-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo jeeda gobollada Sool sanaag iyo Awdal ayaa ka dareeray Fadhi Saaka Golaha Wakiilada Somaliland ku ansixiyeen heshiis ay Saddexda Xisbi ee Kulmiye UCID iyo WADDANI ku gaadheen in guddiga doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Xildhibaannada Fadhiga debadda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay ka horjeedin in doorashada wakhtigeeda la qabto, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoo aan heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Halkaan ka daawo buuq iyo jaah-wareer ka dhacay Kulanka PUNTLAND POST The post Somaliland: Beel saddex shaati xidhan baa heshiisay appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu shalay shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah, oo muujinaya awoodda Al-Shabaab ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Waxaa ugu weynaa inuuu sheegay in kooxdan ay dhaqaale badan ka ururiso magaalada, ayaga oo canshuur ka qaada ganacsiyada magaalada ku yaalla iyo dhammaan badeecadaha kasoa dega dekedda Muqdisho. “Al-Shabaab waxay ku milmeen Hay’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan oo dollar sanadii. Konteenar kasta oo dekedda kasoo dega waxay ka qaadaan 160 dollar. ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. In Al-Shabaab ay canshuur ka qaadaan ganacsiyada Muqdisho, waa xaqiiq muddo sanado ah soo jirtay, oo uu ogyahay qof kasta oo magaalada ku sugan, hase yeeshee su’aasha ayaa ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma shalay oo kaliya ayuu ogaaday. Waxaan sidaas u leeyahay, doodda arrintan ku saabsan waxay mar soo shaac baxday bishii April ee lasoo dhaafay, markaasi oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu si yaab leh uga jawaabay eedeyn ahayd in qaraxyada Al-Shabaab ay maal-geliyaan ganacsiyada lacagta siiya. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa qoraal uu xilligaas soo dhigay facebook ku yiri “Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun. Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin waba lagu xasuuqayo shacabka birimageyda ah?” Hadalka Cabdinuur wuxuu u dhacayey in Al-Shabaab aysan awoodi lahayn inay qaraxyo fuliyaan haddii aanay helin dhaqaale, waayo qaraxyada waxaa ku baxa qarash aad u badan. Ma rabo inaan guda galo doodda ah in ganacsatada ay ku saxan yihiin inay lacag siiyaan Al-Shabaab iyo in kale, waayo taas waa lagu kala aragti duwan yahay. Gacansatada waxay ku doodaan in haddii aysan lacagta bixin ay noloshooda halis tahay, oo aysan jirin cid ka difaaceysa Shabaab, halka kuwa taas ka aragtid duwanna ay qabaan in bixinta lacagtaas darteed, qof kasta oo Shabaab ay ku dilaan dhaqaalaha soo gala ay ganacsatada kaalin ku leeyihiin. Hase yeesee, waxaan rabaa inaaa dib idin xusuusiyo wixii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilligaas kaga jawaabay hadalka Cabdinuur. Wuxuu qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri sidan. “Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajnabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo.” Su’aashu waxay tahay haddii afar bilood ka hor uu Cabdiraxmaan Cabsishakuur lahaa in lagu eedeeyo ganacsatada inay lacag siiyaan Al-Shabaab “waa qorshe dambiilayaal looga dhigo dadka Muqdisho”, muxuu shalay isaga u xaqiijiyey in ganacsatada Muqdisho ay bixiyaan canshuurta. Ma shalay ayuu garowsaday runta, mise weligiis wuu oga oo wuu iska indha tirayey afar bilood ka hor, balse hadda waxaa kasoo gashay dan iyo fursad siyaasadeed oo uu dowladda ku dhaliili karo? W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Siyaasiga iyo Go’aanka Shacbiga Siyaasigu marka uu ku guuldarraysto kaalintiisa jihaynta iyo aragti abuurka bulshadiisa ayaa waxa uu fashilkiisa la hoos galaa bulshada lafteeda, waxa aanu ku tilmaamaa arrimaha waaweyn ee go’aansiga siyaasiga ah dalbanaya “waa go’aan shacbi”. Bulshada ayaa markan gaadhaysa go’aankii hoggaamiyeyaasha siyaasadda, halka siyaasiyiintuna bulshada ku raacayaan ee daba kuutinayaan. Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dhabta ah, garashada iyo kartida hoggaamineedna lehi ma oggolaadaan in rabitaanka bulshada oo keli ah ay iska daba gurguurtaan. Hoggaamiyaha dhabta ahi waa ka akhriyi kara dareenka iyo doonista shacbigiisa. Iskama daba jiitamo rabitaabkaas bulshadiisa ee waxa uu bulshadiisaa ka horreeyaa tahan iyo in badan. Meel fog oo aanay bulshada waxba ka arki karin baa danta bulshadiisu uga hirtaa oo uga muuqataa. Waxa uu abuuraa aragti uu dhacsiiyo bulshadiisa, kuna jiheeyo, taas oo bulshada inteeda badani ka dhex arki karto danaheeda madhaafaanka ah. Bulshadu, aragti abuurkaas oo leh qorshe iyo tabo lagu beegsado, waa ta u soo hilowda ee u riyaaqda. Iyada oo aan is ogayn waa ta danahaas iyo qorsheyaashaas difaacda ee isu soo taagta. Bulshadu dabadeed waxa ay taas ka soo dhalaalkeeda ku daba gashaa hoggaamiyaheeda, isaguna (hoggaamiyuhuna) sidaas ayuu keenada ugu qabtaa oo uga shaqeeyaa hawadinta hawlahaas bulsheed iyo qabyo-tirkooda oo ah arrin gudinta loo hay ah oo maalin kasta gufeynteeda joogteysan tahay. Dhinaca kale, bulshada bisili ma oggolaato haddii ay ugu muuqato in siyaasiyiinteedu ay hoggaamintii la ambanayaan, in kasta oo ay marka hore ba bulshada bisili soo saarto hoggaan siyaasadeed oo shirraban, haddana haddii ay dhacdo in hoggaanku surmaseegto iyo xagal-dhaac yeesho bulshadu waa ta ku baraarugta, kana hortagta fashil yimaadda. Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama dawlad xumaaneed. Sooyaalkeenna dawladnimada casriga ah ayay taasi ilaa bilowgeedii iyo ilaa eeggan ka dhex muuqataa. 26 Juun 1960 gobannimadii la gaadhey waxa loo aaneeyaa hoggaamin xumo. Nimankii siyaasiyiinta ahaa ee bulshada hormoodka u ahaa waxa ay raaceen neecawdii iyo dabayshii midnimo-doonka ahayd ee shacabku ku dhololo’ayeen. Wax talo ah oo masiiri ah iyo wax qorshe ah oo dawladnimo ah midna ma aanay samayn ee waxa ay 29 Juun 1960 diyaarad u raaceen Muqdisho, iyaga oo aan waxba ku wada socon. Keli ah, waxa ay raaceen shacbigii midnimada doonayey. Bulshadu wax dembi ah taas kuma lahayn oo waa ay ku saxnayd, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxa laga doonayey laba mid uun oo kala ahaa: in ay bulshada ku qanciyaan wax midnimo degdeg ah u dhaama oo ay ku negeeyaan ama in ay abuuraan qorshe lagu galo midnimo waxtar u leh. Labadaas midna ma aanay samayn ee waxa ay galeen midnimo aan macne iyo waxtar midna yeelan oo markii si xun loo maamulay na waxyeello noqotay. Markii ay talo faro-ka-haaddeyna, waxa ay siyaasiyiinta hoggaamineed fashilkoodaas ka hoos galeen dareenkii iyo rabitaankii shacbiga ee ahaa midnimo-doonka. Waxa ay yidhaahdeen, “waxa ay midnimadu ahayd go’aan shacbi”. 18 May 1991 waxa dhacday arrin taas la mid ah, cakiskeeda se ah. Markii uu taliskii Maxamed Siyaad dhacay ee Burco lagaga dhawaaqay la soo noqoshadii gobannimadii 26 Juun ee lagu hungoobey. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii SNM oo arrintaas Burco ka hadlayey waxa uu sheegay in laba nin abaabul xooggan sameeyeen. Yaxye Xaaji Ibraahim, AHN, oo reer Gebiley ahaa iyo Axmed Maxamed Halac, AHN, oo bariga Burco ahaa. Abaabul xoog leh ayay galeen. Markii ay dad badan ku qanciyeen dib ula soo noqoshada xorriyaddii 1960, ayay Xasan Ciise u yimaaddeen oo u sheegeen ra’yigooda. Xasan Ciise waxa uu sheegay in uu markii hore ka diidey aragtidooda oo aanu ku raacin. Sida Xasan caddeeyey labadaas nin waxa ay sii wateen abaabulkoodii, waxna ay hanteen dad badan oo ay ku jireen saraakiil badan oo SNM ka mid ahaa. Burco ayaa shir lagaga dhawaaqay. Xasan Ciise iyo labadaas marxuun mar kale ayay kulmeen. Xasan waxa uu sheegay markii uu arkay xoogga iyo faraha dadka la socda in uu ku raacay fekerkooda, hase yeeshee guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHN, uu aragtidaas si cad uga biyo-diidey. Ma aha Cabdiraxmaan Axmed Cali oo keli ah ee arriintaas gooni-isu-taagga waxa aan si buuxda ugu qancin inta badan siyaasiyiintii waaweynayd ee gudaha ku sheegnayd ama dibed ku sheellayd. In siyaasiyiinta hoggaamineed aanay go’aamiadii shirkaas Burco ka soo baxay ee Gooni-isu-taagga ku qanacsanayn waxa daliil u ah in ay Muqdisho u direen wefti rasmi ah oo heshiisyo kula soo galay Maxamed Faarax Caydiid, AHN, laba bilood iyo badh ka dib ku dhawaaqa la soo noqoshada xornimada. Magaca SNM iyo USC ayaa heshiisyadaas lagu soo wada galay. 