Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan kursiga ugu sareeya Jubaland ayaa magaaladda Kismaayo kula kulmay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Maxamed Cali Guyo iyo siyaasiyiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanadda maamulkan gaar ahaan amniga, siyaasada iyo doorashooyinka. Tartameyaasha oo kulanka kadib soo saarey war-saxaafadeed ayaa soo bandhigay todob shuruud oo ay ku xireen ka qeybgalka doorashadda oo ay horey uga biyo diideen. Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin 1 – In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”. 2 – In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo. 3 – In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan. 4 – In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo. 5 – In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah 6 – In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay 7 – In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta 8 – In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda 9 – In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta 10 – In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub. Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan. AQRISO BAYAANKA Garowe Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr shuruudood ku xiray dowlada Sacuudiga si uu sanadkan u soo guto waajibaadka Xajka. Madaxweyne Biixi ayaa dhowaan waxa uu boqorka Sucuudigu ku soo daray martida gaarka ah ee uu boqorku sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegayan wararka aanu helnay. Biixi ayaa dowladda Sacuudiga u diray waraaq uu ku lifaaqay shuruudaha uu ku xirayo dowladaasi si uu xajka u soo guto sanadkan, isla markaana ugu mahad-celinayo martiqaadka boqorka. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu shuruud uga dhigay in dal ku galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, lana siiyo hab maamuus Madaxweyne, isla markaana loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo qodobo kale oo uu ku rabo in Somaliland u muuqato dal madax-banaan. Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu waraaqdasi ku sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah oo madax-banaan oo doorata madaxdeeda, isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ila hadda wax jawaab ah ka bixin dalabaadka iyo Shuruudaha Madaxweyne Biixi ku xiray inuu Xajka ku tago martiqaadka uu boqorku u soo diray, balse talabaadan Biixi ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu sii xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ku doonayso in dal madax-banaan loo aqoonsado. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadkii ugu badnaa ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka baxay magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaana aad looga dareemaya Guud ahaan gobalka gaar ahaan magaalada Beladweyne. Sidoo kale Ganacsigii ugu badnaa ayaa ku bur buray magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan. Qiyaastii wax ku dhow 3 kun oo ganacsi ayaa suuqa ka baxay waxaana sidoo kale la waayay dhamaan ganacsigii yaraa ee la wareejin jiray iyo maqaayadihii yaraa ee dadka danyarta ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii muddo laba sano ah aan lacagta Shilinka Soomaaliga ah laga isticmaalin Guud ahaan Gobalka Hiiraan iyo Gobalada dhexe oo dhan. Caasimada Online ayaa ogaatay in Beladweyne 40% dadkii ku noolaa ay u qaxeen Goballada Banaadir, Bari, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Qaar kale oo ka tirsan dadkaasi ayaa u qaxay gobalada kale ee Puntland. Qaar badan oo kamid ah dadkii ku shaqeysan jiray Gaari gacanada ayaa magaalada isaga baxay waxayna ka tageen dhamaan Gaari gacanadooda kadib markii ay qaadan waayeen islamarkaana ay waayeen cid lacag yar ka siisa. Dadka ku nool Gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatadii ugu darneed taariikhda waxaaana la aaminsan yahay in aysan dhibaatadaan oo kale arkin reer Hiiraan Xataa bur burkii iyo dagaaladii Sokeeye. Ma muuqato haba-yaraatee wax rajo ah oo ay qabaan dadka ku nool Gobalka Hiiraan oo ku saabsan sidii looga bixi lahaa dhibaatada Gobalka saameysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamustay dhibaatadan mana jirto wax dedaal ah oo gelisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Kooxda Al-shabaab ayaa degaanka Buula-fulay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay, madax-dhaqameed ay sheegtay in ay kamid ahaayeen, ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal iyo sawirro ay baahisay warbaahinta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in munaasabad Towbad-keen ah loo qabtay 80 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha oo fulinaya amarka Al-shabaab, ay uga yimaadeen degaannada Koofur Galbeed iyo Jubaland, si ay uga towbad keenaan soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto labadaasi dowlad goboleed. Waxa kale oo Al-shabaab ay sheegtay in dhammaan odayaasha mar kale towbadda loo qabtay, dabadeedna muxaadirooyin dhaqan-celin ah la siiyay, laguna amray in ay degaannadoodii gaarsiiyan farriinta Al-shabaab. Waa markii labaad oo todobaad gudihii ay Al-shabaab soo bandhigto odayaal-dhaqameed ay ku sheegtay in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Federaalka, iyadoo maalmo ka hor soo bandhigtay in ka badan 80 oday oo ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo todobaad guhiis soo bandhigtay 160 oday-dhaqameed oo ka kala yimid afar dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.
