Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood. Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka. Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saarey soo nooleynta iyo adkeynta xariirka kala dhexeeyay wadamada caalamka, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafta iyo karaamada ay ku laheyd fagaaraha caalamka. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha. Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah. View the full article
  3. Garowe (SMN) – Kadib shir saddex maalmood socdey oo ka qabsoomay magaaladda Garowe, kaasi oo loogu magacday shirka maalgeshiga Puntland, ayaa lasoo gabagabeeyay maanta, waxaana laga soo saarey war-murtiyeed. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  4. Muqdisho (SMN) –Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-17092019.mp3 View the full article
  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha. Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Shaqaaqo Ka Dhacday Gobalka Salal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guribarwaaqo ayaa Shaqadiisii Hore Ku Laabtay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has called on Djiboutian and Ethiopian forces to be more creative to enhance the fight against al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Ka Sheekaynaya Qiso Xannuun Badan Oo Ay Xujayda Somaliland Kala Kulantay FLY DUBAI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xooli ah uga socdo xulista Xildhibaanada cusub ee la doonayo in loo sameeyo Maamulka Galmudug. Howshaan oo ay wadaan Xildhibaano si weyn ugu dhow madaxda Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa waxay ka socotaa Hoteelo ku yaalo Magaalada Muqdisho. Inta badan Xildhibaanada ayaa la diyaariyey, waxayna durba bilaabeen inay kulamo la qaataan musharaxa ay Dowladda wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) . Dadka doonayo inay Xildhibaano noqdaan ayaa waxay safaf dhaadheer ugu jiraan Xildhibaanada ay Dowladda Soomaaliya u wakiilatay Dhismaha Galmudug kuwaas oo kala jeedo deegaanada Galmudug. Sida aan xogta ku helnay ilaa hadda waxaa lasoo xulay ilaa 89 xildhibaan oo liiskooda lagu wareejiyey Musharaxa Dowladda ay wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) . Arrintaan ka socoto Muqdisho ayaa niyad jab ku riday musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug maadaama ay dowladda soo xulaneyso dad ay ku kalsoon tahay oo dooran doono Qoor Qoor. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay xilka madaxweynimo ee Galmudug u dhiibto shakhsiga ay iyada rabto sidii ay dhawaan ka sameysay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa weli ka aamusan hadalkii uu Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii saldhiga u ahaa UAE ee Berbera loo bedelay mid rayid ah oo ay wada isticmaali doonaan rayidka iyo ciidamaduba. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inaanay dawladda Imaaraadka Carabtu ka jawaabin email ay u direen si ay jawaab uga bixiyaan hadalka uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in garoonkii diyaaradaha ee saldhiga milatari u ahaa UAE, loo bedelay mid rayid ah. Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Burco ka sheegay inaanu laalin heshiiskaas balse ay madaarka wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariguba. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in isbedelka ku yimid hawlgaladii UAE ee dalka Yemen ay ka wadeen uu saamayn ku yeeshay qorshihii UAE ay ugu tallo galeen saldhiga milatari ee Berbera, waxaana wada hadal ay UAE iyo Madaxweyne Biixi yeesheen la iskula qaatay in madaarka ay wada isticmaalaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa ciidamaduba. Heshiiska UAE iyo Somaliland oo uu la galay Madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo ayaa dhigayay in UAE ay saldhigaas Berbera isticmaasho muddo 30 sannadood ah. Geesta kale Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago dalka UAE, lamana garanayo in safarkiisu yahay mid gaar ah iyo inuu la xidhiidho cilaaqaadka Somaliland iyo UAE iyo isbedelka ku yimid madaarkii Berbera. Source
  12. (SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyooday qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan. Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas. Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay badhtamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli ayna caddeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka kaga baxaan Afghanistan. Qofka isku qarxiyey isku soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baadho oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi. Agaasimaha cisbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo carruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaadhin. Source
