Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Goobjoog Sports waxa ay aqristayaasheeda sharafta badan usoo gudbinaysaa dhacdooyinkii ee dhacay bisha July 2019,iyadoo aan horay idinla wadaagnay bilihii lasoo dhaafay waana tariikh ku cusub bahda ciyaaraha. 01-July 2019-Maamulka koxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xilkii macallinimo ka qaaday tababarahoodii reer Uganda Mbalangu Xuseen,isagoo kooxda hogaaminayay tan iyo 2015 wuxuuna la qaaday hal horyaal oo aan laga badin 2016 iyo koobabka kala ah Jeneraal Daa,uud 2018 iyo Somalia Super Cup. 02-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan futsal oo u socday waaxyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir u soo xeray waxaana koobkan fiinaalihiisa wada dheelay waaxyalaaha Towfiiq iyo Horseed waxaana koobka hantay dhallinyarada ka socotay waxaada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid. 03-July 2019-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sanadkii 3-aad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier,ka dib markii kulankii ugu danbeeyay horyaalka ay 3-2 kaga badisay xidigaha dowaladda hoose ee Muqdisho City Club wuxuuna labada dhinac kulamadoodii u danbeeyay horyaalka. 04-July 2019-Kooxda ciidanka booliska Soomaliyeed Heegan ayaa u safartay dalka Ruwanda wuxuuna yoolka socdaalkaas ahaa ka qeyb galka tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa Kigame Cup 2019. 05-July 2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo bahda ciyaaraha kubbadda cagta ayaa si wanaagsan u macsalameeyay macallinkii hore naadiga Muqdisho City Club Hussein Blangu Hassan kaas oo u dhashay dalka Uganda,ka dib markii uu ka tagay laylinta kooxda dowladda hoose ee Xamar,wuxuuna dalka ka shaqaynayay mudo shan sano ah,isagoo aad ugu mahad celiyay bahda ciyaaraha Soomaaliya. 06-July 2019-kooxda Heegan ayaa kulankii 1-aad ciyaartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee (Cecafa Kigame Club) waxayna kulankii 1-aad guuldaro 2-0 kasoo gaartay Green Eagles oo ka dhisan Zambia. 07-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan kbadda cagta ah u furay dhallinyarada Brakacayaasha ee degmada Kaxda,si loo dhiri geliyo xirfadlayaasha barkacayaasha ee ku nool Gobolka Banaadir. 08-July 2019-War saxaafadeed kasoo baxay maamulka kooxda Heegan ayaa lagu shaaciyay in Amina Amase oo u dhashay dalka Ghana loo magacaabay tababaraha 1-aad waxaana naadiga hogaaminayay Cusman Yusuf. 09-July 2019-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu gacan ka gaysaneyso dhismaha garoonka kubbadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo guddiga dhismaha garoonka ayaa Khayre kaga mahad celiyay dhaqaalaha uu ugu deeqay waxaa cadadka lacagta lagu sheegay 150.000$. 09-July 2019-Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda cagta Soomaaliya. 10-July 2019-Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallin Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay wadanka Tuniisiya,wuxuuna jagadan ka badalay Mbalangu Husein . 11-July 2019-Kooxda Heegan ayaa ka hartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ee ka dhacay dalka Rwanda waxaana saddex ciyaarood ay dheeleen laga dhaliyay 8-gool,iyadoo laga wada badiyay dhamaan kulamadii ay ciyaareen waxaana ka adkaaday kooxaha kala ah Green Eagles,Proline FC iyo Apr. 12-July 2019-Maamulka kooxda Elman ayaa kulan mahad celin iyo baraarjin la qaatay ciyaartooyda,ka dib markii ay xidigahoooda ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee kala sareynta horyaalka 2018-2019. 13-July 2019-Maamulka kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda oo markii saddexaad oo xariir ah ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League waxaana shaqaalaha,taageerayaasha iyo maamulka ay dabaal dag sare ku qaateen garoonka Banaadir ee degmada Cabdicasiis. 14-July 2019-Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose waxaana macallinka reer Tuniisiya loogu warbixiyay horomarka naadiga iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo aadan. 