19-kii Julay – 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go’aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugey ka mid ahaa: – In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta – in ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada. Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe. Waayo markaas gooni-isu-taaggu waxa uu dhacay laba bilood ka hor in ka badan oo ay Somaliland gooni u taagnayd. Dhinaca weftiga SNM waxa go’aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo AHN ahaa guddoomiyihii USC. Mar kale, go’aankan weyn ee masiiriga ah siyaasiyiintii hoggaamintu kuma yeelan kaalintii loo baahnaa, waxa aanay ku sharraxeen fashilkooda in go’aankaasi uu ahaa mid shacab. Waa run oo go’aan shacab buu ahaa, waayo waa in cid kale go’aan gaadhaa marka ciddii go’aaminta lahayd buste qoyan hoosta ka gasho. Mar kasta waa go’aan shacab oo aanu wax door ah siyaasigu ku lahayn oo uu bulshada go’aankeeda iska daba kuutiyey. Fashilkan siyaasiga hoggaamineed waxa ka markhaati kacaya sida ay maanta wax isugu cadho iyo bayd go’meen. Isku mar ayaynu ka wada inaabsannay hoggaankii talada markaas hayey iyo mucaaridkii talada ku ilaalin lahaa ee berrina hoggaanka in uu qabto isu diyaarin lahaa. U fiirsada hoggaaminta sare ee qaranka; xukuumadda talada haysa talo iyo qorshe xumaanteeda, saddexda xisbi qaran iyo qaab-dhismeedkooda ama sida ay u hawlgalaan ee hor iyo dabo-diidnimada ah. Eega wakiilladeenna golaha ku dhex asaasaqay muddo-xileed ahaan iyo guurtideenna dhaxaltooyadu carruuraysay. Waa fashil soo jiitamayey oo hoggaamineed, maantana gaadhey halkiisii ugu madaxa fiiqnayd. Somaliland oo ay madax iyo minjo la’aan dawladnimo ku sii baahayso oo caddaalad darradu cirka isku sii shareertay ayay ina saaqaysaa, maantana mar kale, neecawdii 1960. Dad badan ayaa hadal haya “Mar Kale Midnimo”. Waa dhab taasi oo dareenkaasi waa mid laabta la soo kacaya; in ka gubata oo is diidsiisa iyo in u riyaaqda oo u rixisaba. Waa dareen xitaa ka gudubsan oo indhaha ka lalinaya daruufaha iyo waayaha dhinaca kale (Soomaaliya) ka dhisaalan. Dareenkaasi isma weydiinayo sida mar kale loo midoobi karo iyo waxa lagu midoobayo iwm. Dadka qaar waxa ay hilaadinayaan in si ka xun sidii 1960 Xamar loo tegey haddana iyada oo loo kala socdo loo tegi karo, haddii aan talo iyo qorshe hadda laga sii yeelan. Hadda (2019) mar kale kaalintii siyaasiga meesha kama muuqato, wax door ahna kuma laha dareenkan kala daadsan ee aan bu’da lahayn ee soo kordhaya. Waxa ugu weyn ee dareenkan dabada ka riixaya ayaa u muuqda maamul xumada iyo caddaalad darrada shinkeedii dhaaftay ee gaammurtey ee Somaliland ka jirta oo ah isirro ka soo rayn waayey tan iyo 1991 in ay ka sii daraan mooyaane. Mabaadi, midnimo jacayl iyo waddaniyadi inta badan waa barkumataal, waxana ka xoog badan cadhada iyo umalka gaaxdey ee ka dhalanaya tabashada siyaasiga ah ee bulshada qaybo badan oo ka mid ah. Waa taas ta halista ahi. Waa marka aanay talo iyo qorshe lagu wada socdaa jirin. Xitaa inta wax tabanaysaa ma wada socdaan, waxna kuma wada socdaan. Hoggaan siyaasadeed meelnaba kama dhex muuqdo. In walba xabagta isku haysaa ee astaanta u ahi waa magac qabiil. Magacyada qabiilkuna dadka dano kama dhaxaysiiyaan, qorshe iyo talo na ma wadaajiyaan ee qabiil waliba gaarkiisa ayuu isu neefeeyaa oo naf been ah isu geliyaa, gar iyo gardarrana xaqa iyo saxnaanta isu siiyaa. Waa halkaas meesha ay kaalintii siyaasiyiinta iyo hoggaamintoodii bulsheed ku abaaddey ee ku luntay. Waa ta keenaysa in aynu reero is haya u wada muuqanayno. Masiirkii ummadeed waxa uu maqan u noqonayaa baylahdaas. Marka ay siyaasad iyo dawladnimo casri ah timaaddana waxa lagu soo wada dhacayaa meel madhan oo cid waliba ku khasaarayso. Dawladnimada casriga ah iyo reernimada is dabrayaa waa guuldarro weyn. Waxa ay isku noqdeen dayax iyo cadceed mar soo wada baxay, waxana