  13. A Somalian man found guilty in the kidnapping of Amanda Lindhout has abandoned appeals of his sentence and conviction. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa maanta kusoo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada Somaliland. Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada galbeedka ee Gabiley iyo Awdal iyo qaar kamid ah gobollada bariga dalka oo ay kamid yihiin Saaxil iyo Togdheer, ayaa farxadda kala qaybgalay Ardayda sannadkan ka qalinjebiyey jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan, isaga oo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhi-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabilsan gobollada uu booqday, isaga oo kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto. Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa si ballaadhan madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, iyaga oo isugu soo baxay jidadka waaweyn, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Ceerigaabo)-Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan) ayaa beeniyey Warar Toddobaadkii hore soo baxay, kuwaasi oo sheegayey in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugani ay xidheen. Badhasaab ku-xigeenka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Xaaladda Gobolka Badhan wanaagsan tahay isla-markaana Nidaamkii Maamulku Gobolka Badhan ee Somaliland uu si fiican u shaqaynayo. Mr. Suldaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gobolka Badhan waa Nabadgalyo oo wuu fiican yahay, Shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin Gobolka Qolo Qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa.” Badhasaab ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Waxaan sheegayaa War borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay, markaa Wax Alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, Aniga Xadhig la ii geystayna ma jiro.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Mar hadday yidhaahdeen waanu xidhnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen..” Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo, Saldhiga Milatari ee Imaraadka ee Berbera, go’aanka uu ka qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, wada hadalada Somaliya iyo aragtidiisa ku waajahan heshiiskii ay hore u wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo. Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Anigu marar badan oo hore ayaan ka digay khatarta iyo dhibta ka dhalan karta Saldhiga Milatariga, maxaa yeelay waxaynu ognahay oo aynu ka war qabnaa Sucuudiga oo leh kayd iyo awoodba, in laga weeraray intaas oo kilomitir,inagana si yar oo fudud ayaa Dekaddeena, Hamaheena Shidaalka iyo Madaaradeena loo soo weerari karaa, Saldhig Milatari dalkeena lagu yeeshaana colaad, cadaawad iyo dhib mooye, dheef aynu ka dhaxlaynaa ma jirto, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa waanana uga mahadnaqayaa talabaada iyo go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay Saldhiga Milatari, ee uu ku sheegay in laga dhigi doono Madaar rayid ama Madaar caadiya oo Shacabku leeyahay, maslaxadeena iyo danteenu waxay ku jiraan inaynu ka dheerano wax kasta oo dalkeena iyo dadkeena khatar ku ah, cadaawad aynaan qaadi karina u soo jeedi kara, wax walbana ka fiirsi ayey leeyihiin, waxaana xusid mudan in go’aankan Madaxweynaha ay Shacabka Somaliland aad u soo dhaweeyeen”. Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Marka hore haddii aynu la hadlayno Somaliya, marka ugu horeeysa waa inay Dawladda Somaliya qirtaa inaynu ahayn Dawlad 26/6/1960 qaadatay xornimada, oo iyada ka madax banaani horeeysay, markaas taas qirto oo ay qirto inaynu hayn laba dal oo isku tagay oo midawbay, haddana kala noqday, markaas weynu wada hadli karna,oo weynu wada xaajoon karnaa, balse inta ay ina sheeganayaan, oo ay leeyihiin Somaliland, Somaliya ayey ka mid tahay, lama hadlayno, suurtagalna maaha inaynu ka mid noqono, ta kale Dawlad maanta adag, oo lagu xisaabtamo karo oo lala hadli karo, oo Somaliya ka wada talisaa ma jirto, ee waxaynu arkaynaa inay Somaliya intaas oo Maamul Gobolkeed u kala baxday, oo intaas oo khilaaf iyo muran ka jiro, halkaynu inagu nahay dad iyo dal mida ah, oo kala dambayn iyo dawladnimo dhamaystir leh, oo nabadiisa iyo xasiloonidisa leh, Shacabka Somaliland waa Shacab tashaday, oo qarankooda iyo dalkooda u tashaday, waa Shacab dawladnimadooda iyo dalkooda jecel ”. Mar aanu wax ka weydiinay sida u arko heshiiskii ay wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Heshiiskaasi uu jiray, laakiin anigu qodobada lagu heshiiyey iyo nuxurka maan akhriyin, laakiin tabasho kasta oo jirta in la eego oo wax laga qabto waa mid meesha ku jirta.” Source
  17. (SLT-Paris)-Dawladda Faransiiska ayaa Lixdan Malyuun oo Euro ah ugu deeqayso dawladda Cusub ee ka dhalatay Suudaan, si ay uga shaqeeyo Horumarinta Dimuqraadiyadda. Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo Magaalada Khartoum kulan kula yeeshay dhiggiisa Suudaan, Asmaa Abdallah. Wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen Isniintii ayaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Faransiisku markii uu dhammaaday wuxuu sheegay inay Dawlad ahaan go’aansadeen inay Suudaan ugu deeqaan lacag gaadhaysa 60 Million oo Euro. Lacagta deeqda ah oo 15 Million oo ka mid ah bixinteeda la soo dedejinayo waxa loogu talo-galay in lagu horumariyo dimuqraadiyadda Suudaan, muddada ay xukunka sida wada-jir ah u hayaan Dawladda isugu jirta Milletariga iyo Rayidka. Source
