Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka taxadaraan amnigooda. Sirdoonka dowladda Kenya ayaa dhowr jeer soo saaray digniino ka dhan ah Al-Shabaab oo weeraro xoogan ka geysta dalkaasi. Weeraradii ugu waa weynaa ee Kenya ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah weerarkii Westgate Mall 2013-kii , weerarkii Empkatoni ee 2014-kii, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii iyo weerarkii Dusit D2 ee 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood2 ee M/Muqdisho ,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Golaha degaanka magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ay dal madax-bannaan u aqoonsadeen maamulkiisa Somaliland. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo ku hadlaya magaca Somaliland uu hambalyo iyo mahad-naq u jeedinayo Golaha degaanka Birmingham oo dal madax-bannaan u aqoonsaday Somaliland “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan” aya lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa amaan u jeediyay Golaha degaanka Birmingham oo uu sheegay in ay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini’aadanimo oo aad u qiima badan kadib markii sid uu sheegay ay dal madax bannaan u aqoonsadeen maamulka Somaliland. “Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dhanka dal madax-bannaan isagoo Beesha Caalamka ka codsaday in ay tix-geliyaan oo ictiraaf siiyaan Somaliland. “Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland laga aqoonsaday magaalo ku taalla dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.