-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sidaa ay gacanta ku hayaan. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa saaka soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay. Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey mashaariicda kala duwan ee ay wasaaraddiisu ka waddo banka Wajaale, ayaa si qoto dheer uga warramay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii wax soo saarkaasi meelo kala duwan oo dalka ah u gaadhi lahaa, bulshadana ugu horseedi lahaa inay gartaan qiimaha ay leedahay wax beerashadu. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey goobaha ay ku yaalliin beeraha wax soo saarka ee wasaaradda horumarinta Beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qaranku gacanta ku hayaan, ayaa kula dardaarmay inay sii libin-laabaan dedaalkooda dhinaca wax soo saarka, isaga oo rejo wanaagsanna ka muujiyey in midhaha ka dhasha mashaariicdaasi ay sannadkan wax weyn ka dari doonaan baahida cunto ee dalka, waxana uu yidhi, “Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.” Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku gudo jira maalintoodii saddexaad ee safar shaqo oo ay ku joogaan gobollada galbeedka dalka, ayaa maanta salaaddii Jimce kala qayb-galay shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
With famine looming large, due to worst harvest season since 2011 in Somalia, the UN Relief Chief Mark Lowcock on Friday, downplayed its effects on the food security. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada booliska ayaa qabtay shaqsi looga shakisan yahay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab kaasi oo tirro laba jeer ah ka badbaadey khaarjin. Saalim Cabuudi Khaalid, oo aan la ogayn jagadda uu hayo, ayaa haatan la il-daran dhaawacyo, wuxuuna ku jiraan saldhig ku dhex-yaala Isbitaalka lagu daaweynayo. Nabaradda ayaa waxay kala yaaliin dhanka caloosha, gacanta midig iyo lugta, sidda laga soo xigtay sawirro laga soo qaadey oo uu baahiyey wargeyska Daily Nation. Baareyaasha ayaa haatan ku guda jira su’aallo waydiinta ruuxan, kaasi oo lasoo shaqeeyay qaar kamid hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan Al-Shabaab ee Kenya. Waa kuma Saalim Khaalid? Bishii October 3-deeda sanadkii 2013-kii, gaari uu la socdey ayna ku wehliyeen xubno kale kaasi oo la rasaaseeyay ayuu noqday qofka kaliya ee ka badbaadey. Waqtigaasi kadib aad ayuu ugu yaraa aragiisa gudaha is-maamul goboleedka Mombasa, balse wuxuu iska dhigay ruux ay naftu ma hore ka baxdey kadib tacshiirada. “Waan u dhameynay,” ayuu sheegay inuu maqlay. Hadalkaasi waxaa yiri dad lagu sheegay booliska. Khaalid ayaa kadib ka boodey gaariga, waana uu baxsadey. Tan iyo xiligaasi, ciidanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa aad u doon-doonayey, waxaana lagu daray liiska xubnaha la baadigoobayo. Warbixino xaga sirdoonka ah ayaa muujiyey in uu dhanka Soomaaliya u socdaalay dhowr jeer, isla markaana uu marar kala duwan qaatay tababar dheeraad ah. Walaalkii, Haashim, waxaa la sheegayaa in dhowaan lagu khaarijiyey gudaha Soomaaliya, isaga oo ka barbar-dagaalamaya ururka ku xiran Al-Qaacida. Arbacadii todobaadkan [11-ka September 2019], markii ay boolisku ku duuleen hoygiisa Tudor Mwisho ayaa gacanta lagu dhigay kahor inta aan la toogan. Kahor inta aysan booliska baaritaan sameynin oo aysan xaqiiqada ogaan, markii dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta wuxuu mar kale iska dhigay ruux dhintay. Rasaasta ayaa looga beegsaday caloosha, gacanta midig iyo lugta, balse, xaaladiisu haatan waa mid aad u wanaagsan, sidda laga soo xigtay taliska bileyska. Walaashii, oo aan wali magaceeda illaa iyo haatan aanan la shaacin, ayaa lagu waramayaa in ay u soo dhooftay Soomaaliya, ayna xubin ka noqotay Al-Shabaab. Xigasho: Garowe Online
