-
Content Count
213,186 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay bogaadisay guusha ay dowladda Kenya ka gaartay kursigii Qaramada Midoobe, kadib codeyn shalay uu qaaday ururka Midowga Afrika oo ka dhacday xaruntiisa magaalada Addis-Ababa. Dowladda Kenya ayaa waxa ay kaga adkaatay kursigan dowlada Jabuuti oo ay ku loolameen, iyada oo heshay 37-cod, halka Jabuuti ay ka heshay 13-cod. Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Hadaba, Wakiilka Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil ayaa guusha Kenya ay ka gaartay loolankaasi adag ee ay kula jirtay Jabuuti ugu hambalyeey. Baashe Cawil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuu ku yiri “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council ka”. Guushan Kenya ayaa dhabar-jab weyn ku ah Soomaaliya, iyada oo Kenya ay kursigan uga faa’iideysan karto inay abaabusho olole ka dhan ah Soomaaliya, si kiiska maxkamadda ee badda looga laabto, iyada oo taageero ka helaysa dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
LOS ANGELES (AP) — The relationship between a Japanese woman and a U.S. Army captain stationed in Syria started online, through an international social network for digital pen pals. It grew into an internet romance over 10 months of daily emails. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha Jubbaland ee maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Yusuf Garaad ayaa si dadban u sheegay in baaqyada ka soo baxaya beesha caalamka ee ku aadan doorashada Jubbaland ay yihiin kuwo dabada ka riixeyso DF Somalia, isla markaana ugu awood sheeganayso doorashada ay raalida ka aheyn ee maanta ka qabsoomeysa Kismaayo. Yuusuf ayaa sidoo kale waxa uu su’aal galiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyadu iska hagratay ka qeyb-galida doorashadaasi oo aysan goob joog ka noqon karin. Hoose ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay: “Doorashada Jubaland ee Kismaayo ka socota, Xukuumadda Federaalka ee Somalia lagama talo gelin. Raalli kama aha mana joojin karto. Xataa waxba kama beddeli karto, goob joogna kama noqon karto. Ajnabiga nagu milan kuma faraxsani, raallina kama ihi. Waxaanse ogahay in ajnabi kaalin yeesho marka Soomaali is haysaa ay cudud bidaan. Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye, oo danteeda ilaashaneysa, asaga oo dabcan wax uga beddelanaya. Midka kalena uu helo dal, isaga oo dantiisa ilaashanaya, diyaar u ah in uu ka daafaco dhinaca ay is hayaan. Taas oo wiiqeysa Qarannimada Soomaaliya. Markaa iigu kaadi ajnebiga oo ragaadka nagu fogeyn kara laakiin aan na muquunin kari doonin. Marka aad si deggan u qiimeyso sida ay Dowladdu ula dhaqantay Dowlad Goboleed kasta oo ay gacanteedu gaarto, ma jirtaa cid ay eersan karto mise iyadaa kobtatadan is dhigtay?”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa shalay ilaa xalay ka socday mudaharaado lagaga soo horjeeday Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Dibad-baxayaashan ayaa ka dhashay kadib markii shacabku ka caroodeen dil saddex habeen ka hore ay Ciidamada Somaliland u geysteen labo ruux oo shacab ah, kuna noola magaaladaasi. Sida ay Caasimada Online ogaatay meydadka dadkii dilka u geysteen ciidamada Somaliland ayaa weli la aasin, taasi oo qoysaskoodi ku dalbanayaan in cadaalada la hor-geeyo askartii dishay marxuumintaasi. Mudaharaadkan magaalada Laascaanood ka socday 48-saac ee u dambeeyay ayaa waxay ciidamadu ku dhaawaceen 4-ruux, kadib markii ay isku dayeen inay rasaas ku kala eryaan dadkii mudahaaradayey. Dhawaan unbey aheyd markii ciidamada Somaliland ay gudaha magaalada Laascaanood ay ka bilaabeen olole gudaha magaalada lagaga qab-qabanayo dadka hubka sharci darada ah ku