-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Jubbaland ayaa shaaciyey in howlgalo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay kusoo qabteen tobanaan ruux. Howlgaladda oo lagu sheegay kuwa ammaanka lagu xaqiijinayey ayaa si gaar ah uga dhacay degmadda Afmdow ee gobolka Jubadda Hoose. Taliyaha amniga degmadaasi ayaa shaaciyey in dhaqdhaaqyaddaasi looga hortagayo falal liddi ku nabad-gelyada oo ay Al-Shabaab geysato. Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay doonayaa in in doorashadda maamulkaasi ay ku qabsoonto si nabad ah. Doorashadda dowlad goboleedkaasi ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bishan August, iyadda oo ay haatan socdan soo xulista Xildhibaanada cusub. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa durbo su’aal ka keenay heshiiskii uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ahlu-Sunna kula galay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ahlu-Sunna ay shaki weyn ka qabto dhaq dhaqaaqa dowladda federaalka ka wado gudaha Dhuusamareeb. Sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka dalbaday dowladda dhexe inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhaq dhaqaaqyada haatan ka socda Dhuusamareeb oo uu sheegay in ay ka baxsan yihiin heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay ku xadgudubtay heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan heshiiskii, hadal heyn ah in ciidamo ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda federaalka, howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa. Ahlu-Sunna ayaa warkan waxaa kale oo ay ku sheegtay in aan weli la dalacsiin, islamarkaaana aan la sharciyeyn saraakiisheedii lagu daray kuwa dowladda. Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ka dalbaday inuu ka dhabeeyo heshiiska ay la galeen iyo ballan qaadyadii uu u sameeyey shacabka deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay suuqa bakaaraha ee Muqdisho ay ka geysteen fal dil ah. Goobjoogeyaal kala duwan oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in dableyda ay khaarijisay wiil dhalinyarro ahaa. Ragga hubeysan ayaa la tilmaamay in ay durba ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen, oo ay soo gaareen ciidamadda. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay dhacdadan oo laamaha ammaanka dowladda aysan wali ka hadlin. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas’uuliyadda falkan, oo imaanaya xili nabad-gelyadda ay soo hagaageyso. View the full article
-
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa soo saaray warqad ay ku qoranyihin 6 qodob oo xadgudub ku ah heshiiskii Ahlu-sunna iyo DFS sida lagu xusay qoraalkaan. Warqadaan ayaa sidoo kale Ra’iisul Kheyre loogu baaqay in uu si deg deg ah I soo fara geliyo arimahaan, isla markaana xal laga gaaro. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) –Afhayeenka golaha shacabka ee BFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyey in la soo xiray kalfadhigii 5-aad ee golahaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Mursal oo ku taariikheysneyd 4-tii bishan August ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 5-aad uu soo xirmay 27-kii bishii hore ee July, sidaas darteedna ay fasax laba bilood ah ay galayaan Xildhibaanada golaha shacabka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka uu furmi doonao 27-ka bisha September ee soo socota. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-07082019.mp3 View the full article
-
Somali delegation led by Somali Lower House Speaker, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman has traveled to South Africa to attend the conference of Speakers from African Parliaments. The speakers and other delegates were received at Jonesburg Airport by South African authorities. According to the South African government which is hosting the conference, the meeting is expected to kick off later today in Johannesburg with matters concerning enhancing co-operation between respective Parliaments in the continent, top on the agenda. The annual conference brings together Speakers from the Regional Economic Communities and the National Parliaments and is hosted by the Johannesburg based Pan-African Parliament (PAP). The conference seeks to provide progress on the implementation of the African Union decisions focusing on the development of the continent and will also address the refugee affairs. The conference will be concluded tomorrow with communiqué illustrating the points discussed during the meeting. View the full article
