-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa Xukuumadda ugu baaqday in Xorriyaddooda loo soo celiyo dhallinyaro 13 bilood ka hor laga soo xidhay Gobolka Sanaag, kuwaasi oo muddada intaa leeg ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyagoon Maxkamad la hor geynin. War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xuquuqal iinsaanka oo soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland ka soo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay saddex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo saddex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi muddo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyaddiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor…” Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
-
Ismaaciil Yuusuf Raage oo bulshada inteeda badan ay ugu yeeraan (Odawaa) waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku dhameystay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2005-tii. Wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga, wuxuu ku dadaali jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen kooxaha nabaddiidka iyo dadka gumeysi kalkaalka ah. Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay 15-7 Sanadkii 2006-dii waxa uu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Dalka Uganda oo muddo 1 sano ah uu tababar ku qaadanayay, isagoo soo bartay shuruucda Ciidanka iyo ilaalinta madaxda (VIP protection course) markii uu tababarka u soo idlaaday waxaa loo xilsaaray inuu tababare u noqdo ciidan cusub oo dalka Uganda loogeyey tabar xiligaasi wuxuu sii kororsanayay aqoon dheeraad ah oo ku saabsan dhanka ciidanka. Sanadkii 2009-kii waxaa mar labaad loo qaaday tababr layli sargaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Uganda, Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah oo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho. Sanadkii 2010-kii saraakiil uu kamid ahaa waxaa loo magcaabay taliyayaal, waxa uu noqday taliyaha horin 2 aad, ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxa loo magcaabay Abaandul urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad. Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay xoreynta kooxaha nabaddiidka Gobolada Banaadir, Sh,dhexe iyo Sh,hoose, taa soo uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marin muhiim ah. Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaa soo uu ku qaatay taqaquska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaal marin ku saabsan howlaha ciidanka. Sanadkii 2014-kii waxaa mar labaad waxbarasho loogu diray dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga Kulliyada Dagaalka (Turkish Aamry War Collage) markii uu tababarka u soo idlaaday wuxuu dib ugu soo laabatay dalaka. Sanadkii 2016kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, muddo ka dib waxa loo magcaabay Abaanduulaha Ururka 60-aadee ilaalada madaxtooyada. Sanadkii 2018-kii ayaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Dhexe. 16-08-2018-kii Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto. 30-03-2019-kii isbadal lagu sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo magcaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka. 22-08-2019-kii ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. W/D: Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British)
-
Garowe (SMN) – Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa maanta Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda. Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga. Hantidhowrayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay baahi ay u qabeen dhinaca horumarinta nidaamka baarista shaqada xafiisyada, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah. Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo furay aqoon isweydaarsigaan ayaa sheegay in ula jeedada laga leeyahay ay tahay in dalka la gaarsiyo nidaamka hufan oo Isfahan iyo shaqo karti leh ugu adeego bulshada iyadoo ay ka mid tahay in daacadnimo dalka loogu shaqeeyo. Kulamdaan ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dhammaan xafiiisyada hantidhowrka heer qaran iyo heer maamul gobaleed, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta qorshahe horumarsan ee la doonayo in dalka la gaarsiiyo nimaadka casriga ah ee ay ku shaqeeyaan xafiiskayada hanti-dhowrayaasha Caalamka View the full article
-
Garowe (SMN) – Waxaa maantay magaalada Garowe ee xarunta dowlada goboleedka Puntland si rasmi ah uga furmay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Shirkan soconaya muddo seddex maalmood ah,iyadoo looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-26082019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa goordhow Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kala baxay 3 qof oo katirsan Shaqaalaha Gobalka. Dadkaan ay Ciidamada kala baxayn Xarunta Gobalka, oo qaarkood jirdil loo geestay sidoo kalane iyagoo jeebeysan gaari la saaray, ayaa waxaa ku jira ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali. Sidoo kale dadka la xiray ayaa mid kamid ah waxaa la sheegay in ay tahay qof dumar ah oo ka tirsan Shaqaalaha Gobalka