Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimadda Online) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil sare iyo dhowr wasiir oo Turki a, taas oo Mareykanka uga falcelinayo howlgalka militari ee uu Turkiga ka wadi waqooyiga Suuriya. Madaxweyne Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaasna ka codsaday in heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence. Pence wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u safri doono gobolka si xaaladda loo dejiyo. Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Hulusi Akar, wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, iyo wasiirka tamaarta Fatih Donmez. Xubnahan ayaa la xanibay hantida ka taalla Mareykanka, waxaana la mamnuucay in wax xiriir maaliyadeed ah lala sameeyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya dowladda Turkiga inay joojiso hawlgalka ay ka waddo Waqooyiga Syria, wuxuuna qorsheynayaa inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda. Tallaabooyinka Trump ayaa ka dambeeyey dhalleeceyn xooggan oo uu la kulmay toddobaad kadib markii Aqalka Cad uu ku dhowaaqay in Turkiga ay ku dhaqaaqayaan hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta Mareykanka ka taageeray dagaalka Daacish. Trump ayaa Isniintii taleefonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo Jeneral Mazloum Kobani, oo ah madaxa jabhadda SDF ee ciidankeeda badankood ay yihiin Kurdiyiinta. Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga, wuxuuna hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga. Dhinaca kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Brussels, si uu gaashaanbuurta NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ugu cadaadiyo cunaqabateen ka dhan ah Ankara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Darawalka wasiirka waxbarashada Somaliland ayaa nin shacab ah ku toogtay deegaanka Dhubato ee degmada Laasgeel. Ninka ayaa ah dhaawac sida uu ii xaqiijiyay guddomiyaha degmada Laasgeel. Ninka dhaawaca geystay ayaa marka uu ninka toogtay waxa la socday wasiirka waxbarashada ee uu Darawalka u yahay. Labada nin ayaa muran kooban dhexmaray sida lay sheegay kadibna Dawaralka wasiirka ayaa la soo baxay Baastoolad oo ku dhuftay ninka shacab ah. Wefdiga wasiirka ayaa ku sii jeeday magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Xigasho: Wariye Xasan Galaydh Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online ) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. Deegaankan oo lagu magacaabo Ceel Geelow, kuna yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dagaalyahannada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa isku fidiyey guud ahaan deegaankaasi, iyaga oo ka bilaabay howlgallo ballaaran. Amniga waddada isku xirta Muqdisho Jowhar ayaa halis sii galeysa, iyadoona ay Al-Shabaab isku dayeyso inay gabi ahaan joojiso isku socodka waddadaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa waddadan ka fulisa weeraro gaadma ah, iyada oo ku dishay mas’uul sar sare oo ka tirsanaa dowlad goboleedka HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Doha)-Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-yahannada Kurdish-ka ee Waqooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortagto “halis kusoo wajahneyd”. Turkey ayaa Qatar ka caawisay inay ka bad-baaddo saameynta xayiraadda dhaqaale ee laba sano jirsatay ee ay saareen xulufo Sacuudiga uu hoggaamiyo. “Eedda oo idil ma saari karno Turkey” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani oo ka hadlay kulanka Madasha Amniga Dunida ee lagu qabtay Doha. Wasiirka ayaa sheegay in Ankara lagu qasbay inay ka jawaabto “halis lama huraan ah oo kusoo wajahneyd amniga Turkiga”. “Markii hore Turkey waxay tiri ‘ha teegeerinna kooxahan’,” ayuu yidhi Mohammed isaga oo ula jeeda kooxda YPG ee Kurdiyiinta Syria. “Cidna ma dhageysan. Waxay isku dayayeen muddo sanad ah inay arrintan xal kala gaaraan Mareykanka, oo ay abuuraan aag amni, si ay halista uga dhaqaajiyaan xuduuddooda.” Ankara ayaa sheegta in YPG ay tahay “garab argagixiso” oo ku xidhan kooxda dalkaas laga mamnuucay ee PKK, oo tan iyo sanaddii 