-
Presidential candidates for Jubbaland regional state of Somalia have set new conditions for polls to be free and fair ahead of the exercise later this month. The candidates who described themselves as the “Union for change in Jubbaland state” issued press statement following their meeting with IGAD envoy, Mohamed Guyo in Kismayo on Tuesday. The candidates set conditions that must be met for free, fair and transparent presidential elections. They demanded a parliamentary committee to manage the presidential election whereas neutral venue such as the UN compound to host the process to ensure transparency. The union of candidates also called upon the AMISOM troops to take over the security from local forces while demanding the presence of a representative from the federal government. They further stressed the presence of international observers as well as the local and international media for coverage. The incumbent President, Ahmed Mohamed Islam who was in power since the establishment of the state in 2013 is gearing up for re-election. Other Presidential candidates have blamed President Islam for using security as a pretext to lock them out in the campaign. View the full article
-
Xalka Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya Hordhac Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 July 2019 wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland:- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). Dr.Cali Siciid Fiqi. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Isla 18 July 2019, Somaliland oo ka jawaabeysa go’aankaa magacaabista Guddiga Qaran ayaa “gef siyaasadeed”. Isla markaana ay ka so saareen warsaxafedeed ay ku tilmaameyaan in xukuumada hada xilka Somaliya talada heysa aaney noqon karin mid wada hadal toos ah dhex mari karo somaliland. Madaama ay kula jiraan Somaliland dagaalo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad ah. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska”. Waxa kale oo isla warsafadeeedkaas ku cad in Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya FAGAARE CAALAMIYA oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo” Qormadan waxaan si kooban uga hadli doonaa, caqabadaha hortaagan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo sida ugu haboon ee ay aheyd in ay ku galaan wada hadaladaasi si guul looga gaadho, loona helo xal waara Kulamada Wada-hadalada ee Qabsoomey iyo Natiijada Guud ee ka soo baxey Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxey Bilaabmeen June 20-21, 2012, shir ka dhacey London, oo layskula qaatey In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda. Intaa wixii ka dambeeyey waxa u qabsoomey labada dhinac kulamo dhowr ah:- June 28, 2012 -Dubai April 13, 2013 – Istanbul July 7- 9, 2013 – Ankara January 16 -19, 2014 – Istanbul December 21, 2014 Djibouti iyo March 1-3, 2015 oo fashilmay Istanbul. Mudadaas ay wada hadaladu socdeen arimaha aad odhan karto way ugu muhiimsanayaan ee layskula qaatey waxa ka mid ahaa: Si wada jir ah loo cambaareeyo dhibaatooyin uu geystay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Siyaas Barre, gaar ahaana u geystay ummada reer Somaliland; In loo wada hadlo si nabad ah. In hawada si wada jir ah loo maamulo, oo ay soo wareejiso UN oo hada gacanta ku heysa, isla markaana xafiiska laga furo Hargeysa; In leyska kaashado dhanka amniga iyo la dagalaalanka dambiyada abaabulan (argagaxisada iyo budhcad badeeda); iyo Qaybsiga deeqaha caalamiga ah. Waxa xusid mudan inaan laga wada hadal arinta ugu muhiimsan ee wada hadalada oo