Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ururka iskaashiga islaamka [OIC], ayaa u ballan-qaaday dowladda Jabuuti inay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. Warbixin uu soo saaray ururka ayuu dalalka Islaamka ee xubnaha ka ah ugu baaqay inay garab-is-taagaan Dowladda Jabuuti oo tartan ugu jirta kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanka. Sidoo kale, Dowladda Kenya oo Jabuuti kula tartameysa kursigan ayaa ka heshay taageero inta badan waddamada Midowga Afrika, kaddib markii loo qaaday cod ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee QM. Jabuuti iyo Kenya ayaa waxay ku tartami doonaan codadka waddamada ku yaalla Latin America, maadaama dalalka Yurub ay intooda badan Kenya u muujiyeen inay ku taageerayaan sidii ay ugu fariisan lahayd kursigaas. Dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo Jabbaan ayaa taageeray dowladda Jabuuti maaddaama ay saldhig milatari ku leeyihiin, waxaana tani ay ka dhigaysaa loolanka ay Jabuuti ugu jirto kursigaas mid u fududeyn kara. Waddamada ku jira OIC ayaa ka kooban 57 dowladood, waxaaan intaas u dheer dalalka reer galbeedka qaarkood sida; Faransiiska, Jarmalka iyo kuwo kale oo ay Jabuuti saaxiib la tahay. Xukuumadda Kenya ayaa waxay dadaal badan ku bixisay sidii ay codka uga heli lahayd dalalka ku dhaw, waxaana madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku tagay booqasho dalal badan oo uu ka rajeynayo in codka kalsoonida uu ka helo. Dhanka kale, Labada dal ayaa kursigan ku tartami doona bisha September ee soo socota, markaasoo uu furamyo Shirweynaha Qaramada Midoobay kaasoo ay ka qayb-geli dooanan dalalka caalamka oo dhan. Ururka Midowga Afrika ayaa 21-kii bishan ugu codeeyay Kenya inay kursigan ku matasho Qaaradda Afrika, balse Jabuuti ayaa sheegtay inaanay weli ka tanaasulin kursigaas, isla markaana ay ku tartami doono marka uu furmo fadhiga guud ee QM. Ugu dambeyn, Safiirka Jabuuti ee QM, Maxamed Siciid Ducaale ayaa xusay in kursigaas uu dhex-yaallo codka 193-ka dal ee ku jira Qaramada Midoobay Dowladda Jabuutina ay halkaas ku tartami doono. PUNTLAND POST The post Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Taageero dhxal-gal ah u muujiyay Dowladda Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Danjiraha Somalia ee dalka Cumaan Danjire, C/weli Cali Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Ambassador Xasan Maxamed Siyaad oo hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Cumaan. Safiirka ayaa ku sifeeyay marxuumka qof wax badan u soo qabtay Qaranka, si gaar ah waxa uu ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Safaaradda Somalia ee Cumaan. “Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan iyo Xukuumada wadankaasiba wey ka murugootay geerida Safiirkeenii qaaliga ahaa, waxaan Alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo, Wuxuu ahaa qof baal dahaba ka geli doona howshii uu Wadanka u soo qabtay,” ayuu yiri Danjire C/weli. Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo qarankii uu ka baxay marxuum Xasan Maxamed Siyaad Barre, isagoo ALLE uga baryay inuu Jannadiisa ku galadeysto. “Waxaan murugada ay dareemayaan la qeyb saneynaa ilmihii, hooyooyinkii iyo qoysaskii uu ka baxay danjire Xasan Maxamed Siyaad, si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeynayaa reer Maxamed Siyaad Barre sida; Maslax, Ayaanle, Ijaabo, Hodon, Diiriye, iyo Cosob,” ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Danjire Xasan Maxamed Siyaad Barre oo dhashay Sanadii 1950-kii ayaa Khamiis lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Masqad ee caasimadda dalka oo uu ku noolaa xilliyadii danbe, isagoo soo maamulay safaarada Somalia ee dalkaas intii u dhexeysay Sanadiihii 2004-tii – 2015-tii. PUNTLAND POST The post Safaaradda Somalia ee Cumaan oo warbixin kasoo saartay Geeridii Xasan M. Siyaad Barre appeared first on Puntland Post.
