-
Content Count
213,891 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddii uu u jeediyey golaha guud ee QM waxa uu qeyb ka mid ah kaga hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, oo iminka kiiskaas uu horyaallo. Waxa uu sheegay in wada-xaajoodyada Kenya ee arrintan ku saabsan ay noqdeen kuwa aan miro dhal ahayn, sidaas darteedna, xalka ugu dambeeya ay tahay inuu nqodo kan maxkamadda. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto go’aan kasta oo ay maxkamadda ka gaarto kiiskan. Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xiriirka labada dal la wanaajiyo islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ. Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay ku meel mariyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo bedel u noqonaya qorshaha sideedaad ee horumarinta qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan, ayaa Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay, waxa uunsa sidoo kale dalka ku hoggaaminaya waddada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024). Hadafka qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa ah yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku daray talooyin qayb ka qaadanaya horumarinta qaranka shanta sano ee soo socota. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-26092019.mp3 View the full article
-
Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan machadka American Enterprise Institute, isla markaana hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanka, ayaa soo bandhigay Toban Su’aalood oo weji-gabax ku noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kuwaaasi oo ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalay Shirweynaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Mr. Rubin wuxuu qormadaas uu ciwaan uga dhigay “10 Mawduuc oo Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay Maraykanka.” Warbixintaas oo uu ku qoray warsidaha Washington Examiner, waxa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay u qorneyd sidan:- Daahfurnaanta (Transparency) Waxaad dhawaan soo celisay baasaboorkaagii Maraykanka ahaa miyaad sannad kasta bixin jirtay cashuurtii dakhliga ku soo gala muddadii aad aheyd muwaadin u dhashay Maraykanka? Waxa korodhay hantida aad haysato tan iyo markii aad noqotay Madaxweynaha Soomaaliya Bishii Feberwari 2017, wali miyaad soo bandhigtay halka aad ka keentay lacagtaas aad ku tanaaday? Haddii aanad shaacin hantidaasi siday kugu soo gashay maxaad u sheegi wayday? Haddiise aad iska casisho xilka madaxweynaha Soomaaliya, adigoo aan laheyd xasaanad diblomaasiyadeed, miyaad cag soo dhigi kartaa Maraykanka? Musuqmaasuqa (Corruption) Waxa korodhay deeqaha la siiyo sannad kasta Soomaaliya oo gaadhay balaayiin doolar. Hase yeeshee Hay’adda Transparency International waxay Soomaaliya ku derajeysay inay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, iyadoo xataa sagxadda ka sii xigta dalalka Syria, Iraq, Venezuela, Yemen iyo Afghanistan. Miyaad rumaysan tahay in qiimeynta Transparency International ay khalad tahay? Haddii ay jawaabtu sidaas tahay. Miyaanay arrinta musuqmaasuqu tibaaxaynin in Soomaaliya aanay awood u laheyn ay ku maamusho deeqaha la siiyo? Sidoo kale maxay cashuur bixiyeyaasha Maraykanku ay Muqdisho ugu dirayaan Malaayiin doolar oo inteeda badan la leexsado isla markaana khasaare ah? 3.Ammaaanka (Security) Alshabaab waxay farobaas ku hayaan Muqdisho, Kismaayo iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan oo ay si bile ah weerraro uga geystaan, miyaad na tusi kartaa meel aad horumar ka sameyseen? Sidoo kale, miyay Dawladda Soomaaliya ku filan tahay inay hanato ammaanka, haddii ciidammada AMISOM ay yareeyaan joogitaankooda Soomaaliya? 