Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia has rejected the Commission of the African Union invitation to a briefing on the maritime row with Kenya. Instead, it has expressed confidence in the International Court of Justice and its ability to deliver a fair ruling. The ICJ is set to hear the dispute between September 9-13 at the Peace Palace, in The Hague, Netherlands. The ICJ said the first round of hearings will take place on September 9, when Somalia will make its submissions, while Kenya will respond on September 11. In a statement dated August 21, the Somalia ministry of Foreign Affairs said it would be “inappropriate” to accept the invitation while the matter is pending before ICJ. The ministry said it roped in ICJ to determine the dispute because it couldn’t agree with Kenya. It said Kenya “misinterpreted” the move as being unfriendly. Somalia faulted Kenyan MPs for saying Kenya was ready to deploy KDF to protect the territory. Somalia will go first in the second round of oral arguments on Thursday, September 12, while Kenya will give its closing submissions on Friday, September 13. Kenya has been pushing to have the matter solved through political negotiations rather than through the court. Kenya wants the maritime border to run along parallel latitude southeast of Kiunga, while Somalia, on the other hand, is arguing for a diagonal line down the Kenyan Coast. This threatens to make Kenya a landlocked country, and risks losing 42 per cent of its territory. Source: The Star
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu guda jira jawi farxadeed oo aroos ah, islamarkaana Caruuska iyo Caruusadda ay ku sugan yihiin guri ku yaallo Xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, ayaa jawigii arooska wuxuu isku bedelay xaalad murugo ah, kadib markii dhismihii uu soo dumay xalay. Dhismaha guriga dumay, ayaa wuxuu ahaay guri qadiimi ah oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse dad shacab danyar ah ay deegaansadeen. Suus Raagge Cadow oo eedo u ah wiilka arooska ayaa sheegtay iyadoo xaaladda ay tahay jawi farxadeed mar kaliya uu soo dumay guriga, waxaana ay sheegtay sababta guriga uu u soo dumay inay tahay, kadib markii reerka gabadha durbaano ay ku dul ciyaareen dhismaha dabaqa, taasi oo sabab u noqotay inuu soo dumo guriga. “Wiil aan eedo u ahay ayaa gabar gurigaan keensaday, kadib aroos ayaa halkaan loogu dhigay cidda gabadha oo durbaano watay ayaa guriga ku ciyaaraayay, bood boodkii durbaanada ayaa sabab u noqday inuu dumo guriga ana reerkeena wax yar yar ayaa soo gaaray, balse cidda gabadha ayeey u badnaayeen dadka dhaawacyada soo gaareen illaa 22 ruux dad gaaraya oo arooska & aroosadda ay ku jiraan ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.” Ayey tiri Suus Raagge. Dadkii dhaawacyada ay soo gaareen ayaa dhismaha dumay, waxaa looga soo saaray jaraanjaro, kadib markii dadka Xaafadda gurmadkaasi ay sameeyeen. Guryaha qaar ee ku yaallo Muqdisho oo dhismahooda ay qadiimi yihiin, ayaa xilliyada qaar dadka waxa ay kala kulmaan dhibaato adag oo ka soo gaarta, kadib markii ay ku soo dumaan guryaha ay ku nool yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa difaacay go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibay Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo isaga oo dalka dibadiisa ku sugan U Waramayay Wargeyska Geeska ayaa yidhi “Dalka Waan ka maqanahay, dalkuna Madaxweyne Qaran ayuu leeyahay, haddii Uu Madaxweynuhu Wasaaradda arrimaha Dibedda Si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibo Wasiir Sacad Cali Shire Wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto.” Wasiir Faratoon. Wasiir Sacad Cali Shire hore waxa loogu si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay wasaaradda qorshaynta qaranka oo wasiirkeeda ay xaalad caafimaad la soo daristay. Source