  5. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay biyo la’aan daran marti geliyaan dadka ku nool magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle iyo nawaaxigeeda sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Gobalka. Sababta arintaan ayaa lagu sheegay in farsamo lagu sameyn doono hal Ceel Biyood oo aad looga isticmaalo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelada Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka. Saraakiil katirsan Shirkadda Farjano ayaa dadweynaha Jowhar ku wargeliyay in dib u habeyn lagu sameyn doono Ceelka biyaha ee Shirkadda mudadaasna ay magaalada Biyo la’aan ahaan doonto. Shirkadda ayaa la sheegay in ay dadka ku wargelisay arrintaan waxaana qoysaska qaarkood bilaabeen in ay sameestaan keydad biyo halka qaar kalane aysan heysan, sida ay soo sheegayaan dadka Jowhar ku nool. Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle inta badan malahan Keydad biyo iyo haaman waa-wayn oo markaan oo kale la isticmaalo, waxaase aad looga wal walayaa sida ay wax noqon doonaan. Jowhar waxaa ku yaala hal Shirkad oo kaliya oo biya siisa dhamaan Xaafadaha magaalada Jowhar waxa ayna arrintaan saameen ku yeeleyn kartaa guuda ahaan Jowhar iyadoo aysan jirin wax kale oo dadaal ah oo socda. Lama oga mudada ay qaadan karto dib u hagaajinta Haamanka Biyaha ee Shirkadda waxaase la filayaa in ay maalmo qaadato hadii aysan ka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Nairobi (Caasimada Online) –Kooxda ladagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay siidaynta 19 maxbuus oo ku xirnaay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, kuwaas oo loo heystay falal la xiriira Burcad-badeednimo. Qoraal ka soo baxay kooxda Ururka ladagaallanka Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay qawlaysatada xeebaha Soomaaliya. Waxaa lagu sheegay qoraalka in mudadii lagu jiray dagaalkaas lagu guulaystay in hoos u dhaca ballaaran uu ku yimaado Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya. September ee sannadkii 2018-kii, ayuu sheegay Ururku inuu soo saaray qoraal uu Somaliland kaga dalbanayo in aan la sii dayn, maxaabiista loo heysto Burcad-badeednimada ee ku xiran magaalada Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada ah. Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii is-afgaradka ahaay ee Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista xukuman si mudada xukunkooda ay ugu dhameystaan deegaanada Somaliland. Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhamaan dhinacyada ku midaysan ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida. Qoraalka Ururka ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida ee (CGPCS) ayaa lagu sheegay in Somaliland dacwad arintaas ku aadan ay ka geeyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo kooxdu sheegtay in dacwaddas looga dalbaday Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa inay talaabada ugu haboon ka qaado Xukuumadda Somaliland. Hoos ka Akhriso Qoraalka Ururka (CGPCS) Premature release of 19 convicted pirates by Somaliland Authorities Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Dowladda dalka philippines ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqday, kaddib markii ilaa 622 qof ay gudaha dalkaasi ugu dhinteen cudurka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddiga ah. Wasiirka caafimaadka waddanka philippines Francisco Duque ayaa sheegay, in todobadii bilood ee sannadkan u horreeyay la diiwaan-geliyay in ka badan 146,000 qof oo uu soo ritay cudurka Denga, waxaana uu tilmaamay in boqolkiiba % 98 ay si xawliya ku socoto faafista cudurka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ee dalka la geliyay ay u golaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka. PUNTLAND POST The post Dalka philippines oo xaalad deg deg ah la geliyay appeared first on Puntland Post.
