Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maqaal la yaab leh ka qoray waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan tayada Jaamacadaha ku yaalla dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey waxbarashada Soomaaliya Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya. Cabdi Daahir Cismaan ayaa xilkiisa ku waayey arrinta Jaamacadaha, kadib markii uu sheegay in dhammaan Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho aysan aqoonsaneyn wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, taas oo dhalisay dibadbxayo sababay in Ra’iisul wasaare Khayre uu shaqada ka eryo. Halkan hoose ka aqriso: Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ma u baahan yihiin dib u eegis dhab ah? Hordhac Maalgelinta waxbarashada muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada, laakiin waxay muhiim u tahay oo go’aamisaa guusha iyo horumarka gaar ahaaneed ee qofka shakhsiga ah iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba, sidaa daraaddeed, haddii la doonayo in waxbarashada la siiyo mudnaanta ay leedahay, waxaa loo baahan yahay in loo arko inay tahay mas’uuliyad wadareed. Soomaaliya 30kii sano ee la soo dhaafay, maalgelinta xagga waxbarashada aad ayay u yarayd oo kuma filnayn baahida waxbarasho ee uu dalka ka jirtay, taasina waxay gorgortan weyn gelisay tayada waxbarashada oo kol horeba liidatay. Maalgelinta ugu weyn ee waxbarashada Soomaaliya waxay ka timaadaa waalidka iyo bulshada, iyo kaalmo/sadaqo laga helo dunida. Waxaa mahad weyn iska leh oo aan la illoobi karin dadka Soomaaliyeed oo sida gaarka ah mas’uuliyad isaga saaray oo u guntaday soo celinta waxbarashada dalka xilli aad u adag oo ay dalka la soo gudboonaadeen caqabado waaweyn oo xag walba ah. Laakiin waxaa muhiim ah inaan marnaba laga leexan ujeeddooyinkii asalka ahaa ee ay aaminsanaayeen dadka Soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusnay ee u kacay waxbarashada dalka. Taasoo ay ugu horreyso in malaayiin carruur Soomaaliyeed ah la siiyo fursad waxbarasho si aysan uga harin tartanka ay kula jiraan carrurta facooda ah ee ku nool dunida. Arrintani waxay taageereysaa, taariikhda waxbarashada bani’aadamka iyo sida ay ku billaabatay waxbaridda carruurta iyo dhallinyarada. Taariikh ahaan, ujeeddooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasi jiray xarumaha waxbarashada, waxaa gundhig u ahaa bani’aadminimo, niyad wanaag iyo horumarinta bulshada, haddiise meesha laga saaro ujeeddooyinkaas asalka ah, waxaa soo muuqanaya oo keliya ujeeddooyin gaa-gaaban oo aan dhiirigelineyn ruuxda kuwa ka shaqeynaya, waxbarashaduna waxay u idlaaneysaa inay noqoto, mid lumisa hadafkeedii, oo aan lahayn tayo aqooneed islamarkaana tixgelineysa danaha gaarka ah ee ay leeyihiin kuwa ku adeegta, danahaasoo ay ka mid yihiin inay ku helaan magac iyo ribix muuqda oo keliya. Xaaladda noocan ah waxaa ku qancaya milkiilayaasha dheef doonka ah, kuwaasoo ka fekereya oo keliya sidii ay magacooda u muujin lahaayeen ama jeebkooda u buuxin lahaayeen, waxaa gorgortan galaya tayada waxbarashada, waxaana ku hungoobaya maskaxda iyo caqliga jiilal badan. Ganacsiga waxbarashada iyo saameynta uu ku leeyahay tayadeedaNasiib daro, labaatankii sano ee la soo dhaafay, guud ahaan waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaana tacliinta sare waxay ku caan baxday in uu hadafkeedu noqday sidii looga heli lahaa faa’iido dhaqaale oo muuqda oo keliya, waxaana arrintaa caddayn u ah, jaamacadaha tobannaanka darsin