Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,891
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Samafale Cabdimaalik muuse coldoon waxa lagula kacay waa dulmi cawaaqib xumadiisa la dhaxli doono. Cuquubada dulmigu ma raagto oo aakhiro ka hor adduunka ayay cidda fashay ku haleeshaa oo abaalkiisa ugu yaraan qayb ka mid ah la dhadhansiiyaa, waaya’aragnimadeenna adduunka ayaa taa inoo muujinaysa. Yaxya Khalid Albarmaki waxa uu ra’iisal wasaare u ahaan jiray khaliifkii Cabbaasiyiinta ee Haaruun Arrashiid la odhan jiray oo xukunka Muslimiinta la wareegay sannadkii 170 kii Hijrada Nebiga-scw- oo ku beegnayd 788 ee miilaadiga. Khaliifka Haaruun Arrashiid waxa soo korisay oo naaska jaqsiisay Yaxye xaaskiisa, sidaa awgeed Haaruun waxa uu ula dhaqmi jiray Yaxye sida aabihii oo kale, markii uu xukunka qabsadayna waxa uu ka dhigay Ra’iisal wasaarihiisa, waxkastana wuu uga danbeyn jiray. Yaxye waxa lagu yaqaannay faxalnimo iyo gacan furni aad looga sheekayn jiray. Waxa mar kaliya dhacay isbeddel aan sababtiisa la fahmin oo ku dhacay Haaruun Arrashiid, subax ayuu soo toosay markaasuu amray in la xidho Yaxye, la dilo inankiisa, lala wareego dhammaan xoolaha qoyskiisa iyo qaraabadiisa dhammaantooda xabsiga iyaga oo silsiladaysan la dhigo ! Sidii baa la yeelay, silic iyo saxariis ayay noloshooda intii u hadhanayd ku dhammaysteen, ilaa uu Yaxye xabsiga ku dhex dhintay ! Yaxye inankiisa ayaa wayddiiyey Aabo: Madaxnimadii, maalkii iyo awooddii dawladnimo ee aannu haysannay ka dib, maxay waxan oo dhibaato ahi noogu dhacayaan, xabsi, faqri, qaawani iyo silican oo dhan maxaa u sabab ah? Yaxye waxa uu ku jawaabay: “Aabo waxa laga yaabaa habaar dulmane oo saqdhexe Alle loo dirtay, oo aannu moogganayn Alle se aanu hilmaamin” ka dibna meerisyadan ayuu curiyey: رُبَّ قومٍ قد غَدَوْا في نَعْمةٍ*** زَمَناً والدهرُ رَيَّانٌ غَدَقْ سَكَتَ الدهرُ زَمَاناً عنهمُ*** ثم أبكاهُمْ دَماً حِينَ نَطَقْ ! meerisyo kale ayaa ahaa: لا تظلمن إذا ما كنت مقتدراً…فالظلم ترجع عقباه إلى الندمِ تنام عيناك والمظلوم منتبهٌ…يدعو عليك وعين الله لم تنمِ Dulmigu waa denbiyada dhulka guudkiisa lagu galo kuwooda ugu waaweyn, sidaa awgeed ayuu Alle uga xarrimay naftiisa, addoomada dhexdoodana xaaraan uga dhigay, dadkana uga abhiyey in ay is dulmiyaan, sida ku cad xadiisal qudsigan: يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي، وجعلته بينكم محرماً فلا تظالموا، رواه مسلم Dulmiga waxa ugu daran ka laga galo cid aan Alle mooyee cid kale kuula ciirsanaynin, yacnii aad wakhtigaas ka awood roontahay, waxaana ugu sii xun ka shaadhka sharci la huwiyo ee lagu xalaashado. Cuquubada dulmigu waxa ay dumisaa guryaha dhisan, waxaanay cumrigooda soo gaabisaa dawladaha, Ilaahay waxa uu suuratal Qasas ku yidhi: “Ma halaagno ummad/magaalo mooyaane in ay dadkeedu daalimiin yihiin” yacni waxa keliya ee halaagga magaalo/ummad sababi karaa waa dulmi (وَمَا كُنَّا مُهْلِكِي الْقُرَىٰ إِلَّا وَأَهْلُهَا ظَالِمُونَ)القصص 59. Imaam ibn Taymiya ayaa aayaddan ka dhiraandhiray qaaciido ama sunne kawni ah oo odhanaya: “Ilaahay ummad ay dhexdooda caddaaladi ka jirto ma halaago, xataa hadday gaalo yihiin, waxaanu burburiyaa dawladda daalimadda ah xataa hadday muslim tahay” Xukunka ku dhacay Cabdimaalik Muuse Coldoon sida ay qabaan qareennadii sharci yaqaanka ahaa ee difaacayey, dad badan oo aqoonyahan iyo sharci yaqaanno ah oo kalena ay aaminsanyihiin, waxa aan rumaysnahay in uu yahay aargoosi awood dawladeed loo adeegsaday oo dad gaar ahi denbigeeda leeyihiin. Waxa aan guddoomiyaha maxkamadda sare oo ah shakhsi aan aqoon iyo ammaano ku aqaanno ka codsanayaa in uu kiiskaas iyo kuwa la midka ah si dhow ula socdo oo dib u sixid ku sameeyo sida ay wax u dhacayaan. Waxa aynnu si wada jir ah uga codsan doonnaa madaxweynaha in uu dulmiga ku dhacay Cabdimalik soo farageliyo oo wax ka qabto. Dr-Abdulqani Hussein Beder Qaran News