  8. Somaliland: President Muse Bihi Accepts King Salman Invite To The Hajj, But Sets Conditions The President of the Somaliland Republic, Muse Bihi Abdi, has conditionally accepted an official invitation from the Saudi Arabian King, Salman Ibn Abdulaziz, to make the Hajj pilgrimage. However, according to reliable sources, President Muse Bihi has made several request to the Saudi authorities prior to accepting the invitation. Our sources indicate that the request are primarily addressing the dignity or Republic of Somaliland and it’s citizens, and their representation in the form of the president. It is not clear whether Saudi Arabia will accede to these requests and whether the President will take part in the Hajj pilgrimage this year. Qarannews.com Qaran News
  9. Warbixintaan qeyb ka mid ah oo duuban horey baan u soo gudbiyay, oo waxaa laga heli karaa Youtube-keyga;- Ubah LIM- Voice – https://youtu.be/y_AcRmnp_MQ Source: Hiiraan Online
  10. Business owners in Cedar-Riverside, the heart of Minneapolis’ Somali community, are mobilizing against the city’s plan to transform a surface parking lot into a new public market. Source: Hiiraan Online
  11. The legal system of a country consists of the body of law applicable as well as the institutions that emanates the law. As lawyers know, legal systems in countries around the world generally fall into one of two main categories: common law systems and civil law systems. Source: Hiiraan Online
  12. Living in 2019 means getting used to the fact that every week brings with it some new, scurrilous attack on Rep. Ilhan Omar (D-MN). Sometimes these come from Democrats; most of the time they come courtesy of Trump Source: Hiiraan Online
  13. Moving to a biometric payment system for military personnel has markedly improved the reliability of soldier pay and revealed 10,000 ‘ghost soldiers’ according to a report by AFP. Source: Hiiraan Online
  14. Headline says ‘Trump urges unity vs racism’, prompting accusations that paper fed president’s narrative. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-06082019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, 37 Shaqaale oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga ceyriyey shaqada. Liiska Shaqaalaha laga ceyriyey Xafiiska ayaa waxaa la dhigay iridda hore ee Madaxtooyada iyadoo Ciidanka ilaalada madaxtooyada lagu amray inaysan shaqaalahaas soo geli karin. Warqadda Shaqaalahaan looga mamnuucay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in loo badalay meel kale inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn laguna qorin waraaqda halka loo wareejiyey. Qaar ka tirsan Shaqaalaha loo diiday inay soo galaan madaxtooyada ayaa sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo Axmed Yuusuf Axmed oo ah agaasimaha guud ee Bii’ada ee Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa ku doodayo in arrintaan ay tahay mid aan loo marin sida saxda ah isla markaasna uu ka shaqeeyey Axmed Yuusuf oo ay sheegeen inuusan isaba aheyn shaqaale rasmi ah. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa waxaa lagu amray inay tagaan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha, wixii hadda ka dambeeyana aysan soo gelin karin madaxtooyada. Maalmihii dambe waxaa soo badanayey shaqaalaha laga ceyrinayo xafiisyada Dowladda gaar ahaan kan madaxweynaha iyo kan Ra’isulwasaaraha, waxaana la xasuustaa in horey Xafiiska madaxweynaha looga eryey ku dhawaad 50 shaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo odayaasha Mogadishu Clan, soona dhoweysay tallaabadii ay odayaasha qaadeen. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidiyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniintaas Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda. Intii kulanku uu socday ayaa odayaashu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.
  18. Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara [...] Source
