Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif in Iiraan ay wadahadal la gali doonto Sacuudiga haddii xukuumadda Riyaad ay badasho siyaasada cakiran ee gobolka iyo dilalka dadka Rayidka. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa toddobaadyo ka hor ugu ugu baaqay xukuumadaha Baqdaad iyo Islamabad in ay la hadlaan Iiraan si loo dajiyo xiisada ka jirta gobolka, sida ay saraakiisha dalalkaan u xaqiijiyeen majalada Newyork. Mr Zarif ayaa tilmaamay hadii in marwalba Iiraan ay diyaar u tahay in la xaliyo qilaafka gobolka balse waxuu shuruud ku xidhay in Sacuudiga ay joojiso xasuuqa ay ku heyso dadka rayidka ee u dhashay Yemen. Sacuudiga ayaa u muuqda todobaadyadii la soo dhaafay mid daneynaya in la soo afjaro qilaafka kala dhaxeeya Iiraan tan iyo markii la weeraray laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco. Intii uu socday shirkii 74-aad ee qaramada midoobay ayaa madaxweynaha Iiraan Maxamed Ruuxaani wuxuu sheegay in uu shir ku casuumayo wadamada ay saameysay xiisada bariga dhexe si looga hadlo arimaha Nabadgelyada. Source
  2. Hanti Dhowrka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ahayd baaritaankii lagu sameeyay isticmaalka miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2018. Warbixinta ayaa sheegtay in Lacag dhan $1,350,400 oo dakhli ahaan Dowladda u soo gashay oo la isticmaalay iyada oo aan la sheegin qaabka ay ku baxday. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay iyadoo aan la sheegin halka Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay qabteen US $577,014 ayna isticmaaleen iyagoo aan xisaab-celin ka samayn. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 waana isticmaashay iyadoo aan soo sheegin sidoo kale Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay. Dhinaca kale Midowga Yurub (EU) wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan $17,004,816 laakiin warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay waxay sheegtay kaliya $13,266,667. Lacag ka timid Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa $20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee 2018, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, laakiin xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga heley oo kaliya lacag dhan $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Halkaan ka akhriso warbixinta Hanti-dhowrka oo dhan PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo dhex fariisatay mowjado musuq maasuq ah appeared first on Puntland Post.
  3. Labo hablood oo muslim ah oo kasoo kala jeeda Soomaaliya iyo Libya, ayaa iskugu soo haray abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda. Labadan haween oo kasoo jeeda qaarada Afrika laguna kala magacaabo Ilqad Elman iyo Hajer Sharief , ayaa ka yimid dalal ay ka jiraan dagaalo iyo dhibaatooyin bini’aadanimo oo leh argagax. Labadaan haweenba waxay u taagan yihiin awoodda hoggaaminta haweenka. Ilwaad Elman oo ah gabadh dhalinyaro Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, ayaa sanadkan loo tirinayaa dadka jaaniska fiican u leh ama loo badin karo ku guuleysiga biladaas. Sida ku xusan webka xarunta Nopel Peace centerka, waxaa ugu danbeyn qofka ama dadka biladaas ku guuleystay lagu dhawaaqi doonaa 11-ka bishaan October. Abaal-marinta Nabadda ee Nobel, waxaa markii ugu horreysay la bixiyay sanadkii 1901, ujeeddaduna waxay ahayd in lagu sharfo dadka u ololeeya arrimaha ugu muhiimsan mujtamaca dhexdiisa, sida nabada. Puntland Post The post Labo Haween oo muslim ah oo sanadkaan midkood ku guulaysanaysa bilada nabadda appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa bandow ku soo rogay daanta galbeed inta si loogu gogol xaadho wadaad diimeedyo u dhashay Israa’iil oo xus diimeed ku dhigan doono magaalada Qudus. Sida ay tabisay warbaahinta Falastiin, dowlada Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay xidhnaan doonaan isku socodka wadooyinka daanta galbeed iyo magaalada Gaza Israa’iil ayaa dhanka kale ku dhawaaqday in aan la isaga gudbi karin xadka ay la wadaagto wadamada dariska la ah inta ay socoto xaflad diimeedka Yahuuda oo loo yaqaan Yom Kippur. Amarkan ayaa dhanka kale lagu faray in dhammaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa daabula xamuulka xarumaha adeega dadweynaha iyo Tv-yada ay joojiyaan howlahooda inta lagu guda jiro fasaxa labada maalmood ah. Goobaha kale ee Israa’iil xayiraada saartay ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha ka soo daga madaarka caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada caasimada ah ee Tel Aviv. Source
