-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkada Telesom iyo Adeeggeeda Zaad ” Zaad Waa Adeeg lagu Barto Soomaaliland” Shirkadda telesom waxa ay ka mid tahay Shirkadaha Kaalinta Hore kaga jira Qaaradda Afrika gaar ahaan adeegyadda Casriga ee la jaanqaadaya Technologiyadda iyo Horumarka caalamka. Ilaa iyo 2009 kii wakhtigii la aas-aasay Adeeggan kolba waxa sii kordhayay bulshada isticmaasha iyo adeegyadda horumarineed ee ay markasta ku kordhinayaan, iyadoo ay ka shaqeeyaan shaqaale tababaran oo lafdhabar u ah shaqada ay qabanayaan. Marka la soo hadal qaado Mobile money Transfer ama adeega lacag dirista ee Moobilka , waxa Afrika iyo caalamkaba markiiba tusaale u Noqda Shirkadda Telesom oo marka la tilmaamayo la Dhaho Waddan yar oo ku dhex taalla soomaaliya oo tiradoodu tahay 4.5 milyan ayaa adeegan horumariyey oo si fiican u isticmaala, Bilgate oo ah milyan Neer u dhashay Ameerica oo u qudbadayna Malaayiin Hindiya jooga ayaa tusaale nool u soo qaatay horumarka ay reer soomaalilaan ka sammeeyeen Adeegga Zaad isagoo ku dhiirrigaliyey innay Somaliland ku daydaan. Shirkadda Telesom magac iyo tusaale horumarineed ayay u tahay Soomaaliland waanna mid u baahan in lagu bogaadiyo, qolo Ajaaniba oo la cadibnaa Shaqadda ay hayaan ayaan ka caawiyey innay sammeystaan Adeegga Zaad taasina waxay sababtay in ay maaliyaddii shaqo ee ay hayeen ku shubaan ka dibna u isticmaalaan hawlahoodii shaqo, Dhawr bilood oo aan arkay ayaan waydiiyey Ka wataa adeegii Zaad ku ye Wallee Waa Super!. Waxqabadka iyo baahida uu daboolay adeeganni maaha mid aynu qoraal kaga geyoon doonno marka faa’iidooyinkiisa bulsheed la tilmaamo na waxa ka mida shaqo abuurka ay helleen ardaydii jaamacadaha ka soo baxday. Shirkada Telesom waxay ku guulleysatay Addeega zaad iyo hirgalintiisaba iyadoo u maamusha hab casri ah oo amaan ah kaas oo aad si dhibyar xisaabtaadda ugu xidhaysid Adeeggan, halkii markii hore aad ku dawakhaysay Invoice kaa lumay ama aad ilawday se haddii imika aad isticmaashid adeeggan xagga xisaabta wax badan ayuu kaa caawinayaa. Shirkadda Telesom haddii Abaalgud la siinnayo waxbadan ayay u qalantaa haddii dawladdu siinnayso Abaal marin iyo dhiirrigalinba waanna mid looga fadhiyo, Anigu waxaaban odhan lahaa Fooqa dheer ee Khayriyadda Baarkin gaara ha loo siiyo Inta ku dhegsan ee ay dawladdu leedahay iyana meel ku Haboon Madxafka ha dhisto sidaan ka akhristay muwaadiniin aragtidooda dhiibanaya. Adeega Zaad waa Kaydiye, Fuddaydiyo, ilaaliye, xusuusiye, Xafide, Wakhti dhawre iyo Horumar sameeye intaba haddaba ilaalintiisu waa mid ay cidkastaa wakiil ka tahay haddii ay dawlad tahay iyo haddii ay shaqsi tahayba. Waayo waa mid aynu si guud ugu wadda shaqaysano oo aanay shirkaddu wax faa’iido ah ku qabin. Waxaan aaminsan ahay haddii shirkaddu lacag ka dhigi lahayd in faa’iidada maanta ay hayso mid ka badan ay ka helli lahayd xattaa haddii ay boqolaal qofi isticmaalaan. Se imika dadka ayay u naxaysaa oo ay ku daryeelaysaa. Barigii hore waa aynu xusuusanaa sidii aynu ku helli jirnay lacagaha la soo diro iyo dhibtii aynu mari jirnay, qof wayn oo masuulla oo la leeyahay kuma garanayno ee cid ku garanaysa soo kaxayso si laguu siiyo lacagtii laguu soo diray, Maantana adigoo gurigaaga jooga ayay soo dhacaysaa wixii aad Yurub iyo caalamkaba uga baahatid, markaa caalamkaynu la haysanaa oo waliba aynu zaad service dheer nahay taasina waa dedaalkii Telesom. Farhan Mohamed Sultan (Rakad) Farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Berbera. 6.8.2019. Article 400. Qaran News
-
PRESS RELEASE Second Africa Civil Registration and Vital Statistics (CRVS) Day focuses on importance of birth certificate The first CRVS day was observed on the 10th of August 2018 under the theme Promoting Innovative Universal Civil Regis¬tration and Vital Statistics System for Good Governance and Better Lives ADDIS ABABA, Ethiopia, August 9, 2019/ — Africa on Saturday marks the second Civil Registration and Vital Statistics Day under the theme Birth Certificate for All: Fundamental for Protecting Human Rights and Promoting Inclusion, based on the recognition that the right to birth registration, especially to a birth certificate is a fundamental means of safeguarding a person’s rights for the entirety of their life. The fourth Conference of Ministers held in December 2017 in Nouakchott, Mauritania, declared August 10 as the African Civil Registration and Vital Statistics Day and advised member States to observe the day to reaffirm their commitment to putting in place effective registration systems. The first CRVS day was observed on the 10th of August 2018 under the theme