-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT – Hargeysa) Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in laga doodi karo heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Halkan Hoose Ka Daawo Source
-
The Intergovernmental Authority Development has called on presidential candidates in Jubbaland state to promote a free, fair and transparent vote in the state’s regional assembly and presidency. IGAD’s Special Envoy to Somalia, Mohamed Ali Guyo on Monday arrived in Kismayu has held a meeting with the state’s electoral commission on poll affairs. During the official has stressed the regional bloc’s stance of impartiality in the elections which are very crucial for the stability of the state as well as whole Somalia. “We urged the sides to promote and stability of the state, it is very important to hold inclusive transparent and more credible so that the result is not contentious and is accepted widely,” said the envoy. Kismayo town is which interim capital of Jubbaland administration is expected to host the upcoming elections scheduled to take place this month. After the conclusion of the selection process of the lawmakers, the state assembly will cast votes for the state President who will become the second one since the Jubbaland Administration was formed in 2013. Ahead of the August 24 elections, the candidates vying for the top passion of the state have geared up their campaign to convince the elders and the regional elders elect them. The incumbent leader Ahmed Mohamed Madobe who has been ruling the region since 2013 is facing off with several potential candidates. Among those challenging the leader Ahmed are Abdi Abdi, Mohamed Omar Gedi, Anab Mohamed Abdirahman Ahmed Rabi, Dahir, Abdi Hiis Udan, Mohamoud Mohamed Omar and Mohamed Abdulle Magan. View the full article
-
Somalia and the United States have agreed to intensify security operations to flush out al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. U.S. Under Secretary for Political Affairs David Hale, who met with Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire in Mogadishu on Monday, also resolved to prepare Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia. “They agreed on the value of security operations to liberate areas from al-Shabab and preparing Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia,” the U.S. said in a statement issued after the meeting on Monday night. On his part, Khaire briefed the U.S. official on recent political and security developments and Somalia’s progress towards meeting the conditions for debt relief that would allow Somalia to resume borrowing from international financial institutions. Washington and other international partner forces have intensified incursions into territory formerly controlled by al-Shabab after driving the insurgents out of Mogadishu in 2011. Since 2017, the U.S. military has stepped up air raids against al-Shabab which is trying to overthrow the internationally-backed Somali government. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile attacks in Mogadishu and elsewhere. View the full article
-
(SLT – Hargeysa):- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Xildhibaannada Fadhiga dibedda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay diiddanayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoon heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kana mid ah Xubnaha dibedda uga baxay Fadhiga Maanta ee Golaha Wakiilladu ku ansixiyey heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee Komiishanka lagu kordhinayo 2-da xubnood ayaa isagoo sababta ay uga baxeen fadhiga Sharraxaya wuxuu yidhi “Anagoo ah Xildhibaannadii Gobollada Awdal, Selel, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, waa Sool clan, Warsen-geli, Ciise, Awdal Clan, waxaanu nahay Xildhibaannadii ka soo jeeday deegaannadaa, waxaanu uga soo baxnay heshiis ku sheeg la yidhi saddexda Xisbi Qaran ayaa ku heshiiyey doorashada Golaha Wakiillada.” Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan Doorashada Golaha Wakiillada waxa ku gedaanaa Mushkilado badan oo Siyaasi ah, waxa la isku hayey Saami-qaybsiga iyo in Somaliland Caddaalad ku qaybsato Xildhibaannada Golaha Wakiillada, waxa la isku hayey Kootadii Haweenka oo qolooyinka dibeddu innagu soo abaabuleen, waxa la isku hayey Dhaqaalihii (Doorashada), waxa la isku hayey Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha oo aan weli la qabanin, markii Xilkaa Ciddii lahayd ay gudan wayday iyo Tiro-koobka Dadka Somaliland, Saamigii wax lagu qaybsadana lama ogola, markaa Maaddaama oo la yidhi la isku joojin maayo, waxaanu leenahay la isku joojin maayo Somaliland ka socon mayso.