Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu fashilmay isku day la doonayey in uu xabsiga uga baxsado madaxweynihii hore ismaamulka Soomaalida dalkaasi Cabdi Maxamuud Cumar. Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku deyday inay xabsiga ka sii deyso Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka, kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac. Sida ay qortay Addis Standard, kooxdan ayaa xabsiga uu ku xiran yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya shantii bishan hordhigay gaari nuuca VAN ah, si uu ugu baxsado, balse isku daygaasi uu fashilmay. Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay raggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xiray. Sidoo kale saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi uu Cabdi Maxamuud Cumar ku maqnaa maxkamadeyntiisa, islamarkaana ay doonayeen raggaasi in marka la soo celiyo ay xoog kula cararaan. Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018-kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  2. Police in Ethiopia have made arrests over a plot for an ex-regional president to escape prison detention, the local Reporter Ethiopia have disclosed. Source: Hiiraan Online
  3. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa 24/07/2019 si rasmi ah ula wareegay Sharciga Shirkadaha oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, kaas oo soo gaaray Golaha Aqalka Sare 13/07/ 2019 lana marsiiyay akhrinta kowaad 23/07/2019. Guddigu waxaa uu kulan la qaatay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Xubno ka socday wasaarad oo ay qeeyb kayihiin sharci yaqaanada wasaarada ayagoo ku weeydiinayay Su’alo dhoowr ah oo khusiiyo Hindise-sharciyeedka Shirkadaha. Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi Guddoomiyaha Gudiga Senaot Cabdi Axmded Dhuxlow (Dhegdheer) iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa kulankan muhiimka aha la yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Eng Cabullaahi Cali Xasan,iyagoo iska xogwareystay hindise sharciyeedka Shirkadaha. Eng Cabullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga waxaa kulankaasi ku wehliyay qubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda,iyagoona isla gorfeyey meelmarinta sharcigasi oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. The European Commission publicized on 7 August 2019 a further €50 million in emergency humanitarian aid to help the people affected by drought in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin qaraarka baarlamanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Garowe (Puntlandi) Munaasabad lagu maamuusayo todobaadka Naas-nuujinta Adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa [...] Source
  7. Leader of Majority in the National Assembly, Aden Duale, on Wednesday, unveiled a notice on behalf of the house concerning the Kenya-Somalia Maritime dispute. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar uu Garoowe ka daah-furayay bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland waxaa jeediyay khudbad qayba kamid ah uu ku dhaliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo khudbadda uu dhammaystiran PUNTLAND POST The post DENI: Dowladda Soomaaliya qof aan weligiis public office soo marin ayaa madaxa u sarreeya noqon kara appeared first on Puntland Post.
  9. War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xisbiyada kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Xisbiga Nabadda, ayaa waxay uga digeen dowladaha deriska qaarkood faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyagoo xusay inay wadaan dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub oo shaki abuuri kara, waxaa ay ugu baaqeen inay ka fogaadaan oo aanay dhicin mid la mid ah wixii ka dhacay Baydhabo sanadkii hore. Sidoo kale Xisbiyada ayaa walaac ka muujiyay faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka soomaaliya ay ku heyso geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda appeared first on Puntland Post.
