Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka AFRICOM ee Mareykanka Jeneraal Stephen Townsend oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii la’isaga kaashan lahaa dagaalka adag ee lagula jiro Xooggaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Townsend ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka. Taliyaha cusub kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid uu yahay sidii cadaadis wadajir ah loo saari lahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka. Ugu dambeyn Jeneraal Townsend ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya in ay ku heyso Al-Shabaab meesha ay hadda joogto, islamarkaana ay sii wado howlgallada ka dhanka ah. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-08082019.mp3 View the full article
  3. Shir socday teer iyo Isniintii oo ay ku sugan yihiin Isimada iyo culimada ilaa 50 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa ka socda magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, xilligan carafadda. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka mid ah ilaa toban Soomaali ah oo isugu jira Isimada dhaqanka iyo culimo ka tegay Soomaaliya. Shirka ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha dacwadda diinta iyo doorka Isimada dhaqanka ee Afka ay ka qaadan karaan. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay mu’asaso arrimaha Diinta ka shaqaysa waxaa gudoominaya Bender Bin Salmaan Aala-sucuud oo ka mid ah boqortooyada dalkaas. Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Farance iyo Hawsa ayaa lagu guddoominayaa shirka, Soomaaliya ayaana hoggaaminaysa wadamada ku hadla af-carabiga ee shir dhaqameedkaas ku sugan. Isimada Soomaaliya ayaa intii shirku socday waxaa si weyn loogu ammaanay doorka ay ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada gudaha, sida uu sheegay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo warbaahinta uga waramay shirkan. Culimada waa weyn ee Sucuudiga ee kala ah Sheikh Cabduraxmaan Sudaysi oo ah imaamka xaramaynka, Dr. Sheikh Salax Al-fowsaan iyo culimo kale ayaa Isimada dhaqanka ee shirkaas la kulmay hoos ka ee sawirada shirka PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah appeared first on Puntland Post.
  4. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa si uu ula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Cape town. Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo xubno kamid ah Jaaliyadda ku nool Cape town. Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan gaar ahaanna magaalada Cape town oo uu horumarka iyo dib u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalkaasi lagu qabtay todobaadkan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  5. Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyey mooshin ku aadan muranka badda Somalia iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  6. Mozambique's government and the ex-rebel group Renamo completed a long-awaited peace pact on Tuesday, inking a final deal aimed at ending years of conflict. Source: Hiiraan Online
  7. A Kenyan lawmaker was kicked out of a parliament session Wednesday for bringing her 5-month-old baby to the chamber, according to local media reports. Source: Hiiraan Online
  8. At least 20 people have been admitted at Mandera County Hospital with multiple injuries after the Nairobi-bound bus they were travelling in overturned. Source: Hiiraan Online
  9. Pakistan announced Wednesday that it is expelling the Indian High Commissioner and suspending bilateral trade with India, days after New Delhi stripped Indian occupied Kashmir of its special autonomy. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia on Wednesday launched a public awareness campaign on the 2020/21 elections to ensure residents keep abreast of ongoing preparations for the one-person, one-vote exercise. Source: Hiiraan Online
  11. Shamis Eidid Warsame settled in Sibbaye village three years ago after a drought killed off almost all her livestock. Source: Hiiraan Online
