-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro’ Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Maxamed Aw Cali Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaji Cali Xasan , Xubno ka mid ah hogaanka Xisbiga Waddani Ayaa Gobolka Gabiley Khaasatan deegaanka Galoolay Kaga qaybgalay Munaasibad Weyn Oo Beesha (Ugaadh Abokor )Ee beelaha Sacad Muuse Ay Taageero Xoogan Ugu Muujinaysay Xisbiga Waddani Iyo Sida Diyaar Ugu Yihiin Inay Qayb Ka Noqdaan Isbadalka Waddani Waddo Ee Hormarka Iyo Cadaalada Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya. Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda. “Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar ka samayso arrintaan,” ayaa lagu yiri warka ay soosaareen Ciidamada Difaaca Dadka Uganda. Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS ayaa waxa uu la wareegayaa talada xilli hawlgalka guud ee ATMIS uu taagan yahay heer gaban gabo ah, kaas oo horay loo qorsheeyay in ay ciidamada ay isaga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadkaan, in kasta oo dawladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay Midowga Afrika in la tartiibiyo qorshaha bixitaanka ciidanka. “Waxaan ku soo biirayaa kooxda anaga oo doonaya inaan hirgalino in hawlgalkaan loo badalo mid cusub marka la gaaro bisha December ee 2024 ta. Ka hogaamiyaha ATMIS ahaan waxaan aadi doonaa xeryaha miltariga ATMIS,” ayuu yiri Kavuma oo soo xigteen Milatariga Uganda. Kavuma ayaa waxa uu badalayaa Janaraal Sam Okiding oo ahaa hugaamiyaha ciidamada ATMIS tan iyo bishii May ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2023 da. Balse mar dambe ayaa waxaa loo magacaabay ku xigeenka Taliska ciidamada difaaca ee dalka Uganda bishii March ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2024. Uganda ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, iyaga oo ku jira hawlgalka ATMIS ee horay loo oran jiray AMISOM, kaas oo ay qayb ka yihiin wadamada Burundi, Djibouti, Kenya, iyo Ethiopia, waxaana inta badan ka yimaada taliyaasha xukuma ciidamada qaybta ka ah hawlgalkaan. ATMIS waxaa abuuray Midowga Afrika oo ay la jirtay dalwadda Soomaaliya, waxaana qorshuhu ahaa in ay nabad ilaalin u yimaadaan Soomaaliya. Waa kuma Samuel Kavuma? Janaraal Samuel Kavuma, oo si guud dalkiis looga yaqaano Sam Kavuma, waa sargaal sare oo ka tirsan milatariga Uganda. Horay waxa uu u soo noqday taliye ku xigeed ee Ciidamada Cirka ee Difaaca Dadka Uganda. Balse sanadkii 2021 kii ayaa digreeto uu soo saaray madaxweynaha Uganda waxa uu noqday ku xigeenka Hawlgalka Abuuritaanka Barwaaqada ee dalkaas, waxa uuna xilkaas hayay tan iyo bishii March ee sanadkaan 2024 ta. Balse waxaa intaas oo dhan ka sii horeeyay in nankani soo noqday taliyaha ciidamada Difaaca Dadka Uganda qaybtooda ku sugneed Soomaaliya ee hawlgalka u joogtay, xilligaas ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii AMISOM. Booskaas ayaa waxaa loo magacaabay bishii October ee sanadkii 2014 kii. Ka hor xilligaas, sanadkii 2011 kii, isaga oo watay darajada Kornayl ayuu Sam Kavuma waxa uu soo hugaamiyay qayb 5-aad ee ciidamada Difaaca Dadka Uganda, oo saldhigoodu uu ku yaalay Wuqooyiga dalka Uganda, balse markii la gaaray sanadkii 2018 kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay darajada ciidan ee Gaashaanle. Janaraal Sam Kavuma ayaa waxa uu hora yuga soo shaqeeyay hawlgallo kan Soomaaliya la mid ah oo laga sameeyay Afrika, waxaana ka mid ah hawlgalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waxa uu ahaa taliyihii xukumayay ciidamada Midowga Afrika ay halkaas u direen si ay ula dagaalamaan kooxda LRA ee aaggaas kusgnayd. Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa waxay sheegtay ATMIS in uu ahaa sargaal khibrad u leh hawlgallada. Dhanka kale, xilliyo hore ayay ATMIS sheegtay in uu ka soo shaqeeyay hawlgallo ka dhacayay wadamo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin South Sudan, Jamhuuriyada Democratic Republic of Congo, iyo dalkiisa hooyo ee Uganda. Waxaa kale oo ay sheegeen in uu tababaro xirfadeed oo ay ka mid yihiin kuwa milatariga uu soo qaatay, uuna haysto shahaadada koobaad ee jaamacadda. Dhawaan ayay sheegeen in uu dhameeyay heerka labaad ee jaamacadda. Isha: BBC The post Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Somalia ee la wareegay xilka u sarreeya ATMIS? appeared first on Caasimada Online.