4 Xuquuqda Aadanaha (Human Rights) Miyaad ka sifeyn kartaa wanaagga iyo galdaloolooyinka dastuurka Soomaaliya? Tan iyo markii aad talada qabatay waxa dhacay dilal badan oo lagu khaarajiyey dadka mucaaridka ka tirsan, halka in badan oo kalena xabsiga la dhigay. Safarrada (Travel). Markii aad u tartamaysay xilka madaxtinimada waxaad ku naqdiday madaxweynihii kaa horreeyey inuu si xad dhaaf ah ugu safro dalka dibadiisa, halkii ay ka aheyd inuu ku sugnaado Soomaaliya oo hawlo badani yaallaan, balse intii aad xilka la wareegtay waxaad safarro dibadeed u baxday in ka badan intii madaxda Arrimaha dibaddu u socdaali lahaayeen dalalka dibadda. Sannadkii tagay oo kaliya waxaad saddex jeer booqatay dalka Itoobiya. sidoo kale waxaad u socdaashay dalalka Talyaaniga, UAE, Qatar, Burindi, Eritrea, Japan, Turkiga iyo Maraykanka, qiime intee leeg ayaa safarradaasi ku baxay? Qatar Soomaaliya waxaad u jihaysay dhinaca dalalka Turkiga iyo Qatar, waxaanad Fahad Yaasiin oo Aljazeera u shaqeyn jiray aad u dallacsiisay madaxa guud ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, inkastoo uu ku magacaaban yahay agaasime ku-xigeenka Hay’addaasi. Ninkaasi oo dilaal ka ah siyaasadda Qatar ka leedahay Soomaaliya. Maxaad u aragtaa ujeeddooyinka iyo danaha Qatar ka leedahay Soomaaliya? ma adigaa maamula mucaawimada ay Qatar siiso Soomaaliya? siddee ayaadse u aragtaa cod Telefoonka lagu duubay oo lagu shaaciyey kaalinta ay Qatar ka geysatay weerar argagaxiso oo ka dhacay Soomaaliya? Turkiga Waxaad xidhiidh adag la sameysay Turkiga oo aad siisay saldhig Millatari oo ay ka furteen Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Turkigu caddeeyey inay Soomaaliya barayaan Diinta Islaamka ee saxda ah? Miyaad ku raacdsan tahay arrintaas madaxweynaha Turkiga? Somaliland Somaliland waxay qaadatay madax-bannaanideeda sannadkii 1960kii, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaalidii Koonfurta ee Talyaanigu xukumi jiray. Sannadkii 1991kii ayey Somaliland la soo noqotay madax-bannanideeda iyadoo dawladii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre xasuuqday. Somaliland waxay qabsatay oo waliba ay ku celcelisay doorashada madaxtinimada, waxay leedahay ciidammaddeeda ammaanka iyo lacagteeda u gaarka ah, xilli ay Soomaaliya tahli weyday inay sugto ammaanka dalkeeda. Waxa isa soo taraysa intii aad hoggaaminaysay Soomaaliya inaad xoojisay dagaalkaaga ku wajahan inaad qaadhaanka caalamku bixiyo aad ka joojiso Somaliland, sidaas darteed dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee aad ku hayso Somaliland ma mudnaantaada koowaad baa? Haddii Somaliland ay dhinaca nabadgelyada iyo heerka noloshaba ay dhaaftay Soomaaliya? maxaad ula tartami weydeen guulaha Somaliland ku tallaabsatay intii aad ka xumaan laheyd? Prime Minister Khaire Ra’iisul-wasaare Khayre oo booqday Maraykanka lix bilood ka hor, inta badan safarkiisii wuxuu ku qaatay sidii uu u kasban lahaa taageero uu ku doonayo inuu adiga ku beddelo. Haddii Xasan Khayre noqdo madaxweyne miyaad filaysaa inay Soomaaliya xasili doonto? Shiidaalka Soomaaliya waxay khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Kenya ay geysay Maxkamadda caalamiga ah ee Adduunka. Maxaad nooga sheegi kartaa xaraashkii aad ku soo bandhigteen soohdimaha badda ee aad isku haysataan Soomaaliya? maxaadse u sugi waydeen inta maxkamadda uu ka soo baxay xukun? Waxa soo diyaariyey Cumar Maxamed Faarax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kulyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay weli maamulaan. Kheyre ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida. Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay dadaalladooda naf-hurnimada ah ee ay ku badbaadinayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo dhibaatada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.