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma ogolin heshiiskaa haddaan saami-qaybsiga si Caddaalad ah loo helin, ama Maxkamad geeya ama meel kale geeya annagu ma galayno haddaan Dadka la diwaangelin.” Xildhibaan kale oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu maqlaynaa doorashada sidii hore ayaa lagu galayaa, sidaasi Caddaalad maaha mana yeelayno, Annaga oo aan diiddanayn in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, laakiin horta waa in Saami-qaybsi la helaa..” Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag-bari ayaa Golaha Wakiillada ku leh 23 Xildhibaan, halka 59-ka kale ay leeyihiin Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex. Source
-
(SLT – Hargeysa):- Dr. Dr Reuben Savai oo da’diisu ahayd 70 jir ayaa Geeriyooday. Dr. Dr Reuben Savai ayaa sanadihii 1997 iyo 2002-dii isku sharraxay Xilka Madaxweynenimo ee dalka Kenya, balse waxa ka reebay Guddiga doorashooyinka. Geerida Ninkan dhowrka jeer isa soo sharraxay ayaa waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Mr Daniel Lihanda. Siyaasigan Geeriyooday oo haystay 7 Shahaado, Lix Degree (shahaadada koowaad ee Jaamacadda) iyo Shahaado Diploma ah, ayaan weligii qabanin Shaqo rasmi ah oo uu ku mutaysto Aqoonta uu bartay ee lagu siiyey Shahaadooyinka tirada badan. Dr Savai ayaa Lixda shahaado ee heerka Degree-ga ah ka qaatay Dalka Giriigga, halka uu Shahaadada Diploma-na ka qaaday Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda. Dr Savai ayaa sanadihii 1997-kii iyo 2002-dii isku sharraxay kursiga dalka Kenya ugu sarreeya, ayaa waxa ka hor istaagay Guddiga doorashooyinka Qaranka. Inkasta oo uu haystay Shahaadooyin badan oo Jaamacadeed, haddana Siyaasigaasi wuxuu Geeriyooday isagoon shaqo Caadi ah weli ka shaqaynin, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Monitor. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ku taageereyso doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeeka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada dalkaasi oo u warramay wargeyska The Standard ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa xusay in Kenya ay difaaceyso Axmed Madoobe, islamarkaana ay ku howlan tahay, sidii uu markale ku soo laaban lahaa. “Doorashada waa mid muhiim inoo ah, maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu ka shaqeynaa sidii uu ku soo noqon lahaa Axmed Madoobe.” ayuu yiri sarkaalkan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Jubbaland uu yahay siyaasiga kaliya ee ay aaminsan tahay Kenya, islamarkaana ay u xulafo la tahay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu mas’uulkan hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan Al-Shabaab. Warka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya, xilli haatan loolan adag iyo culeys uu la kulmayo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun ku diray muwaadin Ingiriis ah oo horay loogu xiray arrimo la xiriira qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkaasi waa Andrew Brain Irlam. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan DANAB ay goordhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi. Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee la socda Ciidanka Xoogga ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay isku fidiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odoyaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT – Muqdisho);- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasiga kaliya ee ay ka aaminsantahay Siyaasiyiinta Soomaalida ay difaaci doonto xilliga adag ee uu hadda ku jiro. Wargeyska Hivisasa ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Kismaayo ama meel ka mid ah Jubaland. Waxaa uu Paul Njuguna sheegay in Axmed Madoobe yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya. Waxaa uu sheegay in dadaalka uu Axmed Madoobe ugu jiro soo laabashada doorashada dhaceysa 24ka August ay dowladda Kenya ku garab taagantahay. Waxaa kale oo uu Paul Njuguna sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixin kana bixi doonin Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan AL-shabaab. Dowladda Kenya ayaa si guud u beenisay warar sheegayay in Ciidamadeeda ay ka baxayaan magaalada Kismaayo islamarkaana magaalada la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM. Source
