-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Haweenay ayaa laga daweeyay buro maskaxda ka soo baxday ka dib markii dakhtar indhaha ku takhasusay uu baadhitaan ku sameeyay bukaankaas ka dibna indhaheeda ku arkay xaalad aan caadi ahayn. Christel Callow oo 26 jirah oo ku sugan England ayaa hadda aruursanaysa 62,000 gini si ay u hesho nooc dawayn ah oo aan aad looga helin xarunta qaran ee caafimaadka Britain ee NHS loo yaqaanno. Burada inteeda badan waa laga qalay balse waxaa loo sheegay in dawayn kale oo lagu sameeyo ay ka xeel dheeraan karto in lagu daweeyo radiotherapy. Xarunta NHS ayaa gabadhan u sheegtay in dawaynta ay doonayso ay siiyaan dadka buuxiya shuruudaha u yaalla oo kali ah. Christel ayuu madaxu aad u xanuuni jiray muddo labo bilood ah, 22 bishii Luulyo ayayna ballan ka qabsatay dakhtar. Dakhtarka indhaha ku takhasusay ayaana arkay caddaadis saaran isha midigta ah ee gabadha oo qayb ka mid ah ay aad u guduudatay. MRI laga saaray isbitalka Royal Shrewsbury Hospital ayaa muujiyay buro ku dhalatay maskaxda gabadha oo la eg kubadda tayniska lagu ciyaaro. Intaas ka dibna waxaa lagu qalay isbitaalka Royal Stoke Hospital. “Waxay dhaheen muddo dheer ayaad la noolayd, haddii dhakhtarka indhuhu uusan ku arki lahayn waxay u badnaan lahayd in aad eersan lahayd, waaan miyir daboolmi lahaa ama dhinac ayaa i qalali lahaa,” ayay tidhi. Christel ayaa loo sheegay in ay qabto kansar si dhakhso ah u koraya oo la dhoho anaplastic astrocytoma, ayna u baahan karto radiotherapy balse laga yaabo in dawaynta radiotherapy ay waxyeelayso qaybo ka mid ah maskaxdeeda, arrintaasna ay saamayn doonto hadalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda. Qoyskeeda ayaa raadiyay qaab kale oo loo dawayn karo waxayna heleen proton beam therapy, waana qaab lagu tirtiro unugyada xanuunsan ee jidhka. Arrintaas ayaana lagu bartilmaameedsanayaa burada si loo daweeyo nooc gaar ah oo kansarka ka mid ah. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo xasaasi ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa aan loo kala kicin ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Sida ay wararku sheegayaan kulamada ayaa waxaa wada qaatay hoggaanka Ahlu Sunna iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliy, Cabdi Maxamed Sabriye. Ilo lagu kalsoon yahay ayaaa Caasimada Online u sheegay in la xaliyey tabashadii ay qabeen ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana meesha laga saaray khilaafkii ka taangaan magaalada Dhuusamareeb. Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tabashada ay qabeen, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya raali ka yihiin howlaha ay wado dowladda. Arrintan ayaa soo afjareysa xiisadii u dhexeysa dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna oo dhankeeda xal ka gaartay kala qeybsanaanta ka jirtay dhexdeeda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta iyo shaqaadalaha dowladda inay daacad u noqdaan shaqooyinka iyo waajibaadka loo igmaday. Khadar ayaa ku booriyey qof weliba inuu isla xilsaaro ma’uuliyadda loo igmaday, islamarkaana uu si hufan ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in ay ku dadaalayaan wadaniyada iyo horumarka dalkooda. View the full article
-