Banaadir, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online. Lama oga sababta loo xiray balse warar ayaa sheegaya in Nuur Axmed Cali uu diiday inuu xarunta ka baxo si looga fuliyo baaritaanno la xiriira qaraxii ka dhacay 24-kii July. Nuur Axmed Cali, ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsan Guddiga qaban qaabada Xil Wareejinta Guddoomiyaha cusub ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Kadib markii ay soo noq noqdeen weerarada Ciidanka dowladda Kenya ay ku burburinayan Xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ay ku leedahay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa arrintaas markii ugu horreysay ka hashay Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Koongareyska dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo hantida shirkadda Hormuud Telecom, isla markaana la difaaco hantideeda. Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa Xustay in Ciidanka dowladda iyo kuwa nabadsugida Dhowraan oo ay ilaaliyan hantida Hormuud iyo dhammaan Shirkadaha kale ee Isgaadhsiineed ee dalka ku yaalla, kuwaasi oo bixiya adeegyo muhiim ah. ”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waa inay dhowraan (hantida) shirkadda Hormuud iyo dhamaanba Isgaarsiinta Somalia oo qaaraan wayn u gaysta dhaqaalaha dalka, adeegyo muhim ahna bixiya”ayay tidhi Ilhaan Cumar. Waxaa kale oo ay sheegtay Ilhaan Cumar ”Markii aan Somalia booqday 20011, waxaan la yaabay isbeddelka deg degga ah ee tiknolojiyadda Somalia.” ayay raacisay halkeeda. Ciidamada Kenya ayaa dhawaan waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo,iyadoo adeegsaday qaraxyo Miinooyin,waxaana halkaas Shirka uga burburay Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta waxay shaqadii ka joojisay shaqaale ka howl-galayey gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport. Shaqaalahan ay maanta shaqo joojinta ku sameeysay Xukuumada Biixi ayaa tiradoodu dhameyd 42-shaqaale, waxayna shan shaqo oo kala gedisan ka qaban jireen Garoonka diyaaradaha Cigaal. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in sababta shaqaalaha intaa leeg u cayrisay xukuumada Somaliland, ay tahay inay mushaar ka qaatan dowladda federaalka Soomaaliya oo maamulka hawada kala wareegtay Hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO). Waxaa xusid mudan in Dowladda federaalka Soomaaliya ay mudooyinkii dambe la soo wareegtay maamulka hawada, midaasi oo suurta-gal ka dhigaysa in shaqaalihii hay’adda ICAO ka qaadan jirey mushaarka ay dowladda federaalku la wareegtay. Xukuumada Somaliland ayaa ku doodeysa inay shaqaalahasi soo cadeeyan inaysan ka mid aheyn shaqaalaha ay dowlada federaalku la wareegtay kadib markii maamulka hawada loo gacan-galiyey. 42-ka shaqaale ee maanta la cayriyay ayaa garoonka diyaaradaha Cigaal ka qaban jirey shan shaqo oo kala ahaa: AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada MET Officers: Saadaasha Hawada Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha FireFighting: Dabdamiska Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani. Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen. Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen. Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa uu si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib. Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka. Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Japan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa maanta shaqada ka joojisay 42 shaqaale ah, kuwaasi oo ka hawl-galayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Shaqaalahan ayaa ka mushahar qaadan jiray hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO). Balse dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay la wareegtay maamulka hawada, shaqaalaha iyo dhaqaalihii ka soo xaroon jiray hawada Soomaaliya oo ay horey gacanta ugu haysay hay’adda ICAO. Somaliland ayaa shaqaalahan ay eriday ku haysata in ay soo caddeeyaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha ay la wareegayso dawladda Soomaaliya. Shaqaalahan ayaa ah kuwa ka hawlgala: Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada MET Officers: Saadaasha Hawada FireFighting: Dabdamiska Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha. Technicians: Injineerada qalabka Hawada Source
-
The Somali Book Fair scene is booming and there is no greater happiness than people, especially, young people, rushing to attend such educational events. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay: In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In laga billaabo 26/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir. Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland, halkaasi oo saddex madaxweyne oo is-diidan ay kasoo baxeen. Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah mas’uulka Al Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo wareysi siiyay Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa sheegay in ay dagaal lageli doonaan dhammaan saddexda madaxweyne ee sheegtay Jubaland. Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Jubaland ay ku loolomayaan dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Reer Galbeedka, islamarkaana madaxweynayaasha la doortay “lagu adeegto.” Waxa uu sheegay in dadka isku haya Jubaland “aysan xitaa ahayn dad madax banaan”, islamarkaana qori caaraddiisa lagu qasbayo inay fuliyaan danaha dalla shisheeye, sida uu sheegay. “Jubaland waxay gobollada Jubooyinka ka maamulaan kaliya laba degmo, marka qof kasta oo madaxweyne sheegta waxaa laga doonayaa halkii uu maamuli lahaa” ayuu yiri. Waxa kale oo uu sheegay in dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay mamausho Jubaland, gaar ahaan Kismayao ay maalin kasta usoo cararaan dhinaca goobaha ay maamulaan Shabaab, ayna ka saari doonaan goobahaas, sida uu hadalka udhigay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in ay ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga QM. Kenya ayaa tilmaamtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka qaaradda Afrika, sida ay hadalka u dhigtay Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi ay gadaal ka riixayaan in Jabuuti ay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii Ururka Midowga Afrika. Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda. Kenya ayaa marar badan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu kala dhexeeyo muran dhinaca badda ah oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda ICJ. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Maareeyaha Guud ee wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo dhoowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada Saereeye Guud Bashiir Goobe loo magacaabay xilkaas. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland kasoo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay sadex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo sadex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waaa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi mudo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyadiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor. Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Press release Human Rights Centre calls on the government to stop indefinite imprisonment without a judicial process Human Rights Centre (HRC) calls on the government of Somaliland to immediately release four people who are arbitrarily imprisoned. On July 2018 Abdilahi Farah Abdilaahi, 13 years, Said Jama Ismail, 16 years, Jama Ibrahim Hasan, and Mohamed Abdilaahi Mohamed were rounded up from different places in Erigavo district of Sanaag region without a court warrant. They have been rounded up by the Rapid Reaction Unit (RRU) of the Police. They were immediately taken to Hargeisa Central Prison, hundreds of miles away from their homes and families. They were never brought before a judge. In 2018, clan clashes happened in Eryan village (Ceeryaan in Somali) between two clans. Three people died, according to the government officials. The Rapid Reaction Unit, a paramilitary police unit, was deployed at the area. The RRU rounded up the four people. Article 27(2) of the Constitution of Somaliland says “any person who is deprived of his liberty because of alleged criminal offences shall have the right to be brought before a court within 48 (forty-eight) hours of his arrest.” “They have never been brought to court. No charges are pending against them. There is no charge sheet. No criminal report filed with the court or the prosecution office” says Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. They have been in prison in thirteen months without a trial. Article 47(3) of the Somaliland Criminal Procedure Code states that “until the date of the trial has been fixed, an accused in custody shall be brought before the judge every seven days.” “It is clear that the Criminal Procedure Code has been violated. You cannot put someone in prison indefinitely without trial,” says Yasmin adds. Contrary to the Juvenile Justice Law and international human rights standards, two of the detainees are children under the age of 18. “The authorities cannot use clan conflicts as a pretext to set aside the constitutional guarantees. It is this time you should test the credibility and strength of the institutions. The judiciary shall function not only in peacetime but also during armed conflict,” She added. Article 9(1) of the International Covenant on Civil and Political Rights says “everyone has the right to liberty and security of person. No one shall be subjected to arbitrary arrest or detention. No one shall be deprived of his liberty except on such grounds and in accordance with such procedure as are established by law.” Article 9 of the Universal Declaration of Human Rights states that no one shall be subjected to arbitrary arrest and detention”. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to respect its constitution and release jailed people who are held in prison without due process of law and to stop other similar imprisonments taking place in Sanaag region. The Centre calls on the judiciary to protect liberties and safeguard that arrests carried out in Sanaag are made in accordance with the constitution. Yasmin Omar H Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News