Promoting Innovative Universal Civil Registration and Vital Statistics System for Good Governance and Better Lives. Oliver Chinganya, Director of the Economic Commission for Africa’s (ECA) African Center for Statistics, says civil registration and vital statistics system is essential for the modern administrative system and good governance, protecting human rights and creating inclusive societies. Mr. Chinganya, who is also Acting Director for the Technology, Climate Change and Natural Resource Management Division at the ECA, said the CRVS Day helps to improve public awareness of the importance of making everyone visible in Africa through universal birth registration and certification. “Civil registration increases the credibility of national and local administrators and enhances their capacity to deliver social services by helping to identify what services are needed, where and by whom,” he said. The ECA Director said the 2030 global agenda for sustainable development is rooted in universal rights and inclusive development driven by the key principle of leaving no one behind. Emphasis on inclusive development of the SDGs is embodied in target 16.9 which states the need for countries to “provide legal identity for all, including birth registration, by 2030”. “This has also been recognized by the African Union’s Agenda 2063; The Africa We Want, which echoes inclusiveness as a prerequisite to the continent’s growth and development,” said Mr. Chinganya. “Unfortunately, in Africa the demand for registration services remains weak because many people have no adequate awareness about the importance of civil registration for them and their families and the implications that this has for improving access to core government services.” He said it was also important to note that a well-functioning CRVS is important for effective implementation of universal and inclusive development, and for monitoring of progress towards national and international development targets such as the SDGs and Agenda 2063. “Universal birth registration provides every child with a birth certificate, an essential legal document required to secure basic human rights to name, identity and nationality. A birth certificate is the basic legal document for securing recognition of individuals before the law and safeguarding their human rights and access to basic social services,” he said in explaining why the theme, Birth Certificate for All: Fundamental for Protecting Human Rights and Promoting Inclusion, was important. More than half of Africa’s children are not registered at birth, which renders most of the continent’s poor unseen, uncounted and excluded, and by extension affecting their ability to enjoy universal human rights. A birth certificate, as a legal document and proof of age, helps to prevent violations of rights of a child, including child marriage, trafficking, child labour and the use of child soldiers, particularly among vulnerable and marginalized populations, said Mr. Chinganya. Birth certificates also facilitate access to school, health services and social protection benefits, which reduces vulnerability of children to poverty and risk of exploitation, he added. “Registration of birth is a key event of civil registration in the life cycle, it is a human right and promotes inclusion,” the Director said. According to estimates, over 500 million people in Africa do not have identity cards. Of this number, around 120 million are children who do not have birth certificates. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). Qaran News
-
Xaflad lagu soo dhaweynayey wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka koofur afrika. Xaflada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town waxaana xafalada ka hadlaay qaar ka mida jaalidda Soomaaliyeed ee Cape Town,iyagoo u jeediyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa hadalo isugu jira talooyin iyo guubaabin. Safiirka Soomaaliya ee koofur Afrika Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay xafladda ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warmaya xaladda guud ee Soomaalida kunool dalkaasi,isalamarkaan halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ayaa uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen wafdigaasi. Wuxuu kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay in guulaha la gaaray. Wafdiga guddoomiyaah Golaha Shacabka ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeybgalay shirkii Baarlamaanada Afrika,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan qoxootigaiyo Barakacayaasha iyo duruufaha kajira dalka,maadaama shirka uu guud ahaan quseeyay. Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE UK aid to help hundreds of thousands of Zimbabweans on the brink of starvation Hundreds of thousands of Zimbabweans will receive life-saving access to food and water thanks to UK aid as the country faces a potentially catastrophic famine LONDON, United Kingdom, August 9, 2019/ — UK aid to help hundreds of thousands of Zimbabweans on the brink of starvation Zimbabwe is facing a chronic food crisis and without support more than 5.5 million people will not have access to the food they need by 2020 International Development Secretary Alok Sharma announces UK aid support to help malnourished children, families and communities following a UN appeal He also urges Government of Zimbabwe to act on its promise to deliver fundamental political and economic reforms Hundreds of thousands of Zimbabweans will receive life-saving access to food and water thanks to UK aid as the country faces a potentially catastrophic famine. International Development Secretary Alok Sharma today (Friday 9 August) announced £49 million of UK aid. This will be given to trusted partners to help malnourished children, families and communities following a UN Zimbabwe appeal. He also urged the Zimbabwean Government to act on its promise to deliver fundamental political and economic reforms. International Development Secretary Alok Sharma said: “The Government of Zimbabwe must do more to deliver the promised fundamental political and economic reforms and take responsibility for the humanitarian crisis affecting its people. “The UK stands with the people of Zimbabwe at a time when millions are at risk of starvation and disease. Through trusted partners we will continue to give families access to food and clean water, and support children to gain a decent education.” Zimbabwe is facing a chronic food crisis as crops have been devastated by the effects of drought, economic crisis and a powerful cyclone. Without support, more than 5.5 million people in Zimbabwe will not have access to the food they need by 2020. The food crisis is closely linked to the economic challenges in Zimbabwe which has led to high unemployment and high inflation. Having already experienced outbreaks of cholera following the devastation of Cyclone Idai earlier this year, water shortages are also leaving the country more susceptible to further outbreaks as people struggle to find clean sources of drinking water. Distributed by APO Group on behalf of Department for International Development (DFID). SOURCE Department for International Development (DFID) Qaran News
-
Kenya’s coercive diplomacy started early this year when it recalled its Ambassador to Somalia and requested the Somali Ambassador to Kenya to go back to Somalia. Since then it is aggressively engaged in spreading lies against Somalia, repeatedly Source: Hiiraan Online
-
Waxaan halkaan ka dhageysan kartaa sheeko tixane ah oo ka hadlaya iskaashiga dowladda iyo dadweynaha. 150720_012 RIWAAYADA 2 FAQUUQIDA & TAKOORIDA QABIILADA LAGA TIRA BADANYAHAY IYO SAMEYNTA Y NABAD GALYADA KU LEEYIHIIN RIWAAYADA 3 FAQUUQIDA & TAKOORIDA QABIILADA LAGA TIRA BADANYAHAY IYO SAMEYNTA Y NABAD GALYADA KU LEEYIHIIN. RIWAAYADA 4 XADGUDUBKA LOGEYSTO HAWENKA Z0000016 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay Al-Shabaab ka saari doonto guud ahaan dalka, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey isu soo bax loogu duceynayey guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Yariisow. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu socday waqti fog, islamarkaana aysan hadda laheyn awood ay ugu babac dhigi karaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dowladda federaalka ay ka gacan siiyaan adkeynta amniga, si looga hortago weerarada ay geysato Al-Shabaab. “Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” ayuu yiri Madaxweynuhu . Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dalka, waxaana inta badan weeraro iyo qaraxyo ay ka geysataa gudaha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Weerarkii ugu dambeeyey ayaa waxa ay Al-Shabaab ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro duqii Muqdisho Marxuum Injineer Yariisow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Halkaan ku dhageyso aragtida dadweynaha ee ku VOX-POP 1 VOX-POP 2 VOX-POP 3 VOX-POP 4 VOX-POP 5 Source: goobjoog.com
-
Somalia’s federal state Jubbaland will hold elections on August 21. Not everyone will vote, but it appears the poll could affect both Somalis and neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
-