  19. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Garoowe Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mr.Cesaro Arroyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehlinaayey kulanka xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxaana looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin, is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda hay’adda u sheegay in waxqabadka WFP lagu saleeyo hadba baahiyaha deegaanka ka jira ee aan korka loogu keenin waxaan waxba ka bedelayn baahidii jirtey, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay dalka ka wadaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Doorashada madaxweynaha Jubaland ee la qorsheeyey inay dhacdo dhammaadka bishan ayaa u muuqata inay waqtigeeda ka dib dhici karto, marka la eego sida wax u socdaan. Maanta oo ah 6 August waxaa lagu ballansanaa in lagu dhawaaqo xildhibaanada Maamulka Jubbaland sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweynaha Jubaland.. Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa horey ugu dhawaaqay inay dhammaatay waqtigii is diiwaangelinta Musharixiinta inkastoo ay inta badan musharixiinta ka hor imaadeen maadaama ay ku eedeeyeen guddiga inuusan dhex dhexaad aheyn. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay magaalada Kismaayo isaga daba noqonayeen wafti ka socda beesha caalamka, gaar ahaan ururada Afrika ee IGAD iyo AU. Beesha Caalamka ayaa Axmed Madoobe ku cadaadinaysa in doorashada ay ka dhacdo goob ay ayada gacanta ku hayso ama dusha kala socoto. Culeyska badan ee soo fuulay Axmed Madoobe ayaa keenay inuu kasoo dago mowqifkii adkaa ee uu taagnaa, wuxuuna hadda ogolaaday inay doorashada qeyb ka noqdaan Booliska AMISOM oo sugi doono amniga Goobta Doorashada. Inta badan musharixiinta Maamulka Jubbalanad ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn guddiga doorashada, iyo qaabka ay hadda u socoto soo xulista Xildhibaanada Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dooneyso inay meesha ka saarto Axmed Madoobe, waxayna culeys ku saareysaa inuu is casilo sidii Shariif Xasan iyo Xaaf oo kale si ay Maamulkaas ugu dhiibto madaxweyne iyada ka amar qaato, taasi oo Axmed Madoobe uusan marnaba yeeli doonin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-06082019.mp3 View the full article
  22. Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bixiyey lacag horay uu ugu balanqaaday dhismaha garoonka Cabdulahi Ciise ee magaalada Galkacyo, ee Galmudug. Qoraal kasoo baxay guddiga dhismaha waxaa uu qornaa sidan: Gudiga Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cabdulaahi Ciise wuxuu uga mahadcelinayaa Raysal wasaare Kheyre Fulinta balanqaadkiisii Garoonka. Account Guddiga dhismaha Garoonka Abdullahi Isse ayaa lagu shubay Lacagtii uu balanqaday R/W Kheire, oo aheyd $227,167 (Laba boqon Labatan iyo todoba kun, boqol lixdan iyo todoba dollar). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday hirgalinta qorshe sir ah oo ay kaga cad-goosanayso dowladda Turkiga, kaddib markii Maxamed Bin Salmaan uu dulqaad dheeri ah u muujiyay madaxweyne Recep Dayyip Erdogan taaso salka ku haysa dilkii wariye Jamal Khashoggi. Qorshahan sirta ah ayaa lagu faahfaahiyay warbixin qarsoodi ah oo isugu jira kuwa sir ah iyo kuwa furan oo xog-ogaal ah oo ay diyaariyeen xulufada boqortooyada ee Imaaraadka. Warbixinan sirta waa mid ka mid ah qormooyin taxane bille ah ee ay soo saarto Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka,( Emirates Policy Centre) oo xiriir dhow la leh dowladda iyo hay’adaha ammaanka Imaaraadka. Qorshahan sirta ah oo cinwaankeedu ahaa “Warbixinta billaha ee Sucuudiga” taasoo la qoray 24-kii May 2019, ayaa lagu sheegay in lala wadaagay madaxda ugu sarraysa Imaaraadka, laakiin laguma daabicin mareegta ay leedahay Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka “Emirates Policy Centre”. hase yeeshee nuqul ay heshay