-
Ayadoo saacado ka hor magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan lagu dilay madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas Ismaaciil haniyah ayaa waxaa isi soo taraysa falcelinta dalalka caalamku dhacdadaas ka bixinayaan. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu yahay dembi aan la aqbali karin gebi ahaanba, islamarkaana uu uga sii darayo xaaladda cakiran ee bariga dhexe, iyo xiisadda gobolkaas ka taagan. ” dhiigga geesiga halgamaaga ah ee Ismaaciil haniyah wuxuu keenayaa cawaaqib xumo aan weligeed laga waaqsan, waxayna sii adkaynaysaa xariirka xooggan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Iiiraan iyo walaalaha wax is caabinta reer Falastiin” ayuu yiri masuul ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Iiraan. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga xakaan faydaan ayaa asna sheegay in shirqoolka lagu dilay Ismaaciil haniyah uu dagaalka marinka Qasa u badali doono mid gobolkoo dhan ku faafa, islamarkaana xukuumadda Netanyahu aysan niyad u haynin wax nabad ah. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen ku sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh ay fal argagixisanimo oo dembi ah, islamarkaana uu la mid yahay ku tumasho iyo gantaal lagu dhiftay qaanuunka caalamiga ah ee dunida. Dowladda Iiraan ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto khaarajinta hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa halganka kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin ay kula jiraan gumeystaha Israa’iil ee gumaadka ba’an ka wada marinka Qasa. Source: goobjoog.com
-
Wafti ay hogaaminayaan Musharaxa madaxweyne Mud C/raxmaan Max’ed C/laahi Cirro, gudoomiyaha Xisbiga Waddani mud Xirsi Cali Xaaji Xasan, musharaxa M/kuxigeen Maxamed Aw Cali Cabdi Iyo masuuliyiin kale oo safar shaqo ugu baxay G. Gabilay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xirsi Aadan Roobel oo kamid Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xog ku aadan in la burburin rabo suuqa wayn ee Bakaaraha. Xildhibaanka oo shir jaraa’id ugu qabtay Wariyeyaasha afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu soo dhammaaday dhulkii bannaanka ee danta guud loo soo jeestay dhulka suuqa Bakaaraha, sida kawaanada iyo meelaha kale ee danta guud, sida uu hadalka u dhigay. Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in qorshahan uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yaboob), wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka suuqa la siiyay digniin ah inay ka guuraan goobahaasi. “Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka amniga Yabooh wuxuu wadaa in dhulka suuqa Bakaaraha la jajabiyo, sida aad la socotaan dadka suuqa digniin ayaa la siiyay markii dhulka bannaanka uu soo dhammaaday ayaa waxaa loo soo jeestay suuqii Bakaraaha” ayuu yiri xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa lasoo arkay kawaanadii iyo dhulkii danta-guud ee suuqa dhexdiisa ahaa sida laamihii iyo meelihii ay canshuurta ku qaadeysay dowladda hoose si dad loo siiyo oo dano leh, maadaamd dhulkii bannaanka ahaa uu soo dhammaaday” Xildhibaan Xiris Aadan ayaa xusay inay soo gaartay cabashada shacabka suuqa, isla markaana ay tahay arrin aan la aqbali karin, uuna farogelin doono baarlamaanka. “Arrintaa ma aqbaleyno mana yeeli karno karno, haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya cabashada dadka ayaa noo timid arrintaas waxa ka shaqeynaayana waa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu farriin u diray duqa magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqay inuu arrintan soo farogeliyo, si looga hortego burburinta uu sheegay in lagu sameynayo suuqa wayn ee Bakaaraha. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay dowladdu burburisay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, kuwaas oo ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana kamid ah xeradii Dab-damiska ee degmada Wadajir iyo sidoo kale xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee degmada Boondheere. The post Suuqa BAKAARAHA oo la burburin rabo kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in ay Israa’iil ka shallayn doonto “dilkii fulaynimada ahaa” ee Haniyah, isaga oo intaa ku daray in Iran ay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed, iyo sharafteeda. Bayaan ay soo xiganeyso wakaaladda wararka ee AFP ayuu madaxweynaha Iran ku tilmaamay Haniyah inuu ahaa hoggaamiye geesi ah. Hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu ahaa dalka Qadar ayaa booqosho ku tagay Tehran si uu uga qayb galo dhaarinta madaxweyne Pezeshkian. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale sheegay in aargoosiga dilkiisa ay tahay “waajibka Tehran”, isagoo intaa ku daray in Israa’iil oo aan sheegan mas’uuliyadda kasbatay sababaha “ciqaab adag”. Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa magaalada Tehran ee dalka Iran kula kulmay Ismaaciil Haniyah hoggaamiyihii kooxda Falastiin ee Xamaas kulankaas oo dhacay shalay oo Talaado ahayd. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo dhinaca kale ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa soo jawaabay, kadib markii hadal-heyn xoogan ay ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay. Bashiir Goobe oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasaaraddan oo magac kale leh uu horay uga soo shaqeeyay, isla markaana uu hadda gartay inuu usii adeego qarankiisa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay siyaasaddu aysan lahayn ujeedo gaar ah, balse ay kula galeyso meel kasto, muhiimadduna ay tahay inaad u adeegto qarankaaga. “Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa qofkii taariikhda siyaasadda Soomaaliya xasuusto wasaaraddan oo magac kale leh horaan uga soo shaqeeyay, meel kasto oo uu qaranka kaaga baahan yahay iyo howl kasta oo markaas lagaaga baahan yahay ayaa soo qabaneysaa” ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qarankan intaan usoo shaqeynayay waxaan soo qabtay xafiisyo badan oo kala duwan oo qiimo badan, haddaba waxaan ka imid wasaaradda howlaha guud ee kama imaan wasaaradda difaaca ama amniga” ayuu kusii daray. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sharciga naafada qaranka oo ay maanta meel-mariyeen xildhibaannada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu muhiim yahay dalka. “Waan ku faraxsanahay wasaaraddan inta aan imid oo aan todobaad gaarin in aan nasiib u yeesho sharcigii naafada qaranka Soomaaliyeed in manta la ansiyxo, waxaan aad uga mahadcelinayaa madaxdii horay wasaaraddan u joogtay ee kazoo shaqeysay sharcigan” Sidoo kale wuxuu baarlamaanka ku amaanay shaqada ay ka qabteen sharcigan oo ay ugu dambeyn maanta go’aamiyeen in la meel mariyo “Waxaan aad iyo aad ugu mahadceliyay xildhibaannnada baarlamaanka oo iyaguna howl wayn kasoo gutay sharcigan” ayuu mar kale yiri. Jawaabta Bashiir Goobe ayaa kusoo aadayeyso, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay xilka loo magacaabay, waxaana sidoo kale cabasho ka keenay haweenka Soomaaliyeed, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre. The post Daawo: Bashiir Goobe oo soo jawaabay: Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Iran ayaa si rasmi ah ugu eedaysay Israa’iil in ay fulisay dilkii Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay dalkeeda, kaddib warsaxaafadeed ay soo saareen ilaalada kacaanka. Warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei , waxaa lagu yiri; “Aargoosiga dhiigga Haniyeh waa mid ka mid ah waajibaadkeenna sababtoo ah dilku wuxuu ka dhacay dhulkeenna.” Madaxwaynaha Iran Masoud Pezeshkian; “Iran waxa ay ilaalin doontaa madaxbanaanideeda dhuleed, sharafteeda iyo karaamadeeda, waxayna ka dhigi doontaa soo duulayaasha argagixisada inay ka shallaayaan falkan fulaynimada ah.” Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas. Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar. PUNTLAND POST The post Dowladda Iran oo si rasmi ah Israa’iil ugu eedaysay dilka Ismaaciil Haniyeh appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada lagu dilay dalka Iiraan, sida ay sheegeen ururka Xamaas iyo xukuumadda Tehran, iyaga oo Israa’iil ugu hanjabay inay uga aargudi doonaan tallaabada ay qaadeen, arrintan ayaa dabka ku sii shidaysa xiisadda sii holcaysa ee gobolka bariga dhexe. Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa xaqiijiyay geerida Haniyeh, saacado kadib markii uu ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaana ay sheegeen in ay baadhayaan dhacdadan. Ismaaciil Haniyeh oo deganaa dalka Qatar, ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda ee Xamaas, isaga oo ururkaas ku metelayey fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh in uu ” wax ka bedeli doono wejiga dagaalka”, halka Iran ay sidoo kale wacad ku martay inay ka aargudan doonto weerarkan ka dhacay caasimadeeda. Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa sheegay in Israa’iil ay la timi arrimo keenaya in si adag loogu ciqaabo, ayna tahay waajib Tehraan saaran in ay u aarguto hogaamiyaha Xamaas ee lagu dilay caasimadooda. Ciidamada Iran ayaa horey weeraro toos ah ugu qaaday Israa’iil horraantii dagaalka Gaza. Ma jirin wax faallo ah ama sheegasho mas’uuliyadeed oo ka yimid dhinaca Israa’iil, marka laga reebo, in milateriga Israa’iil uu sheegay inay qiimaynayaan xaaladda. Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Washington ay ka shaqayn doonto sidii ay xiisada u qaboojin lahayd balse waxa uu sheegay in Maraykanku uu gacan ka geysan doono difaaca Israa’iil haddii la soo weeraro. “Uma malaynayo in dagaalku yahay jidka keliya, taas ayaan ku adkeysanayaa, waxaan filayaa in mar walba ay jirto boos iyo fursado diblumaasiyadeed,” ayuu u sheegay suxufiyiinta xilli uu booqasho ku joogay Filibiin. Qatar, oo xuddun u ah dhexdhexaadinta Xamaas iyo Israa’iil ayaa si adag u cambaaraysay dilka lala beegsaday hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay tallaabo halis ah oo uga sii daraysa xaaladda. Turkiga, Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna si adag u cambaareeyey tallaabadan. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isaguna si adag u cambaareeyey weerarkan. Golaha ugu sarreeya ee amniga ee dalka Iran ayaa yeeshay kulan degdeg ah, iyaga oo qorshaynaya, tallaabada ugu haboon ee ay qaadi karaan, si ay uga falceliyaan dilka hoggaamiyaha Xamaas ee ka dhacay caasimadooda, sida laga soo xigtay ilo amni. Dilkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saacadood ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inay dishay taliyihii Xisbullah oo ay sheegtay inuu ka dambeeyey weerar lagu qaaday buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato. VOA + Reuters The post Cabsi laga qabo dagaal ka dhaca bariga dhexe, kadib dilkii Haniya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimaa Online) – Warsaxaafadeed ay soo saaray Culimada Soomaaliyeed oo haatan shirweyne uu uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas oo saaka lagu dilay caasimada dalka Iran Ug horreyntii Culimada Soomaaliyeed ayaa muslimiinta caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garabka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniyaha). Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Alle ugu baryay Ismaaciil Haniyaha in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo. Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyaha ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian. Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu khaarijiyay caasimadda Iran. Xamaas ayaa sidoo kale ka tacsiyeeysay dilka hogaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran. Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar. The post Culimada Soomaaliyeed oo war culus kasoo saaray geerida Ismaaciil Haniyah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Ismail Haniyeh ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”. Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”. Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas. Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar. Shiine Elmi – Istanbul Source
-
Culumada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyey dil magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geystay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Islaamiga ah ee Xamaas Haniyeh, oo duqeyn lala beegsaday ku nafwaayay. Culumada maalintii 3-aad Muqdisho Shirweynuhu uga socdo ayaa si adag u cambaareeyay dilka Ismaaciil Haniyeh ee ay Israa’iil geysatay, waxayna sheegeen in gumeystaha uu horey u dilay Shiikh Axmed Yaasiin iyo madax kale oo Xamaas ah, hadafkiisa guracanina uusan ahayn mid lagu badali karin halganka xaqa ah ee reer Falastiin. Ismaaciil Haniyeh ayaa lagu diley duqeyn lala beegsaday goob uu kaga sugnaa magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan, waxaana dowladda dalkaasi ay sheegtay inay baarayso cidda ka dambeysa khaarajintiisa, balse waxaa la tuhmayaa in Israa’iil ay weerarkaas