  11. Wasiirka wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay ay soo qaban qaabisay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Shirka waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda Puntland, Bahda Garsoorka, saraakiisha hay’adda UNDP iyo Odayaal Dhaqameed ku shaqeeya habka Garsoor Dhaqameedka. Shirkan oo socon doona laba beri, waxaa looga hadli doonaa, sidii sare loogu qaadi lahaa,dhammaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii looga soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasado lagu hago Garsoor Dhaqameedka. Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona, wada-shaqeynta laamaha Garsoorka Dowlada iyo Garsoor dhaqameedka iyo sidii xogaha ama kiisasaska ay u noqon lahaayeen kuwa keydsan oo markale laheli karo, hadii loo baahdo. Shirka Garsoor Dhaqameedka waxaa kale oo diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa, loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha. Hoos ka eeg sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada Wadajir, UPD, Himilo Qaran, Xisbiga Nabadda, iyo Kutlada Badbaado Qaran ee Baarlamaanka ayaa War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay kaga hadleen doorashada Jubbaland. Xisbiyada ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen dowladda federaalka oo ay shegeen inay faragelin ku heyso howlaha doorashooyinka ee ka socda Dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo dowladda ugu baaqay in sugida Amniga ay uga dambeeyaan Jubbaland. Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay uga digayaan dowladaha deriska qaarkood inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo soo ifbaxayaan dhaq dhaqaaqyo Cusub oo shaki abuuri kara sidii ka dhacday magaalada Baydhabo oo aan ka mid aheyn waajibaadkooda . Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiyada
  13. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has welcomed the liberation of Awdhegle town in the Lower Shebelle region from Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  14. (SL-T)War Deg Deg Ah: Xamse Cadaw yuurure Oo Qabyaalad Cad Kala Dhex Dhigay Gobolkii togdheer Ee Uu Gudoomiyaha Ka ahaa Sido kalena Ku Fashilmay Xasilinta iyo Nabada Degaanada Gobolka Togdheer tan iyo intii loo magacaabay xamse cadawyuurura gudoomiyaha gobolka togdheer waxa soo badanaaya cabashooyinka kala duwan ee ku aadan gudoomiye xamse cadaw yuurura isagoo cudbi kaga furaystay dhagaha cabashooyinkia dadka uu masuulka ka yahay sido kale waaxanoolaanshaha iyo nabada gobolka togdheer waxaa maalin walba Xafiiska Maamulka Gobolka togdheer isasoo hortuba boqolaal kamida odayaasha iyo madax dhaqameedka gobolka kuwas oo dhamaantood Saluugsan sida uu Gudoomiye Xamse Cadaw Yuurura umaamulaayo Gobolka togdheer halka qaar kamida cuqaal iyo salaadiin ay warbaahinta kaga dhawaaqeen amni daro iyo inay dagaalamayaan oo wax iska celinayaan ,Xamse cadaw yuurura oo ku fashilmay arintaas inuu wax ka qabto ayaa mar kale waxa uu ku fashilmay soo af jarida laba beelood oo dhul deegaamaysi isku haysta taaso oo uu kala kulmay fadeexadii abid ugu xumayd iyana isla markaana gudoomiye xamse cadaw yuurure loo adeegsaday rasaas nool oo wax yeelaysay gaadiidkii ay wateen isaga iyo wafti uu hogaaminaayay dadweynaha kala duwan ee ku nool magaalada burco ayaa in badan badan kusoo cel celiya inaanay aqoonba ama aanay aragba badhasaabka gobolka togdheer isago joogay sanado badan gobolka Halka qaarna ay ubaxayaan wali heesihii looqaaday maxamed ibraahin aadan Qabyotire ugu danbayn cabashooyinka shacabka gobolka togdheer oo joogto noqday ayaa waxay jawaabtoodii ka sugayaan madaxweynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi a gobolka ka bilaabmay falal aan la mahadin oo carqalad iyo colaad uhorseedikara wada Source
