Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doha: The State of Qatar has strongly condemned the bombing that occurred near a military base in Lower Shabelle region, southern Somalia, killing one person. Source: Hiiraan Online
  2. Senior representatives of the African Union (AU), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the United Nations (UN) travelled to Kismayo today to engage with stakeholders on Jubaland’s ongoing electoral process, which is expected to culminate in the election by the State Assembly of the State President. Source: Hiiraan Online
  3. Former Somali presidents have thrown their weight behind the formal electoral agency in Jubbaland in what could be seen as endorsing the decisions of the incumbent leader Sheikh Ahmed Islam Madobe. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo argagaxisada. Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada. Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
  5. Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa ka mamnuucday Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka booqasho ay qorsheeyeen inay ku tagaan Qudus iyo Daanta Galbeed, waxaa sidaas maanta shaaciyey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely. “Go’aanka waa la gaaray, go’aanka waa inaan loo ogolaan inay halkan yimaadaan” ayuu Hotovely u sheegay Radio-ga Reshet ee Israel. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, arbacadii, ka hor inta aan maanta lagu dhowaaqin. Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeedda Falastiin ayaa waxaa laga soo doortaa gobolka Michigan, halka Ihaan Cumar oo Soomaaliya kasoo jeedda laga soo doorto Minnesota. Labada xildhibaan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israel. Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa twitter-ka kusoo qoray “Waxay muujin doonta dafiicnimo weyn” haddii Israel ay labadan u ogolaato booqashada. Trump waxa uu intaas ku daray “Waxay neceb yihiin Israel iyo dhammaan dadka Yahuudda ah, mana jirto wax la oran karo ama la sameyn karo si maskaxdooda loo beddelo.” Safiirka Israel ee Mareykanka, Ron Dermer ayaa bishii tagtay sheegay in Rashida iyo Ilhan loo ogolaan doono booqashada, si loo xushmeeyo Congress-ka Mareykanka iyo xiriirka Israel iyo Mareykanka. Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in is-beddelka ku yimid mowqifka Israel ay ugu wacan tahay damac ku aadan inay Trump la qaataan siyaasaddiisa adag ee ku wajahan labada gabdhood. Safarka Rashida iyo Ilhaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa inay tagaan dhismaha masjidka barakaysa ee Al-Aqsa. VOA
  6. Jaaliyada Somaliland ee Ohio oo u samaysay qado sharafeed Xildhibaan Muse Daud Cilmi Columbus, Ohio—Shalay jaaliyada Somaliland ee Ohio waxay “ Lavash Restaurant” ee ku yaalla magaalada Columbus, Ohio, qado sharafeed ugu sameeyeen xildhibaan Muse Daud Cilmi , oo ka trisan golaha deegaanka e magaalada Berbera.Inkastoo ay ahayd maalin shaqo, haddana, qadada waxa ka soo qayb galay dad fara badan. Xafladan waxa soo agaasimay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Ohio, Yusuf Omar, iyo xidhiidhiyaha jaaliyada, Abdisalam Ali Mohamed, iyo Cabdi Kayd. Sheikh Abdirizak Mataan ayaa ku furay aayadaha quraanka kareemka ah. Ka dibna, dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa is baray xildhibaan Muse Daud Cilmi. Xildhibaan Muse Daud Cilmi ayaa jaaliyada uga warramay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee Berbera. Isagoo sheegay labadii sano ee ugu dambeeyey in ay golahu qabteen hawlo fara badan, sida wadooyin cusub oo kor u qaaday bilicda iyo isu socodka magaalada. Waxaa kaloo ka waramay siayaasada guud iyo nadabgelyada wadanka. Muse Daud Cilmi waxa ku baraarujiyey jaaliyada in ay lacagtooda gashadaan wadanka, siiba gobolka Saaxil, oo ay ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah.Ama ay ka shaqeeyaan siday u keeni lahaayaan shirkado maalgashada wadanka.Maal gaashidaas oo abuuaraya warshado yar –yar ama meherado shaqooyin u abuura dhallinyarada. Xildhibaanku wuxuu aad ula dhacay midnimada iyo isku dubnaanta ka muuqatay jaaliyada. Wuxxuna xusay in,” Jaaliyada Somaliland ee Ohio ay tahay jaaliyadii ugu fiicnayd ee uu la kulmay, “ intii uu qurbaha ku safrayey. Wuxuuna ku dhiiriyey inay himiladooda ay kor u sii qaadaan, iyo midnimadooda ay sii xoojiyaan. Xaflada markay dhamaatay, jaaliyada waxay sawir wadareed la galeen Xildhibaanka “Restaurant’ka dibadiisa. Xildhibaan Muse Daud Cilmi waxa ka mid yahay xildhibanaadi la soo doortay doorashooyinkii 2012 ee golaha deegaanka. Hal codna looga guuulaystay inuu Mayorka Berbera noqdo.Muse Daud Cilmi waxa uu la dhashay Mayorkii ugu waxqabashada badnaa Berbera, Saciid Daud Cilmi, oo shil baabuur ku geeriyooday 2007. Gubanmedia.com Covering Horn of Africa Region aliadm18@gmail.com Qaran News