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaateen umadda Soomaaliya oo aysan cid gaar ah ama koox wax ka beddeli karin balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan. “Nidaanka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli karta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda dowlad goboleedyada ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda si loo dar-dar geliyo meel marintooda. Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Denivayaa jamcada waxay u safrayaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, Magaalada Garowe waxaa [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe. “Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka” ayuu yiri madaxweynaha. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda “Sharci ayaa dal lagu dhisaa, laguna dhaqaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray. Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen. Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu. Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay kusoo dhacday diyaarad. Wararka ayaa sheegayo inay diyaaradaan ay awoodi weysay inay lugaha fidsato sidaas darteedna ay xabadka ku dhufsatay laamiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka. Diyaaradda ayaa hadda dhex taalo Dhabaha ay kusoo dagaan Diyaaradaha, waxayna taas keenta in la xiro lana joojiyo diyaaradihii soo dagi lahaa. Ilaa hadda lama helin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan Diyaaradda daqiiqado ka hor kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde ee awoodi weysay inay fidsato lugaha. Wixii kusoo kordho warkaan kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda. Muadne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray. Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen. Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu. Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is shocked and alarmed by the continued arbitrary detention of an independent journalist in Baidoa city by the security forces of Southwest regional state on Wednesday, 25 September 2019 at around 22:30, in apparent attempt to intimidate the journalist and the independent media with aim of silencing them without any legal basis. The journalist Abdulkadir Barre Moallim – who was arrested with a humanitarian activist Liban Ibrahim Midnimo – was detained for covering a press conference by local elders who reportedly condemned the move to block former Somali President Sharif Sheikh Ahmed and his delegation of Himilo Qaran Political Party from traveling to Kismayo, Jubbaland. The news report by journalist Abdulkadir Barre Moallim were broadcasted by the local media. Abdulkadir Barre is an active member of NUSOJ’s Southwest branch and recently returned from after attending NUSOJ General Assembly. “We consider the arbitrary arrest and the continued detention of journalist Abdulkadir Barre Moallim as an act of intimidation aimed at stopping a journalist from exposing uncomfortable truths in the Southwest State,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The continued detention of Abdulkadir Barre Moallim is nothing else but part of intense and sustained attacks on freedom of expression by the Southwest State”. Recently, attacks on journalists have grown more frequent. Only last month, several journalists in Baidoa were threatened and intimidated because of the events they have reported on. Following the arrest of Abdulkadir Barre Moallim, three other journalists were questioned by security forces and they were threatened with arrests should they report on political activities that were not sanctioned by the regional administration. NUSOJ has made several attempts, including persistent contacts with the senior officials of Southwest State, to secure the