Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-13092019.mp3 View the full article
  2. Marka (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka shegtay dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay isaga hor-yimaadeen maleeshiyada Al-Shabaab. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howl-gallo baaxad leh oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose “lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.” “Howlaglkan oo ciidanka xoogga fuliyeen xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay hub iyo saanad millitari” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Dhinaca kale, qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkii xalay. Magaalada Marka ayaa waxaa la filayaa in dhowaan uu booqasho ku tago ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Xogaha Ku Gadaaman Buugga Cabdi Qays Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd . Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin. Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii. Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay. Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen. Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay . Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob 1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo 2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu . Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo kordhay arinkaa sidaa ku fulay ? Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii . Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa . Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay. Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ? Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ; Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan. Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay , Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ; Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday . Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba , Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho . Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays! Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay? Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto? Guntii iyo Gabagabadii:- Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey . Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay . haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis . Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin . Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan. Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran . Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer . Source
  4. Uganda Airlines has disputed claims that it had grounded one of its planes and failed to make scheduled flights to Somalia this week. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sidaa ay gacanta ku hayaan. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa saaka soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay. Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey mashaariicda kala duwan ee ay wasaaraddiisu ka waddo banka Wajaale, ayaa si qoto dheer uga warramay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii wax soo saarkaasi meelo kala duwan oo dalka ah u gaadhi lahaa, bulshadana ugu horseedi lahaa inay gartaan qiimaha ay leedahay wax beerashadu. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey goobaha ay ku yaalliin beeraha wax soo saarka ee wasaaradda horumarinta Beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qaranku gacanta ku hayaan, ayaa kula dardaarmay inay sii libin-laabaan dedaalkooda dhinaca wax soo saarka, isaga oo rejo wanaagsanna ka muujiyey in midhaha ka dhasha mashaariicdaasi ay sannadkan wax weyn ka dari doonaan baahida cunto ee dalka, waxana uu yidhi, “Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.” Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku gudo jira maalintoodii saddexaad ee safar shaqo oo ay ku joogaan gobollada galbeedka dalka, ayaa maanta salaaddii Jimce kala qayb-galay shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  6. Kenya said it’s seeking an out-of-court settlement of a dispute over an oil-rich territory with Somalia, a week after the United Nations International Court of Justice granted its request to delay the case. Source: Hiiraan Online