1984-kii wadday dagaal muqaawamo oo ka dhan ah dowladda Turkiga. “YPG iyo garabkeeda siyaasadeed ee PYD waa laan ka mid ah PKK, oo ay urur argagixiso u aqoonsan yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Turkey – iyo cid walba” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa sheegtay in ay aad iyo aad uga xun tahay tigitaanka caleemo saarka Axmed Madoobe ee agaasimaheedii Maxamed Aadan Ilkacase. Waxa ay guud ahaanba dhalliishay dadka Somaliland xilalka ka soo qabtay ee marka xilka laga qaado xamar u xilal doonta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Finance Minister Abdirahman Beileh has torn into the recently released report by the Auditor General citing inaccuracies and failure by the Office of the Auditor General to seek audience with the Ministry before releasing the report. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (HOL) - Finance Minister Abdirahman Beileh has torn into the recently released report by the Auditor General citing inaccuracies and failure by the Office of the Auditor General to seek audience with the Ministry before releasing the report. Source: Hiiraan Online
  8. Raysal wasaaraha Itooboya Abiye Ahmed oo dhowaan ku guulaystay Bilada Nabada ee Nobel Peace Prize, ayaa wuxuu waan waan isfahan iyo mid nabadeed uu ka [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taabid Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay in mas’uuliyadda amniga Muqdisho lagu wareejiyo cid gaar ah oo lagala xisaabtamo falalka ammaan dari ee ka dhaca Caasimada. Taabid ayaa ku taliyey in mas’uuliyadda amniga la hoos geeyo maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si ugu yaan isbedal loogu sameeyo amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in hadda aysan jirin cid qaadata masuuliyada ami darro ee Muqdisho, muhiimna ay tahay in laga gudbi dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la timaado qorshe cad oo laga sugayo amniga dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaalintooda, dowladana ay kala shaqeeyaan amniga guud ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Muqdisho ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada oo uu badan dilal qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Addis Ababa (Caasimada Onine) – Wararka naga soo gaaraya Itoobiya ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta dalkaasi. Xiisada ayaa ka sii dartay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan lagu dilay 17 qof oo ka soo jeeda Cafarta, laguna dhaawacay in ka badan 30- kale. Weerarkan ayaa la sheegay in ay geysteen ciidamada Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in dadka lagu dilay weerarkaasi ay isugu jiraan Caruur, Haween iyo dad Da’ ah. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda, waxaana markasta la filaan karaa in dagaal uu qarxo. Mas’uul ka tirsan gobolka Cafarta oo la halday VOA-da qeybteeda afka Axmaarada ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan afar Haween ah iyo cunug yar oo 6 bil jir ah. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida oo ku aadan weerarkaasi. Dhowan ayey aheyd markii 14 Qof oo Soomaali ahaa ay dileen ciidamada Cafarta oo dhul boob ka wada halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Mid ka mid ah saddexda xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u soo xulay guddiga doorashooyinka qaranka Mr. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa waxa si weyn uga horyimid mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani. Mr. Riyo-raac, ayuu Madaxweyne Biixi ku soo daray xubnaha 7-da ah ee guddiga doorashooyinka, laakiin mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee doorashooyinka, iyagoo ku eedaynaya inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE islamarkaana uu ka qayb galay ololihii u dambeeyay ee doorashooyinka. Golaha wakiilada ayaa laga dareemayaa guux badan oo ka dhan ah Mr. Riyo-raac, waxaana golahaas ka dhex socda olole lagu doonayo inay golaha wakiiladu diidaan in Riyo-raac ka mid noqdo guddiga cusub ee doorashooyinka. Dhinaca kalena waxa golaha ka socda olole ay ka wadaan masuuliyiin qaranka ka tirsan kuwaas oo doonaya inay ansixiyaan xubinimada guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in xisbiga Waddani uu doonayo inuu Madaxweyne Biixi culays ku saaro inuu ka laabto xubinimada uu u soo magacaabay Cabdirashiid-riyo raac ee guddiga doorashooyinka, oo ay ku eedaynayaan inuu ka tirsanyahay golaha dhexe ee KULMIYE. Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata in iyadoo aan la dhammaystirin dhismaha guddiga cusub ee doorashooyinka uu bilaabmay khilaaf ku saabsan shakhsiyaadka loo soo xulay inay ka mid noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka oo ka kooban 7 xubnood. Madaxweyne Biixi ayaa soo xulay saddexdan xubnood Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee doroashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna u xulay guddiga doorashooyinka Mr. Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar, halka uu guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe isaguna gudbiyay Mr. Xasan Yuusuf Ducaale. Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan, ayaa isaguna xulay labada xubnood ee kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Guddiga doorashooyinka qaranka ee xilka haya ayaa wuxuu muddo xileedkoodu ku eegyahay bisha November ee soo socota. Source
  12. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku guuldarraystay in uu noqdo guddoomiyaha urur goboleedka IGAD waxaana jagadan loo doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Kulan ay madaxda dalalka ku bahoobay IGAD jimcihii yeesheen ayaa lagu doortay guddoomiyaha halka xoghayaha ururkana loo doortay Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya oo aamminsana in uu xidhiidh fiican la leeyahay dalalka gobolka ayaa muddo doonayay in uu qabto hoggaanka IGAD laakiin, madaxda gobolka ayaa dalabkiisa meesha ka saartay islamarkaana doortay madaxweynaha ay is hayaan ee Kenya Mr Uhuru Kenyatta. Waxa xusid mudan in madaxweyne Farmaajo isku hallaynayay dawladda Itoobiya laakiin, waxay Itoobiya codka siisay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Farmaajo oo muddooyinkii u dambeeyay dalalka gobolka ka dhex muuqday ayaa hankiisu waxa uu dhabar jab kala kulmay madaxda gobolka waxaana jagadan wareejinaya ra’isal wasaaraha Itoobiya. Source
  13. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara ayna dib uga laaban doonin weerarka ay ku qaaday maleeshiyada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya sababo la xidhiidha dhaleeceyn kaga imaaneysa dowlada Kale. Mr Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu qudbad ka jeedinayay shirka ganacsiga ee ka socda magaalada caasimada ah ee Baku ee wadanka Azerbaijan isniintii shalay. Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Millatariga illaa laga adkaanayo kooxaha Argagixisada ee ku sugan Suuriya. Ma qabno wax dareen ah iyo hanjabaad aan la kulmeyno waana sii wadi doonaa howsha aan bilownay illaa inta aan dhammeyneyno. Source
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo khudbad ka jeedinayey munaasabad sagootin ah oo uu u sameeyey mas’uuliyiintii ka qeyb gashay caleema saarkiisa ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyadda guud, islamarkaana ay ilaaliso Dastuurka u yaalla dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo dowladda federaalka iyo dib u heshiisiin, si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. “Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga.”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxda dowladda federaalka looga fadhiyo ilaalinta waqtiga loo qoresheeyey doorashada 2020-ka illaa 2021-ka, si aysan u dhicin muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorashadaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in farogelinta ay ka deyso dowlad goboleedyada dalka, si loo helo kalsooni lagu wada shaqeeyo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Sabtidii, Axmed Madoobe lagu caleema saaray Kismaayo, iyadoo ay weli diidan doorashadiisii dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. (SLT-Washington)-Qaliin dhib badan oo cakiran ayaa ugu dambeyn horseeday geerida askari Mareykan ah