release of Abdulkadir Barre Moallim. But the union’s efforts had not borne fruits, in part because of blatant abuse of power at the highest level and total disregard of the basic rights of journalists and citizens to exercise the fundamental right to freedom of expression. Specifically, the South West State information minister, Ugas Hassan Abdi Mohamed, has failed to respond to appeals from NUSOJ, and it is widely believed that the decision to illegally arrest and detain was ordered by the Presidency of Southwest State, which makes difficult for regional ministers to intervene. “Today, we loudly and clearly demand the immediate and unconditional release of Abdulkadir Barre Moallim who was arrested for exercising his right to free expression, and we equally call for an immediate end to attacks on journalists in Baidoa. Journalists in Southwest regions must be allowed to do their work without intimidation and harassment and we ask the regional administration to end the assaults and harassment and abide by the provisional constitution of the country,” declared Osman. Abdulkadir Barre Moallim has been in custody for 14 days without official charges brought against them. NUSOJ can emphatically vouch that his only crime is to perform his journalistic duties. For years, Southern regions of Somalia have never been an easy place for journalists but the state of media freedom in South West State has been deteriorating drastically since Abdiaziz Hassan Mohamed “Lafta Gareen” became the President of the Regional State, with top security officials directly and publicly threatening journalists for unwarranted arrests and threats. “This systematic harassment and intimidation of journalists in South West State by the security forces must end as they are only aimed at punishing journalists for their legitimate journalistic undertakings,” added Osman. View the full article
  11. Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa Madaxweyne Farmaajo uu si wadajir ah maanta u furay, iyadoo ay ka qeyb galeen ra’isul wasaarihiisa Kheye, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa difaacay aragtidiisa nidaamka federaalka ah isaga oo eedeeyey dad qalad ka fahmay arrinka, waxaa uu yiri “ dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa in ilaalinta Qaranimada Madaxbannaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”. Kalfadhiha maanta waxaa joogay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa goobta laga sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyey. Qaar badan oo xildhibaannada labada aqal ah ayaa dibadda ku maqan, waxaana la filayaa in dhowaan la guda galo kulamo kalfadhi la rabo in lagu ansixiyo sharciyo uu ka mid ah sharciga doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – Diyaaraddii siday Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo la filayey inay u duusho Magaalada Kismaayo ayaa ku hakatay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Waxaa la filayay inay Galabta Diyaaradda kasoo duusho Garowe oo ay soo qaado xubno kale oo wafdiga ka mid ah balse ay suurta geli weysay maadaama uu waqtiga ciriir noqday. Sababta keentay baaqashada Safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay inay tahay Safarkooda oo qaadanayo 3 saac ay ku soo aadayaan xilli habeenimo ah oo aanay ka degi karin Garoonka Kismaayo, sidaasna uu safarkooda Berri dib u dhacay. Wafdigaan ayaa la qorsheenayaa inay Berri u dhoofaan Kismaayo si ay uga qeyb galaan Xafladda Caleemka saarka Axmed Madoobe. Waxaa Shalay ilaa Maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka. Wararka ayaa sheegayo inuu madaxweyne Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Dhakhtarkii ka caawiyay CIA-da inay helaan Cusama Bin Laden Dr Afridi ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in ay billowdo dhageysiga racfaan la doonayo in xabsiga looga sii daayo dhakhtar ku eedeysan in Mareykanka uu ka caawiyay in uu dilo hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Laden. Maxkamadda sare Peshawar ayaa maanta dhageysan doonto dacwadda Shakil Afridi, waana markii ugu horreysay oo dacwaddaasi lagu dhageysan doono meel caadi ah oo dadka u furan. Dhakhtarkaasi ayaanan