  15. Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Wasiirka caafimaadka, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga, xirfadlayaal caafimaad iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay. Sanadlkan halk ku dhig loo qaatay,” ku dhiirrigalinta hooyooyinku inay sameeyaan Naas ku habboon hadda iyo msutaqbalka. Waa maxay Naas nuujinta habboon? Dr, Cabdiraxmaan Muuse oo kamid ahaa dadkii ka hadlay xaflada ayaa sheegay Naas nuujinta habboon inay tahay, 1: Hooyada markay ilmaha dhasho inay markiiba ilmaha Naaska ku qabato. 2: Lixda bilood ugu horeysay inay hooyadu ilmaha siiyo Caanaha Naaska oo kaliya. 3: In Naas nuujinta loosii wado ilaa labo sano iyadoo loogu darayo biyo iyo cuntooyin fudud. Heerka Naas Nuujinta Soomaaliya, ayaa aad looga deyriyay, iyadoo warbixinta lagu sheegay in tobankii hooyo ee ku nool Soomaaliya saddex kamid ah ay ilmahooda si habboon Naaska u nuujiyaan, tusaale ahaan inay lix bilood Caanaha Naaska ku habaan ilmahooda iyagoo barax tiran. Sababaha ugu weyn heerkaan gaarsiiyay Naas nuujinta ayaa lagu tilmaamay, aqoon la’aan hooyooyinka haysta, heerka wacyi galinta muhiimada Naas nuujintu oo aad ugu yar bulshada dhexdeeda iyo caanaha suuqyada lagu iibiyo loona sameeyo xayeysiisyada oo dagaal kula jira caanihii dabiiciga ahaa ee Naaska hooyada. Si loo dhiiri galiyo Naas nuujinta habboon, waxaa masuuliyiinta dowladda ee ka qeyb galay xaflada isku booriyeen in la dhaqan galiyo xeer dowladda kasoo baxay oo u oggolaanayo hooyooyinka in waqtiyada ay ku jiraan shaqada lasiiyo fasax labo saacaddood maalin kasta ah, si ay fursad ugu helaan inay ilmahooda Naaska soo siiyaan. Waxaa kaloo masuuliyiinta dowladda ay warbaahinta ka codsadeen in la joojiyo xayeysiiyada loo sameeyo Caanaha suuqyada lagu iibiyo oo keenay in hooyadu marka ay dhasho ay suuqa kasoo iibsato Caanahaan, iyadoo laga dhaadhiciyay fikrado qaldan oo ah caanahaas inay ka waxtar fiican yihiin caanaha ku jira Naaskeeda. Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Jaamac Faarax, ayaa hooyooyinka ku baraarujiyay inay ilmahooda ugu yaraan Naaska nuujiyaan 12 ka bilood ee ugu horeysa, si ay ubadkooda uga badbaadiyaan cudurada caanaha Naasku ka difaaco jirka ilmaha. Waxaa sidoo kale wasiirku faray in hooyooyinka Naaska nuujiya ee shaqaalaha dowladda katirsan ay xaq uleeyihiin fasaxa naas nuujinta iyo dhalmada. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo daah-furay Asbuucaan Naas-nuujinta ayaa sheegay in faa’iido ballaaran caruurta ay u leeyihiin naaska oo la nuujiyo, taas oo uu tilmaamay caafimaad ahaan inay tahay wax wanaagsan. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Saraakiisha Caafimaadkaba faray inay wacyigalinta gaarsiiyaan dhammaan gobolada Puntland, isla markaana hooyooyinka la dareensiiyo faa’iidada laga helayo caruurta oo naaska ay siiyaan. Halkaan hoose ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka daah-furay Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka socday beesha Habargidir ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay gogosha tacsida Injineer Yariisow geeyeen 15 neef oo geel ah, 40 neef oo ari ah, iyo gaari weyn oo raashin ah. Xubnaha beesha Habargidir ayaa waxaa hogaaminayey madaxweynihii hore ee mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana ku wehliyey xubno sare oo ka mid ah dhaqanka beesha. Beesha Habargidir ayaa waxaa tacsida ka guddoomay qoyska Yariisow iyo waxgarad iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal ee uu Yariisow kasoo jeeday.