Nabad caddaalad baa lagu Nuugaa Waxa isasoo taraaya hadalada aan ka fiirsashada iyo meel udayga lahayn ee siddii ruux qarras iyo dacari ku kacday oo lalabyo wixii uurka iyo laabta yiil dabada ka keentay, ugasoo baxaaya afafka masuuliyiinta dawlada, weedho iyo ereyo deelqaaf ah oo goor iyo ayaan ugu tiraabaan shir jaraa’id kastoo Xukuumadu qabato, ayaandarada ugu weyn ee jirta oo ah masuul daro, xirfad la’aan, maamul xumo, Hubsiimo daro, mooganaan iyo iyaga oo ah shaqsiyaad in wax loosheego mooyee waxba sheegi karin. Waxa ay noqotay markastoo masuul dawlada Kulmiye ahi hadlo in uu weedho dhiilo, xajiimayn, meel ka dhac, masuul daro iyo xumayn qayaxan oo ku aadan dad gaar ah ku hadlo. Kaga soo bilow dhacdadii ina Geele iyo JABUUTI waakii Af hayeenkii madaxtooyada qaranka Somaliland wuxuu ku hadlay aynu ogayn, wuxuu ugaystay muwaadinka deelqaafka iyo meel kaga dhaca uu xaqiisii muwaadanimo meesha ka saaray ee ka dhigay eedaysane aduunka soo dhacay, weyna ogayn wixii indho la’aan iyo aqoon la’aan Kulmiye iska kaashaday ee xaashida ku duugnayd uu akhriyaayey masuulkaasi. Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa isna laga hayaa Dulqaadku waa nacasnimo!. Waxa jiray in isna wasiirka warfaafinta qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu siddii dhiil ciir lagu lulaayey barqo kulul lingaxa goostay ee u af-furmay ee yidhi Caare waa Xisbiga wadani iyo Hadalo laga yaxyaxay ku hadlay iyo waxay ciddii maqashaba cadho geliyey, waxa xiktay deelqaafkii qayaxnaa iyo masuul daradii uu ku hadlay taliyaha ciidamada milatariga qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo aanad moodahayn inuu yahay masuul qaran u Hadal ruux asaasaq haleeley, howshii qaranka loo igmadayna qiray inuu ku fashilmay, kol haduu yidhi meesha ciidan kumaan hayne rag meel iska jooga ayaa mushahar iska siin jiray, Takale Taani Markuu leeyey askariga Badhan joogaa waxba ma qabto ee mushaharkuu qaataa, askariga askarigiisa jooga Gabilay malaha isagu magaaladiisuu jooga, yaan joogin tiisii nacal asaf!, tuuleeyey wixii tagayaa hatago, Taaniyow nina dhulkiisa ka tegimaayo se adaa xilka ka tagaaya, Takale Jananku ma Markuu maqlay Caare inuu janan noqday ayuu kala wareegay, waayo xaajo waanwaan Waayeel Dhaqameed iyo mufti wax garad ah ergadeeda wadeen oo markii ay xaaajadii gudbiyeen gudoonkii madaxweynaha iyagoo sugaaya taani waakan dhooqooyey baligii nabada loo qoday, Mar haddii muwaadinka uu sifaha sharciga baal marsan ku sifeeyey taliyuhu markii xilka loo magacaabay muu o dhan waa danbiile (waa dhagar Qabe) odhan maynee, oo markii uu puntiland tagay muu odhan waa danbiile soo qabta, oo Markuu buuraha galay muu odhan waadanbiile, se iminkoo Afka madaxweynaha la naawilaayey Maxaa keenay inuu Nuux Taani Waxan yidhaa??. Waa meel Illaahay wax ka wadee Odayaashii dhaqanka ee madaxyo weynta ahaa ayaa siddii kuray macawiso iyo cumaamado loo xidhay dhan walba u wadhfiyey, markii dhawaaqa taani gaadhay halkii ay ugu caqli celin lahaayeen ayey cumaamadihii iska daadiyeen, iyagaa sheeganaayey Madax dhaqameedada aan dhicin ee Illaahay bixiyo illaahayna Qaado, se in taliye ciidan oo la bedelo ay isku odhaah dhigtaan, una jawaab celiyaan hadalada la midka ah kii taliyaha ama u dhigma, waayo in suldaan, caaqil, garaad, ugaas iyo nabadoonba yidhaahdo maaha Hadduu siddaa u hadlay anakuna si kadaran baanu yeeli Af masuul dhaqan oo cumaamadan maaha waana qalad. Madax Dhaqameedku waa inay nabada ay darafka hayaan ee lawada hayo dacalkooda xejiyaan oo giijiyaan, colaadna in la iclaamiyaa waa ayaan daro waayo reer Somaliland geedka ayey xaajo ku xalin jireen yaa geedka ka fiigaaya?. Nabadu waa