  7. With famine looming large, due to worst harvest season since 2011 in Somalia, the UN Relief Chief Mark Lowcock on Friday, downplayed its effects on the food security. Source: Hiiraan Online
  8. Dozens of families have been fleeing their homes in drought-hit villages in southern Somalia’s Gedo region, as telecommunications network outages have left them unable to buy food and water. Source: Hiiraan Online
  9. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa horay usii bilaabay olalaha doorashadooda, waxaana la filayaa in marka la gaaro bisha Jannaayo ee sannadka 2020-ka ay sii xoogeysato. Qaabab badan oo ay ku gudbin karaan ayay heystaan siyaasiyiintu, qaababkaas ayay Source: Hiiraan Online
  10. Ciidamada booliska ayaa qabtay shaqsi looga shakisan yahay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab kaasi oo tirro laba jeer ah ka badbaadey khaarjin. Saalim Cabuudi Khaalid, oo aan la ogayn jagadda uu hayo, ayaa haatan la il-daran dhaawacyo, wuxuuna ku jiraan saldhig ku dhex-yaala Isbitaalka lagu daaweynayo. Nabaradda ayaa waxay kala yaaliin dhanka caloosha, gacanta midig iyo lugta, sidda laga soo xigtay sawirro laga soo qaadey oo uu baahiyey wargeyska Daily Nation. Baareyaasha ayaa haatan ku guda jira su’aallo waydiinta ruuxan, kaasi oo lasoo shaqeeyay qaar kamid hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan Al-Shabaab ee Kenya. Waa kuma Saalim Khaalid? Bishii October 3-deeda sanadkii 2013-kii, gaari uu la socdey ayna ku wehliyeen xubno kale kaasi oo la rasaaseeyay ayuu noqday qofka kaliya ee ka badbaadey. Waqtigaasi kadib aad ayuu ugu yaraa aragiisa gudaha is-maamul goboleedka Mombasa, balse wuxuu iska dhigay ruux ay naftu ma hore ka baxdey kadib tacshiirada. “Waan u dhameynay,” ayuu sheegay inuu maqlay. Hadalkaasi waxaa yiri dad lagu sheegay booliska. Khaalid ayaa kadib ka boodey gaariga, waana uu baxsadey. Tan iyo xiligaasi, ciidanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa aad u doon-doonayey, waxaana lagu daray liiska xubnaha la baadigoobayo. Warbixino xaga sirdoonka ah ayaa muujiyey in uu dhanka Soomaaliya u socdaalay dhowr jeer, isla markaana uu marar kala duwan qaatay tababar dheeraad ah. Walaalkii, Haashim, waxaa la sheegayaa in dhowaan lagu khaarijiyey gudaha Soomaaliya, isaga oo ka barbar-dagaalamaya ururka ku xiran Al-Qaacida. Arbacadii todobaadkan [11-ka September 2019], markii ay boolisku ku duuleen hoygiisa Tudor Mwisho ayaa gacanta lagu dhigay kahor inta aan la toogan. Kahor inta aysan booliska baaritaan sameynin oo aysan xaqiiqada ogaan, markii dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta wuxuu mar kale iska dhigay ruux dhintay. Rasaasta ayaa looga beegsaday caloosha, gacanta midig iyo lugta, balse, xaaladiisu haatan waa mid aad u wanaagsan, sidda laga soo xigtay taliska bileyska. Walaashii, oo aan wali magaceeda illaa iyo haatan aanan la shaacin, ayaa lagu waramayaa in ay u soo dhooftay Soomaaliya, ayna xubin ka noqotay Al-Shabaab. Xigasho: Garowe Online
  11. Diiq dahab cun ah ayaa lagu bireeyay dalka Itoobiya, waxayna u badan tahay inuu hilibka dabaaldagga sanadka cusub u noqdo haweeney ku khasbanaatay inay soo iibsato, ka dib markii uu liqay dhag dahab ah oo ay xirneyd. Ujeeddada ugu weyn ma aha hilibkiisa balse waa si loo helo dahabkii uu sida lama filaanka ah u laqay. Haweeneyda oo lagu magacaabo Hachaltu Bedira ayaa tagtay suuqa ku yaalla magaalada Woliso ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya. Qorshaheeda wuxuu ahaa inay iska iibiso qaar ka mid ah digaaggeeda, mana aysan dooneynin inay digaag kale soo gadato, laakiin waxay dib ula soo laabatay hal diiq oo qalaad. Diiqaas waxaa lahaa ganacsade kale oo doonayay inuu iska sii iibiyo, waxayna Hachaltu mar qura ku kulmeen suuqa xilligaas mashquulka ku ahaa dukaameysiga la xiriira u dabaal dagga munaasabadda sanadka