Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A delegation from the German government arrived on Thursday in Baidoa, the interim headquarters of Southwest, where they were welcomed by officials of the state. The President of the Southwestern State of Somalia Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) received the delegation from the German embassy in Somalia. Both sides discussed a number of issues during the meeting. The delegation was led by German Ambassador to Somalia Annett Günther and his deputy Markus, who is currently meeting with Southwestern state officials. View the full article
  2. Somali military court declared on Thursday death and life in jail sentences for accused Al Shabaab members who allegedly carried out explosions in Mogadishu. The court said that defendant Hassan Ali Moalim Barre was assigned to allocate the explosives-laden cars for the areas in the capital that claimed to the lives of many civilians. The military courts added that Hassan Barre was responsible for an attack that killed 12 people and wounded seven in Wadajir District in Mogadishu on November 26, 2018. Sayid Ali Adan, the second defendant was accused that he was in charge for Al Shabaab to bring cars bombs and explosive materials inside Mogadishu and he was expert in making IEDs. The third defendant Muhudin Ahmed Khalif was put on trail of being part of Al Shabaab and lying to the Criminal Investigation Department – CID by telling them a fake name. Today the first degree of the Somali Military Court finally made the decision that Hassan Barre was sentenced to death while Sayid Nur sentenced to a lifetime in jail. For the final defendant, Muhudin Khalif was set free after the court ruled that he was not found guilty. The court also mentioned after the sentencing, the defendants are allowed to take appeal if they satisfied with the verdict. View the full article
  3. Lewis Center, Ohio---It’s a very rare in a male dominated and poverty stricken Somaliland for women to move head and run a business. But, a young woman worked hard and saved enough money to get a license to open for a 1,000 Sqft Warsan Ethiopian restaurant, in the dusty town of Burao. She even hired two female employees. However, last week, her dreams of serving the residents of Burao hit a wall after a local police SWAT team raided her business and shut down the restaurant, for failing to separate sexes. The police arrested her and the two of her employees, but they were all released later Source: Hiiraan Online
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’idkiisa u horeeyay tan iyo dib u doorashadiisa ku qabtay Magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashadii Kismaayo, khilaafka dowladda Federaalka, xariggii Wasiirkiisa Amniga oo Ciidamada Booliska ku xireen Garoonka Muqdisho 31 bisha Agosto iyo arrimo kale. Axmed Madoobe ayaa marka hore ka hadlay Xaaladda uu dalka Marayo wuxuuna sheegay inay Muqdisho noqotay meesha ugu badan ay qaraxyada ka dhacaan, isla markaasna madaxtooyada la duqeeyo. Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda ku shaqeysan karin Magaalada Muqdisho halkii markii hore si nabad ah la isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Jowhar si nabad ah. Mar uu ka hadlayey Xaaladda Jubbaland iyo qaabkii loo soo dhisay ayuu ku dheeraaday wuxuuna sheegay in Jubbalanad dhiig loosoo daadiyey haddana ay ku noolaan karaan Jareer iyo Jileec sida uu hadalka u dhigay. “Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayuu ku eedeeyey inay burburin ku heyso Maamul Goboleedyada halkii ay wax ka qaban laheyd kooxda Al-Shabaab oo canshuur ka qaadeyso Dhismaha waddooyinka iyo dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium. Axmed Madoobe oo ka hadlayey Xarigii Wasiir Janan ayaa Dowladda ku eedeeyey inay sharci darro ku xirtay Wasiirkaas, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho ka dilaacay Magafe. Isagoo kasii hadlayo ayuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku xirtay shuruudo adag soo deyntiisa oo ay kamid tahay in waxaan jirin laga soo qaado doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo in Ciidamada Jubbaland lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Wuxuuna eedeyn u jeediyey Hey’adda Xuquuq Insaanka ee Amnesty International oo dambi kusoo oogtay Wasiir Janan. “Amnesty International mey wax ka qabato oo shalay uga hadli weyday C/raxmaan C/shakuur ciidankiisa Muqdisho lagu laayay, Dadkii Baydhabo lagu laayay, ninkii lahaa xoog baa leenahay ee lagu dalacsiiyay weliba Taliye laga dhigay” ayuu yiri Axmed Madoobe. Mar uu ka hadlayey xayiraaddii la saaray duulimaayadii Kismaayu ayuu sheegay inay taas keentay in dad jiran iyo kuwa fool ah ay dhibaato ku yeelatay maadaama diyaaradii Dhoobley ka imaan jirtay lasoo marsiiyo Muqdisho isla markaasna ay xeer ilaalinta soo gudbin doonto kiisaskii ay xayiraadaas sababtay. Axmed Madoobe oo ka hadlayey madaxweynayaasha kale ee sheegay in lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay inaysan arrintaas aqbali karin Kismaayana aysan laba madaxweyne isla joogi karin cidii dhibaato ku heysana Magaalada laga qaban doono isagoo ku hanjabay inay yaraan doonto inta ay dulqaadanayaan. Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ugu hanjabay inuu go’aan adag qaadan doono haddii aysan iska badalin dabeecadda uu sheegay inay hadda ku dhaqmeyso oo ah cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu have uncovered a cell of criminal networks involved in child trafficking in the city and rescued children in custody of the gang. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Badhabo ee xarunta gobolka Baay kula kulmay wufuud ka kala socotay Qaramada Midoobay & Bangiga Aduunka,kuwaasi oo maanta gaaray magaaladaasi. Intii kulanka uu socday ayaa raiisul wasaare Khayre iyo wafuudaasi waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladaha Bani’aadanimo ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa,dhismaha Nabadda,qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo dalka. Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa beryahan safar ku maraya deegaanada Koonfur Galbeed,isagoo tagay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Koonfur Galbeed,odayaasha dhaqanka,waxgaradka iyo qeybaha bulshada,wuxuuna dhagax dhig iyo xarig jar ku sameyeey mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaaladasi Xudur. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan hoggaanka Galmudug, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Xafladda oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay, islamarkaana ka dhacday Royal Palace Hotel ayaa waxaa ka qeyb galay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha, dowladda, madax hore, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Inta badan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyey munaasabadda ayaa ku boggaadiyey Qoor Qoor inuu isku soo taago xilkaasi iyaga oo qiray inuu yahay mas’uul ka soo bixi kara. Sidoo kale waxa ay reer Galmudug ugu baaqeen inay garab istaagaan musharrax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor|) oo ay sheegeen inuu samata bixin karo Galmudug. Ugu dambeyn musharrax Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad, haddii loo doorto xilka madaxweynaha Galmudug, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarka iyo danaha maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Oo Si Kulul Uga Hadlay ugaadhsiga ay xukuumaddu ku hayso Warbaahinta iyo Xabsiga Lagu Gurayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Gabiley)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley. Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gabiley, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan. Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan. Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira, ayaa maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gabiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gabiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen, isaga oo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay, waxana uu yidhi, “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas, tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadyadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.” Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho, “Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray, halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba, waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay, gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qofkii doonayaa uu qaadanayo qofkii kale uu iska daynayo bilaydh (taariko) cusub ee ay dhawaan soo saartay xukuumaddu, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (SMN) – Ciidanka Booliska Somaliya gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Maanta soo qabtay koox oo isku xiran, kuwaas oo ka ganacsada iib geynta Carruurta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa barteeda Bulshada ku sheegtay in ay waqti badan ku qaadatay sidii loo soo qaban lahaa Dadkan abaabulan, balse ugu dambayn ay ku guuleysteen. Kooxdan ayaa ka kooban 11 Qof, kuwaas oo 8 ka mid ihi ay yihiin Haween , waxaana haatan laga soo badbaadiyay 11 Carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 11 jir illaa 16 Sana jir, iyagoo dhammaantood ahaa beec sugayaal. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Dad weynaha ka codsaday in ay lasoo xirriirto Cid kasta oo ay Ilmo ka maqan yihiin. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in si dhib ah uga jawaabo xaaladaha dalka jiro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. MOGADISHU (HOL) - Somali government has rubbished reports that the militant group Al-Shabaab last month assembled elders who participated in parliamentary elections noting ‘most’ of the people appearing in the pictures circulating only were not the legitimate elders under the government list. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa markii ugu horeysey warbaahinta la hadlay tan iyo markii xilka dib loogu soo doortay. Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020 Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada. Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horaysay warbaahinta la hadlay kadib doorashadiisii. appeared first on Puntland Post.