shiiqay qarannimadii, dawladnimadii iyo isirradeedii maamul wanaaag ee caddaalad iyo sharci sarrayntii ahaa, karti iyo hufnaan hoggaamineed lahaa, waxna billaaday eexdii iyo qaraabokiilkii qabyaaladdu lahayd, musuq iyo maamul xumadii dhaqankaasi lahaa iwm. Siyaasiyiinta bulsheed iyaga ayaa lahaa kaalintaas hoggaamineed ee maqan, lagama se maarmo in kaalintaas buuxinteeda cidi isu soo gunaanaddo, cidi u soo baxdo, una badheedho mas’uuliyaddeeda iyo xilgudashooyinkeeda. Halista jirta ayaa taas khasbaysa. “Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go’in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbeysan Intaan hawa-boodka Fardaha higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal-abuurka Tixraaca ha’leyda Ujeeddada hoose Hawaaale yaqaane Haruu orod Faarax Hurweynka jiciirtay Hadhaaga u jooji”. Sidaas awgeed, ma la odhan karaa waxa loo baahan yahay in arrintaas laga saaro mugdiga, doorka hadal-haynta iyo dareenka oo ma la qabanqaabin karaa doodo furan oo lagu gorfaynayo dareenkaas, waxyaalaha keenay iyo sida loo yarayn karo khasaaraha ka iman kara, loona tayayn karo wixii faa’iido laga dhex arki karo. Khasaare ka weyni ma jiro haddii kalsoonidu ku yaraato dadka dhexdiisa ama ay dhimato ba. Uurka bulshadu inta aanu kala guurin waxa qumman in la nooleeyo wixii uu ku wada joogi lahaa, iyada oo Somaliland gudaheeda samo-ka-talisnimo loogu gogol xaadhayo hadhowto meeshii la doonayo ee kale ha loogu sahan tago’e. “Wax aanad huraynin Inaad hadda yeesho Ayaa ka hagaagsan”. Su’aalaha darayga ah ee siyaasiga iyo masiiriga ah ee la is weydiin karo waxa ka mid ah kuwan hoose oo dadka qaar ay ka didi doonaan, qaar la yaabi doonaan, qaar na soo dhoweyn doonaan: 1. Soomaaliya iyo Somaliland, mar kale, dib ma uga wada hadli karaan midnimo waxtar u leh labada dhinac? Waayo midnimo? Sidee iyo qaabkee ugu fudud oo looga wada hadli kanaa arrintaas? Yaa ka wada hadlaya? Xilliga ugu habboon; ma hadda iyo DFS ee Farmaajo, mise doorashada 2021 wixii ka dambeeya xukuumadda timaadda? Inta wada hadal ka horraysa maxaa loo baahan yahay oo la sii dhammaystiraa? 2. Soomaaliya iyo Somaliland, haddii ay midnimo isku afgaran waayaan, ma ku heshiin karaan kala gurasho iyo kala tag buuxa oo ma noqon karaan laba dal oo walaalo ah oo is feedh yaal? 3. Ma jiri karaan wax aan labadaas ahayn oo labada dhinac ku heshiin karaan oo ay wadaagi karaan, haddii labadaas laga sal-gaadhi kari waayo? Doodo qaabkan leh oo loo badheedhaa waxa ay kicin doonaan dareenka siyaasiga, waxa aanay tusi karaan kaalintiisa hoggaamineed ee mararka hore uu ku soo fashilmay, haddana bannaan ee uu ka gaabinayo. Halkan uguma jeedo in aynu su’aalahaas kaga warcelinno, wax se aan u jeedaa suurta gal ma tahay in su’aalahaas fagaare siyaasadeed lagaga doodaa Somaliland gudaheeda iyo dibeddeedaba. Dadka Somaliland ma curin karaan doodo dhexdooda oo arrimahaas waaweyn dooxi kara? Waxa aan is leeyahay waa laga gudbey xilligii uu siyaasigu magaca bulshada ku xoqan lahaa ee uu fashilkiisa la hoos geli lahaa. Dad badan maanta siyaasiga kama oggolaan doonaan ‘waa go’aan shacbi’ ee waxa loo baahan yahay in siyaasigu uu qaato doorkiisa hoggaamineed iyo mas’uuliyaddiisa. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo. Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal. Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay’adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaadhan ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan. Madaxa Hay’adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandooni maajibaadkiisa shaqo. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP appeared first on Puntland Post.
-
Somali elite forces have recaptured the strategic town of Aw Dhegle in the southern region from extremist group al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
-