dhex sita magaaladaasi, taasi oo la aaminsanyahay in howl-galkaasi ay ciidamadu ku dileen dadkaasi shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Onilne) – Saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa go’aan adag ka qaatay odayaashii dhowaan ay cafiska u fidisay Al-Shabaab, waxaana ay u diideen inay dib ugu soo laabtaan deegaanada maamulkaasi. Illaa 24 oday ayaa la sheegay in haatan ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Maamulka magaalada ayaa la sheegay inuu odayaashaasi u diiday in ay soo galaan Beledxaawo, kadib markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab. Diiriye Salaad Raagow oo ka mid ah ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in ammaankooda dartiis ay u aadeen deegaanada Al-Shabaab, balse loo diiday in ay ku soo laabtaan guryahooda. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda Jubbaland iyo kuwa dowladda dhexe in ay soo farageliyaan arrintaasi. 15-kii bishii hore ee July ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ka dhan ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Soomaaliya, waxaana markaasi kadib deegaanadooda tegay odayaal badan oo iska soo iska diiwaangeliyey halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa suuqa siyaasadda iyo goobaha lagu rogrogo siyaasada Puntland Waxaa aad loogu hadal hayey dagaalo siyaasadeed iyo kuwo joogto ah oo ay madaxtooyada Puntland ku haysay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Puntland, hadaba maxay tahay sababta keentay in Gudoomiyaha golaha Wakiilada lagu soo qaado weerar siyaasadeed? Tan iyo Markii Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland loo doortay Mudane, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) waxaa si wayn u muuqatay in golaha Wakiilada Puntland ay gudanayaan waajibaadkooda tastuuriga ah islamarkaasna waxaa meesha ka baxday isku dhexmilnaantii madaxtooyada iyo Baarlamaanka waxaana muuqatay in golaha Baarlamaanku uu Kal-fadhigii 44-aad ee dhawaan soo xirmay uu la yimid ajandeyaal cadcad oo uu kula xisaabtamayo hay’adaha dawlada gaar ahaana golaha wasiirada iyo Garsoorka. Baarlamaanka ayaa Kalfadhigoodii ugu dambeeyey kaga dooday ajendayaal kaladuwan oo quseeya isla xisaabtanka Golaha wasiirada gaar ahaana habka maamulka Maaliyada waxaana goluhu uu gudi u saaray Maaliyada iyo dhaqaalaha Puntland gudigaas oo golaha horkeenay warbixin ku saabsan xaalada dhaqaale ee Puntland, sidookalena isla xisaabtan dheer kadib waxaa golaha wakiiladu isku raacay in aan la meelmarin xisaabxirkii Maaliyada ee sanadkii hore. Dhanka kale waxaa Gudoonka Cabdixakiim Dhoobo uu ku guulaystay inuu wax ka badalo gudiyadii baarlamaanka Puntland oo awal ahaa magac-uyaal iska dhisan balse aanan shaqo qaban islamarkaasna qaarkood mudo dheer iska jireen, taasi waxay keentay in ajendayasha Golaha Wakiiladu ay noqdaan kuwo la dardargeliyo islamarkaasna waxaa goluhu uu si wayn uga dooday difaaca gobolada maqan ee Puntland, tayeynta hay’adaha Garsoorka, hormarinta nidaamka maaliyada, la dagaalanka Musuqmaasuqa, hormarinta waxbarashada iyo tayeynta caafimaadka. Dhamaan arimahaas ayaa golaha wakiilada Puntland ee imika jira ka dhigay mid aanan fadhiid ahayn islamarkaasna aanan madaxtooyada looga soo yeerin habka maamulka golaha sidii horey u dhici jirtay waxaana ay taasi kaliftay in Madaxweynaha Puntland iyo raga ugu dhow dhanka taladu ay dhibsadaan shaqada Baarlmaanka ayna abaabulaan Mooshino iyo Dacaayado ka dhan ah hogaanka golaha Wakiilada. W/Q: Sheekh Caano Geel xadeedxaysimo@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka. Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in madaxda warbaahinta Qaranka ay lacago laaluush ah weydiistaan guddiga Doorashooyinka marka ay codsadaan in wararkooda lagu baahiyo warbaahinta Qaranka sida SNTV iyo Radio Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegtay Kulanka oo looga hadlayay “Siyaasadda loo dhan yahay” ee arbacadii, oo ay ka qeyb galayeen inta badan Golaha Wasiirrada, waxa ayna raacisay dhowr jeer la joojiyay wararkooda maadaama aysan lacag u waayeen. Xaliimo Yareey oo arrintaan ku dheeraatay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in si degdeg ah wax looga qabto, lalana xisaabtamo madaxda wasaaradda oo ay sheegtay in ay warbaahinta Qaranka u bedeleen sidii shirkad gaar loo leeyahay. Warbaahinta Qaranka ayaa baahinta wararka munaasabadaha dowladda ka qaata lacago u dhaxeeya $150 ilaa $300 (Boqol iyo konton doolar ilaasaddex boqol oo doollar), halka baahinta tooska ah ee munaasabadaha (Live)-ka ay ka qaataan $2,000 – $3,000 (laba kun ilaa saddex kun oo Doollar). Madaxweyne Farmaajo oo aad u daneeya warbaahinta ayaan ku qanasaneyn sida ay u shaqeyso Warbaahinta Qaranka iyo hoos u dhaca ku yimid, isaga oo markii la doortay ka joojiyay xayeysiiska ganacsiga oo ay madaxda wasaaraddu lacaga badan ka sameyn jireen, balse taa bedelkeeda ay ku bedaleen iibinta wararka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-22082019.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Former MP Omar Mohamud Mohamed Filish has been appointed as the new mayor of Mogadishu and Banaadir Regional Governor to replace immediate former office holder Abdirahman Omar Osman Yarisow who died early this month following a terror attack in his office. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waafaqday xukunkii maxkamaddaha derejada 1aad iyo rafcaanka ee gobolka Nugaal ay ku rideen saddex eedaysane oo loo haystey kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Kiiskaan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa ugu dambayn maxkamadda sare ee Puntland shaacisay inay waafaqday go’aamada maxkamadihii ka horeeyey ayna xukun dil ah ku riddey saddexda nin ee kala ahaa. 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame Haddaba qaab noocee ah ayey u dhacday dooddii ugu dambaysay ee dhex martay qareenada u doodaya raggaan iyo xeer ilaalinta Puntland, go’aamadii ka soo baxay maxkamadda iyo codsiyadii ay gudbisteen ragga la xukumay. DAAWO Kiiskaan oo horay loogu soo qabtay 10 eedaysane ayaa waxaa horay looga sii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah oo la xiriira kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas. PUNTLANDPOST The post Qaab noocee ah ayuu u dhacay xukunkii Caasha Ilyaas iyo codsiyadii xukumanayaasha. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa fahamsaneen sababta xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uga qayb galeen doorashada garab kamid ah xoogaga isku haaya hogaanka maamulka Jubaland ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Xildhibaanada doorashada ka qaybgalay marka 1-aad waa mucaarad xasanaad leh oo faa’idooyin badan u arka cid kasta oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyagoo ka eegaya danaha gaarka ah ee xisbiyada markii la gaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/21-ka. Marka 2-aadna waxay wakiilo ka yihiin laba xisbi siyaasadeed oo hami wayn ka qaba in ay wacdaro ka dhigaan Soomaaliya waqtiga kala-guurka ah maadaama Jubaland ay kamid tahay maamulada saameynta culus ku leh doorashada Soomaaliya sanadka 2020/21. Waxay ka kala socdaan xisbiyada ay kala hogaamiyaan madaxweynayaasha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana xildhibaanada gaaray Kismaayo ee 2-da gole ay xaqiijisay Caasimada Online in ay ka tirsan 2-daas xisbi siyaasadeed halka qaar kalane ay yihiin