waxa Somaliland ku caano maashay, shacabku wuu soo arkay colaad iyo dagaal wuxuu yahay, Nabad ilaahay lagu mahadiyana wey heystaan u malayn maayo in ruux caqli qabaa Nabad colaad ku doorsanaayo, laakiin caddaalad daradu xasilooni daro ayey keentaa, caddaalada ilaahay baa caadil ahe dowladaa ka masuula, hadii dawladii caddaalad daro iyo deel qaaf dadkii iskugu darto soo nabadii ceel ku ridimaayaan, Hadal iyo dhamaan Nabadu waa Kunoolaanshaha Nolosha rasmiga ah ee raasamaalka leh ee jiilba jiil usii gudbiyo hidaha una sii dhiibo dhaqanka duugiisa, se Hubaal Nabad Caddaalad baa lagu Nuugaa ee Xukuumadu caddaalad ha ogaato. Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah, oo ka hadlay ayaa yiri. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergeygiisa arrimaha Soomaaliya ee James Swan. Guterres ayaa xilkan u soo magacaabay Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada dalka Mareykanka. Sidoo kale Mulla ayaa qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Ninkan ayaa bedalaya George Canaway oo u dhashay dalka Canada, islamarkaana QM u qaabilsanaa howlgalkeeda Soomaaliya. Diblomaasigan ayaa horay uga soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kalem isaga oo leh wax ka badan 30 sano oo khibrad ah. 30 kii May ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay James Swan u soo magacawday wakiilkeeda Soomaaliya, kaas oo bedalay ergeygii la eryey ee Nicholas Haysom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/www.mp3 View the full article
-
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey Abuukar Daahir Cusmaan waraysi gaar ah bixinayey ayaa golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada golaha ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha”, ayuu yiri danjire Abuukar. Dhanka kalena, waxaa go’aankaan siweyn u soo dhoweeyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo boggiisa gaarka ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu markale waxa uu yiri,“Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Soomaaliya oo soo dhoweysey diidmada Qaramada Midoobey ee qaraarka 1267. appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo sagootiyey ciidamo loo diray howlgal khaas ah. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo argagaxisada la gula dagaalayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ciidamada uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sagootiyey ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay booqashada dardaaranka iyo sagootinta ah isugu jirtay ee lagu dhiirri gelinayay ciidamada. Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga iyo boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.
-
Sidii dowladdaanu u timid dhib ayay ka bixi wayday. Wareerba mid ayuu dhiibay. Kii sii dhammaanayaba midbaa daba socda. Xaggee laga gaaray? Maxaa keenayo shiddadaan aan dhammaadka lahayn? Su’aalahaan madaxayga buuxiyay waxaan filayaa inay dad badan ila qabaan sidaa darteed ayaan is iri waa muhiim inaad akhristiyaasha la wadaagto waxa kaaga soo baxay falaqaynti ay gashay maskaxdaadu. Dhibaatooyinkaan oo ka koobnaa go’aanno iyo ficillo ayaa wada ahaa kuwo masiiri oo guushooda iyo guul-darradooduba mustaqbalka dalka saamayn weyn ku yeelan lahaa. Mowqifkii ay ka qaadatay khilaafkii waddamada Khaliijka, qabsashadii lacagta Imaaraatka iyo cayrintiisi daba socotay, weerarka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, dagaalki ay