oo sannadkii tagtay lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Soomaaliya, sida ku cad natiijada baadhitaan oo heshay jariidadda New York Times. Alex Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac gaadhay 8-dii June 2018, isaga oo ku sugan xero ku taalla meel u dhow magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Conrad ayaa waxaa ku dhacay firidhka hoobiye, kaasi oo qalay wejigiisa, qoortiisa, calooshiisa iyo lugihiisa, taasi oo hoggaamisay dadaal socda hal sac qaatay oo lagu bad-baadin lahaa noloshiisa. Saddex askari oo kale oo Mareykan ah iyo askari Soomaali ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. Markii weerarka uu dhacay 2:45 galabnimo, Conrad ayaa waxaa durba u kala cararay kooxodii Mareykanka, wuxuuna ka cabanayey xanuun ka hayey lugta, sida baaritaanka lagu sheegay. Daankiisa ayaa waxaa kasoo burqanayey dhiig neefta ku celiyey, taasi oo horseeday qaliin deg deg ah oo tubo looga geliyey qoorta, si uu hawo toos ah uga qaato sambabka. 15 daqiiqo kadib ayaa loola cararay meel amni ah, oo isaga iyo askartii kale ee dhaawacmay ay ka qaadeen laba diyaarad oo ah helicopter noocoodu yahay HH-60 Pave Hawk. Diyaaradaha ayaa dhaawaca ula soo cararay garoonka diyaardaaha Kismaayo, halkaasi oo la keenay 3:15 galabnimo, balse 15 daqiiqo kadib uu ku geeriyodoay saacadda markay ahayd 3:30 pm. Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in inkasta “oo qalliinada ay fuliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh, islamarkaana laba mar ay sameeyeen isku day lagu bad-baadinayo”, haddana Alex Conrad uu u geeriyooday qalad dhacay oo ku saabsan qaabkii loo siiyey tubada hawada siin lahayd. Si kastaba baadhitaanka ayaa go’aamiyey in “shaqsi, koox ama urur gaar ah, aanu sameyn dayacaad” intii lagu guda jiray qalliinka, balse xaaladda lagu jiray oo adkeyd darteed uu qaladka ku dhacay. Source
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin wadahadallo ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya. Madoobe oo Munaasabad xalay ka dhacday Kismaayo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka yihiin waalidkii, islamarkaana loo baahan yahay in wixii kala tabasho ah la xalliyo, bedalkii buuq iyo kala aragti duwanaanshiyo lagu jiri lahaa. “Saaxiibadey, madaxda dowladda federaalka waan ogolnahay, waa madaxdayadi, xafladdan iney nagala soo qeybgalaan ayaan jeclayn inkastoo uu Abshir matalayo, wadankaan iyagaa xukuma, iyagaa waalid ah, iyagaa laga rabaa mas’uuliyadda iney qaataan oo wadankaan hagaan, annagu khilaaf ma wadno, xumaantadooda kama shqeyneyno, wanaag baan rabnaa, hoggaamintooda baan rabnaa, waqtigooda iney dhammeystaan baan rabnaa, kuwa damaca kaga jira iney doorasho sidii shalay nin walbo ku yimid inuu ku yimaado baan rabnaa ee aan ilaalinno midaanna aan ka shaqeynno…wixii xumaado maanta mas’uuliyaddeeda waxa iska leh madaxda dowladda federaalka sababtoo ah iyaga ayaa waalid ah.. waxaan diyaar u nahay cid walbo oo wax inaga tabeysa inaan ka garbaxno” ayuu yiri Axmed Madoobe. DFS ayaa diiddan Axmed Madoobe, kadib markii ay waxbo kama jiraan ku sheegtay doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe meel ka baxsan Muqdisho looga hirgalin doono garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka. Kadib kulan ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka socda maamul goboleedyada K/Galbeed iyo HirShabelle ayaa looga hadlay sida loo wajihi karo iyo halka ay ku haboontahay deegaan ahaan in laga hir galiyo garoonkaasi.. Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banadir, Mudane Aadan Sheekh Cali (Fiidow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo garoon ballaaran oo la jaan qaadi kara kuwa ku yaalla dalalka caalamka Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhismaha garoonkan ay xukuumaddu ka sameyn doonto wadatashiyo, islamarkaana la dhameystiri doono inta ka harsan sanadkan. Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu hormarinayo garoomada ku yaalla gudaha dalka iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. View the full article