  4. Kismaayo (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegatay qaraxaasi ayaa baahisay inay ku dishay 3 ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahy mid degan. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ay ka socdeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Cabdullaahi Barbaraawi ayaa ka mid ah ayaa dhaliilay wadaado uu sheegay in siyaasada kaga hadlaan masaajidada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland in ay ku fashilantay xalinta khilaafaadka ka taagan Goboladda Bariga Soomaaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta kula Hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay ciidamo reer soomaaliland oo ku sugnaa Gobolka Badhan, hasayeeshee shalay u talaabay dhinaca Puntland “Illaalinta Xuduudaha Qaranka Somaliland waxay u baahan tahay Masuul xilkasnimo leh balse uma baahna Masuul u yimi Kursiga Hanti urursi Xoolaha ummada ah,” Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jama Batuun Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leenahay Muusi Biixi wuu tagayaaye yaan la kala tagin, 30 Sanno waa marki kobaad ee Calanka Somalinad dhulka la dhigo, Arinta Sanaag berri waxay daliil u tahay Hoggaamin aan xuduudo qaran sugi karin laakiin xoolo Urursi u timid” Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaamada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhiilada colaadeed ee ka taagan deegaamo hoosyimada degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Qaar kamid ah waxgaradka Somaliland iyo siyaasiyiin caan ah ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu ka baxay gacanta Somaliland mudadii uu xafiiska joogey Muuse Biixi intii dhimmanaydna colaadi ragaadisey. Shacabka ayey ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan isla markaana ay gacmaha is qabsadaan uuna xafiiska bannayn doono Muuse Biixi Cabdi, xafiiskana qof kale uu qaban doono. DHEGAYSO Maalinimadii shalay ayey ahayd markii Puntland ay ku soo biireen ciidamadii iyo saraakiishii ugu dambeeyey ee Somaliland ugu magacawnaa gobolka Sanaag. PUNTLANDPOST The post Waxgaradka Somaliland oo afka furtay: “Muuse waa tegayaa ee yaan lakala tegin” appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo dhag raariciyo beelaha ka biyo diidsan saamiga golaha wakiilada ee cabashada ka muujiyay. Waxa uu sida oo kale ku kaftamay in ay iska jelaysteen kuraasta golaha guuritda isla markaasna ay waayeen shacab ka kaca yidhaahda, guddoomiye Saleebaan ayaa sidan u sheegay tilifishanka Sahan oo waraysi ka qaaday, waxaanu arinta saamiga isaga oo ka hadlaaya uu yidhi” Beelahu haddii ay ka cabanayaan sida wax loo qaybsaday soo dhawaada, golayaal ayaynu leenahay ee golayaasha ha laga hawlgalo, golayaasha ha keeneen laakiin salaadiin,odayaal iyo cuqaal iyo warbaahintu inta badan waxa la gashadaa waxba ma dawayso, waxay aniga iigu muuqataa haddii wax la dawaynaayo golahan iyo madaxweynaha iyo dadka waxgaradkaa halaga hawlgalo golayaasha ha timaado haddii ay gar leeyihiina waa in gartooda la maqlaa, hadal ma laha, qarankani waxa uu ku dhisanyahay reero haddii qaar wax tabanayaan tabashadooda hala daweeyo.” Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlaaya kuraasta ay ku raageen oo wax laga waydiiyay waxa uu yidhi“ isbadal inuu marwalba jiro waa waajib qaran, golahaasi wakiiladuna waa shantii sanoba mar kana waa lixdii sanoba mar in la qabtaa waa waajib ina wada saaran waxaad hadda moodaa anaguna inaanu kuraasta iska sii jeclaysanay dadweynana aanu karkabad nagu ahayn ileen waa ay odhan lahaayeen waar kuraasta noo baneeyee, waxase ka horeeeya in shuruucdii lagu gali lahaa doorashooyinkan la dhamays tiro.” Source
  9. Kampala (Caasimada Oniline) – Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalada Kampla ayaa sheegay in ciidanka Uganda ay qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka maqan tahay lacag dhan 14.2 Milyan oo dollerka Mareykanka ah. Wargeyska ayaa shaaciyey in illaa todobo bil aysan wax mushaar ah qaadan ciidamadaasi ka tirsan Milatariga Uganda. Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 2,450 askari ayaa ka mid ah ciidankii Uganda ee sanadkii la soo dhaafay ka baxay Soomaaliya . Lacagta ciidamadani oo beesha caalamka u mariso Midowga Afrika ayaa loo gudbiyey dowladda Uganda oo la sheegay inay ku shubtay bangiga dhexe ee dalkaasi. Rechard Karemire, afhayeenka ciidanka Uganda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyey in mushaarkaasi maqan yahay, balse ma sheegin sababta. Sodoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay ciidamada inay is dajiyaan, islamarkaana ay dul qaad muujiyaan. Uganda ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waana dalka ugu badan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampla caasimada@live.com