la gashay maamul goboleedyada dib u habaynti ciidamada ee gedoodkii ciidamada eek u lammaanaa, midda hadda taagan ee Ahlu-sunna iyo iyada u dhaxeeya waa un qaar ka mid ah caqabadihi isdaba-joogga ah ee Nabad iyo Nolol faylka ugu jiro. Dhibkaan ma iyadaa abuurto? Ma aqoon darro iyo dadnimo xumaa u gaysay? Ma laga maarmi karaa? Waxtar iyo faaiido dalka ma u yahay yaase helayo miraha dhibaatooyinka haddiiba laga gurto miro macaan? Su’aalahaan ayaan isku dayi doonaa inaan wax ka iraahdo inta karaankayga ah. Dadku waa saddex. Taageerayaal daacad u ah Nabad iyo Nolol, mucaarad si dhab ah ooga soo horjeeda iyo dhexdhexaad falanqeeyo xaaladaha dalku marayo iyagoo isticmaalayo macluumaadka ay heli karaan, faaqida ka dibna macno macquul ah si daacad ah ooga dhalaaliyo. Kuwa danbe ayaan isku tirayaa inaan khaldanahayna way dhici kartaa. Dhiibaatooyinkaan dowladdu wajahayso, taageerayaasheedu waxay u arkaan khiyaamooyin ay maleegeen mucaarad oo lagu doonayo in dowladda waxqabadkeeda lagu mija-xaabiyo. Waxay ku doodaan dad horumarka diidan ayaa ka danbeeyo, mucaaradka ayaa abuuray, hadalka qalloociyay, dalal shisheeye ayaa ka danbeeyo IWM. Dhinaca kale, mucaaradku wuxuu isla markiiba lasoo boodi waa dadnimo xumo iyo talo la’aan. Waa xukun boob iyo awood jeceyl, waa dulqaad la’aan iyo madax adayg, waa doonid xukun kaligi talis ah, waa fudayd iyo hanfadenimo IWM. Kooxda saddexaad oo aan anigu ku jiro waxaan leenahay labadaasba midna maaha. Waxaan qabaa in dowladdu dhibka iyadu abuurto si ula kac ah ee aysan ahayn khiyaano loo maleegay. Go’aannada ay qaadatay intooda badan waxay ahaayeen kuwo ay baaqsan kartay haddii ay iyadu doonto. Qaar mujaamalayn iyo maslaxo ayay kaga gudbi kartay si fudud. Laakiin waxay go’aansatay inay si cad ugu bareerto oo iyadu bilowdo. Balse uma arko sida mucaaradka fududay iyo hanfadanimo ama xukun jeceyl iyo kaligi-talisnimo. Maxaa ku kallifay markaa? Madaxda hadda talada hayso waxay la socdeen xaaladihii uu dalku marayay tobanki sano ee ka horraysay. Waxay arkayeen go’aannadi ay qaateen madaxdi ka horraysay iyo natiijooyinki ka dhashay inay u badnaayeen kuwo ku salaysan faaiidada waqtiga dhow ee danta dowladda markaas xukunka haysay laakiin cawaaqib aan laga soo kaban karin dalka ku yeelanayeen. Tusaalahaan si dhug leh u dheeg. Dowladdi madaxweyne Shariif waxay aad isugu daalisay qancinta maamulka Puntland (PL) oo markaas ahaa maamul goboleedka kaliya ee dalka ka jiray. Laf dhuun gashay ayay PL ku noqotay. Cabasho, dacwo iyo sheegasho iyo faragin awoodda dowladda dhexe ayay ka dhmmaan waayeen madaxdi markaas haysay talada PL. Madexweyne Shariif inuu dabeec muujiyo ayuu ku dadaalay. Wuxuu qaaday tallaabo walba oo PL ku qanci karto ilaa uu aqbalay in guddigii loo saaray dhexdhexaadinta Dowladda federalka ah iyo Soomalilaan (SL) lagu daro dad matalayo maamula PL. Arrintaas waqtigaas Shariif culayski waa ka yaraysay laakiin waxay dhashay dhibka ilaa maanta ka imaanayo PL oo ah in lagu qancin waayo inay la siman tahay maamuullada kale ee dalka, inaysan xaq u lahayn xubin matasho iyada oo ka qayb qaato wada hadalka SL. Sidoo kale, dabacii uu Shariif tusay PL wuxuu tusaale u noqday maamulladi cusbaa ee la dhisay. Dhammaan waxay dooneen madaxda dowladda dhexe inay kursiga kula fadhiyaan. PL ayaa markiiba isku duwatay maamuulladi cusbaa si ay hormuudka u hayso, awood ay dowladda dhexe ku xukuntana u hesho. Waxay wadaanba waxay madexweyne Xasan ku