Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin. Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin. Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-17092019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha ururka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa si kulul uga hadlay weerarkii sabtidii ka dhacay duleedka degmada Balcad ee lagu laayey askar ka tirsanaa ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM. Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo weerarkaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu tacsi u dirayo dowladda Burundi, qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen askartaasi. “Aadbaan uga xunahay weerarkii lagu dilay askartaas oo naftooda u huray, sidii nabad looga dhigi lahaa Soomaaliya.” ayuu yiri Nicolas Berlanga. Burundi ayaa xaqiijisay in weerarkaasi oo dhabo gal ahaa looga dilay illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda ka howgala gudaha Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasina waxa ay baahisay in ay ku dishay 14 askari, sida ay hadalka u dhigtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Tiny, cheap, unmanned and hard-to-detect aircraft are transforming conflicts across region Source: Hiiraan Online
  6. Democratic congresswoman says she hopes voters in Israel ‘make a different decision,’ castigates PM for West Bank annexation pledges Source: Hiiraan Online
  7. The new head of the Federal Aviation Administration is planning to test out Boeing’s software changes to its beleaguered 737 Max planes in a simulator this week, he said Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Sources say driver of truck ferrying items and his turn boy have been arrested Source: Hiiraan Online
  9. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay shirkii Dib -uheshiisiinta Galmudug ee ku soo xirmay maagalada Dhuusamareeb waxa uu ku baaqay in laga dhabeeyo dhismaha Galmudug midaysan. Sheikh Shaakir ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagantahay taabba-gelinta Dib -u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug midaysan waxaana uu xusay in isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ay xukuumadda Federaalka ku garab taagan yihiin hirgelinta Galmudug loo dhanyahay. ” Waa in aan ka *****naa midnimada Galmudug waxaad ogtihiin haddii mas’uuliyiintii Galmudug aan nahay madaxweyne Xaaf waa kan waa fadhiyaa aniguna mas’uulkii waxan ahay wasiirada labadeenuba dowladda Federaalka waan soo dhoweynay waxaan ku soo dhoweynay Galmudug oo sidaan isu garab sanaysa in laga shaqeeyo” ayuu yiri Sheikh Shaakir. Hadalka Sheikh Shaakir ayaa ku soo beegmaya xilli la hadal-hayay in aysan xiriir wanaagsan lahayn Ahlu-sunna iyo madaxweyne Xaaf tan iyo markii uu ka baxay Dhuusamareeb kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dhinac. Hoos ka daawo khudbadda Sheikh Shaakir PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo sheegay in isaga iyo Xaaf ay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Allow me to deconstruct this myth and Ill-conceived article: Federal Government of Somalia Destabilizes the Federal Member States of Somalia, published Source: Hiiraan Online
  11. Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay saacadihii aynu soo dhaafnay soo buuxiyeen waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho. Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaa xalay cabsi ay ka jirtay degmadda oo sabtidii ay duleedkeeda ka dhaceen qaraxyo lagu laayey ciidamo ka tirsan Amisom. Deegaanada Al-Shabaab lagu arkayo waxaa kamid ah Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale, waxaana suura gal ah in ay jaraan waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sanado ka hor jaray wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Hir-Shabelle, halkaasi oo weeraro isugu jira qaraxyo miino iyo kuwo toos ah ku qaadi jireen gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom. Sabtidii waxay deegaanka Golaley qaraxyo kula beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo intooda badan dhintay, waxayna saacado kadib ay halkaas ku dileen 12 askari oo ahaa ciidamo Amisom ah oo u dhashay dalka Burundi Al-Shabaab ayaa kordhiyay muddooyinkii dambe weeraradda ay ka fuliyaan labadda Shabeelle. Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa ahayd mid nabdoon oo xitaa madaxweyne Xasan Sheekh uu socod ku maray intii uu xilka hayey, hase yeeshee markii uu tagay ayaa habacsanaanta iyo waxqabad la’aanta xukuumadda hadda jirta ay hoggaamisay in Shabaab dib ugu xoogaystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa eedeyn u jeediyay hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, isagoo shaaca ka qaaday ajaanib kol hore amarkiisa looga tarxiilay dalka, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda shirkadda maamusha garoonka Muqdisho ee Favori. Axmed Cali Daahir ayaa shalay qeyb galay shir ku saabsanaa isku xirka howlaha hey’adaha u xilsaaran maareynta Irdaha laga soo galo dalka ama Bar-xuduudeedyada oo uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ka furay magaalada Muqdisho. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in wax is daba marsiis badan uu ka dhex jiro hey’adaha ku shaqada leh xuduudaha dalka si gaar ah garoonka Muqdisho, bixinta baasaboorka iyo dambi barista. Waxa uu sheegay in maalin kasta ay soogaaraan kiisas waa weyn oo ay baabi’iyaan laamaha kala duwan ee hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, sida uu aaminsanyahayna bil kasta la-baabi’iyo ugu yaraan kun dambi, taasina ay hoos u dhigi karto kalsoonida lagu qabo xuduudaha laga soo galo dalka. Intii uu hadlayey ayuu soo hadal qaaday labo nin oo u kala dhashay dalalka Turkiga iyo Ugaanda oo iyagoo ka tiinadaysan uu sheegay in laga tarxiilay garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sareeyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka Muqdisho. Waxa uu sheegay in Agaasimihii xiligaas ee hey’adda socdaalka oo ahaa Cabdullahi Gaafow uu uga soo dacwooday labadaas nin oo jabiyay sharyada lagu joogo dalka. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in nin iyagoo ka tiinadeysana uu ka dhoofiyay garoonka Muqdisho, waxuuna faray hey’adda socdaalka in sidaas oo kale bilaa maxkamad ay u tarxiili karto ajaanibta ku xad-gudubta sharciga dalka. Hadalka Xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo todobaad ah hakad la galiyay bixinta baasaboorka Soomaaliya, sidoo kalana horay muddo seddax maalmood ah hakad loo galiyay howlaha hey’adda dambi barista booliiska Soomaaliya ee CID-da. Marka laga soo tago eedeynta Axmed Cali Daahir waxaa ka jira hey’adahaas musuq maasuq iyo wax is daba marin xarkaha goostay, mana jirto cid wali isku howshay in laga taqaluso. Hoos ka dhageyso codka Xeer-ilaaliyaha:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Dr-Axmed-Cali-Daahir-.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada shacabka Degaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee uu sheegay in uu horseeday qabsoomidda Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug , isaga oo ku bogaadiyay, waxgaradka iyo haldoorka degaannada Galmudug bisaylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka Galmudug in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin. Ugu danbayntii mudane Farmaajo ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali iyo guddoomiyaha guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray shir weynaha Dib- heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-16092019.mp3 View the full article
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed cusub ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, taasi oo u dhaxeysay saddexda madaxweyne ee isku haysta hoggaanka maamulka Jubaland. Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, oo sheegtay madaxweynenimada Jubaland, ay magaaladaasi ka wadaan hub urursi iyo qorista ciidamo beeleed daacad u ah. Abaabulka siyaasiyiintan ayaa yimid kadib hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ahaa in aanu u dulqaadan doonin in Kismaayo ay ku sugnaadaan rag sheeganaya madaxweyne-nimada jubbaland. Wararka qaar ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar kulan ay ku yeesheen Kismaayo ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin, in mid kasta uu si gooni ah u sameysto ciidamo difaaca. Seeraar oo markii hore ciidan xooggan lahaa ayaa sii kordhiyey qorista ciidamadiisa. Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah, qodob kale oo sheegaya in haddii midkood ay ciidamada Jubaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata ay weerar ku soo qaadaan, ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan. Xiisaddan cusub ayaa imaneysa ayada oo weli aanay miro-dhalin wada-hadallo u socday ergo matalaysa Axmed Madoobe iyo Seeraar, oo la doonayey in Seeraar lagu qanciyo inuu magaalada isaga baxo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo. Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog. Waxa uu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin. View the full article
  17. Kismayo, Somalia - Every morning just before sunrise, Zamzam Yusuf makes the short drive between her house in Kismayo to a farm about 30 kilometres (19 miles) outside the Somali port city. Source: Hiiraan Online
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Beesha Digil iyo Mirifle oo ah mid ah afarta beel ee ugu weyn ee nidaamka 4.5 ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan la xiriira doorashada xigta ee ka dhaceysa Soomaaliya. Odayaasha beeshan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, sida marar badan la sheegay. Waxay sheegayaan inay doonayaan in lasii wado hab awood qeybsiga ku dhisan 4.5 ee beelaha. Odayaasha ayaa sheegay inaysan waxba ka qabin haddii doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse la xaqiijinayo in beel kasta oo ka mid ah afarta beel ay heleyso 61-ka xildhibaan ee ay ku leedahay baarlamanka Beelaha Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyey in marka hore la sameeyo tiro-koob rasmi ah, si loo xaqiijiyo in beel walba ay wax ku hesho tiradeeda, balse ayada oo aanay taas dhicin aan la qabin karin doorasho qof iyo cod ah. Odayaasha ayaa ka digay in sad-bursi lagu sameyn karo doorashada la sheegayo inay tahay qof iyo cod, oo sida ay sheegeen la rabo in degmooyin aanay dad badan deganeyn lala simo degmooyin ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof. Hoos ka dhageyso odayaasha oo la hadlay idaacadda VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/KG.mp3 Caasimada Onlien Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta caanka ah ee Reuters ayaa sheegtay in aanay masuuliyiinta dawladda Imaaraadka Carabtu ka jawaabin farriimo ay u direen oo ku saabsan mawqifkooda hadalkii madaxweynaha Somaliland Dorraad ka sheegay magaalada Berbera. Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa loo qaatay in gabi ahaanba Somaliland ka laabatay heshiiska Militari ee ay dawladda Imaaraadka kula jirtay markii madaxweynuhu sheegay in madaarka Berbera lagu soo celiyay mid rayid ah laakiin, madaxweynuhu shalay ayuu hadalkiisa saxay oo tilmaamay in uu noqon doono garoon Militariga iyo diyaaradaha rayidka ahi wada isticmaali doonaan. Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn uga faallootay arrintan waxaana ka mid ah Reuters oo soo qaadatay hadalka madaxweynaha, islamarkaana la xidhiidhay dawladda Imaaraadka laakiin, wax jawaab ah ka wayday madaxda Imaaraadka Carabta. Reuters ayaa intaas ku dartay in dawladda Imaaraadku hoos u dhigtay danaynteeda dagaalka Yemen iyo arrimaha militari ee arrintan la xidhiidha. Somaliland waxa hadal hayn badan abuuray in madaxweynuhu shaaciyay isbedelka ku yimid heshiiska iyada oo sharci darro lagu tilmaamay in heshiisyada baarlamaanku ansixiyeen madaxweynuhu ka laabto ama wax ka bedelo. Source
  20. (SLT-Hargeys)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo ku sugan magaalada Burco ayaan aan Bookhan Xarun Dawladeed Oo Dayacan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Mas’uuliyiinta Galmudug, qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo wax garad ayaa hogaamiyaha waddanka soo dhaweeyay. Farmaajo ayaa wuxuu ka qeybgali doonaa caawa munaasabad lagu soo afmeerayo shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo guul ku dhammaaday, kaasi oo mudooyinkii dambe ka socday magaaladaasi. View the full article
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-16092019.mp3 View the full article