Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Taliska Amisom ka dalbaday Ciidamo dheeraada oo Wadanka Itoobiya ah [...] Source
  2. Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowladda gobaleedka Jubbaland gaaray madax kala duwan kuwaas oo la filayo iney ka qeyb galaan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo dhowaan dib loo doortay. Madaxda gaartay magalada Kisamaayo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa kale oo ku jiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo uu wehliyo madaxweynihii hore ee maamulkaas Faroole, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xisbiga Wadajir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF iyo siyaasiyiin kale. Magaalo xeebeedkan oo 50 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa horay u gaaray wufuud ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo Koonfur galbeed Shariif Sheekh Axmed. Dhanka kale madaweynaha Jubbaland oo ka warbixiyay safarka madaxdan kala duwan ee gaartay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleema saarkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxdaan ay yimaadaan magaalada si ay uga qeyb galaan caleema saarka. Inkasta oo dowladda federaalka ah iska diiday natiijada doorashada Axmed Madoobe hadana tagista Kismaayo ee siyaasiyiinta intaasi la eg waa dhambaal cad oo ku socda madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah, waxaana muuqato in cadaadiskooda iyo xeelad kasta oo ay adeegsadeen la diiday. Waxaa khatar ku jira nidaanka federaalka waxaana la joogaa xiligii ay dowladda u tanaasuli laheyd maslaxadda qaranka halka mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee tagay Kismaayo laga rabo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. The Government has proposed that Norway should provide a short-term bridging loan of NOK 3.135 billion ($343.9 Million USD) to Somalia in 2020 to clear Somalia's debt arrears to the World Bank's Source: Hiiraan Online
  4. Safarka Madaxweynaha. Dowlada Federaalka Soomaaliya MuanecMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu yahay Casumaad uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Waxaa Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha kusoo [...] Source
  5. Sawirkaan Waxaan galabta usoo xulanay oo uu muujinayaa in Siyaasiyiintaan ay ka yimaadeen meelo culays Siyaasadeed uu ka jiro ayna adagtahay in ay si xor [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Madaxda ugu saraysa Hay’adda Save the Children, waxaana ay Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyeen hanaanka ay dalka uga shaqeeyaan, kana jawaabaan hadba xaalada timaada sida duufaantii sagar oo kale. Sidoo kalena waxay xuseen inay muddo badan ka hawl gelayeen Somaliland, xafiiska hay’adda Save the Children-na dalka laga furay sannadkii 1951-kii, haddana ay mashaariic kala duwan ka waddan gobolada Somaliland. Waxaana hogaaminayey masuuliyiinta Hay’adda Save the Children Mr. Johanne Schmidt-Nielsen oo ah maamulaha guud hay’adda iyo u qaabilsanaha Waddamada Africa ee saxaraha ka hooseeya Mr. Jakob Eilsoe Mikkelson, Merete Gotsaed, oo ah agaasimaha Save the Children. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta Hay’adda Save the Children uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay dalka uga hawl galaan iyo xildhiidhka ay la leeyihiin Dawladda Somaliland, waxaana sharaxaad ka siiyey qaabka ay Dawladda Somaliland ula shaqaynayso hay’addaha Caalamiga ah islamarkaana ay soo dhaweynayaan mashaariicaha kala duwan ee dhanka horumarka ah ee ay waddaan. Sidoo kalena masuuliyiinta Hay’adda Save the Children waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan islamarkaana xoojin doonaan wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, siina wadi doonaan mashaariicda ay dalka ka waddaan. Source
  7. Dowlada Puntland ayaa Qoraal kasoo saartay Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland , hoos ka akhriso Qoraalka. Sawirada Qoraalka hoostiisa [...] Source
  8. Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland. Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa uu sheegay in howshaan muddo ay soo soo socotay, Nabadoon Nuur ayuu tilmaamay in ugu danbayn beeshu ka garatay in la caleemo saaro, hadana loo fadhiyo ansixintiisa. Nabadoono, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dangaroyo iyo Garoowe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nabadoonka Cusub ee Caleemo saaray, waxay tilmaameen inuu yahay shakshi hufan oo daacad ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ah Nabadoonka la caleemo saaray ayaa u mahadceliyay cidkasta oo munaasabadda ka qayb gashay, waxa uu tilmaamay in xilkaan beeshiisu u garatay, sidoo kalena uu horay ugu shaqayn jiray arimaha nabadaynta, waxaana uu codsaday in laga gacan siiyo howsha loo igmaday oo lagu taageero. Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo nabadoonka, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo oo gacan lasiiyo, si uu u guto shaqada loo igmaday. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa soo dhawayn kadib sheegay inuu aqoonsan yahay nabadoonka Cusub Nuur Jaamc, isla markaana uu ka rajaynayo in xilka lagu caleemo saaray uu si wanaagsan u gudan doono. Nabadoon Nuur Jaamac Raage ayaa si rasmi ah ugu mid noqday Nabadoonada gobolka Nugaal, kadib markii ay soo gudbiyeen nabadoona beesha Axmed Khayr ee Ciise Maxamuud. PUNTLAND POST The post Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Isimo iyo Waxgarad kale oo ka qayb galay Caleemo Saarka Nabadoon Nuur Jaamac Raage appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa caasimadda waddanka Ethiopia halkaasu oo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka ku midaysan Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo looga hadli doono arrimaha waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Sidoo kale Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan iyo Kenya oo uu weheliyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaana la sugaya madax kal oo shirka ka qeyb-gelaysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Somaliland Today) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo. SomalilandToday Muqdisho Office Source
  11. (SLT-Hargaysa) Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Oo Daahfuary Tartan Loo Galayo Mashaariic Loo Fulinaayo Hay’adda Dhowrista Tayada JSL. Halkan Ka Daawo https://www.youtube.com/watch?v=a3IdXPDOEF8 Source
  12. Waxaa iyana si diiran loogusoo dhaweeyey Kismaayo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Labada Masuul ayaa waxay ka qayb galayaan Caleema [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed. Villa Soomaaliya ma aysan shaaca ka qaadin ujeedka socdaalka madaxweynaha, balse waxaa la sheegayaa in uu ka qeybgalayo shir. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  15. Garbahaareey (SMN) – Guuliye Xareed Muxumed iyo Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo. Labadaan nin oo dhalinyarro ah ayaa waxaa laga soo xigtay in ay muddo ka mid ahaa Al-Shabaab, iyagoo xusay in ay muddadaas degaanada dhaca gobolkaas hoosta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa tilmaamay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article
  16. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Kismaayo u dhoofay, waxayna noqonaysaa Wafdigii labaad ee Maanta Gasra Kismaayo. Xasan Sheikh [...] Source
  17. Boosaaso (SMN) – Taliska Booliska gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu soo bandhigay Maandooriyeyaal ay qabtaan. Saddex ruux oo gaari nooca xamuulka ah ku waday khamriga ayay saraakiishu sheegeen in ay xabsi ku jiraan ayna wajahayaan cadaaladda. Xuseen Cali Maxamed, taliyaha bileyska qaybta gobolka Bari, ayaa xusay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen xoogaga dowlad goboleedkaas. Dhinaca kale, taliyaha guud ee booliska Puntland, ayaa shacabka wuxuu uga digay in ay isku qabsadaan dhulalka danta guud ah. Sareeye Guus Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in howlgaladda ay arrintaas ku dhaqan-gelinayaa ay meel wanaagsan marayaa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Puntland.mp3 View the full article
  18. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed new army chiefs as the military ratchets up operations in southern parts of the country. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale la filayaa in isla maanta uu magaalada Kismaayo u dhoofo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kusii jeedo Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in ay qayb ka yihiin wafdiga u ambabaxaya xarunta gobolka Jubadda Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan caleema saarka Axmed Madoobe oo dadka qaarkii u aqoonsan yihiin madaxweynaha loo doortay Jubbaland. Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaa diid oo qayb ka ah wafdiga ayaa Shabelle wuxuu uga warbixiyey ujeedka safarkooda. Mudanaha oo xusay in ay qaadanayaa amarka dowladda ayaa ka dalbaday xukuumada in ay si hoose u eegto qaladaadka loo tirinayo shaqsiyaadka qaarkii sida Axmed Madoobe. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ka adkeeyay in loo baahan yahay in hadii Axmed Madoobe qaladaad ay ku cadaadana maxkamad lasoo taago. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Gamaa-diid.mp3 View the full article
  21. The leader of Somalia’s Puntland regional state, Said Abdullahi Deni, has arrived in the southern city of Kismayo to attend the inauguration of Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam alias Madobe. Deni, who was accompanied by almost 50 members of his government, was received at Kismayo airport by Ahmed Madobe and officials from Jubbaland state. Last week, a plane carrying former presidents of Galmudug and South-West states, Abdikarim Hussein Guled and Sharif Hassan Sheikh Adan, arrived in Kismayo to attend the inauguration of Madobe. Former Somali presidents Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud are also expected to travel to Kismayo from Mogadishu. The federal government on 23 September banned former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed from travelling to Kismayo to attend Madobe’s inauguration, a move condemned by the Somali opposition. View the full article