-
A court in Mogadishu has on Tuesday fined British citizen, Andrew Brian Irlam USD 7,000 for compromising security at Aden Abdulle International Airport. Brian was arrested by Somali airport security agencies while trying to board airline to the United Arab Emirates with a bullet-proof vest and seven rounds of ammunition. The Banadir court dismissed two other charges leveled against the UK national. The incident comes just months after another A British security contractor, Antony Cox who was working in Somalia for the American security company Bancroft Global Development was arrested at Somalia’s main airport in the capital, Mogadishu after security agencies discovered tear gas canisters in his bag ahead of departure from the country to Addis Ababa Ethiopia. Cox was charged with endangering public safety. Airport security at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu has been heightened since an explosion blew a hole in the side of Dallo airlines in 2016 after a laptop bomb was smuggled onto the aircraft through security at the terminal. View the full article
-
Kooxda la’adagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaanno CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay, siidaynta 19 Burcad-badeed ah oo aan weli dhammaysan xukunnii lagu riday. Qoraal ka soo baxay kooxda CGPCS, ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay Qawlaysatada Xeebaha, dagaalkaasi oo keenay hoos u dhaca ballaaran ee ku yimid Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya. CGPCS Waxay caddaysay in bishii September ee sannadkii 2018-kii, ay soo saartay qoraal ay Somaliland kaga dalbanayso in aan la sii dayn, maxaabiista xukuman ee Burcad-badeednimada ugu xiran Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada. Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee dowladda Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista. Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhammaan dhinacyada ku midaysan la’dagaallanka Burcad-badeedda. Ugu dambeyntii Kooxda CGPCS, waxay Somaliland ku dacwaysay Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ay ka dalbatay in uu tallaabada ugu habboon ka qaado maamulka Somaliland. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post CGPCS oo Somaliland ku dacwaysay Golaha Amniga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilowday imtixaanka qabuulka ah ee looga gudbayo Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship) taasoo ay dhawaan ku dhawaaqday Shirkadda. Imtixaanka ayaa waxaa Maanta u fariistay ku dhawaad 300 oo arday kuwaas oo diyaar u ah inay aqoontooda ugu soo gudbaan Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship). Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30 -ka arday ee ugu sarreysa kuwaas oo nasiib u yeelan doono inay helaan deeqaha Waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Hormud Foundation ayaa sheegtay inay imtixaanka sixi doonaan guddi ka madax banaan Maamulka Hey’adda Hormuud Foundation. 30-ka arday ee imtixaanka kasoo gudbo ayaa kala dooran doono Jaamacadaha ugu sareeyo dalka midda ay rabaan, sidoo kalana waxay xulan doonaan kuliyadaha ay rabaan. Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa furay imtixaanka Maanta ay ardayda u fadhiisteen, wuxuuna socon doonaa muddo 2 maalmood ah. Ardayda ka qeyb galeysa imtixaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey fursadda ay siisay Shirkadda Isgaarssiinta Hormuud oo ay ku tilmaameen inay mar kasta ka qeyb qaadato horumarka qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Maamulka Hormuud Telecom ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay 120 Ardayda ka bixin doonaan Lacagta jaamacadda, iyadoo ardaydaasina loo qaadan doona qeyb qeyb . waxaana ay tani noqoneysaa dafcadii ugu horreysa ee ka faa’iideysan doonta deeqda wax barasho ee Hormuud Telecom.