-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xilka qaadis isugu daray agaasimihii wasaaraddaasi, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale. Wareegtada oo ku taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya. Sababta xilka looga qaaday agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay inuu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin, maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in la xaliyey khilaafkii dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Sabriye ayaa sheegay in dadaal badan kadib lagu guuleystay in la qanciyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halkooda ay ka sii socon doonaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta G/Galgaduud. Halkan hoosek ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-cali-gaab-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-290819.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah saddexda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaallo xeebeedla Kismaayo ayaa sheegay in shirqoolo ka dhan ah xubnaha isbedal doonka uu ka bilowday magaaladaasi. Xidig oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in la beegsanayo qaar ka mid ah xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka, sida uu hadalka u dhigay. “Dhammaan isbedel doonka Jubbaland waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo qaar kamida xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka.” ayuu yiri C/rashiid Xidig. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta geediga isbedelka Jubbaland, islamarkaana ay guuleysan doonaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan doorashooyin iska horjeed ay ka dhacayeen Kismaayo, laguna doortay Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, iyo Cabdinaasir Seeraar. Sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Jubbaland xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa dhaceysa 26-ka bisha September soo socota. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amartay in haatan wixii ka dambeeya diyaaradaha ku socda ama ka yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose inay soo maraan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Amarkan ayaa waxaa soo saartay hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya. Saraakiisha hay’addu ma shaacin sababta rasmiga ee ka dambeysa amarka ay soo saartay. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu koontaroolayo diyaaradaha ka dega garoonka magaalada Kismaayo. Inta badan dhaq dhaqaaqa diyaaradaha isticmaala garoonkaasi ayaan la ogeyn, iyadoona Jubbaland ay hakad gelisay xilligii doorashada ee maamulkaasi. Amarka ka soo baxay dowlad dhexe ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filaya in la caleema saaro Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inkastoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka hortimid natiijada doorashadaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu Garab istaago Waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya deris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay billow fiican, kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dedaalladii dib u heshiisiineed iyo kuwa iskaashiga Saddex geesoodka ah ee Dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka. Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed. Kulankan waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan, Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika, Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey , Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan ,James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka, Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka arrimaha dibedda Ereteriya, Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibedda Kenya Marwo; Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, daneeyeyaasha Gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kohama-Jaban (SMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Wuxuuna Madaxweynuhu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu Garab istaago Waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya deris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay billow fiican, kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dedaalladii dib u heshiisiineed iyo kuwa iskaashiga Saddex geesoodka ah ee Dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka. Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed. Waxaana kulanka ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan, Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika, Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey , Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan ,James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka, Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka arrimaha dibedda Ereteriya, Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibedda Kenya Marwo; Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, daneeyeyaasha Gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha. Halkan hoose ka daawo Sawirada: View the full article
