-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo waafaqday in Arrimaha Doorashada looga dambeeyo Guddiga rasmiga ah ee Doorashooyinka Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland waxaa gaarey wakiilka xoghayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafti uu hogaaminayo. Waftigaani oo u jeedkiisu yahay xallinta khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta, musharixiinta iyo madaxda xilligaan ee maamulka Jubbaland. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda ka socdakulemo u dhaxeeya qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka Jubbaland Amb. James Swan oo ka wada arrinsanaya doorka dhaqanka ee xallinta khilaafyada taagan. Danjire James Swan waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qudhiisu musharax ah iyo xubnaha kale ee musharixiinta mucaaradka ah. PUNTLANDPOST The post Kulamo ka socda magaalada Kismaayo iyo danjire James Swan oo gaarey. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ergeyga QM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulkaasi. Intaasi kadib James Swan ayaa guda galay ujeedada socdaalkiisa oo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu haatan garoonka uga socdo isaga iyo odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi. Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa cabashada weli ka taagan doorashada iyo sida loo wajahayo. Qaaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Jubbaland, taas oo la shaaciyey in la qabanayo todobaadka dambe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Ethiopia eyes co-op with Alibaba to promote digital economy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ethiopian Ministry of Innovation and Technology on Wednesday announced cooperation with Chinese e-commerce giant Alibaba Group on building its digital economy sector. Source: Hiiraan Online -
Barely a week to Somalia’s Jubbaland state elections, the vote could be headed for uncertainty after a group of rival candidates announced a list of MPs to pick the president. Source: Hiiraan Online
-
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in qaar kamid ah muwaadiniintii Soomaaliyeed ee loo qaaday Xajku aysan helin fursad ay ku soo xajiyaan kadib markii shirkadihii qaaday ay dayaceen. Haddaba qaar kamid ah maamulayaasha shirkadaha duulimaadyada ee qaaday xujayda Soomaaliyeed ayaa beeniyey in xujayda qaarkooda aysan gudan waajibaadka Xajka waxaana ay sheegeen inuu ahaa sanadkii ugu fiicnaa xujayduna heleen adeegyo dheeraad ah. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Maxaa kajira in qaar kamid ah xujaydii Soomaaliyeed aysan xajka gudan sanadkaan. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Wajaale)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku gudo jirta hawlo ay ku doonayso inay magaalo ganacsiyeedka Wajaale ay ka hirgeliso goobo muhiim ah oo aan hore uga jiran oo u suurto galinaya sidii dhinaca Somaliland uu ula tartantami lahaa dhinaca kale ee isla Wajaale ee ka tirsan Dalkaasi Itoobiya. Qorshahan Somaliland ayaa ah in Magaalada Wajaale laga hirgeliyo Laan ka mid ah Baanka Dhexe ee Somaliland, taasi oo uu shalay halkaasi uu tegay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baanka dhexe oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Gobolka Gabiley, iyo Degmada Gabiley, iyo Madaxda Magaalada Wajaale. Ugu horreyna, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa ka warramay ujeedada socdaalka iyo waxyaalaha u qorsheysan, waxaanu yidhi, “Waxaanu hore u soo dirnay Guddi farsamo oo daraasad ka soo sameeyey, markii aanu eegnayna waanu ku qanacnay in halkan (Wajaale) laga furo laan baanka dhexe ah”. Guddoomiyaha Baanka Dhexe waxa kale oo uu soo indha indheeyey heerka iyo tirada Baananka ka furan dhinaca kale ee Magaalada Wajaale ee ka tirsan dalkaasi Itoobiya, “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam, markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”. Dhinaca kalena, Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa isna sheegay ahmiyadda Baananku u leeyihiin magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen Gobolkan ee ugu kuurgalayaan xaaladda Baananka iyo Xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay Qaranka u hayaan siday uga socdaan Gobolka Gabiley”. Intaasi kadibna Maayirka Degmada Gabiley ayaa soo bandhigay baahida ay Baananka u qabto Magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu Qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”. Ugu dambeyntiina, Maayirka Magaalada Wajaale Xaashi Maxamuud Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Indho-Ballac ayaa iyaguna si weyn ugu mahad naqay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland isla markaana si diiran u soo dhaweeyey in Magaalada Wajaale laga furo Laanta Baanka dhexe ee Somaliland. Source