cusub ee dalka Itoobiya. Maalintii Talaadada ahayd, mar qura wuxuu buuq hareeyay suuqii mashquulka ahaa ka dib markii uu diiqa kasoo baxsaday qofkii iibinayay uuna dhagta dahabka ah ka goostay Ms Hachaltu isagoo isla markiina liqay. Waxay markiiba ka dhex tolatay haweeneydii dhagta dahabka lahayd iyo ninkii watay diiqa sameeyay falka “layaabka leh”. Xaaladda ayaa aad u kululaatay, waxayna gaadhay ilaa heer ay soo faragaliyaan ciidamada booliska ee halkaas ka ag dhawaa. Taliye lagu magacaabo Tadesse Bedada ayaa BBC-da laanteeda Afaan Oromoo u sheegay in xalka la helay kaliya markii ay boolisku dhexdhexaadin u sameeyeen labada ganacsade ee is heystay. Ms Hachaltu ayaa ugu dambeyn oggolaatay inay diiqa ku iibsato 150 birr oo lacagta Itoobiya ah, taasoo u dhiganta $5 doolar ama 4 gini. Qiimahan ayaa aad uga yaraa midka caadiga ah oo halkii diiq lagu iibsado 250 birr, hase yeeshee waxaa la isku waafaqay sidaas maadaama uu diiqa sameeyay fal aan loo baahneyn uuna milkiilihiisa ku muteysanayo khasaare qeyb, sida uu sheegay taliya. Mr Bedada ayaa intaas ku daray in diiqa uu ahaa mid layaab leh uuna raadinayay wax kasta oo midabka dahabka leh si uu u liqo, markii uu gacanta booliska ku jiray. Waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa leh taariikh xisaabiye gaar u ah oo qiyaastii 7 sano ka dambeeya taariikh xisaabiyaha caadiga ah ee ay dunida inteeda kale raacdo. Maalinta Khamiista ah ee foodda nagu soo heysa, Itoobiya waxay u noqon doontaa maalinta koowaad ee sanadka 2012-ka. Qaran News
  12. Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu maanta magaaladda Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socotay Ingiriiska. Dhinacyadda ayaa waxay ka wada hadleen arrimo quseeya ciidanka iyo sidii sarre loogu qaadi lahaa tayadooda. Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar], taliyaha bileyska, oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyey qodobada ay isla meeldhigeen. Mr Xijaar ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay isla qaateen sidii loo dardargelin lahaa tayeynta booliska Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/adf.mp3 View the full article
  13. Garowe (SMN) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u habeyn ku bilowday ciidanka maamulkaas. Cabdicasiis Maxamed Galan, wasiirka wasaaradaas, ayaa waxa uu sheegay in qorshahan uu sidoo kale qayb ka yahay tayeynta ilaalada mas’uuliyiinta. Mr Galan ayaa intaasi raaciyey in si lamid ah ciidamada ilalaada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay sidoo kale dib u habeyn doonan. Qorshan ayuu carabka ku adkeeyay in ay u gudbiyeen Golaha Wasiirada maamulkaas, uuna yahay mid ku dhow heer gabagabo ah. View the full article
  14. Marka (SMN) – Ciidamadda xooga dalka ayaa howlgalo saf-balaaran ah waxay ka wadaa xaafadaha kala duwan ee magaaladda Marka. Howlgaladda ayaa waxay ka dambeeyeen ka gedaal markii dagaal culus uu halkaasi ku dhex-maray AlShabaab iyo ciidanka. Dagaalka oo khasaaro kala duwan uu dhinacyadda kasoo gaarey ayaa waxaa ku dhintay guud ahaan shan ruux oo bada dhinac ah. Saraakiisha ammaanka oo diidey in ay xogo dheeraad ah ka bixiyaan howlgaladda socda ayaa tibaaxay in uu yahay mid nabad-gelyadda lagu sugayo. Sikastaba ha haatee, magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ku sugan ciidanka 14-ka October oo howlgalada wada. View the full article
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Odayaal kulan ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, baaq nabadeed kasoo saarey colaad beeleedyo ka aloolsan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayey ku booriyeen in ay xabadda joojiyaan, isla markaana wax kasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka, maadaama aanan dagaal xal ahayn. Wax garadka ayaa intaasi raaciyey ay ay dardar gelin doonan dedaaladooda samadoonimadda ah, si looga baaqsado dagaalo horleh oo bulshooyinka walaalaha mar kale dhex-mara. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isku dhacyo dhexmaray beelahaasi Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo kharaar uu ku dhexmaray qayb kamid ah gobolkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Okay.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-13092019.mp3 View the full article
