Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Banaanbax ballàaran ayaa lagu soo warramayaa goor dhow ka bilowday gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dibadbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya Kismaayo ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadweynaha dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka guud ahaan magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. Dagaalka Hawada ee ka dhex bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu Dalka la galay in hanjabaadyo hor leh. Villa Soomaaliya ayaa shalay [...] Source
  3. Ciidamo Jabuutiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ayaa saakay waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin Galmudug Ah, siyaasiyiin iyo dadweyne badan ayaa ciidankan kusoo dhoweeyay magaaladaasi. Ciidamadan ayaa kasoo baxay dhanka gobolka Hiiraan, waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumaha dowladda ee magaaladaasi, iyadoo sidoo kale ay degeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybqaadan doona sugidda ammaanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowaan halkaasi lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo midka lagu dhisayo maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Badhan)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland Wasiirk Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Weftigan Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa waxa socdaalkan ay ku yimaadeen Badhan ku wehelinaya xubno ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedkaasi Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi. Waxaana masuuliyiintan maamul goboleedka Puntland ka socota ku soo dhaweeyey magaalada Badhan masuuliyiin Puntland u jooga Badhan oo uu ka mid yahay duqa degmada Badhan, kaas oo tilmaamay inuu si diiran ugu soo dhaweynayo weftigan magaalada Badhan, isla markaana ay rajaynayaan in si fiican ay ugu hirgasho hawlaha iyo shaqada ay weftigani u yimaadeen Badhan. Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo isaguna soo dhaweyntiisii ka dib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, saraakiisha ciidanka, waxgaradka dhamaantiin aadbaanu idiinka mahadcelinaynaa sida sharafta leh ee aad noogu soo dhaweyseen weftigan ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee Puntland oo isugu jira Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dawladda. Anaga safarkayagani waa safar shaqo oo aanu rabno hawlaha iyo masuuliyaadka aad haysaan inaanu idinla qaybsano, waxa Illaahay mahadiis ah in deegaankan uu dhawaan ka da’ay roobab inkasta oo aanu badayn, waxa ilaahay mahadiis ah in aanu soo aragnay maanta xareed dhulka jiifta, Illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo badiyo deegaanada kalena inuu ku baahiyo guud ahaan dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag oo uu socdaal ku yimid shalay. Source
  5. (SLT-London)-Madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in 28-da dal ee midowga ay sii wadi doonaan ilaalinta heshiiskii Nuclear-ka ee wadamada quwadaha la galeen Iiraan sanadkii 2015-ka. Xilli ay warfidiyeenada kula hadleysay intii lagu guda jiray kulan ay Jimcaha maanta ku yeesheen wasiirada arimaha dibada midowga Yurub, magaalada Helsinki ee caasimada u ah Finland ayaa waxay sheegtay in door muhiim ah ay ka cayaari doonto ilaalinta heshiisyada jira. Waa ku celinayaa markale hadii ay jirto wax kasta oo lagu hormarinayo ilaalinta heshiiska wadamada quwadaha iyo Iiraan ee loo yaqaan it [JCPOA], waan soo Dhaweyneynaa ayey tiri Mogherini. Hadalka ka soo yeeray madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa imaanaya iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisada ka dhex aloosan Washington iyo Tehraan. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore ee 2018-ka sheegay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi waxaana uu ugu baaqay si la mid ah dalalkii qeybta ka ahaa in ay ka Laabtaan. Source
  6. (SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in xukuumada Baqdaad ay isku diyaarineyso dacwad ka dhan Israa’iil kadib markii baadhitaano amni oo la sameeyay lagu ogaaday inay ka dambeyso duqeymo ka dhacay toddobaadkii hore waqooyiga Dalkaasi. Diyaarado aan la aqoon cidda iska leh ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Xashaad Al-Shaabi oo gacan saar la leh xukuumada Baqdaad. Afhayeenka isbaheysiga Fatax Axmad Al-Assadi ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiska uu ku leeyahay bartamaha magaalada Baqdaad in qaramada midoobay ay u gudbinayaan dacwad ka dhan Israa’iil. Mr Axmed ayaa intaa ku daray in ay hayaan cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka dambeyso duqeymo ka dhacay waqooyiga Ciraaq. Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor laba diyaarad oo nuuca aan duuliyaha laheyn lagu soo riday kantaroolo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xashaad Al-Shaabi. Mas’uulkaan ayaa dhanka kale ka gaabsaday in duqeymahaan ay wax ka ogtahay dowlada Mareykanka iyo Inkale. Source
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadma ahaa oo lagu dili rabay mas’uu ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaaladaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggaga taageera ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkan ay la beegsatay Cali Xuseen Barqash oo ah guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi. Qoraalkan ayey sidoo kale Al-Shabaab ku sheegatay in dhaawac culus ay gaarsiisay mas’uulkaasi, sida hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulisan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  8. (SLT-New York)-Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday. Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay. Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof. Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania. Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay. Source
  9. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb. Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay. Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya. Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tidhi Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen. Ilahaan ayaa sheegtay inay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha. Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay inay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xidhiidhiyay in uu dareen dhexmaray. Ilahaan ayaa diiday inay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday inay ka faalooto nolosheeda. Source