jariiradda Middle Easty Eye ayaa soo bandhigay sirtan. Jariiradda Middle Easty Eye ayaa qortay,”Qorshaha Riyad ee bishii May waxaa lagu dajiyay ujeeddo lagu howl-galo oo lagu curyaamiyo dowladda Turkiga”. Jariiraddu waxay kaloo leedahay, “Qorshaha ugu wayn waa in la adeegsado xeelad kasta oo macquul ah oo culays lagu saarayo dowladda Turkey laguna wiiqayo awoodda madaxweyne Erdogan iyo in mashquul looga dhigo arrimaha gudaha dalka Turkiga taasoo hoos u dhigi doonta awooddiisa fursadna u noqon doonta mucaaradkiisa, ama in dhibaatooyin dhaqaale oo is xigxiga lagu riixo taasoo sababi karta inuu khalad ku dhoco oo kaddibna ay warbaahinta dalka & midda dibaddu aad u lafa-guraan. Wargayska Middle Easty Eye ayaa suaalo ka weyddiiyay saraakiisha Xarunta Siyaasadda Imaaraadka mashaqadan taagan, laakiin way ka gaabsadeen ayay tiri jariiraddu. IN LA XADDIDO KU LUGLAHAANSHAHA ARRIMAHA SIYAASADDA GOBOLKA Qorshaha Riyad ayaa ah in mudane Erdogan laga xaddido ka qaybgalka iyo wadaagga arrimaha ka dhacaya gobolka Barigga Dhexe. Jariiraddu waxay tiri:- Boqortooyada Sucuudigu ayaa bilowday inay si tartiib tartiib ah u joojiso maalgashiga shirkadaha Sucuudiga ee Turkiga ku sugan. In la yareeyo dalxiisayaasha u tamashle tagaya Turkiga, kaddibna dadka loo jiheeyo waddamo kale oo ay u dalxiis tagaan. In Sucuudigu yareeyo iibisiga alaabta ka imaanaysa Turkiga iyo in la daciifiyo ku lug-lahaanshaha siyaasadda gobolka iyo midda dalalka Islaamka. Wargaysku wuxuu tilmaamtay:- “In dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin-Salamaan uu qaatay go’aan uu isaga difaacayo eedayntii Ankara oo salka ku haysa dilka wariye Jamaal & sirdoonkii raggii dilay, dilkaasoo abuuray caro ka timid adduun-waynaha & in dolwadda Turkey ay soo bandhigtay caddaymo ku saabsan dilka wariyaha”. Sirta la helay ayaa tiri….. “Madaxweyne Erdogan aad ayuu ugu fogaaday ololihiisa ku wajahan boqortooyada, gaar ahaan dhaxal-sugaha, isagoo adeegsanaya qaabka ugu xasaasisan ee dilka wariye Jamaal”. Warbixinta ay diyaarisay Xarunta Imaaraadka ayaa tiri :- “Ankara maysan keenin wax caddayn ah oo muuqda oo lagu kabayo baaritaanka Sucuudiga ee ku saabsan dilka wariye Jamaal. Taa baddalkeeda Turkidu waxay warbixinno u dusiyeen warfaafinta, warbixinnadaasoo dhammaantood loogu tala-galay in khal-khal la galiyo sumcadda Boqortooyada iyo midda dhaxal-sugaha Maxamed Bin-Salmaan”. Warbixintu waxay intaas ku dartay, Xukuumadda Riyaad maysan ku darin inuu Mr, Erdogan ku guul-darraystay hadafkiisa ahaa inuu arrinta dilka Jamaal uu adduun waynaha garwadeen uga dhigo, lakiin Riyaad waxay leedahay waxaa la joogaa waqtigii aargoosiga”. Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Xarunta Siyaasadda Imaaraadka. Hay’adda CIA & aqalka Congress’ka Maraykanka ayaa ku qancay warbixinta ay soo bandhigeen Turkida ee ku saabsan dilka Jamaal. Sidoo kale CIA iyaduna warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay inuu Maxamed Bin-Salmaan amray dilka wariyaha uuna lahaa fikradda howl-galinta xubnihii dilka gaystay. CIA warbixinta ay soo saartay waxay tiri “Ma jirto sabab la’aan ay arrintan ku dhici karto Maxamed Bin-Salaam oo aan ogayn ama aan ku lug-lahayn”. siday horay u daabacday jariiradda Wadhington Post. Caddaymahaas oo idil, waxaa ka daba yimid mid ay samaysan Qaramada Midoobeey qaybteeda qaabilsan arrimaha aadanaha, taasoo haweenayda kiiskan u qaabilsanayd Agnes Callamard ay tiri, “Dhaxal-sugaha Sucuudiga ayaa amray dilka wariye Jamaal Khashoggi. QORSHAHA LAGU CADAADINAYO TURKIDA OO BILOWDAY Sitimaakii tagay ayay soo shaaxbaxday xogtan ay qortay Imaaraadku ee sirta ah. Sucuudiga ayaa ammar ku bixiyay in la hakiyo 80 gawaari oo xamuul ah ganacsi ah oo isugu jira dhar iyo dawooyin kasoo dagay dekedda Duba ee Sucuudiga. Waxaa kaloo la hakiyay 300 oo konteenar ay ku jiraan qudaar ganacsi oo ka timid Turkey laguna joojiyay dekedda Jeddah ee isla Sucuudiga. Waxaa sidaas qoray