-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka iskaashiga Africa iyo Japan. appeared first on Puntland Post.
-
Yokohama (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.
-
Siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Trump oo doonaya inay xilka kala wareegaan Walsh ayaa noqday siyaasigii labaad ee kasoo dhex baxa xisbiga Jamhuuriga Joe Walsh, oo horay u ahaa xildhibaan, haddana soo tabiya barnaamij ka baxa raadiyaha ayaa noqday ninkii labaad ee usoo istaaga inuu madaxweyne Trump loollan ku galiyo xisbiga jamhuuriga gudihiisa. Siyaasigan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay musharraxnimada madaxweynaha ayaa doonaya inuu Donald Trump kula hardamo soo magacaabista musharraxnimada xisbiga talada haya ee dhici doonta sanadka 2020-ka. Labada xisbi ee ugu waawyeyn Mareykanka, ee kala ah Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa marka ay doorashada soo dhawaato kala xulan doona shakhsiyaadka doonaya inay u tartamaan jagada ugu sarreysa dalka. Sidee loo noqon karaa Madaxweynaha Maraykanka? Ololaha doorashada Mareykanka oo weji cusub yeeshay Iyadoo la ogyahay in Trump uu sugayo siyaasiga xisbiga mucaaradka ee lasoo ansixin doono, ayaa haddana waxaa laga doonayaa inuu kasoo guuleysto siyaasiyiin isla xisbigiisa gudihiisa jagadaas ugu ciriirinaya. “Waddanku wuxuu u xanuunsan yahay ficillada uu sameeyay ninkan, waa ciyaal”, sidaas waxaa yiri Mr Walsh, oo ay da’diisu tahay 57 sano, mar uu isbuucan la hadlayay warbaahinta ABC. Hadalkaas ayaa loo arkaa inuu yahay madfac xoog badan oo uu ku riday Mr Tump. Ma jirto wax jawaab ah oo uu madaxweyne Trump arrintan ka bixiyay ilaa hadda. Mr Walsh ma aha qofka kaliya ee u faruuryo qaniinsanaya sidii uu booska uga wareejin lahaa Mr Trump, inta aan xilliga doorashada la gaarin. Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld, oo isla xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa bishii Abriil ku dhawaaqay inuu loollan galin doono Donald Trump. Labada ninba waxay wajihi doonaan dagaal iyaga qudhooda ku dhex mara qaadashada booska Trump, waxayna doonayaan in madaxweynaha aan mar labaad loo oggolaanin inuu xilka u tartamo. Hase ahaatee, taariikhda casriga ah ee Mareykanka, ma jiro madaxweyne xilka haya oo ay ka guuleysteen siyaasiyiin kasoo ifbaxay isla xisbiga uu ka tirsan yahay. Jimmy Carter, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1980-kii iyo George Bush Snr, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1992-kii ayaa la kulmay loollan adag oo ay ku sigteen inay waayaan soo magacaabista musharraxnimada xisbigooda gudihiisa. Maxaa kale oo uu yiri Joe Walsh? “Xilka inaan u tartamo ayaan rabaa, sababtoo ah isagu uma qalmo – ma jiro qof doonaya inuu isxilqaamo, sidaas darteedna waa in la helo waddo kale”, ayuu ku yiri warbaahinta ABC. Mr Walsh ayaa kursiga aqalka wakiillada loo doortay sanadkii 2011-kii, xilligaasna wuxuu ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Tea Party. Tea Party waa garab siyaasadeed oo asal raac ah, oo ka tirsan isla xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareylkanka. Yaa Trump kula loollami doona doorashada 2020? Siyaasiyiinta xisbiga dimuqraaddiga ee raba inay wajahaan Trump Maalinta ay dhaceyso doorashada xigta ee madaxweynaha Mareykanka waxaa hadda ka harsan muddo 1 sano ah, laakiin tartanka dhinaca xisbiga Dimuqraaddiga ee loogu jiro qofkii wajihi lahaa Trump ayaa horayba u billowday. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo Bernie Sanders oo horay isugu dayay loollanka xilka madaxweynaha, ayaa goor sii horreysayba sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka siyaasadeed ee doorashada lagula galayo madaxweyne Trump. Siyaasiyiinta kale ee safka ku jira ayaa ah kuwo aan si weyn loo aqoonin. bbcsomali Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Weerarka dhanka afka iyo warbaahinta loo adeegsado ee u dhexeeya Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo galay qaddiyadda citiraaf raadinta ee Somaliland. Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Trump waxa dhex maray dagaal dhanka weedhaha iyo warbaahinta ah oo aanay waxba iskula hadhin, islamarkaana is xajiimayn iyo dhinac walba in uu dhanka kale arrimo kala duwan ku eedeeyo ah. Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo u muuqata in ay u janjeedho dhanka Trump ayaa ka warramay in Ilhaan Cumar ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, islamarkaana dhabarka u jeedisay dadaallada citiraaf raadinta iyada oo qalbiga ka jecel Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ka soo barakacday. Warbixinta ayaa si weyn loogu ammaanay Somaliland waxaana si weyn loogu celceliyay dhalliilidda Soomaaliya iyada oo si weyn loo adeegsaday waddanka fashilmay ee Soomaaliya, waddan musuqmaasuq ragaadiyay iyo meel dagaallo halakeeyeen in ay tahay. Waxa Ilhaan lagu eedeeyay in ay neceb tahay Israa’iil oo ah dalkii u horeeyay ee Somaliland aqoonsaday 26 June 1960 markii Ingiriisku xorriyadda siiyay, islamarkaana ay jeceshahay Falastiin iyada oo sidoo kalena neceb Somaliland. Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si la mid ah Ilhaan u neceb tahay Israa’iil waxaana tusaale loo soo qaatay masuul ka tirsana wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo boggiisa ku qoray qoraal kooban oo uu ku taageerayo xidhiidh diblamaasiyadeed oo dhex mara Somalia iyo Israaiil laakiin, arrintaasi awgeed shaqada looga eryay. Waxa warbixinta lagu gabogabeeyay in Soomaaliya iyo Ilhaan ka soo horjeedaan madax bannaanida Somaliland sidoo kalena ka soo horjeedaan Israa’iil. Halkan hoose ka akhriso warbixintan: https://www.frontpagemag.com/fpm/274739/omar-turns-her-back-somalilands-aspiration-freedom-joseph-klein?fbclid=IwAR29-NWEqhE4ezvloV_Us1iwdpKW08eAc-n91l4nPFDxmtUq93PXDDHMBSY#.XWY0oGfLN0k.facebook Source
-