waligii si rasmi ah dacwad loogu soo oogin doorkii uu ku lahaa hawlgalkii sanadkii 2011-kii lagu bartilmaameedsaday Bin Laden oo ahaa ninka aadka uu Mareykanka u doondoodnayay. Dr Afridi ayaa waligii ku doodayay in loo diiday in uu helo caddaalad. Xarigiisa ayaa waxaa ka dhashay muran weyn kaa oo sababay in Mareykanku uu kaalmadii dhaqaale ka jaro dalkaasi Pakistan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2016 xilli uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday in Dr Afridi la soo dayn doono laba daqiiqo gudahood haddii isaga la doorto, haseyeeshee taasi ayaanan wali dhicin. Muddo 10 sano ah ayuu Bin laden dhuumaaleysanayay In kastoo dhakhtarkaasi gudaha Mareykanka looga aqoonsan yahay halyay geesi ah, dadka reer Pakistan intooda badan waxay u arkaan khaa’in waji gebax ku riday dalkiisa. Ciidamada Mareykanka ayay u suurtagashay in ay yimaadaan gudaha dalka Pakistan oo ay dilaan Cusama Bin Laden oo waliba ay meydkiisa qaataan iyaga oo aan wax dhibaato ah arrintaasi kala kulmin. Waxaa dilka Bin Laden ka dhashay su’aal ah milatariga dalkaasi Pakistan miyuu wax ka ogaa joogitaanka Bin Laden ee gudaha dalkaasi Pakistan. Muxuu yahay Shakil Afridi? Dr Afridi ayaa ah dhakhtar ka hawlgali jiray degmada uu qabaa’ilka maamulo ee Khaybar, waxa uuna ahaa madaxa adeegyada caafimaad ee mas’uulka ka ahaa mashruucyo tallaal oo Mareykanka uu maalgeliyay. Maadaama uu ahaa shaqaale dowladeed, waxa uu billaabay mashruuc dadka looga tallaalayo cudurka cagaarshowga. Meelaha uu mashruucaasi ka fulinayay waxaa ka mid ah magaalada ay ciidamadu deggan yihiin ee Abbottabad, halkaasi oo markii dambe ay caddaatay in Bin Laden uu ku noolaa oo ay ciidamadu ka war qabeen. Qorshaha mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ahaa in ay baaraan hidasidha mid ka mid ah carruurta ku nool gudaha magaalada Abbottabad si baaritaankaasi loogu ogaado in ay ehel la yihiin Bin Laden iyo in kale. Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah hawlwadeennada la shaqeeya Dr Afridi uu booqday guriga uu deganaa Bin Laden oo uu cannug ka soo qaaday dhiig balse lama xaqiijin karayo in dhiigaasi uu sahlay in mukhaabaraadka Mareykanka ay ogaadaan in Cusama uu halkaasi ku nool yahay iyo in kale. Dr Afridi ayaa xabsiga la dhigay 23-kii May 2011, waa muddo 20 maalmood ah ka dib markii la dilay Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in xilligaasi uu ku jiray da’da afartameeyada. Wax badan lagama oga nolashiisa gaarka ah balse waxaa la ogyahay in uu ka soo jeedo qoys ladan isla markaana uu ka soo qalin jebiyay mac’hadka caafimaadka ee Kheybar sanadkii 1990. Qoyskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii Dr Afridi la xiray, waxayna ka baqayeen in kooxaha mintidiinta ahi ay soo weeraraan. Xaaskiisa ayaa intii aysan dhuuman ahayd maamulaha iskool ay leedahay dowladda. Dr Afridi ayaa xilligaasi haystay laba wiil iyo gabar, kuwaasi oo hadda ah qaan gaar. Bishii Janaayo ee sandkii 2012, saraakiisha Mareykanka ayaa shaaciyay in Dr Afridi uu la shaqeynayay mukhaabaraadka Mareykanka. Balse lama xaqiijin karayo waxa uu ka ogaa shaqada uu u hayay sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay dowladda Pakistan, Dr Afridi waxba kama uusan ogayn cidda uu bartilmaameedku ahaa markii uu billaabayay shaqada CIA-da. Ciidammada Pakistan iyo shacab ku sugan gurigii lagu dilay Bin laden 2011-kii Maxaa lagu haystaa? Inkastoo markii hore lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, haddana Dr Afridi ayaa xsaanadkii 2012 lagu xukumay 33 sano oo xabsi ah balse markii dambe ayaa 23 sano lagu soo koobay ka dib racfaan uu ka qaatay xukunkaasi. Dr Afridi ayaa lagu helay dambi ah in uu aasaasay koox islaami ah oo lagu magacaabo Lashkar Al-Islaam oo dalkaasi Pakistan mamnuuc ka ah. Dr Afridi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyay dagaalyahannada kooxdaasi isla markaana uu mintidiinta kooxdaasi u ogolaaday in ay shirar ku qabsadaan gudaha cusbital ay dowladda leedahay oo uu isaga madax ka ahaa. Qoyskiisa ayaa dhammaan eedeymahaasi beeniyay waxaa qareennada u doodayay ay sheegeen in lacagta kaliya ee uu siiyay kooxdaasi ay ahayd mid madax furasho ah oo gaareysa 6,375 doolar