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxiinta mucaaradka ee ka soo horjeedo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa weli walaac ka muujinaya doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiintaasi, islamarkaana wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa marka hore dhaliil u jeediyey maamulka Axmed Madoobe. Ciilmooge ayaa sheegay in Jubbaland aysan ku jirin doorasho, islamarkaana maamulka hadda jira uusan yeelin sidii la rabay. ‘’Guud ahaan Jubbaland waxaa la dhihi karaa weli doorasho kuma jirto, doorasho macno leh ma muuqato maamulka sidii la rabay ma yeelin oo waa naga diiday qodobadii iyo shuruudihii uu adduunka aqoonsanaa.’’ ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka Jubbaland iyo sidii loo qaban lahaa doorasho dimoquraadi ah. ‘’Doorashada ciyaarta halaga daayo ee haloo soo noqdo xaqiiqada.’’ ayuu markale yiri Ciilmooge. Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay xalka, isaga oo dalbaday in waqti lagu daro doorashada, si looga wada hadlo caqabadaha jira. ‘’Waxaa xal u ah hala’is hor fariisto waqti halagu daro ee haloo yeero dowladda dhexe, beesha caalamka, IGAD iyo dariska, si ay marqaati uga noqdaan doorashada.’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey musharrax Ciilmooge. 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la wagu wadaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, sida ay shalay shaaciyeen guddiga doorashooyinka ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Cabdullaahi-Ciilmooge-Xirse-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  8. Kadib kulan ay Maanta Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Ganacsatada Baladweyne ayaa waxaa la go’aamiyay in ku dhowaad Afar sano kadib gobolka Hiiraan laga isticmaalo lacagta Shilinka Soomaaliga. Ganacsatada iyo Maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku raacay in la socodsiiyo lacagta shilinga soomaaliga taas oo baahi weyn ay u qabaan Shacabka danta yare ee ku nool Magalada Bladweyne. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kulanka sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya lacagta Cansuurta ah ay ku qaadi doonaan lacagta Shillinka Soomaaliga, isaga oo ka digay in lacagta feelsada ah lagu soo dhex qariyo lacagta caadiga ah. Mid ka mid ah Guddi ka socday Ganacsatada magalada Baladweyne ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo ay qaadan doonaan lacagta Shillinka Soomaaliga,waxaana Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka codsaday in tallaabo laga qaado dadka lacagta feelsada (Been abuurka) soo gelinaya Magalada Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha dowladda degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed cumar iyo madaxa xarunta dhaxe ee X.D.S Maxamed Shaale Isaaq ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii ururka ONLF oo ku beegan 15-Agoosto-1984-tii. Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda degaanka Soomaalida ayaa waxa kale oo kasoo qayb-galay hoggaanka ururka ONLF iyo taageerayaasha ururka ee ku sugan maagaalada Jigjiga. Madaxweynaha DDs Mustafe Muxumed Cumar oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horrayntii u hambalyeeyay hoggaanka sare ee ururka xubnihiisa kala duwan iyo taageerayaasha ururka. Madaxwaynaha dowladda degaanka Soomaalida mudane Cagjar ayaa caddeeyay in xisbiga Dimuqraadiga soomaalidu uu ku halgamayo danta iyo masiirka shacabka soomaalida isagoona adkaynaya midnimada iyo wadajirka umadda degta dowlad degaanka Soomaalida. Dhanka kalana mas’uuliyiinta ururka ONLF oo halkaasi khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in ay maanta munaasabadani ay uga duwan tahay munaasabadihii hore maadama ay si nabadgelyo ah ugu xusayaan gudaha dalkoodii hooyo halgan dheer kadib. Hoggaanka ururka ayaa sidoo kale sheegay in ay muqadas tahay midnimada iyo wadajirka umadd ku nool dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan adkaynta midnimada iyo walaalnimada shacabka. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida oo laga xusay sannad-guurada 35-aad ee aas’aaskii ururka ONLF appeared first on Puntland Post.