  3. Kismaayo (SMN) – Cabdinaasir Seeraar Maax oo shalay loo doortay madaxweynaha saddexaad ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka uu kala kaashan doono dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Seeraar ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab uu guud ahaan ka saari doono gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dar dar gelin doono howlaha lagu xaqiijinayo nabad gelyada iyo horumarka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Maxamed-cabdiqani.mp3 View the full article
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Galmudug, kaas oo ka dhashay shir dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka dib u heshiisiinta maamulkaasi Saalax Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay khilaafkan cusub, wuxuuna beeniyey war ka soo baxay Ahlu Sunna oo ku aadanaa in xubno ka mid ergada oo tegay deegaanada Al-Shabaab ay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiinta ee dowlad goboleedka Galmudug. Saalax Cabdullaahi ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay ka been abuurtay golaha wasiirada maamulkaas, islamarkaana qodobo aan laga wada-hadlin ay la wadaagtay warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin dad Al-Shabaab ah oo soo gaaray Dhuusamareeb, qeybna ka ah ergada ka qeyb galeysa shirkaasi. Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Duraan Maxamed Samatar uu shaaciyey in qaar ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ay tageen deegaanada Al-Shabaab, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Wasiirka-Dib-u-heshiisiinta-Galmudug-2.mp3
  5. Ururka Iskaashiga islaamka ayaa sheegay in dowladda Jabuuti uu taageero weyn ka siin doono ololaheeda ay ku dooneyso iney ku hanato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM. War kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti loo ballanqaadayo taageero iney ku siiyaan kursigaasi maadaama Jabuuti ay ka mid tahay ururkaasi. Wuxuu ururkan ka codsaday dhammaan dalalka ku jira ururkan iney codkooda siiyaan Jabuuti, walibana u muujiyaan garab istaag dhab ah. Midowga Africa ayaa codeynta cidda ku mataleysa kursigan waxaa kusoo baxday dowladda Kenya, balse Jabuuti ayaa sheegtay ineysan taa aqbaleyn oo ay ku tartami doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Gaarisa (SMN) Wararka naga soo gaaraya xadka Soomaaliya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Kenya ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay halkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilbaabeen xadka ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka war heleen weeraro ay damacsan yihiin in ay geystaaan, islamarkaana ay ciidamadu ka hortagi doonaan. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga Kenya. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-24082019-sax.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimaa Online) – War ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ururka uu Jabuuti ka taageerayo ololaha ay ugu jirto kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Ururka OIC ayaa u ballan qaaday dowladda Jabuuti inuu garab istaagi doono dadaalka adag ee ugu jirto kursigaas oo ay kula tartameyso dalka Kenya. Sidoo kale ururka ayaa ka codsaday dhammaan wadamada islaamka in ay taageero buuxda u fidiyaan Jabuuti, si ay ugu guuleysato kursigaasi. Dalalka Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti, maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin. Haddii 57-ka dal ee ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ay garab istaagaan Jabuuti ayaa waxa ay kaga adkaan kartaa loolanka ay kula jirto Kenya. Dhowaan ururka Midowga Afrika ayaa Kenya ugu codeeyay in y kursigaas ku matasho Afrika, balse Jabuuti ayaa ka biyo diiday, waxaana ay sheegtay in ay u tartami doonto. Labada dal ayaa kursigan ku tartami doona bisha September ee soo socota marka uu furmo shirweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug, Ahlusuna Wal-jameeca iyo xubnihii guddiga dibu heshiisiinta Galmudug oo lakala saftay. Khilaafkaan ayaa intiisa badan salka ku haya xubnaha ka qaybgalaya shirka dibu heshiisiinta deegaamada Galmudug oo martigelintiisa loo igmaday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Mid kamid ah labada garab ee khilaafkaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Qorsheynta Galmudug ay taageereen Go’aamada Ahlusunna, maadaama markii hore uu keenay Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud. Guddoomiyaha guddiga dibu heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow iyo xubno katirsan golaha wasiirada Galmudug ayaa ka horyimid hadalkaan waxaana ay sheegeen inuu meel kadhac kuyahay ergooyinka la casuumey, laguna burburinayo shirka dib u heshiisiinta. The post Khilaaf ragaadiyey shirkii dibu heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  10. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland ee soo dhammaystay dugsiyada sare si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka. Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland. Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tash ah loo dhisayo. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Xildhibaan sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dagaal kula jiro nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa banaanka keenay xogo ku aadan in dowladda Sucuudigu aqoonsatay baasaboorka maamulka Somaliland iyadoo cadaadis ku saaraysa dalka Qadar. Boqortooyada Sucuudiga oo kaashanaysay Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tallaabadaan qaaday kadib markii dowladda Qadar ay xoojisey maalgashiga ay ka samaynayso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wargeyska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Tallaabadaan oo meel kadhac ku ah jirintaanka Soomaaliya iyo qaranimada Soomaaliya ayaa waxa uu Sucuudigu qaaday kadib markii dowladda Qadar ay maalgashi ku samaysay dekedda Hobyo. PUNTLANDPOST The post Dowladda Sucuudiga oo aqoonsatay baasaboorka Somaliland si ay ugu cadaadiso Qadar. appeared first on Puntland Post.