-
More reports are coming out of operations in the last hours by government troops in Lower Shabelle region. The operation was planned and carried out by the armed forces in the region. Adan Abdi, one of the military officials, who spoke to Shabelle, said they killed one commander in a confrontation with al-Shabaab. The group has not yet commented on the attack. View the full article
-
Somalia’s permanent representative to UN Ambassador Abukar Osman celebrated Wednesday’s resolution, arguing that declaring Al-Shabaab a terrorist group would have further weakened efforts to disintegrate it. The UN Security Council has rejected Kenya-backed resolution to list Somali based armed group on 1267 on Wednesday. United States, France, Belgium, Germany, Kuwait, and Poland rejected the Kenyan government’s move at the assembly. Somalia’s ambassador to the United Nations, Abukar Dahir Osman commended council members for rejecting what he termed as unjustified move. “Commend Council members for rejecting the unjustified listing of AS to 1267.” Ambassador Dahir said after the decision. UN security council has instead urged Kenyan Government to implement existing Security Council resolution 751 targeting al-Shabaab including the ban of illegal charcoal trade in which is the lifeline of the group to finance its operations in the region. Aid agencies have earlier warned that if approved the move would have “criminalized humanitarian aid” at a time when 18% of Somalis face the risk of severe hunger. Kenya believed that if the United Nations formally classifies Somali militia group, Al-Shabaab, as a terrorist group, then there would be more action on combating the extremists. Leading non-governmental organizations and former US top officials wrote to US Secretary of state, Mike Pompeo last week calling for Washington to reject Nairobi move arguing that if approved the decision will have a catastrophic impact on lives of people living in areas controlled by the armed group in Somalia. View the full article
-
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegey in xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa ururka Ahlu sunna, oo saameeyay magaalada Dhuusamareeb . Wasiirka oo saxaafada la hadlay ka dib kulan uu la qaatay madaxda kooxda ayaa xusay in lagu go’aan saday in wixii qaladaad ah iyo tabasho ah si wadajir ah loo xaliyo, waxaana uu yiri” Waxaan iidiin sheegayaa inaan hadda ka soo baxay shir lagu go’aan saday wixii khaladaad ah oo dhacay iyo wixii tabashaa in inta la galo, oo la dhameeyo, wax yaabihii magaalada ka dhacayey iyo kala shakigii iyo dhacdhaqaaqii muu jinaayay inaan la isku raacsaney arrinka ayaa saameeyay, Illaahey waxaan ka rajeynaa fariinta caawa la iskula soo laabtay in ay ka qaado carqaladdii saarneyd, horayna loogu socdo shir weynihii lagu heshiiyay Galmudug in ay ka soo wada qeyb gasho”. Wasiir Sabriye oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in aysan xalku ku jiro in marwaliba la wada hadlo wixii tabasha ahna si wadajir ah loo xaliyo, waxaana uu caraba ku adkeeyay in uu khilaaafku cuuyaaminaayo hanaanka la doonayo in lagu dhiso Galmudug lawada leeyahay waxaana uu yiri” Barnaamijka dib u heshiisiinta culeyskiisu kuma saleysna reer hebel ayaa intaas naga qaba ee wixii dheeraad ah hanagala siiyo, deegaan annagu aan daganey aynaga durugsadeen waa inaan la dagaalnaa maahan, miisaankiisa wuxuu ku jaheysan yahay in la yiraahdo Galmudugey haddaad isu timaadeen dowlad idin kala dhicisa, dowlad waxa idin kala jira idiin kala qaada, tuugada idiinka qabata oo xabsi geysa, cadaalad iyo nabad keenta”. Dhanka wasiirka arrimaha gudaha Abdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’antahay in Galmudug ay noqoto mid dadku ay u sinaadaan oona la wada yeesho, aysanna ka jiri doonin qof jecleysi iyo dadka qaar xaqooda lagu tunto” wasaaradda waxaa ka go’an ah haddii ay jiri jireen qof qof kale wixiisa loo qaado , qof gacanta la soo qabto oo la soo dhaweeyo iyo mid la fogeeyo, waxaan idiin balan qaadayaa intii illaah iga karsiiyo beelahaas, Ergooyinkooda, guddiga doorashada iyo Odayaasha dhaqabka ee soo xulaaaya iyo xildhibannada