-
Wafdigan uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Manta Soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ujeedkiisa ahaa sidii ay u ogaan lahayeen Xaaladaha Kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya. Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka Tirsan Golihiisa Wasiirada. Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Today is August 14th, the Independence Day of the Islamic Republic of Pakistan. Proudly the one and only Muslim nuclear power on the planet. The world’s sixth-most populous country with a population exceeding 212,742,631 people, and the 33rd-largest country on the planet, spanning 881,913 square kilometers. In search of knowledge It was September 25, 2002 when I landed in Jinnah International Airport, Pakistan’s busiest international, and domestic airport, located in Karachi, the largest city of Pakistan, and the commercial capital of Pakistan, as well as the capital of the province of Sindh. The airport is named after the founding father of Pakistan, Quaid-E-Azam: Mohamed Ali Jinnah. I was a student in search of knowledge, especially of higher education in the Pakistani Universities, especially in Karachi. That journey successfully ended after I accomplished my higher education goals. That journey lasted almost eight years (8-years) from September 25, 2002-to-April 22, 2010. I and many other Somali students gained qualifications and experiences that changed our lives. We owe that to Pakistan. We also made life time friends, and I must say, in general, the people of Pakistan that we dealt with where generous and considerate to us. Opportunities The Pakistani people like, and respect other practicing Muslims, and vast majority of the Somalis who went there were practicing Muslims, and when they saw how our people were filling Mosques five times a day, and reading the Qur’an whenever possible, they accepted us wholeheartedly, as their brothers in Islam. The Pakistani government also knew that Somalis who were coming to Pakistan where mainly in four categories: A-Students who were mainly in the major cities like: Karachi, Hyderabad, Lahore, and Islamabad. B-Refugees who came for a chance to migrate to one of the Western countries. These refugees were mainly in Islamabad where the UNHCR headquarter was located. C-Tabliqi people who came with the Jama’at Tabliq for the sake of Allah (Khuruuj), although some stayed, and joined the Islamic universities, in order to educate themselves about Islam. D-The last group where the Somali business community who some of them used to reside in the country, and had business dealing with the manufacturing sector, especially in the textile and pharmaceutical industry, while others used to come make some orders, and used to go back home. Challenges The only problem our people had was immigration issues, since we were coming from a country which was recovering from Civil war. Thankfully we weren’t like some other communities that were famous for dealing with drug trafficking, prostitution, and other underground illegal activities. That is why the Pakistani government, and its people had a soft spot for the Somali community everywhere in Pakistan. Historic brotherhood Pakistan and Somalis enjoyed historic brotherhood. Somalia played a leading role, and successfully negotiated in resolving the problem between East Pakistan (Now Bangladesh), and West Pakistan in 1971, on the other hand, Pakistan stood firmly with our country: Somalia, in the 1977 war between Somalia and Ethiopia, which is to us, what India is to Pakistan, the number one strategic enemy of our nation. The countries that stood firmly with us included: Pakistan, Iraq, and