geysatay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda xoogan ee diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haddana la ogaaday shirqool ay Itoobiya la damacsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay isku dayeyso inay Soomaaliya ka horkeento dalalka dariska ah, iyada oo ka faa’iideysanaya xiisadda haatan taagan ee kasii dareysa. Fiqi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay fasiraad qaldan ka bixineyso Soomaaliya, ayada oo la wadaageyo waddamada taageera Soomaaliya, si ay hoos ugu dhigaan taageerada ay haatan siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka oo arrintan si gaar ah ula wadaagay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ay u tegtay dalal dhowr ah oo xiriir la leh Soomaaliya, isla markaana ay u sheegtay in dowladda federaalka aysan dooneyn inay wada-hadal la gasho Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda. Ujeedka ay Itoobiya ka leedahay qorshahan ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay in Soomaaliya loo arko dal qaldan, kadibna ay waddamada dariska iyo kuwa kale ee caalamka kala laabtaan taageeradooda iyo xiriirka diblumaasiyadeed intaba. “Waxay doonaysaa Itoobiya in Soomaaliya loo arko inay gardaran tahay oo ay wada hadalka diiddan tahay, kaddibna waddamaas inta ay dhex dhexaad noqdaan ay la laabtaan taageeradii ay siin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli Itoobiya ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyada oo la macaamileyso maamul goboleedyada dalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisadda labada wadda ay yeelatay waji cusub, kadib hubkii ka yimid Itoobiya ee lasoo galiyay Galgaduud, kaas oo lagu boobay degmada Caabudwaaq, kadib markii uu gacan galay maleeshiyaad hubeysan iyo shacab. The post Muxuu yahay shirqoolka ay Itoobiya la damacsan tahay Soomaaliya ee la ogaaday? appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha Milateriga Sudan ee Caalamku aqoonsan yahay Jen, Cabdifitaah Al Burhani ayaa ka badbaaday isku day dil, oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn, taas aan la ogeyn cidda iska laheyd ama ka dambeysay. Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqaymo ka geysatay bariga dalka Suudaan xilli uu booqasho ku tagay taliyaha guud ee ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan. Dad joogayaal ah waxa ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in uu ka badbaaday Al burhan qorshe lagu dili rabay. Dhacdadan ayaa shaki gelisay dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayay dagaalka sokeeye ee 15-ka bilood socday. Ciidanka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli ay ka socotay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday xerada ciidamada Gibet oo qiyaastii 100 KM u jirta magaalada Port Sudan ee xarunta u ah ciidanka. Shan qof ayaa lagu dilay weerarka, oo ah kii ugu dambeeyay ee weeraro xiriir ah oo lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada. Xoogaga Taakulaynta degdega ah, ee ciidanka iska soo horjeeda, ayaan sheegan mas’uuliyadda weeraradii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro dhacdadii. Shaqo joojinta ayaa dhacday maalin kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee ciidamada ay aqbashay casuumaad uu Mareykanka u fidiyay wada-hadallada ka dhacaya Switzerland. RSF waxa ay ku jawaabtay in ay la xaajoon doonto ciidamada oo kaliya, ee aysan la xaajoon doonin islaamiyiinta ka tirsan shaqaalaha rayidka ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyay Taliska Ciidanka Jubaland Buulo Xaaji, halkaasi oo ay shalay booqdeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in dagaalka Argagixisada laga daayo Siyaasadaynta. Madaxweyne Axmed Madoobe oo toos ula hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Xasan Sheekh kala saarto Ciidanka iyo Siyaasadda, si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah. Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ku celceliyay in sababta ugu weyn ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ku jebisay furimaha dagaalka ay tahay siyaasad iyo awaamiir kala duwan oo mid dhinac laga siinayo, taasina u horseeday guul-darrada kaga dhacday goobihii dagaalka Argagixisada. “Mudane Ra’iisul wasaare, Talada Ciidanka intaa dib ugu noqotaan ha lagu xisaabtamo. Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa jebinaya waxa ugu weyn in la isku qaldayo Ciidanimada iyo Siyaasadda. Maalin horena waan ka hadlay arrintaas, Maanta adigii waad joogtaa, Wasiirkii waa joogaa, Taliyihii Ciidanka waa joogaa; Ciidanka iyo Siyaasadda hala kala saaro” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray in haddii Ciidanka isagoo goob dagaal jooga la siiyo Amarro kala duwan iyo xogo kala duwan oo is khilaafsan ay taasi horsedi doonto in Ciidankaasi lagu jebiyo furimaha dagaalka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe: Xamsoow ka daaya Ciidanka Siyaasadaynta waa tii uu ku jabaye appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka, kadib dilkii caasimada Iran loogu gaystay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismaacil Haniyah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”. Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas wuxuu dhankiisa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Haniyah fal “fuleynimo ah oo halis ah”. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta “inay midoobaan, oo ay is dejiyaan una adkeystaan wejiyada gumeysiga Israa’iil” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaalada wararka ee Wafa. Dilka hogaamiyihii ugu muhiimsanaa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa gobolka qarka u saaraya dagaal loo dhan yahay si ka duwan sidii hore, sida uu BBC-da u sheegay Nader Hashemi oo ah barafasoor daraasaadka bariga dhexe ka dhiga jaamacada Georgetown. “Tani waa arrin weyn,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay sidoo kale saameynayso xiisadda Lubnaan sababtoo ah dhowr saacadood ka hor Israa’iil waxay isku dayday inay disho hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbullaah oo ku sugan Koonfurta Beyruut, . Wuxuu sheegay in markii hore malo-awaalku ahaa ahaa in Iran iyo Xisbullah aysan daneyneynin xiisadda sii sii kordhaysa.”Laakiin dilka Haniyah ayaa kor u qaaday xisaabaadkaas”, ayuu raaciyay hadalkiisa. Dowladda Iran ayaa hadda u muuqata in ay haysto tallaabo kasta oo ay sare ugu qaadi karto khilaafka kaatan gobolka. The post Sidee looga falceliyay geerida Ismaaciil Haniyah? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqday saldhigyada ay ciidamadu ku leeyihiin deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo dhowaan ay kooxda Alshabaab dagaal lagu dilay in ka badan 100 dagaalame kula galeen ayaa sheegay in Alshabaab laga saaray inta badan gobollada iyo deegaannada dalka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay soo afjaridda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, si Soomaaliya u noqato dal nabdoon oo falalka argagixisanimo iyo qulqulatooyinka ka caaggan. Xamse oo ku sugan deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ciidamada qalabka sida ee aaggaas ka howl-gala ku bogaadiyey dagaalka naf hurnimada ah ee ay ku jiraan, asagoo ku dhiirigeliyay inay gudanayaan xil cibaado ah oo ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan. Source: goobjoog.com
-
May 6, 2017, Xamaas oo ah dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qasa, ayaa Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniyeh u doortay madaxa xafiisa siyaasadda, isagoo bedelay Khaalid Meshaal. Haniyeh waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Shaati ee Qasa, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay dawlada Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa. Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas. Waxa uu koray Xamaas dhexdeeda isaga oo gacan-yaraha u ahaa aasaasihii Xamaas, Marxuum Shiikh Axmed Yaasiin. Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil. Horraantii sannadkan, weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa. PUNTLAND POST The post Kumuu ahaa Ismaaciil Haniyeh hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas ee saaka la dilay? appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah. Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniyeh lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran. Haniyeh ayaa shalay la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei iyo madaxweynaha Masoud Pezeshkian,halkaa oo uu uga qeybgalay caleema-saarka Pezeshkian. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya oo lagu dilay dalka Iran appeared first on Puntland Post.