  17. MOGADISHU, Aug. 7 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali security forces have taken control of Awdheegle town from al-Shabab terrorists following a joint military operation, the AU mission confirmed on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. The terrorist group, Al-Shabaab has attacked a Kenyan border town early Wednesday and as a result has spoiled telecommunication services in the region near the Somali border. Source: Hiiraan Online
  19. Qoraal loo diray xildhibaannada golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu xiran yahay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. war qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka ayaa lagu xusay in maanta uu bilaawday fasixii golaha shacabka, golaha ayaana sheegay kalfadhiga maanta la xiray ayaa furmay 27-kii maarso 2019 waxaa uuna did u furmayaa 27-ka Setember 2019 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah. “Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, waa qorshaha horumarinta, marka laga hadlaayo qorsha horumarinta ee horumarinta bulshada bay inta badan xooggasaraan, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inta badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurta gal ka ah ee dalka ka imaanaysa kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka”. “Waxaan u socono ugu dambayn waa inaan dadkeena adeegga ay u baahan yihiin aan siino, si adeegga ay u baahan yihiin dowladdu u siiso, waxay u baahan tahay dakhli ay qorshaysato oo ay markaas umadda u celiso, dakhliga dowladdu waxa uu ka yimaaddaa waa cashuuraha, haddii dhaqaalaha iyo dakhliga dalku horumarsanayn laftirkeeda meel ay dowladdu cashuur ka helayso majirto, ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa, ka hor waxaan xoogga saaraynaa sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlaya habka dayn cafinta Soomaaliya loo marayo ayaa tilmaamay in laga hormariyo dayn cafinta qorshaha daynta lagu soo qaadanayo mar labaad si aanay sidii hore Soomaaliya ugu suntanaan, waxaana uu tilmamaay Madaxweynuhu in qorshe dhaba lagagaaro khayraadka magaca Soomaaliyeed lagu helo. “Haddaan habka dayn cafinta laga hormarin habkuu dalku u ekaanayo karka dayntaas laga cafiyo ama dib loogu dhigo, kadibna dayn soo qaato sidee u qorshaysanayaa? Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo, anagu ma oranayno qoondadaasaan rabnaa, balse waa inaan helnaa hab laga midaysan yahay maadaama dalku Federal yahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la taageero dadka dakhliga laga-helo, lana abuuro fursad ay ku helikaraan dakhli si dowladda dakhli usoo galo. “Qodobada muhiim ka ah ee qorshaha lagu daraayo waxaa kamid ah sidii dadka wax soo saarka leh loo kobcin lahaa, sidii loo kobcin lahaa dadka wax soosaarka Baddaleh, kuwa Xoolaha leh iyo kuwa beeraha leh, hadaynaan dakhli abuurin waxaan qorshaynayno waa iska-mala-awaal, qodobkaas wuxuu yahay qodob muhiim ah oo u baahan in wakhti la geliyo, waxaa kaloo muhim ah in qorshaha la samaynaayo lagu daro misaaniyadda horumarineed ee inaga soo gala inta laga filayo qiyaas ahaan hay’addaha, waxaanna soo jeedinaayaa in marka misaaniyadda la samaynaayo hay’addaha halkan jooga laga codsado miisaaniyaddooda ku talagal ka ah ee sanadlaha ah inay soo gudbiyaan, si gaar ah intay Puntland gelinayaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Daahfuray Bilawga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna xubin ka tirsan hoggaanka sare ee Ahlu-sunna Waljamaaca, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa shaki geliyay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, waxaana uu su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisidda Galmudug. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lana ogeysiiyay madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan, ayaa Villa Somalia looga dalbaday inay jawaab degdeg ka keento arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ay jiraan arrimo xadgudub ku ah heshiiskii labada dhinac, sida magacaabidda Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiska, soo daabulidda Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiska iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan ahayn ciidankii isku dhafka ahaa. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ahlu-sunna oo ka shakisan in Villa Somalia uga baxday heshiiskii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (SMN) – Golaha sharci dejinta waddanka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ku yeesheen xaruntooda magaaladda Nairobi ee xarunta dalkaasi. Ajendaha fadhigaasi ayaa waxa uu ahaa ka doodista dacwadda sanadkii 2014-kii ay Soomaaliya ka gudbisay xiisadda badda. Mudaneyaasha ayaa la sheegayaa dooda kadib ay qaraar kasoo saari doonan gal-dacwadeedkaasi oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Xeer-beegtadda ICJ ayaa shaaca ka qaadey in ay bisha September dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi, kadibna ay soo saareyso go’aanka. Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysa xuduud dhul-badeed gaar ahaan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida shidaalka iyo gaaska. Xukuumadda Nairobi ayaa tan iyo xiligaasi waxay dalbaneysay in wada hadal lagu dhameeyo kiiskan, balse dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamadda. View the full article