-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo xirayaa shir looga arrinsanayey arrimaha dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo dibu eegis lagu samaynayey. Shirkaan ayaa waxaa muddo saddex maalmood ah uu Garoowe uga socdey guddiyada dastuurka ee barlamaanka labada aqal ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Cuttubyada 10aad ilaa 15aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa aad diiradda loogu saarayey sida uu Puntlandpost u sheegay mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka u qaabilsan dastuurka ee ka qaybgalay. PUNTLANDPOST The post Shir dib loogu eegayey dastuurka Soomaaliya oo Garoowe lagu soo xirayo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-28082019.mp3 View the full article
-
Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan casho sharaf iyo xog waraysi isugu jira la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe. Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay marteglinta kulan kasta oo la’isugu soo dhoweynayo Ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay fidsantahay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyey guddiyada dastuurka. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-hishiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay magaalada Dhuusamareeb ka hadlayey ayaa sheegay in Ahlu-sunna ay burisay Heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii labada dhinac isagoo oo warbaahinta ka akhriyay qodobada ku qoran waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taagantahay qodobadaasi balse Ahlu-sunna ka baxday. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli shalay Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ay ku dhawaaqeen in uu gebi ahaanba burburay heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya kadib markii sida ay sheegeen xukuumaddu ka baxday. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo Ahlu-sunna ku eedaysay in ay ka baxday Heshiiskii labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
Ismail Ajjawi made headlines in Lebanon as a 14-year-old growing up in a ramshackle camp for Palestinian refugees — for being one of the top scorers on the country’s primary school exams. This year he aced the secondary school exam, helping earn him a full scholarship to Harvard University. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Koloneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mar soo noqday wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah waxaa uu siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaatada ciidamada Kenya ka geystaan dalka. Barre Hiiraale ayaa si layaab leh u sheegay in ay muhiim tahay in xilligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si buu yiri loola dagaalamo ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Barre ayaa arrintan sabab uga dhigay in dowladda Kenya ay duulaan ku tahay dalka soomaaliya, awoodda jabin kartana ay tahay dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ay dhib badan ku hayaan qarannimada umadda Soomaaliyeed. Barre Hiiraale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay iminka haysato dhibaato ka badan Al-Shabaab oo ah ciidamada Kenya, sidaas darteedna ayaga lagu taageero inay ka adkaadaan Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso wareysiga Barre Hiiraale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Qaybta-2-aad-Wareysiga-Barre-Hiiraale-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda. Af-hayeenka Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu-sunna, islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Al-shabaab. Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaada ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:- Qaran News
-
Democratic Minnesota Rep. Ilhan Omar gave a shout-out to the land of her birth, Somalia, in honor of its Independence Day. “Happy Independence Day Somalia,” Omar tweeted on July 1st. “Somalia hanoolaato,” she added, which means “Long live Somalia.” Omar should have included a shout-out to Israel, the country she loves to bash as racist and colonialist, for being the first of 34 countries, including the United States, that recognized Somaliland after it gained independence from the United Kingdom on June 26, 1960. Unfortunately, things did not go as smoothly for Somaliland as its people had hoped for in their yearning to be free, something that Omar neglected to mention in her celebration of her homeland’s independence. Somaliland first decided to join the larger area to its south that had been under Italy’s control and form what became known as the Republic of Somalia. However, Somaliland tried to declare its own independence in 1991 from what had become a failed state beset by civil war. That happened to be the same year that Omar fled the civil war in Somalia with her family, settling in a Kenyan refugee camp. Omar and her family then came to the United States when she was 12 and became a U.S. citizen several years later. “The lesson is to be hopeful, to dream and to aspire for more,” said Omar last year. The people of Somaliland also aspire for more than remaining tied to the corrupt regime that Omar and her family managed to escape from. But the Somaliland people have not been as lucky as Omar. By an overwhelming supermajority of 97 percent, the Somaliland people voted for adopting an independent constitution in a 2001 referendum monitored by an outside group, the Initiative and Referendum Institute that is affiliated with the University of Southern California. Somaliland has taken significant steps to demonstrate its preparation for independence. It has, for example, its own constitution, bicameral