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa uu si adag uga hadlay dhammaystir la’aanta dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo khilaafka madaxda Soomaaliya. Cabdi Qayb-diid ayaa waxa uu sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay inay dayacaadda iyo danaysiga ka daayaan dastuurka dalka oo ah mustaqbalkii umadda Soomaaliyeed kana shaqeeyaan dhammaystirkiisa. Dhanka kalena, Qaybdiid wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ay madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah u kala maqnaadaan ayna waajib tahay inay miiska isugu yimaadaan xalliyaana kala aragti duwanaantooda. DAAWO PUNTLANDPOST The post Senator Cabdi Qayb-diid,”Majirto sabab madaxda federalka & dowlad goboleedyadu u kala maqnaadaan”. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbax ka dhigay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayey dadaalka ay dowladdu ka wado gudaha magaaladaasi ee lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Dibadbaxayaasha aya ku qeylinayey arayo ay ku taageerayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii ay Ahlu Sunna ay shaacisay inuu burburay heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya, walow ay dowladda federaalka ay iska fogeysay eedeyntaasi. View the full article
-
Garowe (SMN) – Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan hoose ka akhriso qodobada. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in mas’uuliyiinta DFS, gaar ahaan wasiirada ay tagi karaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulan ay maanta golaha wasiirada maamulkaasi ku yeesheen Kismaayo, islamarkaana uu guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayey ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya xayiraadii laga qaaday golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Jubbaland ayaa xiyaraadan saartay xukuumadda dhexe, kadib markii uu khilaaf ku saabsanaan hannaankii doorashada uu soo kala dhexgalay labada dhinac. Sidoo kale doorashada Jubbaland oo sababtay in la doorto illaa saddex Madaxweyne ayaa waxaa ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona haatan Kismaayo ay ku wada sugan yihiin C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Axmed Madoobe oo ah saddexda nin ee la doortay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Taliska Africom ayaa beeniyey in dhowaan duqeymo dhanka cirka ah Mareykanka uu ka fuliyey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo ka dhacay gobolladaasi. War ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in warar la baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa inta badan duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xaaji oo ku sugan magaalada Baydhanbo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay xiriirka wasaaddiisa iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay inuu ka dhexeeyo iskaashi xoogan. Abuukaate Xasan Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay adkeynayaan hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba. Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradaha maamul goboleedyada uu kala shaqeyn doono, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha cadaaladda. Dhanka kale wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo qorshe la doonayo in lagu dhiso xabsi weyn oo ay dowladda Soomaaliya ka hirgelineyso gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka K/Galbeed. Dowladda dhexe ayaa dadaal xoogan ugu jirta, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha garsoorka dalka , si ay dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad iyo sinaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-28082019-sax.mp3 View the full article
-
Chifraye Bekele’s joke led to the cancellation of the Johannesburg-bound flight in April and to a three-hour shutdown of Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) in the capital, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka socdo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta qaar kamid ah beelaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galaya shirka ka socda Magalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxaa inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay shirka Hobyo oo lagu wado inuu dhawaan soo xirmo, waxaana la filayaa in Hobyo ay gaari doonaan madax kale oo shirka xiritaankiisa ka qeyb galidoonaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kansas City Chamber of Commerce hosted their monthly Coffee on the Corridor event, this time at the Somali Mall. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka socda dibad baxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageeraayo Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha magaaladda Dhuusamareeb, waxaana mid kamid ah lagu taageerayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladda ay ku bixinayso dhismaha maamulka Galmudug ee bartahamaha Soomaaliya. Banaanbaxa labaad ayaa waxaa dhigaya dad ka caraysan in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo gayso Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyaga oo taageeraya hadal shalay ka soo baxay madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si taas lamid ah magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo looga arrinsanaya khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ee arimaha maamul u samaynta Galmudug iyo diidmada Ahlu-Sunna ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb. Xarunta uu wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ka daganyahey Dhuusamareeb ayaa inta badan kulamo ugu socdaan waxgaradka deegaanka iyo ergooyinka ka qayb galayo Shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug. Sidoo kale xarunta uu ku shaqeeyo madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo ugu socdaan Hogaanka Ahlu-Sunna iyo waxgarad doonaya in ay xaliyaan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee Dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo shaacin ku tegey degma xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha degmada hobyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee ergooyinka ka qaybgelaya shirka ka socda magaalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhoweeyey degmada Hobyo. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaasi, waxaana shir guddoominayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Shirka ayaa go’aamada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in xayiraadii laga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac. Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka xukuumadda federaalka ah iyo Jubbaland, taas oo keentay in tan dambe oo ka cabsaneysa faragelin ay xuduudaha ka xirato xukuumadda federaalka ah, joojisana wada shaqeynta. Dhankeeda xukuumadda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland, baarlamaan iyo madaxtinimadaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com