  2. Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay xalay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana howlgalkaan uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey. Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari, Xuseen Cali Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay kusoo qabteen dhallinyaro lala xiriinayo falalka amni darri ee ka dhaca magaaladaasi. Wuxuu taliyaha tilmaamay in ciidamada ay sidoo kale baareen gaadiidka lagana fiiqayey bacaha madow, si aan loogu fulin falal amni darri ku aaddan. Inta uu howlgalkaan socday ayaa la arkayey ciidamada Booliiska oo dadka kasoo dejinaya gaadiidka, islamarkaana baaritaanno ku sameynaya. Amniga magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe ahaa mid kasoo reynayey sidii hore, wallow mararka qaar ay dhacaan falal amniga wax u dhimaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa warraysi lala yeeshay waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid tahay tabashada reer Awdal iyo qaabka ay u shaqeeyaan xisbiyada Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Iran)-Maxkamad ku taalla Dalka Iran ayaa waxa ay xukun ciqaab ah ku xukuntay dhakhtarada dalkaasi u dhalatay oo ku socotay xijaab la’aan isla markaana dusha kaga fadhiisatay gaadhi Bileysku leeyihiin kadib markii ay joojiyeen. Haweenaydan oo ah dhakhtarada ku takhasustay cudurada haweenka ayaa waxa ay Maxakamaddu ku xukuntay xukun ciqaab ah oo ah in ay muddo kun saacadood ah oo lacag la’aan ah ay ka shaqeyso xanaanooyinka caafimaadka isla markaana ay fuliso Qaliinka haweenka ummuliyaa u baahan yihiin oo tiradoodu dhan tahay ilaa 14 qaliin. Dhakhtaradan ayaa waxa ay ku nooshahay oo ay ka hawl gashaa magaalada Blast ee Galbeedka dalkaasi Iran. Source
  5. (SLT-Riyadh)-Mid ka mid ah Ilaaladii ugu caansanaa ee Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa la dilay, kaddib mursan shaqsiyadeed soo kala dhex-galay isaga iyo askari kale oo saaxibkiis ahaa. Major General Abdulaziz al-Fagham oo aad ugu dhowaa Boqorka Sacuudiga, marar badan ka soo muuqday isagoo dhinac taagan, safaro badan oo dibadda ahna u raacay ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askari kale. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Dekedda leh ee Jeddah, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Sacuudiga SPA ayaa sheegtay in al-Fagham la dilay isaga oo booqanaya guriga saaxiibkiis. Ninka dilka geystay ayaa diiday inuu isu dhiibo booliska oo ku sugnaa agagaarka goobta wax ka dhaceen, waxaana kaddib isaga toogtay askari kale. Maalmihii u dambeeyay Sacuudiga ayaa wajahayay xaalado iyo xiisado kala duwan oo ka soo wajahay dalka deriska la ah ee Yemen, kaddib markii Kooxda Xuutiyiinta ay weerareen xarumaha laga soo saaro shidaalka Sacuudiga. Source
  6. Sir Mo Farah has been announced as patron of a new initiative from Save the Children which will pilot innovative approaches in tackling malnutrition. Source: Hiiraan Online
  7. Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS) Image captionWaxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- -Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. -Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). -Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. BBC somali Qaran News
  8. Lake Superior College has named Dr. Jamal Adam as its interim dean of liberal arts and sciences, the school announced Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT- Austria)-Xisbiga muxaafidka ee dalka Austria ayaa ku guul ka soo hooyay doorashada Baarlamaaniga ee dhacday shalay. Hoggaamiyaha xisbigan Sebastian Kurz ayaa markale xilka dib ugu soo laabanaya balse wuxuu u baahnaan doonaa xisbiyada kale si loo soo dhiso xukuumad wadaag Ah. Xisbiga dadweynaha ayaa helay 37.1 halka xisbiga Social Democrats uu la yimid 22.6 xisbiga midigta fog ee Freedom isna helay 16.7. Doorashada baarlamaaniga ee shalay ka dhacay dalka Austria ayaa timid kadib markii ay burburtay bishii May kadib musuq maasuuq lagu eedeeyay xukuumada Viena. Source