-
(SLT-Paris)-Faransiiska ayaa barooraneysa madaxweynihii hore ee dalkaas, siyaasi rug cadaa ah, iyo u ololeeye midnimada Yurub iyo Afrika, Jacques Chirac oo maanta geeriyooday isaga oo 86 jir ah. Sharci-dejiyayaasha France ayaa sameeyey daqiiqad aamusnaan ah, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu goor dambe la hadli doono qaranka. Jacques Chirac waxa uu ahaa siyaasi muddo soo taagnaa. Duqii magaalada Paris muddo 18 sano ah ka hor inta uusan noqon ra’iisul wasaare, kadibna madaxweyne muddo ka badan toban sano. Waxaa lagu xuusan doonaa waxyaabo badan, oo ay ka mid tahay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Faransiis ah oo qirtay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee xasuuqii Yahuudda Yurub, khudbad uu jeediyey 1985-kii. Waxa uu sidoo kale kasoo horjeestay qabasashadii Mareykanka ee Iraq sanadii 2003. Waxaa sidoo kale lagu xuusan doonaa inuu taageere weyn u ahaa Afrika. Chirac waxa uu saaxiib dhow la ahaa dhowr hoggaamiye oo African ah oo ay ku jiraan Omar Bongo oo Gabon ah, Blaise Compaore oo ah Burkina Faso iyo Denis Sassou Nguesso oo Jamhuuriyadda Congo ah. Source
-
Ciyaartooydii xulka qaranka iyo bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland ayaa kulan mahad celin u sameeyay xidigaha kala ah Axmed Saciid Axmed iyo Xuseen Maxamed Cabdi Kariim oo qeyb ka ahaa xidigihii wacdaraha sameeyay kulamadii is reeb reebka koobka aduunka. Axmed Saciid Axmed oo ka tirsanaa safka xulka kana ciyaara wadanka Finland ayaa ka maqnaa madasha,isagoo qadka taleefoonka ugu mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay kulanka ,balse waxaa goobjoog ahaa laacib Xuseen Maxamed Cabdira Kariim wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin taariikhda iyo guulaha ay la gaareen xulka qaranka dalkooda diyaarina ay u yihiin sanadaha soo aadan. Cabdullahi Maxamuud Salxaan Eenow oo ka mid ahaa xidigihii hore kooxda Madbacadda iyo xulka qaranka ayaa u mahad celiyay labada ciyaaryahan da’daalka ay soo bandhigeen,tani ay hordhaca u tahay fursada ay sugayeen dhallinyarada kale ee ku nool wadanka Finland kuwaas oo raadinayaa u dheelista Xulka Qaranka Soomaaliya heerarkiisa kala gedisan sanadaha soo socda. Macallinkii hore Gobolka Baay Bashir Macallin Faaqid kana mid ahaa laacibiintii hore naadiga wasraada howlaha guud iyo guryeenta LLP Jeenyo ayaa sheegay in ay waqtigooda iyo qibradooda ugu faa’idaynayaan dhallinyaradan,maadaam ay yihiin dhiiga cusub ee u soo baxay kubbadda cagta iyo Xulka. Dadkii ku sugnaa munaasabada dhiiri gelinta ayaa u badnaa ciyaartooydii hore kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka waxayna si wadajir ah ugu mahad celiyeen dhamaan dadkii ka danabeeyay guulaha uu xulka qaranka Soomaaliya ka sameeyay kulamadoo is reeb reebka koobka aduunyada ee ka kala dhacay magaalooyinka Haraare iyo Jabuuti horaanta bisha September 2019. Gabgabadii munaasbada labada ciyaaryahan ayaa lagu gudoonsiiyay abaal marino qaali ah oo ay ku jiraan sawirada wadajir ka ah ee (Photo Group) xulka qaran Soomaaliya,qaban qaabiyaasha xaflada ayaa ku sheegeen in ay ugu tala galeen in ay u noqoto xasuus ayna ugu sheekeeyaan caruurtaa iyo jiilka danbe. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Dhacay Wadanka Finland W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland oo kaashanaayo kuwa xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgaladas ay guulo waaweyn ka soo gaareen ciidamada is kashanaayo ee xoogga dalka iyo Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdinuur ibraahim oo wareysi gaarka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgaladaasi ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan dagaaliyahanada Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay, Waxa uu sidoo kale sheegay in howlagaladaan ay sii socon doonaan inta degaannada ka maqan gacata Jubbaland dib loogu soo celinayo . Sidoo kale Afhayeen Cabdinuur ayaa sheegay ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab ay ku dagaalameen deegaannada Ceel Biroole iyo Yaaq Bishaara, waxaana uu xusay in ciidamadu ay halkaas ay ku burburiyeen saldhigyo ayna ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Alshabab” Ciidama Jubbaland qeybta waqooyiga Kismaayo ayaa maalmaahaan waxa ay howlgallo ka wadeen eeriyada Cabdulle Biroobe iyo deegaanada hoos yimaada howlgallaas waxaa burburin iyo kala ceyrinba lagu sameeyay kooxaha nabad diidka deenka Yaaq Bishaara waxaana halkaas looga dilay lix ruux ciidamadu halkaas guul ayeey ka gaareen waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeen dowlad gobaleedka Jubbaland” Afhayeenka oo hadalkiisa sii wato ayaa warbixiyay howlgallo ay ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo is garab sanaya ay ka wadaan deenaada hoos yimaada magaalada Bu’aale ee caasimadda Jubbaland waxaana uu sheegay in Jubbaland iyo xoogga