Egypt, to name few. Those supported the other side: Ethiopia, included: Russia, Cuba, Libya, and Yemen, to name few. Inconclusion, To the generous people of Pakistan, we say: Happy Independence Day! Pakistan Zindabad!!! By: Abdulkadir M. Osman (Abdi Boqor) A writer, an academic, and a political analyst abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Guddida West Burco Clan Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gudde, ayaa sheegay inay talo iyo arrin wanaagsan isla soo meeldhigeen jabhadda Col. Caare oo ay muddo wada hadal kula soo jireen. ???????????????????????????????????? Guddoomiyaha Guddida West Burco Clan Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gudde,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in natiijada wada hadalkii ay Caare la soo yeesheen la sugayaan Madaxweyne Biixi oo hadda ku maqan xajka, waxaanu ugu horayn isagoo safarkiisa ka hadlaya uu yidhi “Safar ayaanu ugu baxnay Gobolada Barri, gaar ahaan Gobolka Sanaag, bishii hore badhtankeedii, safarkaasi muddo dhawr iyo laabataan cisho ah ayuu nagu qaatay, wada hadal iyo wada tashi kadib waxaanu ninkaas Sarkaalka ah ee la yidhaahdo Siciid Nuur Jaamac iyo jabhadiisaba wada gaadhnay is af garad, is fahan iyo arin aad iyo aad u wanaagsan, taas oo nuxurkeedu yahay in wax kasta oo la kala tabanayo ama la kala tirsanayo in lagu dhammeeyo wada hadal iyo is fahan, arintaas ayaanu isla qaaday, waa arin weyn, oo umadda oo dhami rajaynayso in Is fahan iyo wada hadal ku dhammaato, si fiican ayaana la iskula soo fahmay, arimahaas markii aanu isla soo qaadanay, waxay noqotay in aanu iskula soo dhaadhacno Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, arintaas aanu iskula soo fahanayna si aanu ugu soo gudbino cidda ay khuseeyso oo ah Xukuumadda maanta jirta iyo Madaxweynaha, intii aanan halkan iman ayuu Madaxweynuhu u baxay Xajka, imikana isaga ayaa la sugayaa, waxaana filayaa inay si khayr qabta ay inoogu dhammaan doonto, Madaxweynuhuna uu ku qanci doono”. Suldaanka ayaa intaas raaciyay in la sugayo madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaa la sugayaa, halkaas wax ka qaydhin oo xumaana haba yaraate kuma ogi, inay xumaato iyo inay samaataba Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay, wax kasta oo dalka ka jira waxay ku xidhan tahay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba, waxaana Shacabka reer Somaliland u caddaynayaa inaan halkaas wanaag ka keenay, haddii wanaag arintan lagu dhammeeyana wanaag bay ku dhammaanaysa,oo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa ku xidhan tahay, waxaana ILLLAAHAY ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan, ee dalka iyo dadkaba dan u ah,haddii ay wax hagaagana waa sida loo baahan yahay, wax uu Madaxweynuhu ka dhego adaygi karo oo xumaana oo qodobada dhammaantood ku jira ma jiraan”. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii argagaxisadu ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan. Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan ayaa askartii ku shahiidday difaacidda qaranimadda Soomaaliyeed Allaha uga rajeeyay in uu Shahiidnimadooda ka aqbalo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii argagaxisadu ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan. Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan ayaa askartii ku shahiidday difaacidda qaranimadda Soomaaliyeed Allaha uga rajeeyay in uu Shahiidnimadooda ka aqbalo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed. SAWIRRO The post Ra’iisul wasaare Khayre oo cisbitalka ku booqday askartii ku dhaawacantay weerarkii Awdheegle. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Ambaxay Magaalada Jidda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu todobaadka soo socda safarkii saddexaad ugu baxo waddanka debaddiisa sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post. Socdaalka oo aan la sii shaacin ayaa sida la sheegayo madaxweynuhu ku tegi doonaa dalalka kenya iyo Imaraatiga inkastoo aysan weli caddayn arrimaha uu salka ku hayo safarka uu madaxweyne Deni ku tegayo dalalkaasi. Sidoo kale madaxweynaha ayaan weli maagcaabin xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland iyo agaasimayaasha Wasaaradaha oo laba jeer oo hore dib u dhacay. Mudane Deni oo madaxweyne loo doortay 8-Jannaayo 2019 ayaa laba safar oo rasmiya ku tegay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Shiinaha oo uu la soo saxiixday heshiisyo horumarineed PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo safarkii saddexaad ugu baxaya dalka debaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamad Xukuntay Dad Lacag Jacayl Darteed U Dilay Qof Kale