15-July 2019-Shan sano ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa qaatay tababarkoodii ugu horeeyay ee macallinkooda Maxamed Mestiri Lamjed,iyagoo inoo sheegay in ay la qabansandeen falsafada tababarahooda reer Tuniisiya. 16-July 2019-Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay horomarka kooxaha dalka maadaam Dekdda,Heegan,Muqdisho Cit Club iyo Horseed ay sanadkan ka qeybgaleen tartamada kale duwan ee qaarada waana markii ugu horeesay burbrukii dalka ka dib talaabadan,iyadoo ay ka shaqeeyeen X.K.Cagta. 17-July 2019-Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalay 500 ciyaartooy oo da’d kala duwan,iyagoo kala matalay 32-koox oo kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir. 18-July 2019-Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa.19-July 2019-Naadiga Muqdisho City Club ayaa soo dhawaysay ka qeybgalka tartanka kooxaha CAF Confedration waxayna laba kulan la ciyaaraysaa kooxda Milindi Sports Club oo ka dhisan Zanzibar. 20-July 2019-Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar oo ka qeybgalay ciyaa ka tirsaneed tartanka kubbadda gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa sheegay dowladda in ay ku da’daalayso xoojinta horomarka iyo kobaca isboortiga Soomaaliya,si loo tiigsado horomaradii guulaha ee la gaaray 2018. 21-July 2019-Bahda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Xubnimada xiriirka kubbadda cagta Qaraada Africa ee Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab,iyagoo u rajeeyay in uu sii sameeyo horomar kale. 22-July 2019-Xiriirka kubbadda cagta ayaa xerada farsamada garoonka Jaamacadaha ku xareeyay dhallinyarada 15-jirada ee matalaysa xulka qaranka kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka bariga iyo baratamaha. 23-July 2019-Agaasimaha farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cawil Ismaaciil Maxamed iyo kaaliyihiisa Maxamed Cabdulle Farayare ayaa shaahada tababarnimo gudoonsiiyay macallin Daadir Amiin. 24-July 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle ayaa degmada Buula Bude ka daah furay tartan u dhaxeeyay 10-koox oo ka dhisan degmada wuxuuna wasiirka sheegay in dhamaan maamulka loo qabandoono tartamo kala duwan,si dhallinyarada ay usoo bandhigaan xirfadooda. 25-July 2019-Wafdi uu hogaaminayay macallinka kooxda jaalayada Soomaaliyeed ee dalka Australia Cali Xuseen ayaa magaalada Toronto ee wadanka Canada u tagay ka qeybgalka tartan ciyaareed lagu xusayay Legend Cabdullahi Xasan Salaax (Macallin Tuke) oo lixdankii sano lasoo dhaafay ku jiray isboortiga Somalia. 26-July 2019-Kooxda Heegan oo ka mid aha naadiyada u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa u laabatay horyaalka heerka 2-aad waxaana horay u xaqiijiyay naadiga Himilo FC. 27-July 2019-Xulalka Soomaaliya Iyo Uganda oo wada ciyaaray kulanka kowaad ee tartanka African Nations Championship ayaa waxaa ciyaartaas 3-1 ku badiyay wiilasha xulka Uganda,iyagoo lagu dheelay dalka Jabuuti. 28-July 2019-Maamulka Kooxda kubbada Dekedda ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka CAF Champion League,iyagoo labo kulan la dheelidoono naadiga reer Masar ee Zamalek. 29-July 2019-Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bahda kubbadda cagta Soomaaliya kaga mahad celiyay garab istaaga iyo dhiiri-gelinta ay u muujiyeen,ka dib markii uu isla bisha July mudo dheer ka dib uu xaqiijiyay guddiga fulinta Xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF. 30-July 2019-Xulka da’yarta 15-jirada ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo la ciyaaray iskuuulka Daaru-Tarbiya oo kaalinta 2aad ee kala horeynta kaga jira tartanka iskuuulada ee Youth League 2019 wuuxuna kulanka ka dhacay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan,iyadoo kulankaa ay daawashadiisa soo xaadireen madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,si ay dhiiri-geliyaan dhallinyarada Xulka Soomaaliya. 31-July 2019-Madaxwaynaha Puntland DR.Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhaggax dhigay Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe,Mr.Saciid Deni wuxuuna balan qaaday in guddiga dhismaha garoonka ay ku taageeridoonaan 100, 000 dollar,si dhallinyarada Puntland ay helaan goobo casri ah ay ku ciyaaraan,xiriirka kubbadda cagta Puntland ayaa talaabadan kaga mahad celiyay madaxweyne Saciid Deni. Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinkii Bisha July 2019 Oo Muuqaal Ah W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhowaan fuliyey amarka Xooggaga Al-Shabaab ee tegay deegaanada ay maamulaan. Taliye Gadaar ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. “Odoyaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaanada maamulkaasi inay qaataan awaamiirta Al-Shabaab, isaga oo xusay in cidii qaadata aysan ku soo laaban doonin deegaanada Galmudug. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii Al-Shabaab bartamihii bishii hore ee Jula ay soo saartay digniin ka dhan ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo u qabatay inay isku soo diiwaan geliyaan muddo 45 cisho ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  3. Waxaan daah ku daboolnayn in Qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir laba todobaad k hor uu ahaa mid qorsheysnaa oo Dad badan wax ka ogaayeen [...] Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug xalay ay ku qaaday ciidamada maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay Jabhaddani oo la magac baxday Xoreynta gobolka Sool la beegsatay xarunta qeybta Booliska ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee maamulka Somaliland. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah oo socday muddo hal saac ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in dableydii weerarka qaaday ay isaga laabtay halkaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii ay isla jabhaddani weerar ku qaaday xerada Buurta Sayidka oo ay dagan yihiin ciidamada maamulka Soomaaliland, taas oo ku taalla duleedka magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. Johannesburg (SMN) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah. View the full article
  6. Dab sababay khasaare hantiyeed ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidey inoo sheegeen goob-joogayaal, xarumaha dabkan uu ka kacay ayaa ku yaalla nawaaxiga aargada magaalada Kismaayo, wuxuuna ka dhashay koronto ka kacday mid ka mid ah xarumahaasi. Ganacsatadii kale ee halkaasi ka dhowaa ayaa bilaabay iney alaabtooda kala baxaan goobahooda ku dhowaa halkaasi. Kooxaha dab-damiska oo gaaray halkaasi ayaa ugu dambeyn ku guuleystay iney damiyaan dabkan oo kusii faafi lahaa meello kale oo hor leh. Weli ma jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi, waxaana socda tirakoob ay ganacsatadu waddo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo xalay ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Siinka-Dheere ee duleedka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyar, kuwaas oo qaar kood la sii daayey, kuwana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ujeedka howlgalladani ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu xaqiijinayey amniga deegaankaasi. Ibraahim Colow Cali oo agh guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka deegaanka Siinka-Dheere ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Howlgal.mp3 View the full article
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah. Source: goobjoog.com