ay keenaayaan inta cadaaladdu gaari karto oo annagu aan karno inaan gaarsiinno” Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya ayadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada dhuusamareeb uu hareeyay khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa ururka Ahlusunna iyo dowladda federaalka, oo Ahlusuuna ay ku eedeysay in ay jabisay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa awaamiir duldhigtay shirkadaha diyaaradaha ka dhoofaya iyo kuwa ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland. Diyaaraddaha degaya iyo kuwa ka soo dhoofaya magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu amray inay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaasi loo sababeeyey hubinta waxyaabaha ay sidaan. Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaysa inay ka hortagto shaqsiyaad ay damacsan tahay inay ka hor joogsato caleema saarka madaxweynaha Jubbaland. Lama oga in tallaabadaani ay saamayn ku yeelan karto Xaflada Calemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la qorsheeyay inay dhacdo 26/9/2019. PUNTLANDPOST The post Diyaaradaha ka duulaya iyo kuwa ku degaya garoonka Kismaayo oo lagu amray inay Muqdisho soo maraan. appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Cabsi xoogan oo dhanka amniga ah ayaa haatan soo wajahday Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka. Ilhaan ayaa dalbatay ilaalo dheeri ah oo suga ammaankeeda, kadib markii ay la kulantay hanjabaadyo ku aadan in la dili doono. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa loo adeegsaday erayo xanaf leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin “urtadda Soomaaliya” iyo “in qori lagu dili doono. Sidoo kale afhayeen u hadlay Ilhaan oo u warramay Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in kiiskan ay haatan baareyaashu gacanta ku hayaan, islamarkaana ay hubinayaan, haddii uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan xisbiga Jamhuuriga oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka uu meel mariyey in Congress-ka laga eryo Ilhaan Cumar. Gabadhan Soomaali Mareykanka ah ayaa tan iyo doorashadii dhexe ee Mareykanka waxa uu loolan adag kala dhexeeyaa Madaxweyne Trump. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Tan iyo markii shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah ayaa waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sababta dowladda federaalka ah u diideyso in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah. Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday sida go’aan noocaas ah uu u saameyn karo Soomaaliya waxaana u soo baxday in laga hortago in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-shabaab. Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab. Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka Qaraarkan ay Kenya wadato, waxaa la gudbiyey todobaadkii hore, waxaa kale oo dalabka ku jira in marka Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada kadib ay dunida qaado dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Muuqaalka aan iska duubay ee aan ku lahaa geed hala isaaro wuxuu ahaa mid aan ugu talagay oo aan sidaa ku sii daayay”, ayey tidhi Deeqa Afro oo la hadashay BBC Somali. (SLT-Hargeysa)-Deeqo ayaa dhowr bilood ka hor soo saartay muuqaal ay kaga hadleysay sida ay rabto in la yeelo marka ay dhimato ka dib, kaas oo falcelin aad u kala duwan ka dhaliyay baraha Bulshada. Muuqaalkii ay iska duubtay ee ay ku codsaneysay in aan la aasin ayey ku tidhi: “Waxaan codsanayaa in maalintii ilaahay i oofsado ee aan dhinto in aan wax qabri ah la ii qodin; in aan la i aasin. Arrintan waxaa ka fikirayay muddo aad u badan”. “Adduunka dhul la’aan kama jirto. Waddan kastaa wuxuu leeyahay dhul badaan oo lama degaan ah. Dhul la dhigi karo maydka meeshii laga aasi lahaa”, ayey hadalka ku dartay. “Anigu in la i aaso diyaar uma ahi; in kastoo rajo aad u fiican aanan ka qabin”, ayey tidhi. Deeqa Afro ayaa sheegtay in arrintaas ay horey ugala hadashay hooyadeed ayna ka diiday. Balse waxay dooneysaa in aanan la aasin. “Waxaan aad iyo aad ula yaabaa dadka xabaala dadka kale. Mar alle marka uu qofka dhinto waxaad arkeysaa dad sidaa u soo kala ordaya oo majaafado iyo balaayo uun sita. Waxaan ku dhihi lahaa naxariis darada iska daaya”, ayey Deeqo ku tiri muuqaalka ay soo saartay. Haddaba maxa Deeqo Afro hadalkaa ka keenay? Deeqa Aadan Muuse waxay qirsan tahay in muuqaalka ay sameysay iyadoo og, ayna sidaa ku sii baahisay. Sababta ay u tidhi yaan la i aasin iyadoo sharaxeysay ayay sheegtay in “ay arrintaa jeclayd illaa yaranteeeda”. Deeqa Afro ayaa sheegtay in weligeed halmar oo keli ay tagtay meel qabuura ah, waxayna raacday dhallinyaro ay saaxiibo yihiin oo hooyadood dhimatay, oo ay lu sii raacday illaa qabuuraha, sida ay BBC u sheegtay. Dhinaca kale Qaar ka mid ah culimada soomaalida ayaa si weyn uga naqdiyay hadalka ka soo yeedhay fanaanadan, waaanay ugu baaqeen in ay ka tawbad keento go’aankaasi. Source
