Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Waxaa sidoo kale wafdiga madaxweynaha soo dhoweeyey wasiirka amniga iyo gudaha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlaamka Soomaaliya siyaasiyiin iyo dadweyne. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.
  2. (SLT-Rwanda)-Madaxweynaha dalka Rwanda President Paul Kagame, oo saxaafada dalkiisa xog ka siinayey heerka soo dhaweynta dadka Afrikaanka ah ee ku xayiran Liibiya dhulkeeda, ayaa ka hadlay arinta Koonfur Afrika ee dadka ajnabiga ah lagu cunsuriyadaynayo. Waxaanu Madaxweynaha dalka Rwanda soo jeediyey in dalkii Nelson Mandela ay xiligan lagama maarmaan noqotay in laga saaro dhamaan qaybaha ururka Midawga Afrika. Dhawaaqan ka soo yeedhay Madaxweyne Paul Kagame waxa uu kor u qaaday oo uu cod dheer ku sheegay ficilada guracan ee cunsuriyada ku salaysan ee ka socda Koonfur Afrika. “Soo jeedintan waxa hogaaminaya oo adkeynaya mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ee leh cunsuriyadda,” ayuu yidhi Mr. Kagame. Waxaanu intaasi ku daray Dhibaatadan ayaa ka muuqata farriinta Madaxweyne Ramaphoza ee ah in dhiggiisu ay ka caga jiidayaan inay aqbalaan natiijada. “Markaan maqlo hadalka dhigaysa Ramaphoza wuxuu yidhi diiwaan gelinta weeraradan ugu dambeeyay waxa ku dhintay 10 qof, oo mid kaliya uu yahay ajnabi, waxaan qabaa inay tahay inaan si ku meel gaadh ah aynu uga saarno dhamaan unugyada Midowga Afrika iyo ururada kale ee urur hoosaadka ah, sidaa darteed way fahmi kartaa in Qaaradda Afrika loogu yeedhay qarnigan 21aad inay midoobaan oo aan la arki karin iyada oo laga hor imanayo caqabadaha horyaal ee dunida ka jira, ”ayuu Paul Kagame u sheegay saxaafadda Rwanda. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Ay Isku Beel Yihiin Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Askari Laascaanood Ku Dilay Askari Kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Waddani Oo shaaciyay Wakhtiga Uu Xidhmayo Bixinta Kaadhka Shirka Golaha dhexe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye Cabdikariin Xinif, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ilaada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay duhurnimadii maaanta askari kale oo isla ciidanka illaada hay’adaha ah. Dilka ayaa dhacay xilli ay askarta ku sugnaayeen xarun ay deganyihiin dhawr hay’adood uu ku taalla magaalada Boosaaso. Lama oga sababta ka dambaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen. Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed oo ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, isla markaasna ay baadhi doonaan sababta askarigani uu dilka u gaysatay. Source
  8. Burco(SL-)Masuuliyinta Ururka Dhalinyarada Damal Bari Oo Dhaliilo Ujeediyey Wasiirka Deeganka Iyo Badhasaabka Togdheer. Source
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee uu dhowaan ku shaaciyay in Madaarkii Berbera uu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka ah. Waddani ayaa sheegay in is-bedel weyni ku yimid Istaraatijiyadii Imaaraadka, midaasi uu ku macneeyay in dantii uu Berbera ka lahaa ay wax weyn iska badaleen, sidaasina uu ku yimid hadalka Madaxweyne Biixi. Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inay dadweynaha reer Somaliland si cad ugu sharaxdo waxyaabihii iska badalay heshiiskii ay hore ula galeen dowladda Imaaraadka Carabta. Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha looga fadhiyo in uu banaanka keeno heshiiskaasi oo uu sheegay in mad-madow badan uu hore ugu jiray, isla markaana loo baahanyahay in madowga laga saaro haddii wax ka badal lagu sameeyay, wuxuuna yiri “Heshiis beynu Imaaraadka ku wada jirnay, heshiisku siduu doonaba ha ku bilaabmo, wuxuu ahaa in Madaarka Berbera uu saldhig Millateri u noqdo dowladda Imaaraadka, markaa arrintaasi maxa iska badalay, ma dhankeena ayey wax iska badaleen?, mise dhanka dowladda Imaaraadka iska badaleen?, sidey wax u jiraa?, su’aalo faro badan bey u baahantahay oo ay tahay in dowladda iyo madaxweynuhu ay ka jawaaban”. “Sida muuqata Isbedel xagga istaraatijiyada oo siyaasiyan ah oo Imaaraadka ayaa jiraa, weyna cadahay. Siyaasadii arrimaha dibeda ee Imaaraadkuna waxay wadaa dibu qaabeyn, midaasi oo saameyn ku yeelanaysa danihii ay hore u lahaayen dowladda Imaaraadku”. Wuxuuna intaas kusii daray “Isbadelada Istiraatijiga Imaaraadka ayuunba u muuqda in uu arrintana qeyb ka yahay, oo saameyn ku leeyahay. Innaguna haddii aan iskala daala dhaceyno oo aynu mareyno halka ay marto dabaysha danaha dalalka kale, waxay ku fiicneed ugu yaraan in dadka ay u sharaxaan sida ay wax u dhaceen, midaasi oo ah waajib ay ku leeyihiin Madaxweynaha”. “Waa in dib loo eego Heshiiskii oo dadka loo sharaxo, loona sheego, oo ayna sanduuq madow ku jirin, sidii uu markii horeba uu sanduuq madow ugu jiray, oo himikana aan lagaga bixin sanduuqii madoowa ee heshiisku ku jirey, waa in dadka loo sheega haddii uu wax iska badalay heshiiskaasi”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. (SLT- Kuwait)-Dawladda Kuwait ayaa joojisay Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo ee Dalkeeda loo iib-geeyo. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dalka Kuwait ayaa Masuuliyiinta Wasaaraddiisa ee ay khusayso Arrintani u soo jeediyey inay suuqyada ka mabuucaan oo ka joojiyaan Dhuxusha looga soo soo dhoofiyo Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in Lacagaha ka soo baxa ka ganacsiga Dhuxusha ay si aan toos ah loogu Maalgeliyo Argagixisada. Sidaa waxa qoray Wargeyska Al-Rai daily oo soo xiganaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalka Kuwait. Warqad xambaarsan Go’aan hore Golaha amaanka Qaramada Midoobay ugu mabnuucay Dhuxusha Soomaaliya in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, ayaa Wargeysku sheegay inuu gaadhay Wasaaradda Ganacsiga Kuwait, sidaasi darteedna Wasaaradda oo amarka Qaramada Midoobay fulinaysaa ay soo saartay Amarka joojinta Dhuxusha Soomaaliya ee loo dhoofiyo Kuwait. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan xisbiga Waddani kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa si adag uga jawaabay hadalka guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Mr Cabdikariim Xinif shalay ku sheegay in reer Awdal haystaan kuraas dheeraad ah oo golaha wakiillada ah kuwaas oo qaarkood reer Hargeysa leeyihiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. An unspecified number of Burundian peacekeepers were killed Saturday when a military convoy was ambushed by the militant group Al Shabaab north of the Somali capital Mogadishu, security sources said on Sunday. “We’ve been informed about an ambush in which a number of Burundian soldiers were killed,” Abdikarim Hassan, a local Somali security official told AFP. A senior official contacted by telephone in the Burundian city of Bujumbura told AFP 12 Burundian soldiers had been killed and six injured. “Yes it’s true. Unfortunately 12 of our soldiers were killed and six others injured yesterday (Saturday) by Shabaab militants who ambushed them as they were returning from a security mission in a convoy going from Jowhar to Mogadishu,” the Burundian official said on condition of anonymity. Shabaab claimed responsibility for the attack in a statement, claiming to have killed 14 Burundian soldiers. The soldiers, who were serving with the African Union peacekeeping mission in Somalia (Amisom), were attacked on the road linking Mogadishu and the city of Jowhar, 90 kilometres (55 miles) north of the capital. The Shabaab has been fighting for more than a decade to topple the Somali government. A few hours before the attack a bomb exploded on the same road, killing three people including two local officials, Hassan added. Resident Ahmed Haji said villagers had heard gunfire and seen bodies. “Some villagers saw the dead bodies of the AU soldiers near the scene of the ambush, but they could not say their numbers,” he said. “People heard heavy exchange of gunfire that lasted more than 20 minutes as the Amisom military convoy was passing by the area,” he added. The attack is the latest in a long line of bombing and assaults claimed by the Al-Qaeda-linked militants. The Shabaab was driven out of Mogadishu by government forces backed by 20,000 peacekeepers from Amisom in 2011. But they still carry out attacks including suicide bombings against government targets. Source: AFP
  13. Puntland’s political and economic environment has been consistently improving and stable since 1998. Under good leaderships, Puntland has been able to be a political stabilising [...] Source
  14. Cadaado (Caasimada Online) – Odayasaha iyo waxgaradka beesha magaalada Cadaado oo maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu tago magalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah: 1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado. 2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado. Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga fulinayo dalabkooda. Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin dowladnimada iyo dhismaha Galmudug, hase yeeshee ay dalbanayaan balantii madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday, xilli uu ku sugnaa magalada Cadaado. Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii bishii Maarso ee sanadkii 2018 waxa uu magaalada Cadaado u magacaabay inay noqoto xarunta baarlamanka Galmudug. Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Cadaado. