Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa waxaa ruqsadii lagala laabtay Shirkado ay dowladda horay qandaraasyo u siisay. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo ruqsaddii kala laabatay 5 shirkadood. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay isku raaceen in la joojiyo guud ahaanba aqoonsiga kaararka maamulka HirShabelle ee lagu galo xafiisyada dowladda laguna maro wadooyinka Muqdisho. Kaararka Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda HirShabelle, ayaa la sheegay in loo baahanyahay dib u habeyn ballaaran kadib markii xubno badan ay maamulkaasi ka baxeen, qaar kalane ay Al-Shabaab isu dhiibeen. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii agaasimihii madaxtooyada HirShabelle uu isu dhiibay Al-Shabaab, waxayna arintaasi sababtay shaki laga qabo aqoonsiyada HirShabelle loo adeegsado weeraro culus oo ka dhaca Muqdisho. Goobaha laga joojiyay waxaa kamid ah Xafiisyada Wasaaradaha iyo waddooyinka horumara Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in qof kasta oo aqoonsigaas wata in la weydiin karo damiin hadii loo baahdo, iyadoo aan lagu qiimeyn doonin mansab iyo xilka uu leeyahay. Xubno ka tirsan Golayaasha HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho laga diiday aqoonsiyada HirShabelle oo si fudud gacanta ugu galay cadawga, sida ay hadalka u dhigeyn. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka oo arrintaan ku saabsan balse waxaa xogtaan nala wadaagay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo ayaa August 2019 ku tegay dalka Jabuuti booqasho hawleed. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo ka warbixiyay kulankii labada madaxweyne dhexmaray ayaa yiri, “waxay isla lafogureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka,” (Sonna – August 19, 2019). Halkaas waxaa ka dhashay su’aal ah, maxaa isku soo beegay safarka degdegta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti, iyo imaanshahii Muqdisho wafdigii muhiimka ahaa ee uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Qadar! Inta uu Madaxweyne Farmaajo joogay dalka Jabuuti, Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Qatar waxay wada saxiixdeen heshiiskii ugu muhimsanaa tan iyo inta ay jirtay xukuumadda Farmaajo-Keyre. Dalka Qadar wuxuu ballan qaaday inuu ka dhisayo deked casri ah magaaladda Hobyo ee Maamul-Goboleedka Galmudug. Dhammaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekeddaas, waxaa la sheegay inuu yahay deeq walaal. Taasi waxay astaan cusub u tahay in Qatar ay qorsheyneyso inay door firfircoon ka ciyaarto isdhexgelka dhaqaale geeska Afrika, gaar ahaan kan Soomaaliya. Intaba waxaa ka sii cajiib badan, in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isna booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Jabuuti. Su’aasha waxay isu rogtay, muxuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti ku qooshayaa? Labada safar waxaa u dhexeyay wax ka yar seddax todobaad, haddaba maxaa xiriir ahoo ka dhaxeeya booqashada, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midda Mudane Muuse Biixi Cabdi? Dhanka kale, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaaladda Mina ee dalka Sucuudiga, kula kulmeen Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa. Labada wafdi waxay casumaad ka heleen Boqorka Sacuudiga Salmaan binu Cabdullcaziiz Al Sacuud. Haddaba, kulanka wafuuda labada dhinac ma mid si kadis ah ku dhacaybaa mise wuxuu ahaa mid hore loo qorsheeyay? Booqashada madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay timid kadib markii dowladda Sacuudiga ogolaatay in sanadkan moosinka Xajka, xoolaha ka soo dhoofa dekedda Berbera laga qaado xayiraadii saarnayd. Arrintaas, waxaa heshiis is-afgarad ka yeeshay dowladda, Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga. Weliba, casuumadda Mudane Biixi iyo wafdigiisuba waxay timid ka gadaal markii Muuse Biixi uu kala soo laabtay Abu Dhabi caloolgubyo la xiriirta in Somaliland aan laga marti qaadin shirkii amniga badda cas. Geesta kale, maamulka Somaliland waxuu sheegay in shiidaal ganacsi ah kala soo degi doonaan dekedda Berbera laga