Halkaan Waxaa ka dhageysan kartaa fariimo dadweyne oo bulshada loogu tala galay. PSA1 PSA2 PSA3 PSA4 PSA5 Source: goobjoog.com
-
The Somali government says the recent explosion that fatally injured the mayor of Mogadishu was carried out by a female suicide bomber with special needs who was assisted by a second woman. Source: Hiiraan Online
-
Sawirka ganacsadaha la dilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay dileen ganacsade caana oo lagu magacaabi jiray Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) oo maanta lagu dilay degaan hoostaga magaalada Baydhabo. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id madaxweynaha PUNTLAND POST The post Lafta Gareen oo xaqiijiyay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay dileen ganacsade caana oo maanta Baydhabo lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - The UN and other international partners in Somalia have warned against lack of transparency in the upcoming elections in Jubbaland calling on the Ahmed Madobe administration and the state electoral body to provide clear directions on the heavily contested poll. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay natiijo hrudhac kasoo bandhigay baaritaanka qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, hase yeeshee su’aalo badan oo jawaab u baahnaa ayaa looga tagay. Waxyaabaha aan la shacain balse la xaqiijiyey ayaa waxaa ka mid ah magaca gabadha qaraxa fulisay, oo ah Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee magacaas uu ahaa midka ay u sheegtay dowladda balse magaceeda dhabta ah uu yahay Maryama. Magaca Maryama waxay Caasimada Online shaacisay dhowr maalmood ka hor. Halkan ka aqri. Baaritaan uu sameeyey Galka Baarista VOA, ayaa lagu ogaaday in magaca xarunta gobolka Banaadir looga yaqiin gabadha labaad ee qaraxa fulisay uu ahaa “Deggan”, balse magaceeda dhabta ah uu ahaa Hodan, sida aan xogta ku helnay. Labada gabdhood ayaa magacyo been ah isaga diiwaan geliyey dowladda, si ula kac ah, taasi oo qeyb ka ahayd qorshaha shiqoolkooda oo ay soo dejiyeen Shabaab. Deggan ama Hodan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey codsiga Basiira ama Maryama, oo aragga la’eed, taasi oo sheegtay inay u tahay kaaliye, ama qofka caawinaya maadaama aanay waxba arag. Si kastaba, dowladda ayaa ku fashilantay inay baaris buuxda ku sameyso labada gabdhood, waxaana la rumeysan yahay in loo calool dabcay Maryama, maadaama ay aragga la’eed, taasi oo iyana ay ka faa’iideysatay. Dowladda waxay sheegtay in labada gabdhood ay fasaxyo waqti isku dhow ah qataeen bil ka hor munaasabadihii xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da July, kadibna aadeen xarumaha Al-Shabaab, ayaga oo soo laabtay kadib, si ay uga qeyb-galaan xuska. Waxaa jira tuhun ay qabaan saraakiisha amniga dowladda oo ah, in Maryama ay dooneysay inay beegsato mid ka mid ah munaasabadaha xuska maalmaha xoriyadda, oo uu ka qeyb-galay madaxweynaha, si ay u disho madaxweynaha. Labada munaasabad ayaa ka kala dhacay Villa Somalia iyo xarunta gobolka. Maryama waxay ka qeyb-gashay tii xarunta gobolka, balse weli lama hubo inay tagtay tii Villa Somalia, hase yeeshee uma badna, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in markii ay fasaxa qaadatay horraantii June ay Maryama u sheegtay Injineer Yariisow inay dhaqtar u aadeyso India, wuxuuna siiyey 10,000 oo dollar oo caawimaad ah, hase yeeshee ma aadin India oo waxay tagtay xarumaha Al-Shabaab, si qaraxa loogu soo diyaariyo. Maalinkii qaraxa uu dhacayey, waxay aad u codsatay inay la kulanto Yariisow, si gaar ah, balse waxaa loo sheegay inuu mashquul yahay, waxayna kadib ka qeyb-gashay kulankii ay qarxisay, ayada oo fariisatay meel shan kursi u jirta Yariisow. Maalinkii qaraxa uu dhacayey, Maryama iyo Hodan labada lama baarin, waxaana la sheegay in gabar baarta haweenka ay xilligaas qado ku maqneyd. Ma cadda sababta uusan u jirin qof kale oo baara haweenka, oo buuxiyay booska qofkii maqnaada, haddii uu jirana halka uu ku maqnaa. Maryama ayaa la sheegay inay qaraxa kusoo xirtay jirkeeda, halka Hodan ay wax yar un qaraxa ka hor ka baxday xarunta islamarkiina u safartay xarumaha Al-Shabaab, oo ilaa iyo hadda ay ku sugan tahay. Baaritaanka dowladda weli ma go’aamin in Maryama ay markii hore ee ay dowladda shaqaale ka noqoneysayba ay sidaas u sameysay inay qarax fuliso iyo in kadib ayada oo shaqaale ah ay Al-Shabaab maskax beddeleen, hase yeeshee waxay u badan tahay midda hore. Xogta aan helnay ee ay nala wadaageen saraakiisha amniga, ayaa ah in ujeedka ugu weyn ee Maryama uu ahaa inay disho madaxweyne, balse ay ku adkaatay ugu dambeynna Shabaabka go’aamiyeen guddoomiyaha gobolka. Waxaa jira marar badan oo la sawiray ayada oo la joogta madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee baaritaanada madaxweynayaasha oo adag darteed aysan ku dhiirin. Xigasho: VOA