-
Diiq dahab cun ah ayaa lagu bireeyay dalka Itoobiya, waxayna u badan tahay inuu hilibka dabaaldagga sanadka cusub u noqdo haweeney ku khasbanaatay inay soo iibsato, ka dib markii uu liqay dhag dahab ah oo ay xirneyd. Ujeeddada ugu weyn ma aha hilibkiisa balse waa si loo helo dahabkii uu sida lama filaanka ah u laqay. Haweeneyda oo lagu magacaabo Hachaltu Bedira ayaa tagtay suuqa ku yaalla magaalada Woliso ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya. Qorshaheeda wuxuu ahaa inay iska iibiso qaar ka mid ah digaaggeeda, mana aysan dooneynin inay digaag kale soo gadato, laakiin waxay dib ula soo laabatay hal diiq oo qalaad. Diiqaas waxaa lahaa ganacsade kale oo doonayay inuu iska sii iibiyo, waxayna Hachaltu mar qura ku kulmeen suuqa xilligaas mashquulka ku ahaa dukaameysiga la xiriira u dabaal dagga munaasabadda sanadka cusub ee dalka Itoobiya. Maalintii Talaadada ahayd, mar qura wuxuu buuq hareeyay suuqii mashquulka ahaa ka dib markii uu diiqa kasoo baxsaday qofkii iibinayay uuna dhagta dahabka ah ka goostay Ms Hachaltu isagoo isla markiina liqay. Waxay markiiba ka dhex tolatay haweeneydii dhagta dahabka lahayd iyo ninkii watay diiqa sameeyay falka “layaabka leh”. Xaaladda ayaa aad u kululaatay, waxayna gaadhay ilaa heer ay soo faragaliyaan ciidamada booliska ee halkaas ka ag dhawaa. Taliye lagu magacaabo Tadesse Bedada ayaa BBC-da laanteeda Afaan Oromoo u sheegay in xalka la helay kaliya markii ay boolisku dhexdhexaadin u sameeyeen labada ganacsade ee is heystay. Ms Hachaltu ayaa ugu dambeyn oggolaatay inay diiqa ku iibsato 150 birr oo lacagta Itoobiya ah, taasoo u dhiganta $5 doolar ama 4 gini. Qiimahan ayaa aad uga yaraa midka caadiga ah oo halkii diiq lagu iibsado 250 birr, hase yeeshee waxaa la isku waafaqay sidaas maadaama uu diiqa sameeyay fal aan loo baahneyn uuna milkiilihiisa ku muteysanayo khasaare qeyb, sida uu sheegay taliya. Mr Bedada ayaa intaas ku daray in diiqa uu ahaa mid layaab leh uuna raadinayay wax kasta oo midabka dahabka leh si uu u liqo, markii uu gacanta booliska ku jiray. Waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa leh taariikh xisaabiye gaar u ah oo qiyaastii 7 sano ka dambeeya taariikh xisaabiyaha caadiga ah ee ay dunida inteeda kale raacdo. Maalinta Khamiista ah ee foodda nagu soo heysa, Itoobiya waxay u noqon doontaa maalinta koowaad ee sanadka 2012-ka. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu maanta magaaladda Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socotay Ingiriiska. Dhinacyadda ayaa waxay ka wada hadleen arrimo quseeya ciidanka iyo sidii sarre loogu qaadi lahaa tayadooda. Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar], taliyaha bileyska, oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyey qodobada ay isla meeldhigeen. Mr Xijaar ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay isla qaateen sidii loo dardargelin lahaa tayeynta booliska Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/adf.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaadey in ay dib u habeyn ku bilowday ciidanka maamulkaas. Cabdicasiis Maxamed Galan, wasiirka wasaaradaas, ayaa waxa uu sheegay in qorshahan uu sidoo kale qayb ka yahay tayeynta ilaalada mas’uuliyiinta. Mr Galan ayaa intaasi raaciyey in si lamid ah ciidamada ilalaada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay sidoo kale dib u habeyn doonan. Qorshan ayuu carabka ku adkeeyay in ay u gudbiyeen Golaha Wasiirada maamulkaas, uuna yahay mid ku dhow heer gabagabo ah. View the full article