gaaraya ee dalka laga furay, kuwaasoo tusaale u ah goobaha looga ganacsado tacliinta sare ee dalka. Tani waa arrin murugo leh iyadoo ku soo beegantay waqti ay dalalka dunidu ku tartamayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada hay’adahooda tacliinta sare. Waxaa sidoo kale naxdin leh inuusan muuqan dadaal ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa tayada hay’adaha tacliinta sare ee dalka, iyadoo dadaalka iyo tartanka ugu weyn ee ka dhex socda Jaamacadaha dalka uu yahay sidii ay u soo xareysan lahaayeen arday tiro badan, ujeeddada uga weyn ay ka leeyihiina ay tahay keliya sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay kor u dhaafayaan 120 jaamacadood, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay 10ka dal ee ugu hooseeya dunida marka laga hadlayo aqris-qorista, arrintani waxay su’aal weyn ka keeneysaa kalsoonida siyaasadda hageysa nidaamka waxbarashada dalka iyo inay siyaasaddaasi ku qotonto qorshe iyo sahan dhab ah oo cilmiyeysan (Eeg, shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya). Haddii aan tusaale u soo qaadanno dalka Kenya oo tirada dadkiisu saddex jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay kor u dhaafeyso 79%, waxaa uu leeyahay qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Waxaa kaloo iyadana tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa dalka Woqooyiga Korea oo tirada dadkiisu ay laba jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay tahay 100%, isaguna wuxuu leeyahay sidoo kale qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya Magaca dalka Tirada dadka Heerka aqsis-qorista Tirada Jaamacadaha Dowladda Gaarka loo leeyahay Wadar Soomaaliya 12,000,000 37% 1 120 121 Kenya 48,000,000 79% 20 36 56 Woqooyiga Kuuriya 25,000,000 100% 66 0 66 Waxaa dhab ah in la isku raacsan yahay in ay jaamacaduhu calaamad u yihiin ilbaxnimada iyo cilmi ururinta, waxaana laga filayaa inay noqdaan muraayadda sharfta oo ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka caalamiga ah ee cilmiga loo dejiyay. Jaamacadda wanaagsan waxaa lagu kala miiraa fikradaha aqooneed ee kala duwan, waxaana saldhig u ah cilmi baaris dhab ah iyadoo la raacayo hannaan cilmiyeysan oo leysku waafaqsan yahay. Waxaa kaloo la isku raacsan yahay in isbeddelka iyo horumarka waxbarashadu uusan ahayn mid degdeg ah, ee uu qaadanayo muddo dheer, si tartiib-tartiib ahna ku yimaado. Si looga keeno natiijooyin wax ku ool ah, waxbarashada casriga ah waxay u baahan tahay in la raaco nidaam gaar ah, kaasoo ku saleysan marxalado iyo taxane waxbarasho oo da’ ku qotoma, kuna yimid waaya’aragnimo iyo xikmad, marxaladahaas iyo taxanayaashaas oo is dhisaya, la’aantoodna ay adag tahay in la gaaro natiijooyinka laga sugayo waxbarashada. 3. Waxbarashada iyo tacliinta dalku waxay ku dhisan tahay xaalad degdeg ah oo keliya Soddonkii sano ee ugu dambeysay, xaaladda waxbarsho ee dalka Soomaaliya waxay ahayd mid degdeg ah oo ku dhisan nidaam waxbarasho oo aan tixgelin siineynin marxaladaha iyo taxanayaasha waxbarasho ee caalamiga ah ee la isku raacsan yahay. Sabababaha ugu waaweyn ee arrintan keenayna waxaa ka mid ah; waxaa meesha ka baxay mas’uuliyaddii sharciga ahayd ee xagga nidaamka dowladda iyo tii dhaqanka iyo damiirka la xiriirtay ee bulshada, taasoo keentay in ay waxbarshadii ganacsi noqotay, lana waayay cid ilaalisa tayadeeda; iyo baahida waxbarashada oo aan la soo koobi karin, isla markaana la adeegsanayay hannaan walba oo looga jawaabi karo, fursadna loo