  18. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Kulanka xasaasi ah ayaa wuxuu Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug wuxuu ku dhex maray madaxweye Maxame Cabdullaahi farmaajo iyo Hoggaanka Ahlu Sunna. Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa Maamulka Galmudug loona qancin lahaa dhammaan dhinacayda kala duwan ee Deegaanada Galmudug. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dalacsiinta Ciidamada Ahlu Sunna iyo tirada Xildhibaanada ay dalbeen Ahlu Sunna in laga siiyo xildhibaanada Galmudug. Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa waxaa xooga lagu saaray ilaa seddex qodob oo kala ah: In darajooyinka dhiman ee ciidanka Ahlusuna la dhameystiro. In Galmudug iyo Dowladda ay si wadajir ah u magacaabaan guddiga doorashada Galmudug Iyo in Ahlusuna la siiyo 30 xildhibaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ahlsuna ku qanciyay in dowladda iyo Galmudug ay si wadajir ah u magacaabi doonaan guddiga doorashada. Illo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in la isku fahmi waayey labada qodob ee kale. Hoggaanka Ahlusuna ayaa weli ku doodaya in qodobada waa weyn oo caqabad ku ah dowladda Fedraalka Soomaaliya, halka dowladana ay isku dayayso sidii ay u qancin laheyd Ahlusuna. Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee ka soo bixi doono dowladda Soomaaliya iyo Hoggaanka Ahlusuna, kaasi oo ku aadan qodobada qaar oo weli lagu murunsan yahay. Xalay waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug lagu soo geba-gabeeyay Shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug,shirkaas oo socday mudo ka badan 10 Cisho,waxaana soo xiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii dadka ku nool deegaannada Galmudug uga tashan lahaayeen aayahooda, iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax maanta kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti lagula eegtay inta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qarax oo ahaa mid xoogan, islamarkaana ahaa Miino ayaa waxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta dagaalka ee ay wateen ciidamadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Dhinaca kale war ka soo baxay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ay ku dishay illaa shan ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in meydadka iyo dhaawacyada askartaasi lagu soo qaaday diyaarad nooca Helicopter-ka ah, sida ay hadalka u dhigtay. llaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Maalmihii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ciidanka huwanta, iyadoo Sabtidii qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ay ku dishay 12 ka tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Shirkaan oo u dhexeeyey hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka. Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka. Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya Labadiisa Aqalka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xal u helidda caqabadaha hor gudban qorshaha dhammeystirka Dastuurka ee loo asteemeyey December 2019-ka. Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Qaranka iyo wasaaradduba ay wadaan dadaal lagu dhammeystirayo waxyaabaha ku xiran heshiisyada Siyaasadeed ee Dastuurka Dalka. Dastuurka Soomaaliya oo ah arrin masiiri ah ayaa waxaa ku jira qodobbo u baahan in laga galo wadxaagood siyaasadeed, isafgarad iyo isu tanaasul, iyadoo hey’adaha Dastuurka u xilsaaran ay xaqiijinayaan geeddi-socodka dhammeystirka Dastuur loo dhan yahay. View the full article
  21. Balcad (SMN) – Ciidamada dowladd federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay ku soo qab qabteen hub sharci darro ah iyo dad u badan dhalinyaro. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faahin faahin ka bixiyey baaritaanadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-faduma-.mp3 a;l View the full article
  22. Doha: The Amir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani on Monday issued Decree Law No. (23) of 2019, amending some provisions of Law No. (21) of 2015 regulating the entry and exit of expatriates and their residence. According to the amendment, the competent authority in the Ministry of Interior may issue entry permits and grant residence permits without sponsor for investors subject to the provisions of the law regulating the investment of non-Qatari capital in economic activity for a period of five years, renewable, and owners and beneficiaries of real estate in accordance with the provisions of the law regulating the non-Qatari ownership and use of real estate for a period of five years shall be automatically renewed for the duration of their ownership or use of real estate, and any other categories determined by a decision of the Cabinet. The decree is effective starting from its date of publication in the official gazette. Source The Peninsula Qatar Qaran News
  23. DHUSAMAREB (HOL) -Communities in Galmudug have resolved to join hands in the formation of an inclusive government, a resolution from the weeklong reconciliation talks in Dhusamareb reads. Source: Hiiraan Online
  24. On 11 September 2019, the British Government has signed in Hargeisa a generous aid agreement worth £31 million with the one-clan secessionist enclave calling itself Somaliland. The ceremony was conducted with aplomb. The message it gave was unmistakable that this was an affair between two sovereign countries. What is questionable about this aid is the manner it is given, how it is spent, who benefits, its negative impact on our own occupied northern unionist regions (Sool, Sanaag and Cayn) and its wider implications for Somalia’s unity, territorial integrity and sovereignty. For a start, this aid is given directly to the enclave over the head of the central government. This has been the case since the collapse of the Somali State, and, with time, the special treatment accorded to the separatist enclave, differently from the rest of Somalia, has become part of the accepted conventional wisdom among aid donors and in particular the British. Successive weak Somali governments of whatever stripe merely buried their heads