bilaabo bisha Oktoobar, islamarkaasna laga iibin doono ganacsatada. Sidaas waxaa sheegay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, Mudane Xassan Axmed Ibrahim -Embassy, (BBC Somali News – September 08, 2019). “Inkastoo Mudane Xassan Embassy uu sheegay shiidaalka inuu yahay mid ay maamulka Somaliland soo iibsadeen, misna meesha lagama saari karo inuu yahay deeq Sacuudiga siiyay Somaliland, marka la eego awoodda dhaqaalaha maamulka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee boqortooyada Sacuudiga,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka. Waxaan sir ahayn in Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbabta xiriirkoodda madmadow soo galay, marka ay timaado arrimaha dalka Yemen. Taasi waxay sababtay in labada dal ay isku aragti ka noqon waayaan siyaasadda lagu wajahayo dalalka dhaca Bada Cas, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, “in Boqortooyada Sacuudiga, doonayso inay Soomaliya (Somaliland) u adeegsato aalad cadaadis ah oo lagu xakamadeynayo saameynta Imaaraadka Carbabta ku leeyahay gobolka. Waxuuna Sacuudiga ka faa’iidaysanayaa xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhaxeeya Imaaraadka, dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.” Ifafaalaha muuqda waxuu tilmaamayaa in Sacuudiga danaynayo Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Berbera. Waxaase la hubin habka uu u doonayo inuu meesha kaga saaro (eryo) Imaaraadka Carbabta, kol haddii uu ku tuhmayo khiyaano. War laga soo xigtay laba ilood oo Yamini ah, iyo mid kale oo kulanka wax ka og ayaa yiri, “Boqorka ayaa xanaaqiisa ka muuqday wada hadaladii uu la yeeshay Madaxwyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ee ay Sacuudiga taageeraan,” (Reuters – August 28, 2019). Dekedda Hobyo ee uu ballan qaaday dalka Qadar inuu si casri oo weliba deeq ah ku dhisayo waxay huwan tahay labo ujeeddo oo kala ah: (B) mahadnaq ku aadan in dowladda Soomaaliya aysan u nuglaanin cadaadiskii ay saartay Imaaraadka Carabta, si xiriirka loogu jaro dalka Qatar, iyo (T) in maamuladda Somaliland iyo Puntland la tuso in maalgashi la heli karo, ayadoo aan la xaraashin dekaddaha, deeqna laga heli karo dunidda. Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, sideebay Soomaaliya uga badbaadi doontaa hertinta iyo haraatinta (hagardaamaynta) Abu Dhabi, islamarkaasna uga faa’iidaysan doontaa isbaacsiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ilaalsaneysa masaalixdeeda qaranka. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaalida, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya. Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday. Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka. Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay. Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.” Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah. “Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. ayuu yiri. Xigasho BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. BELEDWEYE (HOL) - A standoff is building up in Hiiraan region following a tussle between the Federal Government and elders in the region over planned transfer of military recruits from Beletweyne to Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-12092019.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shan shirkad oo kala duwan. Heshiisyadan oo ahaa kuwa aan markii horeba laga war-hayn, ayaa shirkadaha lagula jiray waxay qaabilsanaayeen hubinta bedqabka Gaadiidka [M.O.T ama Kalaawito]. Shirkadaha Wasaaradda Gaadiidka heshiiska kula jiray ee la laalay qandaraaskooda waxay kala yihiin: General Motors, Balqiisa General Service, Sawaasiya General Service, Gaagaale General Service, iyo Barwaaqo General Service. Heshiisyadan ayaa ahaa kuwo ay shacabka Muqdisho dhibaato badan ku qabeen, maadaama looga qaadan jiray lacago kala duwan oo aan wax shaqo ah loogu qaban. Qoraalka kasoo baxay wasiirka wasaaraddaasi Maxamed C/llaahi Salaad [Oomaar] ayuu ku shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyey tijaabadii bedqabka gaadiidka, mana jiro sabab faahfaahsan oo laga bixiyey arrintan.