  10. Diyaaradda Boeing 737 oo cillad kale lagu arkay Diyaaradaha Boing 737-ng ayaa la sheegay in dildillaac lagu arkay qaybaha sare ee diyaaradda. Marki uu warkaasi soo if baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo. Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha”. Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey. Balse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan. Shirkadda Boeing waxay sheegtay shirkadaha diyaaradahan isticmaala iney xogaha diyaaradahaasi ku saabsan ay soo gaarsiiyeen balse ay sheegin wax cillad oo ay kala kulmeen inti ay diyaaradahaasi adeegsanayeen. Balse Shirkadda Boeing ma aysan sheegin inta diyaaradood ee ay cilladdaasi ay ka baareyso. “Maalmaha soo socda macamiishannada ee diyaaradahaasi istcmaala inaga oo kaashaneyno waxaan baaritaanno ku sameyn doonnaa diyaarado dhowr ah” ayey tiri shirkadda Boing oo BBc u warrantay. BBC oo isku dayday iney xog dheeraad ah ka hesho qaybaha diyaaradda ee dillaaca sida gaarka ah loga arkay kuwa ay yihiin iyo waxa ka dhalan karo dillaacaasi, waxay su’aashaa u bandhigtay shirkadda Boing balse weli shirkaddu su’aasha BBC wax jawaab ah kama bixin. Nooca diyaadaha 737-ng oo ay Boing sameyso waxay ka kooban yihiin diyaaradaha 737-700, 737-800 iyo 737-900, waxaana noocyada diyaaradahaasi isticmaala shirkada diyaaradeed oo kala duwan. Laba diyaaradood uu noocoodu yahay Boing 737 Max marki ay laba shil oo isku dhaw ay ku burbureen kaddib waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737 Max. Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo burburtay bishi April waxaa ku dhintay dhammaan 157 qof ee rakaabka diyaaraddaasi burbrutay saarnaa. Afar bilood ka hor xilliga ay diyaaraddan burburtayna waxaa sida oo kale burburtay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Indonesia Line Air waxaa iyaduna ku dhimatay dhammaan 189-ki qof ee diyaaraddaasi saarneyd. BBC somali Qaran News
  11. (SLT-Yemen)-Xuutiyiinta Yemen ayaa baahiyay muuqaal iyo sawiro ay ku sheegeen in ay ku dileen ama lagu dhaawacay, 500 oo askari oo ka mid ahaa millatariga Sacuudiga. Dagaalyahanada mucaaradka Yemen ayaa dhanka kale ku soo bandhigay tv-ga Al-Masiirah muuqaalka askar nolosha ay ku hayaan. Afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta Yaxye Saree, ayaa tilmaamay in diyaaradaha Drone-ka ay ku garaaceen xeryaha millatariga ka dibna ay dibadda u soo baxeen Ciidanka. Mr Yaxye ayaa intaa ku daray in ciidan xooggan ay ku diyaariyeen xadka Sacuudiga iyo Yemen, ka dib ay ciidankan isku soo dhiibeen. Muuqaalkan ayaa dhanka kale lagu soo bandhigay gaadiid Gubanaya. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn karo sheegashada Xuutiyiinta, iyadoo dowlada Sacuudiga ay ka gaabsatay inay ka hadasho. Source
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xalay shaaciyay in uu dib ula soo noqday, wakaalashadiisi hawlaha dib u-heshiisiinta Galmudug oo uu bishii July ee sannadkan u dhiibtay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in kadib markii mudda saddex bilood ka badan ay dowladda Federaalka Soomaaliya natiijo la taaban karo ka samayn weyday, hawlaha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug, uu go’aansaday in uu dib ula soo noqdo wakaalashadiisi. Sidoo kale, wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay awood-maroorsi iyo kala qeybin ku samaysay odayaasha dhaqanka ee matala beelaha Galmudug, islamarkaana ay si qaldan uga faa’idaysatay wakaalashadiisi hawlaha Galmudug. Waxa kale oo uu Villa Somalia ku eedeeyay, in ay Galmudug u dhisayso maamul dhinac ka raran oo aan loo dhammayn, ayna xallin weyday tabashada beelaha deggan magaalada Cadaado iyo sidoo kale khilaafkii