in the sand preferring to succumb to this fait accompli rather than stand their ground and run foul with the aid donors. Only federal member states, who objected to this discriminatory preferential treatment given to one part of Somalia at their cost, and the dauntless Minister of Planning, Honourable Gamal Hassan, whose ministerial portfolios include aid coordination and distribution, dared question this anomaly only to be given short shrift by aid donors used to have their way in the affairs of failed Somalia. Secondly, what is again disturbing about this aid is the manner the agreement was conducted. For the British to have bypassed the required protocol of channeling the aid through the Federal Ministry of Planning was bad enough. Failing that, one would have expected the agreement to be reached between the enclave’s ministry of planning and Britain’s Department for International Department (DFID). This did not happen. As the photos included here are witnesses, the draft agreement was signed at the “Presidential Palace” by the enclave’s “President”, Muse Bihi, and for the British by the Head of Office for DFID in Somalia, Mr. Damon Bristow. To emphasize the intended state-to-state significance of the occasion, the signing ceremony was witnessed by the British Ambassador, Ben Fender, representing his government and the Queen, and accompanied by his entourage, including their representative in Hargeisa, Stuart Brown. With their respective flags placed in full view by their sides, and the conspicuous absence of the Somali national flag, not by oversight but by design, in a territory which is recognized by the international community as part and parcel of Somalia, this signing conducted with aplomb has all the hallmarks of an affair between two sovereign States. As if to emphasize this point, Mr. Damon, speaking after the signing ceremony, added that the UK is “committed to supporting the people of Somaliland”. The people he is referring to can only be the clan who subscribes to the secession and what they call Somaliland. Those of us in the SSC regions who belong neither to the secession nor want to be part of Somaliland are perforce excluded from this aid. The third worrying aspect of this aid regards its end users The British claim the aid is for the whole of “Somaliland”, presumably for the whole people in its former colony. In reality how that aid is used is left to the discretion of the Hargeisa-based authority. If the past is if anything to go by, none of that aid will trickle down to our regions since they are seen as ones not belonging to the clan, or to the secession by choice but only by force. What this aid does from our perspective is to sustain the secession and to release funds for the occupation of our regions that would otherwise have been spent on development. To that extent, Britain is complicit indirectly if not directly, in sustaining the secession, the breakup of Somalia, the occupation of unionist regions and the crimes against humanity and human rights they commit to suppress our people. Prudence and hard-nosed forethought guide the actions of the British, so their latest action has been taken with the sound calculation that it would have no adverse consequences for them. They are not entirely to blame. Successive Presidents of governments of all stripes since the collapse of the State have been ambivalent about the union, the secession, the occupation and the suppression of regions and clans that are supposed to be under them. None of them has set foot in the north since Siyad Barre’s overthrow. Former President Hassan Sheikh Mohamoud went further to disown the north when he declared the formation of the federal member states to have been completed with the accession of Galmudug. The message was clear: Somalia is Southern Somalia. And the present administration is no different, all the more lamentable given the hopes raised when it came to office. The British have only drawn the right conclusion and so far they have been right. Britain’s support to the separatist clan cannot but revive the painful memory of their alliance against our Darwish freedom fighters. As oral history holds, around hundred thousand people if not more died following its defeat in 1921 or its aftermath. The common denominator between these two eras is Britain’s at the time and that of the separatist clan now to bring our people under their heels. We cannot succumb or surrender to a fellow Somali clan when we refused to do so from a supper power. This time, God willing and our given our resoluteness, we have every reason to triumph and shake off the occupation which alone can restore Somalia’s unity. Unless Britain wants to establish a one-clan Hong Kong type of enclave in northern Somalia, there is no way otherwise that its former colony in which we are part of it, can be revived, for its benefit and that of its protégé. Britain’s best interest is served by throwing its lot with Somalia rather than banking on a fake Somaliland that ceased to exist after 26 June 1960. The secession can be defeated politically if the federal government was to declare that the SSC regions are part and parcel of Somalia, and, even better, that they fulfill the requirement to became a federal state. That is all is required. Is that is too much to ask to save the union? By: Mohamed Yusuf Indhasheel Former President of Khatumo Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You