  9. Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan waxgaradkii dhowaan u tagay Al-shabaab, si loo diiwaangeliyo. G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybtan, ayaa sheegay in waxgaradkii iska soo diiwaangeliyey Al-shabaab ay fuleynimo u geysay, balse iyaguna u aqoonsan doonaan iney Al-shabaab ka mid yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa uga digay waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug, iney aadaan deegaannada Al-shabaabka maamulaan. “Odoyaashii u tagay Al-shabaab waxaan u aragnaa iney ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doonno” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab ayaa dhowaan waxay soo bandhigeen waxgarad badan oo ay sheegeen iney ahaayeen kuwii wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana ay cafis u fidiyeen, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen amniga doorashada Jubbaland. Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo taliyaha ciidanka AMISOM oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa isku raacay in Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland lagu wareejiyo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aqbalay in doorashada lagu qabto xarumta QM ee ku taalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhooweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. View the full article
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn aqbalay in doorashada lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Saacadaha soo socdo ee maanta ayey ciidamadani la wareegi doonaan goobaha doorashada, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo laga dareeyamayo gudaha magaalada Kismaayo. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga doorashada Jubbaland. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan August, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Dowladda Qatar, ayaa sida la sheegayo dabada ka riixaysa musharrax lagu magacaabo, Cabdinaasir seerar oo u taagan doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, si ay meesha uga saarto, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale u tartamaya doorashada Jubaland. Warbaahinta Qatari Leaks oo xiganaysa ilo’ xog-ogaal ah oo aysan magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Qatar ay musharrax Seeraar taageero dhaqaale u soo maraysay, Kusimaha hay’adda hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran (NISA) Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir, si ay xasarad uga dhaliso doorashada Jubaland. Sidoo kale, Qatari Leaks waxay sheegtay in dowladda Qatar ay qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya lacago badan ku siisay, si ay borobagaandho uga faafiyaan doorashada Jubaland. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in uu xiriir hoose ka dhexeeyo musharrax Seeraar, Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, dowladda Qatar iyo Al-shabaab, ayna ka midaysan yihiin, in ay qalalaase ka abuuran doorashada Jubaland. Qatar ayaa sida warbixintu sheegayso, waxay doonaysaa in Kismaayo dagaal ka qarxo, dabadeedna musharrax Seeraar ay u suurta-gasho in uu qabsado qeybaha kamid ah magaalada, si AMISOM loo kala dhex-dhigo dhinacyada dagaallamaya oo meesha looga saaro awoodda ciidan ee Axmed Madoobe. Hoos ka akhriso warbixinta oo English ah PUNTLAND POST The post Afar qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco appeared first on Puntland Post.
  13. Andrew Brain Irlam oo ah muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. PUNTLAND POST The post Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Britain appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynihii hore ee waddanka Simbabwe Ropert Mogabe oo mudda 4 bilood ah isbitaal ku yaalla dalka Singpore ugu jira xanuun la soo darsay ayaa haatan xaaladdiisa laga dayrinaya. Madaxweynaha hadda haya talada Simbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in Mogabe uu muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalka Singpore, islamarkaana ay xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso oo uu hadli karo. Mr Emmerson ayaa sheegay in xanuunka haya madaxweynihii hore Ropert Mogabe aysan weli dhaqaatiirtu shaacin balse ay caddeeyeen in xaaladdiisu soo ka soo raynayso. Dhaqaatiirta gacanta ku haya ayaa laga soo xigtay in Mogabe u baahan yahay xannaano fiican iyo nasniin dheeraad ah si loo baxnaaniyo xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Simbabwe oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo appeared first on Puntland Post.