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney soo gaba gabeeyeen soo xulida xubnaha ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka soo socda Jubaland. Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo waxa uu ku sheegay in odayaasha dhaqanka ay ka soo dhamaatay soo xulida Saddexda qof ee kursigiiba ku tartamaya, dadkan mid kamid ah waa Xildhibaanka kursiga difaacanaya iyo laba qof oo lagu soo daray. Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in wixii haatan ka danbeeyay ay iyaga u soo wareegtay dhameystirka howshan, wuxuuna tilmaamay in Gudigooda ay marsiinayaan habraacan, si ay u soo saaraan Xildhibaanka kamid noqonaya Baarlamaanka 2-aad ee yeelanayo maamulka Jubaland. Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ugu danbeyn Shacabka Jubaland ugu laab qaboojiyay iney Guddigooda ku kalsoonaadaan, wuxuuna raja ka muujiyay in doorashada soo socota ay si cadaalad ah ku dhacdo.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Guddiga Ganacsatada Diyaaradaha Soomaaliya, cabashadaasi oo ay ka keeneen Shirkadda Ethiopian Airlines oo Gobolo ka mid ah Soomaaliya Safar ku tagta. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988. Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Ethiopian Airlines ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto. Wasiir Oomaar ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Ethioopian Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya. “Maya Diyaarada Ethiopan Airlines waxa ay fasax u qabtaa labada dal dhexdooda inay ka shaqeyso, Marka ma jirto Diyaarada Itoobiya Airline oo wadanka gudihiisa rakaab ka qaada oo Muqdisho inta ka qaado Boosaaso ay ku tageyso, laakiin waxa ay sameysaa duulimaad ay uga soo baxeyso Itoobiya gudihiisa oo ay ku tageyso Hargeysa iyo Garowe.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar oo la hadlay VOA. Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen. Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/b1630ba9-0a1c-498f-8558-10b794fb4c3a_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Awdheegle (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay qabsadeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle. Xoogaga Shabaab oo doonaya inay dib u qabsadaan Degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq Ciidan oo xooggan ay ka wadaan Tooratoorow iyo deegaanka Mubaarak oo ku dhaw Degmada Awdheegle. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in saacidihii la soo dhaafay ay arkayeen gaadiidka fara badan iyo Ciidan dagaal oo Shabaab ka tirsan kuwaasi oo soo gaarayay deegaanka Mubaarak. Qorshaha Shabaab wuxuu yahay dib u qabsashada Degmada Awdheegle, maadaama ay u tahay meel istaraatiiji ah oo ku dhaw Magaalada Toora toorow. Ciidamada dowladda iyo Amisom oo shalay uni qabsaday Awdheegle ayaa isla xalay la kulmay weerar abaabulan oo Shabaab ay ku soo qaadeen, inkastoo Shabaab guulo ka sheegteen weerarkaasi, haddana Saraakiisha Militariga kama hadlin. Dowladda Somaliya ayaa bilowday qorshe dagaal oo Shabaab looga saarayo deegaanada Shabellaha hoose, inkastoo dhaq dhaqaaqa noocaan oo kale ah dhawr mar Ciidamada ay sameeyeen oo ay dib uga soo laabteen deeganadii ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Afeef: Waxaan ka cudur daaranayaa in macluumaadka iyo aqoonta aan idin la wadaagayaa ay ku kooban tahay oo keliya dadaalkeyga ka aqoon yahan ahaan oo aysn ku salaysneyn aqoon iyo takhasus aan u Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-07082019.mp3 View the full article
  17. NAIROBI - Kenya could send the military to the disputed maritime border with Somalia if a motion tabled in the National Assembly is approved by members. Source: Hiiraan Online