-
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale. Dawladda ayaa sheegtay in gabadha Isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey. Dawladda waxay Sidoo kale sheegtay In labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah. Haddaba dawladda Soomaali ma shaacin magacyada labada dumarka ah, laakiin baadhitaan ay samaysay VOA gaar ahaan barnaamijka Galka Baarista ayaan ku ogaanay In labada gabdhood ay magacyo qalad ah siiyeen dawladda markii la shaqaalaynayey. Gabadha is aarxisay siday ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waa “Maryan” sida uu ogaaday Galka Baarista. Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, hase yeeshee magaceeda dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey. Hodan Waxa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan. Galka Baarista waxa kaloo ogaaday In markii ay fasaxa qaateen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan, ayna soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii xorriyadda. Maryan ayaa ku dadaashay inay ka qaybgasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato. Warar dhinaca amniga ah waxay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay. Saraakiishu waxay Sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10 kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen. Galka Baarista ayaa ogaaday in maalinta qaraxa aan labada gabdhood midkoodna lagu samaynin baaritaan, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay inuu mashquulsan yahay. Saraakiisha amnigu waxay aaminsan yihiin in qaraxu ku xirnaa Maryan. Labada gabdhood ayaa soo galay dhismaha Ilaa saddex saac ka hor xilliga qaraxu dhacay. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo, ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqay, in garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda. Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay guddoomiye Yariisow, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecan doonin dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan. “Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka. “Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda. Hoos ka daawo khudbadda iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Ciyaaraha Banaadir ugu magac daray Inj. Yariisow appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubaland. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheeagy in dowladda federaalka aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha doorashooyinka dowladda goboleedyada, sidaas darteedna ugu baaqay inay ka dayso faro-gelinta. “Xukuumada Soomaaliya ha u hoggaansanto faritaanada dastuurka, faragelintana haka dhaafto doorashada Jubaland.” Ayuu yiri Mahad Salaad. “Dhisamaha hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.” Waxa uu intaas raaciyey “Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubaland. Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee ganacsade Cali Aadan Marguus oo ahaa siyaasi hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Marxuumka aya lagu dilay Beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, wxaana lagu dhex dilay beertiisa. Marguus oo ahaan jiray siyaasi aad looga yaqaan deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sanadihii dambe isaga ka fariistay siyaasadda, wuxuuna noqday ganacsade ka shaqeysta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya dilkiisa ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran ka dhashay arrimo la xariira dhul la isku haysto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta ka baxsadeen. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi. Cali Aadan Marguus waxaa uu ahaa dhowaanahan ahaa ganacsade iyo oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta Waxsoorka beeraha Sanadyadii ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Xaflad duco ah ayaa waxaa ay hadda ka socotaa garoonka kubadda cagta ee Banaadir. , xafladda ducada ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareyso dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah dadka halkaasi jooga ayaa sheegay in maanta laga bilaabo garoonkaasi loogu magacdaray duqii geeriyoodey ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in guddoomiyihii gobolka uu ahaa astaanta midnimada la raadinayo. Xafladda marka laga soo tago madaxda qaranka waxaa jooga maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com