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – War ka soo baxay wasaaradda arriimaha dibadda Mareykanka ayaa ugu horreyn waxaa looga hadlay socdaal uu shalay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda dalkaasi u qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale ku yimid gudaha magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso warbixinta ka soo baxday xafiiska afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka: Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre kula kulmay magaaladda Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan Isbedelka siyaasadda, horumarinta shaqaalaha iyo dadaalladda xasilinta ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee dhinacyadda siyaasadda iyo nabadda Soomaaliya iyo dadaalka shirarka ee xaaladaha deyn cafinta Soomaaliya, si loo bilaabo in Soomaaliya loo ogolaado inay amaah ka qaadan karaan hay’adaha maaliyadda ee caalamka. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay rajada dowladda Mareykanka ee ku aadan inay doorasho lagu kalsoonaan karo oo nabad leh ka dhici doonto dowlad gobaleedka Jubbaland dabayaaqada bishan August. Waxa kale oo dhiirogeliyey horumarka geeddi socodka ee horseedi karta inay doorasho hal qof iyo hal Cod (one-personand one-vote ) ee doorashadda Qaranka ee Soomaaliya ka dhici doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, Moroan Oragus waxaa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Khayre isku raaceen qiimaha howlgalladda ammaanka ee lagula wareegayo deegaanadda ay Al-Shabaab maamulaan iyo u diyaar-garowga ciidanka Soomaaliya, si ay AMISOM ugala wareegaan howlaha nabadda iyo deganaanshaha guud ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Burco) Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ku Guul Daraystay Inuu Sharciga Mariyo Dablaydii Weerarka Ku Qaaday Badhasaabka G Togdheer Todobadkan Gudihiisa Waxaa Gobolka Togdheer Ka Dhacay Dhacdo Ugub Ku Ah,Taas Oo Ahayd Dablay Weerar Ku Qaaday Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Taliyaha Ciidanka POLICE. Arintan Oo Ahayd Isku Day Dil Ayaa Dhalisay Hadal Hayn Badan Waxaana Laga Dhur Sugaayey Talaabada Ay Masuuliyiinta Gobolka Togdheer Kaga Falceliyaan Dhacdadani Foosha Xun, Balse Nasiib Daro Maamulka Gobolka Togdheer Ayaa Ku Fashilmay Inuu Talaabo Ka Qaado DABLAYDII Weerarka Ku Qaaday Masuuliyiinta Gobolka,Mana Jirto Ilaayo Hada Cid Loo Soo Qab-Qabtay Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Diiday Inay Warbaahintu Xafiiskiisa Soo Gasho Isaga Oo Xushay Qaybo Kamida Warbaahinta Halka Kuwo Kalana Uu Diiday Inay Xafiiska Soo Galaan ,Isagoona Baqdin Ka Qaba Inay Warbaahintu Su,aalo Ka Weydiiso Weerarkii Lagu Qaaday Xildhibaan Janaale Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Isla Markaana Deegaan Ahaan Kasoo Jeeda Deegaanka Lagu Weeraray Badhasaabka Ayaa Sheegay In Badhasaabku Deg Degay Isla Markaana Aanu Waxba Kala Socodsiin Daminta Xaalada Ka Jirta Deegaamaysiga Cusub,Taas Oo Muujinaysa Inay Gobolka Togdheer Ku Habsatay Maamul Xumo Baahsani,, Weerarkii Lagu Qaaday Badhasaabka Ayaa Sababay Waxyeelo Lasoo Gaadhsiiyey Gaadiidkii Dawlada Ee Ay Wateen Qaar Kamida Maamulka Gobolka,Waxaana Muuqata Inay Wiiqantay Awoodii Maamul Ee Gobolka tan Iyo Intii Xilka Badhasaabnimo Loo Magacaabay Badhasaab Xamse Source
-
Muqdisho (SMN) – Kiiska loo heystay Andrew Brain Irlam oo ahaa muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. View the full article
-
(SLT – Hargeysa) – Xildhibaanada golaha wakiilada ugu jira gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ayaa ka baxay fadhigii golaha wakiilada ee saaka. Xildhibaanada oo qaarkood warbaahinta la hadleen waxay sheegeen inaan doorasho la qabanayn deegaanadooda ilaa xal laga gaadho heshiiska saami qaybsiga kuraasta wakiilada. Gobalada Awdal, Sool iyo Sanaag bari waxay ku leeyihiin golaha wakiilada saddex iyo labaatan xildhibaan oo kaliya. halka gobolada, Sanaag, Saaxil, Togdheer, Maroodijeex oo beel kaliya degantahay ay leeyihiin Sagaal iyo konton xildhibaan. Fadhiga saaka waxaa lagu ansixinayay heshiiskii saddexda xisbi ka gaadheen arrimaha doorashooyin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska loo heysto Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaas oo lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka. Sidoo kale waxa ay maxkamadda gobolka Banaadir sheegtay in Andrew Brain lagu waayey labo ka mid ah qodobadii lagu soo eedeeyey. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka ah. Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Andrew Brain Irlam ayaa sidoo kale dhalasho ka heysta dalka Faransiiska, waxaana uu la shaqeyn jiray shirkadda SKA oo mar gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa la istaajiyey wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kaas uu ra’isul wasaaraha DF ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daahfuray 24-kii bishii June 2019-kii. Hawsha oo bil socotay, lagana bilaabay taliska ururka 60-naad ee ilaalada madaxtooyada ayaa si lama filaan ah loo istaajiyey iyada oo aan la sheegin sababta iyo weliba haddii dib loo bilaabayo iyo in kale. Ujeedka wejigan waxaa uu ahaa in la gaaro in ka badan 30 kun oo ciidan ah, oo inta aan la istaajin waxaa shaqo loo qabtay uun 130 askari. Sida ay Goobjoog News u sheegeen ilo xog-ogaal ah, wejiga 2-aad ayaa uu ahaa mid xaqiijin ah isla markaana wax badan looga ogaanayo askariga, caafimaadka, qoriga iyo guud ahaan xaaladiisa, waxaa uuna daba socdaa wejiga 1-aad ee ahaa , tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda Bankiyada. Haddaba, Wejigan Maxaa La Qaban Lahaa: Wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, waxaa loogu talo-galay inuu socdo 6 bil, waxaana lagu tagi lahaa dhammaan xarumaha iyo talisyada kala duwan ee ciidamada si loo hubiyo 1. Inuu askariga ku jiro habka casriga ah ee biometric. 2. In wasaaradda Maaliyadda diiwaankeeda uu ku jiro. 3. Diiwaangelinta hubka iyo cidda leh, shakhsi, beel mise NISA. 4. Caafimaadka askariga oo la baarayo si loo ogaado xaaladda caafimaad. 5. Shaqada iyo Shaqaalaha: Waxaa lagu daray in marka la marsiiyo dhammaan imtixaannada loo baahnaa, lana xaqiijiyo qeybaha maaliyadda iyo caafimaadka, go’aan laga gaaro shaqadiisa, waxaa la ogaaday iney jiraan qaar da’a ah oo is yareeya, qaar hawl-gab ah oo shaqada ku jira iyo qaar kale oo sheegta garaado iyo arrimo kale oo been ah. Mashruucan ama wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka oo ay maalgeliyeen hey’ado caalami ah, kuna xiran qaabeynta ciidamada xoogga dalka ayaan la isweydiinayaa sababta loo istaajiyey, ilaa hadda taliska xoogga dalka, madaxtooyada ama xafiiska ra’isul wasaaraha ma jirto cid ka hadashay, oo sida daahfurkiisa loo shaaciyey, looma shaacin sababta loo istaajiyey? Ma fashilmay mise dib ayaa loo bilaabaa? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT – Hargeysa);- Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Simbabwe Ropert Mogabe ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid liidatay,waxuuna kujiraa cisbital kuyaala Dalka Singapore, halkaasi oo ay dhigtay Dowladda Dalkaasi Zimbabwe. Hoggaamiyaha talada dalkaasi haye ee Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Mogabe muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalkaasi Singpore,wuxuuna intaasi ku daray in uu wanaagsan yahay uuna jawaabi karo. Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in xanuunka haaya aan weli shaaca aysan ka qaadin dhaqaatiirta,wuxuu ku ammaanay 95 jirkan Mogabe in uu yahay aabihii dhisay qaranka dalkaasi Simbabwe. Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in uu u baahan yahay nasiinyo dheeraad ah iyo in la ilaaliyo,Emmerson Mnangagwa madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Zimbabwe ayaa bishii April wuxuu sheegay in uusan dhaqaaqi karin Mogabe sababo laxiriira jiro iyo Da’da oo isku bahaystay. Hay’adaha caafimaadka dalka Zimbabawe ayaa la sheegayaa in uu gaabis iyo bur bur ku yimid adeegooda caafimaad, inta badana dadka xanuunka ku soo booda ayaa loo qaada dibadda,sida south Afrika oo ay deris yihiin,balse Ropert Mogabe noloshiisa inta badan waxa uu caafimaadkiisa ku soo baari jiray dalka Singpore. Source
-
(SLT – Muqdisho):- Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa maata markale u fariisatay dhagaysiga Dacwad Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Andrew Braian Irlam oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde). Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka. Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa soo bandhigay dhawaan 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan u fariisatay Kiiska Andrew Braian Irlam,kaasi oo la qabtay isaga waday Agab Ciidan kana dhoofin rabay Gegida Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Source
-
(SLT – Hargeysa):- Magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa xalay markii labaad soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan. Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland. Kornaylka kooxdan hoggaaamiya ayaa weerarka hore sheegay in jabhaddiisu fulisay. Source