  18. Army Gen. Stephen Townsend, the new commander of U.S. Africa Command, visited Somalia on Wednesday and pledged to continue pressuring violent extremists such as al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  19. Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee caanka ah ayaa qoray in Ilhaan Cumar ay xiriir hoose la leedahay nin kaaliye u ah oo lagu magacaabo Tim Mynett. Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in la arkay Ilhaan iyo Tim oo ayaga oo gacmaha is-haysta ka casheenaya maqaayad Talyaani ah oo ku taalla magaalada Los Angeles, bishii March. Ilo-wareedyo ayaa Daily Mail u sheegay in Ilhaan oo 37 jir ah iyo Tim oo 38 jir ay xiriir hoose lahaayeen muddo dhowr bil ah. Tim ayaa waxa uu qabaa haweeney lagu magacaabo Dr. Beth Mynett, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu dhowaan ka tagay gurigii xaaskiisa islamarkaana hadda ku nool yahay guri ku yaalla magaalada Washington DC oo sidoo kale Ilhaan ay ku nooshahay, ayada oo xubin ka ah Aqalka Wakiilada Mareykanka . Sawirro ayaa muujinaya in Tim iyo Ilhaan ay si joogto ah isu dhinac joogaan, ayaga oo ka qeyb-galaya dhacdooyin dhowr ah, islamarkaana u wada safray magaalooyinka Los Angeles, New York City, Austin iyo Seattle. Tim ayaa sidoo kale la sheegay inuu waqti la qaato gabadha Ilhaan ay dhashay ee Isra oo 16 jir ah, ayada oo sawirro ay muujinayaan saddexdooda oo wada jooga, waxaana markii ugu dambeysya la arkay bishii July ee dhammaatay. Tim waa nin ka shaqeeya istaraatiijiyadda dhanka doorashooyinka ee dimoqraadiga, waxaana la sheegay in ololaha Ilhaan Cumar ay 250,000 oo dollar siiyeen shirkad lagu magacaabo E Street Group oo uu leeyahay, taasi oo shaqooyin u qabatay Ilhaan. “ICashada caashaq” ee Ilhaan iyo Tim ayaa timid maalmo kadib markii Daily Mail ay shaaca ka qaaday in Ilhaan ay ka guurtay ninkeeda Axmed Xirsi, oo ah aabaha saddexdeeda carruur, islamarkaana uu u socdo qorshe furriin. Afhayeenka Ilhaan, Jeremy Slevin ayaa diiday inuu ka jawaabo arrintan mar ay wax ka qeydiisay Daily Mail. Sidoo kale, xaaska Tim ee Beth oo ah dhaqtar ka howl-gasha qeybta xabsiyada ee dowladda hoose Washington DC ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiso arrintan. Tim ayaa bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey dhammaan dhacdooyinka ay ka qeyb-gasho Ilhaan Cumar. Waxa ay ka wada qeyb galeen munaasabad bishii March ka dhacday xaafadda Woodland Hills ee magaalada Los Angeles oo uu qabtay Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR. Maalinkii xigtay munaasabaddaas ayaa la arkay Ilhaan iyo Tim oo ka wada baxaya maqaayadda caanka ah ee Caffé Pinguini ee xaafadda Playa Del Rey eee Los Angeles. Qof goobjooge ahaa ayaa u sheegay Daily Mail inuu arkay Ilhaan iyo Tim oo gacmaha isku haysta dibedda maqaayaddan, oo caan ku ah dadka is-qarinaya. “Su’aasha ayaa ah, maxay u doorteen maqaayaddan. Playa Del Rey ma ahan meel si kam ah la isaga yimaado. Waxaa halkan yimaada kaliya qofka doonaya inaan la arkin” ayuu yiri goobjoogaha oo qadaay Video laga duubay Ilhaan iyo Tim. Hoos ka daawo muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday Ilhaan iyo Tim. Sawirrada qaar waxaa ka muquda xaaska Tim ee Beth.
  20. Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Karar Shukri Doomey ayaa maanta dib loogu soo celiyey shaqadiisa kadib ku dhowaad bil bar markii laga joojiyey. Wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha, 25-kii June, isaga oo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda. Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.” Si kastaba, Hilaal ayaa warqad uu maanta soo saaray ku sheegay inuu dib shaqadiisa ugu soo celiyey Karar Shukri Doomey, kadib markii “la saxay arrimihii shaqada looga joojiyey.” “Kadib markii aan saxnay umuurihii shaqada looga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mr. Karar Shukri Dhomey oo muddo shaqo hakis ku jiray ayaan maanta si rasmi ah ugu fasaxay shaqadisii, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Shaqo wacan agaasime.” Ayuu yiri Hilaal. Hoos ka aqriso warqadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. BAYAANKA View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-07082019.mp3 View the full article