  12. KISMAYO (HOL) - Former Ras Kamboni Brigade co-founder and close ally of current elected Jubbaland president Ahmed Madobe, Abdinasir Seraar has also been elected ‘president’ of Jubbaland by people opposing the current elected president of Jubaland. Source: Hiiraan Online
  13. KISMAYO (HOL) - Former Ras Kamboni Brigade co-founder and close ally of current elected Jubbaland president Ahmed Madobe, Abdinasir Seraar has also been elected ‘president’ of Jubbaland by people opposing the current elected president of Jubaland. Source: Hiiraan Online
  14. (ERGO) – Sahro Adan Mohamed, 44, can now use her mobile phone, search for names in her phone contacts, and read SMS texts without any help. Source: Hiiraan Online
  15. ...The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank cannot help Somalia; only good leadership, sound policies and a change of attitude from all Somalis will make Somalia a better place to live, work and do business Source: Hiiraan Online
  16. Canada Border Services Agency has suspended the imminent deportation of a former child refugee and foster child to Somalia at the request of the United Nations. Source: Hiiraan Online
  17. Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa qoray in loolan cusub oo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar uu ka billowday Soomaaliya, ayada oo labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin iska soo horjeeda. Wargeyska ayaa qoray in ayada oo Sacuudiga uu u muuqdo mid aqoonsanaya Somaliland, ay Qatar dhinac kale xoojineyso dowladda dhexe ee Muqdisho oo ay xulufo yihiin. Sacuudiga ayaa dhowaan casuumad madaxweyne oo rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qeyb-galay xajkii sanadkan. Hase yeeshee waxaa yaab lahaa baasaboorka uu ku safray, sida wargeysku qoray. Daily Sabah ayaa sheegay in Sacuudiga uu ogolaaday in Muuse Biixi uu adeegsado baasaboorka Somaliland, beddelka baasaboorka Soomaaliga. Tallaabadan, ayaa sii xumeysay xiriirka markii horeba aan cagaha adag ku taagneyn ee dowladda Muqdisho iyo Riyadh. Tallaabada Sacuudiga ayaa dirtay farriin ah in Sacuudiga qorsheynayo inuu Somaliland u aqoonsado dal ahaan. Qatar ayaa iyana qaaday tallaabo ay ku xoojineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya, ee loolanka uu kala dhaxeeyo Somaliland, ayada oo shaaca ka qaaday qorshe ay ku dhiseyo dekedda muhiimka ah ee Hobyo. Hobyo ayaa waxay ku taalla goob muhiim ah waxayna u dhowdahay Marinka Bab el-Mandab, oo ah mid ka mid ah baraha la isaga gudbo ee badaha caalamka, taasi oo dekedda Hobyo u fureysa suuqyada caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyadda oo ay soo dhowdahay waqtiga ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka dib u bilaabeyso dhageysiga dacwadda badda, dowladda Kenya ayaa karaar-siisay qorsheyaasheeda ka dhanka ah ICJ. Xukuumadda Nairobi ayaa la sheegay in olalaheeda cusub oo ah mid diblumaasiyadeed uu yahay isku day ay ku rabto in ay ku beejiso in xeer-beegtada UN-ka ay xukun kama dambeys ah ku rido kiiskan aadka u culus. Dowladda Soomaaliya oo dacwadda gudbisay 24-kii August 2014-kii ayaa hoos u dhigtay dalabyo dhowr ah oo ku aadan in ay wada hadalo la gasho qadiyadan, waxayna ku adkeystay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka ICJ. Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ururka Midowga Afrika waxay ku dooday in kiiskan uu yahay “mid si qoto dheer u saameynaya” amniga gobolka, dagaalka Al-Shabaab iyo joogitaanka ciidamadeeda qaybta ka ah howlgalka AMISOM. AMISOM ayaa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika loo daabulay sanadkii 2007-dii, halka ay Kenya dib uga soo biirtay 2011-kii, wallow aysan guulo muuqda kasoo hoyn gulufka looga soo horjeeda xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida. Dhinaca kale, Kenya oo ku hungowday talaabooyin horey oo ay cadaadis ku saareysa xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay “fatwa” ku aadan gal-dacwadeedka badda. Hasa ahaatee, inta illaa iyo haatan la xasuusan yahay marka kaliya ee uu baarlamaanka Soomaaliya soo qaadey dacwada oo ahayd November 2009-kii, waxay mooshin ku buriyeen is-afaradka “dhalanteedka ah”. Iyadda oo cok-saneysa xeerarka AU-da, Kenya ayaa ururkan ka codsatay in uu u kala gar-qaado labada dhinac xili ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay diiday wada xaajood ay ka gasho kiiskan. ICJ oo xukunkeeda uu noqon doono mid ay “qasab tahay” in la fuliyo isla markaana aanan rafcaan laga qaadan karin ayaa dhageysiga galkan dib-u-bilaabeysa bisha September, waxaana kadib ay soo saareysaa go’aanka ugu dambeeya. Isha: Garowe Online