-
Marka (SMN) – Ciidamadda xooga dalka ayaa howlgalo saf-balaaran ah waxay ka wadaa xaafadaha kala duwan ee magaaladda Marka. Howlgaladda ayaa waxay ka dambeeyeen ka gedaal markii dagaal culus uu halkaasi ku dhex-maray AlShabaab iyo ciidanka. Dagaalka oo khasaaro kala duwan uu dhinacyadda kasoo gaarey ayaa waxaa ku dhintay guud ahaan shan ruux oo bada dhinac ah. Saraakiisha ammaanka oo diidey in ay xogo dheeraad ah ka bixiyaan howlgaladda socda ayaa tibaaxay in uu yahay mid nabad-gelyadda lagu sugayo. Sikastaba ha haatee, magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ku sugan ciidanka 14-ka October oo howlgalada wada. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Odayaal kulan ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, baaq nabadeed kasoo saarey colaad beeleedyo ka aloolsan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayey ku booriyeen in ay xabadda joojiyaan, isla markaana wax kasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka, maadaama aanan dagaal xal ahayn. Wax garadka ayaa intaasi raaciyey ay ay dardar gelin doonan dedaaladooda samadoonimadda ah, si looga baaqsado dagaalo horleh oo bulshooyinka walaalaha mar kale dhex-mara. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isku dhacyo dhexmaray beelahaasi Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo kharaar uu ku dhexmaray qayb kamid ah gobolkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Okay.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-13092019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda. “Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma. Hadalka Juma ayaa qeyb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah inaysan aqbali doonin go’aanka ICJ. Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil. Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaaro kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabaa ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Digniin laga soo saaray xaalada bini’aadanimo ee Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in laba milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul iyo gaajo, iyadoo ugu baaqaysa beesha caalamka inay gargaar bani’aadnimo la soo gaaraan Soomaaliya. Macluushan ayaa ka dhalatay xaalado abaareed oo dalka ka jiray ilaa sanadkii 2011-kii, sidda lagu sheegay warbixinta. Isagoo ka hadlayey gebagebada booqasho laba cisho qaadatay oo uu ku yimid Soomaaliya, ku xigeenka xoghayaha guud ee UN-ka, Mark Lowcock, ayaa waxa uu sheegay in dagaalo tobanaan sano socday iyo horumar la’aan ay wiiqeen awoodii ay dowladda Soomaaliya kula tacaali laheyd dhibaatooyinka bani’aadnimo ee soo noq-noqaya. Waxa uu intaa ku daray in abaaro ka dhashay roobabka oo soo daahay ay xaalada uga sii dareen, iyadoo marka roobabka ay da’aana ay sababaan daadad khasaare geysta. Lowcock ayaa waxa uu sheegay in ilaa lix milyan oo qof ay wajahi doonaan cuno-yari bilaha soo socda, iyadoo buu yiri, dadkaasi saddex meelood oo meel ay aad u il-daran yihiin. Lowcock ayaa horkacayey koox ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo ka socda Baanka Aduunka, kuwaasoo gaaray Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed, halkaasoo saddex boqol iyo lixdan kun (360,000) oo dad ah ay kaga qaxeen guryahooda abaaraha iyo dagaalada u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, saddexii sanno ee la soo dhaafay. Dadkan ayaa la dejiyey ilaa 435 goobood oo ku yaala Baydhabo hareeraheeda. Warbixintii dhowaan ay QM ka soo saartay xaalada cuno-yari ee Soomaaliya ayaa muujisay in dalagii beeraha ka soo go’ay bilahii April ilaa June ay ahaayeen kuwa aan ku filneyn baahida jirta. Warbixinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale xusaysa in musiibooyinka dabiiciga iyo colaadaha sokeeyey ay guryahooda ka barakiciyeen ilaa laba milyan iyo lix boqol oo kun oo dad ah. View the full article -