  10. Xulalka dhallinyarada Soomaaliya iyo Eretrie ayaa kulamadooda afaraad ee is arag heer Groupyada ku balasan garoonka kubbadda cagta Asmara. Xulka 15 Jirada Soomaaliya kulankii u dnabeeyay waxa ay natiijo 2-0 kaga badiyeen dhigooda Sudan waxaana ciyaartaa goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir Sheekh iyo Cabdullahi Cumar. Marti geliyaasha tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Eretrie iyagana kulankii u danbeeyay waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xidigaha da’yarta Kenya. “Wiilasheena waa u diyaar kulankan waxaan kawada sugaynaa in ay guul kusoo qatimaan ciyaarta u danbeesa ee is araga heerka Groupyada” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ah tababare ku xigeenka xulka dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Eritrea Tariikhda-24-08- 2019 Maalinta- Sabti Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku saabsan kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika. Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda dawladda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada waddan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ayna geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda. maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa la filayaa inay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka. Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September. Source
  12. (SLT-Riyadh)-Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Sacuudiga ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland. Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato baasaboorka si ay Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xidhiidhka maalgashi ee dowladda Qatar. Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in kadib markii dawlada qadar ay bilaawday maalgalinta dakadaha dalka, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka. Labada dal ayuu wargaysku tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya. Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dowladda Sacuudiga ay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland ay Casuumaad rasmi ah ay u dirtay islamarkaana uu qeyb-galay xajkii sanadkan. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen. Baasaboorka Somaliland taasoo dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay aqoonsatay. Source: Dailysabah Source
  13. Cape Town (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dilay agaarka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Khayelitsha oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Oog, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxaa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article
  14. Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha badaha iney soo hordhigaan kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Muqdisho waxaa ay midowga Afrika u sheegtay iney kalsooni xad dhaaf ah ku qabto maxkamadda cadliga adduunka, isla markaana ay ka war sugeyso go’aankeeda. Jawaabtan oo midowga Afrika loo diray 21-kii bishan, wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay in aaney munaasib aheyn in la aqbalo codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda taalo maxkamadda ICJ . Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka gaarista dacwada, isla markaana aaney wax heshiis ah arrintan kala geli-doonin kiiska badda. Maxkamadda ICJ ayaa u fariisan doonta wareegga 2aad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya September 9-13, waxaa lagu qaban doonaa Peace Palace, oo ku yaalo magaalada Hague, Netherlands. Soomaaliya ayaa ku hormari-doonta September 9, halka Kenya la dhageysan doono jawaabaheeda September 11. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT- Cape town)-Kooxo Budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape town ee dalkaas waxaa ay ku dileen nin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka gacansiga ku leh halkaas. Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka ninkan Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town, iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jidhkiisa. Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Oog ,isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika. Kooxihii dhagar-qabayaasha ahaa ee fuliyay dilka Cabdifitaax Oog ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrka ,iyagoo sameeyay baadhitaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin. Source