  19. Ceel-Waaq (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ee Jubaland Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo la hadlayey dad shalay isugu soo baxay Degmada Ceelwaaq ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Jubbaland, iyo waxa laga yeelayo dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe Col. Cabaas Ibraahim Gureey, oo ay aad isugu dhow yihiin Axmed Madoobe, ayaa shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay in ay taageeraan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khamiistii lagu doortay Doorasho ka dhacay Magaalada Kismaayo. Taliye Cabaas ayaa fagaare ka sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiye waxqabad muuqda u sameeyay dadka Jubbaland, sidaas awgeed uu mudan yahay in la taageero. Dadka kasoo horjeedo Axmed Madoobe waxa uu ku sifeeyay in ay lamid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si Shabaab la mid ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waa waajib in aan taageerno, tan kale waxa aan idiin sheegayaa, Axmed Madoobe ma ahan kuwa Laptop-ka ku hubeysan, ma ahan kuwa Baasaboorka Ajnabiga wata, mana ahan kuwa Qurbo joogta ee waa nin Dalka usoo halgamay, Ninkii maanta aan dooneen waa Al-Shabaab, dagaal ayaa nalaga dhaxeeyo” ayuu Yiri Col. Cabaas Ibraahim Gurey. Isku soo bax ka dhacay Degmada Ceelwaaq oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada waxa uu isku badalay mid rabsho kusoo dhamaaday, kadib markii dadkii ka qaybgalayay qaarkood ay kasoo horjeesteen Axmed Madoobe. Haweeney ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyootay kadib markii rasaas lagu furay dadkaan ka qaybgalay isku soo baxa ka dhacay Ceelwaaq ee foodada isku badalay. Halkaan ka Dhageyso Codka Cabaas Gurey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/korneyl-Cabaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. Former RasKamboni Brigade co-founder and close ally of current Jubbaland president Ahmed Madobe, Abdinasir Seraar has unilaterally declared himself ‘president’ of Jubbaland in yet another twist in the fight for control of Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Ceerigaabo)Taliye Gurey inkasta oo aanu waqti dheer is naqaanney, waxan gaar u xasuustaa waa aan guddoomiye u ahaa team komishanka doorashooyinku diinwaangelintii 2008 u direy Bariga Sanaag. Waan gaar u xasuustaa maalintaa isaga oo ciidan awood badan oo Jamhuuriyadda ah salaan ka qaadanaya, annagana noo khudbadaynaya ayuu yidhi “Dalkiinnii baad u shaqayneysaan, shaqo iyo dal barasho ayaa ku jirtaane hawlihiina si kalsooni leh u qabsada – haddii aad cabsootaanna aniga ayaad i ceebayneysaan e ogaada, hareerihiina fiiriya ciidammada qaranka ayaa meel walba jooga e’ werwer la’aada” Iguma ogeyn uu inaan meesha joogo, cabbaar ka dib buu isaga oo khudbaddii wada sheedda iga arkay, markaasuu igula kaftamay “waar dee Cabdirashiidow awoowe dhallinyarada malaa waa wada reer galbeed e adigaa reer Sanaag ah e u sheeg in ay badhtamihii Somaliland joogaan” markaas ayaannh dhammaantayo qosollay Wuxu ahaa, welina yahay nin dalkan iyo shaqada ciidan ee naf-hurka ah ee uu hayey aad u jecel. Maanta waxa helay ee ku kelifey falkan aad baan isu weydiiyeh, waxanse isugu jawaabey ‘Faras nin dabadii ka degey; meel u dhaanta ayuu waayey” Bulshooy, shacab iyo ciidanba, dalkan Muuse Biixi ma leh, in yar buu joogi doona innagaa u hadhayna, yaan habdhaqankiisa hoggaamineed laga ficil qaadan. Madaxweyne Muuse Biixi isagana waxa la gudboon, dalka inta uu maamulayo fogaan-arag iyo odaynimo. Source