  18. (SLT- Tel Aviv)-Wasaarada arrimaha dibadda Jordan ayaa ugu baaqday ciidanka amniga Israa’iil inay sii daayaan laba ka mid ah muwaadiniinta Jordan oo lagu xidhay iyaga oo ka gudbaya xadka dalkaasi uu la leeyahay daanta galbeed. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Sufyaan Al-Qudah ayaa shaaciyay in safiirka Tel Aviv u jooga Jordan looga dalbaday in si deg deg ciidanka Israa’iil ay u sii daayaan Xeeba Cabdulbaaqi iyo Cabdiraxmaan Maari. Dhanka kale kulankan ayaa intii uu socday ayaa qadka taleefanka waxaa ku wadahadlay saraakiil ka tirsan labada wadan, sida ay tabisay warbaahinta Petra. Qudah ayaa dhanka kale sheegay in Jordan ay ka soo horjeedo talaabada ay ciidanka Israa’iil ku xidheen muwaadiniinteeda ayna dib u baadhi doonto sababta ka danbeysa. War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jordan ayaa dhanka kale lagu sheegay in talaabadan ay shaki gali doonto xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil. Xeeba Cabdulbaaqi oo ah muwaadinad u dhalatay Jordan ayaa heysata dhalashada Falastiin waxaana la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay caadi wanaagsan tahay tan iyo markii la Xidhay. Source
  19. Sheekh Xuseen Cismaan Cali guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay diyaar garoobeen sidii looga hortagi lahaa fatahaad laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu ku sameeyo gobolkaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaabada labada Aqal ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay u soo gurmadaan shacabka ku dhibaateysan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/www.mp3 View the full article
  20. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool. Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaannadaasi, gaar ahaan duleedka degmada Xudur. Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad u culus, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aynu la xiriirnay. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha Labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalkan, hase ahaatee xaaladda ayaa saakay ah mid deggan. Ciidanka dowladda ayaa deegaanno duleedka ka ah degmada Xudur ee Bakool waxay saakay ka wadaan howlgal, balse ma jirto cid faah faahisay howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT- Tehraan)-La-taliyaha amMaanka Qaranka Imaaraadka Mr. Tahnuun Bin Zayed ayaa booqasho qarsoodi ah ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan, xilli xiisadDa ka taagan gacanka Khaliijka ay sii Xoogeysaneyso. Mid ka ah saraakiisha sare dhanka Amniga Imaaraadka ayaa u xaqiijiyay majalada Middle East Eye ee fadhigeedu yahay magaalada London. Dhanka kale warkaan lagu daabacay website ka MEE ayaa waxa aan ka hadlin safaarada Imaaraadka uu ku leeyahay UK oo ka gaabsatay. Safarkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zeyed oo ah walaalka ka yar boqorka dalkaas. Kulanka mas’uuliyiinta sare ee maamulada Imaaraadka ayaa imaanaya kadib weeraro bishii May lagu qaaday afar markab oo waday shidaal oo ka shiraacday dekadda Imaaraadka ee Fujairah. Xukuumadda Washington ayaa weeraradaas ku eedeysay ciidanka ilaalada kacaan ka Iiraan. Bishii hore ayaa maamulka Dubai wuxuu soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan hoggaamiyeyaasha Yurub si loo dajiyo xiisadda ka aloosan gacanka Khaliijka. Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqayay in hab diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka Iiraan kala dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Source
  22. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka ay howlgallo ka wadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha Hantiwadaag, Horseed iyo Kulmis oo dhammaan ka tirsan degmadaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka waxaa howlgalladaasi lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro. Sarkiisha ciidanka amniga HirShabelle ayaa sheegay in baaritaanadu ay sii socon doonaan tan iyo inta la xaqiijinayo amniga magaallo madaxda maamulkaasi ee Jowhar. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeen hore gudaha magaaladaasi lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article