qasbaan inuu sameeyo guddi ay maamul goboleeyadu u badan yihiin oo ka taliyo dalka. Safiir iyo wasiir booqasho ku yimid Villa Soomaaliya haddaan guddigaas lala socodsiin waxay noqotay xukun maroorsi iyo madax tag in lagu tilmaami. Dowladdi ayaa shaqadaydi qabsan wayday dhinaca kale madaxdi maamullada ayaa waqtigii ay ugu adeegi lahaayeen dadki doortay waxay galiyeen ilaalinta dhaqdhaqaaqa madaxda dowladda dhexe. Madexweyne Xasan isagoo arkaya khaladka siduu u weynyahay ayuu maslaxo u arkay samaynta guddigaas si xal loo helo balse dhib ma ogiye dheef ma keenin. Tusaale labaad waa qaabki ciidamadu aayeen. Waxaa qornaa kumannaan ciidan ah oo been ah. Taliyayaashooda ayaan ku qaadan jiray lacagta badan ee ciidanka magac ahaan un waraaqaha ugu qoran loo siiyo mushaar. Madaxdu waa arkayaan waase ka cabsanayeen inay tallaabo qaadaan. Sanadi 2014ki ayaan meel qado ah ku kulannay xildhibaan ka mid ah raggii madaxweyne Xasan aadka ugu dhawaa. Waxaan kusuoo qaaday arrinta ciidamada oo aan islahaa amuu madaxweyne Xasan farriinta gaarsiiyaa. Wuxuu igu yiri Xamar kaliya waxaa u qoran soddon kun oo isugu jiro boolis, militiri iyo nabada sugid. Laakiin inta dhabta ah kama badno shan kun waana ognahay. Waxaan ku iri maxaa diiday in arrintaan la saxo. Wuxuu igu jawaabay aad ayaan ooga fakernay. Dad aad u badan oo awood leh ayaa ku lug leh. Haddii la farogaliyo wareer aan kasoo kaban weyno ayaa nagu furmi. Sida halkaas nooga muuqato madaxdu waa u caddayd in isbaddal loo baahan yahay laakiin khatarta la socoto isbaddalka in loo bareero ayaan sahlanayn. Haddii maamul walba oo yimaado ka cabsado wajihidda khatarta ka imaanayso isbaddalka daruuriga ah sidee looga bixi dhibta? Madaxda hadda jirta iyagoo arkaya khatartaas ayay u bareereen isbaddal dhab ah oo ciidamada tiradooda lagu saxo. Waxaan xasuusanna hadalki Xasan Cali Kheyre ee ahaa “waxaa la igu yiri ka joog arrinta ciidamada wax kama qaban kartide. Waxaan iri haddii xataa aan shaqadayda ku waayayo joojin mahayo ilaa la helo tiro rasmi ah”. Taalloobooyinka iyo go’aannada adag ay dowladdu qaadday qaar waxay ahaayeen kuwo sax ah oo qof walba oo Soomaali oo dalkiisa jecel raalli ka ahaa. Tusaale, midkii ay ka qaadatay Imiaaraat. Haddaysan Imaaraat waddanka ka saarteen waxaa hubaal ah in maanta ay jiri lahayd jamhad la mid ah kuwa la dagaalamo Liibiya iyo yamen. Saas oo ay tahay dad badan ayaa u arkayay waalli iyo qar iska tuurnimo. Waayo cidna ma filanayn inay Imaaraat ka adkaan doonto. Ficilladu qaar waxay ahaayeen kuwo khaldan ayna qirteen inay khalad ahayd balse natiijada laga helay ay anfici doonto badbaadada dalka sida ay aniga ila tahay. Tusaale, weerarki Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur wuxuu ahaa khalad. Mu’waadin in la iska weeraro danbi la’aan cidna ma soo dhawayn iyaguna inay macluumaad aan jirin oo loo gudbiyay ka ficiltameen bay u muuqatay. Marki dhibki dhacay wixii la tuhmayayna laga waayay cudurdaar ayay dowladdu ka bixisay. Wasiir Ducaale Isloow waa isagii ku yiri odaayashii matalayay Jaallee Cabdiraxmaan Cabdishakuur “naga raalli ahaada wiilashiinni oo khalad galay ayaan nahaye”. Hasa yeeshee khaladkaas waxaa laga dhaxlay faaiido weyn. Wuxuu cashar u noqday raggii dowladaha shisheeye la shaqayn jiray ee sida nabadda ah Xamar danaha shisheeye ooga fulin jiray. Dhibkaas ka dib raggii aadka oo loo tuhmi jiray ee uu aabbaha u ahaa Cumar Cabdirashiid lug danbe Xamar masoo dhigin. Sidoo