oo uu naftiisa ku badbaadinayay ka dib markii sanadkii 2008 ay qafaasheen mintidiin ka tirsan kooxdaasi. Sanadkii 2012 ayaa sida la sheegay wuxuu mar la hadlay telefishinka Fox News, wuxuuna u sheegay in ay qafaasheen sirdoonka Pakistan isla markaana ay jirdil ku sameeyeen. Muddo sanad ah ka dib, Dr Afridi waxaa u suurtagashay in waraaq uu gacanta ku soo qoray uu soo gaarsiiyo qareennadiisa, waxa uuna u sheegay in loo diiday caddaalad. Maxaa loogu soo eedeyn waayay in uu Mareykanka ka caawiyay dilka Bin Laden? Arrintaasi ma cadda, balse arrintaasi Bin Laden ayaa ah wajigabax ku noqotay dowladda Pakistan. Inasktoo mas’uuliyiinta reer Pakistan ay aad uga caroodeen waxa ay ku tilmaameen xad gudub lagu sameeyay madax-bannaanidooda, haddana sirdoonka Pakistan ayaa qirtay in aysan waxba ka ogayn in Cusaama Bin Laden oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacidda uu halkaasi ku noolaa muddo sanado ah. John Brennan oo xilligaasi ahaa madaxa la dagaalanka argagixisada ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la yirahdo Bin Laden wuxuu halkaa ku noolaa muddo isaga oo aan gacan ka heleyn maamulka dalkaasi, eedeyntaasi oo xukuumadda Islamabad ay beenisay. Balse in Dr Afridi loo maxkamadeeyo in uu gacan siiyay Mareykanka ayaaba sumcad ahaan uga sii dari lahayd dowladda Pakistan. Maxaa hadda loo maxkamadeynayaa? Maxkamadeynta Dr Afridi ayaa loo cuskanayaa sharci gooni u ah deegaannada qabaa’ilka uu ka taliyo ee ku yaal xudduudda dalalka Pakistan iyo Afqaanistaan. Maxkamadaha deegaanadan oo ay qabaa’ilku maamulaan ayaa waxaa guddoominaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda waxaana gacan siinaya odeyaal dhaqameedyada qabaa’ilka. Hannaankan maxkamadeed ayaa la sheegayaa in uu aad u baal marsan yahay hannaanka caddaaladda ee dalkaasi. Guriga uu ku noolaa Bin Laden ka hor inta aan la duminin Maxkamadeynta noocaasi ah ayaa ah sida kaliya ee dowladda Pakistan ay ku maxkamadeyn karto Dr Afridi, si looga qariyo shacab weynaha dalkaasi. Balse saandkii hore ayaa la isku daray maamulka degaannada qabaa’ilka maamulo iyo maamulka dowlaiga ah ee gobolka Kheybar, taa oo ka dhigan in dhammaan kiisaskii ay dhageysanayeen maxkamadaha qabaa’ilka loo soo wareejiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalkaasi Pakistan. Maxkamadeynta Dr Afridi ee maanta ayaa laga yaabaa in ay horseedo in la dhimo ama la kordhiyo sanaddadii horey loogu xukumay. Tan iyo markii sanadkii hore Dr Afridi laga sii daayay xabsi ku yaal Peshawar lana geeyay mid ku yaal Punjab, waxaa soo baxayay hadal hayn ah in dhakhtarka la sii dayn doono, gaar ahaanna lagu badalan doono Aafia Siddiqui, oo ah nin sida la sheegay Al-Qaacidda la shaqeyn jiray oo hadda u xiran Mareykanka. Qaran News
  14. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada Jubbaland ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Hwolgallada oo laga fuliyey aagga Beerxaani ayaa waxa ay saraakiisha Jubbaland sheegeen inay ku dileen illaa shan ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in howlgalladu ay sii soconayaan, kuna gaari doonaan deegaanada ka maqan maamulkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya View the full article
  15. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale iyo wafi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo xiisada ka taagan degmadaasi. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka y dhexeeya maamulka Jalalaqsi iyo ciidanka Jabuuti ee ku sugan halkaasi. Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan shirarkaasi iyo natiijada ka soo baxday. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Jabuuti iyo kuwa Booliska HirShabelle ay ku dagaalameen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. View the full article