legislature, court system, and executive branch, along with its own police force and currency. However, Somaliland remains in limbo. No countries have stepped forward to recognize it as a sovereign state separate and apart from the corrupt, war-torn Somalia regime to the south. Somalilanders are in effect being held hostage to this regime. Without being recognized as an independent country in the international community, the Somaliland government cannot participate directly in forums in which international aid distribution is discussed. This means that international humanitarian aid, including food, that Somaliland’s food insecure people so desperately need is routed first through Mogadishu. The Somaliland government cannot get loans from the World Bank or attract a significant number of international investors until it is able to break away entirely from the failed state of Somalia. But the Somalia regime in Mogadishu refuses to let go of Somaliland. Omar, who sits on the powerful House Foreign Affairs Committee, has not spoken out to address the hopes and aspirations of the Somaliland people. For Omar, it’s all about her beloved Palestinians, baby. On the other hand, Israel, the country that Omar loves to hate, reportedly put out feelers nearly a decade ago indicating its willingness to consider restoring its recognition of Somaliland as an independent state – this time, independent from the Mogadishu regime. And the people of Somaliland, where Islam is the official religion, appear interested in developing a good relationship with the Jewish State of Israel. Abdirahman M. Dirye is a Somaliland activist and Senior Editor at The Democracy Chronicles, African news edition who wrote that “other Somalis hate Somaliland for its pronounced stand with suffering Jews.” He added, “Somaliland needs not only Israeli economic and military assistance to remain a bulwark against growing terror in the Horn of Africa but also needs world Jews to stand by Somaliland’s outright independence.” Somalia’s government in Mogadishu fired a high-level official in its Foreign Ministry for daring to suggest that it would be a good idea for the Somali government to establish diplomatic relations with Israel. “It is in our interest to welcome Israel,” he wrote, while criticizing the Palestinians for being their own worst enemies. Also, Somalia’s envoy to Switzerland and representative to the United Nations in Geneva drew the ire of her bosses when she abstained from a United Nations Human Rights Council condemning Israel over its control of the Golan Heights. The Somali Foreign Ministry immediately summoned her to return to Mogadishu. A report claims that Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad took the action to summon the ambassador only after receiving a call from Congresswoman Ilhan Omar. The Somali government denied the report, which could not be verified. The report is plausible, however, since Omar and the foreign minister do know each other. Moreover, Omar endorsed Somalian President Mohamed Abdullahi Mohamed (known as “Farmaajo”) in an election described as one of the “the most fraudulent political events in Somalia’s history.” Omar’s brother-in-law, who is a U.S citizen, by no coincidence entered Somalia’s government as the permanent secretary of Farmaajo’s hand-picked prime minister. Nevertheless, despite (or probably because of) her high level connections with the corrupt Somali government, Omar has done nothing as a member of the House Foreign Affairs Committee to help the people oppressed by that regime. Just like Omar herself, the government of the land she escaped hates Israel. You can take Rep. Ilhan Omar out of Somalia, but you can’t take the anti-Semitic hatred for the Jewish State of Israel out of Omar, which she no doubt began to learn during her childhood days in Somalia. And she has turned her back on the people of Somaliland who deserve to be free from the corrupt regime to the south Frontpage Mag Qaran News
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa beeniyey in saddexdii maalin ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. AFRICOM ayaa shaacisay in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo la sheegay in ay ka dambeysay dowladda Mareykanka. Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in wararka la baahiyey aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu duqeymo xoogan oo dhanka cirka a ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya la wadaagay go’aan lagama maarmaan ah oo ku saabsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kadib weerarkii ka dhacay xarunta gobolka. Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo dhamaan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sida ay shaqada ay ku soo galeen. Booliiska ayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka u jeediyay in shaqaalaha oo dhan la marsiiyo nidaamka saxda ah ee Shaqaaleysiinta, sidoo kalane dhamaantood loo diro qof damiin buuxa ka noqon kara oo loo raacdo wax kasta oo ka yimaada qofka la damiintay. Booliiska Gobalka waxay sheegeen in aysan bilaaban karin shaqada dowladda Hoose islamarkaana adag tahay sida lagu helo kalsooni amni iyadoo aan dib u eegis lagus sameynin Shaqaalaha oo dhan oo intooda badan nidaam aan sax aheyn lagu qortay. Boqolaal qof oo waxaa jira ana wax shaqo ah qaban balse gobolka looga shaqaaleeyey hab qaraabanimo, si ay mushahar un uga qaataan. “Kaliya amniga gobalka saameyn maayaan shaqaalaha laakiin waxayn saameyn ku yeelanayaan dhamaan amniga mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha kalaba haddii aan dib u eegis lagu sameynin Shaqaalaha Dowladda Hoose oo dhan” ayuu yiri qof ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Al-Shabaab waxay gobalku ku leeyihiin xidido adag oo u baahan in la siibo, hadii aan wax laga qaban-na waxaa halis ku jira nolasha dad badan iyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkaan kat irsan Booliiska Soomaaliya ee la hadlay Caasimada Online. Cumar Finish, Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa dalbaday in Booliiska Soomaaliya ee Gobalka Banaadir kala shaqeeyaan sidii uu u hagaajin lahaa Shaqada iyo Shaqaalaha Gobalka isagoo dalbaday in mudada dib u eegista ka horeysana aad loo adkeeyo ammaanka Gobalka. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa hadda wada dedaal lagu xaqiijinayo amniga masuuliyiinta Gobalka Banaadir iyadoo sidoo kale shaqaalaha iyo dadka kalaba aad loo baarayo. Baaritaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sameynayaa agabyada uu qofka wato sida kabaha IWM ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa lagu daaweynayaa askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo todobaadkaan lagu dhaawacay degmada Waabari ee Gobalka Banaadir. Askariga ilaalada u ah Prof Jawaari, oo hadda ku maqan dalka Canada, ayaa waxaa dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada dhar cadka ah ee bilo ka hor laga aas aasay magaalada Muqdisho, kaas oo isagana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askariga uu dili rabay ee ilaalada u ah guddoomiye Jawaari. Labadaan Askari oo midkood ka tirsan yahay Al-Shabaab, halka midka kale ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee amniga Soomaaliya ayaa iyagoo dhaawac ah oo is dhaawacay la dhigay Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho, iyadoo ay arintaasi dhalisay hadal heyn Xoog leh. Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in kadib markii ay dhacdadan dhacday baaritaan lagu ogaaday askariga dhar cadka ah uu si hoose uga tirsanaa Shabaab Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo la wareegay dhaawaca labada Askari ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dhab ah oo ku saabsan sababta keentay in ninkaan uu weerar ku qaado askarigan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya sidoo kalane ilaalo gaar ah u ah guddoomiye Jawaari iyo inta uu la ekaa xiriirkiisa kooxda Shabaab, iyo haddii ay jiraan falal kale oo uu gaystay. Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada labada qof ee dhaawaca ah balse waxaan akhristiyaasheena la wadaageynaa in labadooduba la dhiga Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho oo ay maamusho dowladda Soomaaliya. Askariga Ilaalada u ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac aan aad u darneen ayaa markii la wareerayay ka yimid Iskuul lagu barto luqadda English-ka oo uu Galabtii ka dhigto degmada Waabari ee Gobalka Banaadir. Hore ayaa Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya waxay dilal ka fuliyeen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay sidoo kale ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si qota dheer uga hadlay arinta Badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka galisay. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sagaalka bisha nasoo aadan ee Sebtember uu dhageysiga kiiska Badda ka bilaabanayo Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Afar maalin ayuu sheegay inuu socanayo dhageysiga kiiskaas. Labo maalmood oo kamid ah Afartaas maalin ayaa la dhageysa doonaa, dooda Soomaaliya ay ku cadeynayso la haansheheeda badda la isku heysto. Kenya ayaa sidoo kale labo maalin fursad u heysata inay soo bandhigida cadeymeheeda ku aadan lahaanshaha biyaha la isku heysto. 13-ka bisha Sagaalaad ee nasoo aadan ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha Soomaaliya inay Maxkamaddu soo gaba gabeyneyso dhageysiga kiiska Badda. Wixii intaas ka dambeeya ayuu sheegay inay Maxkamaddu u fariisa doonto xukunka kama dambeysta ah ee cidda iska leh Biyaha muranka badan ka dhex dhaliyey wadamada Kenya iyo Soomaaliya. Lama shaacin xiliga kama dambeysta ah ee uu soo baxayo xukunka Maxkamadda, balse waxaan gabi ahaanba jirin wax Racfaan ah oo ka furan kiiskaas. Dadka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday Xeer ilaaliye Axmed inay u midoobaan kana qeyb qaataan difaaca iyo soo dhicinta dhulkooda. Isagoo rajada Soomaaliya ay ka leedahay guusha kiiskaas ku tilmaamay inay tahay 99% in loo xugmi doono dhulkooda muranka la galiyey. Halkaan ka dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xeer-Ilaaliyaha-guud-ee-Qaranka-oo-ka-hadlay-kiiska-dacwada-Badda-ee-9-Septem.mp3Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya. Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulan ay yeesheen Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb. Wasiir Sebriye ayaa Bulshada Dhuusamareeb uga war bixiyey waxa uu ku saabsanaay iyo qodobada uu ka koobnaay heshiiskii ay bil ka hor wada galeen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hir galisay dhamaan qodobadii lagu heshiiyey, markii laga reebo hal qodob. Halkaas qodob ayuu ka gaabsaday Wasiir Sebriye inuu la wadaago Bulshada, balse waxa uu sheegay inaan wali la gaarin dhaqan galinta qodobkaas. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug, isu keenida Ergada ka qeyb galeysa shirka Dhuusamareeb iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo sida uu sheegay ay ku gor-gortamayaan. Hadalka uu caawa Dhuusamareeb ka jeediyey Wasiirka arimaha gudaha ayaa laga cabsi qabaa inuu kasii daro carada Ahlu-Sunna oo galabta ku dhawaaqday inay iska difaaceyso dowladda. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caadimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-27082019.mp3-ok.mp3 View the full article