kale, shirarka ay abuubulaan dalalka shisheeye ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya waxaa qasab noqotay in dibadda lagu qabto. Ma lihi Cabdiraxmaan ayaa dal shisheeye u shaqayn jiray waayo cid ku caddaysay ma jirto. Ee waxaan u jeedaa natiijadi weerarkaas wixii laga dhaxlay. Cabsidaas waxaa keenay baan isleeyahay in la arkay inaysan dowladdu cidna ooga haybaysanayn wixii ay u aragto maslaxada dalka jidka loo marayo khaladba ha noqdee. Ma filayo n dadkii bixiyay amarki lagu weeraray Cabdiraxmaan uu ujeedkeedu ahaa farriin u dira ama quusiya kuwa shaqooyinka khatarta ku ah jiritaanka dalka hoos ka wado. Balse waxay ku socdeen macluumaad sirdoonku keenay oo gadaal laga ogaaday inuusan sugnayn. Shiddooyinka iyagoo ka maarmi karo ay gacantooda ku doonteen waxaa ka mid ah midda hadda ka taagan Dhuusamarreeb. Ahlu-sunna (AHS) iyo dowladdu waa isku fiicnaayeen. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay AHS rabto waxaa weeye in ciidankeeda sidooda loogu daayo, dowladdu mushaar siiso korna kala socoto. Laakiin halkooda loo daayo, madaxda AHS ay ka amar qaataan ciidan kalana aan lagu darin. Dabcan dowladdu intaan inay yeesho kuma cusla hadday danteeda kaliya eegayso, Dhuusomarreeb dhib iyo dheef midna dowaldda hadda kalam maqna. Inay maamul Galmudug dhisto, dhowr xubnood AHS laga siiyo ciidankoodana loo daayo way yeeli kartay. Laakiin taasi waxay khatar ku tahay horumarinta ciidamada iyo amniga dalka. Jamhad gooni u taagan oo aan ka amar qaadan taliyaha xoogga dalka in sideeda loo sharciyeeyo waa mid aan barri loo tag helayn. Intii cid iyaga danbayso ay ku hallayn lahaayeen waxay u bareereen inay iyagu foodda galiyaan guul iyo guul-darro key ku dhammaataba. Yaa ka faaiididayo go’aannada qaraar ee Nabad&Nolol? Waligeed isbaddal dadka keeno miraheeda ma gurtaan. Dhammaan kacdoonnadi adduunka soo maray dadkii hoggaaminayay iyagoo waxba ka helin ayay dhinteen ama taladi lagala wareegay. Sida dhabta ah isbaddallada socda waxay anfici doonaan dowladda tan ka danbayso. Tani dagaal unbay ku jiri oo kooxaha la saxayo si fudud isku dhiibi mahayaan. Waqtiga ay guusha rasmiga gaaraan iyo waxaa isku aadi marki doorashada la galo. Dadku waxay ka daaleen wareerki dowdalladaan ku jirtay iyo walwalka joogtada ee maalin walba horyaal. Yaa naga baddalo iyagoo leha ayaa doorasgho la gali. Sidaas ayaa maamulki isbaddalki ugu muhiimsanaa keenay looga codeen. Maamulka xilka la wareegay dal la islaaxiyay intiisi badnayd ayuu hanan. Wuxuu u imaan ciidamo si rasmi loo diiwaan galiyay oo tiro go’ah. Wuxuu heli maamul goboleedyo ka quustay inay madaxweynaha dalka kursiga kula fadhiistaan oo diyaar u ah xubinta ay xaqa u leeyihiin inay ku ekaadaan. Waxaa la macaamili dowlado shisheeye oo quusiyay markaasna diyaar u ah inay si gobonnimo ah wax ula qaybsadaan maamulka jiro. Warki oo kooban dowladdu waxay gashaa dagaal joogta. Dagaalku maaha mid ay ku qasbantahay ee mid ay iyadu doonatay. Sababtu waa in ay u aragto inay sidaasi mustaqbalka dalka dan ugu jirto. Dagaalku in badan jid sax ah ayuu hayaa qaarna meelo khaldan ayay u maraan. Natiijadu waa mid u hari doonto dalka iyo dadkiisa iyo dowladaha middaan ka danbeeyo. Shicibka welwalka qabo waxaa ugu wacan lexejeclo ka haysa dowladdooda iyo dalkooda. Waxay ka cabsi qabaan in dowladdaan curdanka ah dhaqso xiddidada loo siibo. Mucaaradku dhinicisa wax dhiba isma laha. Dhaleecayntoodu waxaa u badan inay helaan fursad ay ku duufsadaan dadka maankiisa si ay ugu guulaystaan hoggaanka dalka. Walwalka ugu badan ee I hayo maaha in dowladdu mucaarad leedahay ee waa inuusan jirin mucaaradki loo baahnaa ee dowladdaan la xisaabtami lahaa. Sababta aan u iri ka sugo qormada xigta hadduu Eebbe idmo. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee “NISA” waxa ay soo martay burbur baahsan oo gaadhay heer la waayo magacii ay lahayd iyo weliba goobtii ay ku shaqaynjirtay xilligii ka hor burburkii soomaaliya, waxaa meesha ka baxay dhammaan farsamooyinkii shaqo iyo middii khibraddeed ee hay’addu lahayd, waxaa meesha ka baxay dhammaan wax kasta oo u eekaa hay’ad sirdoon. Hay’adda sirdoonku waxay noqotay wixii uugu horreeyay oo burburay burburkii soomaaliya, waxaa fiigay oo cararay dhammaan saraakiishii khibradda durugsan u lahaa arrimaha sirdoonka maaddaama ay ahayeen meelaha uugu muhiimsan ee indhaha lugu hayay taas oo ay in badan dadku aamminsanaayeen in ay ahayd hoygii laga soo guntay waxkasta oo ay xilligaas tabanayeen kuwii markaas dalka burburintiisa u soo guntaday. Soo laabashadii nidaamyadii u eekaa dawlad curdin ah waxa ay wateen magac iyo muuqaal loo eekaysiiyay hay’ad sirdoon, taas oo ah hay’adda hadda hawlgasha ee NISA. Sannadihii soo laabashada horumarka soomaaliya waxaa iyana dhinac ka soo laabanayay maqaamkii sirdoon ee NISA, waxaa soomaray dhawr sarkaal oo midba meel keenay, markhaantina aan ka ahay in ay dhammaantood wax wanaagsan ka qabteen dhismaha hay’adda. Waxaa jira dhowr sarkaal oo si fiican hay’adda meelo u keenay kana dhigay meel lugu soo hirto niyadna loo hayo soo gelisteeda, sameeyay nidaam hay’addeed, waloow ugu dambayntii raggaas aan xilka fursad loo sii siin. Raggaas waxaa ka mid ahaa Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare oo ahaa nin dhalinyaro ah waxna ku soo bartay dalka dibaddiisa, inta uu hayay xilkaas waxa ay hay’addu noqotay mid soo laabata, samaysana dhammaan tallaabooyinkii looga baahnaa ee sirdoon Amni-qaran, balse muddo kadib nidaamka is-bedelka soomaaliya oo ah mid markasta la fisho ayaan u saamaxin sii wadista shaqadii hay’adda. Kaaca-kufka hay’addu soomartay iyo Qof-qof ku bedelkiiba dhammaan sarakiishii soomaray waxay ahayeen kuwo qabtay wax la taabankaro, waxay ku soo shaqeeyeen duurufo iyo wacyi la jaan-qaadayay wakhtigii cakirnaa. Iimaanshiyihii dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmaajo waxaad mooddaa in ay xoogga iska saartay laamaha amniga ee soomaaliya, iyada oo dhistay ciidan la taabankaro iyo weliba dib u habayn ku socota hay’adda sirdoonka ee NISA. Imaanshiyaha Fahad Yaasiin ayaa iyana wax ka bedeshay shaqadii sirdoon ee socotay, waxaa meesha ka baxay dhammaan raggii la aqoonsanaa ku jiritaankooda NISA iyo dhammaan ciidankii hubaysnaa ee ku howl-gelijiray magaca Sirdoonka. Waxaa hadda is-bedel wanaagsan ka muuqdaa hay’adda sirdoonka iyada oo ay meesha ka maqanyihiin qof aad u aqoonsanaysaa in uu yahay saaxiibka, waana hannaanka sirdoon ee ay ku hawl-galaan dhammaan sirdoonka caalam, waana tallabada muujinaysa in ay jirto soo laabasho ku yimi hannaankii sirdoon ee uu waddanku lahaanjiray. Aqoonsiyo la’aanta hawl-wadeennada sirdoonku waa kuwa sahlaya in la gaadho guulo badan oo amni iyo in la helo xogihii saxda ahaa ee loo baahnaa, tanna waa mid ay ka markhaanti kaceen dhammaan bulshada ku sugan deegannada ay ka hawl-gasho hay’adda NISA. Si loo helo bulsho ku nool waddan amni ah iyo waddan qurxoon