  16. Hargaysa(SL-): Wasiirka Deegaanka Somaliland OO Shahaado Sharaf Ku Saamuustay Muwaadin Aamina Faarax Caarshe OO Door Weyne Ka Qaadatay Maalgalinta Dalka Source
  17. The Kenyan government on Friday congratulated Somalia’s Jubbaland federal-state President Ahmed Mohammed Madobe on his re-election. Kenya also endorsed Madobe who has been at loggerheads with Mogadishu. A statement from the Foreign Ministry indicated Kenya was satisfied with the electoral process and thanked members of the local Legislative Assembly for conducting a peaceful poll. PEACEFUL POLLS “Kenya shares with the great people of Jubbaland the joy of the peaceful electoral process, a demonstration of a strong and unwavering will of the people to determine their governance and guarantee their security and political stability, even in the face of extreme pressure,” it said. “Kenya remains ready, as always, to support in line with our fundamental policy of forging good neighborliness and pursue sustainable regional peace and stability.” Sheikh Madobe, as he is commonly known, beat his challengers, winning by the requisite two-thirds majority in the first round, scoring 56 votes out of the 74 casts by MPs. In the polls, Madobe beat the closest challenger, Ms Anab Mohamed Dahir, the only female contestant, who got 17 votes in the polls that saw Mr Mohamed Mohamud Omar get one vote. Shortly after the vote held in the Port city of Kismayu, the former leader of the Ras Kamboni Brigade was quickly sworn in for the second term of four years. UNDUE PRESSURE It was followed by congratulatory messages from ex-Somali Presidents Hassan Sheikh Mohamud and Sharif Sheikh Ahmed, Puntland state President Said Abdullahi Dani, former Galmudug State President Abdikarim Gulleid and Deputy Speaker of Somali Senate Abdshir Ahmad, who commended the peaceful polls. Both ex-presidents Mohamud and Ahmed were initial opponents of Madobe nearly six years ago when he set out to create the first Jubbaland government. But the Somali federal government disavowed the polls as ‘self-appointed.’ A statement from the federal ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation called for the polls to be repeated. Nairobi which had, during the electioneering period in Jubbaland, criticised the UN for imposing undue pressure on the local electoral agency, called on both Jubbaland and the federal government of Somalia to iron out their differences. CIVIC GROUPS It commended local Speaker Abdi Mohamed Abdirahman, the elders and local civic groups for “demonstrating that peaceful and credible elections can indeed be held in Somalia.” Jubbaland, one of the five federal states in Somalia (the sixth, Somaliland has demanded total independence) is the closest to Kenya and has strategically been seen as a buffer against al-Shabaab. Madobe, a former leader of the Ras Kamboni Brigade allied with the Kenya Defence Forces to defeat Shabaab in Kismayu in 2012. The Kenyan forces subsequently re-hatted to the African Mission in Somalia where they operate in Sector II and VI in Jubbaland region. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Michael Rubin oo aqoon-yahan ka tirsan machadka American Enterprise Institute, isla markaana ka tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalkaas, ayaa Maraykanka u soo jeediyey in la joogo xiligii saxda ahaa ee Maraykanku qunsuliyad ka furan lahaa Somaliland isla markaana ku yeelan lahaa xafiis diblomaasiyadeed oo la mid ah kuwa uu ku leeyahay Kurdiyiinta Ciraaq iyo Taiwan. Michael Rubin wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu maanta ku daabacay Wargeyska Washington Examiner oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu nacasnimo ku tilmaamay go’aanka Dawladda Maraykanku ay fiisihii ugu diiday gabadha ay isku lammaan yihiin Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo la yidhaahdo Mrs. Carrie Symonds oo u dhalatay UK, taasi oo dal-ku-galkii Maraykanka loogu diiday inay booqatay sannadkii hore Jamhuuriyadda Somaliland. Michael Rubin wuxuu