Galmudug iyo Ahlusunna. Mudane Xaaf, wuxuu shaaciyay in uu si deg deg ah u soo magacaabi doono guddiyo loo dhanyahay oo ka shaqeeya arrimaha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug, isagoo ku amray dhammaan wasiiradii Galmudug in ay dib isugu yimaadan, si loo dardar geliyo hawlaha horyaalla Galmudug. PUNTLAND POST The post Xaaf oo ka baxay heshiiskii uu Villa Somalia ugu wareejiyay awoodihiisi madaxweynanimo appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanka ay soo wajahday “khatar aan horay loo arag” ayadoo uu isa soo tarayo cadaadiska uga imaanaya dhanka xisbiga dimuquraadiga ah oo wada baadhitaan lagu doonayo in xilka looga tuuro. Muuqaal uu ku faafiyey bartiisa twitter-ka, ayaa Trump wuxuu ku sheegay in xisbiga Dimuquraadigu ay u soo dhigteen “xurriyadiisa asaasiga” ah, asagoo tilmaamay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan ay tahay in uu u halgamayo dadka Maraykanka ah. Golaha wakiillada ee uu ku xooggan yahay xisbiga Dimuquraadigu, ayaa bilaabay tallaabooyin su’aalo lagu waydiinayo Trump kaddib markii ay soo bexeen eedaymo sheegaya in uu awooddiisa ku takri falay. Trump ayaa beeniyey eedaymahaas loo jeediyey, asagoo sheegay in dadka ka soo horjeeda ay wadaan ol’ole asaga ka dhan ah si ay u gaaraan danahooda gaarka ah. Trump ayaa lagu tuhunsan yahay in dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelinsky uu cadaadis ku saaray in uu baadhitaan ku sameeyo ninka la filayo in uu kula tartamo doorashada madaxtinimada ee la yiraahdo Joe Biden. Madaxda guddiyada saddexda ah ee Golaha Wakiillada ayaa amar ku siiyey Xooghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo in uu soo gudbiyo qoraallada xidhiidhka la leh kiiskaan. Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in Joe Biden, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii maamulkii Barack Obama, uu Garyaqaanka Guud ee Ukraine cadaadis ku saaray in uu is casilo sannadkii 2016 si Joe Biden uu u ilaashado sharikad uu wiilkiisa Hunter Biden uu ka shaqaynayey. Basle Trump ma soo bandhigin wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay adag tahay in madaxweyne Trump xilka laga tuuro xataa haddii golaha wakiilladdu ay tallaabadan taageeraan, waayo xisbiga Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ku leh golaha Senate-ka. Bbcsomali Qaran News
  14. Somalia adopted ragtag federalism after the complete collapse of its unitary State in 1991. Since then the Federal Government vested considerable exertion to implement the undefined Federal model in the country to decentralize the power into the lower level. Source: Hiiraan Online
  15. Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee gobolka Baay kusoo bandhigay qaar ka mid ah xubnihii soo doortay baarlamanka federaalka kadib markii ay qaateen amarkii ay ugu yeertay kooxda. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ergadaan oo ah 76 qof ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii doortay xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari, oo horay u ahaa gudoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan lagu ridin dagaal ay ku qaadeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Baay iyo Bakool, Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow iyo xubno uu ku jiro Sheekh Cali Katiin ayaa dadkaas kula hadlay munaasabad ay qabteen Shabaabka. Odayaasha ay Shabaabka soo bandhigeen ayaa qayb ka ah dufcaddii sadaxaad ee iska diiwaan gelisa kooxda Al-Shabaab, oo ay bilihii la soo dhaafay ay u tagayeen ergooyin badan. Waxaa ugu dambeeyey 51 ergo lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday degmada Bu’aale, kuwaasoo iyaguna sheegay iney kasoo laabteen falkii ay horey u sameeyeen, sida ay Al-Shabaab sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi ah oo xasarad cusub gelinaya maamulka Galmudug kadib markii uu ka