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Odayaasha-Cadaado.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland oo uu dhowaan uu ku dhawaaqay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kula kulmay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi u qaabilsanaha Midowga Yurub Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez. Kulanka oo ka dhacay xafiiska midowga Yurub ay ku leeyihiin magaalada Garowe ayaa looga hadlay qorshaha guddiga ee hiigsiga doorashooyinka axsaaba badan ee Puntland oo horay ay u balan qaaday Madaxweyne Deni inuu gaarsiinayo Puntland. Afhayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq, ayaa sheegay in sheegay in safirka ay la wadaageen warbixinna ay ka siiyeen sida guddi ahaan ay uga go’an tahay hirgalinta iyo gaarsiinta puntland doorashooyinka axsaabta ku dhisan. Sidoo kale Afhayeenka oo sii hadlaayo ayaa sheegay waxaa uu sheegay in safiirka uu guddiga ku bogaadiyay sida ay howlaha u wadaan,isla markaana uu u balan qaaday in Midowga Yurub uu taageero buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. MOGADISHU (HOL) - Somalia has today released its Initial State Party Report on the rights of children 35 years after such a report was published in line with the global Convention of the Rights of Children. Source: Hiiraan Online
  17. Rwandan President Paul Kagame, at a press briefing that announced the welcome of Africans stranded in Libya on his territory, spoke out on the South Africa case. Source: Hiiraan Online
  18. Hyundai joins Coca Cola as one of the world-renowned companies Hyundai has played a major role in helping Somaliland gain international recognition, which it was seeking for very long. The South Korean car manufacturer collaborated with the Dahabshiil group of companies to introduce Hyundai car models to Somaliland and to Africa, whose economy is now also booming thanks to the growth in international interest. Awil Sharif, the CEO of Dahabshiil motors, said that Hyundai entering Somaliland and Africa is vital for the economic developments of both regions. He added that their further strategic plans include expanding the business to other regions around Somaliland and east Africa. They plan on doing it as early as they can. He also said that everyone is very optimistic that Hyundai’s entry will have a major impact on the motor industry. They have introduced almost eight models in the country. These include Grand Santa Fe, Santa Fe, Tuscon, Creta, Elantra, Grand i10, a 14 seater Commercial Bus, and Light Track. They started with eight models and added that they’ll bring more in the future if the customers demand it. Dahabshiil motors are the sole distributor of Hyundai motor vehicles in the Somali and African regions. The company Hyundai has the largest automobile manufacturing facility in South Korea and produces around 1.6 million units annually. Customers can buy their cars on finance, which makes it easy and convenient for them. The company also measures safety-related matters, environmental issues and the comfort of its users before importing any new material. Their goal is basically to fill out any loopholes that they think exist in the local automotive markets. Hyundai has entered the Somaliland market at a time where the government, specifically the Ministry of Transport, announced the ban on right-hand drive vehicles by next year. Major steps are being taken by the government so that safety can be made sure of on roads ad vehicle emissions reduced. They plan on bringing cars with optimum conditions to prevent as much emission as they can. Market Report Gazette Qaran News
  19. Burco:(SL-T)Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolka Togdheer Source
  20. Boosaaso (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta hawada ka saaray Idaacada Daljir xarunta ay ku leedahay M/Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay xarunta Idaacaddaasi, iyaga oo maray in gabi ahaan hawada laga saaro. Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegayeen inay baadi goobayeen agaasimaha guud ee Radio Daljir, Ahmed Sheekh Maxamed (Tallman). Amarka lagu soo xirayo agaasimaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu bixiyey taliyaha Booliska Puntland, General Muxiyadiin Axmed Muuse. “Maamulka warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya. “Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn.” ayuu yiri agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir” Daljir ayaa dhawaan baahisay Warbixino la xiriira tacadiyo dhimasho ka mid tahay oo AY sheegeen in lagula kacay dhalinyaro laga qabtay magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe. View the full article