sheegay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray isla markaana ay aqoonsadeen dawladaha waaweyni ee adduunka, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray. Rubin wuxuu sheegay in Somaliland ay hirgelisay dawladnimo dimuqraadi ah oo shaqeynaysa, waxaanu tilmaamay inay Somaliland xukunto dhul masaafadiisu dhan tahay 50 kun oo Mayl oo laba jibaaran, halka dawladda Muqdisho oo Maraykanku bilaayiin doolar geliyeyna ay ka taliso 50kun oo tallaabo. Khabiirku wuxuu sheegay in haweenayda ay rafiiqa yihiin Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska ay ku tagtay Sannadkii hore Somaliland, iyadoo ay weheliso gabadha reer Somaliland ee u ololaysa cidhibtirka gudniinka fircooniga, waxaanay booqdeen cisbitaalka Edna Aadan oo ahaan jirtay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland. Aqoon yahan Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey inay Somaliland hoggaaminayso wax ka qabashada arrimaha deegaanka dabiiciga ah ee mandaqada oo ay si adag dagaal ugula jirto xakameynta dhuxulaysiga iyo ka ganacsiga duurjoogta, waxaanuy iftiimiyey in dugsiga Abaarso ee magaalada Hargeysa ay ardaydii ka soo baxday wax ka bartaan jaamacadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Khabiirku wuxuu ku booriyey inay dawladda Maraykanka si isku mid u taakulayso dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanu ku dooday inay Somaliland tahay dal xasiloon oo soo jiidanaya shirkadaha caalamiga ah sida shirkadda Coca Cola oo ganacsi ku leh. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey inay Somaliland tahay meel aanay Cagta saarin Madaxweyne Soomaaliya ka socdaa muddo tobannaan sanno ah, waxaanu qiray inay Somaliland tahay dal ka duwan Soomaaliya sida ay u kala duwan yihiin Shiinaha iyo Taywaan oo kale, waxaanu kula taliyey Maraykanka inay ka qaadaan Somaliland xanibaadaha Socdaalka. Cumar Maxamed Faarax Source
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku aadanaa kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika. Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada wadan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in aysan geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda. Dowladda Kenya ayaa horay ugu guul dareysatay tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo ay qaaday, si ay cadaadis ugu saarto inay ka laabato kiiskaasi. ICJ ayaa la filayaa in ay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka. Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  20. (SLT-Yemen)-Milatariga Yemen ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanada ay ku sugnaayeen maleeshiyada mucaaradka oo ku yaala deegaanada koonfureed kadib dagaal xoogan oo ka dhacay Halkaasi. Dagaalkan ayaa waxaa uu dhexmaray ciidanka amniga Yemen oo taageero ka helaya milatariga Imaaraadka oo ka mid ah isbaheysiga Sacuudiga. Meelaha uu dagaalka ugu xoogan ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah magaalada Ataq oo caasimada u ah gobolka hodanka ku ah saliida ee Shabwa. Wasiirka gaadiidka Yemen Saleh al-Gabwani ayaa xaqiijiyay in milatariga Yemen ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Source
  21. (SLT-Jabuuti)-Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday in uu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya. War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti inay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya ayna ku jirin. Kenya ayaa toddobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka. Hase ahaatee Jabuuti ayaa sheegtay in ayna ka rajo dhigin ololaha ay kursigaas uga jirto, isla markaana ay taageero ka raadsan doonto dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka. Dalalka ka midka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 57 dowladood, waxayna taas ay ka caawin kartaa in dowladda Jabuuti ay ku guuleysato Kursigan, marka la gaadho codeynta Qaramada Midoobey oo dhammaan dalalka xubinta ka ah ay si kama dambeys ah ay ugu coddeyn doonaan kursiga ay ku tartamayaan Jabuuti iyo Kenya. Source