dalka ay ka go’antahay gaaritaanka magaalada Bu’aale isaga oo ka hadlaayana waxaa uu yiri” Degmada Bu’aale iyo deegaannada hoos taga howlgallada ka socda oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaayo guud ahaan in Shabaab dalka laga saaro waa lagu qasban yahay degmada Bu’aale iyo deegaanada hoos tagana waxaan rajeynayaa in laga xoreeyo oo gacanta maamulkooda iyo dowladdooda dib loogu soo celiyo” Hadalka afhayeenka wasaaradda amniga dowlad gobaleedaka Jubbaland ayaa ku soo aadaya ayadoo maalmahaan ciidamada iyo kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ay howlgallo kawadaan deegaanno ka tirsan jubbooyinka iyo gobalka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo diirada lagu saaray amniga, dastuurka, dib u dhaca ku yimid xafladddii caleema saarka iyo arrimo kale. Xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka dooday xaalada ammaanka deegaanada Jubbaland, iyadoona golaha amniga heer dowlad goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca cusub ee sugida nabadgalyada, taas oo ay ku shaqaynayaan hay’adaha nabad gelyada maamulkaasi. Waxa kale oo guluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda dastuurka, taas oo la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee dalka. Sidoo kale golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday dadaalka wasaaradda arimaha gudaha maamulkaasi ay ku bixinayso sidii loo soo gabagabeyn lahaa dhammaan tabashooyinkii ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo. Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah dib u dhicii ku yimid xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe oo lagu waday in shalay la qabto. Golaha ayaa sheegay in wakhti kooban kadib la qaban doono, islamarkaana dhowaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan marti sharaf kala duwan . Ugu dambeyn golaha ayaa ka hadlay xariga wasiirkooda amniga, Cabdirashiid Janan oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo faray hay’ada garsoorka Jubbaland in arintaasi ay ku bixiyaan dadaal dheeri ah oo lagu soo deynayo wasiirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaatay masuuliyadda Dilkii loo geystay Weriye Jamal Khashoggi, kaasi oo sannadkii hore hawl-gal Sucuudiyiin sameeyeen lagu khaarajiyey. Hadalka uu Dhaxal-suge MBS ku qaatay Masuuliyadda Dilka ayuu ku sheegay Dhukumantari ay samaysay Warbaahinta PBS, kaasi oo la baahin doono Toddobaadka soo socda, sida ay Maanta baahisay Al-jazeera. Mohammed bin Salman (MBS), hore si cad ugama hadal Dilka Weriye Jamal Khashoggi loogu geystay Gudaha Qunsuliyadda uu Sucuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, balse Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaano CIA iyo qaar ka mid ah Dawladaha reer Galbeedka ayaa sheegay inuu MBS uu bixiyey Amarka lagu dilay Weriyaha, laakiin xilligaa Masuuliyiinta Sucuudigu waxay sheegeen inaanu door ku lahayn. Jamal Khashoggi oo ahaa Suxufi Sucuudiyaan ah ayaa firxad ahaan ku joogay Dalka Maraykanka, waxaanu aad uga wax uga qori jiray isla-markaana u dhaliili jiray Xukunka hoggaanka Boqortooyada Sucuudiga, taasi oo keentay in boqortooyadu colaad u qaado. Weriyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugaan Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istanbul, halkaasi oo doonayey inuu ka soo qaato Waraaqo u fasaxi lahaa inuu Xaas labaad Guursado. Dhukumantariga uu ku jiro Waraysiga laga qaaday MBS ayaa la baahin doonaa 1-da bisha Dambe oo ku beegan Sannad guuradii geerida Khashoggi. Source
-
Qatar Charity (QC) has recently opened a multi-service centre, the first of its kind in the Bal’ad District, which is one of the districts of Middle Shabelle region of Somalia, while three multi-service centres are under construction in other states and will be opened in the next few months. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed C/casiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed u magacaabey maamul cusub. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dowlad gobaleedka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in markii Madaxweynuhu uu arkay baahida loo qabo in degmada Beydhabo ay hesho maamul cusub oo dardargelin kara howlaha balaaran ee socda, ayuu gartay inuu u soo magacaabo maamul cusub. Madaxweynaha ayaana sheegay markii uu arkay kartidooda iyo khibradda ay u leeyihiin shaqadaan in uu u magacaabay isaga oona kula dardaarmay in su hufan ay uga soo dhalaalaan shaqada loo igmaday. Xasan Macali Axned guddoomiyaha degabamada Baydhabo, Isxaaq Maxamed Cali goddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo, Cabdifitaax Cali Mursal guddoomiye ku-xigeenka maalika iyo maaliyadda Cabdulqaadir Cali Xasan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha. Mukhtaar Sharmaake Cali Xoghayaha dowladda hoose ee Koonfur galbeed Sidoo kale Madaxweyme Cabdicasiis