siin karo carruur badan. Arrintani saameyn xooog leh ayay ku keentay waxbarashada dalka gaar ahaan xagga tayada iyo maamulkeedaba, waxaana durbadiiba soo muuqatay in pyramidka waxbarashada Soomaaliya dhanka kale loo rogay, taasoo keeneysa in ardayda galaysa jaamadaha dalka ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare. Tani waa arrin aan caqliga gali karin oo fasiraad weyn u baahan, haddii tirada ardayda galaysa jaamacadaha ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare, sua’aasha is weydiinta leh waxay noqoneysaa, xaggee ayay ardayda dheereedka ahi ka yimaadeen. Dhanka kale, haddii xaaladdu sidaa tahay, waxay u muuqataa in marka ay ardayda oo idil wada galaan Jaamacadaha, weli waxaa jira Jaamacado dheeraad ah oo arday badan sii qaadan kara. Arrintaasina suuragal kama ahan dunida kale, waxayna u muuqata mid aan la jaan qaadi karin oo aan loo barbar dhigi karin xaaladaha waxbarashada dalalka kale ee dunida. Jaamacadaha dalku waxay u baahan yihiin inay hagaajiyaan nidaamkooda waxbarsho, gaar ahaan xagga tayada si ay u soo saaraan dhakhaatiir, ingineerro iyo xirfadlayaal kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo horumarka dalka. Tacliinta sare waxay macno yeelan kartaa oo keliya haddii nidaamka iyo manjahka waxbarashada jaamacaduhu ay la jaanqaadayaan oo ay tixgelin siinayaan hiigsiga fog iyo horumarka dhaqaale ee la doonayo in la xaqiijiyo, isla markaana lagu saleeyo kheyraadka uu dalku leeyahay. Hey’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya intooda badan wuxuu manjahkoodu ku qotomaa maaddooyin gaar ah oo ku dhisan koorsooyin aasaasi ah oo sahlan oo aan lahayn kakanaan cilmi oo gun dheer, waayo waxaa ka maqan awoodda aqooneed iyo tan dhaqaale ee lagu dhigayo maaddooyinka cilmiga ah ee muhiimka u ah horumarka dhaqaalaha dalka. Waa dhab in jaamacadaha qaarkood ay dadaalayaan ayna bixiyaan koorsooyin muhiim ah, laakiin waxay su’aal ka taagan tahay xagga tayada, arrintani waxay saameyn ku yeelaneysaa mustaqbalka ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha dalka, sidaa daraadded, awoodda xirfadeed iyo tan tacliimeed ee ardaydani waxay noqoneysaa mid uu shaki ku jiro oo aan suuragal ka dhigi karin horumarka la doonayo in la gaaro, isla markaana aan tartan la gali karin ardayda ay soo saaraan jaamacadaha caalamka. Arrintani waxay ku soo aadeysaa iyadoo labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay dunidu xoogga saareysay natiijada ardayda soo dhameysata tacliinta sare, gaar ahaan xirfadda iyo aqoonta la dabaqi karo. Maanta waxaa muhiim loo arkaa in ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha ay helaan awood cilmi iyo mid xirfadeed oo caalami ah, si ay ugu tartamaan suuqyada shaqada. Tani waxay meesha ka sareysaa aragtidii waagii hore hore laga qabi jiray hey’adaha tacliinta sare, oo ahayd inay xoogga saari jireen oo keliya sidii ay u noqon lahaayeen kuwa bixiya waxbarasho taya sare leh oo salka ku haysa cilmi baaris dhab ah. Gabagabo Su’aalaha adag ee la doonayo in la is weydiiyo waxay la xiriiraan, dhanka tayada, dhanka sharciyadda iyo aqoonsiga, dhanka siyaasadda iyo maamulka waxbarashada, waxaana ka mid ah: Haddii natiijada hay’daha tacliinta sare ee dalkeennu aysan jawaab u noqon karin dib u dhiska iyo horumarka xag walba ah ee uu dalku baahan yahay, isla markaana aysan caawineynin tartanka caalamiga ah ee suuqyada dunida, maxay noqoneysaa saameynta waxbarashada dalka? Haddii aanay jirin ama aysan dhamays tirnayn habraacyada