waa in la dhiirigeliya lana dhisaa hay’adaha amniga qaranka, soo laabashada hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka soomaliya waa natiijo dhaxal ah oo bulshadu u baahnayd, waana rajaynayaa in ay halkaas hore uuga sii socoto ilaa laga gaadho, heerka sirdoonnada caalamka iyo amni sugayaasha uu waddan leeyahay. Si loo gaadho natiijada hay’addii awoodda lahayd waa in dib loogu yeedha dhammaan saraakiishii Nabad-sugidda burburkii ka hor iyo ka dibba. Halka ay joogto hay’addu hadda waa natiijo qurxoon oo loo baahnaa. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta si adag u naqdiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani, kaasi oo uu ku sheegay in uu ku faraxsan-yahay ciidamadii ka goostay Somaliland ee ku biiray maamulka Puntland. Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa hadalka Taliyaha ku tilmaamay wax laga naxo, isla markaana ay xukuumada Biixi ku rabto inay dadka reer Somaliland labo ugu kala qeybiso. Xoghayaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Badhan waa dhul reer Somaliland ah, dadka badhan waa dad reer Somaliland ah askarta dhulkaas ka soo jeeda mushaharka qaadata mushaharkaas cid alle iyo cid ay marti uga yihiin ma jirto, madaxweynaana uma aha taliyaha ciidankana ugama aha waa mid ay qarankan ku leeyihiin, waxii kale ee gobalada bariga laga qabtaana ee cashuurta Somaliland lagu qabtaa maaha mid qofba qof marti uga yahay, waxa uu taliyuhu yidhi waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inay tagaan waxaana wax aad iyo aad looga naxo ah inay isaga iyo Puntland isku wax ku farxaan”. “Waxa uu ku farxay inay ciidamadaasi ka tageen waanu ku sababeeyay shilimaan iyo dhaqaale qaranka uga badbaadaya, talihu cashuurta shuqul kuma laha shaqadiisana maaha sida loo qorshaynaayo iyo halka la marinaayaa waa arimo siyaasi ah taliyaha waxa laga doonayay ciidankiisa,akhlaaqdiisa iyo wadajirkiisa inuu ilaaliyo isaga oo ciidankiisii maalin walba ay xayni goosanayso iyada oo ciidanka maalin walba ay samacadiisu hoos u sii dhacayso”. “Waa wax laga xumaado halkii uu arimahaas xal uga raadin lahaa waxaynu aragnay ee aynu daawanay inuu ku sheekeeyo.Guray Cismaan Saalax waa gaashaanle dawlada Somaliland ayaa siisay darajada dhawr iyo toban sano ayuu taliye guuto ahaa inuu talihiisii guud uu yidhaahdo qaranka waxba umuu qabanayan inuu tagana waanu ku faraxsanahay kuwa joogaana ha tagaan macno kele oo fog ayaa ay yeelaynaysaa, macno ah in dadka Somaliland laba loo qaybinaayo oo la leeyahay dadka qaar waxaad tihiin muwaadinka labaad ayay samaynaysaa, shacabka Somaliland waa mid”. Wuxuuna intaas kusii daray “Isbaaradan uu nabada Nuux u dhigtay ma mid uu madaxweynuu dhig yidhibaa mise isbaaro uu isagu sidiisa u dhiganaayo oo uu u arkay in aanay dan iyo wanaag ku jirin inay halkaas wanaag ka aslaaxo way soo bixi doontaa, madaxweynaa fursad ayaanu siinaynaa inkasta oo aanu inkabadan 24 sugaynay inuu arintaas wax ka yidhaahdo oo ilaa hada dawlada hadalkaas Nuux Taani wax ka danbeeyay aanay ka soo bixin oo ay muujinayso inay siyaasad dawladeed ay tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay madaxweynaha degaanka Oromada appeared first on Puntland Post.
-
Click here to read Qaran News
-
HARGEISA, Somaliland (CNN) – Three tiny balls of fur huddle together for warmth inside a cardboard box. The baby cheetahs are just a few weeks old, but they’ve had a traumatic start to life. Source: Hiiraan Online