xildhibaano degaanka laga soo doortay oo doonaya in ay kursigooda ku soo laabtaan doorashada soo socoto ee Soomaaliya. Tusaale xildhibaan Axmed Macalim Fiqi, waa xoghayaha xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid uu yahay xubnaha ugu sarreeya xisbiga Himilo Qaran iyo aas-aasayaasha xisbigaasi. Waxay 2-da xisbi heestaan balanqaadyo ah in ay taageero wayn ka heli doonaan Jubaland markii lagaaro doorashada Soomaaliya halka xildhibaanada kale ay doonayaan in ay difaacdaan kursigooda waqtiga kala-guurka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Shabakada Somali Elections aya soo saartay doorasho nooca online ka taasoo lagu aruurinayo aragtida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 ama horraanta sanadka 2021. Shabakada Somali Elections aya loo soo sameeyay xog uruurin si loo ogaado musharaxa ugu shaqsiyadda badan oo ay rabaan in shacabka in uu noqdo hoggaanka doorashada soo socota. Usbuucii hore ayaa shabakada waxa ay cod online ah u qaaday shacabka Jubbaland waxaana ku guuleystay 63% codadka ay qaaday Somali Elections Musharax Axmed Madoobe oo helay 63%. Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo aya xildhibaanada Jubbaland aya waxa musharax Axmed Madoobe uu helay 73% codadka doorashada xubnaha baarlabaanka Jubbaland. Haddaba shabakada Somali Elections ayaa usbuucan waxa ay cod u qaadeysaa afar ka mid ah musharaxiinta lagu wado in ay u tartamaan kursiga Madaxweynaha doorashada soo socoto. Haddaba codkaada halkan ka dhiibo (Riix oo Codee)
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War kasoo saartay Kismaayo ayaa cadeysay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee labada madaxweyne lagu kala doortay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn dhammaan natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay. Wasaaradda ayaa labada madaxweyne ee maanta lagu doortay Kismaayo, oo ka ah Axmed Madoobe iyo Cabsirashiid Xidig, waxay ayada oo aan magacaabin, doorashadooda ugu yeertay “is-caleemo saar.” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has appointed Omar Mohamud Mohamed alias Filish as the new mayor of Mogadishu as well as the governor of Banadir region on Thursday. President Farmajo called upon the new mayor to embark on the completion of pending projects initiated by the late mayor, Abdirahman Omar Osman who was killed in an al-Shabaab attack in his office. ”Considering the need for a new mayor for the city and governor of Banadir region, I have appointed Omar Mohamud Mohamed (Filish) for the position.” the letter from the presidential office said. View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markii Seddaxaad loo doortay inuu Jubbaland hoggaamiyo Afarta sano ee soo socota. Xisbiga ayaa bogaadiyey shacabka iyo madaxda Jubbaland oo uu sheegay inay si nabad galiyo ah ugu soo dhamaatay doorashadii xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee maanta dhacday, waxuuna sheegay Xisbiga Wadajir inuu u rajeynayo guul iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed Madaxweynaha cusub iyo golayaashiisa. Xisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa ku dhaliilay dowladda federaalka oo uu sheegay inay ku howlantahay bur-burinta nidaamka federaalka, waxuuna sheegay inay dooneyso nidaam xarun dhexe ka talis ah. Sidoo kale waxuu sheegay Xisbigu inay lama huraan tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah, si ay iskaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale, dhinacyada diyaarinta doorashada 2020/21, dhismaha ciidan qaran oo AMISOM kala wareega amaanka dalka, deyn cafinta iyo qabyo tirka Dastuurka dalka. Ugu dambayntii Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com