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT- Malawi)-Maxkamad ku taalla Malawi ayaa xukun ku ridday laba Nin iyo Gabadh lagu eedeeyay inay dileen Qof ka mid ah Dadka Jidhkoodu caddaanka yahay ee loo yaqaanno Albiino, sida uu sheegay mid ka mid ah xukaamta Maxkamaddu. Malawi ayaa illaa sannadkii 2014-kii waxa lagu arkay weerarro lagu qaadayo Dadka Albiinada loo yaqaan ee Midabka Jidhkoodu Caddaanka yahay, waxaana weerarradan qaadaya dad xubnaha jidhka Dadka Albiinada ah u isticmaalaya inay ku helaan Maal-qabeenimo iyo Nasiib-wanaagsan, taasi oo keenaysa inay xubnaha Jidhka Dadka noocaas ah googooyaan isla-markaana ula tagaan Sixirooleyaal, sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation. Maxkamadda ayaa dambiga ah inay dileen Qof Albiino ah ku heshay Saddex Qof oo Magacyadoodu kala yihiin, Douglas Mwale, Fontino Folosani iyo Sophie Jere. Warka ayaa Qofka Albiinada ahaa ee Saddexdan Qof dileen Magaciisa ku sheegay Priscott Pepuzani, waxaanu dilkiisu dhacay sannadkii 2015-kii. Saddexda Qof ayaa la sheegay in markii ay dileen Xubnihii ay qaateen mooyaane, intii kale ee Jidhka Qofkaasi ay ku aaseen meel beer ah, si ay u qariyaan. “Saddexdoodaba waxa lagu helay dambi ah inay dil Geysteen, waxaana lagu xukumay Dil..” ayuu AFP u sheegay Agness Patemba oo ah Afhayeen u hadlay Maxkamadda. Xukunka Maxkamadda ayaa Salaasadii ka dhacay Tuulada Mchinji oo ku taalla Galbeedka Mawali. Illaa sanadkii 2014-kii waxa Dalka Mawali ka dhacay 163 kiis oo ah weerarro iyo dilal loo geystay Dad Albiino ah, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty International Madaxweynaha Dalka Malawi Peter Mutharika, ayaa dhawaan Magacaabay Komiishan qaabilsan baadhitaannada Weerarrada ka dhanka ah Dadka Albiinnada ah. Source -
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee Dalkeeda ka mabuucday inuu soo galo Taliyihii hore ee Sirdoonka dalka Suudaan. Go’aanka Dawladda Maraykanka oo soo baxay, ayaa lagu sheegay sababta looga mabnuucay Salah Ghosh inuu galo Dalka Maraykanka inay tahay in intii uu xilka hayey ku kacay Xad-gudubyo, sida Toojar. Salah Ghosh ayaa xilka Taliyaha Sirdoonka Suudaan hayey muddo dheer, laakiin wuxuu xilkaa iska casilay laba Maalmood ka dib, markii Millaterigu xukunka ka tuuray Madaxweynihii muddada dheer Suudaan Xukumayey, Cumar Xasan Al-bashiir. Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay inay hayaan xog ah in Mr. Salah Ghosh uu ku lug lahaa Toojar Dad loo geystay muddadii uu xilka Hay’adda Sirdoonka Dalka Suudaan ee Magaceeda loo soo gaabiyo, NISS. Pompeo ayaa sheegay in Ghosh oo Magaciisa oo dhamaystiran yahay Salah Abdallah Mohammed Salih inaanu u qalmin in isaga, Xaaskiisa iyo Inantiisu soo galaan Maraykanka. Source
-
(SLT- Philadelphia)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka, waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska. Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan. Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shicib ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta la weeraray ay tahay meel mashquul badan, islamarkaana ay ku badan yihiin Arday. Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar oo ay ku dhinteen dad u badan rayid aan waxba galabsan. Source
-
(SLT-Pakistan)-Raysal wasaare Imraan Khan ayaa kaga digay dowlada Hindiya in ay u diyaar garowdo jawaabta ay Pakistan ka bixin doonto ficilada ay ka wado gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir. Wadamadan daris wadaaga ah oo ku yaal dhanka koonfureed ee qaarada aasiya ayaa xiriirkooda go’ay kadib markii Hindiya xayiraad ku soo rogtay gobolka Himalayan mudo todobaad laga Joogo. Kadib shir jaraa’id oo uu arbacada maanta ah ku qabtay magaalada Muzaffarabad, ee caasimada u ah ismaamuka Kashmiir ee Pakistan maamusho ayuu mr Khan wacad ku maray in waqtiga marka uu yimaado Delhi ay jawaab heli Doonto. Hogaamiyaha Pakistaan ayaa ka dhawaajiyay in ay hayaan xog ku aadan in Hindiya ay qorsheyneyso falal ka dhan ah Kashmiir, ayna diyaar u yihiin in Jawaab ay ka Bixiyaan. Digniintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa wadamada Pakistan iyo Hindiya. Source