laabtay heshiis uu la galay dowladda federaalka. Xaaf ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray weerar culus ku qaaday dowladda, kuna sheegay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii uu Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ugu dhiibay daadihinta geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug. Xaaf ayaa go’aankiisa sabab uga dhigay in muddo gaaraysa 3 bilood ay Dowladdu natiijo lataaban karo aysan ka sameyn arrimihii dib uheshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug, isla markaana ay hakad galeen hawlihii Galmudug. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda Federaalka ah in aysan diyaar u ahayn in ay xalliso khilaafaadkii soo kala dhex galay Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Galmudug, sidoo kale xal uhelidda tabashada Cadaado. Qoraalka Xaaf ayaa lagu sheegay in sababaha uu go’aanka u qaatay ay sido kale qeyb ka tahay “Awood marooqsiga lagusameynayo beelaha iyo odoyaasha dhaqanka ee matala beelaha iyo kala qeybintooda, iyo tagrifalka lagu sameynayo wakaalashada Madaxweynaha Galmudug uu wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.” Sidaas darteed, ayuu yiri Xaaf “Laga billaabo maantay oo ay taariikhdu tahay 29/09/2019, waxa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug dib ula laabatay Wakaalashadii uu Wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta dowladda Soomaaliya.” Xaaf ayaa sheegay inuu si deg deg ah usoo magacaabi doono Guddiyo loo wada dhan yahay oo ka shaqeeya arrimaha Dhab-uheshiisiinta, Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Galmudug, wuxuuna ugu baaqan dhammaan Wasiirada Galmudug isugu yimaadaan deegaanka ugu dambeyn 10/10/2019, si loo dar dar galiyo hawlaha horyaala Dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Xaaf
  17. Ururada Madaxa-banaan waxaay ku baaqayaan in xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinku noqdaan dad karti leh oo aan siyaasadda ku jirin Ururada hoos ku qoran oo ka tirsan Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaay ugu baaqayaan madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, iyo gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan inay u magacaabaan Gudida Doorashooyinka dad karaamo, dhaqan wanaagsan iyo karti leh. Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa hay’ad u muhiim ah qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxaannu ugu baaqaynaa madaxda sharcigu awoodda u siiyay inay magacaabaan xubnaha Gudida inay ka fogaadaan inay magacaabaan ashqaas siyaasadda ku milan. Waxaaanu codsanaynaa in hanaanka lagu magacaabayo xubnuhu uu noqdo mid furan oo shacabku talo ku darsan karo islamarkaana ku dhisan aqoon, karti iyo hufnaan. Waxaanu sidoo kale codsanaynaa in xubnaha Gudida ay ka mid noqdaan haween iyo beelaha laga tiro badan yahay. Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ka codsanaynaa inay marka ay ansixinayaan xubnaha la soo magacaabo inay u qabtaan dhegaysiyo furan oo qof walba lagu soo bandhigo taariikhdiisa, aqoontiisa iyo wuxuu hore u qaban jiray, islamarkaana in qof walba gaarkiisa loo baadho oo loo hubiyo si furan oo shacabku la socon karo, waxna ku darsan karo. Ururada Bulshada ee Madaxa-banaani waxaay uga mahad celinayaan xubnaha Gudida Doorahsooyinka ee hada waqtigu ka sii dhamaanayo hawshii ay qaranka u qabteen intay xilka hayeen. Waxaannu carrabka ku adkaynaynaa mawqifkayaga ah in dib dhac kasta oo doorashada ku yimaada uu yahay mid aan dastuurka waafaqsanayn oo aan la aqbali karin. Ururada soo saaray war-saxaafadeedku waa: 1. Centre for Policy Analysis 2. Centre for Youth Empowerment, 3. COMPAD Human Rights and Community Organization 4. Garsoor Social Development organisation 5. Hodan Women Relief Organisation 6. Horseed Organisation 7. Hope Development organisation 8. Human Rights Centre 9. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) 10. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre 11. Somaliland Women Association (SOWA) 12. Somaliland Women Development Centre (SOWOD) 13. Voice for Somaliland Women Minority Organisation (VOSOMWO) Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh: Independent Somaliland Civil Society Organisations Coalition (ISCO Somaliland) Ms Sahra Mohamed Ali Mobile: +252 63 4329950 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: ISCOSomaliland ISCO Somaliland waa is-bahaysi ay ku bahoobeen ururo madax-banaan oo iska kaashanaya kobcinta dimoqraadiyadda. Qaran News
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in nabadgalyadu aanay Somaliland ku joogin wax lagu ciyaaro ama xukuumad lagu lusho, balse nabadgalayda Somaliland tacab farabadan loo soo maray. Cabdilaahi Cukuse Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somailand ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi sheegay maanta mar uu ka qaybgalay biyo xidheen laga dhagax dhigay deegaanka Laanqayrta Qool-dhuxulaale oo ka tirsan degmada Salaxlay. “Arinta muhiimka ah ee nabadgalyada, waad ogtihiin maalmahan dalkeena waxa yara jira qaar ku kaftama nabadgalyada ama saxaafadd ha ka hadlaan ama yay ka hadline, ama kooxo ha noqdaane waxa ay ku had-hadlaan waa nabadgalyadii iyo noloshii dadka oo ay ku ciyaarayaan oo ay ku kaftamayaan. Nabadgalyadu jamhuuriyada Somaliland kuma joogto ciyaar iyo wax lagu ciyaaro ama uu ku kaftamo ama uu xukuumad ku lux-luxdo, xukuumad ku lulan mayno, shalaybaanu xil haynay, maanta ma hayno. Waanu taageeraynaa, waxaanu ku taageeraynaa nabadda, waxaanu ku taageeraynaa waxqabadka, waxaanu ku taageeraynaa biyahaa dadku cabayaan, waxaanu ku taageeraynaa xoriyada oo aanu illaahay la baryeynaa inuu aqoonsiga inoo soo daadajiyo. Waxaanu garabtaagnaanaynaa cid kasta oo nabadgalyada hiil u ah, Waxaanu ka dhinac nahay oo aanu ka soo horjeednaa cid kasta oo nabadgalyo daro ehel u ah ama ku hadaaqaysa ama ku had-hadlaysa, Muuse Biixina waxaan qirayaa inuu yahay nin horena usoo halgamay, maantana la filayo inuu ka keeno guushii ugu weynayd, taladii hadii Illaahay kuu dhiibayna, waxaanu Illaahay u baryeynaa inuu la qabto wixii mudada dheer uu ku taamayey inuu dalkani noqdo inuu illaahay la qabto ee wanaag ahaa, dadkana waxaanu leenahay waar iimaansada kuwa qawadayow wali labadii sanadoodba muu dhamaysan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa soo saaray wareegto oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ku caddeeyey inay joojiyeen sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kadib markii uu batay khilaafka dhinaca dhul beereedku. Wasiirka Beeruhu wuxuu wareegtadiisa ku socod siiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Awdal iyo Selel oo uu ku wargeliyey in laga bilaabo maanta oo 29ka September ah, uu joojiyey dhammaan sharciyeynta dhul-beereedka Selel iyo Lughaya, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda Horumarinta Beeraha. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed wuxuu madaxda gobollada Awdal iyo Selel iyo masuuliyiinta laamaha ammaanka ee gobolladaas u soo jeediyey inay dhaqan geliyaan wareegtadaas uu ku joojiyey sharciyeynta dhul-beereedyada. Source
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-29092019.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cadeysay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun uu yahay mawaadin soo dhameystay xukun maxkamadeed. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
  22. Saudi Arabia has not yet responded to Houthi claim 500 of its forces were killed or wounded in cross-border attack. Source: Hiiraan Online
  23. Sadex Madaxweyne hore iyo Xildhibaanada Beesha Mudolood ayaa kulan xasaasi ah waxay ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynihii hore Sheikh Shariif [...] Source