  15. Baardheere (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan illaa Al-Shabaab laga saarayo gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in labo jibaarayan dagaalkooda, si looga adkaado gabi ahaan Al-Shabaab. DF ayaa wada qorshe ay saldhig weyn uga furaneyso Baardheere, kaas oo la doonayo in laga fuliyo howlgalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada ee K/ Soomaaliya. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-060819.mp3 View the full article
  17. Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirka waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo shaaciyay qodob uu hor dhigi doono shir uu kaga qeyb-galayo Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  18. Gaalkacyo (PP) ─ Dhawaan Al-shabaab ayaa u yeeray odayaashii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka iyo kuwa maamul-goboleedyada, waxaana jira odayaal qaatay amarka Al-shabaab oo ay soo bandhigeen, iyadoo qaar ka mid ah maamullada iyo dowladda Somalia ay sheegeen inay odayaashaas tallaabo ka qaadayaan. Deegaannada Galmudug ayaa ka mid ah deegaannada ay ka tageen odayaal ka mid ah kuwii doortay xildhibaannada, waxaana hay’adaha ammaanka ee Galmudug ay soo bandhigeen tallaabada ay ka qaadayaan odayaashii Al-shabaab iska diiwan-geliyay. Taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ee maamul-goboleedka Galmudug, Col. Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in tallaabada ay odayaashaas qaadeen ay tahay mid fuleynimo ah, isla markaana odayaashii Al-shabaab u tagay ay tallaabo ka qaadayaan. Sidoo kale, Taliyaha ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaannada ay ka taliso Galmudug inay qaataan ammarada Al-shabaab, isla markaana ciddii qaadatada ay tallaabada ka qaadaan sidoo kalena aysan kusoo laaban karin deegaannada Galmudug. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxay soo bandigeen odayaal ay sheegeen inay diiwaan-geliyaan, kuwaasoo deegaannada ay ka kooban yihiin Galmudug iyo Hir-shabeelle ka kala yimid, isla markaana ay wixii hadda ka dambeeya waxyeeleyn doonin. Ugu dambeyn, Amarrada ay Al-shabaab ka bixiso ayaa u muuqda kuwo ay shacabka ku nool Somalia si dhow ugu dhego-nugul yihiin, iyadoo amarrada ay bixiso dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ay yihiin kuwo aan inta badan la fulin. PUNTLAND POST The post Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug oo u digay Odayaashii fuliyay Amarkii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo halis ku ah xooggaga Al-Shabaab, kaas oo la doonayo in looga saaro gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga, gaar ahaan guutada 10-aad ee ka howlgasha gobolka Gedo ayaa sheegay in magaalada Baardheere laga furayo saldhig laga qorshaynayo, sidii Al-Shabaab looga qabsan lahaa gobolka Jubbada Dhexe ee hoostaga maamulka Jubbaland. Taliyaha guutada 10-aad Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo shalay gaaray Baardheere ayaa tilmaamay in si deg deg ah loo furi doono saldhiggaasi . “Aniga booqashadeyda waxa ay qeyb ka tahay dardargelinta howlgallada socda, qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhig weyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiisa Al-Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe.” ayuu yiri Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka). Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa guud ahaan gacanta ku heysa Al-Shabaab, waxaana la sheegaa in ay ka soo abaabusho inta badan weerarada iyo qaraxyada ay geysato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. Kismaayo (PP) ─ Dhaq-dhaqaaqyo ku aaddan in ciidamada AMISOM ay la wareegaan goobaha doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Ciidamo ka tirsan booliska AMIOSM iyo booliska Jubbaland ayaa qorsuhu yahay inay amniga xarumahaas la wareegaan, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Sidoo kale, Musharraxiinta xilka madaxweynaha Jubaland, gaar ahaan kuwa la magic-baxay isbeddel-doonka ayaa horay waxay shaki uga muujiyeen dhinaca amniga, isla markaana ay sheegeen inaysan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan xarunta Jubbaland. Kismaayo waxaa shalay gaaray taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo, wuxuuna madaxweyne Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha amniga Jubbaland xilliga ay socdaan dorashooyinka bishan dhacaya. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga guud ee Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland, isla markaana ay ka wada-qayb-qaataan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland. Ugu dambeyn, Si Kismaayo ayaa ka duwan sidii ay ahaan jiray xillyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxana sanadkaan xilka ku loolamay madax kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilka haya. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo la wareegaya Amaanka Xarumaha Doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  21. Wararka ka imaanaya magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in xalay halkaasi markii labaad ay soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan. Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland PUNTLAND POST The post Dagaal xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  22. Drought-hit families in remote parts of Galgadud region have welcomed an emergency water trucking service that has saved them from having to move to other places in search of water. Source: Hiiraan Online
  23. Under Secretary for Political Affairs David Hale on Monday met with the Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. An altercation between Ethiopian federal police officers has led to a shooting incident at the premises of the Central Statistics Agency. Source: Hiiraan Online