ah “Gooni isku taaga Somaliland”. Waxa kale oo wali lagu kala aragti duwan yahey asalka wada hadalada; dhanka Somaliya waxey ugu yeedhaan wada hadaladan iney tahey dadaal ay ugu jiraan midnimada umada Somaliya isla markaana ay rabaan inay dib u heshiisiiyaan Somaliya iyo Somaliland. Halka dhanka Somaliland looga yaqaan wada hadaladan iney yihiin kuwo keeni kara inay Somaliya ogolaato gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay aqoonsi ku kasban karaan. Fashilka wada hadalada March 1-3, 2015. Somaliland waxey ka baaqsatey kulan ka dhici lahaa Istanbul, Turkey. Iyadoo sababtu aheyd inaysan horfahdiisaneyn xubno ka socdo dowladda feredaalka oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Afar xubin oo ka tirsan wafdiga dowladda federaalka oo kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, ayey Somaliland dalbadeen in laga saaro kullanka. Ka dib markii ay Somaliya arinkaas tix galin waydayna waxa istaagey wada hadaladii. Inkastoo dib la isku dayey inay furmaan wada hadaladu sida ku cad kulankii qabsoomey April 18-19, 2016 Ankara, Turkey. Hadana ma jirto wax wada hadal oo danbe oo suurto galey. Iyada oo muddo laga jooga wada hadalada hore ayaa sida bilowga qoraalkan ku xusan waxa uu Madaxweyne Farmaajo guddiga ka qayb gali doona wada hadaladan. Guddidaas inkasta oo ay wali ku jiraan xubno ka soo jeeda degaanada Somaliland oo aheyd arintii keentay inay wada hadaladi 2012 – 2015 socday istaajiyaan, hadana waxa ugu daran oo ku jiran xubno loo aaneenayo inay qayb ka ahaan xasuuqi gaar ka ee loo geystay Ummada reer Somaliland. Waxana ka mid ah Gen. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaaan Guulwade). Hadii aan dul istaago taariikhda Cabdiraxman Guulwade; wuxuu ahaa nin quraanka u dhigo Caruurta uu dhaley Siyaad Barre, hase yeeshee waxaa jeclaatey Gabar uu dhaley Siyaad barre, waanu guursadey, sidaana waxa sodog ugu noqdey Siyaad barre. Isla markiiba waxaa loo aasaasey ciidamo cusub oo lagu magacaabo Guulwada-yaasha oo dhar cagaaran qaata. Ciidankaas waqtigaas waxa loo isticmaaley dadka reer Waqooyiga ahaa (Somaliland), oo bilaawaabey kacdoon, waxa laga xusi karaa ardaydi Gubtay sawiradii Siyaad Barre, sababtuna waxey aheyd waxaa albaabada loo laabey Dekedii Berbera amar dowladeed, la soo rogey oo aheyd Dekedaha Muqdîsho iyo Boosaaso oo kaliya ayaa shaqeynaaya. Xiligaasi waxaa dhismo ka socdey dalka Sacuudi-carabiya, sidaas ay taheyna soomaalidii u dhoofi jirtey waxey ahaayeen reer waqooyi, waxeyna noqdeen dad yeeshey hantida raasumaalka ee wadanka oo dhan. Dowladdi Siyaas Bare waxey si hoose u qaadatey in la dagaalanto awooda dhaqaale ee dadka reer Waqooyi ah yeelanayan, waxeyna xidhay Dekada Berbera, sidoo kalena waxaa la mamnuucey qaadkii oo ahaa hantida ugu badan ay ka ganacsadaan. Hadaba ciidamada Guulwadayaasha ee uu haystay C/raxmaan –Guulwade waxey ahaayeen kuwa la dagaalama qaadkaas waxana uu xaraashey in ka badan 200 Gadiidkii qaadka keeni Jirey. Isaga oo isla markiiba ku qaatey darajada Major General. Dhibaato joogto ahna ku hayey dadka reer waqooyiga ah oo uu guryaha kala soo bixi jirey. C/rahmaan- Guulwade waxaa lagu sheegaa inuu ka qeybqaatey xasuuqii 17 – July 1989… ahaana saraakiishii hogaaminaysay ciidamo Jaziira ku geystay xasuuq ay ku laayeen 47 nin oo ka soo jeeday Somaliland. Hadaan halkaa kaga gudbo Cabdiraxman Guulwade oo Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa xeel dheere ah oo reer Somaliland ah uu ku qeexay in Cadbiraxman Guul-wade la hadla ay dadka reer Somaliland ula mid tahey Cali Samatar la hadla, oo saraakiishii xaquuqa idin geystay la hadla. Taasina xalka wada hadaladu maaha. Hadaba Guddida ay xubnahaasi ku jiraan wada hadalo midho dhal ah ma keeni karaan? Jawaabtu waa Maya! Hababka xalinta khilaafaadka Marka aynu eegno nidaamka xalinta khilafaadka ee heer caalami (international dispute settlement), waxa uu Dastuurka Qaramada Midoobey qodobka 2aad farqadiisa 3aad; bogaadinaya in muranada iyo khilaafaadka dhinacyadu ay ku xaliyaan hab amni ah. Hababka loo xaliya waa ay badan yihiin