AU, African Development Bank sign $4.8 million grant earmarked for continental free trade secretariat Abidjan, Cote d’Ivoire, 06 July 19 – The African Development Bank Group on Monday signed a $4.8 million institutional support grant to the African Union (AU) for implementation of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA). The grant, approved by the Group’s Board of Directors on 01 April 2019, forms part of a series of interventions by the Bank in its lead role to accelerate implementation of the Free Trade Agreement, seen as a major force for integrating the 55-nation continent and transforming its economy. Albert Muchanga, AU’s Commissioner for Trade and Industry, initialed for the continental body, and Obed Andoh Mensah, representing the Bank’s Director of the Industrial and Trade Development Department (PITD), signed on behalf of the Bank, signaling the startup of implementation. African leaders meeting in Niamey, Niger in early July launched the implementation phase of the free trade area agreement established in March 2018 after it became operational at the end of May this year. Currently, 54 states have signed the deal and are set to begin formal trading next July. “The AfCFTA is going to work and we are confident that by the 1st of July next year, all the 55 countries would have been state parties – meaning, they would have signed and ratified the agreement and intra-African will start,” Muchanga said and urged countries to use this period to complete the parliamentary processes. Muchanga commended the Bank’s strong and consistent support to ensure smooth implementation of the Agreement, saying the grant would be used judiciously for the rollout of various protocols relating to the structure and mandate of the AfCFTA secretariat. The AU currently has an interim secretariat, tasked to provide the organizational structure for the permanent administrative body, its work program and related issues including its budget. The Niamey summit announced the siting of the AfCFTA secretariat in Accra, Ghana. The Continental Free Trade deal has the potential to create the largest free-trade area in the world. – uniting 55 African countries with a combined gross domestic product of more than $2.5 trillion. It is a major force for continental integration and expansion of intra African trade, currently estimated at around 16%. The trade agreement is expected to expand intra-African trade by up to $35 billion per year, ease movement of goods, services and people across the continent’s borders and cut imports by $10 billion, while boosting agriculture and industrial exports by 7% and 5% respectively. In his remarks, Andoh Mensah stressed that the deal will help stabilize African countries, allow small and medium sized enterprises to flourish, promote industrialization and lift millions out of poverty. “If the AfCFTA is complemented by trade facilitation reforms, reduction in non-tariff barriers, improved infrastructure and policy measures to encourage employment and private sector investments, it will stimulate poverty reduction and socio-economic development across Africa,” he said, noting that the goals of AfCFTA are aligned to the Bank’s flagship High 5s. Qaran News
-
Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara (SDGs). Waxaa kulanka qeyb galay xubno ka socday Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSA oo uu u horreeyo guddoomiyaha Dalladda Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre oo ah qabiir ku xeel dheer arrimaha bulshada iyo marti sharaf kale oo badan. Mac-hadka SIDRA ayaa kulanka ku soo bandhigay nuqul kamid ah cilmi baaris uu wado oo ku saabsan doorka bulshada rayidka ay ku Leedahay hirgalinta iyo joogtaynta Hadafyadda horumarineed ee Waara. Halkaan hoose ka akhriso nuqulada Cilmi-baarista PUNTLAND POST The post Mac-hadka SIDRA oo Garoowe ku qabtay kulan ku saabsan kaalinta Bulshada rayidka ah ee yoolalka horumarineed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhaqanka ee fuliyey amarkii dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab. Taliye Gadaar oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin. Sidoo kale wuxuu intaasi in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. “Odayaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaabo ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday dhaqameed oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Telecom Foundation aya maanta imtixaan ka qaaday illaa saddex boqol (300) oo arday oo ka mid ah ardaydii sanadkan iyo kii hore ka qalin jabiyey iskuullada ku yaalla gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxda Hormuud ayaa sheegay in ardayda gala kaalmaha hore ay siin doonaan Deeq Waxbarasho, islamarkaana ay shirkaddu ka bixin doonto lacagta Jaamacadda. Sidoo kale Hormuud ayaa ballan qaaday in sanad kasta la qaadi doono imtixaankan, si ay uga faa’ideystaan ardayda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/war-mutawakil-hormuud-sax.mp3 View the full article
-
(SLT Hargeysa) Ugu yaraan 42 Qof ayaa ku dhintay Duqayn diyaarad Drone ahi ka geysatay Koonfur-galbeed dalka Liibiya. Weerarkan waxa fuliyey Ciidammada Dawladda Liibiya ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Gen Khalifa Haftar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ahi. Wararku waxay sheegayaan in Diyaaraddu ay duqaysay Kulan ka qabsoomayey Hool ku yaalla Magaalada Magaceedu yahay Murzuq, laakiin Ciidammada Gen Haftar waxay sheegeen inay Masuul ka yihiin Weerarka, balse waxay iska diideen ama beeniyeen inay beegsadeen Dad rayid ah. Dalka Liibiya ayaa Dagaallo la deris noqday illaa sannadkii 2011-kii oo uu dhacay Hoggaamiyihii Muddada dheer dalkaa soo maamulayey ee Muammar Gaddafi “42 Qof baa ku dhintay Duqaynta diyaaradda, in ka badan 60-na way ku dhaawacmeen, 60-ka dhaawaca ah 30 ka mid ah Xaaladdoodu way culus tahay, ka dib duqaynta Diyaaraddu ka geysatay Hool ay ku kulansanaayeen Dad ka badan 200 Qof..” ayuu AFP u sheegay Ibrahim Omar. Laakiin, Warbaahinta Maxaliga ah ayaa soo Werisay in Diyaaradda Drone-ka ahi duqaysay Goob ay ka socotay xaflad Aroos. Dawladda Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaaraysay Weerarka, waxayna ku eedaysay oo ay sheegtay inay Weerarkaa ka dambeeyaan Ciidammada General Haftar Dawladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Caasimadda Tripoli ayaa Qaramada Midoobay u soo jeedisay inay baadho dambiyada Ciidammada General Haftar ka geysteen Magaalada Murzuq. Source
-
Owdheegle (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi. Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Ciidamada DANAB ay howlgalkaas hoggaaminayeen. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgalkaas ku wehliyeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Mareykan ah oo dhinaca tababarada ka taageera Ciidamada dowladda. Awdheegle waxaa ay 70 km Koofur Galbeed uga beegan tahay Magaalada Muqdisho waxaana muddo dheer ka arriminayay Al-shabaab. Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degaannada Sabiib iyo Caanoole oo ay qabsadeen 1dii April sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa degaanka Bariirre ka qabsaday Al-shabaab degaanka Bariirre 1dii May isla sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo oo malamahan ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa ka hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida madaxtinimada maamulka Jubbaland. Guyo ayaa sheegay in IGAD ay ku baaqayso in doorashadda Jubbaland ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo dhamaan reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin. Ergayga IGAD ayaa maanta kulan kula qaatey magaaladda Kismaayo xildhibaano kuwaas oo kala hadlay sidii doorashada Jubbaland ugu qabsoomi laheyd si nabadgelyo ah, oo loo dhan yahay ka qeyb galkeeda. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida doorashadda Jubbaland, waa muhiim inay codbixinta noqoto mid hufan oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” ayuu yiri Maxamed Cali Guyo. Ergega IGAD ayaa tagey Kismaayo Isniintii lasoo dhaafay, waxaana uu kulama la qaatey mas’uuliyiin kala duwan, oo uu ku jiro Axmed Madoobe, Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaadey ee maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka bishan August, waxaana ka soconaya magaaladda Kismaayo olole xooggan oo ay musharaxiinta ugu jiraan inay ku guuleystaan tartanka xilka ugu sareeya ee maamulkan. Axmed Madoobe oo tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 2013-kii Madaxweyne ka ahaa maamulkan ayaa hadda u tartamaya xilka mar 3aad, waxaana Musharrixiinta kale ku eedeeyeen inuu afduubtay hanaanka doorashada Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar. Waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Awdheegle (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Milatariga Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo weerar ku qaaday degmadaasi ayaa si buuxda ula wareegay, kadib markii ay ka saareen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in haatan ciidamadu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan halkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. Gaariga oo deyno ahaa, islamarkaana Qudaar siday ayaa la sheegay in Miino ay la kacday, xilli uu ka soo ambabaxay deegaanka Mubaarak, kuna soo jeediyey degmada Awdhiigle oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhawaacmeen 2 kale oo ka mid dadkii la socday gaarigaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT – Hargeysa) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanku uu si wada-jir ah uu Hal Cod ugu cambaareeyo nacaybka iyo waxa loogu yeedho ‘Sarraynta Caddaanka ama sarraynta dadka Caddaanka ah ee Maraykanka’. Madaxweynaha ayaa sidan soo jeediyey, ka dib markii toogashooyin Xidhiidh ahi ay Toddobaadkan ka dhaceen Gobollada Maraykanka qaarkood, Toogashooyinkaasi oo sababay dhimashada 30 Ruux. “Xanuunnada Maskaxda iyo Nacaybka ayaa keenaya (Weerarradan)..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump, “Laakiin maaha Hubka” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo u duur-xulaya Dadka u ololeeya in Dadka rayidka ah laga mabnuuco haysashada Hubka, maaddaama oo Weerarrada ay Dadka Rayidka ahi geystaan ku soo badanayaan. “Waxa waajib ah in Qarankeenu uu Hal Cod ku cambaareeyo Nacaybka, Sinaan la’aanta iyo Sarraynta Caddaanka..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo Isniintii oo uu Qaranka Maraykanka u jeediyey hadal ku saabsan Weerarro Daraad ka dhacay Gobollada Texas iyo Ohio. Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in la dilo Dadka sameeya Falalka Cunsuriyadda ah, sida uu baahiyey Wargeyska The Independent. Source
-
Madaxweyne Biixi Oo Warqad U Diray Boqorka Sucuudiga Boqorka Sucuudiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku daray martida boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga taas oo uu ugaga mahadcelinayo martiqaadka kuna xusayo xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga. Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Biixi warqadda ku sheegay in Somaliland tahay dal madax bannaan isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta iyo qarannimada Somaliland sidaas awgeedna loo soo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, in loo sameeyo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho boqorka Sucuudiga. Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay in aanu martiqaadka Boqorka ku tagi doonin xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday. Boqortooyada Sucuudiga ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka soo bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland. Xigasho: Geeska Afrika Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-06082019.mp3 View the full article
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada 21-aad ee xoogga dalka ayaa isaga baxay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu ka socdo Shirka Beelaha Habargidir. Ciidamada 21-aad oo markii hore sugayey Ammaanka Magaalada ayaa isaga baxay kadib markii la sheegay inuu amar kaga yimid Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ciidamada isaga baxay Magaalada Hobyo ayaa la sheegay inay wateen illaa 3 gaari oo kuwa dagaalka ah waxayna maalmihii dambe sugayeen Amniga Magaalada oo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala socdo Beelaha Habargidir iyo Xildhibaano labada aqal ah. Markii ay Ciidamadaas ka baxeen Magaalada Hobyo ayaa waxaa durba