maamulka waxbarashada oo ay ugu horreeyaan siyaasadaha iyo shuruucda waxbarashada iyo tacliinta sare, isla markaana ay meesha ka maqan tahay istiraatejiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa, maxay laga filayaa natiijada waxbarashada dalka? Maxaa hor taagan in la toosiyo nidaamka waxbarashada dalka? Mase loo baahan yahay dib u eegis dhab ah oo dhameys tiran, iyo in dib loo qeexo hadafka iyo ujeeddooyinka waxbarashada dalka iyo natiijooyinka laga filanaayo? sidee ayaa arrintan lagu suuragelin karaa? Miyaa la soo gaaray xilligii la qabanqaabin lahaa dood qaran oo lagu falanqeynayo xaaladda waxbarashada dalka maanta iyo jihada la doonayo inay u dhaqaaqdo mustaqbalka? Mustaqbalka dhow, in ay Soomaaliya ka soo dhex muuqato liiska dalalka dunida ee lagu kalsoonaan karo hey’adohooda tacliinta sare, waxay ku xiran tahay natiijada ka soo baxda iyo sida looga jawaabo dib u eegista lagu sameynayo waxbarashada dalka iyo dhaqan gelinteeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay shalay la wareegeen. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degmadaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen. Sidoo kale, waxay sheegeen in ciidanku ay ku faafeen deegaanna ku dhow degmadaasi, amnigana uu yahay mid wanaagsan. Degmada Awdheegle oo ay ciidanka dowladda federaalka la wareegeen ayaa muhiim u ah isku socodka deegaanno badan oo gobolka Shabellaha Hoose ah. Ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shaaab, iyaga oo doonaya iney ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Waxaa tacsi loo dirayaa dhamaan Reer Maxamed Xasan Cabdille geerida ku timid Aabe/awoowe Maxamed Xasan Cabdile oo Xalay oo arbaco soo galayso ku geeriyooday Degmada [...] Source
  4. Reports from Lower Shabelle region indicate that in the last few hours there have been military activities in the region with Somali government forces and DANAB-trained troops. Source: Hiiraan Online
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada 31-aad ee maamulkaasi Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal). Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xiro Doolaal oo ah taliyaha ciidanka maamulka Somaliland ee ka howgala gobolka Sool. Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhad uu hoggaamiyo Feysal Falaalug. Xaaladda deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii dambe kacsanayed, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. Wasiirka Arrimaha debadda waddanka Israel, Yisrael Katz ayaa shaaciyay in dalkiisu ku biirayo, Qorshaha Maraykanka iyo Xulafadiisa Gacanka Carabtu ay ku doonayan, in lagaga hortago khatarta dowladda Iran ee ku wajan biyaha Khaliijka Carbeed. Warbaahinta Israel ayaa baahisay, in wasiirku uu hadalkan ka sheegay, kulan albaabadu u xirnaayeen oo guddiga Arrimaha debadda ee Baarlamanka Israel ay ka yeesheen, Qorshaha Maraykanka ee ku aaddan, ka hortagga khatarta Iran ee biyaha Khaliijka Carbeed. Mr Yisrael Katz ayaa tilmaamay, in Israel ay hadda qeyb ka tahay, wada-hadallada u socdo Maraykanka iyo dalalka Khaliijka ee la xiriirta sida looga hortagi karo, khatarta ku wajahan gobolka ee ka imaanaysa dowladda Iran. Wuxuu intaasi raaciyay, in Qorshaha Maraykanka uu ka wado wadamada khaliijka ay ka arkeen danaha Israel, maadaama lagu waabinayo awoodda dowladda Iran, haddana lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Israel oo sheegtay in ay ka qeyb-qaadanayso ilaalinta dalalka Khaliijka appeared first on Puntland Post.