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda. “Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma. Hadalka Juma ayaa qeyb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah inaysan aqbali doonin go’aanka ICJ. Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil. Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaaro kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabaa ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in laba milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul iyo gaajo, iyadoo ugu baaqaysa beesha caalamka inay gargaar bani’aadnimo la soo gaaraan Soomaaliya. Macluushan ayaa ka dhalatay xaalado abaareed oo dalka ka jiray ilaa sanadkii 2011-kii, sidda lagu sheegay warbixinta. Isagoo ka hadlayey gebagebada booqasho laba cisho qaadatay oo uu ku yimid Soomaaliya, ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka, Mark Lowcock, ayaa waxa uu sheegay in dagaalo tobanaan sano socday iyo horumar la’aan ay wiiqeen awoodii ay dowladda Soomaaliya kula tacaali laheyd dhibaatooyinka bani’aadnimo ee soo noq-noqaya. Waxa uu intaa ku daray in abaaro ka dhashay roobabka oo soo daahay ay xaalada uga sii dareen, iyadoo marka roobabka ay da’aana ay sababaan daadad khasaare geysta. Lowcock ayaa waxa uu sheegay in ilaa lix milyan oo qof ay wajahi doonaan cuno-yari bilaha soo socda, iyadoo buu yiri, dadkaasi saddex meelood oo meel ay aad u il-daran yihiin. Lowcock ayaa horkacayey koox ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo ka socda Baanka Aduunka, kuwaasoo gaaray Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed, halkaasoo saddex boqol iyo lixdan kun (360,000) oo dad ah ay kaga qaxeen guryahooda abaaraha iyo dagaalada u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, saddexii sanno ee la soo dhaafay. Dadkan ayaa la dejiyey ilaa 435 goobood oo ku yaala Baydhabo hareeraheeda. Warbixintii dhowaan ay QM ka soo saartay xaalada cuno-yari ee Soomaaliya ayaa muujisay in dalagii beeraha ka soo go’ay bilahii April ilaa June ay ahaayeen kuwa aan ku filneyn baahida jirta. Warbixinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale xusaysa in musiibooyinka dabiiciga iyo colaadaha sokeeyey ay guryahooda ka barakiciyeen ilaa laba milyan iyo lix boqol oo kun oo dad ah. View the full article
  19. Maamulka Jubbaland ayaa meel wanaagsan ka maraya iney dhowaan Hawada u duulaan, Diyaarad ay iska kaashanaya doonaan Ganacsato Reer Jubbaland iyo Reer Kenya ayaa dhowaan [...] Source
  20. Sterling Energy has announced that the Government of the Republic of Somaliland has granted a continued extension to the current period of the Odewayne Production Sharing Agreement (‘PSA’). The expiry dates of the relevant exploration periods under the PSA shall now be: Third Period: 2 November 2020; Fourth Period (optional): 2 May 2022; Fifth Period (optional): 2 May 2023; and Sixth Period (optional): 2 May 2024. The minimum work obligations for the exploration periods remain unchanged: (i) the acquisition of 500km of 2D seismic during the Third Period; and (ii) the acquisition of 1,000km of 2D seismic and one exploration well during the Fourth Period. Sterling holds a 34% interest in the PSA and will be carried by Genel (50% interest and Operator) for the costs of all exploration activities during the Third and Fourth Periods of the PSA. David Marshall, the Company’s Chief Executive Officer said: ‘We would like to thank the Government of the Republic of Somaliland and Genel for agreeing to a continued extension. Sterling continues to support the operator during the reprocessing of the full 2D seismic dataset and we look forward to receiving the final deliverables in Q4 2019.’ The Odewayne Block covers a very large area (circa 22,000 sq km) onshore southwestern Somaliland, located adjacent to the border with Ethiopia. The PSC covers block SL6 and part of blocks SL7 and SL10. Original article link Source: Sterling Energy Qaran News