sida ku cad qodobka 33 farqadiisa 1aad ee isla Dastuurka Qaramada Midoobey, waxana ka mid ah; Wada Halado dhinacyada u dhaxeeya (Negotiation). In arinta laysku hayo gudi baadha loo saaro si ay xaqiiqada usoo helaan (Inquiry), Dhex dhexaadin dhinac saddexaad oo si toos ah uga qayb qaadanayo wada hadalada, door isku soo dhaweyn dhinacyadana ciyaaraya (Mediation), Guddi xaqiiqa Raadin ah ayaa loo saaraya, marka ay xaqiiqada sugaan, waxa sameynayan soo jeedin hababka arinakaas lagu muransan yahey lagu xalin karo (Conciliation), Guddi Garnaqiseed ayey dhinacyadu dooranayan ama Guddi garnaqiseed caalimi oo jira ayey dhinacyadu arinkooda u dhiibanayan si ay go’aan ugu soo saaran (Arbitration), Maxkamadd Caalimi ayey dhinacyadu u gudbinayaan khilaafkooda (Judicial Settlement), Xalka ka raadinayan gobalada ay ka tirsan yihiin dhinacyada is haya (Resort to Regional Agencies) Ama xalkii kale ee ay dhinacyadu isla gartaan ee ku dhisan hab nabadeed (Or Other Peaceful Means Of Their Choice) Shuruudaha looga bahanyahey dhinacyada wada hadlaya Si ay wada hadaladu u noqdaan qaar lagu guuleysto, waxa shardi u ah dhinacyada wada hadlaya inay la yimaadaan arimahan soo socda: In dhinacyada ay ka go’antahey inay diyaar u yihiin inay ka midho dhaliyaan wada hadalada ay galayaan (commitment); Inay la yimaadan dhinacyado niyad wanaag (Good Faith), amaba daacadnimo; Inay diyaar u yihiin inay khilaafkooda hab amni ku xalistaan (peaceful means); Inay diyaar u wada yihiin ka wada shaqeynta sidii xalka loo heli lahaa (cooperation) Wada Tashi dhamaan talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha xaga waqtiga, goobta, qodobada wada hadalada, xubnaha, IWM. Is taxgalin wixii wax ka badal ah ee dhinacyadu soo jeediyan in laga badalo wada hadalada, lagana wada shaqeeyo wixii isbadala ah ee ku yimaado nidaamka wada hadalada. Iyo Loo ogalaado cilmi baadhayaal iyo xeel dheerayaal xaga wada hadalada ah inay talo ku darsadaan nidaamka wada hadaladu u socdaan. Gunaanad Marka horeba waxa la yidhaah wada hadalada dhinacyada sida fool ka fool ka ah u dhex mara waa ay yartahey fursada guul lagaga gaadho. Caqadaha uu leeyahey awgeed, sida dhinacyadu ku guul dareystan inay isla sii dajiyaan qorshaha wada hadal iyo nidaamka ay raacayan; oo ay ka mid tahey in ajendaha leysla garan waayo, xubnaha uga qayb galaya kulamada oo khilaaf ka taagnaado sida hada jirta. Dhinacyada oo midkasta qorshihiisa gaarka ah wato waana tusaalaha nool ee had aka muuqata in ay kala fogyihin halka ay dhinacyada Somalialand iyo Somalia kala taaganyihiin ee kala ah “midnimadu umada Somaaliyeed waa muqadas” iyo “gooni isku taago waa muqadas”. Waxa kale oo caqabadaha ka mid ah inaaney jirin cid isku soo dhaweysa dhinacyada. Qodobka ugu daran ee guul darada ay leeyihiin wada hadalada fool ka fool ka ah ee dhinacyadu wuxuu yahey go’aanada ka soo baxa ma leh wax fulin ah, sida iminkaba dhacday ee arinta hawada in si wada jir ah looga maamulo hargeysa ee layskula qaatey kulankii 4aad ee ka dhacey Istanbul July 2013, ay somaliya si iskeed ah ugu baxday xafiiski maamulka hawada ay ka furtey Muqdisho. Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa in laga guuro habkan wada hadaladu hada u socdaan ee fool ka fool ka ah ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo la eego hababka kale ee ay ugu horeyso in ay doortaan cid dhexdhexaadisa oo isku soo jiida dhinacyada. Diyaariyey: ALI ODEY Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa goordhow gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday. Dad ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadada ee qeybta Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, islamarkaana rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen ninka xili uu halkaas ku sugnaa. Meydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka agdhawaa, waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas. Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata sameynta mobeellada. Weli macada sababta loo dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa, waxaana goobta uu dilka ka dhaca gaaray ciidamo k atirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho oo toddobaadyadii ugu dambeeyey u muuqday inay sidii hore ka yaraadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Thailand’s foreign ministry spokesman Busadee Santipitaks said Wednesday that Puntland authorities and the federal government have responded positively to a request by their embassy in Nairobi. “The officials of the Somali regional administration in Puntland have accepted the repatriation of these Thai workers and facilitated their repatriation,” said Santipitaks. According to the spokesman, the 50 were fishermen working with two boats, Marwan 1 and Marwan 2. Travel documents and travel tickets for Thai citizens are said to have been compiled and their travels will begin in the coming days, Bankok Post reports. View the full article
-
South Africa is hosting the annual retreat of speakers of parliament( of African nations), The Speaker of the federal government of Somalia his Hon Mohamed Mursal Shiekh Abdirahman headed a team of parliamentarians representing Somalia, they were well received by their South African colleagues in Johannesburg. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga sameeyey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u filiyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ee maamulkaasi. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Afmadow Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan u ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu soo qab qabtay rag lala xariirinayo Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Taliye Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay gaari doonaan deegaanada hoostaga degmada Afmadow, si ay uga saaraan dagaalyahannada Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Jubbada Hoose, maadaama dhowaan doorasho ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dakhliga ka soo xarooday horyaalka dalka Ingiriiska ama Premier League ee sanadkii tagay waxaa uu ahaa ilaa £5.8 billion ($7.3 billion). Dakhliga ayaa ka yimid tikit-ka, waxyaabaha ay kooxaha soo saaraan sida funaanadaha iyo xuquuqda laga helo teleshinnada baahiya cayaaraha, waana dakhli ka badan GDP-ga 4 dal oo Afrikaan ah, waxaa kale uu ka badanyahay dakhliga GDP-ga Soomaaliya ee 2018-kii oo ahaa $6.2 billion. Faa’idada uu horyaalka soo-geliyo khasnadda dhaqaalaha dalkaasi waa $4 billion halka GDP-ga dalka Ingiriiska uu qeyb ahaan ka yahay $9.7 billion, waxaa ka shaqeysa 100 kun oo shaqaale oo joogt ah, intaas waxaa dheer awoodda dalkaasi ee cayaaraha, oo waxaa daawada in ka badan 1.3 billion oo qof oo dunida ku nool. Halkan waxaa ka cad in kubadda ay aaney aheyn cayaar uun, ee ay isku badashay ganacsi, weliba faa’ido kale. Dalkeena Soomaaliya, cayaaraha waxaa loo heystaa uun isdhexgal iyo madadaalo, welina ma gaarin in loo badalo ganacsi. Dowladda federaalka ah, oo ay matasho wasiirka cayaaraha iyo dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye 2 sano iyo bar oo ay xafiiska joogtay waxbo kuma soo kordhin cayaaraha dalka, lamana socoto heerarka kala duwan, gobollada waxa ka socda, mana taageerto sportiga guud ahaan, iyada oo aaney jirin wax istaatiijiyad ah oo wasaaradeeda uga aadan horumarinta cayaaraha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh, kadib wareysi uu siiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Francisco Madeira ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya Islaamka oo ah Diin wanaagsan ay qorsheynayaan tallaabo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah.” ayuu yiri Ambassador Madeira. Wuxuu intaasi ku daray in aysan si foolka fool ah Al-Shabaab ula dagaalami karin AMISOM, balse ay adeegsadaan kaliya taatikada dagaalka ee Jabhadeynta. Dhinaca kale ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay doorka ciidamada dowladd Kenya ay ku leeyihiin dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Madeira ayaa xusay in ciidanka Kenya ay fureen waddooyin in muddo ah u go’doonsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka gobollada Jubbooyinka Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamadaasi, sida ay uga hortagaan weerarada ay geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Ugu dambeyn waxa uu uga mahadceliyey dowladda Kenya sida ay uga qeyb qaadaneyso dadaallada la doonayo lagu nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