jariiradda Middle East Eye oo kasoo xigtay saraakiil magacooda in la xuso diiday. Waxaa iyana hoos-udhac ku yimid dalxiiskii tagi jiray Turkiga taaso horay u ahayd 276 kun oo hadda noqotay 234 kun 6-dii bilood ee ugu dambeysay sanadkan 2019, siday shaacisay wasaaradda dalxiiska ee Turkiga. Sucuudiga ayaa Turkiga ku maalgaliyay adduun dhan 2-bilyan oo dollar sanadkii 2018, siday sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, isla sanadkaas Turkidu waxay u dhoofiyeen Sucuudiga ganacsi gaaraya 2.64-bilyan oo dollar, halka Turkidu alaabada ay kasoo dhoofsadeen Sucuudiga ay gaartay 2.32-bilyan oo dollar. SIYAASADDA DAAHA DHABARKIISA, ANKARA WAXAA GAARAY FARRIIMO KALE Siday ku warramayaan Imaaraatigu “Waxaa muuqata in madaxda Sucuudigu ay sii xumaynayaan xiriirka, oo ay bilaabeen inay Erdogan ula dhaqmaan sidii nin cadow oo kale ah, sidaas waxaa iclaamiyay Boqor Salaam isagoon ka laba-labayn. Taas waxaa caddayn kara in ammar la siiyay guddiga talo-bixinta shirkii Ururka Golaha Islaamka ee ka dhacay Makka 14-kii, May aanu soo dhaafnay oo aan wax casuumaad ah loogu dirin Mr Erdogan, shirkaasoo ay kasoo qayb-galeen wufuud heerkoodu sarreeyo. Madaxda sar-sare ee ku jiray liiska ka qayb-galayaasha shirkaas waxaa kamid ahaa Madaxweyne Erdogan, hoggaamiyaha Syria Bashar Al-Asad, Hassan Rouhani madaxweynaha Iran, Emiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Ugu dambeyntii, Boqor Salmaan ayaa amray in warqadda martiqaadka loo diro amiirka Qatar laakiin middii loo diri lahaa Erdogan lama soo saarin. CUNA-QABATAYNTA QARSOON Dowladda Turkiga way ka warqabtaa isku dayada uu wado Maxamed Bin-Salaam ee uu ku xumaynayo xiriirka labada waddan, isagoo kala ilaalinaya xiriir toos ah oo dhexmara Erdogan iyo aabihii Boqor Salmaan. Saraakiil in la xuso magacooda ka gaabsaday ayaa ku waramay inaysan la yaabanayn isku dayada ay Sucuudigu ku doonayaan inay Turkey ku ciqaabaan mowqifka ay Turkidu ka taagan tahay dilka wariye Jamaal Khaashoggi. “Waan ognahay waxay Sucuudigu samaynayaan, dhammaan waa lawada ogyahay, waxaa kuu caddayn kara warfaafinta Sucuudiga taageerta iyo midda ay iyagu leeyihiin” sidaas waxaa u sheegay jariiradda Middle Easty Eye saraakiil Turki ah oo ku macneeyay falalka Sucuudigu ku kacayo ee hakinta ganacsi RAAD-GURID. Saraakiishu waxay kaloo dheheen, “Dalxiiskii imaanayay hoos ayuu u dhacay, waxaan kaloo dhibaato ku qabnaa ganacsigii dhoofinta Turkiga ee Sucuudiga tagaysay, arrinta si dhow ayaan ula soconnaa”. Laakiin xukuumadda Ankara ma aaminsana in dadka Sucuudigu ay ku doorsanayaan meel kale Turkiga marka loo eego isku dayga ay Riyaad ku hor-istaagayso dadka dalxiiska. Saraakiisha Turkidu waxay kaloo xuseen, “Tusaale ahaan, Istanbul, waxaa ka buuxa daxliisayaal Sucuudi ah, Sucuudigu ha eegaan BBC codbixinta ay ka diyaariyeen Bariga Dhexe iyo sumcadda uu madaxweyne Erdogan ku leeyahay gobolka, kaddib waxay ogaanayaan inay guul-darraysanayaan”. Khamiistii lasoo dhaafay Madaxweyne Erdogan ayaa teleefanka ku wacay Boqor Salmaanka Wayn, isagoo kala xaajoonaya arrinta ku saabsan ganacsiga lagu hakiyay dekedaha Duba iyo Jiddah. Laakiin saraakiil kale oo Turki oo magacooda diiday ayaa ku waramay, in wadahadalka teleefan ee labada masuul uu daarnaa oo kaliya waxyaabaha ka socda Syria iyo suaalo ay iska waydiiyeen qaddiyadda Falastiin. Saraakiikhu waxay kaloo intaa ku dareen in wadahadalka uu Boqorku aad ula dhacay kuna taageeray Erdogan arrimaha ku saabsan Syria. Wada-hadalkaas khadka teleefanka ayuu Madaxweyne Erdogan ku casuumay boqor Salmaan iyo qoyskiisa oo uu ku jiro wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin-Salmaan inay yimaadaan Turkiga. W/Q: Maxamed Jaamac Faarax-Barre Oslo, Norway mjfaarax@gmail.com
  24. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia and the United States have agreed to intensify security operations to flush out al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online