  7. Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika. Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo. Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo. Halkan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo dhaliil adag u jeediyay hay’adaha Qaxootiga ka shaqeeya appeared first on Puntland Post.
  8. Xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ayaa soo saaray isku aadka tartanka xulalka da’yarta 15-jirada ee isla bishan August ku qabsoomaya wadanka Eritria. 11-wadan ayaa tartanka dhallinyarada 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ka qeybgalaya,iyadoo loo kala qeebiyay ilaa saddex Group oo kala ah A,B,C. Xulka 15-jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku jira Group A waxaana ku wehliya wadamada Eritrea,Burundi iyo Kenya,iyadoo ciyaarta furitaanka ay wada ciyaaridoonaan xulalka 15-jirada wadankeena Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya. Wadanka Eritrea ayaa sanadii 2010 marti geliyay tartanka Challen Cup ee 20-jirada kaas oo ahaa tartan ku cusubaa Africa waxaana maalgelintiisa lahaa “Fifa Forward Programme”,iyadoo da’da 15-jirada uu yahay markii uu horeesay oo la qabto wadamada bariga iyo bartamaha Africa ee Cacefa. Halkan Ka Aqriso Isku Aadka Xulalka 15-jiarada GROUP A Kenya Eritrea Burundi Somalia GROUP B Uganda Rwanda Ethiopia Sudan GROUP C Tanzania SUDAN Djibouti “Waan ku kalsoonahay awooda ciyaartooydeena waxaana ku rajo weynahay in aan guulo wax waaweyn kasoo hooyno tartanka xulalka 15-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika 2019” waxaa sidaa Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiayaha dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya Cabdullahi xirse Maxamuud. Soomaaliya ayaa sanadii 2018 gaartay markii ugu horeesay fiinalaha tartanka 17jirada ee ka dhacay dalka Burundi,iyadoo iminkana dhallinyarada 15jirada laga sugayo in ay la yimaadaan natiijooyin aad u wanaagsan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Baydhabo (SMN) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey ergadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ergadan ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen. Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab illaa 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  11. Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro ballaaran oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa is xig xigay oo gaarayey illaa saddex ayaa waxa ay Al-Shabaab ku qaadeen koontaroolka laga soo galo deegaankaasi. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah weeraradaasi kadib ayaa waxaa xigay dagaallo foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca ka soo gaaray dagaalladaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka wada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, kadib markii ay shalay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan baaritaanadaasi. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-07082019.mp3 View the full article
  13. DAKAR, SENEGAL - For one intense week, 40 boys and 20 girls from 29 African countries were chosen for a highly selective program to train with current and former players from the National Basketball Association (NBA) and Women’s National Basketball Association (WNBA). Source: Hiiraan Online
  14. WASHINGTON, Aug. 6 (Xinhua) -- U.S. private space company SpaceX on Tuesday launched a Falcon 9 rocket carrying an Israeli-owned satellite to provide communication services for Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Aprototype of Turkey's first domestic flying car, called the "Cezeri," is nearing completion, Baykar Technical Director Selçuk Bayraktar announced Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Members of 1 Assault Group Royal Marines have trained Ugandan soldiers to manage the 'human' element of conflict, ahead of their deployment to the UN Peacekeeping Operations in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (PP) ─ Musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada Jubbaland ee la flinayo inay bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa kulan ay la yeesheen ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxay kasoo saareen bayaan cad. Kulanka ay yeesheen Maxamed Cali Guyo iyo musharraxiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannadda maamulku ka taliyo gaar ahaan amaanka, siyaasada iyo doorashooyinka. Sidoo kale, Musharraxiinta oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta, ayaa soo bandhigay 10-qodob oo ay ku xireen ka qayb-galka doorashadda oo ay horay uga biyo-diideen. Shuruudaha ay musharraxiintu soo saareen ayaa waxay kala yihiin; 1. In la beddelo guddiga doorashooyinka kaasoo ku dhisan qaab aan sharci ahayn una adeegaya madaxweynaha waqtigiisu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe. 2. In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sida uu qabo dastuurka, kaasoo aan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geeddi-socodka daruuriga ah ee loo baahdo. 