  10. Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu weysnaa Saddex Dhalinyaro Soomaali ah,kuwaas oo la waayey xilli uu boob ka socday Goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Qaar ka mid ah Dhalinyaro kale oo gurmad u sameeyay Soomaalida Ganacsigooda la boobayay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in la helay, iyaga oo badqaba Saddex Dhalinayarada ah, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay. Maxamed Cumar Talyaani oo ka mid ah Guddiga gurmadka sameeyey ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada iskana abaabulay Magaalada Johannesberg ayaa sheegay in dhalinyarada Saddexda ah ay galeen Xaafado u dhow Goobahooda Ganacsi oo ay boob ku hayeen Burcad Koonfur Afrokaan ah sidaasina ay ku badbaadeen. Dhanka kale Xaaladda Deegaanka Soweto ayaa maanta xasiloon in kastoo ay waqti walba wax is bedeli karaan, iyadoo ku dhawaad Toban (10) Dukaan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin cagta lagu mariyey Boobkii dhacay, halka khasaaraha ugu badan uu gaaray Ajaanibta kale sida Ethiopian-ka iyo Bangladesh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Somaliland Xafiiska Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland ayaa Khamiista maanta shaaciyay natiijada imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ay weheliyaan wasiirka Waxbarashada Somaliland agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland. Halkaan hoose ka daawo natiijada imtixaanka oo faahfaahsan iyo macluumaad kale oo dheeriya PUNTLAND POST The post Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  12. Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xiriira amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir. voa Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay kulan uu Madaxweyne Muuse Biixi dalka Sacuudiga uu kula yeeshay wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada ayaa sheegay in kulankaasi uusan aheyn mid qorsheysnaa, isla markaana ku dhacay si kedis ah. Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale waxa uu kulankaasi ku sifeeyay mid ka dhacay goob cibaado oo aan ku ladhneyn arrimo siyaasadeed. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Meesha Sawirka maanta la wareejinaya uu ka soo baxay waa wadanka Sacuudiga, waa acmaal xajka ah ayaa la iskugu tagay, umaddo badan oo Muslimiina tagay waana meel Muslimiintu ay siman-yihiin oo aan kala laheyn dhinac ay tahayba”. “Dad cibaado u tagay haddii ay isa salaaman ama is bariidiyan anuu wax dhibaato ah uma arko, markaa dadka cibaadada wax ka raadinaya ee siyaasadeynaya uma arko inay wax sax ah tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii dad meelo kale lagu eedeyn jireyna, Makka ma aheyn cibaadona ma aheyn, laakiin maanta goob cibaado ayey aheyd oo la iskugu tagay, Muslimiin siman baa timid markaa haddii la isa salaamo, madaxweynuhuna sidan ka war hayo dad badan baa salaan ugu tagay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. The Federal Government of Somalia (FGS) and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Wednesday commenced a physical audit of companies and organizations operating within the Aden Abdulle International Airport protected area. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Travellers from Mogadishu will still have to contend with another three months of stop-over in Kenya’s north east after aviation authorities in Nairobi extended the direct flights ban to November this year. Source: Hiiraan Online
  16. KISMAYO (HOL) - A team of Ethiopian military and intelligence officials allegedly at the behest of Villa Somalia to negotiate a deal with Jubbaland president Ahmed Madobe over the incoming presidential elections returned from Kismayu disgraced after Madobe reportedly gave them a cold shoulder. Source: Hiiraan Online
  17. Kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan golaha fulinta ayaa Puntland waxa ay hakad gelisey wadashaqaynta xukuumadda Soomaaliya. Iyadoo ay taasi jirto ayaa shacabka Puntland iswaydiinayaan sababta keentay in weli ay wada shaqaynayaan qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo Puntland iyadoona ay hadda masuuliyiin katirsan Puntland shirar uga qaybgelayaan Baydhabo. Wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey), oo shir kaga qaybgalay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada dhinac haseyeeshee ay jiraan arrimo ka madax bannaan siyaasadda. “Puntland kuma taalo jasiirad cidlo ah waxay kamid tahay jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, waxyaabo laysku khilaafsan yahay waajiraan sida madaxweeynuhuba caddeeyey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo la hadlay Idaacadda Garoowe. Wasiir Sabarey oo sii wata hadalkiisa ayaa markale yiri,“Arrimaha gudaha, arrimaha dastuurka, qaybsiga khayraadka iyo deeqaha magaca Soomaaliya lagu helo arrimahaasi khilaaf baa ka taagan oo waad ogtihiin arrimaha kale ee aan siyaasadda shaqada ku lahayna waa soconayaan”. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Xagee ku dambeeyey khilaafkii Puntland iyo DFS xilli wasiiro ka socda Puntland ku sugan yihiin Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan. Waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay laba qodob oo beesha caalamka ay dooneyso in la fuliyo kuwaas oo kale. 1 – In fursad iyo waqti dheeri ah la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaan geliyaan ugana qeybgalaan doorashada. 2 – Iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, islamarkaana taas ay tahay shaqada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com