la wareegay ciidamo u abaabulan hab Beeleed. Ciidamada la wareegay Amniga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan Beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana Magaalada soo gashay illaa 13 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan. Dowladda Soomaaliya ayaa shirka Hobyo u aragto inuu yahay mid cabaqad ku ah danaha ay ka leedahay maamulkaas, waxaana ciidamada 2-aad cadaadis lagu saaray inay isaga baxaan Magaalada. Shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa shalay galay wajigiisa labaad, waxaana shirka ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada aqal. Qaar ka tirsan xildhibaanada shirkaas ka qeybgalayo ayaa horey u sheegay inuusan shirka diidadeen midka Dhuusamareeb ka dhici doono balse ay sii diyaarsanayaan qodobadii ay shirkaas la tagi lahaayeen. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa muddo 45 ah ku bixiyey deegaanada Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug lagu mideysan yahay inkastoo beelaha qaar ee halkaas dago ay diidan yihiin kuna eedeeyeen dowladda inay faragelin qaawan ku heyso maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Hobyo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu daah furayay xarunta uu magaalada Muqdisho ka furtay Bangiga Daryeel oo kamid ah bangiyada Soomaaliya kuyaala. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case oo munaasabada daah furka ah ka hadlay ayaa sheegay in Bangida Daryeel loo furay sidii uu bulshada Soomaaliyeed ugu adeegi lahaa una dabooli lahaa adeega bangi ay u baahan yihiin. Waxa uu xusay in Shirkada Iftin horey u sameesay adeeg Xawaaladeed iyo sidoo kale qeybta dhismaha uu xusay in dhisamayaal badan oo si casri ah loo hirgaliyay shirakada ka dhistay gudaha iyo dibadda , waxa uuna xusay in hada soo kordhiyeen adeeg Bangi. Caamir Aadan Ibaraahim oo ah maamulaha Daryeel Bangi ayaa sheegay in bangiga uu wax badan u qaban doono bulshada kunool Muqdisho, waxa uuna xusay in Bangiga wax badan kaga duwanaan doono kuwii horey dalka ugu jiray. ”Bangiga Daryeel waxa uu bulshada Soomaaliyeed u hayaa adeegyo badan oo casri ah oo la jaanqaadaya bangiyada caalamiga ah, qofka doonaya in akoon ka furto bangiga waxa uu ka heli karaa Appka Daryeel bangi halkaas uu ka furan karo bangiga isaga oo buuxinaya shuruudaha laga rabo, ” ayuu yiri maamulaha Bangiga Waxa uu sidoo kale balan qaaday maamulaha in xarumo kale Bangiga yeesho qorsheenayaan in ay ka furaan guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalooyinka waa weyn sida Baydhabo , Dhuuso Mareeb , Kismaayo iyo magaalooyin kale. Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa sheegay in Bangiga Daryeel loo furay sidii uu u haqab tiri lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay bangiga uu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo. Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo isna ka hadlay Munaasabada daahfurka Bangiga Daryeel ayaa aad ugu mahad celiyay ganacsatada Bangigan hirgalisay, waxa uuna ugu baaqay maamulka Bangiga in ay ka duwanaadana bangiyadii hore ayna gabdhaha siiyaan fursado shaqo. Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya,oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in bangiyada dalka kusoo badanaya loo baahan yahay ayna faa’iido u tahay bulshada , waxa uuna u mahad celiyay Shirkada Iftin Group oo bangiga Daryeel hir galisay. Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyay maamulka Shirkada Iftin ee hirgaliyay bangiga sida casriga ah u shaqeenaya. Munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaana si heer sare ah kusoo idlaaday, waxaana Bangigan horey xarumo waa weyn ugu lahaa magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso .
-
Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab ka saaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi. Haddaba Taliye ku xigeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay degaannada la qabtay iyo halka uu ku jihaysanyahay hawlgalkaasi. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degaanno hor leh appeared first on Puntland Post.