  8. Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidanka Booliska Somaliya gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Maanta soo qabtay koox oo isku xiran, kuwaas oo ka ganacsada iib geynta Carruurta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa barteeda Bulshada ku sheegtay in ay waqti badan ku qaadatay sidii loo soo qaban lahaa Dadkan abaabulan, balse ugu dambayn ay ku guuleysteen. Kooxdan ayaa ka kooban 11 Qof, kuwaas oo 8 ka mid ihi ay yihiin Haween , waxaana haatan laga soo badbaadiyay 11 Carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 11 jir illaa 16 Sana jir, iyagoo dhammaantood ahaa beec sugayaal. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Dad weynaha ka codsaday in ay lasoo xirriirto Cid kasta oo ay Ilmo ka maqan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa soo gabagabaysay mashruuc loogu yeeray qaybinta Zakada oo la sheegay inay boqolaal qof ka faa’iideysteen. Al-Shabaab ayaa sheegtay in guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Banaadir, Sheekh Muuse Cabdi Carraale uu lacag lagu sheegay Zako u qeybiyey150 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Muqdisho. “Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa ay nasiib u heleen lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondadii kaga soo aadday Zakadii” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-Shabaab. Magaca Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa ah magac ku cusub warbaahinta oo aan horey loo aqoon, tan iyo markii la dilay guddoomiyihii hore ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Muqdisho, Cali Jabal. Ma jirto cid xaqiijin karta in goobta lacagta lagu qeybiyey tahay gudaha Muqdisho ama deegaanada ku hareereysan oo Shabaabka ay qaarkood ku sugan yihiin.
  11. (SLT-Hargeysa)-Wargeys ka soo baxa dalka oo sita Magaca Xisbi ka mid ah kuwa ugu taariikhda fog xisbiyada Siyaasada dalka Masar, (Wafd party) , ayaa warbixin uu ku qoray Bogga uu ku leeyahay Internetka (wafdasyut) kaga hadlay horrumarka ay Somaliland samaysay iyo halgankii ay usoo gashay sidii ay xorriyadeeda ugala soo noqon lahayd Soomaaliya. Warbixinta, ayaa lagu sheegay in waxa loogu yeedho Somaliland, ay ka go’day waddankii Soomaaliya oo uu madax ka ahaa kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre. kadib markii ay Ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM, dagaal la galeen dawladaa, kadina burburkii dawladdii dhexe 1991-kii Somaliland lasoo noqotay Madaxbannaanida oo ay ka go’day Soomaaliya, 18-kii May 1991. ” Haddii aynu eegno meesha juquraafi ahaan ay ku taal Somaliland, waxay xaduudo kala wadaagtaa koonfurta iyo galbeedka Ethiopia, dhanka waqooyi-galbeed iyo Waqooyi, waxay xuduud kala wadaagtaa Djobouti iyo Gacanka Cadmeed , dhinaca bariga waxay xuduud kala leedahay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.” Warxinta, ayaa lagu xusay in Somaliland, wixii ka danbeeyay markii ay Soomaaliya ka go’aday ay noqotay meel lagu garto xasillooni aad u sarreysa iyo horrumar marka loo eego Somaaliya inteeda kale. Sidoo kale, warbixinta, ayaa lagu xusay in Xukuumadda Somaliland oo ilaalineysa cilaaqaadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay dowladaha shisheeye qaarkood uu yahay mid aad u sareeya, isla markaana ay dalal badan u diraan wufuud ku socda borotokoolka caalamiga ah, kuwaas oo booqda Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Warbixinta, ayaa tusaale usoo qaadatay, iyadoo ka hadlaysa macaamilka iyo cilaaqaadka ay dawladduhu la leeyihiin Somaliland, dalka Ethiopia xafiiskiisa ganacsi ee uu ku leedahay Hargeysa. Waxa kale oo warbintaa lagu xusay in walaw aanay Somaliland weli aqoonsi ka helin gobol ama urur caalami ah, hadana ay helayso maalgashi iyo inay kusoo dhiiradaan shirkaddo Caalami ah, waxayna tusaale usoo qaateen shirkadda Hyundai Motor Co ee laga leeyahay dalka Korea, “Shirkaddo caalami ah ayaa xafiisyo ka furey dalka Somaliland, oo ay ku jiraan Hyundai Motor Co. oo laga leeyahay dalka Korea, waxay xafiis ka furteen iyo waax weyn magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen markii la fiurayay Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed, waxayna laanta cusub ee Hyundai Motor Co, hoos timaadaa shirkadda Dahabshiil Group. “ Marka laga hadlayo taariikhda dhaqanka, waxa warbinta lagu xusay in ay ogaadeen in Somaliland ay ku taal maktabad weyn oo Masar leedahay, waxaana dhidibada u taagay hoggaamiyihii caanka ahaa ee Jamal Abdel Nasser. Jamhuuriyadda yar ee dhalatay wakhtigaas ma ay taageerin xisbiyadii Siyaasada dibeddu mana ay helin taageero caalami ah ama gobol, waxayna runtii, in badan oo kamid ah dowladaha dariska ah u arkeen inay tahay habaar iyo musiibo ku kala qaybsanaan dheeri ah oo ka dhacda qaarada Afrika, ayaa lagu yidhi, warbixinta. Sidaa darteed Carabtu waxay caddeeyeen inay taageersan yihiin midnimada Soomaaliya, halka dalal Afrikaanka ahi ku dhawaaqeen inay diidayaan kala-qaybsanaanta, iyagoo ka baqaya faafitaanka kala goo’ga’a, balse Somaliland waxay u aragtay inay ku xidhan tahay go’aan la qaatay iyo diidmada beesha caalamka ee xuquuqda sharciyeed iyo xaalka Soomaaliya. Warbixinta, ayaa lagu sheegay in mdadii u dhaxaysay go’aanka la qaatay iyo diidmada bulshada caalamiga ah ee xuquuqdeeda sharciyeed Somaliland iyo xaalada sii xumaanaysa ee Soomaaliya, halkan Somaliland ay noqotay meel ay ka muuqatay in ay tahay mid ka fog fowdada iyo xasuuqyada, isla markaana ay ku baaqayaan inay nabad ku noolaadaan. waxaana lagu xusay warbixinta in ay hadda booqdaan Somaliland Joolajiyiin Carbeed oo ka socda dalalka Gacanka, sida Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. sidoo kale ay joogaan Somaliland macallimiin ka kala socda dalalka Carabta oo sita jinsiyadaha kala duwan ee carbeed, isla markaana waxa jira aqoonyahano badan oo Somaliland u dhashay oo jecel in waddankooda horrumar gaadho, isla markaana ku dadaalaya sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda tusaale ahaan Nuur Badmaax iyo Siciid Badmaax, ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan bulshada caalamka inay taageeraan dalkan oo in ka badan labaatan sannadood ku jiray xasilooni oo ay u aqoonsadaan dowladda Somaliland oo hadda uu Madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu yidhi, Warbixintaa oo lagu shaaciyay shalay (wafdasyut) Source
  12. Hay’adaha warbaahinta loo ma yeedhiyo waxa ay sii deynayaan iyo sida ay u sii deynayaan. Hawlqabadkaas waxa u qaabbilsan tifaftirayaal kala duwan iyo habraacyo ay cuskadaan. Ma aha arrin, si na ba, dawladi u faragelin karto. Waxa ay u eegaan wararka ay baahinayaan ahmiyaddooda nuxur iyo saamaynta ay leeyihiin. Waa ay dhacdaa in wararka guud marka la dhammeeyo la raaciyo warar maxalli ah oo ku saabsan magaaladaas, gobolkaas ama dalkaas hay’adda warbaahineed ka hawl-gasho, oo loo yaqaan “Warkii Gudaha”, waxanu ka dambeeyaa warka guud ee muhiimka ah. Haddaba waxa riwaayad qosol badan u muuqata in wasaaradda warfaafinta Somaliland doonayso in TV-yada Somaliland ee madaxa bannaan kala wareegeyso kaalintaas tifatirka wararka. “Waa in wararka Somaliland ee guduhu ka horreeyaan kuwa dibedda ee Soomaaliya iyo dunida kale”, waa amarka wasaaradda ka soo baxay 09.09.2019, oo dhaqan-gelaya laba toddobaad gudahood oo taariikhdaas ka bilaabmaya. “Shimbirtii Oodweynaay hodhodho”, yaa kaa iibsan, baannu leennahay! Halkan kaga hadli mayno khaladaadka ay saxaafaddu gasho ama jawrfallada lagu la kaco, wax se wax aan la aqbali karin ah in xukuumaddu TV-yada madaxa bannaan u yeedhiso sida ay wararka i tafatirayaan. Tifaftirka wararka TV-yada madaxa bannaani ma aha, bataatan haba yaraatee, shaqo xukuumadeed. Maangal ma noqon karto in aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Gudniinka Fircooniga ah oo ka dhacay Hargeysa laga hormariyo qarax ka dhacay Muqdisho ama Nairobi isla xilliga seminaarka la qabtay. Waxa kale ahmiyadda wararka kala xadeeya oo kala hormeeya kala horrayntooda xilliga kala xulashada marka nuxurka laga yimaaddo mandaqadda juquraafiyadeed. Wararka Muqdisho, Djibouti, Addis ama Nairobi waxa ay ka mudan yihiin