  10. Dhuusamareeb (SMN) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey ujeedada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha qeybta 21-aad ee deegaanada Galmudug, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka caawin doonaan nabad gelyada magaalooyinka maamulkaasi. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu qaban doono doorashada Galmudug. View the full article
  11. (SLT-Dubai)-Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ay ka geesteen gudaha dalka Yemen, iyadoo weerarkaan ay cambaareysay dowladda uu hoggaamiyo Abdu Rabbu Mansuur Haadi. Warsaxaafadeed ka soo baxay xilli dambe wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Argagixisada. Dagaalyahanada la weeraray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo Imaaraadka qeybta ka Yahay ee ku sugan waqooyiga Yemen. Maamulka Dubai ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca dagaalyahanada la Duqeeyay. Dhanka kale duqeyntan ayaa si xoogan waxaa ugu hadlay wasiirka warfaafinta ee dowlada dibad jooga ah ee Yemen, mr Mucamar Al-Ceryani waxaana uu sheegay in 300 oo rayid ah ay ku dhaawacmeen. Mucamar ayaa intaa raaciyay in dadka waxyeelada ka soo gaadhay ay ku jiraan 40 askari oo ka mid ah milatariga Yemen. Meelaga duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah magaalada Zinjibar ee caasimada u ah gobolka Abyan. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ciidamada AMISOM loo geeyey deegaanada mamaulka Galmudug. Qooje ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb iyo Guriceel ay ka caawin doonaan howlaha nabad gelyada. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in aysan jirin dhibaato kale, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka xasiloonida Galmudug. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Dhinaca kale taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa intaasi ku daray in ciidamadani ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dhowaan ayaala filayaa in Galmudug uu ka dhaco isbedal, iyadoo doorashada guud ee maamulkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  13. Kismaayo (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa weli howlgallo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan deegaano hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolkaasi. Afhayeenka wasaaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahin oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Cabdinuur ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ay guullo ka gaareen, islamarkaana ay Al-Shabaab ka saareen deegaano hor leh. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cabdiqani.mp3 View the full article
  14. Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin Beri oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan ciidamada ay dowladda geystay halkaasi. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu meel nabad ah ay u daabushay ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in arrintan ay abuuri karto dhibaato hor leh, islamarkaana ay tahay mid aan maskaxda geli karin. “Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris . Dhanka kale Xildhibaan Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxa ka socda Dhuusamareeb ay yihiin afduub, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan dib u heshiisin wadin, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in qalqal amni iyo mid siyaasadeed ay ka wado magaaladaasi. “Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro.”ayuu intaasi raaciyey xildhibaanku. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo maalimihii dambe dowladda dhexe dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka waday gudaha Dhuusamareeb, iyadoo geysay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  16. Some 197 Somali police officers have completed a three-month intensive training to step up security in a regional state in Somalia, the African Union Mission (AMISOM) said on Friday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish], ayaa ka hadlay tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono, taasoo ay soo dhaweeyeen inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Cumar Filish ayaa sheegay in tallaabooyin amni oo xoog leh ay qaadayaan, ayna ka go’an taha inay furaan waddooyinka kala xiran ee Muqdisho oo ay shacabku ku qabeen dhibaatooyinka bilooyinkii lasoo dhaafay. Magaalada Muqdisho ayaa kala xiran, iyadoo qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka shacabka lagu xiray dhagax culus, kuwaasoo la sheegay in looga hor-tagayo qaraxyo ka dhaca magaalada. “Innagu ma aqbalayno in cadowgu ay maalin walba dilaan hal-doorkeenna iyo shacabka aan waxba galabsan, lamana joojin doono tallaabo walba oo looga hortagayo falalkooda, balse waxaa naga go’an inaan magaalada isku furno,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale, Hadalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka caasimadda ku nool, iyagoo hadlaka guddoomiyaha cusub uu ka jeediyay xafladdii xilka uu kual wareegayay uu ka sheegay uu yahay mid ay ku farxeen. maadaama ay shaqooyinkooda iyo deegaannadooda u kala raacaan maalin walba gaadiid kala duwan. “Waxaan hortiinna ka ballan-qaadaynaa in sugidda amniga ay noqoto midda ugu muhiimsan ee maamulkaygu uu kala shaqeyn doono laamaha amniga dalka, si looga hortago fal walba oo waxyeello u geysan kara shacabka ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa cusub ee Muqdisho. Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in markii ay jidadka furaan ay ka shaqeyn dooaan sidii shacabka iyo weliba goobaha amniga ee Xamar ay u heli lahaayeen ammaan buuxa, si ay u wataan hawlahooda shaqo. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa kala xirnayd bilooyinkii aynu kasoo gudubnay, waxaaan weli ka dhaca qabo ka mid ah caasimadda Qaraxyo ay mas’uuiyaddooda sheegato Al-shabaab, iyadoo laga war-sugayo tallaabada uu qaado maamulka cusub. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono appeared first on Puntland Post.