Sterling Energy has announced that the Government of the Republic of Somaliland has granted a continued extension to the current period of the Odewayne Production Sharing Agreement (‘PSA’). The expiry dates of the relevant exploration periods under the PSA shall now be: Third Period: 2 November 2020; Fourth Period (optional): 2 May 2022; Fifth Period (optional): 2 May 2023; and Sixth Period (optional): 2 May 2024. The minimum work obligations for the exploration periods remain unchanged: (i) the acquisition of 500km of 2D seismic during the Third Period; and (ii) the acquisition of 1,000km of 2D seismic and one exploration well during the Fourth Period. Sterling holds a 34% interest in the PSA and will be carried by Genel (50% interest and Operator) for the costs of all exploration activities during the Third and Fourth Periods of the PSA. David Marshall, the Company’s Chief Executive Officer said: ‘We would like to thank the Government of the Republic of Somaliland and Genel for agreeing to a continued extension. Sterling continues to support the operator during the reprocessing of the full 2D seismic dataset and we look forward to receiving the final deliverables in Q4 2019.’ The Odewayne Block covers a very large area (circa 22,000 sq km) onshore southwestern Somaliland, located adjacent to the border with Ethiopia. The PSC covers block SL6 and part of blocks SL7 and SL10. Original article link Source: Sterling Energy Qaran News
-
Loollanka doorashada madaxtinimadda Galmudug ayaa si xowli ah ku bilaawday, iyadoo durba lasii calaameeyay labadda musharax ee noqon kara kuwa ugu cadcad. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arko inuu garab ka helaayo Dowladda Federaalka ah iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ah gacanta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu dhexyaala hardanka ugu adag. Dadka qaar ayaa durba bilaabay iney hoos u dhigaan rajadda uu musharax Odawaa ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Galmudug, waxeyna sabab u dhigayaan saddexdaan qoddob. 1-Farqiga beelaha iyo xildhibaanada Federaalka. Galmudug waxaa degan oo xildhibaanada loo qeybiyaa 11 beelood. Marka la joogo Galmudug waxaa caadi ah in xildhibaanada Federaalku ay saameyn xoogan ku lee yihiin soo xulista xildhibaanada Galmudug. Xafladii uu Cabdiraxmaan Odawaa kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaa joogay xildhibaanada 3 ka mid ah 11-ka beelood ee degan Galmudug, halka uu musharax Qoor Qoor soo bandhigay xildhibaanadda 11-kaas beelood ku matala Dowladda Dhexe. Tani waxey muujisay in Odawaa uusan heysan taageerada inta badan beelaha Galmudug. Xildhibaanada Dowladda dhexe ku matala Galmudug ayaa inta badan xusul-duub ugu jira iney soo saaraan qof ay wataan si 2020 ay ugu soo laabtaan Baarlaamanka Federaalka ah. Dadka aadka u faaqida arrimaha Galmudug waxey sheegayaan in musharax Odawaa uu aruursaday xildhibaanadii caanka ka ahaa Facebook halka uu musharax Qoor Qoor aruursaday xildhibaanadii go’aaminayay kuraasta qabiiladooda. 2-Khilaaf ka cararka reer Galmudug Dadka reer Galmudug ayaan 4 sanno helin adeeg maamul. Waxey sanadihii dambe daawanayeen khilaafka Villa Somalia iyo Galmudug. Waxey aaminsanyihiin iney halkaas wax badan oo horumar ah ku seegeen, sidaa darteed waxaa u muuqata in aaney hada xiiso u qabin hogaamiye khilaaf abuur ah. Qodobkaan wuxuu si weyn u saameynaya musharax Odawaa oo dhowaan si dadban u iclaamiyay inuu la dagaalami doono Dowladda Federaalka ah, hadii la doorto. 