Laftagareen ayaa shacabka degmada Baydhabo ugu baaqay in si dhow ay u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo dhisay degmada Baydhabo ee gobalka Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafyada, kana wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaan hanaanka siyaasadda dalka, loo xoojin lahaa dadaallada dib u heshiisiinta qaranka, loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa, sare loogu qaadi xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha aas-aasiga. Qatar ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay mideeyaan dadaalladooda si ay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed u siiyaan horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso soo gaba-gebeynta iyo talooyinka ku jira warbixinta khabiirka madax banaan Bahame Tom Nyanduga uu ka diyaariyey xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in inkasta oo waxa ugu muhiimsan ee argagixisada ay beegsaneyso ay yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliya, haddana dowladda federaalka ay ku guuleysatay inay guulo dhowr ah ka gaarto arrimaha amniga, siyaasadda, bani aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha. La-taliyaha waaxda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Dr. Turki Al Mahmoud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo guulahan, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in 27-ka October ay marti-gelin doonto kulanka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Soomaaliya. Dr. Turki Al Mahmoud ayaa xusay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay inay xushmeyso madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagto dadka Soomaalida, ayna sii wadi doonto taageerada ay siisso dowladda. Caasimada Online Xafiiska Doha caasimada@live.com
-
Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo & Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq & Garbahaarrey. Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata. Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey & Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen. Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda. Mid ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa yiri “Waxaa ka soo barakacnay nmabar koow deegaano kala duwan, anagoo ah dadwaynaha ku nool gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Deeraq, fax-faxdhuun, Daarusalaam Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar ayaa ka soo kala qaxnay. Dadkaas oo gaaraya 3000, illaa 4000 oo qoys lug ayaana ku soo galnay Baardheeere”. Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa intaas ku daray “Baardheere waxaa nagu haysata guri la’aan shalay ayaa u dambsay roob ayaa da’ayey ilmihii iyo dumarkii waa la isku qoyey, bac ma leh, wax lagu seexdo ma leh, guri la galaayo ma leh, dhibkaas ayaa na haysta allaha naga bad baadiyee”. Geesta kale waxgaradka iyo odoyaasha ku dhaqan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loola soo gaaro gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.
-
Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska,Jacques Chirac ayaa ku geeriyooday da’da 86. Qoyska Jacques Chirac ayaa xaqiijiyay in subaxnimadi saaka uu geeriyooday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Jacques Chirac waxaa uu xilka madaxtinimada hayay laga bilaabo sannadkii 1995-tii ilaa 2007-dii. Waxaa sanidihii dambe loo heystay fadeexad musuq maasuq. Chirac wuxuu dhashay sannadkii 1932-kii, waa uu xannuunsanaa tan iyo markii uu xilka ka degay. Baarlamaanka Faransiiska ayaa hal daqiiqo aamusay si loo xuso geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalkaas. Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub,Jean-Claude Juncker ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu soo gaaray warka ku saabsan geerida ku timid Jacques Chirac. Sannadkii 2003-dii, waxaa uu kasoo horjeeday duullaankii uu Mareynkanka Ciraaq. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in maanta dhacdo murugo leh ay ka dhacday degmada Hobyo ee gobolkaasi, kadib markii Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dishay Sayigeedii. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Geeri, kaas oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug. Wararka ayaa sheegay in dilka askarigan uu sababay khilaaf ka dhashay arrimo la xariira Qoys, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Haweeneyda dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa la sheegay in dilka marxuumka ay u adeegsatay Qoray AK47 ah oo uu isagu lahaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hobyo iyo Galmudug oo ku aadan dilkaasi. Dhacdadan oo ah mid argagax leh ayaa waxaa haatan si aad ah looga hadal hayaa magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, iyo guud ahaan deegaanada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