  15. Sawirkani waa Gorgorkii Caruurta ku cunay deegaanka Gaashaamo, oo lagu dilay deegaanka Xalxalis oo uu u gudbay Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in Ciidamada Booliska ay soo qabteen Shabakad ku howlaneed ka Ganacsiga Carruurta taas oo in mudo ah ay ku raadjoogeen Ciidamada Amniga. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Facebook ku soo daabacday warbixin la xiriirta in howlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen Muqdisho ay ku soo qabteen kooxdaan isla markaana su’aallo laga weydiinaya shaqadooda. “Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween. Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Ciidamadu ay soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo ay Shabakada doonayeen inay iibsadaan,hayeeshee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay la sugayaan waalidoontooda si ay ugu wareejiyaan. Qoraal kooban oo ay ku daabacday baraha Bulshada ayey ku xaqiijisay in shabakaddan lagu daba jiray muddo bil ah maantana gacanta lagu dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa suldaan Cadegude ugu baaq in uu madaxweyne Muuse Biixi ka yareeyo mucaaridada xooggan waxaanu soo bandhigay xil ay beeshiisu waydiisay Madaxweyne Biixi markii uu tallada la wareegay, Caaqil Rashiid Jaambiir ayaa ayaa markiiba ka jawaabay baaq Boqor Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Xarardheere (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Ciise Kaba ku tukade oo odayaal isku dhiibay Al-Shabaab kula hadlayey Xarardheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox gobonimo u dagaalan ah. Yuusuf oo khudbad dheer u jeediyey odayaasha cafiska u doontay Al-Shabaab ayuu uga sheekeeyey taariikhda dagaalka ay AL-Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Wuxuu Odayaasha u sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay leeyihiin awood ay isaga difaaci karaan ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya. Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in cunug uu dhalay uu ka dagaalamay dalka Kenya uuna kamid yahay Al-Shabaab, wuxuuna xusay inaan loo baahneyn Ciidan balse ay ku filan tahay ilmaha ay dhaleen. Wuxuu xusay in mid kasta oo Shabaab kamid ah oo qubo afar xaas ayna ilmo dhallaan Galab iyo Subax sida dooradii oo kale. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inaysan wax dhib ah u arkin waxyaabaha lagu sheego sida Wahaabiyada oo kale, isagoo sheegay in qof kasta oo Muslim ah laga sheego wax qaldan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Baydhabo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Jarmalka ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdigaasi oo ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Wafdigaasi waxaa hoggaminaysay danjiraah dowladda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Markus, kuwaasi oo haatan kulamo la leh madaxda dowlada goboleedka Koonfur Galbeed View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warka Duhur ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso warka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-12092019.mp3 View the full article
  21. (SLT- Israel)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey bartilmaameedyo ay kooxda Xamas ku leedahay Marinka Gaza, ayaga oo ka aargudanaya gantaal ay soo tuurtay kooxdaas, waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay millatariga Israa’iil. “Gantaallo ayaa Gaza looga soo tuuray dhulka Israa’iil” ayaa lagu yidhi bayaanka oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. “Si looga jawaabo diyaaradaha dagaalka ciidamada difaaca Israa’iil waxay weerareen dhowr goobood oo militariga Xamas ay ku leeyihiin waqooyiga Marinka Gaza,” ayuu bayaanka intaas kusii daray. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa werisay in diyaaradaha Israa’iil ay habeenkii arbacada soo tuureen ugu yaraan sagaal gantaal oo ku dhacay goobo maran oo ku yaalla xaafadda al-Shajaiyeh ee bariga Gaza. Lama sheegin cid ku dhaawacantay gantaallada ay is-weydaarsadeen labada dhinac. Gantaalladii ugu dambeeyey ee arbacadii ayaa yimid maalin kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka Falastiin ay ku dhaceen magaalada Ashdod ee Israa’iil, kuwaas oo qasbay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka cararo masrax uu ka waday olole doorasho. Source
  22. SAFIIR BAASHE WAA SAFIIRKII UGU WACNAA EE SAFAARAD DIBADEED MADAX INOOGA NOQDA: Halkan waxaan idkunkula wadaagaya waxyaabo kamid ah guulahii u qabsoomay intuu uu joogay Safaarada Kenya. Bashe waa Safiirka ugu shaqada wacnaa ee soo mara xafiisyada dibadeed ee dalka. Hore waxa uu ahaa hormuudkii guushii waynayd ee lagu keenay Mashruuc maalgalin ah oo ugu qiimaha waynaa uguna mudnaa ee Somaliland hesho intii ay Jirtay. Dedaalka uu ugu jiro in la helo maalgashadayaal shisheeye oo saaxib dhaw la noqdo dalkeena Somaliland yaa ah Qorshaha ugu wayn ee ku hawlan Yahay habeen Iyo Maalinba Amb Bashe. Guulaha Waa wayn ee baashe ka gaadhay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya Yaa kala ah 1 inuu hagaajiyay xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya oo ahaa markii loo magacaabay Wagash Wagash. 2 : Inuu Kor usoo qaaday Rajada Somaliland ka leedahay Ictiraafka Ee Wadamada Bariga Africa (East Africa)iyo Beesha Caalamkaba. 3: Inuu Kulamo Muhiim ah la qaatay Madaxda ugu saraysa Dalka Kenya. Sida Gudoomiye Aqlabiyada Ee Baarlamanka, ADAN DUCAALE.. Governka magalada Daarasalaam iyo Wasiiro ka tirsan golaha Xukuumada Kenya, uu ugu Danbeeyay WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA, ee dalka Kenya 4 waxa kale uu kulamo Fool ka fool ah la qaatay . Dhamaan Madaxda kala duwan ee Jooga Safaaradaha Dalalka Caalamku ku Leeyihiin Dalka Kenya. Iyo Kuwa Bariga Afrikaba. Waxa uu kulano goos goos oo kala xiliyo iyo xaalada duwan la qaatay madaxda Xafiiska Dalalka aduunku ku Leeyihiin Wadanka Kenya. Oo ah Gateway laga soo galo africa Ama Bariga africaba French Commercial attache At Frence Embassy Nairobi And French Ambassador Of Kenya :Mr’s Aline Kuster-manager . Austarin Ambassador Of Kenya :Kristian Fellner Switzerland Ambassador Of East Africa :Dr Ralf Heckner Dr Maxamed Ali Guyo Especial Envoy For Horn Africa Finland’s Ambassador Kenya and Somalia :H:E Erik Lundberg. Ambassador. (Eng) Mahboub M. Moalim and Denmark, Sweden, Germany, Uk Ambassadors. Ayaa Kulan muhiim kula qaatay xafiisyadooda ay ku Leeyihiin Dalka Kenya. Adam Spirre and Signe Fischer Smidt oo ah madax Sare oo katirsan safaaradaa. Kenya National Cooperation Trade Managing Director Ayuu isna Kulan muhiim ah la qaatay inta uu xafiiska Nairobi joogay. Intii uu baashe joogay Safaarada kenya waxa Somaliland ka ambabaxay Wafti kala duwan oo maqaankoodu sareeyo kuwaas oo si balaadhan loogu soi dhaweeyay dalka Kenya. Iyagoo shaqooyin muhiim ahna kasoo qabtay halkaa. Waftiyadaa ka mid ahaa. Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yasin M Xiir Faratoon. Maareeyaha Haayada Duulista iyo Madaarada Somaliland. Md Rodol Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafti balaadhan oo xisbiyada Somaliland ka socday. Kulamadaas oo dhan waxa soo Dhiraandhiriyay kana soo shaqeeyay Ambassador Bashe Cawil. Waxaana Biyo kama dhibcaan ah inuu kor usoo qaaday Shaqada Safaarada Somaliland ee dalkaas. Waxa kale oo abaabul wayn ku sameeyay Jaaliyada Reer Somaliland ee dalka Kenya. W/Q Maxamuud Xalane Daahir Gmail :Maxamuudxalane7@gmail.com WED 12:51 Source