xilligan kala xulashada wararka kale ee la nuxurka noqon kara ee Monrovia, Harare ama Bissau. Biyo-xidheen laga sameeyey Itoobiya iyo mid kale oo Guinea Bissau laga hirgeliyey isku maalin marka ay kala doorashada warka timaaddo, waxa TV-ga Hargeysa ka hawl-galaa qaadanayaa oo warkiisa ku darsanayaa biyo-xidheenka Itoobiya. Marka xaal sidaas yahay ee ka eegi amarka wasaaradda ka soo baxay, waxa loo “ham iyo dig” leeyahay waa wararka Soomaaliya fogeeya si loo arko in Somaliland iyo Soomaaliya laba waddan kala yihiin, saw uun ma aha? Haa, waa se meel khaldan halkani oo socon mayso ee “jiib noom taani”. Warku waa in uu u kala horreeyaa sida uu u kala luxdan ama culus yahay, cusub yahay, una kala saamayn badan yahay. Macno uma samayso markan oo kale magaalada ama gobolka ama waddanka uu ka dhacayo. Ahmiyadda nuxurkiisa iyo saamayntiisa war ahaaneed ayuun baa ka asal ah. Marka la eego dhinaca kala xulashada wararka la qaadanayo iyo kuwa laga tegayana kuwa Soomaaliya waxa ay ku jiraan kuwa mudnaanta hore leh. “Waalwaalataye waxaraha soo rog” uun weeye xaalka wasaaradda warfaafintu. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Yarow Xasan Aadan oo ahaa sarkaal sare ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Sarkaalkan oo sidoo kale loo yaqaano Seyfu-Laah ayaa Al-Shabaab ka tirsanaaa muddo fog, waxaana uu ka soo dagaalamay gobollo badan oo ka tirsan dalka. Seyfu-Laah ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa isku xirka dagaalyahannada kooxdaasi iyo hor-joogayaashooda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya. Yarow Xasan Aadan oo la wareystay ayaa sheegay inuu gabi ahaan ka tanaasulay fikirkiisii hore, islamarkaana uu dalbanayo in la cafiyo. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay weerarada macno darrada ah ee ay geysato, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haatan uu diyaar u yahay inuu la dagaalamo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo uu markii hore ka tirsanaa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah. View the full article
  15. (SLT-Muqdisho)-Ciidammada Booliska ee Soomaaliya ayaa sheegay inay qab-qabteen illaa 8 Dumar ah iyo 3 Rag ah, kuwaasi oo Boolisku ku sheegay Shabakad isku xidhan oo Carruurta kaa Ganacsan jiray. Shabakaddan la sheegay inay Carruurta ka ganacsan jireen ayaa lagu qabtay hawl-gal Qarsoodi ah oo ay sameeyeen Ciidammada Laanta Dambi-baadhista ee Booliska Soomaaaliya. Booliska ayaa qabtay Saddex Rag ah iyo 8 Dumar ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Carruurta ka Baayac-mushtarayn jireen, iyadoo sidoo kalena ay isla hawl-galkaa ay Ciidammada dambi-baaadhista ee loo yaqaano C.I.D ku soo furteen 11 Carruur ah oo sida la sheegay lala sugayey Ciddii iibsan lahayd. Sidaana waxa sheegtay Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska ee Soomaaliya Sakiya Huseen, taasi oo qoraal arrintan ay ku shaacisay ku baahisay barta ay ku leedahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook “Ciidanka Booliiska, gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baadhista ee C.I.D ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata Carruurta, taasi oo la daba joogay muddo hal bil ah, waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 Eedeysanayaal oo 8 ay yihiin Haween..” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya, waxayna intaa sii raacisay in isla hawl-galkaa ay hoggaanka Ciidammada Dambi-baadhistu ku soo furteen 11 Carruur ah “Sidoo kale, waxay Ciidanku soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 sano jir illaa 7 bilood, kuwaas oo ahaa beec-sugiyaal (iib sugeyaal) oo hadda ay xanaanaynayaan Ciidanka booliiska inta laga baadi-goobaya Waalidiintooda..” Boolisku ma shaacinin Magacyada 11-ka eedaysane ee loo qabtay inay ahaayeen Shabakad ka ganacsata Carruurta, laakiin waxa ku socota baadhis. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Nuxurka Kulan Dhex-Maray Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameed Iyo Cuqaasha Gobolka Awdal Iyo Arrimaha Laga Wada-Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku timid magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ayaa looga hadlay adkeynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo sii wadidda taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-kabashada dalka. Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter, oo bogaadisay guulaha wax ku oolka ee Soomaaliya ku tilaabsaneyso, ayaa ammaantay dadaallada Ra’iisul Wasaare Khayre ee isugu jira dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug, waxa ayna ballan qaaday in dowladda Jarmalku ay garab taagantay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku siiyaan dib-u-hana qaadka hey’adaha dowladeed. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habenn-12092019.mp3 View the full article
  19. Burco(SL-T): Muuqalo Murugo Leh Gabadh Yar Oo Ku Nool Magaalada Burco Ildaran Xanuun Iyo Hooyada Dhashay Fariin Murugo Leh Dirtay Muslimiinta Source
  20. Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Safarka Madaxweynaha, qaban qaabada Shirka Maalgashiga, Diyaarinta Siyaasadda Barakacayaasha, Xaaladda Wadooyinka iyo Warbixino kale. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo u diyaar garoobaysa martigelinta shirka maalgashiga. appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Cuqaasha Iyo Waxgaradka Deegaanka Ay Ku Sugan Tahay Jabhadda Kornayl Caarre Oo Warbaahinta La Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe la doonayo in lagu Qarameeyo ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada daacada u ah Roobow ayaa ogolaaday wadahadal dheer, kadib in la qarameeyo. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabad-sugidda iyo xoogga dalka. Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo jeediyey in ciidamadan loo kala saaro ilaa saddex qeybood oo kala ah Boolis, Nabad Sugidda iyo SNA. Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan saraakiisha ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Masuur) oo horay shuruud uga dhigay in hoggaanka ciidanka dowladda ay qeyb ka noqdaan, sidoo kalena la siiyo gaadiid dagaal, hub iyo saanad Milatari intaba. Wadahadallada iyo dadaallada lagu doonayo in lagu Qarameeyo ciidamadan ayaa sii xoogeystay, kadib booqashadii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee gobolka Bakool, inkastoo uu hadda dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamada maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidoo kale maleeshiyaad beeleed ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Arrimahan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo uu weli xiran yahan wadaadka Mukhtaar Roobow oo ay bishii December ee sanadkii hore dowladdu ka soo xirtay Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababaha keena in Shacabku Mucaaradaan Xukuumadaha ay soo doortaan. Madaxweynaha oo Maanta hadal ka jeediyey Xaflad ay ku qalin-jebiyeen Arday ka aflaxday Jaamacadda Timo-cadde ee Magaalada Gabiley, ayaa sheegay in aan Dawlad wada wanaagsani jirin, sidaasi darteed aanay jirin sabab Dadka Xukuumadda taageersani u diidaan dhaliilaha Shacabka ka imanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. At least 11 people including 8 women were arrested in the Somali capital Mogadishu for child smuggling after Somali police launched an operation to dismantle a child smuggling network, officials said on Thursday. Somali police deputy commissioner Brig. Gen. Zakia Hussein said in a Twitter statement that the police dismantled a child smuggling network in Mogadishu after a month of investigation and operation. “The police have arrested 11 people among them 8 women for child smuggling in Mogadishu after a month of operations led by criminal investigation department,” Zakia said. They seized 11 children, aged from 7 months to 12 years old, are currently under police protection, the statement added. This comes a week after Somali police announced that it had suspended all activities at criminal investigation department headquarters in Mogadishu for reforms and investigation. View the full article