3- Cadaawadda loo qabo Damuljadiid Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalo ku qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb sanadkii 2015, halkaas oo ay dad-badan ku dhinteen. Weli cidna magdhow iyo raali gelin kama bixin arrintaas. Odawaa wuxuu xiligaas ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha iyo qofkii u xil saarnaa arrimaha gobaladda Dhexe. Waxaa la fahamsanyahay in weli colaad badan loo qabo kooxda uu ka tirsanyahay musharax Odawaa. Sidoo kale wuxuu horey meel fagaaro ah uga weeraray kooxda Ahlu Sunna oo deegaankaas ku xoogan waana arrin kale oo saameynteeda leh. Si kastaba waxaan weli la go’aamin xiliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana weli socda shirkii Dib-uheshiisiinta beelaha Galmudug. W/Q: Maxamed Cabdullaahi Sabriye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa Axada wuxuu ka furmayaa Magaalada Garowe, waxaana makarafoonka marka ugu horeeya loo dhiibayaa oo Furaya Madaxweyne Dani. Ganacsato, Shirkada waaweyn iyo [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal iyo waxgarad muddo todobaad ah u joogay Magaalada Muqdisho sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Shalay dib ugu laabtay Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Doolow ayaa waxay sheegeen in natiijo ay kasoo bixi weyday dadaalkii ay ku doonayeen inay kusoo daayaan Cabdirashiid Janan. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ula dhaqmay si baal marsan sharciga iyo Dhaqanka sida ay warka u dhigeen. “ Waxaan aheyn odayaashii Berri haddii la xiro Farmaajo u doodi lahaa oo dhihi lahaa maxaad ku heysataan, wuuna naga soo diiday inuu sii daayo Wasiirka, mana rabno inaan banaanka usoo bixino wixii aan kala soo kulanay ” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii Farmaajo u tagay oo saxaafadda la hadlay. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka diiday ergeyntii ay wadeen, waxayna Xariga Wasiir Janaan ku tilmaameyn mid xaq darro ah. Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inaan wax dambi ah lagu heyn Wasiirka balse xoog lagu heysto. “Madaxweynaha wuxuu noo sheegay inaysan jirin dambi lagu hayo Wasiirka, haddii ay sidaas tahay waxaa lagu heystaa Xoog” Ayuu yiri mid kale oo kamid ah Odayaasha. “Waxaan Madaxweynaha uga imaanay meel fog, waxaana aheyn odayaal badan oo miisaan leh balse niyad jab ayaan kala soo laabanay Muqdisho” ayuu sii raaciyey. Hadalka kasoo baxay Odayaasha ayaa imaanayo Xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in Wasiirka loo heysto dambiyo waaweyn lana soo taagi doono Maxkamadda. Sidoo kale Amnesty International ayaa soo dhaweysay Xariga Wasiir Janan waxayna ku baaqday in si deg deg ah Cadaaladda loo horkeeno. Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna Xariga Wasiir Janan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Jamaacadda Jazeera ayaa waxay heshiis iskaashi waxbarasho ay la gashay dhigeeda Masar ee Caynu Shamsi. Prof Salaad Ibraahim Fiidow, gudoomiyaha Jamaacadda Jazeera, oo ku sugan dalkaasi, ayaa wuxuu ka warbixiyey heshiiskaasi. Mr Fiidow oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay bahda waxbarasho ee waddanka. Si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay in ay uga faa’ideysan doonan ardayda Jamacadda Jazeera iyo kuwa ku sugan gudaha Masar. Caynu Shamsi ayaa waxay kamid tahay Jamaacadaha ugu faca weyn uguna wanaagsan aadka looga tixgeliyo gudaha Masar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Jamaacadda-Jazeera.mp3 View the full article