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare. Boos Mire Maxamed, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa si adag u difaacay go’aankii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu cafiska ugu fidiyay ciidamada jabhada Caare, kuwaasi oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ganafka ku dhuftay hadalkii uu dhowaan Korneyl Caare ku sheegay inaysan matalin odayaashii la kulmay Madaxweyne Biixi, ee suurta-galiyey go’aanka uu Biixi cafiska ugu fidiyay Ciidamada Jabhada. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo”. “Madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yidhi ima mataalan madax dhaqameedkaasi, dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa umadee way cadahay inay matalaan”. Korneyl Caare oo dhowaan la hadlay warbaahinta ayaa ka biyo diiday shuruudo uu ku xiray Madaxweyne Biixi, sidii uu cafis ugu fidin lahaa, isla markaana wuxuu ka dhawaajiyey inaysan matalin odayaal beeshiisa oo Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada. Korneylka ayaa sidoo kale waxa uu sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in haatan uu kulan deg deg ah uga socdo gudaha magaaladaasi Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xaro Inji, halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug. Sudoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka looga hadlayo arrimo ku aadan guddiga farsamada ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha Somalia. Lama oga go’aanada ka soo bixi doona shirkan oo ku soo aadaya, xilli lagu guda jiro dhismaha Galmudug oo mid ah. View the full article
  18. DHUSAMAREEB (HOL) - Galmudug president Ahmed Haaf has appointed a 13-member technical team to prepare for the state general elections. Source: Hiiraan Online
  19. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa goor dhow u ambaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ay diyaarad qaas ah ka qaaday Boosaaso, taas oo si toos ah uga dajineysa gaaroonka Kismaayo. Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe, taas oo dhowaan qabsoomi doonta. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdigan ayaa hahatan laga dareemayaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caleema saarka Axmed Madoobe ayaa labo jeer dib u dhacay, sababo la xariira khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo xayiraadii la saaray Jubbaland. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-9102019.mp3 View the full article
  21. Warbhaainta ku hadasha afka Jubbaland, ayaa qortay in ciidanka ammaanka Jubbaland oo hawlgallo ka sameeyay galbeedka magaalada Kismaayo ay ku dileen horjoogayaal ka mid ah Al shabaab. Hawlgalkaan oo la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Beerxaani ayaa lagu dilay shan kamid ah kooxda Al-Shabaab oo uu ku jiray madaxii Maaliyadda Alshabab ugu qaabilsanaa dhulka miyiga ah, kaasoo magac afgarashadiisu ahayd Cali. Howlgalkaan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Kismaayo iyo degaanada ku xeeran ammaankooda aad loo sugay maadaama halkaas lagu qabanayo xaflada caleemo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa saraakiisha ciidanka amray in gacan bir ah lagu qabto ammaanka Kismaayo islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa garoomada diyaaradaha iyo baraha kantaroolada. Puntland Post The post Jubbaland oo sheegtay in duleedka Kismaayo ciidankeedu ku dileen saraakiil Shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  22. Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta la horkeenay eedeesanayaal kala duwan oo ku eedeysan kufsiyo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Mid kamid ah eedeesanayaasha ayaa loo haystaa inuu kufsaday gabadh yar oo jirta 2 sano iyo sagaal bilood, kufsigaas oo loogu geystay xaafadaha dadka barakacayaasha ahi ku nool yihiin. Qoyska gabadhaan oo ku sugnaa maxkamada, ayaa Puntland Post u sheegay in gabadhooda la kufsaday labo todobaad kahor islamarkaana gacanta lagusoo dhigay ninkii falkaas geystay, waa sida ay inoo sheegeen. Waxaa sidoo kale maxkamada la horkeenay eedeesanayaal rag iyo dumarba leh oo loo haysto kufsi kale oo ka dhacay Garowe. Qoysaska dhibbanayaasha ayaa ku sugnaa maxkamada, iyagoo sugayay inay cadaalad helaan, laakiin maxkamada ayaa dib u dhigtay kiisaskaan go’aan ka gaaridooda, iyadoonaweli ay socoto dhegaysigooda dacwadaha. Warbaahinta Puntland Post ayaa idiin soo gudbindoonta macluumaad dheeraad ah oo ku sugnaa warkaan. Puntland Post The post Maxkamada gobolka Nugaal oo maanta la horgeeyay eedeesanayaal loo haysto Kufsiyo ka dhacay Garowe appeared first on Puntland Post.