-
Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/ Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Xoogga ee ka howlgala gobolkaasi. Aadan Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay dileen hal sarkaal, kadib iska hor imaad ay la galeen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shababa oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/ccc-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa shaqo joojin iyo xilka qaadis isugu daray agaasimaha wasaaraddaasi, Cabdullaahi Xayir Ducaale. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirkan, kuna taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya. Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyey waxaa horay shaqada uga joojiyey wasiirkii hore ganacsiga iyo warashadaha, Maxamed Cabdi Xayir, iyadoona markii dambe dib loogu soo celiyey shaqada iyo xafiiskii uu joogay. Haddaba sababta xilka looga qaaday agaasime, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay: In Cabdullaahi Xayir Ducaale uu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin, maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah, tan iyo markii uu shaqada kusoo laabtay. Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu amaray in agaasimahu wixii qalab iyo dukumiinti ah ay wasaaradda leedahay uu wareejiyo, kadibna uu iska xaadiriyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Diyaaraddii u horreeysay ee shirkadda duulimaadyada Uganda Airlines ayaa goor dhowayd soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Duulimaadkan ayaa billow u ah duulimaadyo toos ah oo isku xidhaya Muqdisho iyo Kampala. Xaflad lagu daahfuray duulimaadyada ayaa lagu qabtay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Uganda Airlines ayaa dib u habeyn ballaadhan lagu sameeyay, muddo 18 sanno kaddib, iyada oo shirkadda ay billowday duulimaadyo ay ku tageyso dalalka gobolka. Source
-
(SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ganacsi ee xidhiidhka la leh wadanka Iiraan. Waaxda maaliyadda ayaa liiska madow waxay ku dartay laba shirkadood kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay xidhiidh la leeyihiin ciidanka kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. Mid ka mid ah shirkadahan oo laga leeyahay wadanka Hong Kong, kana shaqeysa dhanka Technoolajiyada ayaa ka mid ah shirkadaha lagu eedeeyay in ay caqabad ku tahay amniga Mareykanka. Waxyaabaha kale ee shirkadahan ganacsi waaxda maaliyada Mareykanka ay ku heysato ayaa waxaa ka mid ah in maadada Uranium-ka ee laga sameeyo hubka wax gumaada ay u gudbinayeen dalka Iiraan. Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii madaxweyne Donald Trump, uu ka baxay heshiiskii hubka Nuclear-ka ee wadamada quwadaha oo Mareykanka uu qeybta ka ahaa sanadkii 2015-kii uu ka Baxay. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergeygiisa arrimaha Soomaaliya ee James Swan. Guterres ayaa xilkan u soo magacaabay Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada dalka Mareykanka. Sidoo kale Mulla ayaa qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Ninkan ayaa bedalaya George Canaway oo u dhashay dalka Canada, islamarkaana QM u qaabilsanaa howlgalkeeda Soomaaliya. Diblomaasigan ayaa hore uga soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kalem isaga oo leh wax ka badan 30 sanno oo khibrad ah. 30 kii May ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay James Swan u soo magacawday wakiilkeeda Soomaaliya, kaas oo bedalay ergeygii la eryey ee Nicholas Haysom. Source
-
(SLT-Washington)-Arday Falastiini ah oo dhowaan waxbarasho ka helay Jaamacada Harvard ayaa laga mamnuucay in uu gudaha u galo dalka Mareykanka. Ismaaciil Ajaawi oo 17 jir ah ayaa su’aalo waxaa weydiiyay saraakiisha waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka. Su’aalo weydiintan oo socotay muddo afar saacadood ah ayaa waxaa ka mid ahaa diinta uu haysto ardaygaan iyo shaqsiyaadka caanka ah ee saaxiibka kula yahay baraha Bulshada. Mr Ajaawi oo 17 jir ah oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Lubnaan ayaa deeq waxbarasho waxaa siiyay hey’adda Hope Fund. Afhayeenka laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka Michael McCarthy ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ardaygaan uu ka jawaabi waayay su’uulihii la Weydiiyay. Source