  18. A youth-run soap factory, the first of its kind, opened this month in Kismayo’sMidnimoneighbourhood giving some longed for job opportunities to IDPs, refugee returnees, and local youth. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa war cusub ka soo saartay afduub 20 bishii November gudaha dalka Kenya loogu geystay Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in dowladda ay ka walaacsan tahay in Silvia si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya. Warkan ayey dowladda Talyaanigu ku sheegtay in kooxaha Afduubayaasha ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan xadka Soomaaliya. Dowladdu waxay sidoo kale sheegay inay weli rumeysan tahay in Silvia Romano lagu heysto gudaha dalka Kenya. Sidoo kale waxaa fashilmay wada hadal u socday safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo kooxda Afduubka geysatay. Silvia Romanoayaa oo aheyd shaqaallo gargaar, waxaana xilliga la afduubnayey ay ku suganeyd dalka Kenya. Afduubayaasha ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ay ku dhaawacmeen illaa shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin, kadibna ka tallaabeen wabiga Galaana. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin maanta oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Halkan ka akhriso: View the full article
  21. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo la wareegi doona ammaanka xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaas iyo degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud oo ay shalay gaareen. Xarumaha ay ciidamada Midowga Afrika la wareegayaan aaa waxaa ka mid ah; Garoonka diyaaradaha, xarunta lagu qabaayo shirka dib-u-heshiisiinta ee Galmudug iyo xarumo kale oo muhiim ah. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii horay u joogay goobaha ay AMISOM kala wareegi doonto laga saarayo halkaas, waxaana tani ay hordhac u tahay baa la yiri sidii lagu qaban lahaa shir ay horay uga hor-timid Ahlusunna in lagu qabto Dhuusa-mareeb. Sidoo kale, magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunga Galmudug ayaa waxaa shalay gaaray taliyaha ciidamada AMISOM ee Somalia, isagoo kulan la qaatay madaxa xumuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, kaas oo looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga magaalada. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay sheegeen in ciidamada ka socda AMISOM ay qayb ka yihiin adkeynta amniga inta lagu jiro shirarka iyo dhimaha Galmudug, wixii markaas ka dambeeyana ay ka bixi doonaan magaalada. Xukuumadda Somalia ayaa dhankeeda ciidammo fara badan geysay xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb, waxaana ciidamadan ay xoojin u yihiin kuwo horay loo geeyay magaaladaas, si loo adkeeyo amniga xubnaha DF ee ku sugan magaaladaas. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Dhuusa-mareeb ka jiray xiisado adag oo dhanka amniga ah, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu gabi ahaan burburay heshiiskii ay la saxiixdeen Dowladda Somalia. Ugu dabmeyn, Dagaalladii laga baqayay ayaan dhicin, waxaana degmadaas ku sugan haatan haatan ergooyin hordhac ah oo ka socda Beelaha Gobolka Galguduud daga, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka qayb-galaan shirarka dib u heshiisiinta ee la qabanayo dhawaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo la Wareegaya Amniga Xarumaha Muhiimka ah ee Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-31082019.mp3 View the full article
  23. MOGADISHU, Somalia — The calls from an unknown number had been coming for weeks, but Osman, a household-goods trader in the Somali capital’s largest market, disregarded them — until he got the text message. Source: Hiiraan Online
  24. Dowladda dalka Kenya ayaa awaamiir cusub ka soo saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya. Awaamiirtaan ayaa waxa ay la xiriiraan baaritaanadii magaalada Wajeer ee diyaaradaha ka soo duula magaalada Muqdisho iyo Visihii dal ku galka ee laga bixin jirey garoonka diyaaradaha Wajeer. Dowladda Kenya waxa ay shaacisay in wixii hadda ka dambeeya Visaha dal ku galka Kenya laga qaadan doono garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in baaritaan aad u adag ay Wajeer ku mari doonaan rakaabka ay sidaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka ku dhoofaya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Kenya oo awaamiir ku soo rogtey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Nairibi ka degaya. appeared first on Puntland Post.