  22. (SLT- Tunisia)-Ciidanka Booliska Tunisia ayaa xabsiga dhigay siyaasi u taagan xilka madaxtinimo ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nabil Karoui, kaasi oo sidoo kale leh milkiyada Tv- maxali ah oo ku yaal Dalkaasi. Siyaasigan oo 56 sanno jir ah ayaa diyaar garow xooggan ugu jiray in uu u loolamo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa bisha September. Tunisia ayaa u diyaar garoobeysa doorasho kadib geeridii bishii hore ku timid madaxweynihii sida dimuquraadiga ah loo soo doortay ee Beji Caid Essebsi. Mr Karoui ayaa waxaa loo maxkamadeeyay bishii Jully danbi la xidhiidha maydhista lacagta madow si uu ugu adeegsado ololihiisa Doorashada. Howlgalka lagu qabtay Nabil ayaa waxaa ka qeyb qaatay 15 gaadhi oo ay wateen ciidanka booliska gaarka ah jimcihii shalay. Idaacada maxali ah oo ku taal magaalada Tunis oo lagu magacaabo Mosaique ayaa tabisay in xadhigan Nabil iyo walaalkiis Ghazi ay soo amartay wasaarada Amniga Source
  23. (SLT-Malta)-Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan. Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan. Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan. Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen. Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii. Dadka burcadka ee dadka tahriibiya ayaa weli sii wada howlahooda tahriibinta oo ay sida weyn ugu macaashaan tahriibayaasha qaaradda Afrika ka soo jeeda ee doonaya iney Yurub gaaraan. Dalka Liibiya ayaana waddanka ay dadkaasi marin ahaan u adeegsadaan balse waa dal rabshado iyo qalalaasyo colaadeed ay hareeyeen. Muhaajiriin badan ayaa xerooyinka ay magafayaasha ku hayaan kala kulmo gaaja, macluul iyo nafaqa darro iyaga oo xeebaha Liibiya ka soo raaca doomo tayadooda aad u liito oo aan nafta lagu biimeyn karin. Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, iyo Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa gacanta ku haya markab badda ka howlgala oo dadka muhaajiriinta ah badda looga soo badbaadiyo. Faransiiaka ayaa wuxuu oggolaaday inuu qaabilo 150 qof, halka Portugal ay qaabileyso 35 qof. Balse waddamada kale tirada dadka ay qaabilayaan ma aysan sheegin. Madaxa arrimaha dadka muhaajiriinta ee Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa sheegay in mudda ahba uu socday wada xaajood ku saabsan sidi ay dadkaasi qoxootiga ah u qaabili lahaayeen Malta iyo lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub. Talaadadi ku dhawaad 100 muhaajiriin ah oo ku sugnaa markaba badda taagnaa 19 cisho ayaa loo diiday inuu ku soo xirto jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga. Waxaana dadkaasi iney qaabilaan oggolaaday shan dal oo midowga Yurub ka tirsan oo keli ah. Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa markabka muhaajiriinta badda ka soo badbaadiyey ugu baaqay inuu ku soo xiran Talyaaniga. Iyada oo hadalkiisaasi uu ka dhashay kacdoon siyaasadeed oo ugu dambeynta sababay inuu xisbigiisa uu ku waayo heshiiski xulafanimo uu la galay xisbiga populist Five Star. Mr Salvini wuxuu boggiisa tweetarka uu ku soo qoray: “Sida aan horayba u ballaan qaaday uma oggolaan doono dadka muhaajiriinta ee ku sugan markabka Ocean Viking inuu Talyaaniga ku soo xirto. Wax walbana waxaan ka horreysiineynaa ammaanka muwaaddiniinta Talyaaniga!” Wuxuu sida oo kale waddamada ay saaxibbada yihiin ee Yurub uu ku eedeeyey iney doonayaan Talyaaniga iney galiyaan khatar ah inuu noqdo “Xerada qoxootiga Yurub”. Iskuduwaha hay’adda MSF Jay Berger, oo ku sugan markabka Ocean Viking dushiisa wuxuu sheegay inuu dhammaaday “dulqaadki dheeraa ee la sugayey” Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegya seddex meelood meel iney muhaajiriintaasi ka soo jeedaan Suudaan, halka inta kalana ay ka soo jeedaan Galbeedka Afrika. 100 ka mid ah dadkaasi da’dooda waxay ka hooseysa 18 jir. Xigasho: BBC Somali Source
  24. (SLT-Tanzania)-Laamaha amniga Tanzania ayaa xabsiga dhigay saxafi lagu eedeeyay in uu gudbiyay warar been abuur ah oo ku aadanaa in uu tabiyay xadgudub lagu eedeeyay ciidanka Booliska. Joseph Gandye, oo ka shaqeeya Tv maxali ah oo lagu magacaabo Watetezi ayaa la xabsiga lagu xidhay magaalo madaxda Dar es Salaam. Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jones Sendodo, ayaa sheegay in wariyahaan loo gudbiyay xabsi ku yaal degmada Iringa ee dhacda koonfurta Tanzania. Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha dalkaasi ayaa waxay sheegtay in Gandye xadhigiisa uu yimid kadib markii macluumaad la xidhiidha xadgudubyo ay geesteen Booliska uu tabiyay 9-kii bishan August. Source