3. In odayaasha saxda ah ay soo xulaan xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, maadaama aan shaki weyn ka qabno kuwa hadda jira. 4. In hal murashax oo keliya loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama xilligan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo. 5. In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah. 6. In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sida xarunta Qaramada Midoobay. 7. In ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta ay doorashadda ka dhici doonto iyo weliba amniga musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada. 8 – In Dowladda Federaalka Somalia ay goob-joog ka noqoto doorashada. 9. In kor-joogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta. 10. In warbaahinta caalamka iyo tan maxalliga ah ay door ku yeeshaan tabinta doorashada. Ugu dambeyn, Qodobbada ay soo saareen musharraxiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo odayaasha dhaqanka la sheegay inay gudbiyeen liiskii ugu dambeeyay ee xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Murashaxiinta Jubbaland oo shuruudo adag ku xiray ka qayb-galkooda doorashada appeared first on Puntland Post.
  18. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo saaka wareysi siinayey Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBBC-da ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. “Waxna waa wax Dastuuriya oo lagu khasbanyahay, hadday noqon lahayd dowladda Federaalka ah, iyo ama dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ku saabsan sidii loo wada-shaqeyn lahaa, marka mar haddii Dastuurkaas KMG la ilaalinayo, wax khilaafa oo meesha imaan kara malaha” ayuu yiri Maxamed Mursal. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in loo baahanyahay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, ay ku dhaqmaan Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla, si aan khilaafba u imaan, haddii uu yimaadan loola noqdo Dastuurka. Halkaan ka dhegayso codkiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in aan khilaaf ka dhex jirin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
  19. TRIPOLI - Libya's internationally recognized government has allocated 40 million Libyan dinars ($28.5 million) for its defense ministry, it said on Tuesday, stepping up spending to fend off an eastern offensive as the war enters a fifth month. Source: Hiiraan Online
  20. Somali-American supermodel Iman is to receive the Franca Sozzani Award later this year to mark her contribution to the dual universes of modelling and humanitarian work. Source: Hiiraan Online
  21. AFRICA looks set to be the next major battlefield in an emerging "Cold War" between the US and China, experts have claimed. Source: Hiiraan Online
  22. (ERGO) – Two hospitals in the central Somali region of Galgadud are on the brink of closure due to lack of funds to support operations. Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa war kasoo saaray doorashada la filayo inay bishaan dhammaadkeeda ka dhacdo maamulka Jubbaland, taasoo lagu soo dooran doono hoggaamiyaha xigi doona Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisu dhammaaday. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashadaas noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto, iyadoo la digtay fara-gelinnada la sheegayo in lagu hayo doorashada lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo, Morgan Ortagus oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay rajo badan ka qabto doorashadda Jubbaland inay noqo mid lagu wada kalsoonaan karo. Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale ayaa kulan uu Muqdish kula yeeshay, RW Xasan Cali Kheyre wuxuu kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa xustay in dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay dadaallada is-beddellada siyaasadeed ah, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida ka socda Somalia. Xoghaye David Hale ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Somalia inay ka digtoonaato fara-gelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo khilaafyada ka taagan Galmudug si loo helo maamul loo dhan yahay. Dhanka kale, Muran badan ayaa ka taagan doorashada lagu waddo in bishan dhammaadkeeda ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, waxaana musharraxiinta qaarkood ay sheegeen in loo diiday inay taggaan Kismaayo. Ugu dambeyn, Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland ayaa gudbiyay liiskii ugu dambeeyay ee xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, mudanayaashaas oo soo dooran doona Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Muxuu Mareykanku ka yiri doorashada lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Jubbaland? appeared first on Puntland Post.