If a single drought is classified as an environmental bullet, what is facing Somaliland in the Horn of Africa is rapid machine-gun fire. The increasingly aggressive antagonist is global heating. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa shaacisay in hub lagu dagaalamayo Al-Shabaab iyo tallaabo adag ay ka qaadeyso odayaashii fuliyey amarkii ka soo baxay ee dhowaan tagay deegaanada ay ka arrimiso. Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan odayaashaasi, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga muddo lix bilood ah. Wuxuu tilmaamay in lagu ganaaxi doono mid kasta in uu keeno labo qoray, sidoo kalena lagala noqon doono kalsoonida odaynimo, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa xusay in aan loo dul qaadan doonin dadka la xariira ama la macaamila Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay illaa 80 oday dhaqameedn oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan, islamarkaana tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii fuliyey amarka Al-Shabaab ee tegay deegaanadooda. Cabdi Mahdi oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa tilmaamay in odayaashaasi ay la kulmi doonaan ciqaab isugu jirta ganaax, xabsi iyo kalsooni kala noqosho odaynimo . Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay gobolka Baay illaa 80 oday oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo K/ Galbeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3 View the full article
-
Johannesburg (SMN) – Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika. Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo. Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Jubbaland, islamarkaana la baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxay shuruud ku xireen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha. Wafdigii IGAD ee ay la kulmeen ayeey hordhigeen 8 qodob oo ay sheegeen haddii la sameeyo in ay doorashada ka qeybgali doonaan. Qodobada ayaa kala ah: 1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland. 2: In hal qof loo soo xulo kursi Xildhibaan 3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan. 4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM. 5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM. 6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka 7: In in Goob joogayaal Caalami ah la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka. 8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada. Musharraxiintan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Axmed Madoobe sheegashada awood, iyo inuu doonayo mar kale inuu soo noqdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo celisay 12 dhallinyaro oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasi oo muddo ku dhibanaa dalka Liibiya. Dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in dhib aad u adag ku haysta Liibiya, sidoo kalena markii ay dalkaasi u socdeen ay dhib badan qabeen. C/raxmaan Xuseen oo ka mid a dhallinyarada lasoo celiyey ayaa shegay in ay la kulmeen dhac, jirdil iyo xabsi, muddo badanna ay Liibiya ku dhibanaayeen. “Dhibta ugu daran ayaa ahayd in aan haysan nolol, xabsi aan ku jirnay, wixii aan haysannay nalaga qaatay, dad badan oo Soomaaliyeedna ay horteeda ku dhinteen” ayuu yiri C/raxmaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu uga mahadceliyey dib ugu soo celintooda magaalada Muqdisho, isaga oo dhallinyarada Soomaaliyeed uga dar-daarmay inaanay tahriib gelin. Dalka Liibiya oo ay ku dhibban yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa hadane dhanka kale waxaa ka jira dagaallo sokeeye oo xaaladda sii cakiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com