-
(SLT-Riyadh)-Suura galinimada in ciidanka amniga Sacuudiga ay daldalaan wadaadka u xidhan dowlada ee lagu magacaabo Salmaan Al-Cowdah ayaa waxaa ka digay wiilka uu Dhalay. Warbixin uu daabacay wargeyska the Guardian ee ka soo baxa UK ayaa Cabdulaahi Al-Cowdah wuxuu sheegay in ay dhici karto in aabbihii la Daldalo. Mr Cabdullaahi ayaa intaa raaciyay in boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso inay afka qabato siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee u ololeeya xuquuqda Aaddanaha. Wadaadkaan ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii waxaa xidhay ciidanka Amniga kadib markii uu soo jeediyay in la xaliyo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar. Bishii July ayaa dib loo dhigay xukun ay gaari laheyd maxkamada Sacuudiga ilaa bisha November, iyadoo dacwad soo oogayaasha Sacuudiga ay dalbanayaan in la daldalo Shiikh Salmaan Al-Cowdah. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ah musharraxiinta sanadkan ku loolamaya doorashada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan doorashada, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaallo xeebeedla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Seeraar ayaa sheegay in Senataro ka tirsan aqalka sare ay doonayaan in dowladda federaalkaSoomaaliya ay kala dhex dagaalamaan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Musharrax Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Senatoradaasi ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Wuxuu tilmaamay in ay farogelin ku hayaan arrimaha doorasooyinka Jubbaland, islamarkaana ay gabeen shaqooyinkii loo igmaday. Dhinaca kale Seeraar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka,isaga oo xusay in inta badan deegaanada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada amniga in ay xoojiyaan nabad gelyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Musharax-Seeraar.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa looga diyaar garoobayaa doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi iyo sidoo kale tan madaxweynaha. Maanta ayaa la filayaa in musharraxiinta u taagan guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo ku xigeennadiisa ay khudbadahooda jeediyaan. Waxaa jira musharraxiin mucaarad ah oo ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo aan iska diiwaangelin guddiga doorashada, misane sheegaya in la duudsiinayo xuquuqdooda. Guddiga doorashada ayaa diiwaangeliyey 8 musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana si caadi ah u socda howlaha diyaarinta doorashooyinka. Shalay, waxaa magaalada Kismaayo tagay saraakiil ka socday sirdoonka Itoobiya, kuwaasi oo kulamo la yeeshay madaxweyne Axmed Madoobe si ay uga dhaadhiciyaan qodobada kala ah: 1- In waqti lagu daro diiwaangelinta Musharraxiinta 2- In xubnaha Federaalka sida wasiirada loo fasaxo tagistooda magaalada Kismaayo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu u sheegay saraakiishan in howlaha diiwaangelinta u taallo guddiga doorashooyinka, sidoo kalena arrinta xayiraad ka qaadista wasiirada Federaalka iyana ay tahay wax laga doonayo golaha wasiirada Jubbaland oo markii horeba saaray, una baahan in dib loogu celiyo. Natiijo la’aan ayeey saraakiishan isaga soo tageen magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegayo iney soo aadeen dhanka magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maanta magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka QM ee Soomaaliya. Ulajeedkooda ayaa ah iney la kulmaan madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo walbo oo kasoo baxda doorashada Jubbaland, haddii aanay iyadu lahaan go’aanka ugu dambeeya. Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ayaa awood buuxa siinaya dowlad goboleedyada iney si nabad oo aan farogelin ku jirin ku maamushaan doorashooyinkooda, iyadoo DFS waxa laga sugayo ay tahay oo kaliya ilaalinta sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka u yaalla. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
